Tuesday, December 17, 2013

Igaga Buus Qaado; Tixihii Kibirka (Weerar Bulxan)

   In dhawayd waa taan bennaday, baanisaha gabaye
·       Waa taan ka baaliday tan iyo, bilo samoolaade
·       Bilcil waaban baan jiifi jiray, sida bakaylaade
·        
·       Alleylehe bardooddan iyo gabay, igu ma beegnayne
·       Baab waxaan u naqay Reer Xirsiga, bawda damin waayay
·       Baab kalana waa Ina Barwaaq, hal aan u beeyooday
·       Laba iyo toban hal oo wada ba’ a, igaga buus qaado
·        
·       Banka Faaf biyaha geelu dhaco, hilada Baarjeexan
·       Bilcanta iyo barbaartiyo habraha, bidixda saydhaaya
·       Burarka iyo barwaaqada la cuni, badowga dhaydiisa
·       Iyo balaayo reeraha tas odhan, igaga buus qaado
·        
·       Biyo-keenta Reer Faaraxee, baanka wada haysta
·       Boon iyo Warfaa iyo Xirsiga, Bihii Nuuroo dhan
·       Anigoo bakaartaba ka rogin, beesha Maalin-Guura
·       Bah Xawaadle kaliyey u dhigmiye, igaga buus qaado
·        
·       Bishaan Reer Magan waxaw imaan, boqol darmaanoode
·       Buuryada nin jaray oon lahayn, faras baroor ciida
·       Beeshaannu nahay lagu ma oga, nimaan baxdow hayne
·       Baadida lug ku ma doonnanee, igaga buus qaado
·        
·       Boqol wali biyaha Aw Caliyoo, buuniyaal wada ah
·       Iyagoon bidhaantaada arag, budada ka yeeli
·       Balo aadan ogayn baa jirtee, igaga buus qaado
·        
·       Berrin hoose Boodhiyo Gidhays, Baato iyo Ceel-Cad
·       Balli’ iyo Bur-Geesoole iyo, Bohola Faafkooda
·       Bilcilliyo lafaha buuran iyo, Baararre agtiisa
·       Buqda Magan barkadahaan ku furay, Doollo beledkeeda
·       Intaasuu ku baahoo tolkay, buuxiyoo degaye
·       Adiguna barqaad fuli haddaad, berri aroortaaye
·       Faro-baalis ila ma ekide, igaga buus qaado
·        
·       Dalka Eebbahaa igu basharay, tan iyo Boosaaso
·       Barbarkaan u boodaba arlada aanan, ka bayraynin
·       Iyo bohosha aadan dhaafi karin, igaga buus qaado
·        
·       Nin bah yari ma dego meel haddaan, lagu bariinayne
·       Bah Gasaaladaa kugu meersan iyo, baraha Reer Kooshin
·       Cabdillahaan ka badan kuwaas, dhabarka kaa boobi
·       Meeshaad ku soo baqan jirteen, Ban iyo Ood Weyne
·       Berri inaan Burciyo Looyo ku furi, igaga buus qaado
·        
·       Nin baruur leh oo haad balxaday, waa bugtiyo ceebe
·       Dumar bilicle oo bacad ku yaal, ku ma baxdootaane
·       Yaan baqalyo idin dhuunyanine, igaga buus qaado
·        
·       Barnida tiirsan labadiina beyd, aqalladoo buuxa
·       Billa-dayaha iyo dhiisha iyo, bulayda reexaanta
·       Intaan baylah duul kale u helin, igaga buus qaado
·        
·       Baashiga magaalada fadhiya, ee Berbera yaalla
·       Isagaba naftaa loo baqee, la ma bariiyeene
·       Wakaas billaawiyo warmiyo, buuray qalabkiiye
·       Hadday bi’say shay habkaan, laga bukaareene
·       Anna balad kaaga adkiyee, igaga buus qaado
·        
·       Buntukhooley baannu nahay rasaas, baabah kaa dhigiye
·       Bir ma sidanno oo qalabku waa, nin iyo baaruude
·       Banaadiikh dablaan kugu halligiye, igaga buusqaado
·        
·       Bis ma galo nin habartii ahayd, Baalcaddii hore e
·       Waxaan beegsannaa naaga goba, dhalasho buurreey e
·       Birtu waliba sii kala dheddige, igaga buus qaado
·        
·       Baab kalena waa Ina Barwaaq, hal aan u beeyooday
·       Burka xabagga maatidu dhir bay, baarataa sabene
·       Anna wax baa bil Alle dhashaba, ii bislaan jiraye
·       Afartii bilood baa rag kale, baydi maashadaye
·       Bal ogaadaa biirtaan tufiyo, biixidaan jebiyo
·        
·       Barkinkiyo barkimo qoortu wow, kala buseeshaaye
·       Bal ogaadaa biixi buu noqdaa, baalal dheeruhuye
·        
·       Haddii boqor nin lahaan jiray nin kale, beri u toogowdo
·       Bal ogaada baadiyo ninkeed, wow bidhaan arage
·        
·       Meeshiyo bilowgii halkiyo, beydkii Nabi Aadan
·       Baahilo Siciid boqorkanaga, yaw bud dhig ahaaye

·       Ma nagu beegsadaan labo iyo toban, nimaan bur loo saarin
                            
Igaga buus qaado: igaga amar qaado ama tayda/talatayda hoos imaw

No comments:

Post a Comment