Friday, February 1, 2019




Image result for sabian religion
               Al-Saabi’a (الصابئة‎)          
Image result for sabian religion










Waxaa hubaala, kuwaas rumeeyay iyo kuwaas Yuhuudda iyo Masiixiyiinta, iyo Saabi’iinta [wa’l-saabi’een ], mid kastoo rumeeyay Allaah iyo Maalinta U-Dambaysa  oo sameeya falal wanwanaagsan inay abaalmarintooda ka helayaan Eebbahood, xaggoodana ma jiri doonto cabsi, mana noqon doonaan kuwa murugooda”                  [al-Baqarah 2:62]
Saabi’adu waa diin aad u fac weyn oo ka horreysay dhammaan diimaha samaawiga, waxaana magaca Saabi’a (Xalato)  uu ka soo jeedaa Afka Aramayga oo afkeedii hooyo ah. Waxay markii hore diintaas laga rumeysnaa; Xaaraan (Turkiya), Urshaliim (اورشلىم), Hindiya, Yeman, Cummaan, Itoobiya, Iiraan, iyo Ciraaq.
Meelaha kale, dadkii diintaas raacsanaa waa ka tirmeen ama  way qarsoomeen, Ciraaq bayse ku dambeeyeen Saabi’iintu. Waxaa kaloo loo yaqaan Saabi’iinta Reer Ciraaq; Al-Mindaa’iya (مندائية) oo macnuhu yahay, Ogooleed.  
Waxaa Saabi’yada lagu rumeysan yahay, in Eebbe mid qura yahay  oo an la labayn, magacyada ay Ilaahay ugu yeeraanna waxaa kamida; Noolaha Weyn (الحى العطىم) waxaana Saabi’iintu haystaan kitaab lagu magacaabo Kinsu Rabbaa (كنزربا) oo ay rumaysan yihiin inuu yahay Kitaabkii Nabi Aadan (cs). Waxay ka loo si weyn u rumeysan yihiin, Nabi Shiid (شيث‎)-cs oo ahaa yaraankii Nabi Aadan (cs) iyo Xaawo, waxayna is la isaga u rumeysan yihiin awowga ay ka soo firmeen. Nabiga ugu dambeeya ee ay aad u rumeysan yihiin waa Nabi Yaxya (cs). Waxay ka loo xurmeeyaan dhammaan nabiyadii Eebbe sida; Nabi Ibraahim (cs) iyo Nabi Akhnuukh (cs).  
Tiirarka Diinta Saabi’ada ama Mandaa’iyada waa shan:
1-   Xayul Qayuum: waa Eebbaha weyne, inuu yahay mid kali ah oo jiri jiray waligiis, jirina doona waligiis.

2-   Salaad: markii hore salaadihii lagu waajibiyay shan bay ahaayeen, waxaase seddex ka dhigay Nabi Yaxya (cs)’, oogta hore intaan qorraxdu soo bixin mida, harkii marka qorraxdu dhanka kale u rogmato mida iyo markay qorraxdu dhacdo mida. Hameynkii la ma tukado, salaadahoodoo dhanna sababo jira awgood waa la jamcin karaa. Weysadooda waxay ugu yeeraan ‘Rashaama’ waxayna u eg tahay tan muslimiinta. Qibladoodu waa dhanka Waqooyiga, sidaas darteed, baa loogu maleyn jiray inay xiddigaha caabudaan, sidaas-na maahee, waxay rumeysan yihiin in jannadu xagga Waqooyiga jirto. Salaadda waxay gutaan iyagoo taagan, laakiin hore u yar janjeera waxayna aqriyaan tuducyo ama aayado ku qoran kitaabkooda/ Kinsi Rabbaa (كنزربا) oo macnuhu yahay; (Khasnaddii Weyneyd "great treasure"). Waxay leeyihiin guri lagu cabaadeysto oo loogu yeero Al-Manda’i ama Gurigii Ogaalka (المندئ). Guriga Ogaalka waxaa waajib ah in laga dhiso dhanka waqooyi ee wabi leh biyo qulqulaya, waana in albaabkiisu u jeedo dhanka Koonfureed.

3-   Soon:  b) soonka weyn: waa ka-fogaanshaha dunuubta Eebbe ka caroodo sida; dilka, sinada iyo tuugada 
               t) soon-yare: waa in sannadkii laga soomaa hilbaha muddo 30 cisho ah, shardina maahan inay isku xigxigaan ee waxaa loo qeybinayaa bilaha sannadka, waxaana dhici karta in hal maalin bil ku soo aaddo. 
    4-   Is-Dhaqid/Is-Xalitaan (الصباعة): waa tiirka ugu weyn Diinta Saabi’ada, waxaana shardi ah in qofku lumbado ama maquuro biyo socda (biyo fadhiya maya). Siyaalo ka la duwan baa is-dhaqiddu waajib u tahay sida; in ilmaha dhasha la dhaqo/lumbiyo 30 jeer, hadduu lab yahay iyo gabadha oo 31 jeer la dhaqo/lumbiyo. Is-dhaqitaanku waa badan yahay oo waxaa jira kan guurka, waayeelka iyo kan maydka. Aalaa is-xalidda waxaa la sameeyaa maalinta Axadda waana in qofku soo xirtaa maro ka kooban shan qeybood (waa dharka lagu waajib yeelay Manda’iyiinta.
5-   Sako: qofka Saabi’iga waxaa waajib ku ah inuu hantidiisa wax ugu sadaqeysto dadka saboolka, in loo xaddiday iyo waqti loo qabtayna ma jiraan.
Wadaadk: qofka wadaadka noqonayaa waa inuu lab yahay, ilaa toddobo awowana uusan lahayn cillad xagga jirka ama dhimirka waxaana loogu yeeraa ‘Xalaali’. Waxaa jira wadaad-caawiya oo loogu yeero: Shakandah, wuxuuna qabtaa hawlaha sida; aasidda maydka iyo gawraca xoolaha, waxaana shardi ah inuu guursado gabar bikro ah. Waxaa ka loo jira in wadaadka ugu weyn oo loogu yeero ‘Ginsirabbi’ oo ah kan haya Kitaabka Kinsi Rabbaa. Waxaa ka loo jira qof loogu yeero ‘Riish’ oo ah ninka mas’uulka ka ah arrimaha guud ee Ummadda Mandaa’iga. Jagada qof aadane ah uu gaaro waxaa loogu yeeraa ‘Raabbi’ waxanaana kaligiis gaaray Nabi Yaxya (cs). 
Ciidaha: b) Ciidda Banja (Bisha Aadaar): waa shan maalmood oo ay rumeysan yihiin in lagu abuuray iftiinka/nuurka iyo malaa’igta. t) Ciidda Tacmiidka ama Is-Xalista (Bisha Aayaar): maalintaas waxaa is daahiriyay Nabi Yaxye (cs). j) Ciidda Weyn waana Ciidda Is-Xalista Weyn: waxaa lagu sugnaadaa guryaha muddo 36 maalmooda. x) Ciidda Yar: waa maalintii Jibriil ku noqday xagga cirka/samada.
Gawraca: waxaa gawraca wadaad (Shikandah) waxaana neefka loo jeediyaa dhanka Waqooyi, waxaana la akhriyaa aayado laga soo xigtay Kitaabka Kinsi Rabbaa, hameynkiina in wax la gawraco ma bannaana. 
Guurka: in la is furaa ku ma bannaana Diinta Saabi’ada, waxaase marar dambe la oggoladay is-furitaanka dadka isu dhali waayay iyo haddii midkood dhaqan-xumo la yimaado. Xafladaha guurka waa labo; lumbinta labada is guursaday biyo qulqulaya, kadib markay soo xirteen dhar arrinkaas loo gooni yeelay iyo inay fariistaan labadii is guursatay waab laga sameeyay geedka qasabka, waliyadoodii iyo wadaadkii meherintu waabkaas bay la fariistaan. Waxaa seddex jeer la weyddiiyaa ninkii guursanaayay inuu oggol yahay meherinta, gabadhana 2 jeer. Ninka Mandaa’iga waxaa loo oggol yahay inuu guursado ilaa afar dumara. 
Nolosha Dambe/Geerida Kadib: qofku markuu dhinto waxaa lagu dhaqaa biyo laga keenay wabiga, waxaana loo xiraa maro shan qeybood ka kooban. Waxaa ku akhriya aayado laga soo xigtay Kinsi Rabbaa wadaad, intuu wado akhriskana waxaa loo keenaa cunno gaara oo uu is la meesha ku cuno. Waxaa hawlahaas loo sameeyaa si ruuxda qofku uga ambabaxdo qofka jirkiisa waxaana la rumaysan yahay in ruuxdu guurigii qofkii dhintay joogto ilaa seddex maalmod, kadib ruuxdii waxay aaddaa dhanka Waqooyiga, waxayna tagtaa meel lagu miisaamo oo lagu jimeeyo ruuxdii Nabi Shiid (شيث‎)-cs,  waayo waxaa lagu rumeysan yahay Saabi’ada inuu Nabi Shiid ruuxdiisu ahayd midda ugu dhammaystiran uguna daahirsan dadkii Noolaha Weyn abuuray. Markaas kadib, ruuxdii waxay aaddaa meel la yiraahdo; ‘Madaharaati’ oo ah meel ay joogto maal’ig u gaar ah nadiifinta arwaaxda ilaa ay lamid noqoto tii Nabi Shiid ( شيث‎). Waxay meeshaas ruuxdu joogtaa kumanaan sano ama malaayiin sano, kadibna waxay u socdaashaa xagga samada/cirka.
Waxyaala Kaloo Ay Saabi’iintu Rumeysan Yihiin: 
1-   Dumarka waa inay xirtaan dhar asturaya, waxayna u labbistaan sida dumarka muslimiinta ee is astura.

2-   Korsashada ilmaha oo ah inuu noqdo ilmo aad dhashay waa xaaraan xitaa hadduu ilmuhu yahay Manda’i.

3-   Gudistu waa xaaraan, haddaad is guddana diintaas waad ka baxday.

4-   Haddaad Manda’i tahay, kaliya waxaad guursan kartaa qof Manda’i, haddaad sidaas dhinac martana diintii waad ka baxday.

5-   Hilbaha xoolaha leh afarta addin, kaliya waxaa laguu banneeyay ariga lab. Waxaa laguu banneeyay hilbaha shinbiraha iyo kalluunka qolofta leh.

6-   Khamrigu waa xaaraan.

7-   Ninka diinta waxaa ka reebban inuu timaha madaxa ama kuwa garka xiiro. Diintaan la ma oggola in naagi wadaad noqoto. 

Si kastaba ha ahaatee, Diinta Saabi’idu waa loo dhashaaye la ma galo.