Friday, January 31, 2014

Milicsiga Loollammadii Badnaa ee Soomaalida iyo Abasiiniya Q.3aad

MILICSIGA LOOLLAMMADII BADNAA 
EE SOOMAALIDA IYO ABASIINIYA

Q. 3aad 
Kacdoonkii Awfaad
Waxaa dagaal sokeeye ka qarxay Awfaad, dhinac wuxuu ahaa kuwii Abasiiniyiinta la daneystay, dhinaca kalana wuxuu ahaa kooxo waddaniya. Waxaa dagaal hoose ka dhex qarxay kooxdii talada heysay sannadkii 1362dii. Walaalihii kale ahaa Xaqudiin iyo Sacdudiin oo hore ugu mashquulsanaa waxbarasho baa u arkay kooxdii talada heysay dabadhilifyo. Walaalihii waxay taageero ka heleen shacabkii, kuwii kalana waxay taageero ka heleen Abasiiniyiintii oo keenay 30 kun oo askari, waxayse walaalihii awoodeen inay jabiyaan gaashaan- buurtii. Adeerkood Malasfah oo kaaliye u ahaa aabbihi Suldaan Cali, waxaa lagu dilay goob dagaal; aabbahoodna Axmad-Xarbi horaa loo dilay. Ka dib waxay awoodeen inay taladii dalka la wareegaan waxayse u dhaafeen mansabkii suldaanimo awoowgood. Walaalihii Xaqudiin iyo Sacdudiin waxay dib u habeyn ku sameeyeen hab dagaalkii saldanaddii Awdal, waxaana bilawday dagaallo jihaada iyo dhiigbax badan. Waxaa sii xoojiyey awoodda saldanadda u-raristii xarunta dhul-dalcadeedka Harar, taas oo aheyd waagaas ubucda Soomaalida oo laga heli karay gurmad fara badan oo Soomaali ah iyo iyadoo ku habbooneyd difaaca.
Waxaa mudan in la xuso in agagaarka Harar ay dagganaayeen qolooyinka Marreexaan, Harti iyo Hawiye. Sidaas waxaa muujinaaya Carab Faqiih, walina waxaa isla aaggii laga helaayaa beela iyaga ka mid ah. In kastoo dhibaatooyinkii is-dabayaalka ahaa wiiqeen oo qaar badan milmeen  ama qariyeen heybtoodii.
Walaalihii Xaqudiin iyo Sacdudiin waxay joogta u wadeen horeyntii  xoogaggii Abasiiniya, waxayna joogta u gubayeen xeryihii ciidammadooda ee ka oodnaa bariga Shawa, galbeedka Awfaad, Fatagaar, Dawaaro iyo galbeedka Baali. In kastoo ay hakiyeen soo siqii Abasiiniya, kuma ay guuleysan inay dib uga furtaan dhulalkii hore looga qabsaday.
Istraatiijiyo ahaan waxaa ku adkaa reer Awdal in dhulkii ballaarnaa ee muslimiinta qabtaan, hadday qabtaanna hantaan. Sidaas darteed, wuxuu taliskii Awdal qaayibay siyaasad ah; in Abasiiniyiinta la galiyo xaalad cabsi joogta ah. Waxanya tan dambe ku ekaatay is-difaac kaliya. Hoggaankii Awdal in kastoo uu kari waayey xoreynta dhulalkii islaamka ahaa ee la qabsaday, wuxuu awooday inuu xiriir joogta ah la yeesho dadyowgii la heystay, wuxuuna joogto u nooleynaayey  dareenkoodii.
Sida uu xusay Maqriisi, Xaqudiin waxaa dhaqan u aheyd inuu Abasiiniyiinta weeraro sannadkii labo jeer, waxaase lagu dilay, dagaal Shawa ka dhacay sannadkii 1373dii. Dhanka cadawga waxaa mar walba ka imaanayey gacan-ka-hadal aad iyo aad u naxariis darraa, sidaas waxaa u sheegay Suldaankii Masar rag reer Awdal ahaa. Waxay yiraahdeen boqorkii Xabashida ee ahaa Sayfa- Ar’ad (1344-71 md) wuxuu burburiyey muslimiintii; qaar wuu dilay, qaarna waa nasaareeyay.
Si kastoo ay aheyd wuxuu noqday ciidankii Awdal mid guulo soo hooya, wuxuuna Sacdudiin waday gulufyadii muddo 30 sano ah. Waxaa Sacdudiin lagu dilay goob dagaal sannadkii 1403dii. Waxaa la sheegay inay Abasiiniyiinta aad ugu weyneyd inay mar uun dilaan Sacdudiin. Waxaa erayadii Maqriisi ka mid ahaa; dhagar-qabayaashii, kuwii eebbe caasiyey waxay ka faa’iideysteen geeridii suldaankaas cuslaa. Waxay dhaqar-qabayaashii caawiyeen nacabkii Abasiiniya, waxayna garwadeen u noqdeen tan iyo Saylac. Waxay kaloo waliba tuseen jasiirad yar oo u dhaw Saylc oo markaas uu ku sugnaa Sacdudiin, ilaa imminkana wadata magaciisii. Waxaa la wariyey in uu gacantiisa ku dilay boqorkii Abasiiniya ee waagaas, suldaanku markaas waxaa la sheegay inuu qoslaayey, taas oo muujineysa geesinnimadiisii iyo iimaankiisii. 
Toban wiil oo ahaa ilmo Sacdudiin waxay u tallaabeen dhanka Yaman, magaalada Saabid, halkaas oo bulsho Soomaaliyeed oo xooggan  oo reer Awdal ah ku nooleyd.
Muddo yar ka dib, wuxuu shacabkiii reer Awdal awooday inuu dib u hanto arrimihiisii. Waxaa soo noqday 10kii wiil ee ahaa ilmo Sacdu-diin oo ka soo galay dalka meesha la yiraahdo Siyaaro oo Berbera u dhow. Waa la soo dhaweeyay, waxaana laga codsaday inay dalka hoggaanshaan. Iyagoo raacaya waddooyinkii aabbahood iyo adeerkood bay horkaceen dadkii.
Sabrudiin II wuxuu taliyey 1413-22kii, Mansuur wuxuu taliyey 1422-25kii, Jamaaludiin wuxuu taliyey 1425-32dii, Axmad wuxuu taliyey 1432-45tii. In kastoo ay gaareen guulo, haddana weerar celintii Xabashidu waxay aheyd mid dhib badneyd. Tusaale ahaan, Suldaan Mansuur iyo koox walaalihi ah waxaa lagu qabtay dagaal ka dhacay galbeedks Awfaad, waxaana loo kaxeystay maxaabiis. Markaas waa marka NaguusIshaq uu sheegtay inuu ka guuleystay Soomaalida isagoo tookhaaya, waana marka Cabdul-Maxaasin wariyey inuu Ishaq  xasuuqay muslimiinta, burburiyeyna masaajiddoodii, colna ku galay dhulkii Jabartiga.
Hase yeeshee, Ishaq laf ahaantiisa waxaa shan sano ka dib lagu dilay goob dagaal. Xilligaasi wuxuu ku beegan yahay xilligii Suldaan Jaamaludiin uu u dhoofinaayey kumaankun maxaabiis ah dalalka carabta, Faaris  iyo Hindiga, addoon ahaan. Waayahaas waxay xarunta siyaasadeed ee Soomaalidu aheyd Dakar oo u dhow Harar, gaar ahaan markii uu talada hayey Suldaan Axmad, wuxuuna awooday inuu dib u furto galbeedka Baali oo uu uga  sameeyay qoysas muslina dib u dejin 1434tii. Waa isla suldaankaan kay Abasiiniyiintu sheegeen inuu kaalmo ka keensaday ilaa Muqdishow, ujeeddadiisuna aheyd inuu qabto Amxaaro oo idil. Waxaase lagu dilay goobtii dagaal ee Ay-Faras, waxaana dilay Neguus Zara’a Ya’qub (1434-68). Meesha lagu dilay suldaanka waxay ka tirsaneyd gobolkii Dawaaro oo ka xigay 80 mayl, Koonfur-Galbeed buurta Entotto (Addis- Ababada maanta).                
25kii sanoo xigay waxaa jiray xoogaa xasillooni, wuxuuna Suldaan Kheyrudiinkii talinaayey 1445-71dii la galay xabbad joojin ku meel gaara Neguus Bayda-Maryaam (1468-78). Kaas oo waayahaas ku mashquulsanaa dagaalladii uu kala jiray Cafar iyo Saho oo labaduba ahaa qaranno reer Kuush ah. Hase yeeshee, xilligii uu talada qabtay Suldaan Shamsudiin (1472-88) waxaa bilaabmay wareeg kale oo colaadeed. Laga bilaabo 1480kii  waxay, beelihii Awfaad wadeen weerarro ay ku qaadayeen fariisinnadii Abasiiniyiinta ee Shawa. Labada dhinac ee Abasiiniyiinta iyo Soomaalidu waayahaas waxay is weydaarsanaayeen gulufyo burbur iyo baaba’ leh. Mid ka mida gulufyadaas baa lagu gubay Dakar gabi ahaanteed. Dhanka Abasiiniyiintana waxaa la geyeeysiiyay inay hollin waayaan weerar dambe.
Waayihii Garaad Maxfuud ka hor, sarkaal uga daran ma soo marin Abasiiniya, kaas oo xitaa hooseeyay suldaankiisii. Wuxuu qaaday weerraro tiimbaday meelihii Abasiiniya. Wuxuu gilgilaayey Hadiya iyo koonfurtii Amxaarada 1491dii ilaa 1517kii. Wuxuu dilay Niguus Na’ud (1494-1508), kaas oo isku  dayaayey is-difaac ayaan darreystay. Kumaankun ka mid ahaa ciidammadiisiina waxaa loo kaxeystay addoonsi.
Ciidaankii Awdal waxaa caawinaayey shacabkii gobolladii la heystay sida; Ifaad, Dawaaro iyo Baali. Gobolladaas waxaa si toos ah loo hoos geeyay madashii taliskii boqortooyadii Abasiiniya, guddoomiyaasha gobolladaas la gumeysanaayey waxaa si gaara looga xulaayey qoyskii reer boqor ama geesiyaashoodii. Sidaas oo aheyd, wuxuu ciidankii Awdal saameyn xooggan ku yeeshay niyadda ciidammadii cadawga. Waxaana marar  badan dhacday in ciidammo Abasiiniyiin ahi u fakadaan Awdal, mararna waxaa u fakaday ururro dhan.
Waxaase si xun loogu jabiyey reer Awdal 1517kii goobtii dagaal ee Dalmiida ee u dhaweyd Ay-Faras, waxaana sababta lagu sheegay sidii caadadaba noqotay, kale qeybsanaan ku timid hoggaankii ciidammadii S/liyeed. Abbaanduulihii caanka ahaa, geesigii Garaad Maxfuud waxaa lagu dilay goobtaas. Si kastaba ha ahaatee Suldaan Maxammad (1488-1518) waxaa u suurtowday inuu ka baxsado goobtii dagaalka. Suldaanka ayaa lagu eedeeyay inuu saldhig u ahaa jabistii iyo kala jabkii ciidanka. Waxaana  la dilay 1518kii.

Xilliga uu dhacaayo dagaalkii Dalmiida baa la wariyey inuu Bortuqiisku weeraray Saylac oo deked u aheyd Awdal, magaaladiina gabi ahaanteed way gubeen.

Wednesday, January 29, 2014

Milicsiga Loollammadii Badnaa ee Soomaalida iyo Abasiiniya Q.2aad


MILICSIGA LOOLLAMMADII BADNAA
                     EE
SOOMAALIDA IYO ABASIINIYA (Abssynia)

Q. 2aad

BILAWGII LOOLLAMMADA
Kooxo Abasiiniyiin ah baa qarnigii 9aad ilaa qarnigii 11aad ka soo guuraayey W. Galbeedka Itoobiya waxayna u soo hayaamayeen LastaWaj iyoAngot oo ahaa galbeedka dhulka Cafarta (cushite peaple). Qarnigii 11aad ilaa 12aad baa kooxo kale oo Abasiiniyiin ahi soo gaareen wabiga Bashiilo oo ah Waqooyi-Galbeed Wallo,  ahaana degaan reer Agaw, waayahaas ka dibse noqday guri Amxaaraad. Qoladii Agaw oo ahaa dad ka mid ahaa reer gurigii Kuush waa laga awood roonaaday, waana la qabsaday oo la nasaareeyay.
Dhulkaan Agaw ee la qabsaday baa saldhig u noqday colaado qarniyaal socday ee si joogta uga dhex oognaa Abasiiniyiinta oo taageero joogta ka helaayey xoogaggii masiixiga ahaa ee dunida iyo muslimiintii geeska Afrika oo Soomaalidu hormood ka aheyd.
Xogta la hayo, dagaalkii ugu horeeyay ee dhex mara Soomaali iyo Abasiiniyiinta wuxuu dhacay 1128 MD, wuxuuna dhacay ka dib, markii weerar lagu soo qaaday qoladii S/liyeed ee Warjeex oo sida la filaayo u baalleysay beelihii S/liyeed ee waagaas. Sida ku qoran taariikhda saldanaddii Shawa, Warjeex waxay degganeyd Manze  oo aheyd waqooyiga Shawa. Sida la xusay Warjeex way iska caabbisay duullaankii hore. 

Gobollada Shawa iyo dariskeeda Awfaad waxaa degganaa  jifooyin ka tirsanaa beesha Jabarti sida; Xarle, Gidaya-Geri iyo  Walasma’i/Wali-Asmac. Waxaa kaloo degganaa dhulalkaas beelaha Wargur, Gabal, Hagar, Shawa, Hargay iyo Argobba oo loo filaayo inay Soomaali ahaayeen.  Waxaa sidaas marag u noqon kara magacyada degmooyinkay degganaayeen oo kale ahaa; Mara-caddey, Garbo-caddo, Caluula, Agabo, Seega, Guraale, Dubaar, Maxfuud, Cabdille,  Cabdi-Rasuul iyo kuwa kale.
Reerahaas Soomaaliyeed waxay raaciyad u ahaayeen Saldanaddii Shawa oo la unkay 896 MD iyo Awfaad.  Xarunta Shawa waxay aheyd Walaalaha oo 50 Mayl Waqooy-Bari ka xigtay Addis Ababada maanta, waxaana ka talin jirey qoys la oran jiray reer Al-Makhsuum. Waxaa aagga maanta loo yaqaan Hawaash iyo Haadaamo ama Nazareth ka jirtay saldanad kale oo la oran jiray Awfaad ama Awfat . Waxay xarunteedu aheyd Awfaad oo sida uu Ibnu Saciid 1214-74 MD sheegay aheyd magaalo horumarsan. Magaaladaas waxaa kulligeed burburiyey weerarradii Abasiiniyiinta ee dambe. Waxaa dagaal sokeeye ka dhex oogmay 1234tii Saladanaddii Shawa, waxaase soo dhex galay Cumar Wali-Asmac oo ahaa Jabarti, ahaana  nin awood badan, fadhigiisuna ahaa Awfaad. Waayahaas buu Ibnu Saciid tagay aaggaas, dad uu xusay ee uu yiri Karla  waxaa loo qaatay Xalre Koombe ee qolada Daarood.
Waayahaas waxaa magaca Jabarti wadaagayey reeraha Daaroodka iyo reeraha Wali-Asmac, gargar wadaagna way ahaayeen. Sida uu xusay Al-Maqriisi waxaa dhulalka ay Jabartiyiintu degaan marmar loogu yeeri jiray Jabarti ama Jabartiya, xitaa Saladanaddii Awdal baa marmar la oran jiray magacaas. Waayo dambe waxaa magaca Jabarti qaatay muslimiintii amxaarowday oo aan isku isir aheyn.
Markii Cumar Wali-Asmac soo dhex galay khilaafkii dagaalkii sokeeye ee Saldanaddii Shawa, Dulmarax oo qabay ina Wali-Asmac baa xiriir qarsoodi ah la yeeshay boqorkii Abasiiniya ee waagaas.  Arrintaasi waxay sii hurisay colaaddii sokeeye, waxaana Dulmarax lagu qabtay goob dagaal waana la dilay. Sannadkii 1285tii baa Cumar Wali-Asmac iyo wiilkiisii Cali Cumar baabi’yeen walaalihii reer Makhsuum ee talada isku hayey.
Ragaalkii qarnigii 13aad bay Abasiiniyiintu soo fideen, waxayna soo gaareen aagga wabiga Walaqa oo markaas ahaa xadka Waqooyi-Galbeed ee Soomaalidii waagaas. Markaas buu Shiikh Abuu Cabdalla Maxammad oo horjooge u ahaa beelihii degganaa bariga wabiga Niilka-buluugga ah, isku dayey inuu hoggaansho guluf loollan la gala nacabkii soo durkaayey. Hase yeeshee, sida Mufadal uu sheegay waxaa qorshahaas kala dhantaalay rag ka mid ahaa ciidankii shiikha oo xiriir hoose la yeeshay boqorkii Xabashida ama Abasiiniyiinta.
In kastoo Cumar Wali-Asmac (Duunya-Hur Jabarti) uu awooday inuu 1285 baabi’iyo ammirradii Shawa, mideeyayna aagga 1289kii, waxay Abasiiniyiintu oo ka il helay dagaalkii sokeeye qabsadeen qeybo Shawa ka mid ahaa.
Afartan iyo shan sano ka dib markii dib loo yagleelay boqortooyadii taxanaha aheyd ee Abasiiniya, dadka Soomaaliyeed waxaa u bilawday colaado aan kala joogsan, waxaana dhammaaday xilliyadii ladnaanta ee ganacsiga xeebaha S/liyeed uu gaari jiray dhulalka fogfog ee Afrikada gudaha ah.
Waxay colaaddii cirka isku shareertay markii uu talada Abasiiniya la wareergay Niguus Amda-Siyoon (1314-44). Kaas oo qaayibay siyaasad dhul-fidsi ah ee ballaaran, dadka Amxaarada ahna geliyey ololayaal dagaal ee masiixiya (crusade Campaigns). Xilligaan saldanadihii islaanka ahaa waxaa awood falgeli karta ka lahaa Saldanaddii Cadal ama Awdal ee markii hore Saylac caasumadda u aheyd, markii dambana Harar, sida muuqatana horeyntii Abasiiniyiinta waxay isugu uruurtay iyada. 
Ka hor 1322kii buu Amda-Siyon qabsaday Hadiya iyo Damuud oo ahaa meelaha ay Awdal ka heli jirtay dahabka. Wuxuuna si joogta ah ugu soo siqaayey waqooyiga Shawa.
Amda-Siyon wuxuu aamminsanaa in awoodda kaliye ah ee hor taagan ololayaashiisa ay aheyd Saldanaddii Awdal, wuxuuna filaayey inay weerarro ka imaan doonaan.  Haddaba wuxuu dagaal kadis ah ku qaaday dhulalkii Shawa iyo Awfaad, wixii dhacayna isaga laf ahaantiisaa ka warramay;
‘ waxaa yimid ciidankeygii, wuxuuna burburiyey dhammaan meeshii la oran jiray Ifaad. Wuxuu ka qaatay dahab, qalin, baroonsis, rasaas (lead) iyo dhar badan . ka dib, ciidankaygu wuxuu galay dhammaan dhulalkii islaamka. Shawa, wuxuu  la galay dagaal gacmaha la isula tagay. Wuxuu ciidankeygu gubay magaalooyinkoodii waaweynaa ee xoogga badnaa. Wuxuu ciidankeygu bililiqeystay xoolo tiro badan, waxaanna qabsannay maxaabiis tiro dhaaftay”.
Waxaa dagaal weerar-celis ah qaaday Xaqudiin Walasma’i  oo ahaa wiil uu awoow u yahay Cumar Duunyo-Hur, markaasna u talinaayey Awfaad. Wuxuu dib u soo ceshay degmooyin ahaa waqooyiga Shawa, wuxuuna gaaray ilaa bariga Wabiga Niil ee buluugga ah 1325kii. Si kastaba ha ahaatee, Amda-Siyoon wuxuu awooday inuu xagsado dhulalkii uu hore u qabsaday, wuxuuna bilaabay inuu u soo duso dhulalkii Saldanaddii Awdal.
Waxaa taladii Xaqudiin ka dhaxlay walaalkii Sabrudiin oo weerarradii joogtada ahaa ee Amda-Siyon kaga jawaabay weerar uu ku qaaday farriisimmadii Amxaarada ee la dariska ahaa, diintoodiina uu ka dhigay islaan. Wuxuu Sabrudiin qorsheeyay qabsasho Amxaaro oo idil……. Wararkaan waxaa laga dhex helay sheekooyinkii Amxaarada.
Wax kastoo ku jiray maanka Sabrudiin, waxaa weerar kadis ah qaaday Amda-Siyoon oo mar labaad weerar ku qaaday Awfaad, magaalo madaxdiina dajiyey, walibana ka gudbay wabiga Hawaash. Iyadoo arrintaan dambe argagax ku abuurtay Saldanaddii Awdal ayaa waxaa gurmadku ka imaanayey degmooyin badan oo Awdal ka tirsanaa sida; Saylac, Mille, Jinacsaney, Harar, Nogob iyo Baali. Dagaal aad u kulul oo 10 bilood socday baa dhacay, waxaase la jabiyey ciidammadii Awdal. Sababta waxaa lagu sheegay habacsanaan ka jirtay dhanka abaabulka iyo maamulka. Dagaalkaas ka dib, waxaa lumay gobolladii galbeedka sida; Awfaad, Shawa, Fatagaar, Dawaaro. Waxaa kaloo lumay Baali iyo danahii Hadiya iyo Dammuud. Wuxuu kaloo dagaalkaasi keenay niyadjab weyn oo soo gaaray jiidihii dagaalka ee muslimiinta. Amda-Siyoon iyo kii dhaxlayba waxay ka faa’iideysteen dhibaatooyinkii la soo gudboonaaday saldanadihii islaamka, waxayna bilaabeen siyaasaddii aheyd; qeybi oo xukun.
Boqorradii Abasiiniya waxay adeegsadeen dad S/liyeed ee dhaqaale kororsi doonaayey oo Awdaliyiin ahaa. Waxay faragelin ku sameeyeen dabaqaddii xukunka, iyagoo caawinayey kuwa xaggooda u janjeera, kuna jabinaayey kuwa ka dhego adeyga. Kooxo baa ka arkay dantooda madasha boqorrada Abasiiniya. Waxaase jiray qaar ay ka go’neyd inay galaan dagaallo ay ku caabbinaayaan cadawgii soo siqaayey.
Suldaan Cali Sabrudiin (1332-62) baa isku dayey inuu qaado dagaal, waxaase xagal daaciyey kale qeybsanaantii dadkiisii. Sidaas darteed 30kii sano ee Suldaan Cali talinaayey waxaa lagu sifeeyaa xilli ay hareysay Soomaalidii kale qeybsanaan, taagdarro iyo dullinnimo.

Tuesday, January 28, 2014

Milicsiga Loollammadii Badnaa ee Soomaalida iyo Abasiiniya Q.1aad

MILLICSIGA LOOLLAMMADII BADNAA
EE
SOOMAALIDA IYO ABASIINIYA (Abyssinia)

Q.1aad

GOGOLDHIG
La ma yaqaan magaca Itoobiya inta gu’ oo uu jiro, waxaase xogta la hayo marka la eego markii ugu horreysay lagu adeegsaday gabayo uu tiriyey nin Giriig ah oo noolaa 850 MH ama 400 oo sano muddadaas ka hor. Gabayadaas oo la kale yiraahdo Iliad iyo Odyssey waxaa la siiyey inuu tiriyey Homer , in kastoo ay waayohannadu ku murmaan. Boqortooyadii Aqsum baa u rogtay magaceeda Itoobiya qarnigii 4aad Masiixiga Dabadi/MD.

Waayohannada qaarbaa qaba in magaca laga soo dhambalay erayga Giriigga ah ee Aithiopia oo macnahiisu yahay ninkii wajiga gubnaa. Hase yeeshee, buugga la yiraahdo ‘Book of Aksum’ oo ka kooban sheekooyinkii Giis  Ge’ez” ee la aruurshay qarnigii 15aad, wuxuu ku tiraabay in magaca laga soo  dhambalay Ityopp’is oo ahaa ina Kuush Xaam, kaas oo sida la sheego unkay magaalada Aqsum.

Pliny wuxuu isna qabaa in magaca laga xigtay nin la oran jiray Aethiops. Gabayaa la oran jiray Laureate Tsegaye Gabre-Mdhin wuxuu isna sheegay in eraygu ka yimid Masartii hore ee madoobeyd (cushite Egypt), yahayna Sicetopbia oo macnaheedu yahay “dhulkii nabadda ee sare”. Marka la raadraaco caddeymaha dambe waxaa muuqata in magacu ka soo jeedo dadkii reer kuush ee gobolka Bariga ilaa waqooyiga Afrika ku baahsanaa.

Abbaaraha qarnigii 8aad ee MH ayaa boqortooyo la oran jiray D’mt ka abuurantay waqooyiga Itoobiya iyo Erratariya caasumadna waxaa u ahayd Yeha. Badi waayahannadu waxay qabaan in boqortooyadaasi aheyd mid reer guri Afrikaana ah, in kastoo qaar kale qabo in ka sameysnayd isku-dhaf reer gurigii dhulka iyo qolo ilbax ahedy oo ka soo tallaabtay Badda Cas oo la oran jiray reer Saba’, waxaana la hayaa caddeymo muujinaya raadad reer Saba’ ah laga soo bilaabo 2000 MH.

Boqortooyadii D’mt waxay burburtay qarnigii 4aad MH, Waxaana dhulkaan taagagga sare ah ka abuurmay boqortooyin yaryar oo isku xigxigay. Waxaa qarnigii 1aad MH soo if baxday boqortooyadii Aqsum taas oo awoodday inay mideyso aagga. Waxay boqortooyadaasi saldhig ka dhigatay dalcadaha sare ee waqooyiga, waxayna si joogta ah ugu soo fidaysey dhanka Koonfureed. Waxay ku taallay Aqsum kob door u aheyd ganacsiga, siiba kay la laheyd Roomaankii iyo Koonfurta Jasiiraddda Carabta. Waxay magaaladaasi awood ku yeelatay ganacsigaas, waxaana dekad u aheyd Adulis oo u dhaweyd Musawac.

Waxaa kale oo jiray magac kale oo loo yaqaannay dadka dega dhulkaan soo sheegnay waana Xabashiyiin (waxaa la sheegaa in qolo Tigreyga ka mida la oran jiray markii hore), waana magac Carabtii hore u tiqiin dadkaas. Waa is la siidiiye, waxaa kaloo loo yiqiin Abyssinia, waxaana magaca la wada siiyay Amxaarada iyo Tigreyga. Waxaa marmar magaca Abyssinia loo adeegsaday sida magaca Itoobiya oo kale, waxaana si gooniya loogu yeeri jiray gobollada Waqooyi-Galbeed ee Itoobiya ee Amhara iyo Tigray. Qorayaasha qaar waxay ku tilmaamaan labadaan isir inay ka soo jeedaan Saba’, waxay qoraallo kale tilmaamayaan in reer Sab’ ay asalkii hore, ahaayeen Kuushkii degay Koonfurta Carbeed bilawgii degallaysigii aaggaas. 

Waxaa kaloo jirta aragti kale oo sheegaysa in Minilikhii 1aad uu aabbihi u aaday Juurrisalaam ama Beitul-Maqdis , ka-dibna aabbihii markuu soo anbabixinaayey ku soo daray ciidan Yuhuuda oo wada santuuqii loo yaqaannay Ark of Convenant. Santuuqaas oo diinta yuhuuddu weyneyso waxaa ku jiray baa la rumeysan yahay Mannaa oo ahayd cuntadii ay cuni jireen reer Banuu Israa’iil intii ay ku jireen Ciqaabtii Jaahwareerka ee lagu xusay quraanka kariimka ah, Ushii Haaruun iyo dhagaxii xalleefka ahaa ee ay ku qornaayeen Tobankii Amar ee Tawreed.  Kuwaas dambe ee yimid waxay ka guursadeen dadkii degaanka ee reer guriga ahaa, firkoodiina waxay noqdeen sida la sheego, dadka loo yaqaan Falaasha.

Waxaa ka abuurantay Itoobiya Boqortooyo Yuhuuda oo uu bilaabay Menelik I oo xukumayey 204 ilaa 179 MH. Waxaa la rumeysan yahay inuu boqorkaasi ahaa ina Nebi Suleymaan, hooyadiina aheyd Makiida ama Balqiis. Wuxuu is la boqorkaasi gundhig u noqday boqortooyo taxane noqotay oo la magac baxday “Solomonic dynasty” oo uu u dambeeyay boqor Haile Selassie/hii la afgambiyey 1974tii. Waxaase jirtay boqortooyo iyana taxane aheyd oo kale goysay saldanadii taxanta aheyd ee Suleymaaniga aheyd, waxaana la oran jiray Zaqwe dynasty (waxaa la filayaa in magacaasi ka soo jeedo Z oo laga soo qaatay afkii Ge’z iyo Agaw oo ah qoloda Agaw) oo aan iyadu ku abtirsan Nebi Suleymaan, balse ku abtirsan jirtay dadweynaha Kuush oo ahaa reer gurigii asalka ahaa ee dhulka.  Waxaa la filayaa laga bilaabo qarnigii 9aad ilaa 10aad ilaa 1270 inay ka talisay Itoobiya. Waxaa afgambiyey boqortooyadaas Yekuno Amlak oo boqorkii reer Agaw ku dilay goob dagaal. Wuxuuna soo ceshay taladii Saldanaddii taxanaha aheyd ee Suleymaaniga aheyd. Boqortooyadaan waxaa si joogta isugu bedbeddalaayey labada isir ee kale ah Amaxaarada iyo Tigrayga oo la siiyay magaca Xabasha ama Abyssinia.

Sannadkii 316 MD nin masiixiya, filasoofna ahaa  oo Giriiggii Suuriya ka mid ahaa, lana oran jiray Meropius baa ka soo tagay Tyre(Suuriya). Waxaa la socday ninkaas labo nin oo walaalo ah oo la kale oran jiray Frumentius iyo Aedesius. Waxay raggaasi sahan u soo aadeen xeebaha Afrika. Wuxuu markabkii ku caariyey xeebaha Badda Cas, waxaana rakaabkii saarna laayey dadkii degaanka. Waxay dadkii degaanku badbaadiyeen labadii wiil ee walaalaha ahaa oo la geeyay madashii reer boqor ee Abasiiniya. Labadaasi waxay ku cibaadeysan jireen diinta masiixiga si qarsoodi ah. Waqti yar ka dib waxay qabadsiiyeen boqorraddii iyo koox gurigii reer boqor ka tirsanaa, diintii cusbeyd. Markii boqorkii dhintay baa boqoraddii u magacawday Frumentius jage sare iyo inuu bare u noqdo wiilkeedii ahaa Ezena (waa boqorkii burburiyey boqortooyadii guunka aheyd ee reer kuush ee Meroe ama Miira caasumadda u aheyd). Markii Azena uu qaangaar noqday oo loo caleemo saaray boqornimo, isla waagaasba waxay si rasmi ah masiixiyaddu u noqotay diinta dawladda Itoobiya, waana dalkii labaad ee dunida si rasmi ah uga dhiga masiixiyadda diinta dawladda. Waxaa kaliya oo ka horreeyay Armiiniya.

Madaama diinta masiixigu ka soo bilaabatay guriga reer boqor, madaama boqorkii bilawgu ahaa ina nebi, waxaa dhaqan noqotay boqorka iyo xaashiyaddiisaba in loo tixgeliyo sidii rag diimeed ama awliyaadba. Arrintaas waxay boqorradii ka caawisay taageeriddii shacabka iyo la-duubnaantii lala duubnaa boqorradii weerarka badnaa.
Wadajirkaas shacab iyo madaxeed wuxuu cudud u noqday hannaanadii dawladeed ee awooday inay dhulal badan furtaan. Waana sababta aasaaska u ah ka-awood-roonaatii saldanadihii  islaanka ahaa ee qeybsanaa ee mar walba loollan madaxeed gudaha ahi ka dhex jiri jiray.
Waxaa la oran karaa, waxaa Abasiiniyiinta riixaayey oo ku dirqinaayey inay weerarro joogta ah galaan arrimahaan;
1-   intii uu jiray ganacsigii Roomaanku, waxaa jirtay in milixu ahaa badeeco wanaagsan, marmarna iyadaaba aheyd lacagta wax lagu kale beddesho. Waxaa badeecadaas hodan ku ahaa dooxooyinka Cafarta. Waxaa kaloo mar walba door ahaa dahabka, wuxuuna buuxay deexooyinka Wabiga Niil ee buluugga ah. Labadaas meeloodba Abasiiniyiintu waa qabsadeen, intii uusan bilaabmin loollankii dheeraa ee iyaga iyo Soomaalidu.
2- Markii uu dhammaaday ganacisigii doorka u ahaa Aqsum, waxaa timid baahi weyn oo loo qabo hantidii ay ku jiri laheyd habsocodkii boqortooyadu. Waxay markaas si daran ugu haliileen Abasiiniyiintu degaannadii dadyowga reer kuush ee hodanka ahaa ee aan masaafo ahaan ka dheereyn. Sidaas darteed, waxay boqorradii Abasiiniya abuureen hab ciidan oo lixaad leh, una sameysan bililiqeysi. Waxaa ciidaankaas dhaqaale u ahaa hantidii dhulalkii la furanayey, boqorkuna  wuxuu ahaa mid hoggaansha ciidammada, xaruntiisuna waxay aheyd mid had iyo jeer meerto ah.
3-  Fikir-Diimeed adag; waxay rumeysnaayeen inay xanbaarsan yihiin dhambbaal rabbaani oo ay kor yeelayaan tan Eebbe. Labada diimood ee Tawreed iyo Injiilba way isku xiriirsheen, waxayna si joogta ugu beer dulucsanayeen xoogaggii dunida ee diimahaas qarniyaal badan. Waxaa arrintaan dambe tusaale u ah warqaddii caanka aheyd ee Minilikhii 2aad u qoray xogaggii reer Yurub qarnigii 19aad oo uu ku sheegay inay boqortooyadiisu tahay jasiirad dhex sabbeynaysa bad cawaana ama diinlaawe ah.

4- Waxay Itoobiyadii xoogga lagu sameeyay ee ballaaratay u baahatay marin-badeed. Ujeeddadaan waa tii kalliftay dagaalkii lagu hoobtay ee in ka badan 30 sano dhex yiil Abasiiniya iyo Errateriya, waana tii ay Jubuuti ugu nabneyd, waqtigaan la joogana waa qodob ku culus istaraatiijayadda Abasiiniyada cusub.  

Thursday, January 23, 2014

Igu Dheeridaayey (hees)

Wiilka
Dhirtaanoo caddaatiyo
Abaar Dhaharatoo kale
Oo dhibic kaliileed
Dhoollaha ka hooroo
Dhibta iyo xumihii 
Dhidibbada u saaroo
Dhuubka iyo mulaygii
Dhulka ka soo baxay
Sida loo dhugtaa baad
Anna iiga dhigantee

Igu dheeridaayey
Igu dherarnidaayey
Sideen kuugu dhaygagay!

Gabadha
Aniguba dharaarahaan
Waan kugu dhadhabayoo
Aan kaa dhur sugayoo
Kugu dheelalaabee
Arrin waxa ku dhiirrada
Geesi dhalin yaqaannee
Waa lagu dhaqaaqaa
Aan kula dhammeeyee
I ma dhaafin hadalkii
Dhuuxiyo lafuhuu galay

Igu dheeridaayey
Isu dhiganinaayayey
Sideen kuula dhaygagay!

Wiilka
Adigoon dhul ii tirin
Ama aan dhoof tagin
Dharaartaan ku waayaa
Dhulku i la wareegee
Waxa aan la dhuub nahay
Ee dhaawac iga dhigay 
Dhoolla-qosolkaagiyo
Dhabannadaan hillaacee
Marka aad dhaqaaqdaa
Hadba laygu dhegayaa

Igu dheeridaayey
Igu dherarnidaayey
Sideen kuula dhaygagay!

Gabadha
Hadalkii dhammaysoo
Waa dhaabadaysee
Waxa aniga igu dheer
Dharaartaannu kulannee
Dheegga aad i saartee
Dhutinaysay socodkee
Dhaawac aan ku moodee
Dhiigga iyo seedaha
Yaad ugu dhaxaysaa

Igu dheeridaayey
Isu dhiganinaayayey
Sideen kuula dhaygagay!

Wiilka
Laan dhebi ku taalliyo
Sida dheemman iyo luul
Ama dhudo hareeriya
Tii laygu dhaabaay
Dhayil hayga moodine
Hurdo kala dhaqaaqnoo
Igu noqoy dhinbil daba
Iyo dhamac jaceylkuye
Dhuuntiyo wadnihiyo
Dhuuxaa lagugu beeree

Igu dheeridaayey
Igu dherarnidaayey
Sideen kuula dhaygagay!

Gabadha

Dhallinyaro iyo waayeel
Ragga midaan ku dhaafsado
Oo aan ku garab dhigo
Dhaayaha ma saarine
Dhirtu kala wanaagsane
Biixi dhaabadaad tahay
Oo aan fudayd u dhalan
Dhulman ma tihide

Igu dheeridaayey
Isu dhiganinaayayey
Sideen kuula dhaygagay!









Saturday, January 18, 2014

Maansooyin (Yuusuf Maraddoon Cali)

Haddii adiga Deeqaay

Degmo hooyadaa tahay


Gabadhaadu Duda tahay


Dayacan habaryartaa tahay


Adeerkaana doqon yahay


Duufle yahay walaalkaa


Abtigaa dad-qaad yahay

Wiilkaaga Daahira

Inta kale la diriraan

Derejada Ilaahay

Kuu dayrin maayee

Da'daa saad ku raacdaa

Dedaal bay ku xiran tahay
*************************************
Mar haddaad waxgarad tahay asaan, cidi ku weyddiin
Doqon sharaf lagu washaraa, kaa wanaag badane
Oo ka wacan islaantii la yiri, ii wad Cawrala e

Thursday, January 16, 2014

Geeri Door Tee (hees)

Dhawr Gu' baad 
Guur la'ayde
Guurso oo
Guusha qaad
Guri samaysaan
Talo ku gaaree
Sow tan gees kale
Ii la guurtay

Garawsan maayee
Geerida doortee 
Maanta aan go'o

Haddaan gashaanti
 Mawdku gaadin
Kolleey gayaan bay
Geed u joogtaa
Yaad gaboobine
Guurso baan laa
Guri barwaaqo 
Ubad ku gaare

Sow tan geedkiyo 
Garka lay suray
Geeri doortee 
Maanta aan go'o

Godob sida 
Aan galay
Oon qur gooyay
Gooni u go'ay
Is guhaadshay
Gacal waxaan laa 
Adaa iiga gaaree
Garannna maayo
Xumo aan geystee

Sow tan geedkiyo
Garka lay suray
Geeri doortee
Maanta aan go'o



Gardarraa xarig 
Gacamahaygii 
Loogu giigshee
Lay isugu geeyee
Guul Allaa loo
Ii gargaarayee
Yaan xumaha gocan 
Aadmi ii geystee
Aan guntada oo
Gobonnimaday
Yaan kaga gaabsane
Aan hawl galo




Gegi cidla'a ayaan
Ani iyo gooshu
Gacal ku nahoo
Isku garannaa
Gebi aan fuulaan 
Gees ka taagnoo
Waxaan la goohaa
Galawga qayshee
Rabbi Guulloow
Garkaan igu xiran
Galaddaadu 
Hayga goyso