Wednesday, February 3, 2016

MARREEXAAN MA DAD SOOMAALIYEED BAA MISE WAA DUUL SHISHEEYA?


Horraantii 1980-aadkii oo uu talada Dalka Soomaaliya hayay Taliskii Kacaanka ee M S Barre hoggaaminaayay, waxaa Soomaaliya ka abuurmay ururro kadhan ahaa xukuumaddii markaas jirtay, waxayna dhammaantood saldhig ka dhigteen oo hiil iyo hooba ka heleen Itoobiya oo waligeed ahayd cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa.

Haddaba maalin maalmaha kamida ayaa qoys reer miyi ah oo geeddi ahaa, kana koobnaa 10 carruur ah, aabbe iyo hooyo, iska hor yimaadeen 3 nin oo socoto ahaa, isla markaasna ahaa dooxato ka socota jabhad la yagleelay waayahaas. Sidii dhaqanka raacatadu ahaa waxay raggii waraysi u la istaageen odeygii reerkii geeddiga ahaa. Waxay is waraystaanba ninkii reerku wuxuu fahmay in ragga waraysanayaa col yihiin oo aysan markaas bixinayn xubnaha qoladiisa. Sidaas darteed, wuxuu yiri sidaan: ilma adeerrow, hantidaydu waa 50 neef oo ari ah iyo labadaas rati oo mid ilmuhu saaran yihiin, midna maqashu saaran tahay, ninkaad rabtaan inaad ii aanaysaan i ma oga anna wax ka ma ogiye, ha i dilina tobankaas carruura aan u shaqeeyee. Ninkii sidaas u calaacalay goobtii baa lagu dilay. Nin kamid ahaa raggii dilkaas arxandarrada ahaa geystay baa warkaas laga soo tebiyay waayo dambe, isagoo leh; wax kasta oo aan soo maray, taas baa iigu darnayd, walina maskaxdayda ka bi’ la'.  

Laga soo bilaabo waayahaas sheekadaani ku beegan tahay, waxaa si joogto ah ugu baahaayay Soomaali idilkeed colaado, markii dambe horseeday burburintii qaranka Soomaaliyeed iyo qalalaasaha ilaa maanta dami la’. Intay colaadahaasi socdeen waxay koox walba oo hubka u qaadday burburintii dawladdii Soomaaliyeed, weerarro ba’an ku qaadday Qabiilka Marreexaan, waxayna xubnaha qabiilkaas ku sameeyeen xasuuqyo badan. Kooxahaas oo dhammaantood sheegtay inay xoraynayaan Soomaaliya, waxay colaadday u qabeen M S Barre u aaneeyeen geeljirihii Marreexaan ee hawdadka ku dhaqnaa, waxayna gayeysiiyeen beelo badan oo tolkaasa dagalkac ballaaran, waxayna  kuwo badan ka dhawreen wiil iyo waxadba.

Dhanka kale, waxay jabhadihii burburintu iyo kuwii taageersanaa fidiyeen dicaayado lagu waxyeellay-naayo Tolka Marreexaan, iyagoo ka dhigaayay inay dawladdii Soomaaliyeed sideedaba ahayd qoladaas, wax walbana iyadu mas’uul ka ahayd. Dicaayadahaas oo aad u xoog badnaa, waxay halkudhigyo ka dhigteen erayo sida, Waa Muslim iyo Marreexaan, Marreexaankii Raamaha Lahaa, Reer Walba U Tali, iwm. In kastoo dicyaadahaas loo la dan lahaa burburintii dawladda, haddana waxay si toosa dhibaatooyin lixaad leh u geysteen tolka kor ku sheeggan. Waxaa ololayaashii jabhadihii burburinta gadaal ka riixaayay cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa iyo jaalleyaashiis, waxayna ujeeddadu ahayd in gebi ahaanba la baabi’yo dawladnimadii Soomaaliyeed. Markii ujeeddooyinkii burburintu hirgaleen, waxaa halkii ka sii socday colaadihii kadhanka ahaa Marreexaanka, waxayna jabhadihii halkii ka sii wadeen weerarradii kadhankaa qolada aan ka hadlaynno, waana la wada og yahay weerradii lixaadka lahaa ee 1990-aadkii lagu qaaday degaannadii Marreexaanka. Isla waayahaas baa shirweyne lagu qabtay Jibuuti, kaas oo loo diiday in xubno ka tirsan Marreexaanka ay ka qeybgalaan shirweynaha sidii iyagoo ah dadaan dalkaba u dhalan, waxayna siyaasiintii halkaas ku shirtay si wadara ugu heshiiyeen in; M S Barre iyo taageerayaashiisa dagaal loo dhan yahay lagu qaado dalkana laga saaro. Taas oo macnaheedu ahaa in Marreexaan la gumaado oo dalka sidii duul shisheeye ah laga saaro.

Maantadaan la joogo waxaad mooddaa, inaysan colaadihii ka dhanka ahaa Marreexaan aysan dhammaan, waxaana daliil u ah;

- Waayahaan dambe, marka la xusaayo qoristii Afka Soomaaliga, waxaa aad loo bogaadiyaa qoristii afka, waxaana lagu sheegaa inay ahayd tillaabo fiican oo mudan in la xusuusnaado, hase yeeshee, waxaa dadka hadlaa afafkooda ka dhawraan inay xusaan raggii hormoodka ka ahaa fikradda fartii la qoray iyo kuwii hirgelinteeda horseedka ka ahaa, waxaana afka laga duwayaa; Shire Jaamac Juge (halabuurkii farta la qoray) iyo M S Barre oo hoggaamiye ka ahaa kacaankii hirgeliyay farta.

-        Madaxweynaha Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ciidammadiisii lagu jaray degmada Ceelcadde ay gacan ku lahayd Qolada Marreexaan. Marka uu sidaas leeyahay wax caddayna oo la tixraaci karo ma sheegin, baaritaan dhammaystiran oo loo qaateenana la ma samayn. Arrinkaan dambe, waxaa ku maldahan halis weyn, waayo wuxuu marka horaba Marreexaan ka dhigay sidii al-Qaacidadii al-Shabaab la bahowday, sidaas darteedna ay noqonayso in qabiilkaas dunida carrabka ku haysa argagixisadu wadajir u la dagaallanto.

-        Madaxweynihii dalku wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo dhacdooyinkii lagu waxyeellay-naayay qabiilka aan hadal haynno, iyadoo aamuska sidiisaba loo qaato ka-raalli-noqosho. Waxaa kaloo loo qaadan karaa inay dhab tahay tuhmadii in madaxweynuhu markii horaba xubin ka ahaa jabhadihii burburinta oo dagaalladii ba’naa ku qaaday qolada aan ka soo hadalnay, karti-la'aantana ay u heliso laabta oo jirran.

-    Eebbow geyiga oo dhan waa , nalaga guulaaye 
     Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye 

     Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuunneeye

-   Go'na laga ma qaadine dulmay, nagu gelaayaane 
     Gabbaad kale hadday noo helaan, waan gam'i lahaaye 

     Eebbow waxay nagu garbeen, diinta soo gala e


-    Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye 
     Eebbow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibaayey 

     Eebbow garow kaga ma helin, goolashaan wadaye

-   Eebbow goonji weyn iyo xaqbay, naga gullaafteene 
     Guullow ma helayaan waxay, nagu gubaayaane 

     Eebbow waxay naga gogtaan, waa galoof olole


-   Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye 
     Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifaysaaye 

     Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye

-   Ma garaysni Eebbow waxaa, guufanneyska ahe 
     Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gar-Allayne 

     Eebbow markaan geyllamey, guulmiyo baqiye

-    Eebbow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye 
     Eebbow kufriga gedeftaley, gacanta haystaane 

     Eebow anaa kugu gar lehe, guusha hay seejin.
             (Sayid Max'd Cabdille Xasan "AUN")