Gabadha: Geeddiga hayaankuba Goor gaaban adigoo Guri waayay laga baxay Iyo ood aad gurataba Gabbalkiina kuu dhacay Dhirtaba geed aan la jarin iyo Ogow lama garaacaan Go'i waaye inuu jiro Gar Allee dadkuna qaar Waa sida gaddaase Mar haddaynnu nahay gacal Marna ahay gayaankaa Gaar ahaanna caashaqu Guudkaaga igu furay Garashada xasuusoo I sii gacan walaalnimo. Wiilka: Gudgudaha hillaacuba Gu' barwaaqo oo da'ay Godlan yihiin daruuru Iyo dirir aan gaaggixin Goglan tahayy xareedduna Dhulkaba meel gawaanoo Ogow geedo soo bixin Go'i waaye inuu jiro Gar Allee dadkuna qaar Waa sida gaddaase Gasariira ha noqonine Mar ineynnu nahay gacal Marna tahay gayaankay Labadaaba garansani Kuse guursan maayee Ka saar niyadda ha gelin. Gabadha: Marti goor xun socotaa Gurigaaga oo maran Adigoon gasiin heyn Iyo gaabanow ari Geeluna irmaanayn Dadkaba gobol aan la qadiniyo Ogow gibil-ma-daadshaha Loo-gawracaa jira Ha gafine ujeeddadu Waa sida gaddaydee Mar haddaynnu nahay gacal Marna ahay gayaankaa Gaar ahaanna caashaqu Guudkaaga igu furay Garashada xasuusoo I sii gacan walaalnimo. Wiilka: Hadalkeenna googgaa Cadale ha galinine Aniguba gantaallo Haddii ay ku gaareen Gacan baan ku siin laa Galladda iyo nasiibkuna Ogow gaadmo iyo orod Midna laguma gaaree Gar Allee dadkuna qaar Waa sida gaddaase Gasariira ha noqonine Mar inaynnu nahay gacal Marna tahay gayaankay Labadaba garansani Kuse guursan maayee Ka saar niyadda ha gelin Erayada: 1- Hayaan: Geeddi dheer oo nasasho ahaan hal meel ama dhawr meelood lagu sii hakado. 2- Gayaan: qof aad sharci ahaan iyo dhaqan ahaanba guursan karto. 3- Guud: sare; kor; halka madaxa ugu sarraysa 4- Gudgude: roobka habaynkii da'a 5- Dirir: xiddig if weyn oo xiddigaha naafaha la yiraahdo ka mid ah oo u dhexeeya dirir-day iyo garbo. 6- Gaaggixin: neef inta marka hore godlada, haddana wax qoonsada oo godolkii ka ba'o. 7- Gawaan: dibir; didib; digdigo. 8- Gasiin: Dhuuni; cunno; quud; dheef. 9- Gobol: qeyb; in 10- Gibil-ma-daadshe: gurgur; hayin; awr muddo la raranaayay oo xoog iyo dulqaad yeeshay. Gibil waa rarka ama xaamada/xammuulka, ma-daadshana macnuhu waa u-dul-qaate. 11- Googgaa: furaha hadal gaaban oo hal-xiraale ah. 12- Cadale: furaha jawaabta hal-xiraalaha lagu bilaabo googgaa? 13- Gallad: abaal; deeq; liibaan; mahad. 14- Gasariira: aan nixin sida dadka ku dhasha oo ku ababa meelaha colaadaha iyo dhibabka kale ku badan yihiin oo isu roga dad naxdintii iyo naxariistiiba ka guureen. |
Taariikhdu wax bay hagtaa, dadkuna wuu haybsadaa, adduunkuna waa hayaan, hir doog laa lagu socdaa, hoggaankuna waa cilmiga, naftaada lama hagrado, qeyrkaa ka har waa habaar...(War Helaa, Talo Hela)
Thursday, March 28, 2013
Gacal Iyo Gayaan
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment