Wednesday, November 27, 2013

Xoogsi (gabay: Darwiish Ismaaciil Mire)

  • Caliyow xasuus kugu dullee, walad xumaadaaye
  • Xaluun baan xaddaas gabay la kacay, oo xafiiltamaye
  • Dhaqashaba ha xaalaysanine, maqal xuruuftayda
  •  
  • Cabdi iyo Xuseen iyo Xirsi baa, kaa xusuus badane
  • Xiniin-yoolihii kula sinnaa, xoogsi buu tagaye
  • Xadka qabada niman baa guboo, soo xantoobsadaye
  •  
  • Niman baa xeryaha deerka dhiga, xanankii toomoode
  • Liiraha rag baa Xamar u tagay, xeeb intuu maraye
  • Niman baa dayuurado ku xiran, xiima samadaase
  •  
  • Niman baa xijiga iibsadiyo, xabag dhunkaaleede
  • Niman baa xaraabada gala oo, xoolo saanyada e
  • Niman baa xarrago quudhsadoo, xaarka iibsada e
  •  
  • Hablaha Xuurul-Caynta rag baa, xeelad ku guursado e
  • Niman baa xafaarka u guntaday, oo xabaal qodo e
  •  
  • Soddon gu’ baan ku xisaabiyiyo, weliba xaabxaabe
  • Wax badan baan xagaagii wan weyn, xawda kuu jaraye
  • Wax badan baan sidkaha kuu xayiray, xaas walwaallada e
  •  
  • Kugu xiiqay sidaan kuu lahaa, xaaxayow toose
  • Xaawaley kolay tahay dad waa, xagafsanaayaaye
  • Xag uun labada daarood ku daran, hays xakabin meele

Monday, November 25, 2013

Dadka Kadabki & Duul La Weeraro (Gabay: Afcad & Illaawe)


Ilma Kooshin Dalab kor iyo hoos, waa kun xooluhuye
Xirsi-Dhabancad koorreey dhashaa, loo kallahiyaaye
Harkii baa karuur loo shushubi, kooxda Muuse lehe

Kallahaa naftaydii dishayiyo, kababax duullaane
Waxaa bawdyahaygii kirkiray, koore oogadiye
Goortaan mid keenaba, mid baa laga kalmoonshaaye
Dadka kadabki miyaan Eebbow, kol la wada uumin?
                                      Afcad

Reerkayga waw uga dartaa, daansha nabadeede

Dar Allaan ku noolaan jiriyo, duul la wareero e
Dugiddeydu waa kobeey laba, habaas ka duushaaye
Duduma yulug haddaan harsado, dacas ma jiifeene
                         Illaawe

Saturday, November 23, 2013

Maxaa Kaa Lillaahiya? (hees)

Wiilka:
Looli heegan ahaydoo
Laba goor roobkii helay
Dhulkoo liqay xareeddii
Rayskuna labeen yahay
Oo laamo ubax liyo
Isku laray caleentii
Leeg leegsanaayaan
Saxansaxo lulaysiyo
Sida laydha udugga le
Laab qaboojiyaay!

Maxaa kaa lillaahiya
Caashaqa aan lalinnee?

Gabadha:
Sida aar libaaxoo
Lisanaaya miciyaha
Ama laqan maroodiya
Oo laamo ku cartamay
Ama faras lallabihiyo
Birmadka ba lihiin ku le
Libta geesigeedii
Farxad lagu abuuroo
Caashaqa ladaabtaye
Adna hoo liskiisoo

Kala leexan maynnee
Adna ha isku kay ladin

Wiilka:
Sida aan laba lagdoodaa
La-cawa toosaaye
Labaxadayda beerkiyo
Qalbigaad ka lulataa
Laxawgiina sii koror
Leebkii halista iga muday
Inaan liito aragtaye
Intaan loxodka la i dhigin

Maxaa kaa lillaahiya
Caashaqa aan lalinnee?

Gabadha:
Reerkii layli dhaansada
Haamuhuu ka laayaa
Harraadna kama ladnaadee
Lugtii jeeni dhaaftaa
Luggooyey ku socotaa
Laftu way jabtaayoo
Lammaanihii is doortee
Isu laab fayoobayn
Ma ba ayna lulanine
Bal maxay ka leeftaa?

Kala laaban maynnee
Adna ha isku kay ladin

Wednesday, November 20, 2013

Nabsi ha Iga Amaahan (hees)

Onkod roobku ma daayo
Aarna taaha ma daayo
Anna taa ma daayo
Oon hillaac bi'in maayo
Ayre weerar ma daayo
Nin lihi aamusi maayo
Ergo geesi ma diido
Ilaah tiisu ma oosho
Calaf la is kama oodo
Ubax dayr ma qarsoomo
Godka la is kama waayo
Ifkaa la isu turaaye
Iilka la is kama gargaaro
Aboor la is kama baajo

Nabsi ha iga amaahan
Axdigii na dhex yiillay
Ha illoobin aqoontee

Sida oogta hillaaca
Ileeskeeda cadceedda
Ammaantaada libaaxa
Mala waadan ogeyne
Ayaan uurkiyo maanka
Wadnahayga agtiisa
Sida aayad ku taallaa
Uumiyaha u tusaaye
Haddii aanu ibleysku
Iga kaa ambineynin
Inaad ii turi weydo 
Eegi maayo kolleeye
Arrin kuuma hambayne
Arartii ha ku deeqdo
Sina ha iiga adkeysan

Nabsi hayga amaahan
Axdigii ina dhex yiillay
Ha illoobin aqoontee

Thursday, November 14, 2013

Ujeeddo (Udjat)

Ujeeddo (Udjat)

Af-Soomaaliga:
Ishu waxay ka mid tahay dareemayaasha shanta ah ee qofka. Ishu wax bay aragtaa, fiirisaa, eegtaa, u muuqda, u bidhaama, dhawrtaa, daawataa ama u jeeddaa. Sidaas darteed, waxaa loogu yeeri karaa; aragto, fiiriso, eegto, daawrto ama ujeeddo. Dhanka kale, sida dhaqanka Soomaalida lagu rumaysan yahay waxay ishu noqon kartaa mid u gudbisa dhib qof kale, iyadoo ka soo xanbaaraysa wax-dhimaalka qofkii isha lahaa, waxaana dhaqan ah in laga gaashaanto waxyeellada ishu keeni karto sida, Qardhaasta oo laga xirto waleecada. Ishu waxay kaloo keeni kartaa kalgacal ay ku gantaasho dareensidayaasha qofka ama waxay keeni kartaa aweyti ama habaar ay ku halgaaddo qofka ay milicsato. Marka la soo koobo, ishu waa sida raadaarka oo kala sheega duullimaadyada sokeeyaha ah iyo kuwa shisheeyaha ah, oo markaas kadibna lagu toogto diyaaradaha seeragoyska ama lagu soo dhaweeyo kuwa loo xil qabo.

Dhulkii Kimiid (Kemet):
Sidaan marar hore soo sheegnay fartii astaamaha (Hieroglyphics) ee dadkii Reer Kimiid wax ku qoreen ma lahayn shaqallo ee kaliya waxay ahayd qoraal ahaan mid shibbanayaal ka kooban. Waxyaqaannadii Reer Yurub ee turjumay fartaas waxay dhex geliyeen shaqallo, kuwaasoo sidii ay la noqotay uun ugu meeleeyay. Waxay u qoreen eraygii ahaa U-Jeeddo; Udjat. Haddaba iyadoo la isku raacsan yahay in Afkii Dhulkii Fircoonnadu ka mid ahaa afafkii Reer Xaam oo waliba la filaayo inuu ka sii ahaa Reer Kuush Xaam, waxaa muuqata in eraygu yahay U-Jeeddo oo ah isha wax eegaysa, fiirinaysa ama ku dhaygagaysa.

 Ishaas astaan ahaanta loo sawiray, macnaha weynna ku fadhiday waxay ahayd baa la yiri Isha Xuurta (Eye of Horus). Waxaa ishaas loo soo bandhigay sidii isha qofka oo kale, waxaana sunniyaha ishaas aad moodaa in foolka qofka ishu dheygasan yahay. Ishaas waxaa lagu qurxiyay astaamaha bilicdsa san ee galleyrka. Ishaas aadka loo muujiyay waa isha midigta, waxaana laga yaabaa in ishaas la sawiray lala xiriirinaayo sheekadii ahayd in qorraxda iyo dayaxu yihiin labadii indhood ee weynaha cirka, halkaas oo qorraxdu u taagan tahay isha midigta, tahayna mid awood badan. Marka ay dadkii Kimiid ka dhiganaayaan ishaas xirsi ama qardhaas waxay ka samayn jireen isha dhalo cagaaran ama leh midabka beymadowga ama dhagxaanta qaali-xigeenka. Waxaa kaloo astaanta ishaas loo adeegsaday inay tahay Ishii Weynihii Xuur, kaas oo ahaa wiilkii Weynahii Wasiir (Osiris) iyo Weyntii I-Siis (Ises). Waxaa la qabay in Weyne Xuur uu ahaa il-laawe, ishiisii kalana ay uga dhacday dagaalkii uu la galay Weyne Sid (Seth) ee uu ugu aaraayay aabbihii, Wasiir oo uu dilay Sid.

Waxaa kaloo la rumaysnaa in ishii bidix ee Xuur uu jarjaray Sid, kadibna uu ishaas soo helay Weyne Dood (Thoth), weynahaas oo ahaa Eebbihii garaadka iyo falka. Wuxuu awooday Dood inuu kabkabo cadadkii ishii la jarjaray oo markaas kadibna ay noqotay dayaxa. Weyne Dood ishii wuxuu siiyay Xuur, markaas kadib Xuur wuxuu siiyay ishaas aabbihiisii la dilay ee ahaa Wasiir, kaas oo dib u soo noolaaday.

Ishii Xuur marka laga dhigo qardhaas, waxaa dhaqan ahayd in wiilku aabbihiisii dhintay uu qurbaan ahaan u geeyo qabrigii odayga, halkaas oo la rumaysnaa in qurbaankaasi dib u soo noolaynaayo odaygii aabbaha ahaa, isla sidii ay Ishii Xuur u soo noolaysay Wenihii Wasiir. Waxaa kaloo ishaas la gelin jiray qofkii dhinta ubucdiisa, isla meeshii laga saaray uurkujirtii qofkaas dhintay. Waxaa loola jeeday inay ishaas qardhaasta ahi ka xirsi xirto dhibabka mawtida ku imaan kara. Waxaa mudan in la xuso in dadyowgii Kimiid ay rumaysnaayeen mayddhawrka (mummy), waayo waxay qabeen inaan qofku jiri karin nolosha dambe, haddaan la dhawrin qalfoofkiisa,  sidaas baana maydka loogu xirsi xiri jiray.



Tuesday, November 12, 2013

Muqdishow Malkadii Muranka iyo Marindhaafka

Muqdishow Malkadii Muranka iyo Marindhaafka


Wax daahsoon maaha in markii 1991-dii la burburiyay dawladnimadii Soomaaliyeed, badi dadweynahii dalkana xasuuq iyo qaxin la isugu daray ay xaruntii qaranka waa Muqdishow e, booliyeen ama si dhammaystiran u yeesheen qolooyinkii ku bahoobay Ururkii Ba'a iyo Hoogga waa USC e. Muqdishow ma ahayn magaalo la mid ah magaalooyinka kale ee dalka, waayo xarunnimada ka sakow waxaa si tahan dhaafa loogu maal geliyay wixii dad iyo dawlad uu lahaa qaranka Soomaaliyeed. Waxay kaloo noqotay barta uu inta badan u soo guuro shacabkii Soomaaliyeed, waxaana sidaas lagu soo banneeyay badi qeybihii kale ee dalka, kuwaas oo aan loo samayn kaabayaal dagaamaysigooda fududayn karay.

Kadib, markii ay qayoodeen dagaalladii sokeeye ee qaraaraa, waxaa Muqdishow dib ugu noqday kooxo ka mid ahaa dadweynihii ka badbaaday baabi'intii weynayd. Kooxahaas waxaa waday labo arrimood; si ay wax uun uga helaan hantidoodii laga mooraduugay oo ay cayrnimada la baday uga kabtaan. Kooxda labaad, waxaa waday hunguri siyaasadeed, waxayna si aan habaysneen oo dalanbaabi ah u tageen Muqdishow oo markaan ah meel dad gooniya leeyihiin. In badan oo kooxaha hore ka mid ahaa nafahoodii bay ku waayeen, kooxaha dambe oo iyaga qudhooda qaar badan la jaray waxay intii soo hartay si toos u hoos tageen awooddii yeelatay Xaruntii Dalka. Kuwaan dambe waxay noqdeen magan aan loo xil qabin oo cabsi iyo walwal ku nool. 

Qolooyinkii yeeshay Muqdishow, markay arkeen sida arrimuhu yihiin way is mahadiyeen, waxaana ku dhacay filanwaa, waayo iyadoon cidina is weyddiin ama ka garallayn bay arkeen dhibbanayaashii oo u soo hoyday, iyagoo masaakiin ilmirigleynaysa u ah. Arrinku wuxuu la mid noqday sidii dambiile mudnaa ganaaxyo culus oo intii la maxkamadayn lahaa isagii la abaal-mariyay, ammaanna loogu daray. Sidaas darteed, gabood-falayaashii waxaa u kordhay qallooc iyo kibir aada. Hodannimadii qaran-bi'iyadii ay ka heleen boobkii iyo bililaqaysigii hantidii ummadda waxay abuurtay kooxo diimeedyo burcada, kooxo siyaasadeed burcada, NGO-yo burcada iyo ururro kaloo burcada.

Sano iyo dheeraad kahor baa la yagleelay maamul dawladeedka Xasan Shiikh madaxweynaha ka yahay, waxaana ka dambeeyay caleemosaarkiisa qaar ka mid ah kooxaha burcadka ah ee aan kor ku xusnay oo muruq iyo maalgelinba ku taageeray. Markaas kadib, waxaa la soo xulay qofkii noqon lahaa Wasiirka Kowaad. Isla markii la magacaabay waxaa muuqatay inaan WK loogu tala galin inuu u shaqeeyo sida uu qabo distoorka dalku ee kaliya laga rabo inuu noqdo magac-u-yaal. Qof kasta oo wax uun kala socda arrimaha Soomaaliya meeluu joogaba wuu dareemaayay sida wax yihiin. Nasiib-darro waxaa ahaa inaan WK-aad markii hore ka dhiidhiyin gefafkii lagu samaynaayay naftiisa iyo xeerarka dalka. Wuxuu u ekaaday nin iska qaayibay duruufaha meesha yaal. Burcaddii dalka rogtayna waxay u sii haliishay muudsiga iyo maraxsiga dhiigga qaranka. 

Maxaa Habboonaa?
- Waagii la yiri dalka oo dhan dib-u-heshiisiin baa laga samaynayaa, waxay ahayd in laga bilaabo kahadalka dhibaatooyinkii waaweynaa ee dhacay. Waxay ahayd in laga hadlo hantidii badnayd ee la kala boolyay.

- Mar haddii Muqdishow noqotay magaalo qolo leedahay, ma ahayn in loo tixgeliyo siday ahaan jirtay ee waxay ahayd in xarunnimadeeda qodobbada hore ee wada hadalka lagu daro, ugu yaraanna xarun ku-meel-gaara oo meel kale ah la isla garto. Marna ma ahayn in la garab maro runta bannaan-yaalka.

- Marna ma ahayn in la oggolaado in xarun ama bar-kulan looga dhigo dalka meel aan awood-qoleedka Soomaaliyeed ku dheelli tirnayn.

- Qeybihii shacabka Soomaaliyeed ka midka ahaa ee sida maamulan loo qaxiyay aadkana loo wax yeelleeyay ma ahayn inay dalanbaabi iyo si doqonnimo ku jirto ugu qulquleen meeshii lagu hagardaameeyay oo wali tabteedii ku sugan.

- Ma ahayn in hanka iyo hunguriga hal qof ama labo awgood la oggolaado in looga tanaasulo danta ummad dhan iyo tan guudba, mana ahayn in la horseedo waddo waxdhimaal iyo wisiisi badan. 

Gunaanad
Dhibka maanta oogan waxaa saldhig u ah gefafkii aan laga fiirsan ee sida fudud loogu dhacay, waana iyada tan keentay in WK-aad loola dhaqmo sidii adeege ama qawsaar reerood, markii la doono laga maarmo. Arrimaha siyaasadeed iyo maamul ee dalku waxay ka hallaysan yihiin gunta hoose, waana sidii guri saldhiggiisu qalloocan yahay oo haddaan hoos laga soo hagaajin aan kor ka hagaagi karin. Haddaba runtu waxay tahay, in aan lagu sii socon gefafkii hore illeyn la arag inaan wax ku dhismi karine. Sidaas darteed, waa in la joojiyaa u hanqal-taagga jagodoonka ee horseedaaya dullinnimada, lana garwaaqsadaa in Muqdishow-da maanta ay tahay malkadii musuqmaasuqa, muranka iyo maandhaafka.

Monday, November 11, 2013

Adduunyoy Waalalleey! (hees)

Mar buu ku wanaajiyaa
Waqtigu kuu hiilliyaa
Walaalki kaa dhigaa
Sidii waqal kuu da'aa
Weedhaadana lagu qoslaa
Dadkana la tahay ruux la weyn
Mar baad kala weecataa
Waayuhu cadaw kuu noqdaan
Wacdiga aadmiga aad fartaa
Mar buu wareer kuu dhalaa

Adduunyoy waalalleey
Adduunyoy waayo badan
Warwareeg ma adigaa i yiri
Fartiyo wadnaha isku qabo!

Waxgarad iyo waayo-arag
Ruuxaan waanada ka maqal
Dantiisana wadi aqoon
Wadeecana deris u dhigin
Adduunkana waasac iyo
Waayir ceel aan gureyn
In lagu waaraayo qaba
Darxumo waageey kulmaan
Wareegaay adiga miyaa
Warli' aadmiga ku dila?

Adduunyoy waalalleey
Adduunyoy waayo badan
Warwareeg ma adigaa i yiri
Fartiyo wadnaha isku qabo!

Sunday, November 10, 2013

Barashada Horteed Maya (hees)

Gabadha:
Taariikhdu waa buug
Badi mayri karinoo
Beryo la ma illaawee
Naftaad baaxad-sooraha
Bukaan uga miciintaa
Kuu beer naqaysee
Ha ka goyn bariidada
Bahdu hay ladnaatee

Kalgacaylkaan baanta

Ma bogsiin karaysaa?
Innakoo barwaaqada
Baro nool ku nool baan
Xalay soo baraarugay

Wiilka:

Taariikhdu waa buur
Biyo qaadi karinoo
Baryo door ma noqotee
Dhulka meel bannaan iyo 
Bandariira ruux dagay
Barqo reer ma oodoo
Kuma waa bariistee

Adigoon bukaan noqon
Belo loo ma yeertee
Barashada horteed maya
Waxaad iigu baaqday
Ballankaagu fududaayoo
Beer-laxawsho weynaa!

Gabadha:
Guur waa baraaraha
Labo ay ku badatoo
Adduunyaduna waa baad
Iyo bur doog loo
Way laba bogleysaa
Naftaa kuu buseeshoo
Indhihii basaasee

Kalgacaylkaan baanta
Ma bogsiin karaysaa?
Innakoo barwaaqada
Baro nool ku nool baan
Xalay soo baraarugay

Wiilka: 
Waxaa lala baraaraa
Beyd roon u hoyataa
Marka bilicda guurkiyo
Noloshiyo baraaraha
Farxad aad ku bogatee
Ubad kaaga beermaa
Basanbaas ku noolaan

Adigoon bukaan noqon

Belo loo ma yeertee
Barashada horteed maya
Waxaad iigu baaqday
Ballankaagu fududaayoo
Beer-laxawsho weynaa!

Gabadha:
Hooyaduba wiilay
Hanaqeeda saartoo
Horaadkeeda siisoo
Dhibta iyo hantaaqada
Hurda seexan weydaa
Hilin kaga dhaqaaqee
Halka aad tebaysiyo
Hibashadana kula ogi
Ha yeeshee, hankaa xiroo
Hoodiyo nasiibkaa
Haruub wada wadatiyo
Hal irmaanna gaagixi
Jaceylkana hingal u xiroo
Aan ka la hayaannee!