Friday, June 28, 2013

Jaceyl Aayatiin leh

Jacayl aayatiin le
Baan abuurnoo
Waad ogeydoo
Intaan udubkiisii muday
Baan ilaalshoo
Abaydin sidii u dhawroo
Markaan ku lahaa Ugaasooy
Ujeeddo fog baan lahaa
Afeefo dantaan lahaa
Ammaanadaan dhawr lahaa
Markuu ubixii is gaaray
Markuu intifaacsi joogo
Maxaa uur-xumada keenay
Maxaa odayaal xil siday
Dagaal loogu oogayoo
Maxaa loo iimo sheegoo
Waliba aflagaaddo keenay

Abaal-daraneey haddaad
Ujeeddo xinkaa u guuxday
Illawsho-dhaweey nabsaa
Dhexdeenna ka ooganoo
Ruux uun bay cuqubo raaciye
Anigu kaa aarsan maayo
Ilaah baan talo saartay

Ogaal baa markhaati fiican
Eexana waa laga tagaa
Iimaankaa lagu dagaa
Irbado geel lagu ma qalo e
Markay oommane ku guushay
Aroor shub baan lahaa
Irmaankeedaa godlane
Aagaamo u culaan lahaa
Markaan waajibkaygii oofshay
Markii aan ammaan sugaayay
Maxaa aammin-xumada keenay
Maxaa oorida ninkeedii
Abley loogu daabayoo
Waliba asaraarka guurkiyo
Maxaa eedda ii xanbaarshay?

Abaal-daraneey haddaad
Ujeeddo xinkaa u guuxday
Illawsho-dhaweey nabsaa
Dhexdeenna ka ooganoo
Ruux uun bay cuqubo raaciye
Anigu kaa aarsan maayo
Ilaah baan talo saartay

Thursday, June 27, 2013

Beeni Raad Ma Le (hees)

Ratigaan hayin ahayn
Aqalkuu ridaayoo
Rarka lama dul saaree
Dumarkuna Raxmaadkiyo
Ramad geel nin maalay
Kaa raacayaane
Qalbigaygu tuu rabay
Raalliyo ma noqotoo
Runta gaari waayoo
Anna waa is raacshayoo
Riyadiyo hurdadaan baas
Ayaan reer ku oodee
Xalay baan riyaaqoo
Ruux aniga ii timid
Raadkeeda gurayee
Aniga iyo Raxmoo qura
Ayaa rug is la joognee

Beeni raad ma le
Dheelalow run moodayey!

Roobkii da'aayiyo
Raaxada adduunyada
Ani way iga raagtee
Risqigii la ii qoray
Geed buu ku raarmayoo
Rays gaari waayaye
Waqtigu ii ma roonoo
Rako igama saaroo
Dhanna ii ma ridayee
Raasamaal la haystiyo
Maal la isku riixaa
Kala reebay dunidee
Wax dhan baan rafaadoo
Rucle-orod ku daaloo
Raacdeeyay gabadhee
Dantaa ii run sheegtee
Ragannimo ma waayine

Beeni raad ma le
Dheelalow run moodayey!

Cirku nimuu ku reemoo
Gugu uu rusheeyoo
Daad la rooraan ee
Badda oo is rogiyoo
Biyuhu raarka joogaan
Bay igu rugo wareegsane
Aar micida raamiyoo
Raantii lulaayaa
Raq sideedii i fuushane
Nacabka i riddeeyiyo
Malko raxan maroodiya
Rafiiqaygii moodaye
Raxalkiyo kitaabkiyo
Rasuustiyo quraankii
Waan ku raysan waayee
Rasiiladii kama quustee
Way ruux wareentaye

Beeni raad ma le
Dheelalow run moodayey!

Wednesday, June 26, 2013

Nin Balaaya Hurshaa Mar Uun Buu Ku Baxaaye, Cartan Boos Ma Kanaa?

Taariikhda aadanaha waxaa ka buuxa hoggomiyaal marar kale duwan soo if baxay oo magac yeeshay, haddana dhammaadkii ku dambeeyay meel xun iyo silic ay taladoodii badday dadyowgay horjoogeen. Inta badan qofkii dheehda sooyaalka madaxdii inta meel sare gaartay haddana ku hoobatay haadaan iyo haybad-la’aan waxaa sabab u ahaa madax-adeyg iyo kali-maalootinnimo macangagnimo weheliso. 
Markii la uumayba aadanaha looguma talogelin inuu kali ahaado oo qorshayaasha nolosha kali ahaan u maareeyo. Waa sidaase waxaa loo qorsheeyay inuu wehel lahaado oo uu danahiisana hab-wadareed u fushado. Ma jirin mana jiri doonto qof kaligiis gaaray isku-filnaasho dhammeystiran. Hadduu yahay qofku mid hoggaamiye ah wuxuu u baahan yahay la-taliyaal garaad sarreeya leh. Wuxuu u baahan yahay inuu si fiican u ogaado xaaladaha kale duwan ee hareerihiisa ah. Wuxuu u baahan yahay inuu joogto u oddoroso isbeddellada kale duwan ah ee soo aaddan ee saameyn kara naftiisa iyo tan dadka uu hoggaansho. Hoggaamiyaha qummani wuxuu leeyahay dhimir wax beegi karta, qaadanna karta talada suubban. Haddiise ay la ahaato inuu kaligiis ay-yaqaan yahay oo uu dhinacyada kale taladooda iyo garashadooda gees maro, waxaa hubaal ah inuu meekhaankiisu la mid noqonaayo hal bacaad lagu lisay. Macangagga aan lagu holin tiisa mooyee mid kale oo haddana awood haystaa, wuxuu si joogta ah uga habaabaa marinnada toosan. wuxuu ku dambeeyaa isagoo indha leh inuu noqdo cammoole aan dabka ka leexan. Waxaa loogu dawgalaa kibirkiisa, qalloociisa iyo maangaabnimadiisa.


Waxaan Geyiga Soomaaliyeed ku aragnay ama maqallayba rag badan oo hoggaanshay oo haddana yeeshay tilmaamaha kuwaan kor ku falanqaynnay. Waxaa u dambeeyay Sh. Xasan Daahir Aweys oo 20kii sano ee ay balaanbaleysay ummadda S/liyeed la dhex rooraayey qori dab leh. Sh. Xasan wuxuu hoggaanshay ururradii ku halqabsaday magaca diinta islaanka ee haddana ku caanbaxay guluf iyo gawrac joogta ah. Wuxuu horraantii 90-aadkii horkacay kooxo mintida oo dagaallo joogta ah kula jiray dadweynaha Soomaaliyeed. Wuxuu abbaanduule ka ahaa colalkii gabagabeeyay gobolladii koonfureed ee Soomaaliya, laga bilaabo xeebaha Gacanka Barbar ilaa daafaha Gedo. Markii la burburiyey ururkiisii Al-Itixaad, wuxuu ka hawlgalay ururkii Maxkamadaha Midoobay, markii la burburiyeyna wuxuu sameystay ururkiisii Xisbul Islaam. Markaas kadib waxaa lagu dirqiyay inuu ka mid noqdo ururka macangaga ee Al-Shabaab. Wuxuu hadba meel ka duso oo hadba tuulo ka dhawaaqaba, maanta (06/26/2013) ayaa la yiri; isagoo janaqa laalaadinaaya buu isu dhiibay Maamul Qoleedka Ximan.


Sidii macangagiintii taariikhda oo kale buu ayaankiis noqday in geesaha laga soo istaago oo si xaqiran loo hareereeyo, loogana dhigo maxbuus masiirkiisu ku jiro gacmaha asaaggiis. Shiikii gooddiga badnaa oo gulfinta badnaa ee mar yiri;”shacabku xabbadda ha u adkeysto” isaga laf ahaantiisii bay madaxa ka saaran tahay. Waa adduunyoo waa gaadaaley, gelinba meel bay joogtaa e.


Colaaddii uu looyaaminaayay Sh. Xasan iyo gunaanadkeedu waa cashar dhammaystiran oo qofkii dhug lihi ku waano qaadan karo. Waa cashar cibro leh oo taariikhda ku qormaya kuna xusnaan doona baalasheeda. Haddii isaga aayahiisu noqdeen gelbis foolxun, sow kuwo kale ee la dhaqanka ah lama gudboona inay, intuusan dawanka gooreysadu yeerin abbaarta haleelaan oo joojiyaan dhaqammada xun iyo dhibabka badan ee ay ummaddooda ku hayaan?. Haddii la waayo in wax lagu qaato dhacdooyinka waayaha, sow wixii la sugaa maaha ilmirigleyn iyo aayo-xumo.
Qarnigii 19aad gabyaagii S/liyeed ee dul istaagay raqdii Cartan Booskii magaciisa kibirka lagu lammaanshay ee markaas marshay tuducaan mahadhada reebay ma il duufin;
Nin Balaaya Hurshaa Mar Uun Buu Ku Baxaaye, Cartan Boos Ma Kanaa?       


     

Tuesday, June 25, 2013

Wabiyo Isu Oomman (hees)

Wabiyo isu oomman
Inay wacatameenoo
Waayo badan is dooneen
In loo ka la warramayoo
Wacdi la isu sheegiyo
Waana laga la quustay
Goortay is waayeen
Isu waalan gaareen
Waligiin ma maqasheen?

Wax ku qaadan maysaan
Wacdaraha adduunkee
Weyddiiya culimada

Inay weer xidheenoo
Biyii weyraxeenoo
Waddamo isu jiireen
In la waabin waayoo
Iyagoo wareer qaba
Isu soo wareegeen
Oo wanaag kalgacl iyo
Waxsan isu la yimaadeen
Waligiin ma maqasheen?

Wax ku qaadan maysaan
Wacdaraha adduunkee
Weyddiiya culimada

Inuu caashaq wadayoo
Is waraabiyeenoo
Xareeddii wadaageen
Inay yiin wehel is jeceloo
Wadnaha isu dhiibtayoo
Wadajire noqdeen
Wadda qura mareenoo
Kala weecan waayeen
Waligiin ma maqasheen?

Wax ku qaadan maysaan
Wacdaraha adduunkee
Weyddiiya culimada

Sunday, June 23, 2013

Hooyadu Waa Lama Huraan (saar)

Hagaag waa loo socdaa
Hor waa loo sii hoydaa
Hadal waa la hindisaa
Muddaan uurka hurudnoo
Culays bay hayn jidhoo
Tillaabtay la hakatoo
Xanuun bay la hingataye

Hooyadu waa lama huraan

Ha'-dii kale waxaan lahaa
Habeyn goor uu bartamay
Caanihii bay nagu habtoo
Horraadkay noo dhigtoo
Dharkii bay na huwisaye
Hooyadu waa lama huraan


Calooshaadoon hif oran
Adiga oon ka haqab bi'in
Hunguri ma haweysatee
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Hadaaq goor aad tahay
Tillaabta aan la holi karin
Adoo ciiddii hambaday
Dhaqsaba waa ku hinjisaye
Hooyadu waa lama huraan


Afka aan ku hadalniyo
Hannaankeeniyo hub-qaad
Hagaag bay noo bartaye
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Innaga oon haybad qabin
Hal beesa aan suubsan karin
Habaaskay naga huftoo
Waa tii noo hiilisaye
Hooyadu waa lama huraan


Sidaannaan halis u gelin
Hungurigay suubisaa
Dhaqsaba hoo nama dhahdee
Intii ay ka hubsataa
Iyadaa ku hormartee
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Reerku hadduu yahay hayaan
Hayinka aan saaran nahay
Hoggaankay haysatoo
Hoos bay kaala hadashoo
Intii aad ka huruddaa
Waa kuu heestaa haddanee
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Cilmiga shiikh ku hormariyo
Nin haamaan ah iyo hanad
Iyadaa soo hayn jidhee
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Haddii loo baahdo hiil
Geesiga loo habar wacdiyo
Fuleyga aan haadka hubin
Iyadaa soo hayn jidhee
Hooyadu waa lama huraan

Deeqsi aad soo haybsatoo
Hamuuntii kaa ba'shiyo
Bakhaylka aan kula hadleyn
Iyadaa soo hayn jidhee
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Aabbuhu waa hawsha guud
Ayuna hoos bay hayaan
Habayntii guriga iyo
Hooygii bay noo huftaye
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Geed-yare kaa hooshay meel
Haddii aad hah dhahdaa
Hubkii bay ka handadoo
Iyada oon hagar lahayn
Haw waa tii soo dhahdee
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Odaygu waa haajiraa
Hawuu meel ugu kacaa
Hadduusan mawdku helin
Hortaaday taagan tee
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Habeynkaad soo dhaxdaa
Hurdada aad uma heshoo
Qalbiga waa ka hammidoo
Hilow bay kuu qabtaye
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Horay adigoon ahayn
Dadkii bay u hanjabtoo
Halyey bay kaa dhigtoo
Ammaan bay ku huwisaye
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Abaarta hawaarsatiyo
Harraad meel loogu go'ay
Heyhaata uu dhaanku yahay
Cirkuna haawanahayaa
Halihi ay soo heshaa
Hadday hoo ina dhahdaa
Innaga oon soo hambeyn
Waatii aan hiinsannoo
Hamuunteedii horiyo
Dhib bay la hagoogataye
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Sidii awr haama wada
Dusheedaan halabsannoo
Hah goortaa nama dhahdee
Waa noo sii hoorsataye
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Marada ay nagu hantiday
Haddaan hoos uga dhacnaa
Wadnihii bay ka hinqatoo
Calooshay ka halcateye
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Alaabta horteeda taal
Haddaad laad ku hurguftaa
Habaar weyn kuma dhahdee
In yar bay ka hifataye
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Hilowlaha ay dhashaa
Haddii meel laga hayaa
Asuu haaraa habeyn
Waa tii hoogeysatoo
Ilmadu ay hibitiqdee
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Haddaan been lagu hadleyn
Wadnaha hawdiisa iyo
Halbowlaha dhiigga wada
Hareer baa laga dhigoo
Halkey joogaan iyagu
Yaa loo soo wada hoydaye
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Hantida aad leedihiyo
Wixii aad haabataa
Haddii loo siiyo hibo
Abaalkood lama helee
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Haddaadu hadday gashaa
Hog goortii lagu dhigoo
Wadaaduhu kula hadlaan
Aabbaha looma halwacee
Waxaad tahay ina heblee
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Adduunyadu waa haween
Halkaa la iskuma hayee
Nin doonaba ha hadlee
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Hirar gaagaaban iyo
Hawada yaan ka hadlayaa
Waxba anigoon hambayn
Hubaashiina aan hayaa
Hooyadu waa lama huraan


Ha'-dii kale waxaan lahaa
Hanfada ruuxii noqdaa
Hawraar kaama hantiyee
Waxba anigoon hambayn
Hubaashiina aan hayaa
Hooyadu waa lama huraan

Thursday, June 20, 2013

Ma Soomaali Baad Tahay? (hees)

Timahaaga sarartiyo
Gaaraaya sinahee
Sangihiinee cawryee
Sanqaroorka dheeriyo
Sunniyaasha kala rogan
Indhahaan siraadka
Midabkaaga sugulka

Sidaad u eg tahay 
Sikataan ka qaadee
Ma Soomaali baad tahay?

Sabadaad ku dhalatiyo 
Seerahaad ku noolayd
Sahal maaha inan yahay
Simaneey la wada arag
Anna waa sagootiyay
Sibiq maaha heestuye
Sooryo weeye qaaliya


Sidaad u eg tahay 
Sikataan ka qaadee
Ma Soomaali baad tahay?



Wednesday, June 19, 2013

Ma Hayoo Mana Sugaayoo (hees)

Kuwa loogu magac daraye
Muuqa aan la kala garan
Caku muhashadoodee
Muusigiyo codkay dilay
Dhagahaan ka maalee
Marka aan ilaababa
Wax i soo mir kiciyoo
Maqlo waayi maayee

Ma hayoo mana sugaayoo
Iimana maqnee
Maareeyoo sidee buu cishqigu
Maskaxdiyo qalbiga
Uga meerayaa?

Kalgacaylkaan igu mudan
Malab haddii aan siiyo
Oon macawis iyo shaal
Dhar ku muunadeeyoo
Maamuus u sooro
Oo aan u mahad naqo
Marka soco iraahdo
Tolow ma iga tagayaa?

Ma hayoo mana sugaayoo
Iimana maqnee
Maareeyoo sidee buu cishqigu
Maskaxdiyo qalbiga
Uga meerayaa?

Mawdka waad ku samirtaa
Mayada waad ku dheragtaa
Murankuna sad weeyee
Isha milicsigeediyo
Maalin-araguna waa dane
Mashaqo waa tanoo kale
Ruux meel fog kaa jira
Oo maanku raacee

Ma hayoo mana sugaayoo
Iimana maqnee
Maareeyoo sidee buu cishqigu
Maskaxdiyo qalbiga
Uga meerayaa?

Thursday, June 13, 2013

Ma Gummeysi-diid Yaa Mise Waa Gacal-diidyo?

 Ma Gummeysi-diid Yaa Mise Waa Gacal-diidyo?

Tan iyo markii la yagleelay Dawlad Goboleedka Jubba ee dhawaanta lagu dhawaaqay, waxaan si taxane ah u maqlaynnay qablan iyo qeylodhaan joogta ah. Waxaa meel walba lagala sare kacay warar sida muuqata, ah dicaayado lagu dhantaalayo Maamul Goboleedka Jubba, hase yeeshee loo ekaysiinayo kuwo ku salaysan waddaniyad. Sidaas darteed, waxaan halkaan ku faaqidaynnaa arrimahaas sida qaabka daran la isugu malookaynaayo:

Marka hore, waa dhab in dalalka Kenya iyo Itoobiya waqtiyo kala duwan la hoos geeyay qeybo ka mid ahaa dhulalkii Soomaaliyeed. Waxay shirqoolladii lagu kala dhantaalay ummadda Soomaaliyeed geyaysiiyeen dadka dhibab faro badan, waxaaba la oran karaa asalka dhibabka haysta maanta Soomaali,  waxaa keenay shirqoolladaas. Waa marag-ma-doonto in 1977dii dagaalkii weynaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya inuu ahaa isku day loola dan lahaa xoraynta dadweynaha Soomaali Galbeed, waana marag-ma-doonto in siyaasadihii dawladaha awoodda lihi ka hor yimaadeen dadaalladaas. Kadib dhicisowgii isku-daygii xoraynta, waxaa la maleegay shirqoollo kale oo lagu sii wiiqayo dawladdii S/liyeed, ilaa burbur baaxad weyn loo geystay dalkoo dhan oo dawladnimadiiba si dhammaystiran loo tirtiray. Hawlihii nacabnimo oo dalka lagu burburinaayay oo dadka lagu gumaaday, waxaa qeyb weyn ku lahaa ururro qoleedyo Soomaaliyeed. Kooxahaas isku saynsaabay magacyo xanbaarsan erayo waddaniyadeed waxay saldhigyo ka samaysteen dalkii waligiiba u heellanaa burburinta Soomaaliya waa Itoobiya e. In kasta oo ay ururradaasi halqabsi ka dhigteen ka-xoraynta Dalka Soomaaliya Taliskii J/lle M S Barre, haddana dhab ahaantii waxay ahaayeen xoogag loogu tala galay inay Qaranka Soomaaliyeed xididdada u siibaan, waxaana daliil u ah natiijooyinkii ka soo baxay halgannadoodii qaran-dumiska ahaa.

Magacyadii ururradii burburinta ee marka qofka waddaniga ah ee S/liyeed maqlo tiiraanyo ku abuuraya waxaa ugu daran USC. Magacaasi wuxuu u dhigan yahay kooxihii horraantii taariikhdaan milaadiga ka kacay Dhulalka Reer Yurub oo loo yaqaanno Barbarians sida HunsGoths iyo Vandals. Isla sidii kooxihii Reer Yurub u burburiyeen ilbaxnimadii Roomaanka bay kooxihii burburintii S/liyeedna uu xidid siibeen horumarkii ka jiray geyiga Soomaaliyeed dhammaanti. Isla sidii ay kooxihii Reer Yurub u sababeen waayo mugdiya (darka ages) bay kuwii S/liyeedna u gayesiisyeen dadkoodii waayo mugdi iyo murugo badan leh. 

Waa USC-dii 90-aadkii iyo laamihii ka farcmay kuwa calanka u sida bi’inta iyo baabi’inta dadka Soomaaliyeed. Xoogagga maanta diiddan hababka maamulka iyo aguugga dawlad qarameedkuna waa isla kuwii lahaa dhaqankii Barbarians-ka.

Kuwaas laga ladi la’ yahay, qarankii ay gawraceen oo u loogeen bahallada heeladka jooga iyo kuwa doolka ahba bay ka dhex gurxamayaan oo inta war-moogaha ah maqashiinayaan erayo dhammaantood wada hutaanhuto ah oo aan innaba dux lahayn. 

Sida ay maanta Soomaali tahay, uma bilna kahadalka dhulalkii waayo hore laga boobay, illeen kuwii kalaaba gebi dheer ka lusha e, dhinicii hadda ka hadlaana wuxuu ka dhigan yahay, kii yiri: “ooddaan ma qaadi karee, tu kale ha la ii dul saaro”.

 Sidaan ku barannay taariikhda iyo wacaalaha adduunka markaan oo kale waxay u baahan tahay tabo xirrib fiican leh oo lagu saleeyay suurtogalnimada waqtiga iyo runta bannaan-yaalka ah. Waxaa habboon in dalalka adduunka oo dhan lagula dhaqmo siyaasad deggan oo ka maran xiisado iyo shaqaaqooyin labadaba, waayo dalka ugu itaal yar dunida baa maanta ka adag Soomaaliya dal ahaan, caqliga wanaagsanna wuxuu na barayaa inaan markaas oo kale cidna la isku taagin. Dhanka kale, dal walba oo arrimaha Soomaaliya ku lug lihi wuxuu ka leeyahay dano istraatiiji ah, haddaan la tixgelinna waxa laga fishaa waa; wax-dhimaal.

Sidaas darteed, labada dal ee Itoobiya iyo Kenya waxay ka leeyihiin dano istraatiiji ah, awood loogu diido tay rabaanna maanta Soomaali kama muuqato. Haddaba waxay noqonaysaa inaan si faham leh u wejahno arrimaha iyo dhabta qaraar, waana inaan wax oggolaanno, annagana wax naloo oggolaado (waa qaanuun dabiici ah).

Sida muuqata waxaa naloo oggolaaday dawlad goboleedyo, iyadoo laga yaabo in nala ka fogeynayo dawlad dhexe oo awood badan leh, taasoo waayaha soo aaddan loollan ka imaan karo. Haddaba, sida siyaalaha dadkeenna iyo dalkeennu yahay marka la eego, dawlad goboleedkaaba wax dhan ah. Haddii aan hanan weynno dawlad goboleedyada naloo qoondeeyay, waxaaba suurtogal ah inaan meel ka sii liidata ku hoobanno, meeshaas oo aan caymo dambe lahayn.  

Haddaba, waxba yaysan kuwii hoogga horseeday, afka noogu tirin dal-yahannimo ay iyagu xabeeleen. Waxba yaan la is maqashiin duullaammo cadaw baa laga hortagayaa iyo gumeysi baa yimid. Waxba yaan warbaahinta laga faafin dawladnimaday wiiqeen oo na weysiiyeen. Waxba yaan xabaashii qaranka (Muqdishow) laga dhigin meel samaha S/liyeed ka fulayaan. Waxba yaan hadba diyaarad la ii fuulin oo laga dhigin in sahan loo yahay danaha S/liyeed. Waxay tahay, tabta fiican ee maanta noo bilan; yagleelka dawlad goboleedyo u hawl gala sidii dalka hoos looga soo dhisi lahaa oo loo gaari lahaa gobollo dhisan oo midawga guud wax badan taarta. Waxay tahay habboonaantu, in dadweynaha gobollada iyagu saldhig u noqdaan habaynta maamullada gobollada dalka, waana in DFS ay tixraacdo rabitaannada dadka. 

gunaanadku wuxuu yahay xoogagga diiddan qotominta D.G Jubba, maaha waxay diiddan yihiin gumeysi shisheeye ee dhabtu waxay tahay, waxay diiddan yihiin qolo S/liyeed oo ay u arkeen nacabkooda kowaad. waxay diiddan yihiin waa gacalkood, ahaan lahaa cududdooda.

 Midnimaa adduunyada
Lagu wada masoo baa
Midigtuba miciin ma leh
Hadday bidixdu maqantee
Waa labo mataanoo
Hawsha maamulaayee
Hadduu maanku ladan yahay
Dadku male yeeshee

Muruqiinna maaloo
Dhulka miro ku beeroo
Macdanta, dahabka
Muujiya wanaaggaay

Masno weeye wabigaan
Miiddii dhex jiiftee
Waa madal barwaaqoo
Duunyadu mushaaxdee
Mootada la raaciyo
Taksi lagu marqaamiyo
Miliqmiliqda suuqyadu
Macne yeelan maysee


Muruqiinna maaloo
Dhulka miro ku beeroo
Macdanta, dahabka
Muujiya wanaaggaay

Maangaabka taladiisu
Waa maqane joogee
Waanada ma qaatee
Wuu mala maleeyaa
Maahmaahdii dhaqankaan
Murtidii ku sheegee
Illeen ruux malaasani
Eray kama macaashee

Muruqiinna maaloo
Dhulka miro ku beeroo
Macdanta, dahabka
Muujiya wanaaggaay

Wednesday, June 12, 2013

Si Kastaba Adoo Wacan (hees)

Wiilka:
Haddii ruux jacayl sigo
Saldhigi waa walaaleey
Sidrigaygaa damaqdee
In kastoonan sababtii
Sidaan kuugu imiba
Si wacan u garanaynin
Markii aan salaan iri
Sunniyaha dushoodiyo
Sar-wajiga la ururshiyo
Waa taad timaha seydhee
Seddex goor gacmihiyo
Surka aad is jabisee
Siddi’ qabax intaad tiri
Sanqaroorka taagtee


Aniguna sulaaqii
Maan seexanine xalay
Waxaan sara fadhiyayaa
Dhulkaan salabka dhigaye

Gabadha:
Dumarkuba saluuggiyo
Subaxdaad is barataan
Sahwiga ways ka leeyiin
Haddii aan u qabo sidaan
Jacayl seefo inuu yahay
Waa ban kuu sad burin laa
Waxaa soo sokaba maray
Sulaxa xaajadii ahayd
Samaheenan maantee
Sahwiga iska daayoo
Sidaasay isaga wadaan

Ragga dayaxa sahansday
Sirta dumar adoon galin
Samir ila ogoow oo


Immikana sidaan rabo

Haddii Eebbe igu simo
Waxaan sugo wax ii sada
Sadaallada aan qabo
Si kastaba adoo wacan

Wiilka:
Hadduu saydhmo dhibic roob
Uu simo xareed waran
Saxalku waa ka guure
Adiguna sidaad tahay
Sareedada aduunyada
Sahal maadan ku gaarine
Haddaad saaka ii timid
Nabad igu salaantee
Maxaad ii la socotaa
Samo iyo xumaan kee
Seddex goor wadnaha iyo
Sinta midig is qabatee
Sidi’ qabax intaad tiri
Socod igula hadashee


Aniguna sulaaqii
Maan seexanine xalay
Waxaan sara fadhiyayaa
dhulkaan slabka dhigaye

Gabadha:
Sarsarrada wadnahiyo
Surimmadiisa dhiiggiyo
Saablayda feeraha
Seeddiyo laf caashaqu
Amba So' iyo saan
Waa kan suran naftaydee
Ma sahlana huq sii dheer
Cidba haddaanana kula simin
Oonan laba sad noqo oran
Naxliga iska saaroo
Ila soco dhul sooliyo
Soof-daran abaariyo
Saymo oo dhan kaligaa
Kaaga siiban maayee


Iminkana sidaan rabo
Haddii Eebe igu simo
Waxaan sugo wax ii sada
Sadaallada aan qabo
Si kastaba adoo wacan

Thursday, June 6, 2013

Soomaalida Iyo Dhaqammadii Horee Guurka



Waayihii hore ee dadka S/liyeed sida weyn u dhawri jiray dhaqanka iyo hiddihiisa, siyaalihii la isla okobanaa ee guurku ku salaysnaa baa waxay ahaayeen:

1-     Toos: waa marka labo is jamato ama is jeclaato oo wiilkii oo ay weheliyaan koox qoykiisa ama qolodiisa ah u geed fariistaan gabadhii oo doonaan ama wiilku gabadhii uu calmaday la baxo oo sidaas ku aqal geysto. Labada u anbaqaadaysa sidii ay reer cusub u yagleeli lahaayeen waxaa soo mari jireen sheekooyin muddo dheer socda iyo tijaabooyin uu midba kan kale ku eegaayo, waxayna oran jireen: kunna way koodisaa, kowna way kala baxdaa.  

2-     Dabajoog: waxaa qoysas badan dhaqan u ahaan jirtay in labo walaalo ahi ubadkooda isu guuriyaan, habkaasna la qaayibo muddo dheer, waxaana wali la helayaa labo is qabta oo ilaa dhawr fac sida iyaga oo kale waalidkoodna ilmo abti u ahaa.

3-     Sahan Dumar:
A) Heeran: waxaa dhici jirtay in gabdho ka tirsan hal degmo ama degmooyin isu ogog lihi inta is aruursadaan u kacaan degmooyin lagu maqlay rag geyaankooda oo ay ka filanayaan inay guursadaan. Gabdhahaas markay soo gaaraan degmooyinkaas waa la soo dhaweyn jiray. Waxay gabadhuhu ku dhaqaaqi jireen hawlo ay mid walba ku muujinayso naagnimadeeda, tusaale ahaan sida ay xoolaha u dhiqi taqaan, sida ay farshaxanka u tahay oo ay rarada iwm u samayn taqaan. Mararka qaarkoodna raggii ay degaankooda yimaadeen baa uu kuur gali jiray, sida tusaalahaan: waa baa gabdho heeran ahaa degmaday u yimaadeen u qashay neef, kadibna hilbihii oo kulul baa loo keenay, saa mid baa tiri; naa ha kafafee kor saar, midna waxay tiri; naa koran maynee kala goo, midna waxay tiri; naa ha qaboobee qabawar ku rid, midna waxay tiri; kululaa kaba naallee. Gabadhahaas oo labo ama seddex qad ahaa waa la dhageysanaayay iyadoo loo jeeday in la toociyo dhaqammadooda, sida la sheegana waxaa laga guursaday tii tiri: ha kafafee kor saar iyo tii tir; kululaa kaba naallee.

B) Ilmadow: waayo waxaa jiray ay gabari jeclaan jirtay nin ay wanaaggiisa u dhabbagashay, waxayna markaas kadib gabadhaasi geli jirtay aqalka ninkay calmatay. Sidii u dhaqanku ahaa waa in ninkaasi gabadhaas guursado xitaa hadduu kuwo kale qabo ama u guursho wiilkiisa, walaalki, ina adeerkii ama mid kaloo xigtadiisa. Hadduu sidaas kore yeeli waayo waxaa la isla oggolaa inuu magteeda bixiyo. Waxaa kaloo la rumaysnaa in gabadhaas soo aqal gashay ay tahay ilmadow oo ninkii gaba iyo reerkiisaba ganaax xag Eebbe ka yimid ku dul habsan doono.

4-     Godob-reeb: marka laba dhinac isku dhacaan oo geeri meesha soo gasho, haddii mag la kala qaato waxaa la raacin jiray gabar loo guursho ninkii dhintay aabbihi, walaalki ama ina adeerki. Sidaas waxaa loo yeelaayay in la baajiyo dhiig kale oo qubta iyo in lagu kala bogsoodo, waxayna oran jireen; meeshii xinjir ku daadatay, xab ha ku daato.

5-     Dhabar-garaac/Boob: marmar baa waxaa dhici jirtay in nin gabar jeclaado, hase yeeshee iyadii diiddo, markaasaa kii jeclaystay gabadhu inta soo abaabusho koox jifadiisa ama tolkiisa ka tirsan baa gabadhii inta la uleeyo xoog lagu kaxaysan jiray, kadibna inta la masaafaysto xoog lagu guursan jiray, waayo kadibna arrinkii xasili jiray oo sidaas afo iyo sey ku noqon jireen.

6-     Kufsi: marmar baa waxaa dhici jirtay in nin gabar kufsado oo loollankii labadaas dhex maray gabadhii waxyeello ku soo gaadho sida; il ka dhacda, ilko dhaca ama nabar kaloo culus. Guurtidii arrinkaas u gogol fariisataa waxay gaari jirtay go’aanno u danaynaya gabadhaas la kufsaday, waxayna aalaa xukumi jireen in uu ninkii qabsaday guursado, waxayna oran jireen; quruxdeeda wax u-dhime, qadaadkay u saaran tahay.

7-     B) Xiskiisan: nin baa afadiisii ka dhimatay iyadoo carruur u leh amaba u lahayn, waxaa markaan oo kale dhaqan xooggan ahayd in marwadii xijaabatay walaasheed ninkii la siiyo iyadoo loo danaynayo ilmihii rajada ahaa, waxayna oran jireen: xiiskiisan xulasho ma leh. Ninka ka heli waaya waxtarkii marwadiisii dhimatay midda cusub inta badan cabashadiisa waa la maqli jiray sida kii yiri: anna calool xumaa i dili, adna caanaa ku dili, cunuggana cabaad baa dili iyo kii yiri; adna oohinta iga dhammee anna ilmahaan kaa dhammayn.

T) Dumaal: marka nin ka dhinto qof dumara oo aan wali dhalmodays noqon, waxaa dhaqan adag ahayd in qoftaas reerkay u dhaxdey nin ka tirsan guursado, iyadoo aalaa loo danaynaayo carruurtii agoonta ahayd, waxayna oran jireen; dumaali waa damal carruureed.  Aad iyo aad bay dumarku u necbaan jireen walina u neceb yihiin dhaqanka dumaasha. 

Wednesday, June 5, 2013

Baarey Walaaley (maanso)


Maansadaan oo soo baxday 10/28/2009 waxay malo awaaleysaa gabar la yiraahdo Baar/Bilaad oo ku dhaqan geyiga S/liyeed. Waa gabar qurux iyo qiimo kalaba loo dhammeeyay. Waxay gaadhay da’dii guurka, hase yeeshee waxay weyday barbaar u qalma. Sababtu waa iyadoo dhulkii colaado xun ka dhaceen; weerar iyo dooxataba leh, ka dibna asaayihii dhacay abuureen hab qorsheysan oo raggii waxtarka ahaa lagu tinsiibayo.

Magacyada meelaha ama degaannada loo adeegsaday maansadu waa halqabsi ee maaha Ku-Talogal gaar ahaaneed. 

Bimisllaahi waa illin
Waa bilowga hadalkee
Baareey walaaleey
Beri hore waxaa jiray
Iyadoo barwaaqo ah
Beesheennu ladan tahay
Bilcille iyo Jeediyo
Burgeesooleheennii
Kow iyo Tobankii Buurood
Baarmagoog dushiisiyo
Buraqalliyo Burgeedlaba
Baaxadsoorihii guga’
Baarax ay ku joogtoo
Balliyadu u buuxaan
Baallaha agtooda
Iyo baarka geedaha
Shimburuhu ka buuqaan
Baraaraha u heesaan
Dhulka baaxiddiisaba
Boqol iyo kun geedoo
Bey-cagaara yeeshoo
Ubuxuna ka buuxoo
Indhihii basaasiyo
Ruuxii bukaanihi
 Ku baxnaansadaanoo

Barqamaalka xoolaha
Biriyaasha iyo dhiishaba
Bukurta iyo haantaba
Weelashii u buuxaan
Idihii banaaxiyey
Baraarkii ciyaayiyo
Beydaanka koortii
Bulaankooda yaabka leh
Carradii ku baahoo
Barbaartuna hameynkii
Bullada iyo dhaantada
Bidix midig u tumayaan
Bulxanka iyo sheekadu
Ilaa waa bariistii
Hadba dhinac ka baxayaan
Bayddigeeda noloshana
Bilantii walbeetaba
Yarad loo bogaayiyo
Aroos lagu bullaaliyo
Batarka iyo ciyaaraha
Baadhi loo sameeyoo
Baaqi lagu ahaadoo
Wadaadkuna bilkeedayn
Bara’ iyo yaasiiniyo
Burdaha akhriyaayoo

Maantana Bilaadeey
Waxaa timid balaayoo
Ibtilaa na baanjiday
Dalkii waa la bi’iyoo
Dadkii waa la booboo
birmageydadeennii
Iyo baashigeennii
Waa la soo bireeyoo
Budulka iyo xeebaha
Beledka iyo duurkaba
Baalloxaf la mariyee
Birmad iyo guhaadiyo
Baabulkicin ha joogtee
Wa na baadi sooceen
Baad baannu keennaa
Ballantaadii guurkuna
Hadal beena weeyaan
Geyaan kula baxaan jirin
Nin ku baalinaayiyo
Nin ku baanan karayaba
Beesheennu ma lahoo
Baaba’eeda weeyoo
Sida qaanka buubay
Hadba dhinac barriiqdaan
Bayr bayba yeesheen
Hadalkay ka baadaan
Sida bohonkii oo kale
Wax ma boori karayaan
Waxaan kaaga baqayaa
Boqoraddii habloodeey
Adigoo bidhaan san
Habas boorka jiiftiyo
Guumeysta baadhiyo
Bilis aan la dooneyn
Baabkooda noqotee
Samir beegso waligaa
Ilaa bilaha kheyraad
Badbaado Alle gabar yahay

Erayada:
Bilcille, Jeed, Burgeesoole, Baarmagoog, Buraqalle, Burgeedle, Baarmagoog: waa degaanno ka mid ah kiilka shanaad ee Itoobiya oo S/lidu degto.  

Kow iyo tobankii buurood: waa buuro muuqaal san oo isu muuqda, una dhexeeya Wardheer iyo C/waaq. Buuro Mareexaan 

Baaxadsoore:  bartamaha wax baaxad leh sida bartamaha guga’.

Baarax: meel bannaan oo nabad lagu deggan yahay.

Baraare; barwaaqo, sannad hagaagay.

Beycagaar: midab cagaara oo madow xigeena (dark green).  

Bukur: haanta yar, aagaan.

Banaaxi: ciga idaha siiba kuwa dhalay markay ubadkooda oo soo ciyayaan

Beydaan: koor cod weyn leh

Bayddi: hanti iyo barwaaqo badan

Bullaal: barwaaqo, ladnaan.

Baadhi: xaflad,  Af Ingriis “party” 

Birmageydo: xilliga dagaallada dadka dhaqan ahaan aan la dilin sida, waayeel, abwaanka, culimada, dhallaanka, waxgaradka IWM.

Bilkeedeyn: nasiibka wanaagsan ee dambe.

Baalloxaf: bir lab af oo wax gooya leh sida; billaawaha.  

Budul: tub wax badan la maray, dhabbe.

Baabulkicin: kicinta dhogarta ama timaha si uu u dagaallamo.

Baanji;  si xun oo wax loo baaro. Qaalaaba geddi.

Qaan: qaalmaha ama qaalimmada aan weynaan.

Baadid: ka tagid, ka raagid, ka waantoobid

Habas: shinbir yar oo inta badan dhulka dhabbacda.

Guummeys: gabar seegtay guur.

Bilis: haweeneey, dumar, dheddigood.

Batar, Bullo, Dhaanto: ciyaar-dhaqmeed S/liyeed.