Monday, November 7, 2011

SOOYAALKA SOOMAALIYA



SOOYAALKA SOOMAALIYA
File:Flag-map of Greater Somalia.svg

Taariikhda Soomaaliya waxay la bilaabatay taariikhda aadanaha; tookh iyo koolkoolinna iga ma ahee, sidaas waxaa qaba culimmada sayniska. In ayeeyo Xaawo ku noolayd bariga Afrika hilaaddii 150, 000 sano ka hor, aadanuhuna ka soo farcmay iyada waa aragti ku xoog badan dhinacyada isirgoobka isku hawla. Waxaa ka loo daliil cad ah, markii fircoonnadu ka warrameen asalkooda waxay yiraahdeen: waxaan ka soo jeednaa dhulkii asalkaTakhent ama Soomaaliya; eraygaas oo maanta afkeenna wali ku ah takhti.
·     Waxaa laga helay boholaha Laas-Geel oo u dhow Hargeysa  sawirro gidaarrada ku xardhan oo lagu qiyaasay in ka badan 11,000 sano kahor. Noocooda waa kuwa ugu da’ weyn Afrika. Hoosta sawirradaas waxaa lagu arkay far hore oo ilaa hadda aan la garan akhriskeeda. Waxaa caddaatay in cilmiga loo yaqaan cryptology (kiribtaalaji) ama aqoonta af-summadeedka ay Soomaalidii hore dunida ku soo kordhiyeen waayo aad u fog.  
* Dhaqammadii mayd-aasidda oo ka da’ weyn 6000 sano waxaa laga helay Jaleelo.
·  Dhismayaal leh qaabka Ahraamta, Qubuuro hore, magaalooyin hore oo baaba’ay sida Wargaade iyo Galgala waa astaamaha ilbaxnimo horumarsanayd oo hore inay ka jirtay Soomaaliya.
· Herodutes (484-425 BC) oo lagu sheego aabbihii taariikhda wuxuu ka hadlay in ka badan 2400 sano kahor, Markoobiyiin oo ahaa dad ku noolaa Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay aqoon dheeri ah u lahayeen cimri-dherersiga, wuxuuna yiri da’dooda dhexdhexaadka ah waxay aheyd 120 sano, waxayna ahaayeen dadka ugu dhaadheer uguna qurux badan dayowga.
· Boqortooyadii 4aad ee Masartii hore (Kemet) Xilligii boqor Khufu oo laga joogo in ka badan 4600 oo sano waxaa qoran dahab laga keenay Punt.
· Boqortooyadii 5aad xilligii boqor Saxuure ee Kemet oo laga joogo in ka badan 4500 sano waxaa qoran safarkii lagu aaday boqortooyadii Punt.
·   Xilligii boqortooyadii 12aad ee Kemet oo laga joogo in ka badan 4,000 sano waxaa ganacsigii Punt loogu dabbaaldagay “sheeko suugaaneedka badmaaxii markabkii burburay”.
·     Boqortooyadii 18aad ee Kemet xilligii boqoraddii wacdaraha laheyd ee Xadshibsuud oo laga joogo in ku dhow 4000 sano waxaa si weyn loo muujiyaya safarkii caanka ahaa ee Punt iyo hodonnimadii reer Punt.
·       Xilliyadii fircoonnada waxay Soomaalidii hore laheyd xoog badeed awoood badnaa iyo ganacsi gaaray dhammaan goonyahii dunidii waayahaas. Waxaa taariikhda ku cad in Soomaalidii hore waligeed aheyd mid iskeed u taagan oo aan dhinacna ku tiirsanayn iyo inay dulqaad u laheyd diimahii kale duwanaa ilaa qarnigii 7aad ee Miilaadiga.
·    Sheeko badeedka la yiraahdo “Perplus of Earithearean Sea” waxaa lagu xusay in qeybta Soomaaliyeed ee xigta dhanka Gacanka Cadmeed ama Gacanka Barbar ilaa Raas Xaafuun la oran jiray waayahaas oo ku beegan 2000 sano kahor Berberiya. Qeybta Soomaaliyeed ee ku dhereran Badweynta Hindigana waxaa la oran jiray Azania.
·       Boqorkii Persia/Iran ee ahaa Cambyses II (530-522 BC) markuu qabsaday Masartii hore wuxuu u soo diray Markoobiyiintii ergo iyo hadiyado si ay u hoos tagaan taladiisa.  Markuu boqorkii Markoobiyiintu arkay hadiyadday wadeen wuu yasay wuxuuna ergadii weyddiiyay da’da dadkoodu gaaro, markay yiraahdeen 80 sano wuxuu u sheegay inay cimri-degdegga ugu wacan tahay cunnada xun oo ay cunaan. Waxaa ergadii la geeyay  meel magaalada geeskeeda ah waxaana la tusay miis la oran jiray “Miiskii Qorraxda” oo baaxad lahaa. Waxay ergadii sheegtay inay dhaqan aheyd in habeyn walba Miiska Qorraxda hilbo laga buuxsho, ciddii baahanna ka quudato, waxayna ka mid aheyd hababkii ganacsiga ee Markoobiyiinta. Waxay ka loo ergadii sheegtay in la tusay maxaabiis ku jeebbaysan silsilado dahaba taas oo muujinaysa hodonnimo mug laheyd.  Sidoo kale waxay ergadii ku warrantay inay soo arkeen dad horumarsan oo leh xeerar, xabsiyo iyo siyaasado ganacsi oo meelmar ah. Wuxuuse boqorkii Soomaalidaas hore u sii dhiibay ergadii qaanso uu u boqorkii Persia u diray oo macnaheedu ahaa waa noo dagaal haddaad na haweysato.
·       Markay Faaris ama Persia qabsatay Yaman, boqorkii Tarsiibi (292-302 BC) ayaa damcay inuu xoog ku qabsado Punt/Dhulkii Udugga waxaase jabiyay suldaan Soomaaliyeed oo la oran jiray Suldaan Wiriiri oo xaruntiisu aheyd Laas Qoray. Ka dib boqorkii Faaris wuxuu la galay heshiis ganacsi wuxuuna suldaankaas siiyay naaneysta Boqorkii Afrika.
·    Magaalo dawleedyadii waayahaas caanbaxay waxaa ka mid ahaa: Avalites, Mosyllon, Pano,  Opone, Malao, Sarapion, Mundus iyo Tabae. Safaradii ganacasigu waxay ka imaan jireen; Phoenicia, Egypt, Greece, Persia, Saba, Nabataea iyo boqortooyadii Roomanka. Intii uusan  Roomanku ku soo duulin boqortooyadii guunka aheyd ee Kuush oo xarunteedu aheyd Nabata wuxuu ganacsigii Soomaalidii hore gaaray heerar aad u sarreeya. Duullammadii Roomaanka ka-dibse waxaa baaba'ay dhabbayaashii ganacsiga; sidaas baana Roomaanku guuldarro ugu keeneen Soomaalidii hore.
·      Guyaashii dhexe markii islaanku soo baxay hijradii kowaad waxay ka soo dagtay Saylac, waxaa u sahlay sidaas ganacsigii iyo xiriirradii bariga dhexe iyo Soomaaliya oo jiray waligiis. 
·   Dagaalladii iyo qalalaasihii ka oogmay bariga dhexe waayihii ka dambeeyay qarnigii 7aad wuxuu abuuray qaxooti soo dagay xeebaha Soomaaliya, Waxayna Muqdishow noqotay xarunta ganacasi ee ugu weyn xeebaha bariga Afrika. Waxaa sii xoojiyay awooddeeda ganacasiga dahabkii Safoola (Mosambiig).
·      Geyiga Soomaaliya waxaa laga soo bilaabo qarnigii 13aad ilaa qarnigii 17aad ka abuurmay labo saldanadood oo xoog badnaa;
      Cadal ama Awdal oo markii hore Saylac caasumad u aheyd, ka-dibna Dakar aakhirkiina Harar oo ku can baxday dagaalladii qaraaraa ee iyada iyo Abasiiniya joogtada uga dhaxeyn jiray, waxaana aad la yaqaan Imaam Axmad Ibraahim Garaad (Guray) iyo furashadii weynayd ee Xabashida, waxaase loollammadu bilaabmeen qarnigii 13aad ama kahor Axmad-Gurey 300 oo sano.
 * Saldanadii Ajuuraan ama Aqalkii Gareen oo qeybo badan oo koonfurta Soomaaliya ah Mudda dheer ka talisay, caasumaddeeduna aheyd markii hore Mareeg, ka-dibna Qallaafo. Xarumaheeda maamul ee waaweynna waxaa ka mid ahaa Marka iyo Hobyo. Waxay dagaallo ba’an la gashay Bortoqiiska oo xeebaha Bariga Afrika boob ku hayay waxaana ugu caansan dagaalkii weynaa ee Baraawe. Sidoo kale waxaa ku furnaa dagaalladii Orommada ama gaallaha oo dhanka koonfurta kaga socday. Waxay Ajuuraanku aad u horamariyeen hab-biyoodka oo ilaa hadda la intifaacsado waxtarkoodii.
·   Markay burburtay Saldanadii Ajuuraanku iyo tii magaaleedka aheyd ee Al-Musafar ee Muqdishow waxaa abuurmay Saldanadii Gobroon ee Galadiga oo ilaa 150 sano awood laheyd soona gaartay qarnigii 20aad bilawgiisii, markaas oo gumeystaha talyaanigu dul habsaday. Caasumaddeedu waxay aheyd Afgooye.
·       Waayaha ku beegan qarnigii 17aad ee ay taagdarraysay saldanadii Cadal oo muddo dheer difaac ugu jirtay geyiga Soomaaliyeed waxaa Soomaali galbeed ka muuqday hoggaamiye mayil adag oo xoogaggii Gaallaha oo isa soo fidinaayay hor joogsaday; waana Garaad Xirsi Faarax Xirisi oo loo yaqaan Wiilwaal. Wuxuu garaadku galay dagaallo kulul oo af iyo addina. Guushii uu ka gaaray dagaalladaas waxay ku xusan tahay gabaygiisa caanka ah oo uu ku magacaabay hoggaamiyihii Gaallaha ee dilaaga ahaa oo Soomaalidu u tiqiin Gaal Gurey :


Xalay gelin dhexaadkii miyaan, gogosha soo laabay?
Gurxanka gooraanka iyo, goohii iga yeeray
Hanqar geeda laaye ah miyaa, laabta iga guuxay?
Ogaadeen Galduur iyo hadduu, wabi ka soo gaasay
Meeshiyo Garloogubay hadduu, galawgu eedaamay
Guntadayeey haddaan Khaylidii, labada naas geeyay
Asaan Weyrax nadigii gashay ow, gucummo aar yeeshay
Gaalladii ka-gees iyo ka-gees, Riibi nagu goysay
Guray maalintaan dilay colkeed, inuu go'aan sheegtay
Golyoy maalintaan iri darkii, inay gashaan sheegtay
Meeshaan ka gaylamay dadkii, inuu go'aan sheegtay
Garbidaan ku tiirsaday rag inuu, garab maraan sheegtay
Geeraarshe dheer iyo dagaal, waran galaan sheegtay
Gacan iyo in geed laga hadliyo, gobannimaan sheegtay


·       Markii la soo gaaray qarnigii 19aad waxaa geyiga Soomaaliyeed la soo gudboonaaday waayo dhibaato badan. Xoogaaggii reer Yurub oo ku hubeysan aalado dagaal oo cusub, waxay dhan walba uga yimaadeen dhulalkii Soomaaliyeed, waxayna cudud ku taageereen nacabkii soo jireenka ahaa ee Abasiiniya. Dadka Soomaaliyeed is ma dhiibin ee wuxuu galay dagaallo ba’an oo kahortag ahaa, waxaana ka mid ahaa:
   Daraawiish oo loollan  adag la gashay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi; aagaggii ay daraaawiishi ka dagaallamaysay muddada 21ka sano ah waxaaa ku rogmaday 30% shacabkii Soomaaliyeed ee ku noolaa aagaggay ka dagaallantay.
    Markii ay daraawiish burburtay 192-kii wuxuu gumeystihii Talyaanigu isku la rogay saldanadihii uu gacansaarka la lahaa markii hore sida tii Majeerteeniya ee Baargaal xarunta u aheyd, waxaana dagaallo ba’an oo socday muddo labo sano ah la galay Talyaaniga ammaanduule Xirsi Boqor Cusmaan. Waxay maraakiibta Talyaanigu joogto u garaacayeen dhammaan magaalooyinkii xeebaha boqortooyada. Halkaasna waxaa ku naf waayay dad badan oo Soomaaliyeed.
  Markuu Talyaanigu qabtay saldanadii Hobyo ee suldaan Cali Yusuf-Kenadiid; waxaa dhacay dagaallo ba’an oo uu hoggaanshay Cumar Samatr Rooble wuxuuna hoggaanshay kacdoonkii Fallaago.
      Markuu Talyaanigu isku fidiyay gobollada Koonfureed horraantii qarnigii 20aad waxaa dhacay dagaallo ba’an sida tii Lafoole oo Wacdeenku ku jaray horyaalladii Talyaaniga. Tii Marka oo Biyomaalku si daran u la dagaallameen Talyaaniga, wuxuuse Talyaanigu awooday inuu ka adkaado waddaniyiintii Biyomaalka saanadda awgeed, wuxuuna Talyaanigu sameeyay xasuuqii caanka ahaa ee Marka. Sidoo kale wuxuu Talyaanigu ku xasuuqay Buulo Mareer xoogaggii waddaniga ahaa ee Hintiraha.
     Markay dawladdii Fashiistaha aheyd ee Talyaanigu la wareegtay taladii Soomaaliya waxay u hawlgashay inay hubka ka dhigto shacabkii. Arrintaas waxaa ka dhiidhiyay Sh. Xasan Barsamihii hoggaanshay Kacdoonkii Barsame ee dooxada shabeelle 1924kii; waxaa mudan in la xuso warqaddii uu u qoray DE Vecchi waa xaakinki Talyaaniga ee Soomaaliya e: Idinku xeerar baad leedihiin annaguna xeerar baa leenahay; haddaad isku daydo inaad xoog nagu maquuniso waxaan ku dagaallami doonnaa wax kasta oo aan awoodno. Shiikh Xasan gacanta gumeystahuu galay raqdiisa iyo ruuxiisa toona dib dambe looma arag.
     Kadib markii ay burburtay daraawiish waxaa kacdoon ka sameeyay waqooyiga Soomaaliya Shiikh Bashiir, waxaase dagaal ku dilay Ingiriiska meesha la yiraahdo Buurdhaab, wuxuuna maydkiisii la waray Burco dhexdeeda si loo quusiyo dadka.
      Dhulalkii gumeystuhu ku magaccabay Trans-Jubba waxaa joogto uga jiray kacdoonno gumeysi diid ah waxaana 1916kii  ka dhacay Sarinley ee gobolka Gedo dagaal lagu jaray ciidankii Ingiriiska. Maalintaas waxaa Sarinley lagu dilay Lt. Elliot iyo 35 asakari oo uu watay.
Dhanka Jabuuti waa la xusuustaa halyaygii Max’uud Xarbi ee naftiisa huray iyo dhibaatooyinkii gumeyste Faransiis sida tii 1967dii.
Dhanka Soomaali Galbeed halganku ma hakan maalinna, waana taas shucladdii xornimodoonku wali balbaleyso.
In kastoo horseednimadii labadii urur ee kale ahaa SYL iyo SNL lagu haleelay madaxabanidii labadii gobol ee British Somaliland iyo Italian Somaliland iyo midowgoodii 1960kii, haddana dad iyo dawladba loo ma arag madaxbannaani shin ah ama dhammaystiran. Waxaa aad loogu hammiyay loona hawlagalay sidii loo heli lahaa midnimo Soomaaliyeed oo dhammays ah.  Waxay Soomaali noqotay sidii qof xubnihiisa la jarjaray oo la ladi waayay kaarkii la baday. Burburkii dawladdii Soomaaliyeed iyo qalalaasaha daba dheeraaday waxay xiriir toos ah la leeyihiin baadigoobkii Soomaaliweyn.
In kastoo xoogaggii ku soo faalalay geyiga Soomaaliyeed ay ka xoog bateen reer gurigii dalka, kalana qeybsadeen dhulalkii Soomaaliyeed, haddana shacabkii Soomaaliyeed isu ma hoogaamin gunnimada ee wuxuu himiladiisii ku nooleeyay xiddigta 5ta gees oo geesihu ka dhigan yihiin qeybihii loo qeybshay dalka, midabka cadna uu tilmaamayo dhulalka Soomaaliyeed oo nabad iyo barwaaqo ah oo hoos fidsan cirka oo saafi ah lehna midabkaas buluugga ah.
Inta ay astaantaasi jirto waxaa quluubta Soomaaliyeed ku noolaan doona walaalnimo iyo wadajir. Waxay astaantaasi cabsi ku beertaa cadawgii Soomaaliyeed ee kale dhantaalkeeda waligiisba ku hawlnaa.
   
  Qofkii Soomaaliyeed oo kalgacal u haya Soomaalinnimo waa inuu u hawlgalaha badbaadinta astaamaha midnimada sida afka oo waayahaan ku jira marxalad halis ah iyo u uur-samaanta qeybaha Soomaaliyeed oo idil. Inaad sheegato wadanannimo, haddana tiraahdo reer hebel ama qeyb hebel baa necbahay waa waxaan suurtogal aheyn.
    In kastoo maanta muuqaalka S/liyeed uu ku murugoonaayo qofkii ay laabtiisa ku tiran tahay wax uun waddaninnimo ah, haddana waa in la xusuustaa in Soomaali waligeedba weerar lagu ahaa, waligeedna halgan ugu jirtay jiritaankeeda, mar walbana jireen xilliyo ladnaan leh iyo xilliyo dhibaatooyin badan. Waa in la xusuustaa in baadigoobka qarnnimo dhab ah uu u baahan yahay midnnimo iyo wax-huritaan badan. Gobannimo la mahadiyo kaliya waxay ku imaan kartaa samaanta oo wadajir loogu halgamo iyo xumaha oo wadajir loo diido. Jidka gobannimada loo qaadaa waa dheer yahay, qodax iyo qaniin badan yahay oo dugaag iyo dayday badan yahay. Sidaas darteed, waa in waddanigu dhidid iyo dhiigba huraa, guushuna ka ma dheeraan doonto kan dhaxalkeeda raba.      

1da Luulyo Ma Dabbaaldeg Baa Mise Waa Baroordiiq?



1DA LUULYO MA DABBAALDEG BAA MISE WAA
BAROORDIIQ?

Waa maalintii xornimada laga helay gumeystihii saancadaha ahaa oo buluugleey ay dabeyluhu ka luleen daaraha dushooda. Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal dawlad ah yeesheen iyagoo hore u ahaa “British Somaliland” iyo “Italian Somaliland”.

Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyay loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammays ah. Waa maalintii aan ku heesnay ”qoloba calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.....”

Ha yeeshee, 1991-dii iyadoon guluf shisheeye oo toos ah uuna soo duulin ayaa la dumiyay dawlad-qarameedkii loo han weynaa. Dawladdii silica iyo saxariirka loo maray, nool iyo moodna loo waayay ayaa si fudud oo xilkasnimo-la’aan ah loo riday.

Waxaa la boobay hantidii qaranka oo dhawrtada iyo dhigaalka aheyd. Waxaa la xaabsaday xoolihii xalaal-quutaha waddaniga ah oo la xalaalsaday. Daarihii loo qotomiyey adeegga qaranka farshaxannaduna qurxiyeen baa la dumiyay ama sidii diirta loo diirtay amase laga yeeshay mooro-xoolaad. Sidii aboorkii baa la mahoobbiyay astaamihii iyo taallooyinkii dalka. Waxaa la fagtay dhulkii, bir iyo maarna waa laga dhawray. Waxaa kor loo laacay xargihii danabka oo sidii qarandida loo dhishay. Salka suuliga iyo kulay qasabad ku tahay shayna la ma samatabixin. Waxaa seyladaha dunida la waray sad guud iyo sad gaaraba wixii ummaddu lahayd.

Waxaa gunta laga jaray geed-miroodkii gu’yaasha laga dhursugayey. Waxaa gubato loo rogay dooxooyinkii dalagyadu ku beernaayeen, carrosankiina waxaa laga dhigay gawaan iyo gabiib maran.

Guutooyin baa la dumay oo gees walba u qaaday duullaan ummula-dooxa. Waxaa gawrac loogu jiiday hanad iyo waxgarad la garwaaqsanaa. Waxaa loogu guduudiyay nin gaboobay iyo gurboodba. Waxaa gees walba ka yeeray galaayuuska dumarka asayda gambeysan iyo hoogaysiga hooyadii la jaray ubadkeedii. Waxaa guri walba hogatay gablan wiil la’aaneed iyo guuldarro iyo hoog. Waxaa dhacay geesaas iyo gabanno-xoor. Waxaa dhacay kala-haad iyo haataa-wilif. Waxaa dul heehaabay geyiga Soomaaliyeed oo idil daruur dabaylo nuxus leh wadata oo musiibo iyo meyd leh.

Gabadhii Soomaaliyeed ee bilicsanayd ee lagu kunniyay boqoraddii Afrika oo lagu maseeyay xoriyadda waxaa la bilqay duleedyada bannaan iyo deyrarka guryaha, waxaana sidii kadin kallanaa loo hortay galmadeeda iyadoo garcas iyo oday guunaba goob joog ahaayeen. Gabadhii aan niri waa hoobaan ee heegaha dheerayd, Hodan, waxaa helay hunuf dhadhable ah oo dhalanteed aamminsan. Gabadhaan niri waa  “sida geed harweyn oo ubax guudka qariyay oy laamuhu ay midiba geesteed gacan mira ah leedahay oo godan barwaaqo ah, durdur aan go’ayn iyo gacan wabi ku yaal ...geddiisii baad tahay”  gabadhii waxaa helay gun iyo gaayo alifley.

Xornimadaan niri; waa hal oo waa Maandeeq, hoorkii madida aheyd oo baarqaabkii Turbaale iyo dirkiisa ku tarmi jirtay oo ku tanaadi jirtay, waxaa helay qaalmo taynax-walashle ah oo tis-qaadka roorsada oo garbo beel iyo goondhabaaleyn mooyee aan ged kale ku kordhin. Maandeeq, Turbaalay ku tiqiin ka-guul-guulka awrta gaaf-wareegga ah iyo qaalmaha gaadda-keenka ah ee guulowga badan, goosan dhurwaa iyo gaade libaaxna agteeda ka ma goosan jirin. Markay guxushaagii weyday baa kolay dhuug iyo dhurde ku tahay dhiiggeedii laga giigay.

Hashaan gaade iyo gulufba ka dhawrnay, hashaan geyraha iyo gudcurkaba la joognay, hashaan gaawaha u culannay waxay darartay mur iyo deebaaq, iyo dacar dhiimaal ah. Godlan waxaan ka sidannaa gorofyo maran.

Maandeeq sidig bay ahayd seddex ku irmaan tahay oo sabadka ay joogto suudda la daaqa oo maqaarka loo sido lagu wada salaaxo. Markii Maandeeq gabraartaha iyo sinji-dhaadyadu ganeen, bay seddexdiina noqdeen seera-wareeg subaaca la qooqa. Uubateyn iyo olol-reen bay ku riiqmeen oo ku rifmeen.

Wax daran wax baa kaaga sii daran, balo’ wali way irmaan tahay oo way ibo qoyan tahay. Balo’ buunkeeda Xamar baa laga yeershaa oo dabkeeda laga biriyaa. Xamartii xoogga iyo xiniinyaha Soomaali weyn lagu dhisay, tacabkeediina la tuunshay waxaa taabsaday tuug iyo tuug-kalkaal. Xamartii taajka qaranka aheyd, waxay noqotay barta taliska bi’inta Soomaaliyeed. Talo keen ahow ama talo raac ahow, hadday tusmo wanaagsan aheyd tuna lagu kari waa. Balo’ wali waa irmaan tahay, kuwii toobkaheeda culay oo bineeyay wali waa fayow yihiin oo waa faltamayaan. Kuwii balo’ unkay oo ku tacaddiyey danta S/liyeed wali waa soo dhankoolaan. Baas-abuurayaashii bannaystay gawraca iyo gambiga qaranka S/liyeed wali waa bulxamayaan.

Kuwii hagardaamo qooli jiray wali waa hammiyayaan, kuwii hantaqa ku ridi jiray wali waa harjadayaan, haddana heegaan u jeednaaye wali waqal ku ma hoorin!