Wednesday, April 10, 2013

Is Ku Maan Ogeyn (hees)

Waxaan uurka kaa jirin
Afka lagama sheegoo
Afeef kuu horreysiyo 
Adkeysinnimo dambeetaa
Duni lagu itaalaa
Afgobaadsi hadaliyo
Arar wuu ka weynaa
Jacaylkaan abuurniyo
Axdigaannu dhigannee
Mee ololaheennii?

Is ku maan ogeyn
Inaad oofin weydaa
Is ku maan ogeyn
Inaad bixiso aayaha
Is ku maan ogeyn
Inaad arax i goysaa
Iilkiyo xabaashana
Inaad ii horseeddaa
Asaggay iga reebtaa

Istareexday maantoo

Aday kuu ahaatee
Waa adigaan aroosee
Bal aan eegno aayaha!

Ulashada* naftaydaa
Oggolaatay ruuxaan
Asxaan ii galaynoo
Uumiyaha dhammaantiis
Uga soo gaddoomee
In kastood abaaliyo
Ixtiraam ku leedahay
Sida aar libaax bay 
Isha kugu gubaanoo
Aayo ma leh duulkuye

Is ku maan ogeyn

Cilmi uubtii loo qoday
Is ku maan ogeyn
Inaad igu af goysaa
Is ku maan ogeyn
Inaan kala irdhawnaa
Iilkiyo xabaashana 
Inaad ii horseeddaa
Asaggay iga reebtaa

Istareexday maantoo

Aday kuu ahaatee
Waa adigaan aroosee
Bal aan eegno aayaha!

Ammaantaada guud iyo
Quruxdaadan aadka
Ma adkayn karaayee
Sidii ubuxii nuuraay
Wadnahaad abbaartoo
Idilkood haweenkana
Adaan kaa hibaystoo
Qof la aamminaayoo
Xajin kara ammaanoo
Aqli laan ku moodee


Is ku maan ogeyn
Inaad oofin weydaa
Is ku maan ogeyn
Inaad bixiso aayaha
Is ku maan ogeyn
Inaad arax i goysaa
Iilkiyo xabaashana
Inaad ii horseeddaa
Asaggay iga reebtaa

Istareexday maantoo

Aday kuu ahaatee
Waa adigaan aroosee
Bal aan eegno aayaha!

* Ulasho: xulasho





No comments:

Post a Comment