Friday, September 28, 2012

CIRMAR (gabay)


                 
                        CIRMAR

                                          Cabdullaahi Xaashi Warsame (Waranle) 
                                                Columbus, OH USA....2012

Caloolyoobayay xalay miyaan, ciil la ladi waayay
Cudbigiyo sariirtii miyaan, caro ka soo booday
Cayshkii la ii dhigay, miyaan calashigii diiday

Ma cibaadadii baan ka tagay, caasinimadayda
Ma calaacal iyo boohin bay, igaga caw beeshay
Cishriin sanoo tagay miyaan, caadka sare meeray

Anoo caafimaad qaba miyaan, cararoo rooray
Casar galiyo waabari miyaan, socod ku caatoobay
Ma carraabadiyo guurahaan, ciiro bahal yeeshay

Carruurtiyo haweenkii miyaa, ciridda loo saaray
Ma cashiiradii baa sidii,  cawsha kala yaacday
Cayriyo dagaagnimo miyaan, duni ku caanoobay

Ma cadaawahaygaan tol iyo, ciirsi gacal mooday
Ingiriis caddaaniyo miyaa, carabi ii shawrtay
Ma Talyaani baa Cadaliyo, soo camiray deexda

Ma Amxaaradaan cayriyaa, la igu soo celiyay
Ma cawaandi Keeyaanahaa, cunayay jiirkayga
Ma Mandeellahaan caawiyaa, ii cawili waayay

Calankii madoobaa miyaa, ciidda lagu jiiday
Ma cawaalihii baa sidii, calal la googooyay
Cawadarran sideedii miyay, kala canjeelaysay

Nin waliba cid gooniya miyuu, Calas u heenseeyay
Cuqdad beena aan jirin miyuu, calaha dheer fuulay
Ma ciyaalladii iyo jirraa, la igu soo cariyay

Catir iyo ninkii qayd surtaa, Caarshe ma ismooday
Cadadaysi mooyee midnimo, ma cuntabi wayday
Citiraaf miyay doonayaan, cidihii Tawajaale

Toban caado qaatiyo miyay, caamo igu qooqday
Ma carsaanyadii xeebihiyo, calakud bay i maagay
Ma cuwaaflihii baa dalkiyo, ciidda gadanaaya

Ciyi waa ka daalacay miyaa, lagu canbaaroobay
Caskartiyo saraakiishiyo, ciidammada xoogga
Janannadii cirroobee tukaha, laga cashaysiiyay

Cuqaashiyo indheer-garatadiyo, culummadii diinta
Cawaagiirta nimankii ahaa, sida cagaar seexday
Miyaan cudurka laayiyo jirrada, cidina baaraynin?

Carmadiyo dhirtaan samansabahiyo, ciinka laga reebay
Ceesamihiyo qaalmahaan, carabta loo dhoofshay
Cummaan iyo Dubey geelayaga, Cadan ka kooryaaya

Citibaadka yaw u furay baddaan, cadawgu boobaayo?
Taariikhda lama soo ceshiyo, cadar daruureede
Iyagiyo cadceedduba dib bay, kugu cusbaadaane

Casrigii ku dhaafaba wax baa, la citiraabshaaye
Cabdulqaadiriyo Dheeriyo, Cali-ferduulaale
Shiikh Cali Jimcaaliyo Salaadiyo, Caabbi iyo Juuje

Cabdinuur Xuseeniyo Fartaag, Caasho iyo Xaawo
Cusmaan Geeddi iyo Maalinguur iyo, Cadan raggii joogay
Ma cabsoodihii Duuriyo, Ciise iyo Muuse

Iyo Ina Cukhaashtii, dorraad carada ooyaysay
Maandeeq dadkii curiyay baa, ciidda hoos galaye
Hadduu caawa nool yahay raggii, la ima caayeene

Cirku igu dunyey dawladdii, lama callaadeene
Cidi igama qaaddeen Gobaad, ha cawarnaateeye
Casabaysi kuma baaba’deen, dhogor cillaanley e

Cigaaliyo miyaan Buuniyo, Cali-Garaad waayay
Cabdi iyo Yaasiin miyaa, cadayga loo gooyay
Miyaan Aadankii caarranaa, la Cabdilleynaynin

Cabdullaahi Ciisiyo miyaan, caaqil talinaynin
Miyaan ciidankiyo Siyaad, calanwallaynaynin
Taangiga cakoodiyo madfaca, loo callaqo dhuunta

Cutubyada dagaalkiyo miyaan, Danab cabaadaynin
Miyaan miig ciyaaraa Barbara, cagaha saaraynin
Isma caabudno oo ina rag waa, is-camal naqaannaaye

Caadaaba lagu maalayaa, Culus hashaydiiye
Markay calawdo sheekadu miyaan, carari oo dhuuman
Ma calaacashaan hoorsadaa, Culus dagaalkeeda

Ma cod baanan dhiibayn shirkiyo, caalamka hortiisa
Kol uun buu mid lagu cayd bixiyo, caynshe noo kiciye
Caqligiyo garaadkiyo mar bay, cududdu noolaane

Carrabkiyo dhaayaha kol buu, caaddil noo furiye
Caamadu kol bay qabiilkiyo, dhaafi caadada e
Cirirkii gu’ baa muuqdiyo, curashadiisiiye

Dabaylahaan cusubi waa, kuwii dirirka cawleede
Caaway inoo imaan daruur, ceesha dumisaaye
Calcalyada xareedda dhulkaa, daad cawaaftamiye

Cosobkiyo dooggiyo kol buu, cawsku soo bixiye
Caanaha kol baan qubahayaa, ciirta galabeede
Cawayskiyo kol bay tumi habluhu, Ceeragaabada e

Cindallaahi kama quusan iyo, cabashadaydiiye
Cusrigaba yusraa daba socdee, cawn allaan sugiye

Wednesday, September 26, 2012


SUUL-DHABAALE

Laba sooryo wada cunay
Sahan dheer wada galay
Saameeyay caashaqu
Mid hadduu socdaal tago
Sannado dhawr ah maqan yahay
Salaantiyo jawaabtii
Kan kalaa sugaayoo
Illayn waa sadkiisee
Kii aan sugaayee
Saygay ahaayow
I sugoo yaanan soo noqon
Sidaa lama ammaanayn
Sal fudaydi maayee
Bal aan saadsho maantana
Siday noqon allaa oge

Suul-dhabaale waayeel
Marna laguma sabo oo
Oo sida sabi carruureed
Kuma seexanaayee
Sunnay aniga ii tahay
Subixii inaan tago 

Seeraha ka soo jaro
Ubaxaan ku saaree

Kii aan sugaayow
Saygay ahaayow
I sugoo yaanan soo noqon 
Sidaa lam amaanayn
Salfudaydi maayee
Sahalana ammuuraha
Bal aan saadsho maantana

Siday noqon allaa oge

 Maxamud Ali Filsan 1975 


Erayada:
1- Suul-dhabaale: suulka iyo fardhexada oo si talantaalli ah la isku xoqo kadibna sharqan sameeya.
2- Seere: goobta ama diillinta u dhexaysa labo dal; xad; xudduud.
3- Sabi: ilmo; dhallaan; cunug.
4- Say (Sey): lammaanaha isqaba kan lab; nin.
5- Salfudayd: samir la'aan; salgan; sahasho.


CABASHO IYO KALGACAL

Cosob raagay geeluba
Mar buu ciinka daaqaa
Caal iyo xadhaadh leh
Anna kama calool go'o
Casho midaan is aragnoo
Dhakhso ii cajabiyee
Kii aan calmadayee
Carro-edeg ka doortaa
Ii mariyay ceebtaa
Caqlidaran naftaydaay
Carcaraaf i marisaye
Sideen caawa yeelaa?


Rag caddaaday baa yidhi
Haddii aad ii cuq badan tahay
Cadho waayi mayside
Anna ciil kama koro
Mana daayo caashaqa
Cabashana ma waayee
Kii aan calmadayee
Carro-edeg ka doortaa
Ii mariyay ceebtaa
Caqlidaran naftaydaay
Carcaraaf i marisaye
Sideen caawa yeelaa?


Coodkuba dharaar buu
Jiilaal caddaadiga
Afka caws la waayaa
Anigana cir ii da'ay
Markii aan cab iri
Sow ceeryaamo muu noqon
Kii aan calmadayee
Carro-edeg ka doortaa
Ii mariyay ceebtaa
Caqli-daran naftaydaay
Carcaraaf i marisaye
Sideen caawa yeelaa?


Erayada:
1- Ciin: geed aan caleemo lahayn oo caano leh oo haddii geelu daaqo la rumaysan yahay inuu ku sumoobaayo.
2- Caal: cudur cunno-xumida ka dhasho oo xoolaha jirku la bararo; cashi.
3- Calmasho: jeclaysasho; caashaqid.
4- Carro-edeg: dunida; dhulka.
5- Carcaraaf: meel noloshu adag tahay; gabaahiira.
6- Ceeryaamo: waa hawo qabowday oo sidii qiiqa oo kale noqotay.


DARIN INAAN LA JIIFSADO

Dumarkiyo raggoo idil
Haddii la isku soo daro
Qofba dooqii meel dhigo
Duurka iyo kaymaha
Haddii roob ku wada da'o
Dusha laac ka wada maro
Duunyadaad dhaqaysana
Neefba doobi loo culay
Ruux jaceyl damqaayana
Maal lagu ma dagi karo
Dadkoo dhami ha wariyeen
Dareenkaygu inuu yahay
Naftu kay la duubnayd
Darin inaan la jiifsado

**************************
Dumarkaba dhammaantood
Dadku waxay u haystaan
Inay duunyo raadshaan
Haddii daaro fooqliyo
Dukaamaad lay dhigo
Ku ma dawoobo caashaquye
Anna dihashadaydii
Damac duunyo i ma galin
Jacayl baa i daashaday
Inkastoo la doodee
Dadkoo dhami ha wariyeen
 
Dareenkaygu inuu yahay
Naftu kay la duubnayd
Darin inaan la jiifsado. 

Erayada:

1- Laac: muuqlka geedaha cagaaran
2- Doobi: haruub; bire. 
3- Fooq: dabaq; aqallo isasaaran.
4- Dihasho: dhalasho.

Tuesday, September 25, 2012


Saxarlay Ha Fududaan
                            ( Hadraawi)

Ku sinnaan dharaartii
La sargooyay dunidee
Rabbigay sameeyee
Cirka sare u taagee
Xiddigaha siraatiyo
Lagu sugay cadceeddee
Sagalkiyo daruurtiyo
Lagu xidhay sitaacee

Dhulka gogol la seexdiyo
Sabo lagu negaadiyo
Laga dhigay sin-dadabkee
Buuraha la saree
Dhirta samayda ciiddiyo
Salka loogu joojee
Saddex laab bad iyo webi
Lagu yidhi sabbeeyee

Dabadeed la saanyee
Qofba meel la siiyee
Saldhigeedu qaydnaa
Cidi u ma sinnaynoo
Dadku ruux sabooloo
Saranseer ku raagiyo
Guryosamo mid yaalloo
Sidka dhalay ku hasytoo
Helay seermaweydiyo
Laba kala sed roon baa
Subax noolba Joogee

Ruux aad sugaysoo
Maqan waa la saadshaa
Sahan waa la dhowraa
Ha sahwiyin ha selelin
Sarkadhaban ha noqonin

Waan soo socdaa kow dheh
Waxna waan sidaa laba dheh
Samir yeelo waligaa
Saxarlaay ha fududaan

Erayada:
1- Sargooyo: jaangooyo; hindisid.
2- Sitaac: suuman fardaha la suro oo qurxin loola jeedo.
3- Sarkadhaban: didid; wax-ka-carar.
4- Sabo/Sabad: agaggaarka guriga; heelad.
5- Sin-dadab: sin-babac; sin-gudub.
6- Saanyo/Saanyood: cood la qeybsado sida xoolaha nool.
7- Saranseer: dhibaatooyin isdabajoog ah oo waxyeello leh.
8- Sidko: labo neef oo ilmo kaliya ku wada irmaan; gayax.
9- Seermawaydo: bartama guga; gusoore.

Hawadaan Ka Nuugaa (hees)

HAWADAAN KA NUUGAA

Halka uu ka nuuxsado
Haddii nabar ka soo baxo
Dadku wuu nuglaadaa
Naxdinta iyo jacaylkuna
Markay kugu nagaadaan
Naafaad la noqotaa
Anna dhego nuglaantaa
Intaan naawilaayaan
Aduunyadii ka noogee
Sida neefta weylaha
Neecawda caashaqa
Hawadaan ka nuugaa

Naqa guga nimcada taal
Naylo-doojiyaha da'ay
Dadku ay ku naaxaan
Ma nastoo aniguna orod
Neeftuurka xuurtada
Kaa daba nucleeyee
Ma naxaan jacaylkuna
Siduu iigu dul naban yahay
Nasiinaba ka waayee
Sida neefta waylaha
Neecawda caashaqa
Hawadaan ka nuugaa 

Midhihii Abdulkadir Xirsi Yamyam
Laxankii iyo codkii Ahmed C Cigaal 

Monday, September 24, 2012

MAYEERAAN


MAYEERAAN

Maalmaha qalloocaa
Hadday kaa marooraan
Waa muraayad waayUhu
Caashaquu ka muuqdee


Mar baan sida mayeeraan
Muddo aammusaayoo
Isha mirig ka siiyaa

Mar waxaan iraahdaa
Siday tahay mar curad geel
Ilmuuhu mowdku kala tagay
Maqaar saarka ciidda
Yaa maali jirayeey?

Intaasoo marxaladood
Anigoo ka soo maray
Ma huraan dhulkeygiyo
Ma naxaanka caashaqaa
Ayaan maanta ka horow
Mahiiggaanku Igu dhicin
Ayaan maanta ka horow
Mahiiggaanku igu dhicin

NAF-KU-JECEL


NAF-KU-JECEL 

Naf-ku-jecel aduunyada
Baa u wacan wax nooloo
Nabad lala wadaagoo
Nimca lagula waaree
Ma nugliye kalgacalkaa
Naar iyo ka daran olol
Markuu nudayga kaa galo
Nabar weeye halisee 

Ee taa nafsiga geli
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo
Anna haddii aan ku naawilay
Naqba waa la dhowraa
Nasiibku ha isku keen simo
*****************************
Nacab iyo sokeeyaba
Neeftaydu diiddoo
Ma nastoo jacayl baa
Naxal iga samaystee
Adna kayma roobliyo
Dhul naruuro joogtaad
Naxdinli'i ku huruddaa
Nabsi dhowri mayside 

Ee taa nafsiga geli
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo
Anna haddii aan ku naawilay
Naqba waa la dhowraa
Nasiibku haysku keen simo

Erayda:
1- Nugul: jilicsan; aan adkayn.
2- Nuday: samays, unug.
3- Naawil: filid; malayn.
4- Naxal: Shinni' (af carabi); halkaan waxaa loo jeedaa goob shinniyeed. Xumaanta waa loo adeegsadaa.
5- Naruuro: Wax la'aan dhaanta; caymo.
6- Naq: doog; tigaad; caleenta iyo cawska roobku soo saaro.
7- Nadi: Karbaash, jeedal, karbaash.
8- Nudub: kabmo; xoojiyay; lifaaqid.

Sunday, September 23, 2012

MURTI (hees)


HEES

Howlaha adduunyadu
Waa kuwa is haystoo
Aan kala hadhaynoo
Hammigiyo faraxuba
Midba waa halkiisee
Habeyn dhalad ninkiyo
Kii nasiib ku hadhay
Ways hareer socdaanoo
Kala hadhina mayaan
Anigana haweeyaay
Naftaydii habeynnadan
Halis bay ku sugantee
Hillaac aan dhawayn baa
Halka geelu daaqiyo
Beesha Haro-Digeediyo
Hawd iiga muuqdee

Dhul uu huguf ku da'ayoo
Hambalo ay ku taal baan
Ku haloosiyaayoo
Maskaxday la hadashaa
Hal waddoon roob lahayn baan
Hadh baqoolayaayoon
Haadama qodan baan
Ka dhex heesayaayoon
Jacayl aan hadhayn baa
Heeryada i saaroo
Jinni haatufkiis baan
Hasaawiyaayoon
Haybshaa jacaylkiyo
Halka aad ku nooshahay

Friday, September 21, 2012

DANTA GUUD



DANTA GUUD

Dhaqankii raacatada S/liyeed ee aan wali giddigeen wada xanbaarsa nahay wuxuu lahaa habab guud oo ay raacatadu nolosheeda ku maarayn jirtay. Haddii degmo degto meel, waxaa loo sameyn jiray sarsar adag si aan dugaaggu ugu soo dhicin oo uusan waxyeello ugu geysan dadka iyo duunyada degmada. Haddii loo heenseeyo guluf, muran kama imaan jirin abbaanduulaha, waayo horaa loo kala ogaa geesiga xeelado-aqoonka ah iyo fulayga gebgeblaha ee aan la isku hallayn karin.
Haddii shir la aguugo oo la rabo in talo waxtar ah la gorfeeyo, waxaa gunaanadka arrinta loo sooci jiray guddi xeerbeegti ah oo waxgarada, loomana oggalaan jirin maangaabka garashada ka liita inuu ka dhex gala’la’leeyo Golaha shirka. Sidaasay u ahaayeen hababkii raactadu kuwo dhawrsan oo laga ilaaliyo lablabka gibbaanka aan meelna ku toosi karin.

Waxaa yaab leh manta oo dhaqankii daaqsatadu wali ka sii dhex jiro bulshada S/liyeed, maanta oo ay bulshadu yeelatay aqoon dheeri ah oo maaddi iyo macnawi ah, inaysan laheyn kartidii ay hababkeeda waxtarka leh ku difaaci laheyd. Waxaan aragnay bulsho dhex taal ummadaha ugu horumarsan dunida oo inta shir wanaagsan goodday aan shirkeedu laheyn inyar oo difaaca. Waxaan aragnay iyadoo kuweeda waalani ay ka dhex qaylinaayaan, kuweeda baas-abuurka ahi ka dhex gooddinayaan, balse ay ka dhex khudbeynayaan oo dhegaha loo wada raaricinaayo. Waxaan aragnay iyadoo qaswadaheedu uu kala tuuraayo guddoonkii shirka oo haddana inta loo nuglaaday loo afgambiyay majarihii shirkoo dhan. Waxaan aragnay iyadoo macallinkii jaamacadda iyo midaan waxba xarriiqin meel la soo wada taagay oo la leeyahay arrimaha ka wada taliya. 
Waxaan aragnay iyadoo dhaqanyahankii, waayo-araggii iyo aqoonyahankii oo gabran la leeyahay gabar yar, wiil yar iyo oday gaabis ah soo dhiraandhiriya arrin murugtay, siday la ahaatayna laga dhigay meelmar. Waxaan aragnay iyadoo la xulay koox loogu talagalay soo-helidda barnaamij horumarineed iyo qaabeynta xeyndaab maamuleed ee ummad dhan, oo haddana aan loo meel deyin garshadooda arrimahaas.

Waxay aheyd bulsho kastoo taal meel in ay arrimaheeda ku qotomiso sida ugu habboon tixgelisana waaga la joogo, mar kastana xubnaha ay u xusho agaasinkeeda ay ku foodiso kartidooda, aqoontooda iyo hal-adeyggooda. Waxay aheyd inay difaac ka yeelato lablabaha iyo kali-doonka, kala soocdana danta guud iyo danta gaar ahaaneed, kuna dhiirrato hor-istaagga kan aan u adeegeyn danta guud.

Waxaan ugu heesi lahaa dhib-wadayaasha dantooda gaarka ah ku dhex walaaqaya danaha bulshoweynta:

Raamaale huluqsane
Ma adigaa hoggaansha
Gobannimada hanan kara
Hawadeeda gali kara
Heeladdeeda mari kara
Higsigeenna garan kara
Hawlahaagii deyn kara
Hadba meela aadkii
Iyo hunguriyo doonkii
Habac-habac u socodkii
Hebello raadintood iyo
Hadal beena sheeggiis

Raamaale huluqsane
Ma adigaa hanuunsha
Talo noo habeyn kara
Danaheenna hagi kara
Dawadeenna heli kara
Nolol noo horkaci kara
Adigaaba huriyoo
Holcin jiray colaaddee
Goormaad hagaagtoo
Ka hayaantay xumihii


Raamaale huluqsane
Heed-heetihiiyow
Halakeeyihiiyow
Hoos hoos u sheegow
Ha ahaado samahuye
Ha ahaato nabadduye
Horumood aan raacnee
Ha hitiqiyo gaankuye
Ha hagaajo doorkuye
Hillinkeeda muuqdiyo
Ha hillaaco laacuye
Ka haroo ha dabagelin
Ka haroo ha dabagelin















Thursday, September 20, 2012

DARDAARAN (Sayid Maxammad Cabdille Xasan)



DARDAARAN
Sayid Maxammad Cabdille Xasan

Gabaygaan wuxuu Sayidku tiriyay markii xoogaggii uu hoggaaminaayay Ingiriisku jabiyeen dhaqdhaqaaqii Daraawiishta. Markaas kadib wuxuu Sayid Max'd iyo haraadigii Daraawiishtu u qaxeen dhanka Soomaali Galbeed. Waa gabay muujinaaya ujeeddadii halgankii dheeraa ee Daraawiishta iyo sidii in badan oo shacabkii Soomaaliyeed ahaa ula dhaqmeen dh/dhaqaaqaas gunnimo-diidka ahaa. In kastoo laga joogo xilligii la tiriyay in ku dhow boqol sano, haddana waxaad mooddaa waxyaalihii uu ku xusay gabayga in qaar badan maanta taagan yihiin. Waayihu isu ekaa. Allaha ha u naxariisto Sayid Max'd Cabdille Xasan. Aammiin.


  •         Min dalaysan doocaan irmaan, deero labankeeda
  •          Darmo iyo furaash la isu dhigay, daalan iyo googgo’
  •          Anigoo waxaan doono iyo, darajaday haysta

  •          Dingaraaradii nagu dhacdiyo, diiftii nala taartay
  •          Dayuurado qaawan iyo wixii, nala dul gawriirshay
  •          Waagii dillaacaba wixii, naga dul meeraayey

  •         Inkastoonnu qaar daadinnoo, deli ka tuuryeynnay
  •         War deexdii baddii Daalo iyo, dalalyadii xeebta
  •         Dulkii aannu joognaba wixii, nagu duqaynaayey
  •  
  •        Dumbuq summuca degalkaan ka kacay, dahab wixii jiifay
  •          Dallaadii bannaanayd wixii, dad iyo maal joogay
  •          Dagal jabay wixii daar burburay, ama bakaar duugmay
  •  
  •          Duurka iyo hawdkii wixii, duunyo lagu dhaafay
  •          Lo’ durdura wixii nalaga dhacay, dalawidii geela
  •          Adhi daad masaalkii ah wixii, nalaga sii daayay
  •  
  •          Nin dooriyo wixii shiikh la dilay, culummadii diinka
  •          Wixii duubcaddii ay warnayd, Bixin duleedkeeda
  •          Dooxada Garoowe ah wuxuu haadku, dul u faagay
  •  
  •          Dirirtii Nugaaleed  wixii, nalagu dooxaayay
  •          Wixii diricyadaydii kufrigu, daabaca u qaaday
  •          Duqow iyo dhallaan iyo waxaan, dumarna loo reebin
  •  
  •          Maxajabad daboollayd  wuxuu, gaal dukhuulaayay
  •          War caadhkii dahaadhnaa wuxuu, dubuq ku siinaayay
  •          Gabdhahay dillaacsheen wuxuu, dhiiggu dibiq leeyay
  •  
  •          Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaskeedku
  •          Dubbihii ikhwaankii ku dhacay, dacatigii gaadhay
  •          Dariiqii Rasuulkiyo wixii, diinta laga jiitay
  •  
  •         Dabradii waraabe iyo furuq , waxa dadkii xaaqay
  •         Iimey degteedii waxay, duumo nagu laysay 
  •         Oo duuflaalideedii waxaan, Doollo uga guuray
  •  
  •         Daltabyeysigii nagu dhecee, duufka na cunsiiyay
  •         Dacluulka iyo ciilkii waxaan, dibinta ruugaayay
  •         Dulinkii kaneecada waxaan, duudka ka cadhownay
  •  
  •        Dusha Go’ane waxa awgayow, nala dubaaqyeeyay
  •        Daandaansigii nagu qabsaday, webiga diishiisa
  •        Durqunkii Warneefkii qabsaday, dibidii noo joogtay
  •  
  •        Diihaal wixii uu na baday, daafi cuniddiisa
  •        Dabaley Caruusaad waxaan, deris xigaal moodnay
  •        Durufley Amxaaraad  waxay, nagu dinnaahyeysay
  •  
  •        Dullihii shareerraa wixii, daal na caga gooyay
  •        Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero
  •        Dul-ku-neefle kaan soo agmaro, duullaan ka-hor-geyska
  •  
  •        Dubbayaal wixii nagu dhacee, na lagu daaduunshay
  •        Annagu diidi maynnoo wadkaa, Daayin noo qoraye
  •        Ninkii dunida loo deynayaa, haygu diirsado e
  •  
  •        In kastoo daleel nala dhigoo, docna nagu cayman
  •        Mar haddaan cid laga daynahayn, mowdka damaqdiisa
  •        Ragga haatan soo diganhayow, dan iyo xeeshaada
  •  
  •         Dacwaddaasi waa midaan niyada, samir ku diimeeyay
  •         Waa mid damisay cadhaduu qalbigu, ila dikaamaayay
  •         Dabuub kalena waa hadal yaroon, diirka ka caddeeyay
  •  
  •         War Daarood Ismaaciil ma oga, dooxa loo qodiye
  •         Waa niman dufooboon arkayn, deyr in loo dhigiye
  •         Waa wada damiin aan kasayn, daalinka hoosyaale
  •  
  •         Waa niman Illaahay dadoo, doorshay oo hodoye
  •         Waa niman daboolmoo qalbiga, daabac kaga yaale
  •         Dib wixii u dhici waa waxaan, dooc ka garanayne
  •  
  •         Doqonimo darteed waa wixii, iigu diirsadaye
  •         Waa wixii dabaaldegay anuu, gaal i soo dilaye
  •         Waa wixii durbaansanahayeen, ii dubnixi hayne
  •  
  •         Xadhkaheer u daadsane misana, ciidda lagu duugay
  •         Oo doora weynow kufrigu, dul uga saynsaabay
  •         Markaan dunida dhaafaa wallee, lagu dabaayaaye
  •  
  •         Igu diima ama dafarid, igula doodaaba
  •         Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ahe
  •         Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye
  •  
  •         Afartaa intaan deel ku dhigay, dow ma qabadsiiyay
  •         War deelqaafku waa ba’anyahee, daacad ma u sheegay
  •         Dacwad kalena Soomaali waa, hal aan dareensiiyey
  •  
  •         Gaalada dirayska leh anaan, daabaddaw qabane
  •         Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  •         Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  •  
  •         Anaa diiday nabaddiisa aan, daacad noqonayne
  •         Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  •        Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  •  
  •         Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  •         Durdurrada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  •         Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  •  
  •         Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  •         Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  •         Sida doxorka Iiddoor anaan, duud-xammaal noqone
  •  
  •         Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  •         Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  •         Anigaan dariiqada Alliyo, diinta caasiyine
  •  
  •         Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  •         Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  •         Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  •  
  •         Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddaw rarine
  •         Goortay dareeraan anaan, diiraddaw qabane
  •         Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  •  
  •        Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  •        Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  •        War waatow digayseen markaan, duullan soo waco e
  •  
  •        Waataad colaaddii dorraad, iigu daranteene
  •        Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  •        Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  •  
  •        Waataad dushiinna u rarteen, duq iyo waayeele
  •        Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  •         Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  •  
  •         Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  •         Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  •         Dikrigiyo eedaanka waataad, ka durugteene
  •  
  •         Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  •         Dibnihiinna waataad  inuu, dego ka sheegteene
  •         Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye

  •         Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyay
  •         Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  •         Diihaalka waa taad Hindiga, Daal ka barideene
  •  
  •         Dagaagiinna waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  •         Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiinniiye
  •         Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  •  
  •         Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  •         Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dillaanteene
  •         Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  •  
  •         Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  •         Dallacaad jaceyl baad kurtiin, noola dirirteene
  •         Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  •  
  •         Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  •         Dabin buu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  •         Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  •  
  •         Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayay
  •         Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  •         Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne

  •         Nin ragay dardaaran u tahaye, doqoni waa mooge
  •         Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  •         Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  •  
  •         Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  •         Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  •         Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  •  
  •         Dunjigeeda Soomaali baan, deyrka ka ahaaye
  •         Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  •         Dhaaxay askaro uu dalbaday, dabada taageene
  •  
  •         Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  •         Dhaaxaan intaan jananno dilay, soo dabaaldagaye
  •         Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  •  
  •         Ninkiisa dirirta geya maalin bay, dunidu ciishaaye
  •         Maantaan dabaaldegiyo, darajo eegaayay
  •         Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo
  •  
  •  
  •  

Monday, September 17, 2012

Beri Hore Waxaa Jiray


BERI HORE WAXAA JIRAY
(Hees)

Wiilka: 
Beri hore waxaa jiray 
Inan timaha dabatoo 
Baarkana u tidicdoo 
Boqoriyo dhacliyo
Maro beyl ah xiratee
Wax baddalay kuwii hore 
Balo geeso dheeroo 
Buul madaxa saartoo
Suuqa baratamayee
Naa bi'isay dhaqankii
Sharcigii ka beydhoo
Diintii burburisee
Hablow mays badh qabataan? 

Gabadha: 
Boqol sano horteed iyo
Beri hore wixii jiray
Ee layska baal maray
Budulkii dib how u qaban
Laga soo baqoolee
Haddaan baratanno orod
Bisha iyo cadceeddiyo
Beesha naloo horseedaan
Annu beegsaneynnaa
Horta baro tacliintiyo
Buuggiyo dhigaalkoo
Badowyahow dib ha u celin
Dadkaan soo baraarugay 

Wiilka: 
Beri hore waxaa jiray
Inan aan bil iyo labo
Hadal kaaga bixinoo
Raggu baadi goobaa
Baryo arag ku weydaa
Wax baddalay kuwii hore
Casarkii dar baxayoo
Kiish buuran qaatiyo
Budhcad dibadda meertee
Naa bi'isay dhaqankii
Sharcigii ka beydhoo
Diintii burburisee
Habloow mays badh qabataan? 

Gabadha:
Illaahii bad iyo wabi
Biyahooda dhaarshee
Meel kula ballamayee
Dhulka baaxadda lehiyo
Buuraha rakibay baa
Bini'aadam sidiisaba
Ruuxba cayn u beeree
Waad baadiyowdee
Cidi kulama beydhine
Horta baro tacliintiyo
Buuggiyo dhigaalkoo
Badawyahow dib ha u celin
Dadkaan soo baraarugay 

Wiilka: 
Beri hore waxaa jiray
Inan baarax geel iyo
Faraskii Baxdowaba
Yarad looga bixiyoo
Bunduqana la raacshoo
Wax baddalay kuwii hore
Isu-boga badh maqanoo
Bahdii ay ka dhalatiyo
Baylihisay waanee
Naa bi'isay dhaqankii
Sharcigii ka beydhoo
Diintii burburisee
Habloow mays badh qabataan? 

Gabadha: 
Barax geel ah iyo faras
Iyo boqon yaraha adhi
Hablihii lagu baddali jiray
Diinta aynnu barannay iyo
Beeneeye kitaabkuye
Booli-quuteyaashii
Beecsan jiray haaweenkiyo
Baxasoorihii tegay
Maanta looma baahnee
Horta baro tacliintiyo
Buuggiyo dhigaalkoo
Badawyahow dib ha u celin
Dadkaan soo baraarugay