Monday, January 28, 2013

Leexo (hees)

Innakoo lammaane ah
Iyo labo nafqeybsi leh
Talo geed ku laashee
Adigaa is lumiyoo
Isu loogay cadawgoo
Libintaadii siiyee
Waa adigaanse liitee
Leexadu ku sidatee
Hadba laan cuskanayee

Liibaanteed adduunyada 

Ruuxna laasan maayee
Maxaa luray naftaadii?

Waa laac adduunyadu

Labadii walaalo ah
Midba maalin ladayoo
Ruuxii u liilgalay 
Lama loolo dharaggoo
Luggooyaba ma geystee
Waa adigaanse laabtiyo
Lugaha is la waayee
Meel sare lalmanayee


Liibaanteed adduunyada 
Ruuxna laasan maayee
Maxaa luray naftaadii?

Anigaba laf iyo jiir

Waa tii i laasteen
Liqi waayay oontee
Adigaa lis caanoodiyo
Laas xareediyo
Layr iyo har diidee
Waa adigaanse sidii liig
Laasimay ugaadhee
Waaqlada u leexdee


Liibaanteed adduunyada 
Ruuxna laasan maayee
Maxaa luray naftaadii?

Dhaaxaad ladnaan rays

Sidaad aar libaax tahay
Tillaabada lalaysoo
Anna lahashadaadiyo
Ladi waayay ciiloo
Liidnimo i raacdee
Lallabaha habeynkiyo
Ma libdhaan jaceyl 
Ruuxuu labo dibleeyaa


Liibaanteed adduunyada 
Ruuxna laasan maayee
Maxaa luray naftaadii?

Friday, January 25, 2013

Sirmaqabe Raxmaankow (hees)

Sirmaqabe raxmaankow
Adigaa u sahanee
Waxba maan samaynine
Gardarradu ma socotee
Sareediyo samiriyo luggooyaan 
Kala saari waayee
Siday noqonba mooyee

Hadday samadu furan tahay

Suuradaha quraankiyo
Salligaan u dirayaa 
Inay kaan sugaayay
Sidaan ahay u sheegaan

Nafta lalama socon karo

Haddii caashaq saan yaal
Seefaha la gaaree
Sahwiyoo daraaddii
Sakaliyo saaciyo abaar baan
Kala sooci waayoo
Sanqar baa igu oogane


Hadday samadu furan tahay
Suuradaha quraankiyo
Salligaan u dirayaa 
Inay kaan sugaayay
Sidaan ahay u sheegaan



Friday, January 18, 2013

Malyuun Hibo La Siistaa (Hees..Yuusuf Maraddoon Cali "AUN")


Habka luqunta heensaha
Hannaankiyo laafyaha
Tallaabada habsamidiyo
Haasaawaheedaa
Malyuun hibo la siistaa

Hilaadda iyo joogsiga
Halkay timuhu gaareen 
Anay huq igu reebtee
Soo-horjoogsigeedaa
Malyuun hibo la siistaa

Hadalkiyo sheekada 
Hubkay xiratay Maandeeq
Anaa ku hiyi qaadmee
Haybaddeeda kaliyaa
Malyuun hibo la siistaa

Nin hoodo iyo nasiib laa
Adduun hela nafteedee
Filkeed uga hanweyniye
Hagooggeeda kaliyaa
Malyuun hibo la siista

Friday, January 11, 2013

Qalbi Guran Miyaa Qosol Lagu Godlaa? (hees)

Bishu goor labo ay tahay
Seddex tirada guud
Gogoshuu fadhiyay
Ruuxii ka guday
Way soo gabtaa
Garkan iyo garkaa
Midna gaari waa
Sow inuu gadaal
Laba guri dhexdood
Gabbal ugu dam yahay
Maan gorfaynin waa
Aniguna gaddaas
Ma gufaysan kari
Galdalooladaan
Go'a saar lahaa
Gacalkiyo bulshadu 
Sow igu ma garan
Sirta gebi cidla'
Geysaye miyaan
Goor iyo ayaan
Gaar kuu sasabi?

Kaa gaabsadee
Niyad kaa go'diyo
Qalbi guran miyaa
Qosol lagu godlaa?

Goray sheedaha koray
Geedaha ku yaal
Wuxuu goosto uu
Gaan-gaanbiyaba
Sow inuu gadaal
Guulaalid iyo xuddur

 Labada garab
Gees uun u dhaco
Maan gorfaynin waa
Anna goortii aad
Giringriisayee
Dhawrkii gamuunn
Tiriyeye gab yiri 

Ha is garab socdeen
Inaad labo-gardaaq
Laabta u geddiday
Waan kugu gartee
Gar ma qaadatide
Gododlow miyaan
Goor iyo ayaan
Gaar kuu sasabi?

Garka iyo maxaad
Ii qaban gondaha
Qalbi guran miyaa
Qosol lagu godlaa?

Friday, January 4, 2013

Cabdow Barisamaadkii (hees)

Inuu beer jaceyloo
Kalgacayl ku baahiyo
Hadallada baroorta
Boogaha damqinayaan
Uu kugu baahay maqallay
Baxnaanadu siday tahay
Miyaad weli bastaa tahay
Allahayow ku sama bixi

  • Cabdow berisamaadkii 
    Marka sheeko baraleydii
    Kaftan la isla beegsado
    Ma baraarugtaayoo
    Boholyow ma oydaa
    Wadnahaagu u bihinbihaa
    Qof badweyn dusheediyo
    Ka tallaabay buuraha
    Maw baaqayaayoo
    Wali maw baroortaa?

    Bidhaan uusan gaareyn
    Biligteeda muuqa
    Ma ka daba boqoolaa
    Bacadkiyo kulaylaha 
    Dhibta maw bareeraa?

    Bal mid raadkii gadatayoo
    Halkii bahal ku cuni laa
    Tilmaantii ku bixitimaa
    Miyuu baafiyaayoo
    Beelaha ka goobaa?

    Bukaan-socodka liitaa
    Ragga waa ku badan yee
    Haw baraq nuglaan
    Hawl cirka baaxaddiisa
    Barashada is nuugtiyo
    Axdigaagan baaba'ay
    Haween baad ku barataye
    Ka adkayso baydoo
    Ha ka daba balaanbalin

    Baahidaada adigaa
    Dhibka baanan karayoo
    Samo waxaad bidaysana
    Kuu ma baaso geline
    Dabka kugu baxaayaa
    Boholyow i geliyoo
    Aan is iri bakhtiiye
    Adaan kuu birmanayee
    Bashbash iyo barwaaqiyo
    Baraaraan rajeeyee
    Ayaan dantaadu baabi'in






Tuesday, January 1, 2013

Naftu Doqonsanaa! (hees)


Naftu doqonsanaa
Waxay doonto 
Kuu diri ogaa
Dantu ka adagaa
Durba celin ogaayey
Labadoo is dardaray
Dadka dhibi ogaa
Risqi Eebbe kuu diiday
Kaa durugsanaa
Nimuu duunyo siinaayo
Deeqdi u dhawaa
Taa waxaa daliil u ah
Haadka samada duuliyo
Diinkuba u siman colaad
Ninna caysh u daayacan
Aanu daal u soo marin
Ka ma helo daleelaha

Siday diintu nagu tiri

Dayaxana ha dhaaftee
Asaaggaa darajaduu helay
Rabbi kaa ma daahine
Dadaal gaari doontide

Naftu doqonsanaa

Damac waalanaa
Dabaylaha cirkay
Hadba kugu dartaa
Durdurkaa orday
Dar u xiro kugu tiraah
Dahab aadan lahayn 
Ku tiraahdaa daldalo
Ha ka dayrin waligaa
Noloshaad la daris tahay
Ha u doodin abidkaa
Mid ka loo ku dayasha
Taa waxaa daliil u ah
Oo looga digi karaa
Xaddiis baa ku soo degay
Mar uun la is ma garab dego
Dad ma wada sinnaan karo
Dantu waa is daba mar

Siday diintu nagu tiri

Dayaxana ha dhaaftee
Asaaggaa darajaduu helay
Rabbi kaa ma daahine
Dadaal gaari doontide

Dorraato Miyaad Illawday? (hees)


Adoo darayeysan gaajo
Hadduu deeq Ilaah ku siiyo
Haddaad darajiyo xil qaaddo
Daruuraha hadduu ku geeyo
Dushuu kaa eegayaaye
Ducaa la yaboohsadaa
Kibirka waa lagu dumaa

Nimcaduu kaa daadiyaaye

Dorraato miyaad illawday?

Adoo Dabadheer ka doogtay

Markaad durdurada bilawday
Habaar lagu doori maayee
Ducaa lagu doogsadaa
Markuu doobigaagu buuxo
Daboolka haddaadan saarin
Kibirku wuu daadiyaa

Nimcaduu kaa daadiyaaye

Dorraato miyaad illawday?