Wednesday, December 20, 2017

ISIRKA CARBEED



Image result for sultan qaboos
Suldaan Qaabuus (wajiga Carabtii Asalka


       ISIRKA CARBEED

Erayga Carab (Arab) wuxuu Afka Arameyga ku yahay; Kuwii Lama-Degaanka Degganaa” ama Saxaaraha Degganaa. Waxaa isirka Carbeed laga dhigaa seddex qeybood:
      Carabtii Hore عرب بائدة: waa halka
erayga"Badaw" ka soo jeedo, waxaana la leeyahay way tirmeen. Waxaa kamid ahaa qolooyinkii; Caad (عاد), Samuud/Salmud (ثمود), Waaweynkii (العماليق), Dhasam(طسم) , Judays(جديس), Umaym(أميم), Cubayl(العبيل) iyo Wabaar (وبار). Qolooyinkaasi waxay degganaayeen Jasiiradda Carabta waayo aad u fog.
      Carabtii Asalka (Carab al Caariba (العرب العاربة); waxaa ka loo loogu yeeraa Reer Qaxdaan, waxaana kamid ahaa qeybihii Reer Qaxdaan: Kahlaan oo ahaa ina Saba’ Yash-jub Qaxdaan iyo Xumayr oo ahaa walaalkii Kahlaan.

Waxaa “Kuush” la oran jiray dhulalkii u dhaxeeyay Koonfurtii Misobateemiya ee dhanka Waqooyi iyo Faafka (basin) Wabiga Niilka Cad oo dhanka Koonfureeda, oo ay ku jiraan labada daan ee Badda Cas iyo labada daan ee Gacanka Cadmeed. Tan iyo waayo hore, farqi baa u dhaxeeyay dadyowgii dagganaa dhanka Waqooyi ee Jasiiradda Carabta iyo kuwii dagganaa Koonfurta oo ah dad Reer Kuush Xaam ahaa, waxaana kamid ahaa qolooyinkii daganaa Koonfurta Jasiiradda Carbeed: Seba, Havilah, Sabtah, Ra'mah, Sabtekha, Sheba iyo Dedan. Haddaba, dadka maanta loo yaqaan Carab, dhaladkoodu waa kuwii ku abtirsan jiray Kuush ina Xaam, waxaase muddo dheer labaayay dadyow Reer Saam ahaa oo dhulalkooda u soo dallaabaayay.
(a) Carabtii La Carabeeyay (Al-Carab Al-Mustacriba العرب المستعربة ): waxaa ka loo la yiraahdaa; Al-Cadnaaniyuun. Carabtaan wuxuu abtirsigoodu ku arooraa Nabi Ismaaciil (CS) Ibnu Ibraahim (CS), asal ahaanna Nabi Ibraahim wuxuu ka soo jeeday Uur oo ku taal dalka Ciraaq, wuxuuna u dhashay isirkii Al-Kuldaan (Chaldeansالكلدان).
    Waayadii ay taagyaraysay Boqortooyadii Baabilooniya ee ku hadli jirtay afkii Reer Saamkii Bari, ayaa qolooyin ku hadli jiray afkii Reer Saamkii Galbeed aagga soo dagayeen laga soo bilaabo qarnigii 11aad Dhalashada Masiixiga Kahor, waxaana kamid ahaa qoladii Kuldaan ee uu u dhashay Nabi Ibraahim (CS).
Sida lagu xuso sooyaal-diimeedka, Nabi Ibraahim wuxuu geeyay wiilkiisii Ismaaciil iyo hoyadiis oo la oran jiray Haajir meesha hadda Kabacadu tahay, wuuna uga tagay, kadibna waxaa wiilkii barbaariyay qabiilkii Jurhum ee il-biyoodkii Samsam soo kordagay, markuu korayna waxay u guuriyeen gabar la oran jiray Raala bintu Mudad bin Caamir bin Jurhum. Carruurtii ka firtay labadaas waalid baa noqday Carabta la yiraahdo kuwii-la-carabeeyay ama la yiraahdo Cadnaaniin (Cadnaan waa mid, kamid ahaa dhashii uu Nabi Ismaaciil abkowga u ahaa oo haddana ahaa absaxankii Nabi Max’d 'CSWS').
(b) Waxaa ka loo soo galaaya Carabtii la carabeeyay, dadyowga daggan Masar, Shaam, iyo dadyowga daggan Waqooyiga Afrika. Kuwaas oo caraboobay waayadii Kacaankii Weynaa ee Islaamku ku baahay aagaggay degganaayeen.
   Sida lagu xusay Bibliotheca Historica ee uu qoray Diodorus/kii Sishili iyo Geography ee uu qoray Strabo, Jasiiradda Carabta (Arab Peninsula) waxaa loo baxshay magacaas qarnigii kowaad Masiixiga Hortiis (MH). Muddadaas kahor ma jirin magac wada kulmiya dhulalkaas ee mid walba waxay lahayd magac u gaar ah, sida Saba’, Ximyar iwm.
Qoraalladii Reer Ashuur (Assyrian records) markay ka hadlayeen qabsashadii Boqorkii Asarhaddoon dhanka waqooyi ee Jasiiradda Carabta, waxaa lagu xusay magacyada Kûsh iyo Mušuri (Reer Masar).
Sidaas darteed, qolooyinkii ku noolaa Jasiiradda Carabta la ma oran karo hal isir bay ahaayeen, balse waxaa la oran karaa isirro is ku dhafmay:
A-  Dadkii Koonfurta Jasiiradda: wuxuu asalkoodu ahaa Reer Kuush, waxayna is ku qolo ahaayeen, dadkii ku noola xeebaha Soomaaliya ee ku foorara Gacanka Cadmeed iyo Xeebaha Badda Cas ee Afrikada Bari. Sheekooyinkii hore, waxaa lagu xusay in dadkaas degganaa dhanka Koonfureed ee Jasiiradda Carbeed ee Reer Kuush ka tirsanaa ay sameeyeen ilbaxnimo lagu magacaabi jiray Sabtan, waxaana caasumad u ahayd Shabwah. Sida lagu xusay sheekooyinkii Boqorradii Ashuur (Tiglat-Pileser III, Sargon II iyo Sennakherib) waxay dadkii Reer Midyan ee degganaa dhanka waqooyi ee Jasiiradda qaayibeen dhaqammadii ay caanka ku ahaayeen Reer Kuush ee ahaa in haween boqorro u noqdaan, waxaana kamid ahaa boqorradaas dumarka ahaa: Zabibi, Shamsi, Te'elkhinu, Yati'ah, Tabu'wa, Yapa'a and Bashi. Qoraalladii Reer Ashuur waxaa dhulkii ay degganaayeen Reer Midyan lagu magacaabay Kuush.
B-  Marka la tixraaco qoraalladii Yuhuudda, waxaa markii ugu horreysay erayga “Carab” loo adeegsaday Nabadiyiintii (Nabateans) kuwaas oo degi jiray miyiga Bairga Falastiin, waxaana sidaas ku raacay taariikh-yahannadii xilliyadii Roomaanka, sida Strabo iyo Josephus.
Carabtii degganayd dhanka Waqooyi-Galbeed ee Jasiiradda oo ku abtirsan jirtay Nabi Ismaaciil (CS) waxay samaysay boqortooyin, halka kuwii is la iyaga ahaa ee degganaa dhanka Koonfur-Bari ay xagsadeen dhaqankii abtiyaashood; Reer Kuush, waxaana ugu fooladsanaa qolooyinkaas Qiidar. Carabtii degganayd dhankaan Waqooyi, waxay si joogta uga siqayeen dhaqankoodii Kuushiga ahaa, iyagoo ka la guursanaayay Aramiyiintii aagga degganayd, waxaana sidaas ku abuurmay bulshooyin cusub sida Kuwo Suuriyiin ah. Waxay sidoo kale Carabtaasi ugu milmaysay dadyowgii Reer Saam ee iyana aagga wax ka degganaa. Halkaan waxaa ka abuurmay Afka Carabiga, oo hubaashii asal ahaan Aramey ka soo jeeda.

C-  Carabtii degganayd Bartamaha Carabiya, qarniyaal bay ka madax-bannaanayd boqortooyinkii Koonfurta iy boqortooyinkii hab-qoleedka ku dhisnaa ee Waqooyiga, waxayna xagsatay dhaqankeedii Reer Kuush. Dhulkay degganayd Carabtaan, wuxuu u ahaa marin dhinacyada kale. Safarradii Xijiga ee ka tagi jiray Yeman waxay sii mari jireen Midyan oo deegaan ahaan xigtay Badda Cas.
    Boqortooyinkii Yemaneed dan ka ma yeelan dhulalkii bartamaha ee Jasiiradda, kuwii Saba’na iyagu waxay ahaayeen badmareenno maahiriin ah oo badaha ku adeegta, wuxuuna ganacsigoodu gaari jiray ilaa Misobataamiya, waxayna deegaanno ka samaysteen dhammaan Xeebaha Bariga Afrika.  
Markii ay burburtay Boqortooyadii Baabiloon, waxay Nabadiyiintii la falgaleen Beershiya iyo Giriig, waxayna joogto ugu siqayeen dhanka Waqooyi-Galbeed. Waxay mileen qolooyinkii Edomites, Moabites, Ammonites iyo qolooyin Aramean ahaa. Arrintaasi waxay xoojisay magacii aagaggaas Carabi ku lahayd.

Gunaanad:
Dadka la siiyay magaca 'Carab', asal ahaan waxay ahaayeen Reer Kuush Xaam, waxayna bilawgii degeen Koonfurta Jasiiradda Carabta, sida dhulalka Yeman iyo Cummaan-ta maanta. Carabtii Hore, ku ma hadli jirin Afka Carabiga ee maanta aan naqaan, waayo Afka Carabigu marar dambe ayuu ka soo dhambalmay Afkii Arameyga oo Saami ahaa, wuxuuna la bah yahay afafka sida; Ge’ez iyo Axmaari. Dhanka kale, dadyowga maanta loo yaqaan Carab maahan ummad isku isir ah, waayo sideedaba erayga "Carab" qolo maahan ee waa deegaan; saxaare.