Monday, December 30, 2013

Adduunkaan Is Daba Maray (hees: Max'd Nuur Shareeco "AUN")

Gabadha
Adduunkaan is daba maray
Nin waliba dan leeyahay
Mindhaa lay ma dego abid
Mindhaa lay ma duudsiiyo
Mindhaa dahab aan leeyahay
Damac ruuxna ka ma galo
Mindhaa doorka maanta a
Duhur meeshii aan maro
Axad kale ma soo dego
Mindhaa geeddigaan dumay
Awrka dacayga ka ma furo
Mindhaa ruux i dagayoo
Ii laba dubleeyow
Dib dambe kuu ma aammino

Wax dhan baan dulqaatoo
Diirkaa madow iyo 
Derisnimo ku dhawree
Mindhaa daqarka culus iyo
Ka ma daayo ceyrada eey
Wax dhan baan dulqaatee
Waanwaan dambeetiyo
Ma dugsado gumeysiga eey

Wiilka
Way dagantay maantee
Mindhee daafi qurunleey
Anigoon daba jarin 
Dubbahayga ka ma dhigo
Mindhee labad daarood
Mid anigoon dermada dhigan
Faraskayga ka ma dego
Illaamaan dadkaygii
Cadawgii dilaayiyo
Dulligii ka qaadoo
Dabadeed markaa calan 
Ka dul taago ciiddii

Weerarkii dananaayow
Deja qoriga oo gala
Dhufeys dooxa oo gala
Daafac baan galaynnaa

Gabadha
Dirirdhabe korkeediyo
Dooxada Hawaash iyo
Baalli dacalladeediyo
Ku durka ilaa Siidaamo
Shinbir duula yuu kicineey
Dabaabaadna yuu soconeey
Intaad xero ku didisaan
Feejignaan ku daawada....


Friday, December 27, 2013

Cali-Mataan Xaashi Cali (Duuliyihii Ugu Horreeyay)


Cali-Mataan Xaashi Cali-Cagweyn wuxuu ku dhashay Gobolkii Mudug la oran jiray ee Soomaaliya abbaaraha 1927kii. Cali Mataan Xaashi, wuxuu ahaa duuliyihii ugu horreeyay ee Jumhuuriyadii Soomaaliya. 

Sannadkii 1944tii buu ku biiray Ciidammadii Gumeystaha Ingiriiska, wuxuuna kamid noqday Cutubyadii Baaqa-Qaarsoon ee xoogaggaas. Waayahaas waxaa jiray dhaqdhaqaaq xooggan oo gumeysi-diid ahaa, waxaana horseed ka ahaa ururkii SYL. Cali-Mataan wuxuu ku biiray sannadkii 1944tii dhaqdhaqaaqaas wuxuuna noqday xoghayaha ururka ee Sagag oo markaas ahayd tuulo ka tirsan degmadii Dhagaxbuur. Kadib markii la baabi'yay Cutubyadii Baaqa-Qaarsoon ee Soomaaliya sannadkii 1947dii wuxuu Cali ku biiray Qeybtii Boostada iyo Isgaarsiinta ee Muqdishow ka jirtay. Intii uu ku sugnaa Muqdishow wuxuu ka qeyb galay dhawr bannaanbax oo gumeysi-diid ahaa sida, kii la oran jiray Ha-noolaato ee dhacay sannadkii 1948dii. 

Sannadkii 1950kii ayaa Cali waxaa ku xiray magaalada Cadaado Maamulkii Kusimaha ahaa ee Talyaaniga (AFIS), sababtu waxay ahayd, Cali-Mataan baa wuxuu gacanta ku sawiray nin reer guuraa Soomaaliyeeda oo ay dhabarka u saaran tahay 10 jawaan oo buux-buuxa, taas oo uu ula jeeday 10kii sano ee Soomaaliya hoos joogaysay gumeystihii Talyaaniga. 

Horraantii 1950-aadkii wuxuu Cali ku biiray Qeybtii Cirka ee Soomaaliya wuxuuna ka noqday agaasime-xigeen. Markuu dhammaystay dugsigii dhexe, wuxuu galay Dugsigii Maamulka iyo Siyaasadda. Sannadkii 1956dii wuxuu waxabarasho u aaday Talyaaniga si uu u soo barto duullinimo iyo maamulitaanka socdaalka hawada. Hal sano kadib xilligaas baa loo qaatay Xoogagga Cirka Soomaaliyeed waxaana isla markiiba loo dalliciyay xiddigle. Sannadkii 1958dii ayaa loo magacaabay Maamulaha Garoonnada Diyaaradaha Soomaaliyeed. Waayahaas oo uusan jirin duuliye Soomaaliyeed buu qalqaaliyay in 35 arday dalka dibaddiisa loo diro si loogu soo tababaro duullinimo iyo farsama-yaqaannimo. Sannadkii 1959kii buu u dallacay labo xiddigle waxaana isla markiiba loo diray Talyaaniga si uu ugu tababarto ahaanshaha duuliye heerka kowaad ah, waxaana loo soo tababaray diyaaradihii waayahaas dalku lahaa. Markuu Talyaaniga ka soo noqday sannadkii 1960kii wuxuu u dallacay Dhamme waxaana asaga iyo kooxdiisiiba si rasmi ah loogu wareejiyay Ciidankii Cirka Soomaalidii xorowday. 

Ragaalkii 1960kii wuxuu korjooge ka noqday duullimaadyadii toddobaadlaha ahaa ee ka bilawday Muqdishow ilaa Hargeesa (aadis iyo soonoqod), duullimaadyadaas baa dadweynuhuu u bixiyeen “Duullimaadyadii Cali-Mataan”. 

Sannadkii 1963dii buu u dallacay Gaashaanle, isla sannadkaas dhammaadkiisana wuxuu galay Akadeemiyadii Xoogagga Soofiyeedka ee Mooskow waxaana loo tababaray diyaaradihii Miigga, sidaas buuna ku noqday duuliye-sare. Markuu ka soo noqday Midawgii Soofiyeedka oo ku beegan sannadkii 1965tii waxaa loo magacaabay Taliyihii Ciidankii Cirka Soomaaliyeed, wuxuuna sannadkii 1967dii u dallacay Gaashaanle Dhexe.

Cali-Mataan Xaashi wuxuu ka mid ahaa kooxdii hormoodka ka ahayd Kacaankii Oktoobar ee 1969kii, wuxuuna xubin firfircoon ka noqday Golihii Saree Kacaanka (SRC). Sannadkii 1970kii buu u dallacay Gaashaanle Sare. Sannadkii 1973tii wuxuu noqday Lataliyaha Madaxweynaha ee xagga sharciga. Sannadkii 1974tii wuxuu noqday Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Sharciga ee SRC, wuxuuna korjoogeeyay hawlihii dib loogu habaynaayay xeerarka dalka. Sannadkii 1976dii wuxuu u dallacay Sarreeye Guuto. Allahaw naxariistee Cali-Mataan Xaashi wuxuu ku geeriyooday Dalka Talyaaniga sannadkii 1978dii waxaana lagu aasay Muqdishow.

Fiiro gaar:
Cali-Mataan Xaashi, wuxuu caan ku ahaa caddaaladda, wuxuuna ahaa nin aad u neceb dulmiga. Waxaa jiray dhacdooyin la xiriiray dulmi-necaybkaas uu caanka ku ahaa waxaana tusaale ahaan u soo qaadanaynnaa sheekadaan:
Waagii gumeystihii Talyaanigu ka talinaayay dalka oo ku beegaan xilliyadii maamulka daakhiliga ahi dalka ka jiray, oo Cali-Mataan markaas xiddigle yahay ayuu hameyn soo aaday xarun lagu dhigi jiray filimada oo ku tiil aaggii Ceelgaab ee Muqdishow. Wuxuu la kulmay dhacdo yaab leh; nin talyaaniya oo derajadiisu ahayd colonel markaasna xukumay cutubyadii ciidammadii cirka oo watay baabuur SUV ah baa wuxuu xaruntii filimada horteeda ku maray naag uur leh, wuxuuna baabuurkii damiyay asagoo dul saaran xaamilidii Soomaaliyeed, wuuna ka soo dagay baabuurkii asagoo caytamaaya. Cali-Mataan wuxuu ka codsaday dadweynihii meesha joogay inay ku caawiyaan ka-qaadista baabuurka xaamiladii wayna yeeleen. Kadib wuxuu si aada u garaacay ninkii caddaanka ahaa ee dulmilawga ahaa, wuxuuna ku tuuray baabuurkii dhexdiisii, wuxuuna geeyay xeradii Ciidankii Cirka. Dhacdadaas awgeed, Talyaanigu wuxuu ka qaaday Cali-Mataan darajadii sarkaalnimada, wuxuuna ku celiyay askari dable ah. Arrinkaas waxaa dareemay dadkii Soomaaliyeed ee waayahaas dareenkiisu soofaysnaa, waxayna madaxdii Soomaaliyeed qaarkood si aada isugu hawleen sidii Cali-Mataan loogu soo celin lahaa derajadiisii, waana ku guuleysteen.   

Tuesday, December 24, 2013

Aayar Naga Jooga (Gabay: Cali Oday)


  • Ogoobeey Bah Xawaadle way, adur dhabaysaaye
  • Sidii Eebbe aadmiga ayey, amar u sheegteene
  • Inaad ii ugaas tahay anoon, ku arrin diidaynin
  • Allahiin hadduu Alle yahay, aayar naga jooga

  • Sidii awr gulgulo waayay baad, ii adaafifiine
  • Waxaad iga eryeysana ma ogi, aan ajal ahayne
  • Haddaad ul iyo qool ila dhacdood, eriso ruuxayga
  • Kol uun baan intaan oo idhaah, eebo soo ridane
  • Allahiin hadduu Alle yahay, aayar naga jooga

  • Haddaad inamo doontana middaad, eegataan rariye
  • Agliil iyo waxaan kuugu dari, awro goolal ahe
  • Allahiin hadduu Alle yahay, aayar naga jooga

  • Idil caanaheed iyo waxaa, aqalka kuu yaalla
  • Iqliil gaban ah oo igu yar baan, ubadka siistaaye
  • Allahiin hadduu Alle yahay, aayar naga jooga

  • Abtirsiinyaday waxay gashaa, Sacad Ammuudaane
  • Alfayn boqol ka badan wiilashuu, dhalay adeerkay e
  • Ilma adeer is jecel baannu nahay, anniyo Fooleey e
  • Haddaan awrta Gacan Weyne lumin, waan aleegadiye
  • Allaa igu ogoo inaan qabin, faro aqliilkoode
  • Allahiin hadduu Alle yahay, aayar naga jooga
  • Abuu Jahal sidiisii haddaad, Eebbe garan waydo
  • Arrinkii Namruud eeday baan, kugu arkaayaaye...
  • Haddii kale na soo aada oo, kaalay nagu iisha

Ma Waayaa (Waranle)

Bay iyo Bakool iyo
Baydhaba jannaay iyo
Baraawiyo Kismaayiyo
Baardheere iyo Luuq
Beladweyne Hiiraan
Nin Banaadir joogoo
Ka bariistay Yaaqshiid
Boob lays dhacaayiyo
Bumbo laysku tuuriyo
Boolida adduunkiyo
Bililiqo ma waayaa?

Berberiyo Hargeysiyo
Burco iyo Sanaag iyo 
Buuhoodle weyniyo
Buundada Wajaaliyo
Banka Diida-Waaleed
Boorame nin joogoo
Ka bariistay Xaadoow
Barje loo fadhiistiyo
Badhar iyo sigaar iyo
Biyo laysku dhaafshiyo
Baraafuun udgoon iyo
Baashaal ma waayaa?

Bunduq iyo rasaas iyo
Boqol wiil nin haystaan
Ka baqayn Ilaahay
Buuriyo Wardheer iyo 
Batalka iyo Dawldawl
Bilqan iyo Shilaabiyo
Balambal iyo Jeed iyo
Ka bariistay Ceelgaab
Baabuur la fuuliyo
Baarweyn halaad iyo 
Boor uu xareeyiyo
Boga geel ma waayaa?

Ninkii Mudug ku beermoo
Bayra iyo Roox iyo
Baxdo iyo Gidhays iyo
Bulacliyo Gadoon iyo
Baraxleey nin joogoo
Ka bariistay Ceeldheer
Annagaa dadka u badan
Berri baan cunaynnaa
Bohol iyo god kugu ridi
Buluugley anayska leh
Beelaha degaankiyo
Bulshadoo dhan maamuli
Badawnimo ma waayaa?

Baran iyo Nugaal iyo
Bayliyo Daroor iyo
Badda xeebaheediyo
Ninkii bari guntiisiyo
Boosaaso joogoo
Ka bariistay Xafuun
Boowow anaa iri
Boodhaadhi aan jirin
Ballan aan fulayn iyo
Boqorkii dadkaan ahay
Burcadnimo ma waayaa?


Bangeelle iyo Sayliyo
Moqor baallaheediyo
Ballikibir nin joogoo
Qoollaalli beegsaday
Barta Siiga-dheeriyo
Ka bariistay Dawdii*
Barqomaal lo'aad iyo
Gabar Bilan ma waayaa?

Tuesday, December 17, 2013

Igaga Buus Qaado; Tixihii Kibirka (Weerar Bulxan)

   In dhawayd waa taan bennaday, baanisaha gabaye
·       Waa taan ka baaliday tan iyo, bilo samoolaade
·       Bilcil waaban baan jiifi jiray, sida bakaylaade
·        
·       Alleylehe bardooddan iyo gabay, igu ma beegnayne
·       Baab waxaan u naqay Reer Xirsiga, bawda damin waayay
·       Baab kalana waa Ina Barwaaq, hal aan u beeyooday
·       Laba iyo toban hal oo wada ba’ a, igaga buus qaado
·        
·       Banka Faaf biyaha geelu dhaco, hilada Baarjeexan
·       Bilcanta iyo barbaartiyo habraha, bidixda saydhaaya
·       Burarka iyo barwaaqada la cuni, badowga dhaydiisa
·       Iyo balaayo reeraha tas odhan, igaga buus qaado
·        
·       Biyo-keenta Reer Faaraxee, baanka wada haysta
·       Boon iyo Warfaa iyo Xirsiga, Bihii Nuuroo dhan
·       Anigoo bakaartaba ka rogin, beesha Maalin-Guura
·       Bah Xawaadle kaliyey u dhigmiye, igaga buus qaado
·        
·       Bishaan Reer Magan waxaw imaan, boqol darmaanoode
·       Buuryada nin jaray oon lahayn, faras baroor ciida
·       Beeshaannu nahay lagu ma oga, nimaan baxdow hayne
·       Baadida lug ku ma doonnanee, igaga buus qaado
·        
·       Boqol wali biyaha Aw Caliyoo, buuniyaal wada ah
·       Iyagoon bidhaantaada arag, budada ka yeeli
·       Balo aadan ogayn baa jirtee, igaga buus qaado
·        
·       Berrin hoose Boodhiyo Gidhays, Baato iyo Ceel-Cad
·       Balli’ iyo Bur-Geesoole iyo, Bohola Faafkooda
·       Bilcilliyo lafaha buuran iyo, Baararre agtiisa
·       Buqda Magan barkadahaan ku furay, Doollo beledkeeda
·       Intaasuu ku baahoo tolkay, buuxiyoo degaye
·       Adiguna barqaad fuli haddaad, berri aroortaaye
·       Faro-baalis ila ma ekide, igaga buus qaado
·        
·       Dalka Eebbahaa igu basharay, tan iyo Boosaaso
·       Barbarkaan u boodaba arlada aanan, ka bayraynin
·       Iyo bohosha aadan dhaafi karin, igaga buus qaado
·        
·       Nin bah yari ma dego meel haddaan, lagu bariinayne
·       Bah Gasaaladaa kugu meersan iyo, baraha Reer Kooshin
·       Cabdillahaan ka badan kuwaas, dhabarka kaa boobi
·       Meeshaad ku soo baqan jirteen, Ban iyo Ood Weyne
·       Berri inaan Burciyo Looyo ku furi, igaga buus qaado
·        
·       Nin baruur leh oo haad balxaday, waa bugtiyo ceebe
·       Dumar bilicle oo bacad ku yaal, ku ma baxdootaane
·       Yaan baqalyo idin dhuunyanine, igaga buus qaado
·        
·       Barnida tiirsan labadiina beyd, aqalladoo buuxa
·       Billa-dayaha iyo dhiisha iyo, bulayda reexaanta
·       Intaan baylah duul kale u helin, igaga buus qaado
·        
·       Baashiga magaalada fadhiya, ee Berbera yaalla
·       Isagaba naftaa loo baqee, la ma bariiyeene
·       Wakaas billaawiyo warmiyo, buuray qalabkiiye
·       Hadday bi’say shay habkaan, laga bukaareene
·       Anna balad kaaga adkiyee, igaga buus qaado
·        
·       Buntukhooley baannu nahay rasaas, baabah kaa dhigiye
·       Bir ma sidanno oo qalabku waa, nin iyo baaruude
·       Banaadiikh dablaan kugu halligiye, igaga buusqaado
·        
·       Bis ma galo nin habartii ahayd, Baalcaddii hore e
·       Waxaan beegsannaa naaga goba, dhalasho buurreey e
·       Birtu waliba sii kala dheddige, igaga buus qaado
·        
·       Baab kalena waa Ina Barwaaq, hal aan u beeyooday
·       Burka xabagga maatidu dhir bay, baarataa sabene
·       Anna wax baa bil Alle dhashaba, ii bislaan jiraye
·       Afartii bilood baa rag kale, baydi maashadaye
·       Bal ogaadaa biirtaan tufiyo, biixidaan jebiyo
·        
·       Barkinkiyo barkimo qoortu wow, kala buseeshaaye
·       Bal ogaadaa biixi buu noqdaa, baalal dheeruhuye
·        
·       Haddii boqor nin lahaan jiray nin kale, beri u toogowdo
·       Bal ogaada baadiyo ninkeed, wow bidhaan arage
·        
·       Meeshiyo bilowgii halkiyo, beydkii Nabi Aadan
·       Baahilo Siciid boqorkanaga, yaw bud dhig ahaaye

·       Ma nagu beegsadaan labo iyo toban, nimaan bur loo saarin
                            
Igaga buus qaado: igaga amar qaado ama tayda/talatayda hoos imaw

Sunday, December 15, 2013

Tixihii Kibirka


Related imageRelated image
Inta geeda Geelwaaqistaa, ugu guduud roone
Hadday gaajo dili xooluhu, goosan mahayaane
Garanuugta waan ugu necbahay, gebi ugaareede
Gaaraa-bidhaan lagu ma daro, galawga haadeede
Golcastaa sagaaro ugu daran, guunyo dhaantida e
Waxba kuu ma galo roob-ladhacu, waana shay gobahe
Galka Sirow raacadada markii, la isku soo gaaray
Neefyahow guduudani, midkii gaabiyaad tahaye
Guuldarrada waxaa kuugu wacan, geenyadii hore e
Is-gudgududbka Xamarow maxaa, golihii kaa raacay?
                                 Mataan Ciideed
*******************************
Xaajadu dulkay mari laheyd, waxaan diidnay
Xaqa lagu dareeriyo waxaan, xistiga dacalbaabnay
Raganimo daraaddeed waxaan, kala dambeyn weynay
                                Gabyaa (Reer Siyaad Ugaas Diini)
*************************
Caku iyo way soo ma oran, ninkaan cillownaaba
Sow malag cirfiid iyo ma noqon, cara Alloo taagan
                         Gabyaa (Reer Siyaad Ugaas Diini)

Reerkayga waa uga dartaa, daanyo nabadeede

Dar Allaan ku noolan jiriyo, duul la weeraro e
Daawadaydu waa kobay labo habaas, ka duushaaye
Dudummo yulug haddaan harsado, dacas ma jiifeene
                 Samatar-Illaawe Dhagojarco


·    

Wednesday, December 11, 2013

Guryosamo Ha Lagu Furo (hees: Siciid Saalax Axmad)

Gar-hayeenka beeshoow
Gaadiid hayinahoow
Guri lagu min qaadiyo
Goobtaad ku deellayd
Geedihii naqa laa
Haddii ay gahayraan
Cawskii gubnoodo
Dabadeedna raad go'o
Gama' kuu ma yaallee

Gaadiidka soo rara oo
Ha gibleeyo socotada
Waa geeddi caano lee
Guryosamo ha lagu furo

Gaaridii haweenkaay
Soo geli hoggaan awr
Qarqarsiga ku gaw sii
Habka guriga loo raro
Gurgurree reeryoo raro jilci
Garkana fal kabaallada
Dabo-geliska caymee
Gurguree ilmaha oo
Gibilkiyo sarcada saar

Gaadiidka soo rara oo
Ha gibleeyo socotada
Waa geeddi caano lee
Guryosamo ha lagu furo

Guud-caddiyo barbaartaay
Geeddi ha lagu hayaanshoo
Goor-subax jarmaadada
Guurihii mirtii dhexe
Ama galab carrawsiin
Haddaan gaatis loo wadin
Waa galan galcoobaa
Hadduu maalin galana
Waa raro gubyoodaa

Gaadiidka soo rara oo
Ha gibleeyo socotada
Waa geeddi caano lee
Guryosamo ha lagu furo


Friday, December 6, 2013

Jafkii Dhudub iyo Afcad (tix)

Waad taad jafkii Dhudub dhigteen, jawharaddaydiiye
Anoo jooga baad hooyaday, jabay ka siiseene
Nin walaalki haad loo jarjaray, looma jiifsade

Waxaad jiica Farogoo u timid, hooy wax baa jiro e
Jirrid weynahaygaas haddaan, jiriyo ruuxaaga
Jeeskayga oo meel fadhiya, lama jiteeyeene

Geelayga Jaawo iyo Idiin, Jiib ma bixiyeene
Ninna ima jajuubeen haddaan, ruuxa kaa jaro e
Inta kale jarkoodii waa tihiyo, jalanqahoodiiye

Waxse aan kaa jeclaa Dhoorrihii, jeenyaha dhuubnaaye
Waxaan se kaaga joogsaday waa, magan jalleeceede
Iga jeenso Xuseenow nin soo, jiitay baad tahaye!

Tixraac:
Axmad Faarax Cali (Idaajaa)

Tuesday, December 3, 2013

Ninkii Dilay Walaalkaa Adigana Waa Kuu Dan Leeyahay

1977-dii waxay dawladdii Soomaaliyeed si rasmi ah weerar culus ugu qaadday gobolkii Soomaali Galbeed (Ogadeen) ee Itoobiya marar kale geddisan gacanta loo geliyay. Dagaalkaas oo ahaa mid weyn marka loo eego colaadaha dawladaha soo koraaya dhex mara, wuxuu ka mid ahaa colaad taxane ahayd oo dhex tiil Qaranka ama Qawmiyadda Soomaaliyeed oo dhan ah iyo Xabashi (Abbysinia) iyo xoogaggii galbeedka dunida oo masiixiyadda rumaysnaa oo dhan ahaa. In kastoo marmar, colaaddaas saldhiggeeda lagu sheego mid diiniya, haddana markii si qumman loo tinguro, waxaa muuqanaysa in colaaddu ku salaysnayd dhul, isla markaasna bilaabatay qarnigii 13-aad. Waxaa colaaddaas looyaaminaayay boqorradii Xabashida ee markii hore Aqsum xarunta u ahayd, waxayna wadeen gulufyo aan kala go' lahayn oo dantu ahayd qabsashada dhulalkii dadyowgii ka ag dhawaa, kuwaas oo u badnaa Reer Kuush oo Soomaalidu ka mid ahayd. Waxay boqorradaasi ku guulaysteen qabsashada qarammadii ay ku soo duuleen, marka laga reebo Soomaalida oo wax uun uga caynteen dhulalkeedii, waxaase laga qabsaday qeybo badan. Tan iyo waagii ay colaadu bilaabatay ee fogayd marna ma joogsan dhiilladu, waxaana lagu tiriyaa colaadda ugu da' weyn colaadaha jira ee adduunka.

Sidaas darteed, qof kasta oo laxaw waddaniyeed leh, maalintuu hadaaqa bilaabo ilaa iilka la dhigaayo, wuxuu si adag u rumaysnaa colaadda aan hadal haynno, waxayna arrintu ka mid noqotay dhaqanka Soomaalida. Haddaba, markii ay Soomaalidu dawladnimada heshay ee ku beegnayd nuskii dambe ee qarnigii 20-aad, waxaa ka mid ahaa qodobbada kowaad ee qorshayaashii xukumadihii ama talisyadii dalka, xoraynta dhulalkii Soomaaliyeed ee gumaystuhu midba meel ku callaalay. Caro gaamurtay baa gubaysay dadka Soomaaliyeed, oo madaxdii dalku ku jirto. Markii ay talada la wareegeen ciidammadii qaranku oo mabaadi'doodu ku salaysnayd xoraynta Soomaali Weyn, colaaddii cirkay isku shareertay. Markii la af gembiyay kii ugu dambeeyay boqorradii Xabashida ee Nebi Suleymaan ku abtirsan jiray, Itoobiyana maamul ahaan iyo dhaqaala ahaanba wiiqantay, Soomaaliyana ay markaas cudud fiican leedahay, waxay madax iyo minjaba dadkii Soomaaliyeed la hiyi kaceen dagaal lagu soo xoreeyo gobolladii maqnaa. Waxaad mooddaa hoggaamiyaashii dalka inay ka tan badatay rabitaankii xoogganaa ee soojireenka ahaa, waxayna si hadda noogu muuqata qalad siyaasadeed ama istraatiijiyeed u qaadeen dagaal, ciidan ahaan lagu guulaystay, laakiin siyaasad ahaan fashil ku dhammaaday. 

Dagaalkaasi wuxuu Soomaaliya waysiiyay labadii waab ee adduunku u qeybsanaa oo aysan ka maarmi karin, isla markaasna wuxuu si walba u burburiyay dalkii. Xoogaggii colaadinaayay dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxay u hawl galeen kala-daadinta midnamadii shacabka Soomaaliyeed ee doorka ahayd. Waxaa laga dhex hirgashay bulshadii hab qoleedka ku salaysnayd ee Soomaaliyeed xiisado colaadeed, waxaana arrinka la gaarsiiayay in saraakiishii shalay hoggaaminaysay weerradii waddaniyadda ku salaysnaa in ay la soo saftaan cadawgii soojireenka ahaa. Waxay noqotay in kooxo ku abtirsada tolalka waaweyn ee Soomaaliya ay habar wacasho ku la dhex rooraan qolooyinkoodii kana abaabulaan ciidammo burburiya dalkoodii hooyo, iyago garab iyo gaashaan u ah nacabkii aan ka libaqsan jiran dhibaataynta Soomaaliya. Guuldarradaas weyn kooxihii hoggaaminaayay waxaa ugu darnaa USC. Waxay kooxdaan dambe si dhammaystiran u xidid siibtay dawladnimadii iyo wixii ilbaxnimo ahaa ee dalka ka jiray, waxay xasuuq ballaaran iyo qaxin isugu dartay tiro badan oo shacabkii Soomaaliyeed ah.

Burburintii baahsanayd ee laga shaqeeyay, waxay keentay in dalkii u qeybsamo qolooyin iyagu is haysta oo aad mooddo inay tan iyaga dhex taal uga daran tahay tan qarannimo. Muqdishow oo mar walba ahayd meel wadajir loo dhiso loona dego waxay noqotay magaalo tol sheegto, inta kalana ku cabburiyo amaba ku duudsiiyo. Waa isla middaan dambe tan keentay in la qaayibo in madaxweynihii la malookeeyaaba uu noqdo xubin ka soo jeedda tolkii USC saldhigga u ahaa, waana isla iyada, tan keentay in madaxda kale ee la igmado ay noqdaan adeegyaal u nugul danta xubnihii isku tolaystay magacii USC. 

Mahadhada aan maanka qofka u darban dawladnimada iyo dal-jaceylka aan ka go'i karin waa dhacdadii yaabka badnayd ee lagu tuuraayay Wasiirkii Kowaad ee maalmahaan oognayd. Iyadoo ay cid walba u muuqatay in madaxii la yiri dalka waad ugu sarreeyaa uu si cad ugu tumanaayay sharicigii dalka oo uu haddana si loo wada jeedo laaluush ula dhex rooraayay maamulkii loo igmaday inuu toosiyo, baa haddana la yiri dacwadii lagu soo eegay xukuumaddii uu W. 1-aad hoggaanka u hayay, laga af qaadi maayo amaba is-difaac looma oggola. Waa xaajo ugub oo aan la maqal cid sidaas oo kale loola dhaqmo. Xoogaggii xasuuqyada waaweyn ka geystay dunidaan kulay ku tahay lama sheegin dhinac inta dacwo lagu soo oogay la yiri, adoo aammusan baa sidii la doono lagaa yeelayaa. Kolleey aniga waxaa igala xun kuwa sidaas wax u maamulay, kuwa oggol in sidaas loo bah dilo, ama hadda u heellan in isla dhabbihii la qaadsiiyo.

Marka wax lagu beego danta guud ee Soomaaliyeed, waxaa habboon in Muqdishow laga daayo inay tahay xarunta/caasumadda Soomaaliya, ugu yaraan si ku-meelgaara. Haddaan sidaas la yeelin, sow jawrfal iyo dullinimo la diidi karo lama oggolaan? Waxaa kaloo habboon in gebi ahaanba dib loo fiiriyo sida loo asteeyay hab dawladeedka dalka, sida dhabta ah ee gobolladu u kala itaal iyo baaxad roon yihiin wax lagu qoondeeyo. Marna lama gaarayo sinnaan iyo caddaalad, haddaan laga gudbin gabood-falka iyo musuqmaasuqa la leeyahay, samaa lagu gaarayaa. 

Dhinac kale, waxaa dhab ah in Soomaalida qaabkeeda siyaasadeed uu ku qotomo tolal, madax walbana wuxuu ka soo jeedaa dhidibyada hab-siyaasadeedku ku taagan yahay. Haddaba, marka lagu gabood falo dhinac ka mid ah dhinacyadii dheellitirka siyaasadeed doorka u ahaa, waxyeelladu waxay ku dhacaysaa dadweynaha dhinacaas oo idil. Mar haddii loola dhaqmay Wasiirkii 1-aad sida qaabka daran ee kor ku xusan, sow doqonnimo maaha in isla waddaadii lagu sii dhabbeeyo? Sow doqonnimo maaha in ummad dhan danteeda iyo sharafteeda la siisto wax jeeb qaado. Sow da' lagu qasaaray maaha, kan u heellan kursigii walaalki lagu bah dilay inuu ka soo dhankoolsado? Sow ayaandarro maaha, in laga meehaalo goob si walba u gurracan oo uusan xeerna ka shaqayn waxsan iyo waxtar guud?

Sida qumman waa sida ay Puntland samaysay waana sida Soomaalida maanta wax ku wadaagi karto. Haddii la tahli waayay garasho toosan oo kale, sow ma habboona in iyada lagu daydo, oo inta dalka qeyb-qeyb maamullo looga yagleelo marka dambana talis guud oo run iyo miisaan ku salaysan la wada maamiyo?