Tuesday, June 19, 2018

Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya



Image result for farmaajo

Image result for abiy ahmed
                                         Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya 
                                                Marka hore, haddii labo dawladood colaad dhex-marto oo ay marka dambe noqoto inay heshiiyaan, wuxuu heshiisku noqdaa seddex midkood
1-   Heshiis ku salaysan mid adkaaday iyo mid laga adkaaday (win loss solution); waxaa qodobbada heshiisku ku qotomo yeeriya dhinicii adkaaday. Waxaa tusaale u ah heshiiskii Maraykan iyo Jabbaan ee 1945 Dagaal-Weynihii 2aad ee Adduunka kadib. Sabata uu dhinicii laga adkaaday u qaato heshiiska waa yaan lagaaga darin.

2-   Heshiis ku salaysan labo wada adkaatay (win win solution); heshiiska noocaana wixii la is ku hayay/la helay baa la ka la goostaa.

3-   Heshiis ku salaysan labo wada guuldarraystay (loss loss solution); noocaan waa uun la ka la rogmadaa oo dhinac walba isagoon khasaare mooyee wax kale helin buu ka huleelaa.
Haddaba, heshiis dhex-mara maanta labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu u ekaanayaa nooca 1aad ee ku salaysan mid adkaaday iyo mid laga adkaaday. Inuu saas yahay waxaa daliil u ah markii ciidammada Itoobiya soo galeen Muqdishow sannadkii 2006 waxay calankooda ka taageen madaxtooyadii Soomaaliya, taas oo macnaheedu yahay waan ku qabsaday.

Heshiis Dhex-mara Labada Dal ma loo baahan yahay?
Haa, waa loo baahan yahay, waxaana qasbaya siyaalaha ay gobolladii JDS haatan ku sugan yihiin. Dhammaantood waxay is hoos geeyeen Itoobiya, ilaa horjoogaysaasha Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka caddaystaan inay ka door-bidayaan la midowga Gobollada Koonfureed ee JDS la-midowga Itoobiya. Sidaas darteed, waxaa muuqata khatar ah in Dawlad Qarameedkii Soomaaliyeed la waayo. Waxaa meesha soo gashay yaan lagaaga darintii
Baahida kale ee loo qabo heshiis labada dala, waa iyadoo colaaddii soo oognoyd muddo ku dhow kun sano ay dhinac walba ka wiiqday dadyowga labada dal, dib-u-dhac weynna ku reebtay dadyowga geyiga deggan.
Dhanka kale, haddii si dhaba loo doonaayo heshiis dhaxal-gal ah oo raaga, waa in intaan heshiis dhaqaale iwm la ka la saxiixan tilloobiyaankaan la qaadaa:

1-   Colaadihii bilawday qarnigii 13aad ee ilaa hadda socda, waxaa bilaabay Xabasha (Abyssinia), dhibaato lixaad lehna waa u keeneen ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteed, waa in Itoobiya qirataa dhibabkay geyeysiisay Soomaalida, raalligelin weynna ka bixisaa, is la markaa waa inay ka hartaa hankii Itoobiyada Weyn (Great Itoobiya) ee xadkeedu yahay Badweynta Hindiga (xeebaha Soomaaliya).

2-   Colaadihii labada dal waxaa saldhig u ahaa, Itoobiya oo waligeed siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya ay ahayd ka-la-qeybi oo qabso (divide and conquer), tan Soomaaliya oo ku wajahan Itoobiyana ay ahayd xoraynta dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato iyo is-ka-caabbinta weerarraddii Itoobiya ee joogtada ahaa. Haddii Itoobiya siyaasaddaas ka waantowdo oo ay dadka Soomaaliyeed ee Soomaali Galbeed u oggolaato inay aayahooda cod ku yeeshaan, heshiis dhaba oo dhex-mara labada dal waa suurtogal waana la ka la faa’iidi karaa. Haddiise, laga wada hadlo arrimaha yaryar (minor issues) oo aan laga hormarin arrimaha waaweyn (major issues), wuxuu heshiiskii la galaa noqonayaa suumasalaax iyo iyadoo dhuxulo qaxaaya xoogaa dambasa dusha looga daboolay. 

       Maxay Labada Dal Isaga baahan Yihiin?

1-   Soomaaliya, marka hore waxay Itoobiya uga baahan tahay inay nabad ka hesho, qeybaha Soomaaliyeed ee la hoos geeyayna ay u oggolaato inay noloshooda maareeyaan, aayahoodana ka taliyaan. Dhanka dhaqaalaha, waxay Soomaaliya haysataa xeeb dheer, dadkeeduna wuxuu ku wacan yahay ganacsiga, sidaas darteed, bay ugu baahan yihii suuqyada Itoobiya iyo waliba kuwa dalalka ku xiga sida, Soodaanta Koonfureed.

2-   Itoobiya, waxay Soomaaliya uga baahan tahay marsooyinkeeda si ay wax uga dhoofsato ugana soo degsato.
 Maadaama, Itoobiya dhulkeedu yahay dalcado, roobabka ka da’aa waxay soo xanbbaartaan carrosankii, waxayna waraan bannaanada dadka Soomaaliyeed dego. Waxay arrintaan dambe keentay in Itoobiya oo hesho roobab badan, haystana biyo badan dhulkeedu uu aad ugu baahdo mar walba bacrin (fertilization), halka dhulalka Soomaaliyeed yihiin kuwo carrasana oo haddana dihin oo aan inta badan la beeran. Haddaba, dadweynaha faraha badan ee Itoobiya oo intiisa badan aysan heli karin hal hektar oo uu beerto, wuxuu u haliilayaa bananada Soomaaliyeed ee dihin, waxayna arrintoodu u muuqataa waraabe hilbo waran arka oo laga horjoogo. Waxay dadweynaha Itoobiya oo in badan aysan haysan fursad shaqo ka helayaa Soomaaliya shaqooyin badan iyo dano kale.


Gunaanad
 danaha Itoobiya ka leedahay Soomaaliya baa ka weyn, kuwa Soomaaliya iyada ka leedahay. Haddii marka ay dhab tahay in bog cusub loo furaayo xiriirka labada dal, waa in Itoobiya beddeshaa tabihii ay Soomaalida ku la dhaqmi jirtay. Waa in Itoobiya garwaaqsataa inaysan cadaadis iyo cabburin ummadeed horumar iyo xasillooni ku helayn. Waa in Itoobiya garwaaqsataa in ummadda Soomaaliyeed aysan ka la qoqobnaan karin, mid ka horjeedi mid kalana aysan qorshe iyada wax tari doona oo fog lahayn. Waa in Itoobiya laabteeda ka tirtaa hankii waallaa ee Xabasha (Abyssinia) caddeysaanna inay ka hartay. Ugu dambayn, waa in Itoobiya la timaaddaa niyad xalan iyo xushmo dhammaystiran. 

Dhanka Soomaaliya, waa in la ogaadaa inaysan habboonayn in maalgashi dekadeed Itoobiya la oggolaadaa kahor intaan la is la meeldhigin arrimihii waaweynaa ee labada dal is ku hayeen, waayo maalgashigu wuxuu daaran yahay wax-ku-lahaansho, marka dalkaas Itoobiya ee dekado-doonka, heshiis noocaas ah lala galo waxaa ka imaan kara murugsanaan badan. Dal kale ama shirkado meelo kale laga leeyahay waa maalgashaan karaan, Itoobiyana waa loo oggolaan karaa inay adeegsato dekadahaas, canshuuraha iyo khidmadaha adeegyadana iska bixiso. Waxaa kaloo loo oggolaan karaa inay kireysto dekad muddo la yaqaan, waase in kireyntaasi leedahay shuruudo adag, iyadoo laga feejignaanayo in heshiiska noocaas ahi uusan yeelan goldoloolo dhib dambe keeni karta. Ujeeddada looga taxaddaraayo lamacaamilka Itoobiya waa iyadoo waligeed u heellanayd waxyeellayn Soomaaliyeed iyo boobka dhulalkeeda, caddayn ku filanna aan loo hayn inay ka waantowday.