Sunday, March 30, 2014

Maxaa Looga Jeedaa (hees)

Inuu caashaq jeel yahay
Jirrab iyo kadeed yahay
Jahannamo la shidayoo
Laga joogi karin yahay
Ka jaawaabay aniguye
Waxaa looga jeedaa
Ma jaboo ha dhiman baa
Ma aakhiro u jiidaa
Ma jannadii Fardawsoo
Jidkeedii la helay baa
Maxaa looga jeedaa?

Inuu caashaq jiil yahay
Jirro iyo xanuun yahay
Dabin kugu jilladan iyo
Wax kaa tuura jiir yahay
Ka jawaabay aniguye
Waxaa looga jeedaa
Ma sariirta jiif baa
Ma harraad la joog baa
Ma jawharad hillaacdoo
Indhaha jiidanaysaa
Maxaa looga jeedaa?

Inuu caashaq jibin yahay
Jug aan cidi arkeyn yahay
Gantaal lagugu jiidoo
Lagaa jari kareyn yahay
Ka jawaabay aniguye
Waxaa looga jeedaa
Ma jaanjaan ahoow baa
Ha jirrado wadnuhu baa
Ma jir kugu da'ayoo
Raxmaddii jaleecdaa
Maxaa looga jeedaa?

Thursday, March 27, 2014

Ma Waagoo Dhalaalay Baa? (hees)

Ilkaheeda dhuuxa
Indhaheeda dhayda
Dhabankeeda curubka
Sunniyaha bil dhalatiyo
Sidii qaanso lagu dhigay
Timaheedaan dhuxusha
Barkood dhaafay dhabarka
Barna soo dhaceenee
Laydhu ay ku dheeshiyo
Midabkeeda dhiinka

 Ma waagoo dhalaalay baa
Ma dhibic Seermaweydaa
Ma dhallaan la jacel yahaa
Ma xalay ubax dhashoo
Dhegaha fidiyoo
Ka dharqday xareedoo
Dharabkii ku yaal baa?
(La dhacayaa qosol baa)

Sida dhoolka guga oo
Dhudhulihiyo keymaha
Dhawr beri ku hooroo
Dhirtu wada dhalaashoo
Saacii wada dhalaalay
Rahu fiid dhawaaqoo
Roob-la-dhacu dhex maaxoo
Baalaleydu hadba dhinac
Isu kala dhigaysaad
Qalbiga uga dhigantee

Ma waagoo dhalaalay baa
Ma dhibic Seermaweydaa
Ma dhallaan la jacel yahaa
Ma xalay ubax dhashoo
Dhegaha fidiyoo
Ka dharqday xareedoo
Dharabkii ku yaal baa?
(La dhacayaa qosol baa)


Waa dhammays haweenoo
Dhexdeeda madagta
Luqunteeda dhebiga
Dhaayihii jalleecaa
Dhibaatada halmaamee
May dhiman Suleekhoo
Dhulkeennay ku nooshee
Midda dhaxashay quruxdee
Nabi Yuusuf dhalayee
Hannaan loo dhammeeyay

Ma waagoo dhalaalay baa
Ma dhibic Seermaweydaa
Ma dhallaan la jacel yahaa
Ma xalay ubax dhashoo
Dhegaha fidiyoo
Ka dharqday xareedoo
Dharabkii ku yaal baa?
(La dhacayaa qosol baa)

Tuesday, March 25, 2014

Goofartankii Xalay (hees)

Arrimahaan is wada galay
Guntimahaan la wada xiray
Anoon gacanta kugu dhigin
Gooni u ma furfurayee
Ma go'oo jaceylkuyoo
Gabluu i la ciyaaree

Goofartankii xalay
Markaan gogosha kugu tebay
Kaa eegay goonyaha
Kaa waayay garabkayga
Ilmo gobo' ma iga tiri?

Gawraha xagaagiyo
Guuraha hameynkii
Anigoon go'na sidan
Guri uga ma hoydee
Cadceeddoo i gubtay
Geed ka ma harsanayee

Goofartankii xalay
Markaan gogosha kugu tebay
Kaa eegay goonyaha
Kaa waayay garabkayga
Ilmo gobo' ma iga tiri


Jaceyl kaa ma guuroo
Guga kuu ma tiriyoo
Gabow kugu ma daayoo
Abaal kuu ma galayee
Gocoshada jalleecada
Indhaha ku galayee


Goofartankii xalay
Markaan gogosha kugu tebay
Kaa eegay goonyaha
Kaa waayay garabkayga
Ilmo gobo' ma iga tiri?













Friday, March 21, 2014

Ruux Ku Caashaqaa Garan (hees)

Waqtigu inuu cajiib yahay
Maxbuus ciillan baa garan
Qiimo coodku leeyahay
Sabool cayra baa garan
Laxaad caafimaad qaba 
Curyaan heetiyaa garan
Dhallaan caruurnimo
Duq cirroobay baa garan

Adna camal habboonoow
Inaad tahay nin caaqila
Iyo hanad cod-karahoo
Cisannimo ku caan baxay
Cindigayga laabtee
Rag kaa calmaday iyo
Ruux ku caashaqaa garan

Gugu inuu cuddoon yahay
Cid jiilaal helaa garan
In colaaddu halis tahay
Nimuu cadaw qabtaa garan
Aayadaha cibrada sida
Caalimkii dhigtaa garan
Waalid iyo canaanti
Agoon ciirsi-la'aa garan

Adna camal habboonoow
Inaad tahay nin caaqila
Iyo hanad cod-karahoo
Cisannimo ku caan baxay
Cindigayga laabtee
Rag kaa calmaday iyo
Ruux ku caashaqaa garan

Thursday, March 20, 2014

Soo Dhawow (Dhaanto)

Wiilka:
Sida dhiiiggaad
Jirkayga dhex qaaddayoo
Dhimirkaygaaad Dhammaysee
Ku dhereran tahay

Gabadha:
Dhigta iyo sidii udub
La isku dhaabay
Laygu kaa dhidibyoo
Lagygu kaa dheelli tir

Wiilka:
Dhabannada iyo
Dhexda taakada
Markaan dhugtaa
Tummaati laygu dhuftaa

Gabadha:
Dhudhummada dartaa
Dhulka ku ma hayoo
Sida ruux dhutinayoo
Kalaan dhiirriyaa

Willka:
Dharaar iyo hameyn
Aan is dhawrannee
hayga dheeraanine
Faadumooy soo dhawow

Gabadha:
Dharaar iyo hameyn
Aan is dhawrannee
Cabdiyow soo dhawow

Wiilka:
Dhirta biyo ku yaal
Oo dharaba iyo
Sidii dhibica roob
Baad dhalaalaysaa

Gabadha:
Dhalandhoolay
Goortii aan dhoofay
Dhulkii aad dhex joogtay
Baan dib u soo dhawrayaye

Wiilka:
Soo dhaqaaq
Markiii aan kuu dhawaaqo
Dhallinyarada kale
Iiga dhego nugloow

Gabadha:
Kala dheraanshahaa
Dhib keenaye
Haddii aad ii dhaw dahay
Dhulba ku ma dhigeen

Wednesday, March 19, 2014

Yaanan Go'in Daraaddaa (hees)


Galabtii aynnu kulannay
Baa jaceyl igu gadoodoo
Guri buu igu yeeshoo
Hurddo’ galac ma siiyoo
Gabbal dhiciyo waaberi
Baadi-goob ma daayee
Aday gabaye caashaqu
Geerigo'an cid-la’a iyo
Gobxa igu ma odeen
Sidii galow ma qaysheen
Nacab igu ma giirteen
Nafta maan guhaadsheen


Yaanan go'in darraaddaa
Godka iilka lay gelin

Godobteyda awgeed
Adna naarta lagu geyn


Kalgacaylka gaaxdaa
Maskaxdaydii guriyee
Sidii bahal ma gureen
gurigiinna oo xiran

U ma soo gurguurteen
Wallee maan garaaceen
Sidaan gaade tuug ahay
Gelin dhexe hameynkii
Guulwadaha meeriyo
Bilaysku i ma guuleen
Gidaarrada ma seexdeen
Mana gibil xumaadeen


Yaanan go'in daraaddaa
Godka iilka lay gelin
Godobteyda awgeed
Adna naarta lagu geyn

Wadnaha gaararkiisiyo
Midawgooda feeraha
Ayaad gogosha dhigatee
Miyaad gocotay meel baas
Waxaan uga gol leeyahay
Ama u daba gucleeyaa
Dan baa ii dar sheegtaye
Garbihiyo xiskaygu
Gefka u ma dulqaateen
Gabdhahaan is baranniyo
Saaxiibbaday ma gooyeen

Mana gooni yoomeen


Yaanan go'in daraaddaa
Godka iilka lay gelin
Godobteyda awgeed
Adna naarta lagu geyn

Tuesday, March 18, 2014

Gododle Waa Gaddiisii (hees)

Gabadha:
Keennii gardaran
Ha la kala gartee
Ina keen golaha
Gododle waa gaddiisiiye


Anna kula Gartoo
Ku garwaaqsadee
Ina keen golahoo
Hees uga gig sii
Gododle waa gaddiisii

Gabadha:
Gacalo gacalooy
Hoow gacalo
Gacantaydii midigeey
Gododle waa gaddiisiiye gododle


Gurbood iyo guhaad
Guri may gasheen
Gabogabo iyo ciil
Ma anigaa guntaday?
Gabax iri gugaygoon
Weli gelin toddoba
Gododle waa gaddiisiye gododle

Ma guryaan gambiyay?
Intuu gaatamuu
Garbo aan wax qarin
La gabboodsadee
Garka xarigga adag
Lagu giijiyee
Guul baan wadnee
Gole waa gardaran
Gododle waa gaddiisiiye Gododle

Wiilka:

Labaan guursadoo
Guul-darro iyo ciil
Xalay guurihii
Waxaan gawda ku hayaa
Gego maran gawaan
Gaadmadii horaan
La guuxayaa
Gaaxdeedii baan
La golongoloo

Gacaltooyadiin iga gaabsatee
Guullow Allaa i gargaarayee
Gabdhayahow galab wanaagsan
Oo i gabtee
Waa gaddiinniiye i gabtee

Gabadha:
Gacalo gacalooy
Hoow gacalo
Gacantaydii midigeey
Gododle waa gaddiisiiye gododle

Sida geed ku yaal
Gego maran dusheed baan
Ged-gaddoomayaa
Laba gebi dhexdoodee
Geb-gablaynayaayoo
Waan goohayaa
Gododle waa geddiisiiye gododle

Sida goosan ari
Uu Weer galuu
Ka la gaabiyaan
Harraad gawracmee
Gubtoo gelin cid-la’aan
Ku go'doomayaa
Good iyo Abees
Gacan webi ma galay?
Gododle waa geddiisiiye gododle

Wiilka:
Gabbal dhacay dam yiri
Gaajo iyo harraad
Nimaad galalafteen
Ka ma gaabsadoo
Wuu soo gataacaa
Gacmahaygii baa
Gudin lagu jaroo

Dumar garasho ma leh
Geesi baa gablamay
Markii ay gantaal
Sidii Goodirkii
Garka iyo wadnaha
Garab kala heleen
Gabdhayahow.....
Allaa gargaaree
oo i gabtee
Waa geddiinniiye i gubtee

Tuesday, March 11, 2014

Dhakhtar Bay Isu Keen Qoray (hees)

Hadduu dhugato geel qabo
Ma dhadhamiyo geedaa
Wuu godosho dhuubtaaye
Anna cudurkaan igu dhacay
Waa mid igu dhammaadoo
Waaba laygu dheer yoo
Ku dhadhabay aroosaan
Dhinaca isa saarree


Malaha dhaaya-haygaay
Calaf laga ma dhuuntee
Kitaab baa isu keen dhigay
Dhakhtar bay isu keen qoray
Adna wali ma dhaaddanid


May-dhanaanka geeliyo
Sida dhayda caanaha
Looma dhamo jaceylkoo
Lagu ma dhaashto caashaqa
Dhayil haw malaynine
Dhuuxiyo lafihiyo
Waa wax dhiigga kaa jaqa
Caafimaadka kaa dhima


Malaha dhaaya-haygaay
Calaf laga ma dhuuntee
Kitaab baa isu keen dhigay
Dhakhtar bay isu keen qoray
Adna wali ma dhaaddanid



Sida ruux la dhalay baan
Ku dhadhoodiyayoon
Dhibta kaa ilaashaa
Sida ruux dhallaanoo
Hurdo looga dhaartaan
Hadba dhinacyadiisiyo
Wadnaha kugu dhaweyaa


Malaha dhaaya-haygaay
Calaf laga ma dhuuntee
Kitaab baa isu keen dhigay
Dhakhtar bay isu keen qoray
Adna wali ma dhaaddanid


 

Friday, March 7, 2014

Haddaad Maanta Wacan Tay (hees)

Dadka ha iska weyneyn
Inaad kali waxgarad tahay
Ha iska dhigin walaaleey
Weedhaada inan yahay
Waa lagu wareeroo
Isla weynidaaduna
Waxaad tahay ma-sheegtee
Anigaba waqtiga qaar
Sida wali siraataa
Warka layga werin jiray


Adigoon waayo-arag noqon
Cirka ha isku waabine
Naftaan waalanaysaa
Waano kaa ma maqashee
Haddaad maanta wacan tay
Ma ku waari doontaa?


Sida Webiyo qulqulaayiyo
Waadiga xareedda le
Shinburuhu ka waabtaan
Waa kan wiiqay taladee
Weyddiiya ragannimo
Hadba waaga joogaad
La-tahee walaaleey
Weji lacaga bay dumar
Wacadkaba ku iibshaan!




Adigoon waayo-arag noqon
Cirka ha isku waabine
Naftaan waalanaysaa
Waano kaa ma maqashee
Haddaad maanta wacan tay
Ma ku waari doontaa?

Thursday, March 6, 2014

Ood Labiyo Toban Jeer, Igu Soo Ligligantaa (hees)

Sida layliga oo kale eey
Haddaad laacdan barad tahay
Oodan garan lalleemiyo eey
Halkaad libin ku leedahayey
Lubbigaagu u la kaco
Dhulkuu kaaga lumi jirayey

Haddana lahashadaadiyo
Lugahaaga kala reebban
Ammaad laafolugadkaa
Talo kaa likarantaa
Ood labiyo toban jeer
Igu soo ligligantaa?

Laxawsiga naftaydiyo eey
Taladeenna loxoska eey
Libiqsiga cadaawuhuyey
Igu kaa lureeyaaneey
Haddana laabta maan gelin
Inu lumo caashaquyey

Haddana lahashadaadiyo
Lugahaaga kala reebban
Ammaad laafolugadkaa
Talo kaa likarantaa
Ood labiyo toban jeer
Igu soo ligligantaa?

Tuesday, March 4, 2014

I Ma Ogide Waxaan Ahay (hees)


I ma ogide waxaan ahay
Axdi ku ma ciyaaroo
I ma ogide waxaan ahay
Ilaahi-u-samiroo
Waxaan uur habreed galay
Awliyo Tilmaan iyo
Afagaalle iyo Dirir
Hameyn amarku wacan yahay
Ifkana waxaan u soo baxay
Aroor samadu furan too
Iimaankiyo kalgacalkuna
Is ku keen ammaaneen


Sida eyra geel baan
Kuu ololayaayoo
Sida ubad aan dhalay baan
Kugu uur fayooboo
Sida oog la shiday baan
Il dheer kaa arkaayoo
Sida ubax la beeray
Indhu kugu farxaanoo
Sida aayad diinaan
Afka kugu hayayoo
Adiguna aqoonsoo
Ili dhehoo..
Dhankaaga ogoow


I ma ogide waxaan ahay
In xun lama-tusaanoo
I ma ogide waxaan ahay
Samo ruux la uumoo
Waxaan uur habreed galay
Afar iyo tobnaad iyo
Urur dayax la xero galay
Afku-rooble iyo nabad
Adduunyada waxaan imid
Maalintii islaamkoo
Lagu iiday xaramkoo
Ibliisku uu xirxiran yahay


Sida shiikh asluub laan
Kuu ammaanayayoo
Sida udugga dooggaan
Kuu imaansadaayoo
Sida oogadeydaan
Kuu ilaaliyayoo
Sidii Nebi Ayuub baan
Adi kuu samraayoo
Sidii Abuu Hureyraan
Kuu aamminaayoo
Adigiyo naftaydaan
Ifka ugu jeclaaye
Adiguna aqoonsoo
Ili dhehoo..
Dhankaaga ogoow