Thursday, March 28, 2013

Gacal Iyo Gayaan

Gabadha:
Geeddiga hayaankuba
Goor gaaban adigoo
Guri waayay laga baxay
Iyo ood aad gurataba
Gabbalkiina kuu dhacay
Dhirtaba geed aan la jarin iyo
Ogow lama garaacaan
Go'i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida gaddaase


Mar haddaynnu nahay gacal
Marna ahay gayaankaa
Gaar ahaanna caashaqu
Guudkaaga igu furay
Garashada xasuusoo
I sii gacan walaalnimo.


Wiilka:
Gudgudaha hillaacuba
Gu' barwaaqo oo da'ay
Godlan yihiin daruuru
Iyo dirir aan gaaggixin

Goglan tahayy xareedduna
Dhulkaba meel gawaanoo
Ogow geedo soo bixin
Go'i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida gaddaase
Gasariira ha noqonine


Mar ineynnu nahay gacal
Marna tahay gayaankay
Labadaaba garansani
Kuse guursan maayee
Ka saar niyadda ha gelin.


Gabadha:
Marti goor xun socotaa
Gurigaaga oo maran

Adigoon gasiin heyn
Iyo gaabanow ari
Geeluna irmaanayn
Dadkaba gobol aan la qadiniyo
Ogow gibil-ma-daadshaha

Loo-gawracaa jira
Ha gafine ujeeddadu
Waa sida gaddaydee


Mar haddaynnu nahay gacal
Marna ahay gayaankaa
Gaar ahaanna caashaqu
Guudkaaga igu furay
Garashada xasuusoo
I sii gacan walaalnimo.


Wiilka:
Hadalkeenna googgaa
Cadale ha galinine

Aniguba gantaallo
Haddii ay ku gaareen
Gacan baan ku siin laa
Galladda iyo nasiibkuna
Ogow gaadmo iyo orod
Midna laguma gaaree
Gar Allee dadkuna qaar
Waa sida gaddaase
Gasariira ha noqonine


Mar inaynnu nahay gacal
Marna tahay gayaankay
Labadaba garansani
Kuse guursan maayee
Ka saar niyadda ha gelin


Erayada:
1- Hayaan: Geeddi dheer oo nasasho ahaan hal meel ama dhawr meelood lagu sii hakado.
2- Gayaan: qof aad sharci ahaan iyo dhaqan ahaanba guursan karto.
3- Guud: sare; kor; halka madaxa ugu sarraysa
4- Gudgude: roobka habaynkii da'a
5- Dirir: xiddig if weyn oo xiddigaha naafaha la yiraahdo ka mid ah oo u dhexeeya dirir-day iyo garbo.
6- Gaaggixin: neef inta marka hore godlada, haddana wax qoonsada oo godolkii ka ba'o.
7- Gawaan: dibir; didib; digdigo.
8- Gasiin: Dhuuni; cunno; quud; dheef.
9- Gobol: qeyb; in
10- Gibil-ma-daadshe: gurgur; hayin; awr muddo la raranaayay oo xoog iyo dulqaad yeeshay. Gibil waa rarka ama xaamada/xammuulka, ma-daadshana macnuhu waa u-dul-qaate. 
11- Googgaa: furaha hadal gaaban oo hal-xiraale ah.
12- Cadale: furaha jawaabta hal-xiraalaha lagu bilaabo googgaa?
13- Gallad: abaal; deeq; liibaan; mahad.
14- Gasariira: aan nixin sida dadka ku dhasha oo ku ababa meelaha colaadaha iyo dhibabka kale ku badan yihiin oo isu roga dad naxdintii iyo naxariistiiba ka guureen.



Thursday, March 21, 2013

Doqoneey Dabkaa Ba'


Illeyn doqoni
Deyr ka ma kacdee
Daamankay meermisaa
Docday kaa jirtaa bay
Dhaxani kaa dishaaye
Ma diirsado walaalkeed
Intay dunida joogtee
Doqoneey dabkaa ba'

Da'deedoo hawl

U darbban bay huruddaa
Hoygeeda oo aan diidin
Bay daayacdaa
Dawarsi iyo tuugsashay
Ka doorataaye ma dad baa?
Doqoneey dabkaa ba'


Illeyn doqoni
Dayr ka ma kacdee
Daamankay meermeerisaa
Ruux daga ma weydee

Dabin ka ma fogaatee
Markay galaq tiraahday
Ilmada daadisaaye
Doqoneey dabkaa ba'


Xarigga labo dibleynayay soohataa
Dabarka lagu xirahayaa loo diraa
Daleedahay sidaa
Ka doorataaye ma dad baa?

Ma taqaanno dawgoo
Dabool baa ka saarane
Dareen ma laha garan kara
Arrimaha danteedee
Doqoneey dabkaa ba'!


Tacliinta oo loo dareeray
Bay dacal martaa
Daruustoo la qaadan sahashataa
Jaahilnimay ku daa'intaaye, ma dad baa?
Doqoneey doqoneey dabkaa ba’!

Thursday, March 7, 2013

Daymada Ilqabadka Le (hees)


Wiilka:
Qormo roob helayoo
Oo qanidoo
Ee xareeddu qarisaad
Qamareey quruxdeeda leedee
Qalbi-jire ilaahaay
In qanjirini le'eg tahay
Kaama uunan qadinine
Markaan Qamar ku eegaba
Qamuunyaan i lagaddee

Qortaada dheeree
Lagu qoray cabbaadhyada
Markii aad xaggayga
U soo qalloocisaaba
Ma liqdaa i qabatee

Gabadha:
Qorraxdoo aroortii
Qaar la soo baxdoo
Aan caadku qarin baad
Qummanoow,
Qaabaddeeda leedee
Nebi Yuusuf quruxdii
Qaadirkeennu siiyaad
Adna qeyb ka wadataayoo
Qeyrkaa ku dhaaftee
Haddaan qado anfaaciga
Adaan kugu qaboobaa

Marka aad qun u dhaqaaqdee
Tillaabada aad qaaddee
Deymada il-qabadka le
I qooransataa bay
Qososhaa naftayduye

Wiilka:
Labadaada qaariyo
Dhexdoo qabashadeeda
Geenyo qayrabahoo
Loo qaaday heensaha
Qotonkeeda leedee
Dayax qadimmadiisii
Aan caadku qariniyo
Cirkoo sagal ku qeydmiyo
Qureeshtii haweenkaay
Qadow geed ku yaaliyo
Qawdhihii magoolaay

Qoortaada dheeree
Lagu qoray cabbaadhyada
Markii aad xaggayga
U soo qalloocisaba
Ma liqdaa i qabatee

Gabadha:
Wax aan kugu qiyaaso
Ama kugu qaddariyo
Qabri hoosee mooyee
Qummanoow,
Qarnigaba ma noolee
Qadaf ku hadli maayee
Ammaantaan kuu qiray
Waad midaan u qalantoo
Qaayo aad ka gaadhee
Wax ilaahaay kuu qoray
Lagaa qaadi maayee

Marka aad qun u dhaqaaqdee
Tillaabada aad qaaddee
Daymada il-qabadka le
I qoraansataa bay
Qososhaa naftayduye

Kii Dhaba Jacaylkuna..(hees)

Dhirta xididka hoosaa
Dhulka loogu beeree
Waa dhici lahaayeene
Dhismahooda weeyee

Kii dhaba jacaylkuna
Halkii kama dhaqaaqoo
Dhidib baa u aasan

Waa sida dhillow-yahan
Intuu laan isaga dhagay
Dhexda loogu marayoo
Dhoqso uga baxayee

Kii dhaba jacaylkuna
Lama kala dhantaaloo
Lafuhuu dhammeeyaa

Sida dhudaha weeyaan
Isu dheellitiranoo
Mid ba dhan u baxaysoo
Dhinaca isa saaree

Kii dhaba Jacaylkuna
Waa dhaqan-wadaag iyo
Isu dhaarasho daacada

Sida dhalanka weeyaan
Dheehaa caleentee
Ubax wada dhalaaliyo
Dhinbishaa haraysee

Kol hadduu dhulman yahay
Kala dhuuman maynee
Waagaa dharaar noqon

Kii dhaba jacaylkuna
Lama kala dhantaaloo
Lafuhuu dhammeeyaa

Erayada:
1- Dhidib: Tigin; qori dhulka lagu aaso si wax loogu xiro (sida teendhada oo kale).
2- Dhillow-yahan: Qadow; waa dhir dhirta kale ka dul baxda.
3- Dhudaha: miiq; dun ama samays kale oo inta la sooho xarig iwm laga sameeyo.
4- Dhalanka: alaalo; waa caws waaweyn oo dheeraada.
5- Dhulman: bacool; waa laba qalbac oo aad u kakan (adag) oo naflayda badda qaarkeed ku dhex nooshahay. 
6- Dhinbil: abqo; dhaameel.

Friday, March 1, 2013

U-Qaybinta Soomaaliya Jumhuuriyado Moosley Ah

U-Qaybinta Soomaaliya Jumhuuriyado Moosley ah   “Dividing Somalia into Banana Republics”
Yaa ka macaashaya Soomaaliya oo taagdaran?
Erayga ‘Balkanization’  waxaa loo la jeedaa  meel ama dal loo qaybiyay kooxo yaryar oo siyaasadeed oo inta badan isu col ah, erayguna sidiisaba wuxuu ka soo jeedaa Jasiirad-la-moodda Balqaan (Balkan Peninsula), oo bilawgii qarnigii 20-aad loo qeybshay qarammo yaryar. Maanta Soomaaliya waxaa ku habboon tilmaanta kor ku sheeggan, iyadoo ah meel ay deggan tahay hal qolo oo wadaagta in badan oo daw ku siinaysa sameynta hal dal. Waxaa la barbar dhigi karaa Boqortooyada Carbeed ee Sucuudiga oo uu mideeyay, kana dhigay hal dal oo casriya Boqorkii Cabdulcasiis Binu Sacuud.

Sida ku xusan bogogga taariikhda waxay dadka S/liyeed isku dayeen seddex jeer inay noqdaan hal dal, seddexda jeerba waxaa xagal daaciyay xoogaggii shisheeyaha. Markii hore waxaa xagal daaciyay Bortuqiiska oo hub cusub ku xasuuqay imaam Axmad-Gurey iyo dagaal- yahannadii S/liyeed. Markii labaad waxay dhicisooday, kadib markii Imbardooriyadda Ingriisku ay diyaarado ahaa hub cusub ku garaacday, kuna xasuuqday kumaankun S/liyeed oo gobonnimo-u-dirir ahaa, kuwaas oo markaas ka hawlagalayay dhanka waqooyi ee Soomaaliya. Lixaadka baab’inta iyo dhimashada tirada  badan ee ay keeneen diyaaradahaasi waxaa ka muuqda in la adeegsaday hubka kiimikada, is la hubkaas wuxuu Jaarjiil u adeegsaday Kurdiga. Waxaa dad badan aamminsan yahay in Ingriisku sumeeyay ceelal biyood ay dagaal yahannadii S/liyeed ka waraabin jireen fardihii Carbeed ee S/lidu u taqaanay Sunaari. Markii seddexaad waa 1977-dii xilligaas oo qaranka Soomaaliyeed dhammaanti u hawlgalay sidii loo xorayn lahaa dhulalkii Soomaali Galbeed, waxaana hoggaaminaayay ololaha xoraynta Jaalle Max’d S. Barre. Markaan waxaa xagal daaciyay guushii weynayd, xoogaggii bariga oo duullaamo toos ah ku soo qaaday ummadda Soomaaliyeed iyo kuwii galbeedka dunida oo hoosaasinaayay qaranka Soomaaliyeed.

Balqanayntii hore ee Soomaaliya waxay bilaabatay markii Ingriiska oo ah hindisaaga colaado badan oo maanta dunida ka oogan iyo jaallayaashiisu ku guuleysteen dagaalkii labaad oo dunida, waayahaas oo isirka Soomaaliga ah dhammaantiis hoos yimid imbaradooriyaddii Ingriiska. Dadka ku dooda ‘Somaliland’,  oo  u la jeeda dhulkii  S/liyeed ee Ingriisku xukumay waxay ka boodeen in qaybta ay ku  sheegaan koofur S/liya ay hoos joogtay Ingriiska sannadihii 1941 ilaa 1948.


Ingriisku wuxuu dunida ku xukumay qorshaha ah; qaybi oo xukun, waxayna uga hirgashay Hindiga, Bariga Dhexe iyo Afrika. Is la qorshahaas waxaa Ingriisku ku doortay inuusan midayn dadka ku abtirsada isirka Soomaaliga, isagoo u cabsanaayay danahiisa, kadib markuu ogaaday dareennadooda qotada dheer ee reer gurinimada ‘nationalistic sentiments’. Waxaa Ingriisku ka cabsaday in dareenkaan xooggan ee reer gurinimada ah iyo Soomaali oo midaysan ay keeni karto inay marinka Baab Al-Mandab ee markiibta ganacsiga ee Ingriisku ku gooshi jirtay ay ka taliyaan, arrintaasi waxay ku dadajisay Ingriiska inay Soomaali qaybiyaan. Dhanka koonfurta waxay mar labaad u oggolaadeen in gumaystihii Talyaanigu mar kale ka taliyo, dhulkii Hawd iyo Qeybihii Kaydka ahaa waxay guddoonsiiyeen nacabkii Soomaaliyeed ee soo-jireenka ahaa waa Abasiiniya e, degmadii seeraha waqooyi ee Kenyana (NFD) waxay guddoonsiisay Kenya.

Qalimada shisheeye iyo dhawaaqa ah in la burburiyo Jumhuuriyadda S/liya waxaa horseed ka ah kooxo aqoonyahanno ah  oo u shaxaatamaya  aqoonsiga Somaliland. Arrintaasi waa qeyb ka mida dhagarta socota oo S/liya lagu balqanaynayo, waana dhammaystirka himiladii Ingiriiska. In badan oo isla innaga ah ma garan dadka, sida Lawiis oo kale  oo kobconiya siyaasadaha  dalalkooda. Lawiis oo in muddo ah joogay waqooyiga, bartayna Soomaalida reer guuraaga ah iyo taariikh-dhaqam/ka, waa hubaal in xafiisyadii gumeystuhu adeegsadeen xoguhuu aruuriyey kuna jaan gooyeen aayaha S/liya. Ingriiska waxaa u  muuqatay khatarta dadkaan qabka weyn oo sida daran waddaniga u ah keeni karaan. Lawiis wuxuu Soomaali ka sheegay sidii kii ka horreeyay ee  Burton ahaa ka sheegay; jinsiyad kulul oo kacsan oo jumhuuri ah “fierce and turbulent race of Republicans”. In kasta oo Ingriisku saxiixay heshiiskii uu ku siinayay Itoobiya Hawd iyo qeybihii kaydka ahaa 29kii Nofeembar 1954, haddana xogtuu aruurshay Lawiis kadib 1954 waxaa hubaal ah inay saameyn ku lahayd aragtidii Ingriiska ee qeybinta S/liya. Waayahan dambe waxaa ku soo biiray qalmaantii shisheeye nin aqoonyahana oo Afrikaana oo muslin ah, lana yiraahdo Cali Masruuci. Booqasho uu ku tagay dhawaan Somaliland, wuxuu ku booriyay hoggaamiyaasha iyo waxgaradka aaggaas inay iska illaabaan wareerka ka yimid erayada Somaliland iyo Somalia oo ay qaayibaan magaca Somali-Stan sida Pakistan iyo Afghanistan oo kale. Markuu ka dagay Gegida Dayuuradaha ee Cigaalna waxaa loo soo dhaweeyay sida madax talis dal. Waxaa soo dhaweeyay seddex Wasiir oo doora, qadadii magaciisa lagu sameeyayna waxaa ka soo qeyb galay M/weynaha Somaliland. Soo-dhaweyntii hab madax-daleedka aheyd ee loo sameeyay macallin Jaamacadeed oo iska taagyar, bay tahay inay taabatay Masruuci kana soo ridday erayga Somali-stan. Ma farxaddii martingelinimada S/liyeed baa macallinka maan qaadday? Mise wuxuu u gafayaa garaadka madaxdeenna waqooyi, oo soo-jeedinta ninkaas ka dhigtay inay soo galaan bahda “stans” ee dunidaan, si ay uga fogaadaan S/linimada. Hadduu macallinku daacad yahay, waxay ahayd inuu erayga Somali tiroo, halkeeda geliyo land si dalkaas u noqdo “Landstan”. Qorshaha arrintu waxaa weeye in dadka S/liyeed la marin habaabiyo oo ay rumeystaan in yar oo aqoon-yahanno shisheeya ah oo waxqabadka shaqadoodu iska luudayso inay aqoonsi u keeni karaan. Waxay ku soo dhaweeyeen raggaas caleemo qoyan, ubax iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Abaabulidda iyo kicinta ubadkeenna iyo dumarkeenna iyo ubax-lulista shisheeyaha aan dalkooda jaga ka hayn, waxay na xusuusinaysaa tabihii talisyo hore. Masruuci mudnaantaas ma ka heli karaa dalkiisii hooyo?

Gadood dhawaan laga muujiyey “dhagarta qarsoon ee Balqanaynta S/liya”. Qof ku deeqay inuu qeexo waxa macallinka jaamacadeed uga jeedo, wareysi dheer oo loo la jeeday dadweynaha, kana baxay idaacad wuxuu yiri bare jaamacadeed oo la yiraahdo Williya, Ojiing: Waxay u eg tahay inaysan kaligay ahayn dadka ay ku adag tahay inuu fahmo Bare Masruuci. Waa dhab inuu qoray faallooyin badan oo aan oran karo bar ma akhriyin, haddana ma arag hal mida oo aan is iraahdo waad u bogtay. Waa ogahay oo wuxuu oran doonaa gafku xaggayga ma aha, maxaan qaban karaa haddaad dhego culus tahay? Sida muuqata kuwa  hooyay ee Maraykanka ah way ku adag tahay odayga inay fahmaan. Inkasta oo uu qudbado iyo qoraallo badan yahay haddana garan waaye wuxuu leeyahay iyo ujeeddadiisa, iyana ma dhego culus yihiin?

Si loo garto ujeeddada Williya oo weerarka ku ah Bare Masruuci waa in la akhriyo dhammaan maqaalkiisa. Anigu qoraalkaan uma qorin inaan baraha caanka ah weeraroo ee halkaan waxaan ujeedaa inay w/lahayga waqooyigu gartaan inuusan Masruuci aqoonsigooda dawladeed u uluungeyn karin, balse dhab ahaan ma jiro shisheeye u uluungeyn kara.

 Aqoonyahannada shisheeye, sida Lawiis iyo Masruuci waxay la tahay inaan nahay goob-layliyeedka aqoontada iyo aragtiyadooda. In badan bay naga kasbadaan, danna kama laha waayaheenna dambe iyo aayaheenna.

Fikraddii barka rootiga ee Lawiis  iyo Somali-stan/ka  Masruuci, waa dhibo cusub oo hadday hirgalaan kaliya kobcinaaya hummaaggooda. Inta ay adeegsanayaan shisheeye u soo qarraafa sow kuma habboona kuwa u qaylinaya goosashada inay walaalahood la galaan wadahadal waxtar leh? Sow ku ma habboona inay u sheegaan walaalahood sababta ay sida cudurka Juudaanka uga cararayaan? Maxay ugu dhaqmayaan sidii sey Soomaaliyeed oo xanaaqsan oo cod dheer ku yiri afadiisii: seddex dalqadood baan kugu furay? Maxaa ka dhigay waleeco inay la doodaan walaalahooda Koonfureed oo ka arrinsadaan dalkooda hooyo?

 Dimuqraadiyaddu laba dhalanlle maaha, intaad tuduc doorato aad dan gaara ku qancinayso. Waa in la taageero codadka waqooyi ee doonaya in la yagleelo dal qura. Waa in loo oggolaado inay la hadlaan dadweynaha oo ay u sharraxaan hammigooda u jeeda Soomaali itaal leh. Waa in la eegaa rabitaanka iyo xeerarka midnimada, lana diyaariyaa warqadaha hantida iyo qaan sheegashada. Taasi waxaa la diyaarinayaa marka cabsida iyo naceybku naga bidaan. Naceybku wuxuu burburiyaa kuwa qaba, uumi buuna u rogaa, si toosanna uma fakaraan.

Waxaan giddigeen ku soo dhibtoonnay talisyadii rayidka ahaa ee musuqmaasuqa ahaa iyo tii millatariga ee gacanta kululayd.
Haddaan maanta cafinay kuwii talisyadii hore ka tirsanaa ee hadda madaxdeenna kamid ah, waxay ila tahay inaan meel uga helaynno qalbigeenna kuwa kale ee aan lug ku lahayn cadaadisyadii iyo burburintii. Waxaan ogahay in dhaawacu uu waqti uu ku bogsoodo u baahan yahay, hase yeeshee 20 sano waa dheer tahay, kuna filan illowsho iyo inaan dhabbaha dhaymada cagta saarno, noqonana kuwa mar kale harsada dallaalnimo qura, dadabnana gabbaati naga dhawra rafaadkii  aan giddigeen soo marnay. Waa inaan ka baranno dalalka sida Koonfur Afrika iyo kuwo kalaba oo dhayay dhaawacyadoodii . Waa inaan halbeeg ka dhigannaa shakhsiyadaha sida Maandeella oo kale intaan gargaar ugu  jalleecsan lahayn shisheeye qaybinteenna u qooro weyn.

Inta koonfurtu ay qaska ku jirto waxaa bilan su’aasha yaan la xaajoonnaa? 


Jawaabtu waa caddahay waana fududdahay. Waxaa lala xaajoonayaa xubnaha bulshada ee nabadda jecel, iyadoo la gees marayo qab/layaasha dilka iyo dooxidda ku caan baxay. Waxaana loo  bilaabi karaa sidaan: Waxaa la furayaa dood lala yeesho xubnaha bulshada ee madaniga ee koonfurta. Waxaa la unkayaa run iyo kulanno dib-u-heshiisiin ah oo ay guddoonshaan magacyo horyaal ahi. Waxaa la is weydaarsanayaa ardayda dugsiyada booqasho ahaan. Waxaa daaha laga rogayaa doodo dhex mara isimmada labada dhan oo waxtara. Waxaa ergo loo dirayaa koonfurta si guryahooda laban u hagaajiyaan.

S/lidu waa dad isku abuura, ku wada hadla af qura, eebbe qura caabuda, si aadana isu muuqaal eg. Middaan dambe waxay sii xoojinaysaa doodaha xooggan ee waabka kala-fuqa kadhanka ah.

Diidmada ugu xooggan ee ka-dhanka ah wadajirka ee aan maqlo waxay ka timid madaxweynahii Somaliland  Rayaale oo qado dawladeedkii Masruuci ka yiri; Carabtuba iyadoo nala gad ah waxay u ka la dhambalantay 21 dal.  Waxaa laga yaabaa in warka madaxweynuhu dad badan macno u sameeyo, hase yeeshee waa inaan garwaaqsannaa in dalalka Carabtu hal dal ahaan jireen waayihii Khaliifaddii Cusmaaniyada. Taasina waa kahor intaan reer galbeedku bilaabin olalihii boobka ahaa ee hodannimadii Islaanka. Waagaas waxay maleegeen dhagar xirrib leh oo ah qaybi oo xukun. Waayahaas waxay u qaybsheen dunida Carabta dalal yaryar, taasoo u fududaysay inay hantiyaan dalalkaas, dharaqsadaanna hodonnimadoodii . Waa fududahay in lala xaajoodo dal dadkiisu boqollaal kun yihiin, marka loo eego dal dadkiisu malaayiin yihiin.

Si kastuu yahay muranka labada waab,  waxay dhabtu tahay, in dunidu maanta u janjeerto ahaanshaha xaafad yar. Halkaas oo kuwa ka midaysan dhaqaalaha iyo siyaasaddu noqonayaan gudbayaasha waayahan cusub. Dalalka Shiinaha iyo Hindiga ee korritaankooda dhaqaaleed ugu xawli dheer yahay, haddana  wadarta dadyawgoodu seddex daloolow hal dalool ka tahay tirakoobka dadweynaha dunida, waxaa ugu wacan bashbashtooda dhaqaale midnimadooda, iyagoo waliba kala af iyo diin duwan. Kuwaas u qaylinaya ka la go’a S/liyeed, waxay moog yihiin hadday saas ku wadaan inay qareen u noqonayaan, abla-ableynta dalal yaryar oo S/liyeed  oo moosley ah oo wada taagdaran oo shirkadaha dalal-badanta ahi ka danaystaan. Qeexidda ugu habboon oo aan gartay  ee “ banana republic” waa sida dal yar oo bartamaha Ameerika ku yaal oo aan siyaasad ahaan degganayn oo dhaqaalihiisa ay maamulaan shirkada shisheeye, kuna tiirsan dhoofinta mooska. Soomaaliya waxay ku habboon tahay sifahaas. Mooska iyo xooluhu waxay ahaayeen, ahaanna doonaan dhoofinteenna doorka ah. Ku-tiirsanaanta hal nooc oo badeeco ah waxaa xanuunkeeda laga dareemi karaa cunaqabayntii Dawladda Sacuudiga Carbeed ku soo rogeen meesiyadeenna, arrintaas oo dadkeenna geyaysiisay dhibo dhaqaaleed.

Soomaali oo mida waxay awoodi doontaa inay wax dhoofinteeda ka la jaad ka dhigto, taas oo  S/liya ka yeelaysa Singabuurta Afrika, waana sidii Safiir Saxnuun uu dhawaalaha oddorasay. S/liduna waa macaashlayaal karti badan oo hadday helaan maamul dawladeed fiican, midoobaanna fulin kara oddoraskaas. Lurka labaad ee dawladda moosku leedahay waa iyadoo dhaqaalaha ay hantiyi doonaan koox tixgelin gaara lihi, dadka intiisa badanna ahaan doonaan sabool. Kuwa ku dheggan qaybinta maxay isu weydiin waayeen su’aashaan fudud; maxay aqoonyahannada galbeedka iyo kuwa la halmaalaa ugu hawlan yihiin qaybinteenna, halka ay maanta dalalka reer Yurub u jeedaan hal summada, hal lacaga oo la yiraahdo Euro, hal gole shacab iyo hal bangi dhexe?



Markay Yurub ogaatay inay ka dambeeyaan  Dalalka Midoobay ee Ameerika iyo Jabbaan waxay go’aansadeen inay mideeyaan dhaqaalahooda si ay u awoodaan la-tartanka kuwaas qirada weyn leh. Waxay garwaaqsadeen in midnimadu huwan tahay barwaaqo, itaal iyo degganaansho. 

Waxaa hoobtay darbigii Baarliin, Jarmalnna mar labaad buu midoobay, waayo labada dhinacba waxay u arkeen in dantoodu ku jirto. Midawgii Soofiyeetka iyo qarannada Yurubba ma dooneyn inay arkaan mar kale Jarmal xoog leh. Waxay filayeen kala-taggii Jarmal ee dhanka hababka Siyaasadda iyo dhaqaalaha ay ku filnaayeen kala-jooggooda, waxaase beeniyey dadka reer Jarmal.

Dadka S/liyeed waxay dunida u muujin doonaan inay mar kale noqonayaan dal mida oo itaal leh; midkaas oo wax ka bartay waayihii la soo dhaafay; midkaas oo qaayiba ganacsiga xorta ah iyo wadatashiga dhabta ah.

Fiirooyinka gaarka ah ee gunaanadka; waa inaan ka la  doorannaa Soomaali xoog leh oo mida iyo dalal yaryar oo moosley ah oo shirkadaha hunguriga badan iyo dalalka itaalka lihi ka danaystaan. Kuwaasi intay hoggaam/nna awoodda  yar laaluushaan bay ka dhiganayaan dalkeenna saldhigyo ciidan, goob lagu shubo qashinka atoomikada iyo kiimikada. Intaan kala doorashadaan adag ku jirno waa inaan maanka ku haynnaa da’heenna soo beegan waayaha dambe oo uu saameyn doono khiyaarkeennu. Intaannaan mid go’aansan waa inaan isku daynnaa bi’inta nacaybka iyo cabsida aan ku quudanaynnay 20kii sanoo  dheeraa oo xanuunka badnaa.







Xigasho: maqaal af Ingiriis ah oo uu qoray Cali X. Cabdalla (wardheernews, Apr. 2, 2006 )