Sunday, September 29, 2013

Ragna Doorki Baad Tahay (hees)

Doolliyo Afmeeroo
Roobaan dabayliyo
Duufaan wax qaadiyo
Dibindaabyo lagu arag
Mawlle ugu deeqoo
Dhulka meesha didibta
Daadkii ku soo jabay
Dambaskii uu kala tagay
Iyo digadii xoolaha
Oo mareerku dayr dhalay
Hoobaan da'aysiyo
Malab yaroo ka daatiyo
Dusha miro ku leeyiin
Daymada sidoodii 
Marka aan ku daawado
Indhahay daraandara

Dadna adaa ugu qurux badaneey
Waagoo dillaaciyo
Dabna adaa ka oog Dheer
Ragna doorki baad tahay 
Dookhna waa kan igu jira
Duntuna iigu kaa xiran

Diishoo barwaaqoo
Dirir-Cawlle ku onkoday
Dooggiyo xareeddii
Labadu is dabaasheen
Duunyaduna galabtii
Laxda sabada daaqdiyo
Nayluhuna duleedkii
Farduhu is dugsnayaan
Oy dumarku xoolihii
Soo dabbaala leeyiin
Awrka dabarka lagu xirin
Meel dheerna laga dayin
Dayashada kalgacalka le
Marka aan ku daawado
Indhahay daraandara

Dadna adaa ugu qurux badaneey
Waagoo dillaaciyo
Dabna adaa ka oog Dheer
Ragna doorki baad tahay 
Dookhna waa kan igu jira
Duntuna iigu kaa xiran


No comments:

Post a Comment