Tuesday, December 3, 2013

Ninkii Dilay Walaalkaa Adigana Waa Kuu Dan Leeyahay

1977-dii waxay dawladdii Soomaaliyeed si rasmi ah weerar culus ugu qaadday gobolkii Soomaali Galbeed (Ogadeen) ee Itoobiya marar kale geddisan gacanta loo geliyay. Dagaalkaas oo ahaa mid weyn marka loo eego colaadaha dawladaha soo koraaya dhex mara, wuxuu ka mid ahaa colaad taxane ahayd oo dhex tiil Qaranka ama Qawmiyadda Soomaaliyeed oo dhan ah iyo Xabashi (Abbysinia) iyo xoogaggii galbeedka dunida oo masiixiyadda rumaysnaa oo dhan ahaa. In kastoo marmar, colaaddaas saldhiggeeda lagu sheego mid diiniya, haddana markii si qumman loo tinguro, waxaa muuqanaysa in colaaddu ku salaysnayd dhul, isla markaasna bilaabatay qarnigii 13-aad. Waxaa colaaddaas looyaaminaayay boqorradii Xabashida ee markii hore Aqsum xarunta u ahayd, waxayna wadeen gulufyo aan kala go' lahayn oo dantu ahayd qabsashada dhulalkii dadyowgii ka ag dhawaa, kuwaas oo u badnaa Reer Kuush oo Soomaalidu ka mid ahayd. Waxay boqorradaasi ku guulaysteen qabsashada qarammadii ay ku soo duuleen, marka laga reebo Soomaalida oo wax uun uga caynteen dhulalkeedii, waxaase laga qabsaday qeybo badan. Tan iyo waagii ay colaadu bilaabatay ee fogayd marna ma joogsan dhiilladu, waxaana lagu tiriyaa colaadda ugu da' weyn colaadaha jira ee adduunka.

Sidaas darteed, qof kasta oo laxaw waddaniyeed leh, maalintuu hadaaqa bilaabo ilaa iilka la dhigaayo, wuxuu si adag u rumaysnaa colaadda aan hadal haynno, waxayna arrintu ka mid noqotay dhaqanka Soomaalida. Haddaba, markii ay Soomaalidu dawladnimada heshay ee ku beegnayd nuskii dambe ee qarnigii 20-aad, waxaa ka mid ahaa qodobbada kowaad ee qorshayaashii xukumadihii ama talisyadii dalka, xoraynta dhulalkii Soomaaliyeed ee gumaystuhu midba meel ku callaalay. Caro gaamurtay baa gubaysay dadka Soomaaliyeed, oo madaxdii dalku ku jirto. Markii ay talada la wareegeen ciidammadii qaranku oo mabaadi'doodu ku salaysnayd xoraynta Soomaali Weyn, colaaddii cirkay isku shareertay. Markii la af gembiyay kii ugu dambeeyay boqorradii Xabashida ee Nebi Suleymaan ku abtirsan jiray, Itoobiyana maamul ahaan iyo dhaqaala ahaanba wiiqantay, Soomaaliyana ay markaas cudud fiican leedahay, waxay madax iyo minjaba dadkii Soomaaliyeed la hiyi kaceen dagaal lagu soo xoreeyo gobolladii maqnaa. Waxaad mooddaa hoggaamiyaashii dalka inay ka tan badatay rabitaankii xoogganaa ee soojireenka ahaa, waxayna si hadda noogu muuqata qalad siyaasadeed ama istraatiijiyeed u qaadeen dagaal, ciidan ahaan lagu guulaystay, laakiin siyaasad ahaan fashil ku dhammaaday. 

Dagaalkaasi wuxuu Soomaaliya waysiiyay labadii waab ee adduunku u qeybsanaa oo aysan ka maarmi karin, isla markaasna wuxuu si walba u burburiyay dalkii. Xoogaggii colaadinaayay dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxay u hawl galeen kala-daadinta midnamadii shacabka Soomaaliyeed ee doorka ahayd. Waxaa laga dhex hirgashay bulshadii hab qoleedka ku salaysnayd ee Soomaaliyeed xiisado colaadeed, waxaana arrinka la gaarsiiayay in saraakiishii shalay hoggaaminaysay weerradii waddaniyadda ku salaysnaa in ay la soo saftaan cadawgii soojireenka ahaa. Waxay noqotay in kooxo ku abtirsada tolalka waaweyn ee Soomaaliya ay habar wacasho ku la dhex rooraan qolooyinkoodii kana abaabulaan ciidammo burburiya dalkoodii hooyo, iyago garab iyo gaashaan u ah nacabkii aan ka libaqsan jiran dhibaataynta Soomaaliya. Guuldarradaas weyn kooxihii hoggaaminaayay waxaa ugu darnaa USC. Waxay kooxdaan dambe si dhammaystiran u xidid siibtay dawladnimadii iyo wixii ilbaxnimo ahaa ee dalka ka jiray, waxay xasuuq ballaaran iyo qaxin isugu dartay tiro badan oo shacabkii Soomaaliyeed ah.

Burburintii baahsanayd ee laga shaqeeyay, waxay keentay in dalkii u qeybsamo qolooyin iyagu is haysta oo aad mooddo inay tan iyaga dhex taal uga daran tahay tan qarannimo. Muqdishow oo mar walba ahayd meel wadajir loo dhiso loona dego waxay noqotay magaalo tol sheegto, inta kalana ku cabburiyo amaba ku duudsiiyo. Waa isla middaan dambe tan keentay in la qaayibo in madaxweynihii la malookeeyaaba uu noqdo xubin ka soo jeedda tolkii USC saldhigga u ahaa, waana isla iyada, tan keentay in madaxda kale ee la igmado ay noqdaan adeegyaal u nugul danta xubnihii isku tolaystay magacii USC. 

Mahadhada aan maanka qofka u darban dawladnimada iyo dal-jaceylka aan ka go'i karin waa dhacdadii yaabka badnayd ee lagu tuuraayay Wasiirkii Kowaad ee maalmahaan oognayd. Iyadoo ay cid walba u muuqatay in madaxii la yiri dalka waad ugu sarreeyaa uu si cad ugu tumanaayay sharicigii dalka oo uu haddana si loo wada jeedo laaluush ula dhex rooraayay maamulkii loo igmaday inuu toosiyo, baa haddana la yiri dacwadii lagu soo eegay xukuumaddii uu W. 1-aad hoggaanka u hayay, laga af qaadi maayo amaba is-difaac looma oggola. Waa xaajo ugub oo aan la maqal cid sidaas oo kale loola dhaqmo. Xoogaggii xasuuqyada waaweyn ka geystay dunidaan kulay ku tahay lama sheegin dhinac inta dacwo lagu soo oogay la yiri, adoo aammusan baa sidii la doono lagaa yeelayaa. Kolleey aniga waxaa igala xun kuwa sidaas wax u maamulay, kuwa oggol in sidaas loo bah dilo, ama hadda u heellan in isla dhabbihii la qaadsiiyo.

Marka wax lagu beego danta guud ee Soomaaliyeed, waxaa habboon in Muqdishow laga daayo inay tahay xarunta/caasumadda Soomaaliya, ugu yaraan si ku-meelgaara. Haddaan sidaas la yeelin, sow jawrfal iyo dullinimo la diidi karo lama oggolaan? Waxaa kaloo habboon in gebi ahaanba dib loo fiiriyo sida loo asteeyay hab dawladeedka dalka, sida dhabta ah ee gobolladu u kala itaal iyo baaxad roon yihiin wax lagu qoondeeyo. Marna lama gaarayo sinnaan iyo caddaalad, haddaan laga gudbin gabood-falka iyo musuqmaasuqa la leeyahay, samaa lagu gaarayaa. 

Dhinac kale, waxaa dhab ah in Soomaalida qaabkeeda siyaasadeed uu ku qotomo tolal, madax walbana wuxuu ka soo jeedaa dhidibyada hab-siyaasadeedku ku taagan yahay. Haddaba, marka lagu gabood falo dhinac ka mid ah dhinacyadii dheellitirka siyaasadeed doorka u ahaa, waxyeelladu waxay ku dhacaysaa dadweynaha dhinacaas oo idil. Mar haddii loola dhaqmay Wasiirkii 1-aad sida qaabka daran ee kor ku xusan, sow doqonnimo maaha in isla waddaadii lagu sii dhabbeeyo? Sow doqonnimo maaha in ummad dhan danteeda iyo sharafteeda la siisto wax jeeb qaado. Sow da' lagu qasaaray maaha, kan u heellan kursigii walaalki lagu bah dilay inuu ka soo dhankoolsado? Sow ayaandarro maaha, in laga meehaalo goob si walba u gurracan oo uusan xeerna ka shaqayn waxsan iyo waxtar guud?

Sida qumman waa sida ay Puntland samaysay waana sida Soomaalida maanta wax ku wadaagi karto. Haddii la tahli waayay garasho toosan oo kale, sow ma habboona in iyada lagu daydo, oo inta dalka qeyb-qeyb maamullo looga yagleelo marka dambana talis guud oo run iyo miisaan ku salaysan la wada maamiyo? 

No comments:

Post a Comment