Sunday, June 2, 2013

Xukun-Jaceylka Aadanaha (maqaal)

In qofku siiba kan lab uu leeyahay abuur ku duugan oo ah rabitaan xooggan oo uu uga awood bato inta kale waa midaan daboolneyn. Sida lagu rumeysan yahay aragtida dhalanrogga (evolution theary) jaceylka labka ee mayal-u- qabashada dadku waxay ka soo jeeddaa waayihii aadanuhu uu ku jiray nolol bilaw ah. Xilliyadaas wuxuu dadku ahaa ugaarsato aan xeelado badneyn, hase yeeshee ku tiirsanaa awoodda turuqyada jirkiisa iyo kooxo ahaanta. Waxaa bilawgii la ahaa koox koox, waxayna koox walba si wadajir ah u maali jirtay xooggeeda. Tusaale ahaan intii aan la baran qalabka lagu dabo ama lagu toogto ugaarta waxaa dhici jirtay in, inta kooxdu hareereyso ugaarta ku didin jirtay haadaan ay ku burburto, ka dibna iyadii oo dhaawac ah xoog lagu qabto lana qasho.
Dhaqankii waayahaas bilawga ahaa, waxaa ka mid ahaa in loo looltamo hoggaaminta kooxda. Waxaana ku guuleysan jiray ina rag kiisa u xoog bata. Sababta ninku u rabay madaxnimada waxay aheyd si uu u badsado saamiga hilibka iyo dumarka. Wuxuu hoggaamiyaha kooxdu ama qolodu qeyb u heli jiray mayraqyada ugu fiican iyo dumarka ugu badan. Waa isla sidiiye, wuxuu rabitaanka madaxnimo nuxurkiisu ahaa helitaanka ubad badan oo nafaqeysan.
Intii aadanuhu ku jiray loollanka jiritaanka, wuxuu sameynaayey horumar dhan walba ah. Markii la soo gaaray in la noqdo bulshooyin, waxaa loo baahday maamullo iyo hoggaanno. Heer iyo goor kastoo la joogaba rabitaankii madaxnimo wuxuu ahaaday sugane aan is doorin. In kastoo hoggaamiyuhu ugu muuqda indhaha dadka mid dan guud ka adeegaya, haddana dhab ahaantii waxaa ku aasan danaysigii abuurriinka ahaa.
Ku ma badna taariikhda, taliye ka gaaray madaxnimada meeshiii ugu sarreysay oo ku qancay heerkuu gaaray. Sidoo kale la ma arag qof hodonnimo adduun yeeshay oo ku hakaday meel. Sidaas darteed, rabitaanka awood-raadinta ee qofku wuxuu ahaaday joogto. Si loo sii fahmo qariisada ku milan aadanaha ee awood-doonka joogtada ah, waxaan tusaale u soo qaadaneynnaa hoggaamiyihii caanka ahaa Julius Caesar (13 July 100 BC- 15 March 44 BC) ee Imbaradooriyaddii Room (Roman Empire). Sida la og yahay Roomaanku waxay lahayeen dhaqan dimiqraaddi ah ama ku dhisnaa talo-wadaag, waxayna lahayeen gole la oran jiray Senate.
Markii uu soo ifbaxay Caesar wuxuu noqday siyaasi si ba’an ugu hamuun qaba awoodda, wuxuuna caqabad ku noqday hannaankii dimiqraaddiga ahaa ee dawladda. Naftiisa kaliya buu la doonay xukunka ama awoodda, wuxuuna noqday kaligi-taliye macangag ah. Wuxuu qabtay hawlo horumar lagu gaaray, hase yeeshee dhammaantood wuxuu ula jeeday weyneynta naftiisa. Wuxuu dhaqaale badan ku bixiyay in laga dhigo wadaadka ugu sarreeya Room. Wuxuu gabadhiisii siiyey nin aan dhaqankii waayahaas gayaankeeda aheyn si uu u helo cudud taageerta. Wuxuu codsaday in laga dhigo taliye aan dhicin intuu nool yahay. Wuxuu isbeddello xooggan ku sameeyay hababkii Room, ujeeddaduna maaheyn horumarinta dalkee wuxuu ula jeeday kor-u-qaadista hummaaggiisa.
Intii uu Caesar talada hayey waxaa ku lammaanaa kibir iyo islaweynaan. Wuxuu gaaray kibirkiisii inuu sheegto inuu ku abtirsado Ilaahaddii Venus. Si uu u yeesho haybadda ilaahnimada buu u sameeyay waxqabad weyn. Wuxuu naftiisa ku qanciyey in weynaantu la dhalatay isaga. Markuu gaaray mansabyadii iyo magacyadii waagaas ugu sarreeyay dunida buu u hawlgalay sidii magaciisu kowaad ugu noqon lahaa taariikhda, wuxuuna mar yiri: “waxaan ka door bidayaa ahaanta ninka labaad ee Room, ninka kowaad ee tuulo ay leeyihiin kuwa dambeeya/barbarians”.
Caesar wuxuu ka kormariyay dantiisii gaar ahaaneed tii dadka iyo Senate/ka. Xilliyadiisii kali-talinta wuxuu abaabulay kooxo dadka ka soo horjeeda dila, mana joojin marna falalka kooxahaas. Si magaciisu kor u ahaado wuxuu xoogga saaray guulihii ciiidankiisa, danna kama yeelan tii dadweynaha. Wuxuu si cad u muujiyey xurmo la’aantii hababkii xukunka sida is-doorashadii jamhuuriga aheyd. Wuxuu kaloo noqday nimaan qaddarin Senate/ka. Tusaale ahaan, waxaa gaf weyn aheyd in la gooyo Wabiga Rubikoon waxaana loo arkay dhagar ka dhan aheyd Senate/ka. Waxay ka dhignayd goynta wabigaas goyn lagu sameeyay seerayaashii Room. Islaweynaantii Caesar waxay gayeysiisay inuu jaro seerihii lama dhaafaanka ahaa. Falkiisaan dambe wuxuu ka dhex abuuray Room dagaallo sokeeye.
Dhanka Soomaaliya maahan arrinta xukun jaceylka siyaasiga Soomaaliyeed midaan maqallay ama ka akhrinay buugta ee waxaan nasiib u yeelannay inaan waayahaan nooleyn aragno sida qaar badan oo bulshada ka mid ahi ugu haliilayaan madaxnimada. Waxaan aragnay sidaan looga furfuri karin siyaasiga Soomaaliyeed hoggaanka talada. Waxaan u soo joognay iyadoo madax Soomaaliyeed si cad u xaabsanayo hantidii lagu helay magaca ummadda oo uu ku iibsanayo guryo qaali ah, ku bixinaayo damaashaadyo kharash badan, ku taxaashaayo iyo  muujinta farxadda huwan ee ladnaantiisa boolida ku saleysan. Waxaan u soo joognay iyadoo madaxdii ugu sarreysay dalku aysan ceeb la aheyn ku-takrifalka hantida dalka iyo iyagoo siday dantooda u arkaan u adeegsanaya hantidaas. Waxaan u soo joognay iyadoo madaxweynihii iyo guddoomiyihii baarlamaanka la leeyahay dhawrtadii lagu keenay magacii ummadda bay khasnadahooda ka buuxsadaan, ka dibna ku laaluushaan xubnihii baarlamaanka si siyaasadahooda gurracan u meelmaraan. Waxaan u soo joognay iyadoo tiro aan caqligal aheyn oo xubno baarlamaan ah loo qoondeeyay sharciyeynta arrimaha dalka oo codadkoodu ku xiran yihiin hadba inta la siiyo, hadday tooda waayaanna bilaabaya qablan, qeylo iyo qalalaase aan wax ku suurtoobeyn. Waxaan u soo joognay iyadoo madaxdii dalku qofkay doonaan hantidii dalka tafta uga buuxinayaan.
Waxaa ayaandarro ah inaan madaxdaas dhaqanka gumeed leh, doorashadooda u dabbaalddegno oo si raynrayn leh haweenkeennu u alalaasaan. Waxaan u ekaannay ummad ku faraxsan geerideeda iyo axankeeda, waayo waxaan mar walba calammada u lulnaa dhabanddaadyo wada doqon iyo dadabbo miirana oo aan innaba damiir laheyn.
Waxaa habboon inaan ku duceysanno sidii weynuhu nooga qaban lahaa balaayadaan wada gamboolan oo ku mabay muudsiga dhiiggii ummadda. Waxaan Eebbaha sarreeya ka durraamaneynaa inuu naga anbabaxsho jaajuurradaan aan dhargeyn oo iimaanku waa hore ka lumay. Waxaa ka loo habboon inaan mideynno quluubteenna una hawlgalno sidii aan dalkeenna u caymin laheyn is la markaasna ugu galaal xoori laheyn burcadda ka dharqata hababka dhallaankeenna.  
Roonana waa Rabbigeen 

No comments:

Post a Comment