SEERAYNTA BADAHA
Dhul-Biyoodka, ama Dhul-Badeedka, sida lagu qeexay
Shirweynihii Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda ee sannadkii 1982dii waa dildil ama daliig biyo xeebeedka ah oo
dheraran ilaa 12 mayl badeed (22 km; 14 mi) ama ka badan (Soomaaliya
200 mayl badeed) taas oo ka kacda diillin-saleedka (aalaa astaan biyood
dhexdhexaada) ee dal-xeebeedka. Dhul badeedka waxaa laga dhigay qeyb ka mid ah
dhulka dalka madaxa bannaan, in kasta oo maraakiibta shisheeye (ciidan iyo rayid)
loo oggol yahay inay dhex maaxaan iyagoon dan gaara ka lahayn dhul-biyoodkaan. Madaxbannaanida
dhulkaan waxay fidsan tahay ilaa hawada ka sarreysa daliig-badeeddaan ka midka
ah qeybta dalka madaxa bannaan iyo ilaa moolka hoose ee daliigtaas.
Si aan rismi ahayn waxaa oraahda “biyo
dhuleedka” marmar loo adeegsadaa si loo tilmaamo aagga biyaha dalku sharci
ahaan maamulo, oo uu ku jiro dhul-biyoodka gudaha ah, aagga soohdinta ah, aag
dhaqaaleedka gaarka ah iyo dhulka gogol-badeedka ah ama qolof-badeedka ah (waa
dhulka soo baxaya haddii biyaha dul ceegaaga la mariyo).
Aalaa, diillin-saleedka waxaa laga
cabbiraa diillin biyood hoosaysa oo marta xeebta dalka la rabo in la cabbiro
dhul-biyoodkiisa ama dhul-badeedkiisa waxaana lagu muujiyaa diillintaas
shax-xeebeed, dalkaas xeebaha leh aqoonsan yahay. Waxay diillintaani dhici kartaa
meesha ugu hoosaysa godanka badda, ama waxay noqon kartaa kafogaanta aan
xaddidnayn dhul si joogto ah bannaanyaal u ah, iyadoo la rabo in cad ka mid ah
dhulkaas ay muuqato marka baddu caarido, marka ay soo buuxsantana qeybtaasi
biyaha hoos tagto (sida meelaha dhoobadu fadhidu) wuxuuna ka mid noqonayaa 12ka
mayl badeedka ama 200 mayl badeedka ah ee sida joogtada ah bannaanyaalka u ah. Diillimo-saleedyo
toos ah waxaa lagu qeexi karaa iyadoo lagu xiriirinaayo jasiirado ku taxan
xeebta afka wabiyaasha, ama iyadoo leh tixgelinno kala duwan oo lagu
xiriirinaayo afafka qoolaabyada. Arrinkaan markuu sidaan yahay, qoolaab waxaa
lagu qeexaa “afmeeritaan si wanaagsan u astaamaysan kaasoo dhexgalkiisu uu la
falgelaayo ballaca afkiisa si ay markaas ugu jiraan biyayowga dhulku ku
hareeraysan yahay oo u taagan wax ka badan godnaanta xeebta. Si kastaba ha
ahaatee, waa inaan afmeeritaanka laga dhigin qoolaab, haddii aan badkiisu uusan
u ballaarnayn, ama ka weynayn goobo-lamoodda dhexroorkeedu uu yahay diilllin la
mariyay afmeerkaas”. Diillin saleedka maraysa qoolaabka waa inaysan iyadana
dhererkeedu ka badan 24 mayl badeed (44 km; 28 mi).
Biyayowga diillin-saleedka ka xiga
xagga dhulalka gudaha ah waxaa lagu qeexaa inay yihiin biyayowga gudaha ah oo
si dhammaystiran u hoos taga dalka madaxa bannaan, loomana oggola inay cidna dhex
marto. Wabiyaasha iyo harooyinka waxaa laga dhigay
inay yihiin biyayowga gudaha ah, sidoo kale biyayowga jasiiradaha ee ku siman
agagaarka dal-jasiiradeedka sida Indooniishiya, Jabbaan iyo Filibbiin.
Dhul-badeedka dalku wuxuu markii laga
soo cabbiro diillin-saleedka, fidsan
yahay ilaa 12 mayl badeed ama 200 mayl badeed. Haddii diillin-saleedkaani ku
labanto dhul-badeedka dal kale, soohdinta waxaa laga cabbiraa dhibic
dhexdhexaad u ah labadii diillin-saleed ee dalalka, waa haddii aan si kale
labadii dal ku heshiin. Waxaa dal kasta jid u leeyahay inuu sheegto dhul-badeed
yar.
Waxaa dhaca shaqaaqooyin mar kasta oo
qaran xeebeed sheegto gacan biyood dhan iyadoo qarammada kale, kaliya ay
aqoosan yihiin qeexitaannada shirweynaha QM (shirweynahaas waa kii Soomaaliya
iyo dalal kalaba loogu oggolaaday dhul-biyood dhan 200 mayl badeed). Waxaa
tusaale ah, markii Gacanka Sidra dhammaantiis ay sheegatay Liibiya kana dhigtay
dhul-biyoodkeeda gaarka ah halkaas oo Dalka Maraykanku labo jeer xoog ku
meel mariyay bad-ku-gooshka xorta ah ee gacankaas. Waxay ku beegnaayeen
dhacdooyinkaasi sannadihii 1981dii iyo 1989kii.
Aag-soohdimeedku waa
qeyb biyood ka bilaabata geeska u dambeeya dhul badeedka, fidsanna ilaa 24 mayl
badeed (44 km; 28 mi) marka laga jimeeyo diillin-saleedka. Dal walba
wuxuu ku soo rogi karaa aag-soohdimeedkaas maamul ulajeeddadiisu tahay
kahortagga ku-jawrfalayaasha hababkeeda canshuuraha, dhaqaalaheeda, socdaalka
ama sharciyada fayodhawrka.
Aag Dhaqaaleedka Gaarka
Ah: waxaa laga cabbiraa dhammaadka dhul badeedka wuxuuna fidsan
yahay ilaa 200 mayl badeed (370.4 km) , sidaas darteed waxaa ku jira aaggaan,
aag-soohdimeedkii. Waxay qaran xeebeedyadu daw u leeyihiin inay maamulaan
dhammaan ilo-dhaqaaleedka aaggaan, oo ay ku jiraan kalluumaysiga,
macdan-qodashada, sahminta saliidda, iyo waxyeello kasta oo loo gaysto ilahaas.
Si kastaba ha ahaatee, qaran-xeebeedku ma diidi karo maritaanka aaggaan iyo
ku-hakashadiisa, ama moolka badda, waase haddii la dhawro sharciyada iyo
xeerarka dawlad xeebeedka iyo hab-dhaqannada QM. Sannadkii 1982dii, waxay qarammo
xeebeedku si garnaqsi leh u fidiyeen biyayow dhuleedkooda iyagoo ku dadaalayay
inay maamulaan hawlaha hadda lagu maqoorado aag dhaqaaleedka gaarka ah (the
exclusive economic zone), sida ka-sahaminta saliidda moolalka badaha ama
xuquuqaha kalluumaysiga.
Qeexitaan: Qolaf Qaaradeedka (continental shelf) ee dalal xeebeedku wuxuu fidsan yahay ugu yaraan 200 mayl badeed (370 km) iyadoo laga soo cabbiray diillin saleedka bad dhuleedka. Qolof qaaradeedku waa inuusan fidsanaan in ka badan 350 mayl badeed (650 km) marka laga soo beego diillin saleedka.
Qeexitaan: Qolaf Qaaradeedka (continental shelf) ee dalal xeebeedku wuxuu fidsan yahay ugu yaraan 200 mayl badeed (370 km) iyadoo laga soo cabbiray diillin saleedka bad dhuleedka. Qolof qaaradeedku waa inuusan fidsanaan in ka badan 350 mayl badeed (650 km) marka laga soo beego diillin saleedka.
Qeybta qolof
qaaradeedka ka tirsan oo ka rogan 200 oo mayl badeed waxaa loo yaqaan qolof
qaaradeedka la fidiyay (extended continental shelf). Dalalka
doonaya inay fidiyaan qolof qaaradeedkooda in ka sii rogan 200 mayl badeed waa
inay xogta sheegashadooda soo gaarsiiyaan Guddiga Seeraynta Qolof Qaaradeedka (Commission
on the Limits of the Continental Shelf). Markaas kadib waa in guddigu talooyin
ka bixiyaa arrimaha ku saabsan yagleelidda seerayaasha. Seerayaasha lagu qotomiyay
talooyinkaas waxay noqonayaan sharci iyo go’aankii kamadambaysta ahaa ee qolof
qaaradeedkooda.
Qodobbada 77aad ilaa 81aad ayaa qeexa
dawyada dal u leeyahay inuu maareeyo qolof qaaradeedkiisa. Qaran xeebeedku wuxuu jid u leeyahay
inuu maamusho dhammaan ilo dhaqaaleedyada ku dul sugan ama hoos ugu jira qolof
qaaradeedkiisa, ha ahaadeen kuwo nool amase yaysan noolaane, laakiin daw uma
lahaa inuu iski u maamusho nolollayda ku dul sugan qolofka ka baxsan aag
dhaqaaleedkiisa gaarka ah (exclusive economic zone). Sidaani waxay daw ku
siinaysaa dal xeebeedka inuu qolof qaaradeedkiisa shidaal ka qoto ama daadsado
xargaha gujisyada quusa.
Laga soo bilaabo qarnigii 18aad ilaa
bartamihii qarnigii 20aad, biyo soohdimeedyada Imbaroodooriyaddii Ingiriiska,
USA, Faransiis iyo dalal kaloo badan waxay ahaayeen 3 mayl badeed (5.6 km) ballac ahaan. Markii hore, waxaa
lagu cabbiri jiray fogaantii madfacii waayahaas, sidaasna waxaa lagu garan
jiray qeybta badweynta ee dalka madaxbannaan ay ahayd inuu difaacdo. Si
kastaba ha ahaatee, Iceland waxay sheegatay 2 mayl badeed (3.7 km), Norway iyo Sweden waxay sheegteen
4 mayl badeed (7.4 km), iyo Spain oo sheegatay 6
mayl badeed (11 km; 6.9 mi) xilliyadaas. Xilliyadii ay bilaabmeen tijaabooyinka
awoodda nukleerka iyo murannada kalluumaysiga, dalalka adduunka qaarkood waxay iskood u
kordhiyeen sheegashoo-yinkoodii xagga badaha, halkaas oo qaarkood gaarsiiyeen
ilaa 50 mayl badeed, qaarna ilaa 200 mayl badeed. Markii la soo gaaray
dabayaaqadii qarnigii 20aad waxaa loo batay in la qaayibo 12 mayl badeed. Tusaale
ahaan, dalka Ingiriisku wuxuu soohdin badeedkiisa ka qaaday 3 mayl badeed
wuxuuna gaarsiiyay 12 mayl badeed (22 km) sannadkii 1987dii.
Sheegashooyinka la sharciyeeyay ee ku aaddan qolof qaaradeedka iyo kalluumaysiga waxaa markii ugu horreysay sameeyay dalka Maraykanka isla markii uu dhammaaday Dagaal Weynihii Labaad ee Dunida. Bishii September 28/dii, 1945tii, ayaa Madaweyne Harry S. Truman soo saaray labo wareegto oo saldhig u noqday maamulka dawladda ee kheyraadka ku jira goobaha ku xiriira jiinka badda. Mid ka mid ah wareegtooyinkaas waxaa cinwaan looga dhigay "Siyaasadda Dalka Maraykanka Ee Ku Beegan Ilo Dhaqaaleedka Dabiiciga ee Ciidda Hoose iyo Gogolka Badda ee Qolof Qaaradeedka", waxaana tuducii dhaqangelinta lagu xusay:
Sheegashooyinka la sharciyeeyay ee ku aaddan qolof qaaradeedka iyo kalluumaysiga waxaa markii ugu horreysay sameeyay dalka Maraykanka isla markii uu dhammaaday Dagaal Weynihii Labaad ee Dunida. Bishii September 28/dii, 1945tii, ayaa Madaweyne Harry S. Truman soo saaray labo wareegto oo saldhig u noqday maamulka dawladda ee kheyraadka ku jira goobaha ku xiriira jiinka badda. Mid ka mid ah wareegtooyinkaas waxaa cinwaan looga dhigay "Siyaasadda Dalka Maraykanka Ee Ku Beegan Ilo Dhaqaaleedka Dabiiciga ee Ciidda Hoose iyo Gogolka Badda ee Qolof Qaaradeedka", waxaana tuducii dhaqangelinta lagu xusay:
Xukuumadda dalka Maraykanku waxay
qabtaa in ilo dhaqaaleedka dabiiciga ee ciidda hoose iyo gogolka badda ee qolof
qaaradeedka ee ka hooseeya badaha sare laakiin xadka la leh xeebaha Maraykana,
ay maamul iyo garsoor ahaan hoos imaanayaan Maraykanka
Wareegtadii labaad waxaa cinwaan looga
dhigay "Siyaasadda Maraykanka Ee Ku Aaddan Kalluumaysi Xeebeedka Meelaha
Qaar ee Badaha Sare", waxaana lagu
xusay tuducii dhaqangelinta:
Xukuumadda Maraykanku waxay qabtaa inay
habboon tahay in laga yagleelo aagag dhawrsan badaha sare ee ku xiriira xeebaha
dalka Maraykanka, meelahaas oo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo kalluumaysi ama ka
jiri doonaan waayaha soo beegan waana in lagu hayaa dhawris door ah.
Qaranka xeebta lihi wuxuu xaq u leeyahay inuu maamulo biyayowga dalkiisa gudihiisa dhex ceegaaga, si taas in yar ka hoosaysa buu xaq u leeyahay inuu maamulo biyo soohdimeedka. Wuxuu si buuxda ugu jid leeyahay inuu maamulo ilo dhaqaaleedka aag-dhaqaaleedkiisa gaarka ( exclusive economic zone) iyo sidoo kale ilo dhaqaaleedka ku dul sugan ama hoos uga jira qolof qaaradeedkiisa (continental shelf).
Qaranka xeebta lihi wuxuu xaq u leeyahay inuu maamulo biyayowga dalkiisa gudihiisa dhex ceegaaga, si taas in yar ka hoosaysa buu xaq u leeyahay inuu maamulo biyo soohdimeedka. Wuxuu si buuxda ugu jid leeyahay inuu maamulo ilo dhaqaaleedka aag-dhaqaaleedkiisa gaarka ( exclusive economic zone) iyo sidoo kale ilo dhaqaaleedka ku dul sugan ama hoos uga jira qolof qaaradeedkiisa (continental shelf).
Dalalka fedaraalka sida Maraykanku, waxay maamulka biyayowga u qaybiyaan dawladda fedaraalka ama dawladaha uu fedaraalku ka kooban yahay.
No comments:
Post a Comment