Tuesday, January 26, 2016

MAXAA GEDOOY MAANTA KU LA GUDBOON?


Mar haddii col shisheeye ah kugu soo duulay oo uu gumaadaayo dadkaagii iyo duunyadaadii. Mar haddaad cod iyo cudud kuu hiilliya ka weyday dawlad-u-yaalkaad ka tirsanayd, mid guud iyo mid gaar ahaaneedba. Mar haddaad ka weyday dareen damqada intii badnayd isirkaagii. Mar haddaad dunidii, markay doonto qeylin jirtay ka weyday in yar oo dirgasho ah, maxaa Gedooy ku la gudboon?

-        Waxaa ku la gudboon inaadan u caban ama u calaacalin mid ama koox aan kaa diirnaxayn ama iski/iskeed u candadowlan oo cidladu dhaanto.

-       Waxaa ku la gudboon inaad garato awoodihii adiga iyo isirkaaba dhibabka u horseeday, haddana wali ku hawllan dibindaabyeyn-taada.

-       Waxaa ku la gudboon inaad fahamto casharrada taariiikhda, waayo haddaan la fahmin taas, la ma fahmi karo waxa kolkaas taagan, la mana saadaalin karo waxyaalaha soo aaddan. Haddaad wax ka garato sooyaalka dalkaaga, waxaad garan doontaa dhibabka maanta jira halkay ka soo fufeen iyo xoogaggii maleegay, markaas kadib isu ma bihinbihin doontid kuwii duullayntaada u heellanaa, walina u heellan.

-      Waxaa ku la gudboon inaad garato in maanta dalkaagu uusan xor ahayn, dawlad qummanna lahayn,  sidaas darteedna ay tahay inaad labo ka la doorato; inaad qaayibto gumaysiga oo la dhaqanto xoogagga gumaynta iyo inaad isu abaabusho inaad is xorayso. Haddii aad tan hore doorato, waa inaad is dabcisaa oo aad madaxadaygga joojisaa, dantana u qumisaa kuwa ku gumaysanaaya. Haddii aad tan dambe doorato, waa inaad u dhaqantaa sidii ay u dhaqmi jireen xoogaggii gobonnimo-doonka ahaa ee dunida soo maray. Dadyowga xornimada u halgamaa waxay leeyihiin han sarreeya, waxayna ka gudbaan danaysi qofeedka iyo waxyaalaha aan waxtar guud u lahayn ummaddooda. Halganka dhabta maahan mid muluqmuluq iyo meelo-ka-qeylin lagu gaaro, ee waa mid cannaab badan oo u baahan in loo huro wax badan. Halganka dhabta ahi wuxuu qaataa waqti dheer, wuxuuna rabaa adadayg iyo inaan marna laga leexan waddada dheer ee yoolka fog lagu gaaraayo.

-      Waxaa ku la gudboon inaad ogaato, haddii aadan yeelan maamul, kaladambayn iyo hoggaan fiican, inaadan naftaada iyo mid kale toona wax tari doonin. Haddii aad aruuriso awooddaada oo aad si habaysan u hawlgasho, waxaa hubaal ah inaad cadawgaaga iska difaaci doontid, dalkaaga iyo dadkiisana wax weyn tari doonto. Haddii aadan gudahaaga ka abaabulin kaladambayn, is-tixgelin iyo ku-midaysnaanta danta guud, waxaa hubaal ah in liidashadaada lagugu haadsan doono, dadkaaguna silic iyo saxariir ka dhargi doono.

Kala-qeybsanaan iyo qadannimo la isku ma helo