Friday, May 30, 2014

Sheekooyinkii Kun Iyo Kow Hameyn (alfi laylah wa laylah)


Sheekooyinkii Kun Iyo Kow Hameyn (alfi laylah wa laylah)

Qarnigii 8aad ilaa sannadkii 1258 Masiixiga Dabadi (MD) waxaa lagu sheegaa xilliyadii dahabiga ahaa ee islaamka. Wuxuu baaba’ay xilligii wacnaanta badnaa ee islaamku markii Mangooliyiintu ku soo duuleen dhulalkii islaamka oo ay burburiyeen ilbaxnimadii lixaadka lahayd, isla markaasna qabsadeen Baqdaad oo ay si ba’an u gubeen qoraalladii iyo buugtii cilmiga, dad iyo duunyo badanna halkaas ku rogeen.

Intii lagu jiray xilligii wacnaanta badnaa ee islaamka waxay aqoontu jaad kasta oo ay tahay gaartay meel aad u sarraysa. Waxaa la turjumay qoraalladii ay ka tageen ilbaxnimooyinkii ka horreeyay islaamka sida tii Finooqiyiinta, Giriigga, Masartii Hore, Faaris, Roomaankii iwm. Waxaa waayahaas la gundhigay qeybo badan oo kamid ah laamaha cilmiga ee maanta aadanuhu ku meelmaray. Waxaa sidoo kale horumar laga sameeyay mala-awaalka iyo maan-kobcinta aadanaha sida qorista sheeko xariirooyinka maan-koriska ah. Waxaa kamid ah sheekooyinkii waayahaas la qoray sheekooyinkii Kun Iyo Kow Hameyn ee markii dambe dunidoo dhan wada saabatay, afaf badanna lagu turjumay.

Qoritaanka sheekooyinkaasi waxay ku beegan yihiin waayihii dahabiga ahaa ee islaamka gaar ahaan xilligii Cabbaasiyiinta ee Baqdaad ahayd caasimadda muslimiinta waxaana lagu aruurshay oo laga dhigay hal buug, waxayna sheekooyinku asal ahaan ka soo jeedeen Faaris (Iraan) gaar ahaan waayihii Imbaraadooriyaddii Sasanayd (Sassanid Empire ‘224-651 AD’).

Sida lagu xusay buuggii asalka ahaa iyo kuwiii dambee laga tixraacayba waxaa la yiri: Waxaa jiri jiray boqor la oran jiray Shariyaar. Boqorkii Shahriyaar baa afadiisii uu aadka u jeclaa gogol-dhaaf samaysay, kadibna boqorkii si daran buu u carooday, wuxuuna go’aan ku gaaray in uu dumarka ka aarsado. Wuxuu amar ku bixiyay in hameyn walba loo aroosiyo gabar da' yar oo bikra ah, waagu markuu baryana la dilo. Waxaa arrinkaas u xilsaarnaa Wasiirkiisii Kowaad. Wax hadba gabar yar loo aroosiyoo waabarigiina la dilaaba, maalintii dambe ayuu wasiirkii waayay gabar uu u aroosiyo Shahriyaar. Asagoo murugaysan baa waxaa aragtay gabar inan ah oo uu asagu dhalay, waxayna weyddiisay sababta uu la murugaysan yahay, markuu u sheegay arrinkii bay ku tiri; aabbe anaa guursanaaya boqorkee ha tiiraanyoon. Wasiirkii aad buu uga naxay soojeedintii gabadhiisa, wuxuuna isku dayay inuu ka hor istaago, wayse ku adkaysatay go’aankeedii.  Gabadhaas oo la oran jiray Shahrisaad waxaa loo aroosiyay boqorkii Shahriyaar. Hameynkii markii loo hooyay boqorkii, waxay bilawday inay u sheegto sheekooyin xiiso badan. Markii sheeka walba marayso gabogabo oo ay ugu xiisa badan tahay bay joojisaa. Boqorkii oo aad ula dhacay sheekooyinkii Shahrisaad wuxuu amraa inaan la dilin Shahrisaad ilaa laga gaaraayo maalinta xigta. Gabadhii hameyn walba waxay bilawdaa sheeko cusub oo kuwii ka horreeyay ka sii xiiso badan, waxayna gunaanadka sheekada la sugtaa hameynka xiga, waxayna sidaas ku wadday kun iyo kow hameyn (1001 hameyn). Markii dambe, waxay noqotay, in boqorkii Shariyaar uu go’aansado inaan la dilin, sidaasna waxaa ku joogsaday arooskii gabdhihii la dilaayay hameynkii la arooso waabarigiisa.

Sheekooyinkii ay Shahrisaad ku maaweelin jirtay boqorkii Shahriyaar ee socday kunka iyo kowda hameyn waxaa ka mid ahaa:

  1. Sheekadii dibiga iyo dameerka
  2. Sheekadii jinniga iyo ganacsadaha
  3. Sheekadii Jinniga iyo kalluumaystaha
  4. Sheekadii xammaalka iyo seddexdii dumarka ahaa ee reer Baqdaad
Waxaa kaloo jiray sheekooyin waayihii dambe lala xiriiriyay alfi layla wa laylaha oo iyaguna caan noqday waxaana kamid ahaa:

1- Sheekadii Calaa’u-Diin iyo nalkii yaabka badnaa
2- Sheekadii Cali-Baaba iyo afartankii tuug
3- Sheekadii Sindibaad iyo toddobadiisii safar-badeed

Friday, May 23, 2014

Heesihii Jaceylka ee Kimiid (Masartii Hore, Deyr al-Madiina, 1300 B.C



Heesihii Jaceylka ee Kimiid (Masartii Hore, Deyr al-Madiina, 1300 B.C )
Nacab may laha
Mana jiro ruux loo dhigo
Giddina iyadaa u midab qurxoon
Waxaa la moodaa xiddigtii arooryaad
Ee moogga horee sannadka
Maqaarkeedu aad buu u ifaa
Markay ku eegtana waa indho deeraleey
Bishamahay ku hadashaa macaan badan
Ma jiro eray ay ku margataa
Luqunteeda murtay iyo muuqeeda hillaciyo
Timaheedaa la moodaa lapis lazuli
Gacmaheedaa ka mudan dahabka
Farahaa la moodaa ubaxa lotus

Dhammaystiran dhexdu waa madag
Bawdyahaa quruxdeeda mugeeya
 Tillaabadeedana miisaama
Markay dhulka mushaaxayso
Markaan laabta saaro wadnahayga xaddaa
Waxay nin walba ku muuquunisay
Inuu milicsigeeda u jeensado
Kan helaa murugo ka hartaa
Waana madaxa jaceylleyda oo dhan
Markay dibedda meeraysana
Waa sidii boqorad mudnaan sare leh

Thursday, May 15, 2014

Maxaan Dhimay Iyo Rooda-Afjanno...(Gabay Culus)

Gabaygaan qiirada, qirada iyo quluudda  wacan leh waxaa tirisay gabar la yiraahdo Rooda Ibraahim Cabdi-Gureey (Afjanno). Waa gabay si weyn dhabta uga hadlaaya oo ku boorinaaya ummadda Soomaaliyeed danteeda.

Dhabtii noloshu waa inaad khiyaar, dhaaddan leedahaye
Dhismaha dawladnimo weeyoo, kuu dhammays-tirane
Waa calan awood lagu dhidboo, aad ku dheregtaaye
Ha yeeshee dad laga dhawrayoo, aan dheefsan baa jira e
Dhaayaha anaan saarin wali, dheef xorriyadeede


Jeerkuu dhug-li' reer galbeed, dhacanta ii saaray
Godkii laygu dhababaan sidii, uga dhex ooyaye
Dhabannada sidii bay ilmadu, ii dharbinaysaaye
Dhayil gobannimaan lagu helayn, aan dhib loo marine
Dhammaantoodna aadmigu hortay, way dhidideene
Dhimashiyo waxay qaayibeen, dhaawac iyo hooge
Dhama' iyo dadkii gaajo qabay, dhalayga haaneedye
Dhag waxay yiraahdeen hurdo, gama' la dheeraystay
Dhiishii faqriga maalin bay, dhinac u tuureene


Anigana dhiggay inaan higsado, dhimirku ii sheegye
Xaqaygana inaan soo dhacsado, waa go'aan dhabahe
Gumaysiga tusmada iga dhigtee, dhaaxa igu raagay
Maxaan dhimay dharaartaan ku iri, iiga dego dhoorka
Maxaan dhimay dhulkaygii haddii, aan u shubay dhuuxa
Maxaan dhimay dhaqaaliyo haddii, aan u huray dhiigga
Maxaan dhimay dhufayskiyo intaan, dhuurta ku abaaday?


Dhoocida cadceeddiyo haddaan, dheelna u adkaystay
Addoonsiga i dhalan dooriyee, dhaxanta ii saaray
Isna inuu dhulkaygii hurdiyo, dooni dhacdiidka
Maxaan dhimay dhakool iyo haddaan, hooska uga dhaartay
Maxaan dhimay haddaan dhoonbir dihin, ugu dharaar-daayay?


Dhuuggiyo gafanaha in badan, cunaayay dheeggayga
Iyo shilin-casta igu dhammadanee, qurqurin dhiigga
Dhuudhiga siqaayiyo takfida, igu dhex beermaysa
Intii aan dharkayn lagu go'iyo, xabag dhunkaal siiyay
Maxaan dhimay haddii aan dhib iyo, mariyay Dhiidhiitii?


Arlada ilaahay dhex waray, dheemmantiyo gaaska
Sidii neef dhukaan qaba anoo, gaajo ugu dhuubtay
Dhuuryada haliilaysee, dooni dhaxalkayga
Anigoon aan dhadhamin inay, dhurtaan layna dhaafsiiyo
Dhejiskiyo intaan dhuur-casada, dhuunta ka halgaaday
Maxaan dhimay dhab weeyee haddaan, dhaalna uga diiday?


Kuwa gumuca laysaga dhigee, camalka dhaaraana
Dhurwaayada halaqa ee ku mamay, shacabka dhiiggiisa
Dadkoodana dhammeeyee ka daran, cadawga soo dhoofay
Dhibkay geysanayaan waddani, dhawran kari waaye
Maxaan dhimay dharbaaxada haddaan, dhawda kaga saaray?


Kuwa dheelalawgiyo riyada, dhab u malaynaaya
Ee dhool gu' iyo roob onkaday, dhedada moodaaya
Ee dhaanka dabangaallihiyo, raacay dhalanteedka
Iblays baa dhufsadayoo xaqay, dhinac maraayaane
Dhankay iga jiraan baa bulshada, looga soo dhiciye
Maxaan dhimay dhaliil culus haddii, aan dhabta u saaray?


Kuwa dhegagsanaayee aan ogeyn, dhinaca loo guuray
Dhex-rooraha shisheeyaha ku laranee, ee dhabbaha seegay
Dhoohanaha dayoobee fahmayn, gelinba dheeshiisa
Dhusdhustiyo kolleey socodka xumi, dhalamad weeyaane
Anigoo dhama'sane jid dhaba, ugu dhawaaqaaya
Maxaan dhimay dhagoolaha haddaan, dhiillo maqashiiyay?


*Isticmaarka dhagartiisa fogi, maaha dhalanteede
Inuu diinta iga dhalan rogoo, dhumiyo iimaanka
Oon dhinac ka haystuu jeclaa, ama dhantaalmaaye
Maxaan dhimay haddii aan ku dhagay, dhammaha tawxiidka?


Ummad waliba dhaqan gooniyey, dhawrataa jira e
Dhayilna ma ahoo kaygu waa mid, aan ku dhaataaye
Maxaan dhimay dhurkaygii haddaan, dheelliga u diiday?


Dharsaggaan Itoobiya ku nacay, dhusuqna loo daaye
Duulkaa farshada dhuuqayee, dhamaya xaaraanta
Dhex-galkooda sida aan kolkaa, uga maray dhaarta
Ee aan ka dheeraaday bay, caro dhalaaleene
Maxaan dhimay dhegmaanyada intii aan, dhool isaga buusay
Dhiqlaha Abasiiniya haddaan, aad isaga dhawray?


In kastoon dhutinaayoo xilligu yahay, mid dhaandhaana
Dhakafaarka waayuhu wax badan, ii ma dhimayaane
Dhab ahaantii Soomaalinimo, waygu dheer tahaye
Dhalashadiyo muuqaalku waa, dhaabad aan dumine
Dhammaantood dadkaan ehel nahay, waan ku dhololaaye
Wax kastoo dhacana waa, dubkaan layga dheegayne
Dhulkana waannu wada leenihiyo, dhawrta xoolaha e

Dhigihii Jubbuutiyo Cartiyo, Awdal dhaladeeda
Dhegta Raas-casayr iyo Lughaya, dhabannadii Saylac
Dhoomaha Hargeesiyo Burciyo, dhebiga Laas-caano
Dhuumaalka hawdkiyo Galdogob, dhamalka Buuhoodle

Xirkii Dhooddi-meer daaqi jiriyo, ma-dhaafaanka
Dhismihii Taleexiyo rugtii, dhidibtay taariikhda
Xeebta dhereran dhudda Laas-qoray, Dhahar bannaankeeda
Dhanka Ceerigaabiyo Berbera, dhinaca Boosaaso
Dhanballada Garoowiyo Hobyiyo, dhoosha Gaalkacyo
Dheenta Caabudwaaq Dhuusamareeb, dhagaxa Ceelbuura
Dhirtii haraca loo saantiyo, dhuuxa Baladweyne

Dhijaantii Buulada-bardiyo, dhuyuc-lihii Jawhar
Balcad dheelmitaan-keediyo, dhuunta Xamar-weyne
Dheelida Af-gooyiyo Markiyo, tan iyo Aw-dheegle
Dhulbaraha Jamaamiyo Kismaanyo, wabiyada is dhaafa
Dhaameelka Baydhabiyo Luuq, dheeha Balad-xaawo
Dhitadiyo masnada Ceel-bardiyo, dhalaca Baardheere
Dhoobleey iyo Bu'aaliyo Afmadow, dholosha Qooqaani

Dhardaarrada Badhaadhiyo Kolbiyow, dhanaha Kaambooni
Dhadhaab iyo Wajeer iyo ilaa, Gaaris dhumuceeda
Dhammaan beledyadaan sheegiyo, kuwo kaloon dhaafay
Dhuumaalaysi ku ma joogayoo, maahi dhiibaale

Dhulkii hooyaday weeyiyo, dhaxal awowaade
Mana ahi dhex-joog soo galiyo, dhoof shisheeye ahe
Waa halkaan dhab ugu ladi kariyo, xero dhiggaygiiye
Maxaan dhimay dhashadiyo haddaan, dhaawacaba gaysto

Maxaan dhimay haddii aan ku dhamo, dhayda iyo xoorka?
Dhacliyo anoo boqor sitiyo, dhudaha ii gaara
Maxaan dhimay haddii aan dhex dego, ama ka dhaanteeyo
Maxaan dhimay haddii aan afarta dhinac, dheresi laafyoodo?


Is-ma-dhaanto Soomaaliyey, dhoyla' wada qaawan
Dhammaanteed is wada dhayladay, mana is dhooraafa
Dhudhun lays ku jabiyay awood, dhumucdu naafowday
Qarannimo la dhaaldhaaliciyo, dharabka ciiddeeda
Dhafoor-xumo qaxootiya ka-jecel, dhoof u wada yaaca

Dhako hoos u wada foorartay, wadana dhayluuqsan
Maskaxdaa kolleey dhalan geddiyanoo, dhaymaan jirine
Cadawgaad u kala dhuumatee, dhabab ku saaraaya
Waa kan dhabarka kaa jabiyayee, cuni dhashaadiiye
Itoobiya dhibkiinniyo xumaha, way ku dheregtaaye
Idinkuna walaalkiinnii dhaba, yaad ka dhigateene
Dhimir yeesha duul-yahow hurdo, dhogortu doorsoontay


Waxba hadalku yuu i dhadhabin, ilana dheeraane
Dhambaalkaan diraayiyo murtida, aan u dhaadhaco e
Halgankaan dhufayska ugu jirnee, nooga dhumay maalku
Halgankay dhul hoosti u galeen, wiilal lagu dhaato
Ee ay halyeyo u dhinteen, dhaax la tabi doono
Halgankaan dhallaan iyo haween , milicda loo dhoobay
Dhallinyariyo waayeel xabsiga, loogu wada dheelmay
Marwo dhaban lahayd iyo gabdhana, dheehu uga duulay
Dhabbihiisa ka ma weecin karo, dhuuni-qaatuhuye
Goortii wax loo dhimi lahaa, lays la soo dhaafye
Dhengad shacabka goostoow xaqaad, dhamac u jiirayso
Way soo dhawdahay maalintaad, dhami lahaydeene
Midnimada haddaan dhawranana, dhalinnay gookiiye
Dhiirradoo ha soo jeensanina, dhawr kal baa haraye



Thursday, May 8, 2014

Hiddiidiiyow Hiddii (hees dhaqameed)

Wiilka:
Hiddiidiiyow hiddii
Hir bay laacayoo hinqaday
Hillaac bay baxoo handaday
Haddana holi waayayoo hakaday

Gabadha:
Halyey waayayoo hakaday
Haween baan ahoo habraday
Hiil iyo hoo midna ma galo

Wiilka:
Hurdada aawadaa ma lado
Hummaaggaagii bay horkacay
Hoygayga ma soo hargalo

Gabadha:
Hawshaan kula qaybsadaa
Oo harraadkaan kula qabaa
Oo anigu waan kula hayaa
Ee adaan i hagaajinayn

Wiilkaa:
Adduunyo hal baan lahaa
Hashi horror baa la tagay
Oo haruub maran baan sidaa

Gabadha:
Halbowle siduu i go'ay
Haabhaabtay waxaanan hayn
Hoogay oo ba'ayey ma harin

Wiilka:
Haween ma dhammaa la yiri
Habloow anigaanan idin hanan
Ee hubaal hal ma siisannaa?

Gabadha:
Hubsadoow hanadoow halyey
Hawraar-same hadal-gobeed
I hoo oo adiguna i hano
**********************

Wiilka:
Ustar-dheere nin lahaa gudbane
Aroos nin galaa hargala
Ee aroori anaa ku haray

Gabadha:
Dhamme waa ilaah
Kuu dhammeeyana waa ilaah
Kuu dhisaaye aabbahaa
Arrin ilaah ii dhammee
Aabbahay baan ii dhisayn!
****************

Wiilka:
Roobkaan soo qaw lahoow qarqaray
Qaawanaan-tayduu arkee
Ee qudhayda xaggeen dhigaa?

Gabadha:
Intaa waan dheelmadaa
Dhaayahaygaan kaa jeclahay
Waan dhaqaaqi haddaad i tiri
Dheg-xumo anigaa soo huwaday

Gabadha:
Coleey hooyaday
Caws-galool ma samaysatee
Oo cadceedda isu ma dhigtee
Ani calooshaydaa i ogeyd

Monday, May 5, 2014

Gaatiyay Galabta Ina Keen (hees dhaqameed)

Wiilka:
Gaatiyay..
Guur baan rabaa
Gabar cas baan 
Goobi jiray
Gulataan kuu soo dhex maryaye
Guduud-kaagii arkaye
Gaari dumar ma lagugu hubaa?


Gabadha:
Gabar laguma helo hadal
Haddii aad guur-doon tahay
Anna garayskii waan sidaa
Aabbahay Goray baad u tagi
Goobihii waa adiga sidee
Geesi wiil ma lagugu hubaa?


Wiilka:
Geddeeda keen iyo
Gulaasheyn bay heliye
Aabbahaa geel baa la siin
Hooyadaa gunno waayi mayso
Adna aroos baan kuu gingimi
Oo Giiro geel baan kuu sidkiye
Gaatiyay galabta ina keen


Na garaadba haddaan la hayn
Miyaan guuxi lahaa
Golihiinnaba imaan lahaa
Aabbahay baan malo la gali
Duco gabowdaan soo guntaniye
Adna go'aan-kaagii i sii


Gabadha:
War garaad-kaagii hubsaday
Gacanta waan kuu dhiibayaa
Hooyaday gacalaan u tagi
Duco gabowdaan soo guntaniye
Anna go'aan-kaygii wa kaa