Tuesday, March 13, 2018

Ganacsi iyo Gumeysi: Soorogaal-Celinta Taariikhda




Related image
Suldaankii Geladiga

 

Odoyaashii Waqooyiga Soomaaliya
The National Archives UK - CO 1069-111-7.jpgRelated image
mid kamid taliyaashii Ingiriiska iyo Suldaan Barqash












Sannadkii 1830-kii baa qeybtii Soomaaliyeed ee waagaas lagu magacaabi jiray Banaadir waxaa ganacsi ahaan u kireystay  Sudlaankii Cummaan, markii dambana waxaa qanadaraaskii la wareegay sannadku markuu ahaa 1860-kii Suldaankii Sansibaar ee la oran jiray Sayyid Majid bin Said_Al-Busaid. Markuu dhintay suldaankaasi waxaa taladii la wareegay Suldaan Barqash oo ina adeerki ahaa. 
Sannadku markuu ahaa 1884-tii waxaa dhulkii Banaadir ka sii kireysatay Suldaankii Sansibaar shirkad Talyaani ahayd oo la oran jiray "Compagnia del Benadir". Waxaa bilawgii maamuli jiray dhulkii Banaadir "Compagnia Filonardi" (1893-96) markii dambana "Società Anonima Commerciale Italiana del Benadir" (1899-1905). Waxaa xigay in dawladdii Talyaanigu la wareegto dhulkii markii hore hab ganacsi taladiisa lagu la wareegay, waxaana loo rogay mustacmarad Sannadkii 1905-tii magaciina waxaa loo beddelay Dhulkii Soomaalida ee Talyaanigu lahaa “Somalo Italiano”.
Dhanka kale, dhulalka waqooyi ee Soomaaliya waxaa la wareegay Ingiriiska oo isu muujiyay markii hore inuu leeyahay ujeeddo ganacsi, wuxuuna danaynaayay inuu hilib ka helo Dhulalkaas Soomaaliyeed si uu u quudiyo ciidamadiisii fadhiyay Cadan oo markaas u ahayd saldhig ay maraakiibtiisu dhuxusha ka qaadato iyo isagoo ka hor istaagaayay gumeystayaashi kale inay meelahaas ku soo faalalaan. Haddaba, kadib markuu heshiisyo xiriir ahaa la saxiixday odoyaashii qabiilladii Soomaaliyeed ayuu ku dhawaaqay sannadkii 1880-kii in qeybtaas Soomaaliyeed isaga u tahay maxmiyad (Biritish Somali Protectrate). Sannadkii 1905-tii waxaa la hoos geeyay Dhulkaas Soomaaliyeed Xafiiskii Isticmaarka Ingiriiska (Colonial Office). 
Faransiisku wuxuu qabsaday dhulkii ay markaas u yaqaanneen Xeebtii Soomaaliyeed ee Faransiiska (Côte française des Somalis) kadib markii ay heshiisyo ganacsi la galaayeen odoyaashii qabiillada sannadihii 1883-87. Markii dambana wuxuu u rogoy mustacmarad.
Image result for DP World and Ethiopia
DP World, Abyssinia iyo Somaliland (Ganacsi iyo Gumeysi)
Haddaba, waa tii la yiri taariikhdu iyadaa soo rogaal celisee (history repeats itself) dhacdooyinkii bilawday qarnigii 19-aad sow ma soo rogaal celin?
Siyaalaha maanta ka jira geyiga Soomaaliyeed waa is la kuwii oo jilayaashu ka la duwan yihiin. Suldaan Barqash waxaa maanta u taagan suldaannada Carbeed ee gacanka Faaris, odoyaashii Soomaaliyeed ee dhulka kirayn jirayna waxaa u taagan Maamul Gobolyeeda sheegta m/weynayaasha iyo dullaaleydooda.
Nimanka cigaallada leh ee Khaliijka Faaris maahan niman leh istaraatiijiyad ummadeed oo qoto dheer, wuxuuna qorshahooda ku aruursan yahay difaaca madaxnimadooda qofka iyo qoyska ku dhisan, difaacaasna waxay ku laayeen dadweynihii dalalkooda waxayna ku xaalufiyeen dhaqaalihii dadyowgooda. Mar haddaysan dalalkooda iyo dadyowgooda ka naxayn, u ma turayaan ummado iyo dalal kale. Dhinaca kale, waayahaan dambe waxay si muuqata u noqdeen adeegayaasha dawladaha itaalka leh oo ay tooda uga baqayaan, hanti lixaad lehna way ku siiyaan. Qorshahooda silloon oo ay ku la dhaqmayaan dalka Soomaaliya ma laha ujeeddo wanaagsan oo u adeegaysa danahooda fog ama kuwa Soomaaliya ee waa adeegayaal xoogag kale oo dano qoto dheer ka leh geyiga Soomaaliya. Waxaa tusaale wanaagsan u ah UAE iyo DP World-keeda oo beryahaan dambe ku hawllanaa lawareegga dekadaha iyo marsooyinka Soomaaliya iyagoo u maraaya waddooyin sharcidarro ah. Sannadkii 2016-kii wuxuu dakhliga dalkaas UAE ahaa $348.7 bilyan, sannadkii 2013-kiina waxay tirada dadkiisu ahayd 1.4 milyan. Sidaas darteed waa dal ladan, hase yeeshee, waxaa dalka iyo hantidiisaba iska leh qoysas siday doonaan ka yeela, is la markaasna ku kibray dhaqaalahaas badan oo dhawaan soogalka. 
Shirkadda DP World oo uu leeyahay qoyska xukuma ama leh Dubay ee al-Makhtuum u ma baahna dhaqaalaha aadka u yar ee dekadaha Soomaaliya ee waxay ka leeyihiin labo ujeeddo:
1- Maadaama dekadaha Soomaaliya qaar ku yaallaan marin-biyoodka Gacanka Cadmeed/Gacanka Barbar waxay ka istaraatiijaysan yihiin kuwoodda ku yaalla Gacanka Faaris. Waxaa ka loo jirta in ganacsiga uu UAE dalka Soomaaliya la leeyahay uu yahay lambarka 1-aad ama 2-aad markii daldal loo eego. Arrimahaas awgood bay waxay ka baqayaan in haddii Soomaaliya xasisho oo la horumariyo dekadaheeda, in Soomaali ka maarmi doonto dekaadaha UAE is la markaasna dekadaha Soomaaliya tartan culus ku furi doonaan dekadahooda.
2- Waxay adeege u yihiin dalalka itaalka leh oo tartan ku la jira dalal kale sida Turkiga iyo Shiinaha. Sidaas darteed, waxay rabaan inay ka xannibaan marsooyinka Soomaaliya maalgashiga dalalka kale, is la markaasna dh/dhaqaaqooda maamulaan, horumarkoodana hor istaagaan. 
Tan ugu daran, waa inay rabaan inay xoogag kale u adeegsadaan ujeeddooyinkooda halista, waxaana daliil cad u ah, kaqeybgelinta nacabka Soomaaliyeed ee soo jireenka heshiiskii dhawaan ay la galeen Maamul Goboleedka Waqooyi ee Soomaaliya. Heshiiskaas aan la mahadin karin waxaa ka muuqda tusaalaha qatarta ee nimankaas qamiisleyda leh ay u horseedi karaan dalkaan la daalaadhacay dhibabkii badnaa ee la baday. Markii la isu eego heshiiskaas iyo khudbad uu dhawaan ka horjeediyay khuburo Yuhuuda nin la yiraahdo Anwar Cishqi oo lataliye u ah Boqortooyada Sacuudiga oo uu ku yiri; waa in Soomaaliya iyo Jubuuti la hoos geeyaa dalka Itoobiya, waxaa caddaanaysa qatarta ay nimankaas uunsadaa xanbbaarsan yihiin. Eegey inay cadaw kasta ka daran yihiin, waxay ka doorbideen Soomaali oo 100% muslim ah, Xabashi oo cadaw u ah muslimiinta. Waxayna dan wen u arkaan in muslinka Geeska Afrika la waayo, si iyagu boqorro u sii ahaadaan. Heshiiska Barbarana wuxuu gogolxaar u yahay dhagarta weyn ee Soomaali lagu baabi'inayo, oo waxaa dhici doonta haddii qorshahoodu fulo in maalin la arko Barbara oo dal kale leeyahay.
Laakiin, waxay moog yihiin awoodda qofka Soomaaliga ee dhaladka oo is ka la hanweyn qof kastoo kale, balse sida uu ku qoray Gerald Hanley buuggiisii: Warriors, Life and Death Among Somalis, isu qaba inuu u dhigmo 2 qof oo caddaanka isu la sarreeya dadka ah, wuxuu ka loo qoray: isirrada Afrika oo idil ma Jiri karo mid la-noolaansho uga fiicnaan kara, kan ugu dhib badan, ugu qab weyn, ugu geesisan, ugu daran, ugu naxariisdaran, ugu saaxiibsan, waa Soomaaliga e (but all races of Africa there cannot be one better to live among than the most difficult, the proudest, the bravest, the vainest, the most merciless, the friendliest; the Somali). Wuxuu ka loo qoray: waligay ma arag qof Soomaali ah oo dhimasho ka cabsanaaya si kastaba ha ugu muuqato mid yaab lehe, waxay xanbbaarsan tahay adadayg iyo darnaan is weheliya. haddii aadan dhimasho ka cabsanayn qof kalana dhimasho uga cabsan maysid, ogoobey, cabsila'aantaasi waxay mar walba door u ahayd Soomaaliga kaas oo isku daya inuu u adkaysto gaajada, oonka iyo jirrada inta uu ka la dagaallamaayo cadawgiisa (I neve saw a Somali who showed any fear of death, which impressive though it sounds, carries within it the chill of pitilessness and ferocity as well. If you have no fear of death you have none for any body else's either, but that fearlessness has always essential to the Somalis who have had to try and survive hunger, disease and thirsty while prepared to fight their enemies)..Wuxuu ka loo qoray: ma qabaan cuqdadda hoosaynta, ku ma dhaygagaan siyaalaha ninka cad, ka ma baqaan hubka saraakiishiisa. Waa isir haddii in la jeclaado adag tahay ay tahay in la ixtiraamo (they have no inferiority complexes, no wide-eyed of the white man's ways, and no fear of him, of his guns of his official anger. They are a race to be admired, if hard to love).
Waxayse ogeyn inuu qofka Soomaaliga uu qaayibsan yahay tixdii Sayid Max'd Cabdulle Xasan uu Carabta ka tiriyay markuu ku jiray halgankii dheeraa taas oo ahayd: 
Waa calako meel yuurutiyo, cunug aan weynaane....
Maandhow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage