Monday, September 19, 2016

Maalintii Murugada Badaha Soomaaliyeed

Waxaan uga tacsineynayaa shacabka S/liyeed guud ahaan ayaandarrooyinka taxanaha ah ee muddooyinkaan dambe dul-habsaday oo ay ugu dambeysay tan ku saabsan xadeynta badaha S/liyeed ee ay Dawlad Qoleedka S/liyeed wax ka abuurtay. Waxaan si gaara ugu tacsineynayaa Bahdii Badda S/liyeed oo in badani naftooda u hurtay u adeegga badaha S/liyeed, waliba kaadirkii bad-aqoonka ahaa oo aan hubo inay aad uga murugeysan yihiin jahliga lagu maamulay badahay garashada u lahaayeen.


Qeexid Fudud

Sida aan ka maqallay ergaygii aan la mahadin ee lagu sheegay wasiirka ee wax ka saxiixay heshiiska madow ee lala galay keenya, in uu saxiixay isla-oggolaan (memo.).  Hase yeeshee ma sheegin waxa la is la oggolaaday nuxurkooda. Waxay aheyd in memo/gu leeyahay lifaaq. Waxay markaas u fasirmaysaa inay dawladda Kenya iyo cidaha caawiyaa ay soo dhammeystireen qoraalkii lagu ballamay in dal walba u gudbiyo Hey’adda Soohdimaha badaha ee dalalka adduunka ee loo qabtay 13-kii bishii 5-aad, 2009kii. Halka dhanka S/liyeed aan waxba ka diyaarsaneyn.

Waxaa cad in dhanka S/liyeed uu oggaaladay qorshe habeysan oo Keenya u adeegaya, kana daboolan indhaha Soomaalida. 
Saldhigga cabbirka soohdin badeedka, waxaa ka mid ah in diillin gudban laga xarriiqo meesha ugu hooseysa xeebta la rabo in la qeexo xadka baddeeda. Ka dib lagu qotomiyo diillin, tan hore la sameyneysa xagal 90 darajo ah, markaasna dhererka diillintii qotontay laga mala-awaalo xadkii la rabay. Tan hadda la filaayo in dunida laga hirgashana waa 350 mayl badeed.

 Labada dal ee Keenya iyo S/liya waxay leeyihiin xeeb isku taxan oo ku dhereran badweynta Hindiga. Wuxuu qofkii ku safra xeebtaas ama khariiddadda si wacan u dhuuxaa arkayaa in baxaaliga labada dal xeebahoodu kala duwan yahay. Tan Keenya ayaa dhulka sii gashan.
Waxay tahay, marka la hadoodilaayo qorshaha xadeynta labada soohdimood, in diillimaha gudban ay noqdaan barbarro (parallel). Haddaysan noqon dhinacroor, waxaa hubaal ah inay kuwa qotomaa oo cabbirkii la rabay lagu beegayo ay isgoyn doonaan. Waxaa dhici karta in diillinta qotonta ee Keenya ay soo abbaarayso dhanka soohdinta badda S/liyeed. Sidaasna ay labadii qotontay isku jaraan gudaha xad-badeedka S/liyeed, halkaasna lagu waayo hanti qaran. Arrintu sidaas waa ka sii adkaaneysaa oo qoraallo sharciyeeyadu waxay guud ahaan leeyihiin murugsanaan aqoon gaar ahi ka adeegi karto.  

Waxay aheyd, in si khilaaf looga fogaado labada dal ee wadaaga xeebtu ay mid walba soo naqshadeyso hindisaheeda xadeynta badda, ka-dibna ay is barbar dhigaan naqshadahooda, is lana oggolaadaan arrintoo la turxaan bixiyey. Taas baana la oran karaa memo. la wada saxiixay. 
Waxaan filayaa in ardayga ka gudbay dugsi hoose, garan karo xiriirka ka dhexeyn kara diillimaha gudban iyo kuwa qotoma, waa maade waa tan xulka dawladda isku sheegtay midnimo qaran ay ku rambastay. 

Ma Dawlad Qarameed baa (Nation State), mise waa Dawlad Qoleed (Clan State)?

Waxaa Dawlad Qarameed lagu qeexaa inay tahay tan u adeegta danta guud ee qaran. Xubnaha ka adeegaya dawladdaasna waxay noqonayaan kuwo lagu soo dhisay qaran-yahannimo la hubiyey. Tan Dawlad Qoleedku waxay noqoneysaa mid u kale adeegta qolooyinka isu muujiyey dawladnimo. Xubnaha loo xulaana waxay noqonayaan kuwo tolnimo lagu soo doortay. Haddaba waxaad mooddaa in shacabka S/liyeed sharciyey wasiir toleed la rooraya wadaan iyo dhure uu ceelka dawladnimo tolkiis kaga waraabiyo……bal waxaan is badnay eega!

Fiirog
Kaadirkii badda S/liyeed ee in badan ka sarreeyay dhigankiisa Keenya, wuxuu sii kala lahaa takhasusyo. Dhanka aqoonta hindiseynta badda (ocean graphic knowledge)  oo ah kan muranku ka joogo rag baa noo lahaa.
Anigase qoray qoraalkaan kooban waxaa la ii tababaray farsamada qalabka maraakiibta, waxaana uga diiwaan gashaana Wasaaraddii Gadiidka Badda Chief Engineer. 

Wednesday, September 14, 2016

QARANKA, QOLADA IYO DIINTA


QARANKA, QOLODA IYO DIINTA

Xilliyadii badnaa ee ummadda S/liyeed ku dhaqneyd dhulalkeeda, waxay arrimaheeda ku maareyn jirtay xeerar aan inta badan qorneyn ee ahaa kuwo la isu meeriyo oo wiilba abkiis ka dhaxlo. Xeerarkaasi waxay ahaayeen kuwo ku cukan xikmado iyo waayo-aragnimo la aruurshay.

Diinta islaanka oo waa hore soo gaartay geyiga S/liyeedna si wanaagsan bay u la falgashay u lana dhaqantay. Dadka S/liyeed oo u yiil hab-beeleed ma laheyn xeer guud oo wada kulmiya, balse qolo walba waxay laheyd xeerar u gaar ahaa. Meelaha qaarna waxaa jiri jiray xeerar guud oo qabta tol guud oo jifooyin ku kulmaan. In kastoo qolooyinku kale xeerar ahaayeen, haddana lagu ma kale fogeyn qodobbada xeerarkaas waayo dadkoo dhan baa ahaa isku isir astaan walba wadaaga. Sidoo kale beelahoo dhan baa ahaa kuwo duddo ah oo xiriirro dhaqan iyo dhiigba leh joogto uga dhexeeyay. Waxay awoodeen beelahaasi inay noloshooda ku xasiliyaan xeerarkaaas ay sameysteen. Haddii arrin ugub ahi soo korodho waxaa la is la oggolaa in waxgarad ay u la baxeen Xeer-Beegti ay kabaan xeerarkii hore. Sidaasna waxaa lagu heli jiray xeerar la socda waqtigii la joogaba. Ilaa xilligaan la joogo, waxaa inta badan ka la haga qolooyinka S/liyeed xeerarkii awoowayaasha sida xeerarka magta ama diyada oo si kastoo loo kale qoqobay dadweynaha S/liyeed wali u ah gundhigga maareynta noloshiisa.

Soo-Faalalkii dalalkii gumeystaha ahaa oo ku sandulleeyay dadkii S/liyeed xeerarkay wateen waxay u keeneen dadkii S/liyeed arrimo ugub ah oo aan Xeerbeegtidii loo oggolaan ku-kabista kuwoodii hore. Waxaa sidoo kale ahaa dawladihii reer guriga ahaa oo iyaguna keenay xeerar aan lagu kabin kuwii dhaqanka loo lahaa. Waxaa la is ku garab waday labadaas xeer oo midna la is la oggolaa, midna qasab ahaa.

Waxay xeerarkaasi noqdeen kuwo mar walba is hardiya oo dhibaatooyin badan ka yimaadaan. Waxaa tusaale ah; askari dawladeed baa hawlgal ku dilay nin. Qoladii ninkii la dilay markay aqoonsato qolada askariga, waxay duqeydii kii la dilay iyagoo raacaya sidii ay ahaan jirtay u gogol dhigtaan qolodii askariga, iyagoo doonaya mag ama qisaas. Markay qoladii askarigu ku dacwido in askari dawladeed dhibka geystay, garowsho ku ma helaan, waayo xeerarkay is la oggolaayeen askariba ku ma jirin.

Waxaa tusaale kale ah; waxaa dhaqan aheyd in raggoo idil yahay qooroole wada siman. Haddii la dilo nin yar iyo nin weynna, ay isku mag ahaayeen. In kastoo ragga qaar sida, isinka iyo abwaanku ay lahaayeen tixgelin gaara, haddana badi raggu waa sinnaa. Waxaa marar badan dhacay in la dilo nin jago sare ka haya hababkii dawladnimada sida; wasiir, agaasime, dhakhtar, injineer, sarkaal iwm. Kadib, qoladii dhibbanuhu waxay ku qanci waayeen mag nin caadi ah ama inay u qasaastaan ninkoodii midaan la darajo aheyn, dhinicii ka lana ka garaabi waayo, waayo waxaan ku jirin xeerarkii soo jireenka ahaa jagooyinka cusub. Waxaa wali ka socda S/liya in loogu aaro nin la dilay nimaan dhib geysan, loolase jeedo in looga gamo’ kii hore loo dilay. Arrimahaasi waxay abuureen fidno aan la afmeeri karin oo guurtidii qolooyinku siday u kale furdaamin laheyd garan weydo.

Dhanka diinta islaanka oo S/lida soo gaartay is la qarnigay soo baxday una qaadatay hab hal faham leh oo aan kale laheyn laamo, waxaa dhawaan soo kordhay mad-habo ama dariiqooyin kale oo wata fasirro kale duwan oo waliba iyagii qudhoodu is burinaayaan ama is jarayaanba. Diintii waayo badan qolooyinka S/liyeed u aheyd tixraaca ugu dambeeya ama gabbaadka ugu dambeeya oo ay ku kale qancin jireen waxay noqotay mid iyadii loo soo bandhigo hab cusub oo lagu wada qaloodo. Haddii dhambaalkii diintu ahaa hab nabadeed iyo mid maanka dadka gasha, waxay maanta noqotay in qofkii oo sheeganaya islaannimo lagu xukumo gaalnimo iyo madaxoo la jaro.

Aqoonyahankii S/liyeed oo la rabay inuu is ku xiro ummaddiisa iyo nolosha waayahan dambe, wuxuu duuduub u tufay hab-qoleedkii iyo xeerarkoodiiba wuxuuna ku tilmaamay dib-u-dhac ay tahay in laga gudbo, haddana dadweynihii u ma keenin hab dheellitiran oo ay fahmi karaan qolooyinku oo ay uga maarmaan kuwoodii hore. Si yasid ku jirto buu aqoonyahan u la cabeebay aragtidiisa aan fal-tusaaleed dhab ah laheyn. Wuxuu ku celceliyey, bal daya sida Waqooyiga Ameerika looga hormaray amaba Reer Yurub u hormareen, bal daya sida dunida ilbaxa ahi u dhaqanto. Wuxuu yiri oo yiri S/lida qabiilkaa dib u dhigay, qaran iyo qabiilna is ku meel ma gali karaan. Waa su'aale, hadday S/lidu waligeed qolo-qolo aheyd, walina tahay qaran ma noqon karto miyaa?
Maya, iyadoo qabiillo ah bay qaran wanaagsan noqon kartaa. Hab-qoleedkana dambi uusan galin baa dusha laga saarayaa. Madaxnimo-doonkii waalnaa iyo shahaadooyinkii la eeday baa jaahwareerka keenaye, magaca koox dad ah oo reer hebel ah (qabiil) waxba ma dhimin.  

Odaygii S/liyeed ee dhaqankiisa ku dhaadan jiray, qolo-diidnimadu ma gelin mana geli karin. Wuxuu qabaa in qofkii sheegta S/li ay la ma huraan tahay inuu sheego qolada uu S/li ka yahay. Wuxuu qabaa inaan gabadhiisu guursan karin nimaan qolodiisa S/liyeed la aqoon oo aan waliba wadan odoyaal loo-qaateen ah oo marag fura.

Dhanka kale, wadaadkii la yimid dariiqooyinka cusub, hab-qoleedkii soo ma dhaweyn, waayo diintii qarniyaal badan lagu dhaqmaayey baa hadda gado cusub ka soo baxeen sinnaba loo fahmi waa. Markii laga maagtay sidaasna waxay isu rogtay colaad iyo dhiillooyin culus.

Waxaa ka loo yimid isbeddello xoog leh oo ay keentay nolosha casriga ah. Waxaa arrintaasi ku timid qolo kastoo S/liyeed. Waagii hore oo hab-qoleedka iyo xeerarkiisa si fiican loogu dhaqmi jiray, waxay xubnaha qoladu ahaayeen kuwo wacyigood siman yahay oo in la kale garaad roon yahay, ha joogtee, aan la kale aqoon badnayn. Waxaa maanta dhacday in is la xubnihii qoladu kale aqoon bataan dhan walba. Waxaa dhacday in xubno badan ku firiraan goonyaha dunida oo afaf iyo aqoonno kale jaada yeeshaan, is la markaasna dhaqankii heybta wataan. Waxaa maanta aad u adag in ilmo adeerradii inta shiraan is ku si wax u arkaan, is lana jaan qaadaan. Haddii arrimahaani ugub noqdeenna xeerbeegtidii ku ma kabin xeerarkii sooyaalka. Sidaas waxay keentay qolo-qolo ha joogtee, inaan jifadii hoose laheyn hannaan ay is ku fahanto.

Waxgaradkii ama guurtidii ku hawlnaan jiray xeeraynta arrimuha oo si weyn loo cadaadiyay waxay gabeen inay xitaa kabmihii dhaqanka ahaa sameeyaan. Maanta xeerarka lagu socdaa waa kuwii duugga ahaa oo aan indhawaalaba la kabin.

 Sidee habbooneyd?

Waxaa aheyd in aqoonyahanka guud iyo kuwii hoggaanada dawladeed wadayba ay u kuurgalaan dhaqammadii ummaddooda, cilmibaaris xoogganna sameeyaan, ka-dibna u hawlgalaan siday xeerarkii beelaha u mideyn lahaayeen, si markaas ay u noqdaan xeerar qaranka iyo qoladuba ku dhaqmi karaan, noqdaanna kuwo dhinac walba uu ansixiyo. Jid maaheyn in la dumiyo tiirarkii ay ummaddu qarniyaal ku soo moodday lagana dhigo waxaan jirin, laguna magmakeeyo kuwa ugub ah oo in la qaate daaye aan la is la fahminba.

Dhanka diinta oo waayahan dhib weyn ka jiro, waxay aheyd in wadaadka cusub oo fasiraadda cusub la yimid uu ku ekaado dacwada dhambbaalladiisa . Daw maaheyn in diintii nabadda ku timid qarnigii 7-aad oo si fiican loo rumeeyay loo rogo xoog qarnigii 20-aad iyo 21-aad. Haddii kitaabbadii wadaaddadii bateenna maaheyn inay isku laayaan, ummaddiina ku rogaan ee waxay aheyd haddayba midoobi waayeen in sida meelo badan oo dunida islaanka ka mid ah ka jirta ay is nabad geshaan, isna xurmeeyaan, is la markaasna si cilmeysan wax u qaadaa-dhigaan, wanaagna wax ku toociyaan, dadkana dhaqanka ay la rabaan waxbaris ku gaarsiiyaan. Jid maaheyn in goonyaha dalkoo dhan magaca diinta ku ololiyaan, dadkana lagu jaro waxaan ka dhaadhicin iyo xukun ku qotoma faham qofeed ama kooxeed. Xubnaha Shacab weynaha ee gala dambi, waxay aheyd in lagu ciqaabo xeer guud oo loo qaayibay dalkoo dhan ee maaheyn in lagu ciqaabo aragti-kooxeed, ha ahaato mid diimeed ama ha ahaato mid ku socota xeerar dhigaal ahe.

Falalaka xoogagga magaca diinta ku loollamayaa ay ummadda la dhex rooreen qaarkood waxay noqdeen kuwo maanka qofka caadiga ah aan geli karin. Waxay noqdeen kuwo nuxurka diinta lagu garan waayey. Waxaa waxyaabaha yaabka leh kamid ah: waxaa la wada ogyahay in dadweynaha S/liyeed badidi uu maanta ku nool yahay tuugsi iyo wax gacanta looga taago. Dadkii oo saas iyo silic kaloo badan ku nool, ma dawbaa nin xabbad rootiya ama saxan bariis ah xaday, lug iyo gacan isdhaafa la jaro? Sow diintu maaheyn tii u oggolaatay insaanka inuu naftiisa ku badbaadiyo wax kastoo hore xaaraan u ahaa?

Waxaa kaloo tusaale ah: waxay 17-kii bishii 10-aad, 2009-kii waxay wakaaladda wararka ee Roytar warisay gabar lagu jeedlay Naaso-Toosiye (Bra.) ay xirneyd, markii la baarayeyna wuxuu wadaadkii afka duubnaa ku yiri gabadhii naasaha rux. Xaggee diinta uga taal nin gabar ajanabi ka ah inta hor istaaga ku leh naasaha rux? Xaggeese lagu xarrimay Naaso-toosiye?

Waxaa cad in kooxaha diiniga ah ee u halgamaya inay shareecada islaanka ka hirgaliyaan S/liya aysan distoor ahaan iyo garaad ahaanba u diyaarsaneyn inay dalka xukumaan, waayo hadday yihiin wadaaddo xagga diinta ka dhisan, waxay muujin lahaayeen, sida arrimuhu u kale horreeyaan. Iyadoo dilkii, dhacii, gaajadii, qaxii, cudurradii iyo colalkii dadkii si joogta ah u halakeynayaan, ku ma ay mashquuleen naasaha hablaha iyo hagooggooda. Ku ma ay mashquuleen garka iyo labiska ragga. Addimada may jareen qof laga yaabo inuu waayey wuxuu ku quudin lahaa dhallaankiisa ama naftiisa.

Falalkaas yaabka leh ee ka yimid wadaaddii tusaalaha suubban u ahaan lahaa ummadda waxay keenayaan: in dadweynuhu ka shakiyo samo iyo xumaba wixii wadaad wado, ka dibna sidaas diintii looga fogaado. Waxaa afar geed ka sii boodi doona, kii diin kale haystay oo u soo hanqal taagahayey rumeynta islaanka. Waxay dhaqammada muuqda ee wadaaddadu fogeynayaan rajadoodii aheyd in dalka diinta lagu xukumo. 

Gunaanad

Doodda qoraalkaani maaha in fadhiid la ahaado oo lagu ekaado siyaalihii hore kaliya ee dooddu waa in la isku xiro xeerarkii hore iyo kuwo laga ma maarmaanka ah ee dambe. Si sidaas loo gaarana waxaa habbooneyd, walina habboon inay wada hawlgalaan culimada diinta, aqoonyahannada iyo abyaqaannadii soo-jireenka ahaa, si cilmeyan oo aan turxaan laheynna loo wada shaqeeyo. Waxaa sidaas lagu gaari karaa is tixgelin, isu kagsasho iyo daacidnimo.

Kan markii dood timaaddaba ku gudba ma diintii Allaa la diiddan yahay? Waxaa oran lahaa; diintu sideedaba danaha dadkaa loo soo rogay, mar haddaysan danaha dadku ku jirinna diinba maaha. Waxaa dadka caqliga loo siiyay inuu wax ku rogrogo ee la ma farin inuu sidii qof waalan hal meel ku dhaygago.

 Ilaahay wax ma qalqalloociyee, waa toosiye tubta wanaagsan tilmaama. Ilaahay waa ka-maarme hodan ah, ee aadanahaa ah sabool dheef doon badan. Ilaahay ma jawrfalo ee aadanahaa ah, xadgudbe gar daran. Ilaahay waa naxariiste garaad badan ee aadanahaa ah maanyare lur badan. Ilaahay waa qummane aan gafin, ee aadanahaa ah dhagarlow dusmo badan. Ilaahay waa garsoore sare ee aadanahaa ah, macangag eexasho badan. Ilaahay waa baarri dulqaatee, aadanahaa ah looyaan naxariis daran. Ilaahay waa dheefiye waxsan qaybiyee aadanahaa ah, dhuungooye kaligi doon ah. Ilaahay waa boqor mudan, ee aadanaha ah marooqsade marin xun. Ilaahay waa awoodle weyn, ee aadanahaa ah widwidle waxtar yar. Ilaahay waa jaangooye sugane, aadanahaa ah jaamoole garaad janjeera. Ilaahay waa La ma-Maseeye aan lala sinnaan karine, aadanahaa ah is-maldahe meermeerin badan.