Friday, May 22, 2015

QABIILKU MA QEYB EEBBAA MISE WAA QALLOOC SOOMAALIYEED -Q.2aad

                                       
Sannadku markuu ahaa kow taariikhda Hijriyada ayaa Nabi Maxammad (nabad & naxariis korkiisa ha ahaatee) iyo koox  raacsanayd  ka qaxeen magaaladii Maka oo aheyd halkii uu  ka soo baxay Nabigii Islaamku, kadib markuu nabigu ugu yeerayey 13 sano dadkii uu ka dhashay inay soo galaan diinta cusub. Waxay u qaxeen dhankii magaaladii Madiina oo saldhig u ahayd labadii qolo oo la kala oran jiray Qaws iyo Khasraj oo intii muddo ahba dagaal sokeeye oo kharaar ka dhex-oognaa.

Waxay ku heshiiyeen caqiidada diinta islaamka, waxayna saldhig adag u noqdeen diintii ku fidday dunida oo idil, xambaarsanaydna ilbaxnimadii weynayd ee uunka oo idil ka dabqaatay.

Waxaa kaloo jirtay in dhulka maanta loo yaqaan Mangooliya uu lahaa qabiillo reer guuraa ahaa oo colaad joogto ahayd ka dhaxeyn jirtay. Hase yeeshee, waxaa ka soo dhex baxay qabiilkii la oran jiray Boorjigiin nin la oran jiray Temujiin oo ay boqor ka dhigteen. Ninkaasi wuxuu xoog ku mideeyay qolooyinkii Mangooliya ee kala qoqobnaa, Markaas kadib baa la siiyay magacii caanka noqday ee ahaa Janggiis Khaan oo macnuhu ahaa Boqorkii Weynaa. Janggiis Khaan wuxuu awooday inuu abaabulo cudud ciidan oo lixaad leh  oo dunida amakaag ku ridday (1206-1227 AD), qeybo badanna ka qabsaday isla dunida. Kadib Janggiis Khaan (Genghis Khan)  wuxuu qabsaday dunida islaamka, dhammaadkiina boqortooyadii uu ka dhex unkay dunida islaanmku way islaamtay, waxayna waayihii dambe isu rogtay boqortooyadii caanka ahayd ee Cusmaaniyadda oo boqollaal sano ugu awood roonayd dunida.

Sheekooyinka aan ku soo tiraabnay waxay mujinayaan in qabiilka loo adeegsan karo hawlo waxtara. Sidoo kale waxaa qabiilka loo adeegsan karaa burburin iyo balo-abuurid, waxaana tusaale wacan u ah, burburintii weynayd ee loo geystay qarankii S/liyeed ee wali olalaheedii socdo.

Markii horeba, qaabayntii qaranka S/liyeed waxaa bud-dhige u ahaa qabiil S/liyeed oo ay kale qeyb galeen qolooyin kale.
Sidoo kale waayihii dambe, dhaqdhaqaaqyadii gunnimo-diidka ahaa waxaa mar walba bud-dhige u ahaa qolo S/liyeed,
Waxaa arrintaan dambe tusaale wanaagsan u ah dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ee Sayid Maxammad Cabdalla Xasan hoggaaminayay, oo qabiilka Dhubahante bud-dhige u ahaa dhiig badanna u qubay ujeeddooyinkii halganka dheer loo maray. In kasta oo reero badan oo S/liyeed door ku lahaayeen, waxaa muran lahayn saldhiggii uu u sameeyay dh/dhaqaaqaas qabiilka aan soo sheegnay. Waxtarka ay Daraawiish ku leedahay taariikhda S/liyeedna, waxay ku mudan tahay Qolada Dhulbahante in lagu xusuusto oo lagu sharfo.

Siyaalahaas awgood, waxaan oran karnaa qabiilku ma aha qallooc S/liyeed ee waa qeyb Eebbe, waxaan kaloo oran karnaa waa sunnadii sooyaalka ahady ee noolaha aadanaha loo yaqaan. Waxaa qabiilka loo qeexi karaa inuu yahay koox dada oo dan-wadaaga oo loo adeegsan karo ujooddooyin kale geddisan. Haddii samo loo adeegsado, waxay cududdii ku midaysnayd magaca qabiilku horseedi kartaa wanaag saabta geyigeeda ama goonyaha dunida oo idil, haddiise loo adeegsado ujeeddooyin liita, wuxuu qabiilku horseedi karaa hoog iyo baaba'. Waa halkaan dambe, midda keenta in dad badani dhaliil iyo dhaleecayn dusha uga tuuro magaca qabiil oo dhan, waxaana keenaya madax-xanuunkii laga qaaday falalkii qabiilka loo adeegsaday ee burburinta iyo baabi'inta lahaa. Runtu waxay tahay, dadkaas aruuray ee la baxay magaca qabiilku ma keenin dhibkee, waxaa keenay fikradihii wax bi'inaayay iyo dhinacyadii watay. 

Qarnigii 20-aad ragaalkiisii markii la helay dawlad S/liyeed ayaa hab-dhismeedyadii  reeraha S/liyeed danahooda ku maamuli jireen qasmeen, waana markii madax beeleedyadii aqoonsiga weyn ku lahaa bulshada S/liyeed idilkeed laga talo baxay, oo halkoodii uu soo galay horjooge xaafadeed, guddoomiye degmo, guddoomiye gobol, wakiil xisbi, mudane gole-shacab, wasiir ku-xigeen, wasiir, madaxweyne IWM. Kuwaas oo dhammaantood ka soo jeeda hababkii siyaasadeed oo laga soo minguuriyay dawladahii dhanka bari iyo kuwii dhanka galbeed ee dunida oo aqoonyahankii waayaha cusub ee S/liyeed soo bawsaday.

Aqoonyahan oo ku hilan fikradihii shisheeyaha ee doolka ahaa wuxuu u hiyi-kacay inuu haleelo haybaddii isimmada  iyo waxgaradka  beelahii S/liyeed ee sooyaalka ahayd iyo waliba inuu si gooniya u dhiinsado dhacaankii qaranka ee dhex-yaalka ahaa. Kii ku hungoobayna wuxuu habar-wacasho ku la meeeray reerihuu ku abtirsan jiray oo labo-daraalaba iyagoon hubsan ujeeddada uu leeyahay ninkii habarwacday u guuxay qeylo-dhaantiisii.

Dhanka kale, waxaa xayndaab-toleed oo adag isku meershay kii garabootanka taladii dalka ku haleelay amaba saami ku helay. Kuwaan dambe, waxay beelahay dhabar garaacdeen u sheegeen in nacab dantooda kadhan ahi ku soo food leeyahay, ayna tahay in nafta loo huro difaaca danta guud iyo sharafta reerka/reeraha. Waa markoodee, waxay reerihii la gubaabiyay dhufaysyada u galeen si ay u difaacaan hoggaamiyihii la maagay, sidaas bayna ku galeen colaado sokeeye, iyagoon hubsan arrintay u hubqaadeen waxtarka ay iyaga u leedahay.

Markay murugtay, wuxuu aqoonyahan oo hore u soo tuuryeeyay dhallaankiisii oo ku daray dugsiyada wacan ee dibaduhu, si sahlan ugu soo tillaabay bannaanaduu hore u sahansaday. Canshuurtii laga qaadi jiray danyarta oo uu waayo badan maggawsanahayay oo uu dhitaystay baa u noqotay hanti uu isku hallayn karo. Wuxuu guryo qaaliya ka gatay gobollada ugu qaalisan dunida. Wuxuu gatay korjado jaakado ah oo  aad u qaaliya oo uu ugu tala galay tamashlaha iyo taxaashka.

Aqoonyahan oo ku jira taxaashkiisii wuxuu ku warramaa in dalkii, dad aan waxtar aheyn looga maara la’ yahay, uuna sugayo inta uu xasilahayo. Wuxuu sugayaa inuu dalkii bilo barbaarkii uu birmadka galiyay oo haddana uga baxsaday iyo odaygii uu ibtileeyay oo uu uga tagay awaaraha. Wuxuu sugayaa inta agoonleydii asayda wadatay oo kallahada iyo baqoolada wax ku tacabtay ay aruurinayso hantidii koobnayd ee dadaalka daalka badan leh lagu helay, kadibna uu aqoon-yahannimadiisa ku helo maamulka dhaqaalahaas.

Maanta oo aan caaradda uga jirno qarnigii 21aad oo ay dunidu aqoonteeda gaammurtay ku ladan tahay, wuxuu aqoonyahankii S/liyeed geesaas iyo gunnimo ku la wareegaa geesaha dunida asagoo ka gaaf wareegaya dhulkii ay aheyd inuu gaajo iyo dheregba ku joogo, oo uu wax ka taarto badbaadadiisa. Halka waxgaradkii uu hoday gibbaankii garashada ka liitay uu xusullada u mutay wax-ku-xallinta xeerarkii soo jireenka ahaa ee sawaabkii sodcaalay uu sirgaxay.

Thursday, May 14, 2015

Qabiilku Ma Qeyb Eebbaa Mise Waa Qallooc Soomaaliyeed-Q.1aad




Sidaan marar hore u soo xusnay waxay beelaha Soomaaliyeed ka soo jeedaan Bahweynta *Kuush. Waxay beelahaasi muddo dheer lahaayeen habab dhaqan-bulshadeed, dhaqaaleed iyo siyaasadeedba.

Waxay dadka Soomaaliyeed dhaxleen xeerar taxanayaal ahaa, oo ahaa kuwii awoowayaasha. Waxay xeerarkaani noqdeen hannaanka lagu maamulo dhan kasta oo taabta nolosha qolo kasta oo Soomaaliyeed. Qolo walba oo Soomaaliyeed waxay ka bilaabataa qoys…waxaa xiga beel…waxaa xiga jifo…waxaa xiga qolo. Qaybahaan waxaa loo habeeyay si loo fududeeyo maamuulka reeraha, kamana ujeeddo duwaneyn gobolkii degmooyinka loo qeybshay, balse dhab ahaan waxay qoladu aheyd dawlad goboleed dhammeystiran oo madaxdeeda iyo distoorkeedaba leh. Sidaan waxay dadka Soomaaliyeed ku heleen xasillooni muddo dheer soo jirtay. Hadday tahay colaad iyo hadday tahay nabadba waxaa jiray xeerar lama dhaafaan ah oo la wada dhawro. Xeerarka la dhawraa waxay ahaayeen waayo-aragnimo la aruurshay oo ka soo fushay waxgarad waayo kala duwan noolaa. Waxaa xeerarkii soo jireenka ahaa dheehay xeerarka diinta Islaamka oo wixii ka dambeeyay qarnigii 7-aad si buuxda ugu baahday dagallada Soomaaliyeed oo idil. Diintu waxay ka murdisay xeerarkii sooyaalka intii gef ku aheyd isla diinta. Xeerarka qolada si joogta ah baa loo kabi jiray oo waxaa dhici jirtay in dhacdo timaaddo oo qodob lagu gorfeeyo loo waayo. Marar-kaas oo kale, guurtida ayaa xeeri jirtay mid ugub ah, waxayna ahaan jirtay ka-fac ka-fac mid la tixraaco oo qeyb kasta oo tolka ka midihi meel ay joogtaba xurmayso. Xeerarkaan waxaa ugu caansan xeerka bixinta magta oo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka yeela qeybo isku tiirsan oo la yaqaan Mag-wadaag. Xeerkaani wuxuu saameeyaa dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda, nabadgelyada IWM.

Qarnigii 19aad markii dawladahii reer Yurub sidii Ayaxa ku dageen geyiga Afrika waxay goob walba ka nuugeen nacfigii yiil, waxay gumeeyeen dadkii, waxyeellose, waxaa ugu darnaa dhaqan- guurkay ku rideen bulshooyinkii ku noolaa Afrika …oo qaar la dhalan rogay..oo qaar la afduway..oo qaar la xeertiray. Bulshada Soomaaliyeed inta badan way ka badbaaday, waase la xeertiray.

Gummeysigii yimid wuxuu la yimid aragtiyo cusub oo ka soo jeeda fikradihii SOCRATES (469-399 BC), ARISTOTLE (384-322 BC) iyo PLATO (428-347BC). Nimankaani waxay ahaayeen niman Giriik ah oo u fakaray qoloday ku dhex-noolaayeen iyo bahweyntooda. Waxay ka fakareen waxay ahaayeen waxay arkahayeen ama ka dhex-maqlayeen dadkooda, fikradahoodii bayna ku qotomaan hababka siyaasadeed ee dadyowga reer Yurub iyo W. Ameerika ee maanta.

Aragtida sameynta dawladda (state making) iyo qaabka loo doorto xubnaha maamulka dalka ee la yiri dimuqraadiyaadda (democracy) oo ay ku sheegeen kuwa door ah bay u soo dhoofsheen geyiga Soomaaliya iyadoo nuqul ah, waxayna ku toleen dadkii oo aan qeexi karin erayada oo qura. Aragtida dawlad sameyntu waxay xaggooda hab-wadaag ka dhigtay beelo beeraleeya, ma-guurto ah oo soohdin-yaqaanno wada ah.
Hannaanka doorashaduna wuxuu xaggooda hore u mariyay beelo ku doorta qofka kartida iyo waxqabadka, halka ay beelaha Soomaaliyeed ayna aqoon soohdin joogta, doorashaduna ay ku saleysnayd walina ku salesan tahay abtirsiinyo, dawlad sameyntuna ayna wali ku qeexnayn xeerar dhaqmeedyada Soomaaliyeed.

Ma aha in kuwaan dambe ay ahaayeen dad dambeeya ee arrintu waa la kala dhaqan nololeed duwanaa. Haddii loo danaynayay dadka Soomaaliyeed waxay aheyd in la kabo fahamkooda oo la waafajiyo qaabka ay wax u arkaan iyo sidii dantoodu tahay, waxayse aheyd in aan loo daneyn ee laga danaysanayay.

Markii xornimada la helay ee 1960-kii oo rag Soomaaliyeed oo gumaystuhu tababaray uga tagay taladii dalka, waxay u dhaqmeen sidii odagii diirka caddaa ee tagay, iyagoo midabka iyo muuqaalka maahee, inta kaloo idil kala socday hannaankii maamulka ee reer Yurub. Waxgaradkii dhaqan-yaqaanka Soomaaliyeed ahaa iyo odagii talo adduun wax laga weydiin jiray waaba la yasay oo afkaa laga jufeeyay. Waxaa lagu jajuubay inuu raaco sharciga dawladda isagoon aqoon waxa dawlad looga jeedo. Waxaa lagu jajuubay inuu raaco xeerarkii Rooma iyo Landhan, isagoon reeraha dagaba aqoon. Waxaa loo sheegay Wasiirka iyo Wasaaradda, isagoon midna micneyn karin. Waxaa loo sheegay Hantiwadaagga iyo horumarka bulshada hore-u-socodka ah, isagoon arki karin miisaanka ay ku leeyihinn erayadaasi dhaqankuu khabiirka ku ahaa.

Wixii la fahmi waayo waa la mala awaalaa, ee garaadkii Soomaaliyeed wuxuu arkaayay oo maqlayay wuxuu ku macneystay kuwuu yaqaanay; Dawladdii waxay u noqotay hal geela oo uu u bixiyay Maandeeq. Madaxweynihii dalka wuxuu u arkay Odayga Soomaaliyeed ee Maandeeq xeradiisa ku jirto. Wasiirka la sheegay wuxuu u arkay wakiilka qoloduu ka dhashay. Aqalka mudanayaasha wuxuu u arkay geedkii shirka oo dhagax laga dhigay, hadduu ka waayay geedkaas bahdiisiina wuxuu u arkay meel shisheeye ku tashanayo iyo in bahdiisa godob weyn laga galay.

Dhanka kale, waxaa dhexda iyo qoortaba caymiyay aqoonyahan/jaamici. Kaas oo ay la noqotay, walina la tahay in dalka maamulkiisa iyo horemarkiisu ku jiro in la raaco hababka dawladaha hore u maray, waxaana halhays u noqotay erayadii halyeyadii reer Yurub, maahmaah iyo murtina waa kuwii Talyaaniga iyo/ama Ingriiska, aqoonyahanimadana waxaa halbeeg u ah sida afafkooda loogu hadlo.

Wiilkii Soomaaliyeed ee lagu carbin jiray abtirsiinyihiisa wuxuu aqoonyahan u sheegay in qabiilku yahay jahli iyo dibudhac ee uu ka fogaado maqalkiisa iyo macaamilkiisaba. Hadduu koray wiilkiina wuxuu u ekaaday dhurwaa waa ku baryay oo hadba dhan buu rooray. Wuxuu aaday oo aaday galbeedkii aabbihiis waxsan uga sheegay isagoo ka fogaanaya qabiilka iyo qurunkiisa, waase qaban waayay dhinacna, waxtarna waa u yeelan waayay qolana.

Aragtida odaygii asal-sidaha ahaa iyo tan aqoonyahanka talada hayay ama aamminsanaa inuu talada dalka mudan yahay, waxaa ka dhex dhacay is-harddin weyn oo keentay in xeerarkii horana laga tago kuwii dambana lala qabsan waayo. Sidaas buuna ku lumay xeer walboo idil oo markaas gayeysiiyay Soomaaliya oo idil qas iyo qalalaase iyo waliba in la waayo xeer wax lagu beego illeyn dhaqan suul baa dhacaye.

Gar loo ma sinna ee gefka iyo gardarradaba waxaa leh aqoonyahan. Aqoonyahankii la rabay in aqoontiisu nolosha qoyska Soomaaliyeed ee geeddiga joogtada ah ku jira kor u qaado oo biyo iyo baad la hubo u helo, wuxuu ku mashquulay jaakadaha iyo filimada galbeedka. Wuxuu abuuray bulsho cusub oo Soomaaliyeed oo aan ku xirnayn teedii asalka ahayd Wuxuu isu hibeeyay hantida qaranka iyo taladiisaba, isagoon waxtar muuqdaba u lahayn dalka iyo danta dadweynaha.


Aqoontu waa inay goobta wax-soo-saarka ka muuqataa ee ma aha inay wax-ku-doon iyo ku-faan noqoto. Bulshadii hantideeda yar aad wax ku baratay ma aha inaad ka faanto oo fongorto, deedna isla qummanaato oo sidaas ku abaaddo. Sidaasi soo maaha godob culus oo laga galay ummadda S/liyeed?

Godobta kale waa hababkii gumeystaha iyo dawladihii reer guriga ahaa ee dhaxlay ay ugu carbiyeen kaadir badan qaabab u adeegayay danahooda. Waxaa maanta laga dhex arkaa bulshada S/liyeed dhaqammo waayihii hore ahaan jiray foolxumo iyo falal sheydaan oo ay ka mid yihiin nifaaqa, imlaaqa, beenta, boobka, dicaayadda iyo isku-dirka. Dhaqammadaan oo ilaa imminka ay ka wadaan kaadiriintii la carbiyay ummadda S/liyeed dhexdeeda, waxay si bareera ah ugu macneeyaan siyaasad. 

Siyaasaddu sida ku qoran qaamuuska waqooyiga Ameerika: waa aragtida habaynta iyo socodsiinta ururro la xiriira maamul dawladeed. Maamul dawladeedna waa koox dada oo awood u leh inay sugto nabadgalyada dal ama meel, qabatana adeegyada kale duwanMa dhici karto maamul dawladeed oo fayoobi inuu ugu adeego dalkiisa dhaqammo keenaya kala daadasho bulshadeed iyo aayoxumo.


Dhabcaalka dhalanteedka aamminsani wuxuu wali qabaa aragtiyo lagu sheego kuwa siyaasadeed oo uu qaayibay oo ah kuwii diimaha lagu dhaleeceeyay.