Friday, May 31, 2013

Galaan Goolleey (hees)

Goodkiyo abeeskoow
Gucumaale aaroow
Wiyishaa gadooddee
Geeska rayska galisaay
Gerigiyo haldhaagoow
Galowgiyo shinbirahoow
Garasho seed u leedihiin
Caashaq ma idin galay wali
Labo gacal ahaayoo
Kala gooyay waayuhu
Gargaar maw taraysaan
Ma isu geyn karaysaan?

Galaan-goolleey 
Gef bay baratee siddiri gam
Hadday gabar tahay 
Anaa gaya ee siddiri gam

Haddii aan go'doomoo 
Gaari waayay taan rabay
Gar bay noqotay caashaqa
Inaan dabo gurguurtee
Xagga gebi xaggana gebi
Gudcur daaha soo rogay
Gaashaan-qaad habaabiyo
Gulufoow dhul kuu siman
Gurmadkaygu weeyee
Geedahaan ka baqayaa
Goormaan socdaa
Xaggee gaari karayaa?

Galaan-goolleey 
Gef bay baratee siddiri gam
Hadday gabar tahay 
Anaa gaya ee siddiri gam

Adduunyadaan galgaladkee
Gaafaha nabsigu wado
Rag baa goor xun waligii
Gabagabo fariistee
In kastoo la gaadoo
Laga gacan sarreeyo
Geesigu ma liicee
Gami' maayo ruuxii
Goob aboodi seexdee
Gaari iyo ninkeedee
Yaa geyaan is jecel 
Gogoshood yaqaanna?

Galaan-goolleey 
Gef bay baratee siddiri gam
Hadday gabar tahay 
Anaa gaya ee siddiri gam

Thursday, May 30, 2013

Taladaan La Ruugin Waa Lagu Rafaadaa (hees)

Wiilka:
Rugta lagu abaarsado
Raranka iyo uumiga
Haddaan reerka laga rarin
Xoolahaa ku riiqmee
Naftaydaa ku raacdee

Waa rune waa rune
Adna ha iga roorine

Gabadha:
Naftaada i raacdeed
Iga raaridaysaa
Haddii ay run kaa tahay 
Kaa roori maayee

Taladaan la ruugin
Waa lagu rafaadaa

Wiilka:
Geel rimay ninkii sugey
Raadsaday markuu dhalay
Ramadkiisa maaloo 
Baahida ka raystee

Waa rune waa rune
Adna ha iga roorine

Gabadha:
Hawraar la raaciyo 
Raad ma laha beentuye
Qalbigaan rigrigay bay
Ruxayaan maahmaahuhiye

Taladaan la ruugin 
Waa lagu rafaadaa

Wiilka:
Raasamaalka guurkiyo
Raaxada adduunyada
Raalliya ninkii helaa
Ragannimo ku faanee
Naftaydaa ku raacdee

Waa rune waa rune
Adna ha iga roorine

Gabadha:
Rag waa xilo bilaaliyo
Geesi ruuxa deeqee
Middaad tahay rabbaa oge
Kala reeb faalladoo

Taladaan la ruugin 
Waa lagu rafaadaa 

Tuesday, May 28, 2013

Dadna Adaa U Qurux Badaneey (hees)

Dalsankii Wiriiroo
Xilligu ku di'i jiray
Danbasamuhu ku onkaday
Darantuna ugbaad tahay
Oo ramadku dayr dhalay
Dir-cadkiisii loo dhigay
Nirgaha meel duleedka
Damballada harkoodana
Dikrinayso culimadu
Hablo dahab la moodiyo
Doobkiyo barbaartuna
Ilaa waagu daalaco
Sacabka aanay deynayn
Daymayda sideedii
Marka aan ku daawado
Qalbigay igu diirsada

Dadna adaa u qurux badaneey
Deegaanta roobkiyo
Adaa doogna ka udgoon
Dumarna waa adoo qura
Dookhna waa kan igu jira

Xiddigtii Dagaariyoo
Dayaxa iyo cadceeddiyo
Deris oo gantaalaha
Dacallada ka bixiyiyo
Diillimo iska hor yimid
Daahay dhammaanoo
Cirka meel ka wada dagay
Oo dab iyo nuurkiyo
Midabkooda dahabka
Daaweystay maalmoo
Danwadaag shucaac u le
Dusha caad isaga maray
Dar Allee jalleecada
Waxay dunida u eg yiin
Dambi li'i adaa jira

Dadna adaa u qurux badaneey
Deegaanta roobkiyo
Adaa doogna ka udgoon
Dumarna waa adoo qura
Dookhna waa kan igu jira



Friday, May 24, 2013

Harodigeed (hees)

Hawlahu adduunyadu 
Waa kuwa is haystoo
Aan kala haraynoo
Hammiga iyo faraxuna
Midba waa halkiisee
Habeyn-dhalad midkii ah
Iyo kii nasiib ku haray
Ways hareer socdaanoo
Kala harina maayaan
Aniguna Haweeyaay
Naftaydii habeynnadaan
Halis bay ku sugantoo
Hillaac aan dhaweyn baa
Halka geelu daaqiyo
Beesha Harodigeed iyo
Hawd iiga muuqdee

Dhul uu huguf ku da'ayoo
Hambalo ay ku taal baan
Ku haloosiyaayoo
Maskaxdu ay la hadashaa
Hogol aan roob lahayn baan
Hor boqoolayaayoo
Haadaamo qodan baan
Ka dhex heesayaayoo
Jaceyl aan harayn baa
Heeryada i saaroo
Jinni haatufkiisaan
Haasaawiyaayoo
Haybshaa jacaylkiyo
Halka aad ku nooshee

Thursday, May 23, 2013

Gari Ma Kaa Baxdaa? (hees)

Wiilka:
Gari ma kaa baxdaa
Adiga ma ku gashaa
Adiga ma ku geydaa
Adiga talo ma kaa go'daa?

Gabar yahay nin baa yiri;
Ka gabyaayay caashaqa
Kalgacayl gob weeyaan
Kii nacaa gun weeyaan
Hadalkiyo godkiisee
Maw garatay xeesheed
Mise geeddi baa dhimman?

Gabadha:
Gari ma kaa baxdaa
Adiga ma ku gashaa
Adiga ma ku geydaa
Adig talo ma kaa go'daa?

Jacayl guulle oo
Gacmo furanna lagu dhaqay
Farxad lagu gardaadshaa
Gabdho loo la imaan jiray
Ninba miraha uu guran
Geedkuu yaqaannaa
Noloshiisa waw gaar

Wiilka:
Gari ma kaa baxdaa
Adiga ma ku gashaa
Adiga ma ku geydaa
Adiga talo ma kaa go'daa?

Gar cadaawe sheekada
Haddii aad ku goyseen
Ood baratay gaadmada
Iyo uur-gumaarkaba
Usha xubinta laga goyn
Geel-jiraa yaqaannee
Maxaa adiga kaa galay?

Gabadha:
Gari ma kaa baxdaa
Adiga ma ku gashaa
Adiga ma ku geydaa
adiga talo ma kaa go'daa?

Godob ruuxii laga galo
Gocoshada ma daayee
Kii galayna maba oga
Gashi buu amaahdee
Gaarba meeshuu guud maro
Gorod baa hor joogtee
Waa inoo gun iyo baar

Wiilka:
Gari ma kaa baxdaa
Adiga ma ku gashaa
Adiga ma ku geydaa
Adiga talo ma kaa go'daa?

Anigu goray haldhaa iyo
Wiyil gaaxataan ahay
Adna goroyo cawl iyo
Geri oomman baad tahay
Shinbir garab la' baad tahay
Guuguulaha dhawaaqaa
Gabbal yaanu kaa dhigin

Gabadha:
Gari ma kaa baxdaa
Adiga ma ku gashaa
Adiga ma ku geydaa
Adiga talo ma kaa go'daa?

Gobi waxay u hoyataa
Guri nabadi taallaa
Garna waxay taqaanaa
Ka-garaabaheedii
Ruuxii sheeka kuu galaa
Haddaan hadalka laga gurin
Inuu gaabsadaw roon



Wednesday, May 22, 2013

Gobolka Gedo

Gobolka Gedo

Gedo waa mid ka mid ah gobolladii 18ka ahaa ee jiray kahor burburkii weynaa ee 1991dii. Abbaaraha bedka gobolkaasi waa ilaa 43,000 km2, waana gobolkii labaad xagga baaxadda gobolladii 18ka ahaa (1aad waa Bari...70,000km2) ee dalka loo qeybshay. Marka la tixraaco hilaadintii UNDP-da ee 2013ka dadweynaha Gedo ku nool waxaa lagu sheegay ilaa 536,300 qof. Gobolkaani waa kan kaliya ee seere la leh afarta gobol ee kala ah; Bakool, Bay, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. Sidoo kale waa kan kaliya oo seere la leh labada dal ee Kenya iyo Itoobiya. Haddana waa kan kaliya ee ay ku kulmaan labada webi ee Ganaane iyo Daawo, markaas kadibna wada sameeya webiga dalka ugu weyn waa Jubba e. 

Wabiga Jubba wuxuu ka soo bilawdaa Degmada Doolow wuxuuna ku burqadaa dhulalka hoobadka ah ee fidsan ilaa Badweynta Hindiga. Biyaha ka soo qulqulay dalcadaha sare ee Itoobiya waxay soo xanbbaartaan ciid carro-san ah, waxayna biyahaasi ku firdhiyaan ciiddaas dhulalka goglan ilaa Badweynta Hindiga. Dhulalkaasi waa kuwa ugu carrosan ama hodonsan dagallada Soomaalida. Gedo waxay caan ku tahay carro midabbo kala jaada leh iyo baxaaliga dhulalka oo iyana kala jaad ah, malahana waa halka magaca Gedo laga soo dhanbalay (Gedo= wadarta ged oo si ama xaalad ah).

In kastoo Gobolka Gedo dhan kastoo laga eego yahay mid istaraatiiji ah, haddana maamulladii dalku soo maray wax horumar ah oo qummaan uma samayn. In kastoo gobolkaasi yahay irridaha ganacsiga ku wajahan dalalka deriska ah, wuxuu wali tabayaa waddooyin ku xira dekadaha dalka. Wuxuu wali tabayaa kaabado lagu dul qotomiyo togagga badan oo mar kastoo roob da'o go'doon ka dhiga gobolka. Wuxuu wali tabayaa biyoxireenno waabiya biyayowga isaga shubma badda. Wuxuu wali tabayaa maamul ka miro dhaliya awooddiisa ganacsi, beereed iyo xoolaad. Wuxuu wali tabayaa waxgarad aragti dheer oo horseed ka noqda wanaajinta siyaalaha gobolka.  

Maamul Goboleedka Jubba ee dhawaan lagu dhawaaqay wuxuu ka kooban yahay seddexdii gobol; Jubbada Sare (Gedo), Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. Dadka ka soo jeeda Gedo oo qabanqaabada iyo dedaallada maamulkaan ka qeyb qaatay, sida muuqata waxay garwaaqsadeen baahida weyn ee gobolkoodu u qabo iskuxir xagga badda ah iyo horumarinta dhulkooda muddada dheer dayacnaa. 

Dhanka kale, 1991dii markii dawlad qarameedkii Soomaaliya la burburiyay oo ay dagaallada ba'an ku baaheen dalka, waxaa Muqdishow-dii dhextaalka u ahayd  shacabka S/liyeed dhammaanteed booliyay tol ka mid ah tolalka S/liyeed ilaa haddana tolkaas bay u tahay dhufays adag. Tolalkii kale oo u qaxay dhulalkii ay dhaqan ahaan ka soo jeedeen, waxay u tageen magaalooyin magac ahaan jira, hase yeeshee aan lahayn wax kaabi kara nolosha magaalo, sidaas darteedna, waxay dantu ku qasabtay inay u qaxaan goonyaha dunida oo dhan. 
Haddaba taariikhdaas wali raadkeedu qoyan yahay waa tan keentay in la hadoodilo maamullo goboleedyo si aada ugu foognaada horumarinta degalladooda. Waxay taariikhdaas dhaw na bartay, inaan ka dedaallo in dhoohnaantii aan ku hodmannay aysan dib dambe noogu dhicin. Wuxuu caqliga toosan na barayaa in gobollada dalku si barbarro ah u horumaraan, si aan mar dambe u dhicin inaan qaxooti ku noqonno dalkaan u dhalannay oo aannaan mar dambe tacabkaan u dhididnay si fudud loo xalaalaysan. 

Sidaas darteed, ma jiri karo qof danta guud oo dadkiisa ka fakaraya oo diidi kara Maamul Goboleedka Jubba, mana jiri karo qof aragti fog oo ka hor imaan kara maamulkaas. Qofka arka dan kooban oo asagu leeyahay oo aan u turayn tan guud ee dadkiisa oo haddana aan la xishoonayn anaaniyaddiisa sow da' la eeday maaha?
   Sandareeta beenta 
      Sanka loogu shubay
     Sooruu cunay mood 
Waase lagu sabay 
hoos lo'aad

Monday, May 20, 2013

Muqdishow Maka Maaha


MUQDISHOW MAKA MAAHA

Marka hore, sannad walba samo ku jooga

Qiyaasta 195ka dal ee maanta ka tirsan Qarammada Midoobay (United Nations), waxay mid walba leedahay magaalo-madax ama xarun looga taliyo dalkaas. Ka sakow, ahaanta xarunta siyaasadeed ee dalka, waxay kaloo tahay muraayadda laga daawado dalkaas. Waxay kaloo xaruntu u taagan tahay astaanta midnimada dadweynaha dalkaas. Sidaas darteed, waxaa aad looga fiirsadaa doorashada halka ku habboon caasumadda iyo nakhsadeynteeda. Waxaa ka mid ah siyaalaha lagu doorto goobta laga Dhigaayo caasumadda:

- Inay dhacdo goobtu meel ku beegan bartamaha dhulka dalkaas.
- In laga fogeeyo magaalada inay u noqoto saldhig garab ka mid ah xoogagga siyaasadeed ee dalka loo egmanaayo caaasumadda.
- In loo abuuro agaasin ka duwan sida loo agaasimo qeybaha kalee dalka, sidaasna lagu dhawro dhexdhexaadnimada xarunta.
- In si taxaddar leh loo hindiso nakhshadda Magalada iyo degaannadeeda si loo ilaaliyo bilicdeeda.
- Inay ka durugsan tahay magaaladu meelaha ay khatari uga imaan karto.
- In goobta magaaaladu ku taal ama agagaarkeeda laga heli karo kaabayaasha ku filan ku noolaanteeda sida, biyaha oo kale.
- Iyo qaar kale.

Caasimaddu maaha meel muqaddas ah oo ka dhigan xarun diimeed ee mar kastoo ay gabto ku-habboonaantii la rabay waa la beddelaa, waxaanna u soo joognay dalal raray xaruntii siyaasadeed oo yagleelay mid cusub, tusaalana waxaa nooga filan Dalka Naygeeriya oo ka raray xaruntii Laagoos una raray Abuuja iyo Dalka Bakistaan oo ka raray xaruntii Karaaji una raray Islaamabaad. Taariikhda waxaa ka millaalan isbeddellada ku dhaca xarumaha dalalka.

Muqdishow waxaa la filayaa in la unkay qarnigii 9aad ilaa kii 12aad, waxaana loo unkay inay noqoto bar ganacsi. Waxaa Muqdishow marar ka dad badnaa Marka, Baraawe iyo Afgooye. Waxay Muqdishow kobocday markii dawladihii Reer Yurub ku habsadeen Soomaaliya, waxayse si weyn u bullaashay markii 1960kii loo gartay xaruntii siyaasadeed ee Jumhuuriyaddii Soomaaliya.

Intii Soomaaliya aheyd dal madaxbannaan, waxay dawladihii reer guriga ahaa ku dhaqmeen siyaasadda awood-siinta hal magaalo, ilaa dalkii yeeshay naaneysta; dalkii halka magaalo (state of one city). Waxaa dhaqaalihii dalkoo dhan dawlad iyo shacabba laga dhigay mid lagu maalgeliyo Muqdishow iyo meelo aan iyada ka fogeyn. Dalka intiisii kale wuxuu noqday mid dhan walba marti ugu ah Muqdishow.

Xilligii burburintii weynayd ee 1991dii, waxay xoogaggii gadooday cagta marsheen nool iyo moodba waxay Dawlad-Qarameedkii Soomaaliyeed laheyd. Xoogaggaas oo u abaabulnaa hab qoleed waxay weerraro baahsan ku qaadeen qolooyinkii kale ee Soomaaliyeed. Mararkaas waxay caasumaddii dalka u adeegsadeen sidii saldhig toleed oo kale. Dhammaan dadaalladii la waday ee ku wajahnaa talis-sameynta iyo dhaqaaleynta dalka, waxaa lala abbaaray Muqdishow iyadayna ku dhammaadeen. Dalka intiisii kale wuxuu noqday mid joogto u qatan.

Intii lagu dhex jiray marxaladda burburka iyo baaba’a waxay Muqdishow aheyd magaalo beelo gaar ahaaneed xarun siyaasadeed iyo xarun ganacsiba u ah. Isla markaasna lagu sheego caasumaddi Soomaaliya ee muqaddiska aheyd. Dwaladihii lagu sheegay ku-meelgaarka ee dhawr jeer la soo dhisayna waxay ka tillaabsan waayeen xannibyadii Muqdishow oo qura oo aan magaalo kale soo raacin. Xubnihii siyaasadeed ee u illaday xukuumadihii la soo dhisay waxay magan u wada noqdeen qolooyinkii sheegtay Muqdishow.

Bal daya, waxaa la leeyahay reeraa leh, haddana waa bartii kulmin laheyd  Soomaali oo idil.

Mar hadday Muqdishow sidaas ku sifowday sow ma habboona in xarunnimadeedii laga guuro oo meel kale loo xaarxaaro Caasumaddii Soomaaliya?

Caasumadda cusub ee la aasaasaa waa inay noqotaa:
- Waa inay ku taallaa dhul, tusaale ahaan 30 KM oo dhinac walba ah ay leedahay Dawladda Dhexe ee Soomaaliyeed.
- Waa inay noqotaa magaalo leh maamul gaar ahaaneed oo ay wadaagaan dhinacyada siyaasadeed ee dalku.
- Waa in laga ilaaliyaa koox hab toleed ku dhisan inay awood gaara ku yeelato ama tahli karto inay muquuniso.
- Waa inaysan noqon magaalo ganacsi ee kaliya noqotaa magaalo siyaasadeed.
- Waa in qiimaha dhulka ay caasumaddu leedahay noqdaa mid ka qaalisan dhulalka kale ee dalka, si dhismayaasheedu aysan u noqon buulal halleeya muuqaalkeeda, loogana dhiso dhismayaal u qalma xarunnimada.
- Waa inaysan noqon magaalooyinka hadda jira oo sida abi’ la’aanta ah loo dhisay. Kuwaas oo ay adkaaneyso in dib-u-habeyn lagu sameeyo ama kharashku badnaanaayo.
- Waa inaysan yeelan warshado badan oo loo soo shaqo tago. Waxaa sidaan ku yaraanaya dadka hawl la’aanta ah oo dhibabku ka imaan karaan, waxaana fududaanaya maamulka xarunta iyo nabad-sugiddeeda. Waxaa kaloo sidaas ku dhismaaya qeybaha kale ee dalka.
- Shacabka dagaya Magalada ee rayidka ah waa inuu noqdaa mid il gaar ahaaneed lagu dhawro si aysan marna u dhacin Sababihii looga guuray Muqdishow.
- Iyo qodobbada kale ee lagu sii bili karo xarunta.

Waxaa hubaal ah haddii aan arrinta caasumadda wax laga qaban ee lagu sii sugnaado sida haatan habsanka loogu yahay Muqdishow inay dheeraaneyso uruurinta iyo hanashada siyaasadaha Soomaaliya. Dhinicyadii ka sii illashay xarunnimada Muqdishow oo u ambaqaaday horumarinta geesaha kale ee dalka, waxay mudan yihiin ammaan, tixgelin iyo ku dayasho. Waxaa kaloo hubaal ah inaysan Muqdishow aheyn Maka Al-Mukarramah.




Friday, May 17, 2013

U Hub Qaad Meel Kale (hees)

Wiilka:
Qalbigaaga hoo i yiri
Kaygana ka soo helay
Hoodadii kalgacalkee
Hamuuntiisa waxaan qabay
Biliyo habeynnee
Hurdi waayay awgaa
Halistiinii gaaree
Ma harsado daraaddaa
Dhuunigiina hiifee

Adna ha i hungeynoo
Ha ii heerin nacabkoo
Walaal ha iga hoos gelin
Hog-galihii jacaylkee
Hab ku soo dheh caashaqa

Gabadha:
Qalbigaaga hiif yiri
Kaygana ka soo helay
Hebad yahow xumaantee
Hubsiinuu hal siistaa
Nin ragihi habeyn yahow
Hubuq tiri dalluun dheer
Adigoo hadraayee
Hilbahaaga ha u dudin
Ha u haliilin cunistood
La halaanhal qayrkaa
Haween waayi mayside

Hor u soco nasiibkaa
Geyaankaaga waad heliye
U hub qaado meel kale

Wiilka:
Halis weeyo caashaqu
Hooto waa ka daran yahay
Hadalna kaama yeeloo
Waa kii halyeeyadii jaray
Hodan iyo Cilmi dilay
Hillin waa halbawlahu
Iga habaya dhiiggoo 
Haamaha wadnihiyo
Gaarsiinin hanaqee


Adna ha i hungeynoo
Ha ii heerin nacabkoo
Walaal ha iga hoos gelin
Hog-galihii jacaylkee
Hab ku soo dheh caashaqa


Gabadha:
Hadimadii jacaylku
Haddii ay ku hayso
Kaaga hiillin maayee
Hataq isku tuurine
Ha ku dhici haadaantee
Hindisaha ka saaroo
Ha i hawaysan anigee
Haabashada tartiibsoo
Heddadana ha goynoo
Ha is jarin halbawlahee
Hareer iiga leexoo


Hor u soco nasiibkaa
Geyaankaaga waad heliye
U hub qaad meel kale



Thursday, May 16, 2013

Ma Ogiye Jacayl Waa Maxay? (hees)

Mid uun baan qalbiga 
Ka maqnaaninoo
Ku dhex maaxatee
Markii aan arkana
Meel uun bay go'dee

Ma ogiye Jacayl waa maxay?
Waa macaan ama waa kharaar
Kolba waa siduu kuu soo maree

Waa magaca cudur 
Midka ugu xumee
Dadku moog yahee
Ma moodeyn sidaane
Bal maleeya oo 
Maxaa lagu daweeyaa?

Midab lagu gartiyo
Waxaan muuq lahayn
Ayuun bay mirtee
Muran iyo gar baan
Mududuul cidla'a
Isku muruxsannee

Ma ogiye Jacayl waa maxay?
Waa macaan ama waa kharaar
Kolba waa siduu kuu soo maree

Waa magaca cudur 
Midka ugu xumee
Dadku moog yahee
Ma moodeyn sidaane
Bal maleeya oo 
Maxaa lagu daweeyaa?

Ma-hadhada iyo dhibtiyo
Murugadaan qabo
Dadku ii malee 
Inaan ahay maraan
Lagu maadsadee


Ma ogiye Jacayl waa maxay?
Waa macaan ama waa kharaar
Kolba waa siduu kuu soo maree

Waa magaca cudur 
Midka ugu xumee
Dadku moog yahee
Ma moodeyn sidaane
Bal maleeya oo 
Maxaa lagu daweeyaa?






Wednesday, May 15, 2013

Aan Maalno Hasheenna Maandeeq (hees)

Waa maalin muran iyo
Makeeki haree
Waa maalin Ilaah
Maasheeyee
Aan maalno hasheenna
Maandeeqeey

Maggowdoo candhadii
Gollaha marisee
Aan maalno hasheenna
Maandeeqeey

Dhaxaan murug iyo
Harraad mudannee
Maantay curatooy
Mataaneysee
Aan maalno hasheenna
Maandeeqeey


Maggowdoo candhadii 
gollaha marisee
Aan maalno hasheenna
Maandeeqeey


Waa maalin duco iyo
Bil mawliide
Waa maalin Ilaah
Oo magac lee
Aan maalno hasheenna
Maandeeqeey


Maggowdoo candhadii 
gollaha marisee
Aan maalno hasheenna
Maandeeqeey


Ma jiro maanta
Midab gumeysigiiye
Waa maalin cad 
Oo aan madoobeyne
Aan maalno hasheenna
Maandeeqeey

Maggowdoo candhadii 
gollaha marisee
Aan maalno hasheenna
Maandeeqeey



Friday, May 10, 2013

Heesaha Wardheer (hees)

Hoodo iyo ayaan baa
Lagu kala horreeyaa
Hanti nimaan lahayn baa
Gabar lagu haweeyaa
Waligii hagoogtee
Hammi lagu yaqaannaa
Hogashada ma moodee
Sidii baan harraadkiyo
U qabaa hamuuntee
Hammo ii luraysaa
Riyo ii hor socotaa
Sidii baa haddaydiyo
Wadku ii higsanayaa
Misna heeryo diidoo
Ma oggoli hoggaankee

Ma og tahay habeynkii
Hurdo ima kaxaysoo
Hadal uma dheg taagoo
Heesaha Wardheer baan 
Ku habaa naftaydoo
Indhawayd hortaydaa
Dadku igaga hoydaa

Hoogtooy adduunyooy
Hoosiiska meeraay
Harka labadiisa geliniyo
Mugdi lagu hallaabaay
Balli lagu hungoobaay
Hayin laguma guuraay
Garta hoos ka siiyaay
Halaq iyo abeesaay
Ninka raga ka hiishaay
Doqonkana hullaabtaay
Inta hebel la waayaan
Haystaa warkoodoo
Ma og tahay haweenkii
Hadalkoodba daayoo


Ma og tahay habeynkii
Hurdo ima kaxaysoo
Hadal uma dheg taagoo
Heesaha Wardheer baan 
Ku habaa naftaydoo
Indhawayd hortaydaa
Dadku igaga hoydaa


Thursday, May 9, 2013

Geela Iyo Galayax (AUN)



in kastoo daaqsatada Soomaaliyeed wada jeceshahay geela kaasoo noloshooda wax weyn ka tara, haddana wuxuu Cabdigalayax ku tilmaannaa nin si weyn u jecel geela, waxaaba jirtay dhacdooyin la xiriiray guurkiisa oo ay isaga iyo xididkiisii isku eedeen tulud geela awgeed taas oo uu ku muujiyay meerisyadaan; 

Haddaan geela yawgii walbaba, ugu yaboohaayo
Ama qaalmo yuuyuubanoo, yarada dhiibaayo
Gabadhaad* dhashii Yurubtiyo, Yamanta moodaysay
Yareey uma fureen maalintii, yaabka loo go'aye

1970-aad kii baa magaalada Muqdishow lagu qabtay tartan looga gol lahaa gabyaaga Soomaaliyeed ee waayahaas noolaa kan ugu gabay-yahansan, waxaana dhammaadkii tartanka lagu caleemo saaray Cabdigalayax oo loo aqoonsaday gabyaaga kowaad, waana tan tixdii uu ku mutaystay kaalinta kowaad:

Anoo qayd malaykaana qaba, maraba waa cayne
Iyo haatan madaxayga oo, meela ka caddaaday
Intaasaan mareerta u sidoo, daba malluugnaaye

Wax dhan baan Mataanaha ka shubay, tii macaan badane
Wax dhan baan wadaan uga malmalay, ceelal maax kulule
Wax dhan baan ku miray toomihii, mulufka weynaaye
Wax dhan baan habeynkoo mugdiya, mayracoo rogaye
Wax dhan baan magaalo u huroo, mayracoo dhaqaye
Wax dhan baan haween uga maqnaa, mehersigoodiiye
Wax dhan baan maqaarrada u siday, igarro muuq dheere
Wax dhan baan masaar qaatayoon, moorada u dhigaye
Wax dhan baan u maray baarqabtii, tii maydebta ahayde
Wax dhan baan islaan soo martiyay, gaawahaw muraye

Madow iyo caddiin iyo guduud, midabyadii geela
Macnahiisa oo idil sidaan, anigu moodaayo
Kolay Maxammad iyo Raage tahay, odayadii mayday
Waa muran nin kaloo yiri, kaaga muunsaniye

Mas qallacay mariid bahal lahoo, micida gaarsiiyay
Ragaad muday makaab qoriyahoo, milil  ku feexoobay
Mudniin dhugato macluul dhukaan, moobahdiyo shiirka

Mud qaniinihii farafarkiyo, macal idaadowga
Maraq-daar miskaha baaba’shiyo, mayraqiyo dheegga
Shinbir madax maddane eedihii, rogayay maankeeda

Maggaw-celiye muruq naas ka gala, ibo maraabowga
Maraq gooya mayraxu qabtoo, muruxu boogoobo
Lis maroorsan maalliin xunoo, maalin iyo layla

Marreey qumayo habar mawrif loo, madida cawryaysa
Marti samirtay ma-ciyaan tol iyo, maato laga seexday
Col maleegshay ood maratiyo, xero madoobaatay

Mulbis tuug masaafo-u-eryaha, waligii maydhaama
Mammooy xadaya tii lagu maqlana, muran la soo taagan
Libaax muda mawtiyaha dhurwaa, mirasho goobtaaga

Intaasoo mahtalakooyinaa, Mooga leedahaye
Masiibada allow nooga hay, mayalka geeleenna

Mar kale oo uu qeexaayay dheefta laga helo caanaha geela, wuxuu yiri;

Caanaha Qiyaas laga lisiyo, Qoran karuurkeeda
Ayuun baa quraac iyo cashaba, lagu qaboobaaye
Qandho iyo kulayl lagu ma oga, qabata meel baase
Qabsinkiyo calooshoo dhan bay, qaras u diidaane

In kastoo qasnado looga furo, qadanna loo yeelo
Magaalada ma qaayibo ninkay, Qaawo korisaaye
Qaxwe kulul qudaar iyo bariis, qamaddi lay siiyo
Qaddac subag weel lagu daroo, qiiqu ololaayo

Qalbiga waxawga sii roon inaan, dhay qurquriyaaye
Qashin weeye soortii kalood, quud ka dhigataaye
Kol haddaan malkuhu ii qotomin, qulubtay laabtiiye
Qiso nimaan lahayn baan ogayn, qiimahay tahaye

Ninkiise quursanahayow geelu waa, qaniyaddeenniiye
Rag is qalay qabiilo is dishay, qaan la bixin waayay
Iyadaa wax lagu qeybsan jiray, Qadar la mooddiiye
Maalintii qisaas lagu gashay, Qawl ku furataaye
Qasaare iyo feydaba raggay, qalas ku raacdaaye

Mar kalan waa kii lahaa:

Bur la shiilay baastada macaan, bari la googooyay
Bariis subag le baad iyo anfaco, beledka soortiisa
Bushaadir bakeeriga qaxwaha, lagu bigeenaayo
Barwaaqada magaalada haddii, badi lay siiyo
Kolkaan biraha Laameey dhamaan, badan qaboobaaye
Oo badankayga iyo wadnaha, baraf la moodaaye
Ninkii Baxar ogoow geelu waa, bawdo kaa jabiye
Waana boqorka xoolaha haddaad, baran lahaydeene

Mar kalana waa kii lahaa:

Haddeeroon salaasiin jiriyo, saayid iyo dheeri
Sebi ahaantii markaan, sabadka meeraayay
Intaasoo sanooyina haddaan, Saafi daba joogay
Sifaalooyin badan baan bartiyo, Sikhir wanaaggeede
Seddex iyo toban hal oo wada sifa, Suubey adigaa leh

Maantuu sabaan xun dhacoo, uunku wada seemo
Sabuullada haruurka iyo hadduu, saracu naafoobo
Ama sabo maagaaliyo arlada, siinad laga waayo
Sac ninkii lahaa waa inuu, sulufka raacaaye
Caanaha sibraarrada ku jira, Suubey adigaa leh

Seddexday adduunyadu tahaad, ugu sarreysaaye
Suuradaha quraankiyo rabbaa, saxay warkaagiiye
Samada buurta iyo arlada, lagugu saaweeye
Waxaan wali sinaadkood la arag, Suubey adigaa leh

Mar kalana waa kii lahaa:

Wuxuu rag dumar ugu maahayaa, midabka weeyaane
Majaaf xun lama guursadiyo, taan milgo lahayne
Adoo marn da'oo guur in badan, xilo u meeraayay
Gabar miiggan oo culus haddaad, milicsatoo eegto
Asaad maxabbadeedii qalbiga, yaraha maan raacdo
Haddaad mudanihii aabbaheed, madal ku weyddiiso
Moodka iyo gabbaatiga tolkaa, lagu marweeyaaye
Hadduu kugu mucaarado inaad, yarad muhiibsiiso
Wax mashaakil iyo ceeb ah waa, Malaw la'aanteede
Muraadkiisu waw sahah ninkii, Mooga soofsadaye

Mar kalana waa kii lahaa;

Wax la moog yahaa nagu imaan, maalin iyo leyle
Dad hadday manaabiyo xumaan, meel ku kala gaadho
Nin haddii la mawtiyo wadkii, naga maqnaan waaye
Iyadaa mag loo bixin jiroo, waa maslaxa weyne
Nin walaalki mayd yahay ama, madaygi geeryooday
Qaalmaha maraasha kolkii, Barkhadle loo sooco
Madoobaadka iyo waa ku bi'i, murugadii ciile
Iyadaa martabaddaas leh iyo, muuno iyo kheyre
Adaa nagu mannaystaye allow, May ha naga qaadin

Jiilaal mirgaagsaday abaar, milaygu dheeraaday
Marguufkeeda weyn iyo ratigu, ma hure weeyaane
Isagaa mandado qaada iyo, mawga haamaha e
Manqada iyo waxaa loo dhaamiyaa, maxasta reeraha e
Iyadaa martabaddaas leh iyo, muuno iyo kheyre
Adaa nagu mannaystaye allow, May ha naga qaadin

Mar kalana waa kii lahaa:

Naagahaan baftada jiidayee, boqorka laallaadin
Oo gacanta baacinayoo, bidixda sayraaya
Abid caalinkay uma bulloon, baarashuudyada e
Oo anigu Baandhays ma oran, yaa ku baayaca e
Barbaarnimo ma fiicnee waxaan, buul u geli waayay
Oo aan dumarka baar uga maroo, baarid iga yeelay
Basar kale ma fiirine hashaan, baaji leeyahaye 

Erayada;
1- mareerta: wuxuu u jeeda ul laga soo gooyay geedka mareerka
2- Malluugnaaye: malluuggu waa muuqaal fog oo aan la qeexin karin, halkaan wuxuu u jeedaa daba socday mar walba.
3- Malmalay: si xooggan uga soo saaray ama uga soo bixiyay.
4- Meydab: xulka ama abasaxa ahaa.
5- Muraye: buuxshaye, afka keenaye.
6- Muunsaniye: garan ogiye, uga magac dheeriye.
7- Moobah: hah; dhadhan kulayl leh.
8- Mayraq: feeraha hoostooda hilibka ku yaal.
9- Mud: tahar; waa cad aan jiir iyo baruur toona lahayn.
10- Maggaw: la maggawsan karo; wuxuu u jeedaa caanaha.
11- Maraabowga: kan ku dhex dhaqdhaqaaqa ama dhex xula.
12- Murux: meel hoolantay oo dhogortii ka bidday.
13- Marreey: dumarka, inta marata.
14- Maleegshay: shirqool ama dhagar abaabulay.
15- Mulbis: tuug kaliyaale ah oo tulud iwm xada.
16- Mammooy: mid daran ama deddooy ah
17- Malkaha: kobaha, meelaha.
18- Mayalka: gaashaanka meesha la qabto, halkaan hantida.
19- Maydhaama: ku doorsada wax qiimo leh wax muquuna
20- Qiyaas, Qoran, Qadow: magacyo hasha loo baxsho.
21- Qaddac: koombo yar oo dureeraha lagu miiso.



* Gabadha uu meerisyada ku xusay waxay ahayd gabar ka dhalatay reer magac leh oo la yiraahdo Muraayad Dhoorre Muuse, waxayna ahayd gabar qurux iyo qaayaba lagu kuunyay. Gabadhaas Cabdi markii dambe wuu furay waxaana sabab u ahaa sida asaguba xusay hal uu Cabdi lahaa oo la oran jiray Yareey oo ay isku maan dhaafeen isaga iyo qoyskii Muraayad ka soo jeedday.