NOLOSHII LA DHAQAN ROGAY OO AAN LA DHEELLITIRIN
Bulshada
S/liyeed badideed waxaa dhaqan-nololeedkeeda lagu tiriyaa mid reer guuraa ah.
Nolosha bulshadaas waxay muddo dheer ku tiirsanayd meesiyada la dhaqdo oo ah;
ari, geel, lo’ iyo gamaan.
Markay
tahay xilli-roobaad waa marka guuyadu ugu nacfi roon tahaye, wuxuu qoyska reer
guuraaga ahi ka dhitayn jiray xoolihiisa waxtarkii uu uga bixi lahaa xilliga
kulul ee jiilaalka ah . Neefaf ahmi ah sida orgi, wanan, awr koromo ah
iyo dibiduba waxay ahaayeen kuwa la dhawro oo cadkooda ama beddelkooda la
nacfisido xilliga kulul oo biyo iyo baadba qoysku aad ugu baahan yahay.
Waxaa kale oo xilliga san la dhitayn jiray qumbayaal subag ah iyo tebbedo
oodkaca (muqmad) oo iyagana uu qoysku nacfisado xilliga duunyadu caano
yarayso. Kolay ku tahay Maqaarkii neef dhintay ama la qashayna wuxuu ahaa
mid la kaydsho oo lagu tashado. Intaan
hab-nololeedka magaalo aad ugu fidin bulshada S/liyeed dhexdeeda waxay nolosha
reerka guuraa ahayd mid dheellitiran oo baahidiisu ku miisaaman tahay
wax-soo-saarkiisa. Reerka duunyo dhaqda waxaa dhuuni maalmeed u ahaa cad iyo
caano oo uu goor walba si xallad leh ugu noolaa.
Intii nus
qarni ah baa waxaa ku dhacay hab-nololeedkii daaqsatadii S/liyeed dhaqanrog baaxad
leh. Iyadoo wali ay u tahay noloshu xoolo la soofsho iyo xero loo
dhigo, iyadoo wali ay u tahay sahan la diro iyo cosob la goobo, iyadoo wali ay
u tahay habeyn-guul iyo ceel lagu aroorsho….ayaa reerkii guuri jiray qaayibay
canjeelo ama laxoox lagu quraacdo, bariis ama baasto lagu qadeeyo iyo cashada
oo hadba cayn laga dhigo, kirliga shaahuna wuxuu ahaaday midaan dabkaba laga
qaadin.
Barbaarkii
beri inta hal soo xigta, golaha geelooda jilba geel jirayn jiray oo ka geeraari
jiray, wuxuu maanta u baahday baakad sigaara, booc tubaaka iyo mijin qaada.
Gabadhii beri inta arigooda soo mayracda, habeynkiina ku soo jeedi jirtay sooha
geeddiga iyo marriinka raarka, aroortiina ku dhaashan jirtay labeenta caanahii ay xalay listay, waxay u baahatay diricii ugu dambeeyay, cadar iyo uunsi. Qumbayaashii
ginginnaan jiray la illow oo koombadii subagaba waxaa loola cararaa tuulada si
aan reerka sonkortu uga go’in…..sangihii beri loo tammadin jiray xilliga daran
looma sugee horaa laga faasaxaa si aan reerka calashigu uga go’in. jiilaal soo
barraahsadayna tabar looma hayee qaylo dhaan baa loo diraa dhan walbaba.
Reerkii
soofsan jiray isagoo xeryihiisu buuxaan buu noqday midaan isku fillayn. Cilladduna mid kale maahee magaaladii la bartay baa la eeday.
Garaad wax lagu la soo baxo laga ma barane, waxaa laga kororsaday baahida nafta
iyo balwaddeeda oo batay. Haddii noloshii reerka guura oo ahaa unugga bulshada S/liyeed
labantayna waxaa labmay guud ahaan noloshii mujtamaca S/liyeed, waana
sababta asaasiga u ah baan qabaa, in badan oo ka mid ah qas-nololeedka maanta ka jira S/liya. Waxaan
qabaa horumarinta dalka iyo kobcinta dhaqaalihiisa, inay tahay in laga bilaabo
unugga bulshada waa qoyska guuree, waana in la gaarsiiyo ama la tuso iskufillaan
dhammaystiran. Taas waxay ku imaan kartaa:
- In la helo
biyo jaban oo aysan xooluhu u qadin. Haddii laga dhawro meelaha godan oo biyuhu
ku aruuraan in dhulku liqo ama la joojiyo biyaha ku qulqula togagga oo la
sameeyo biyo-xireenno ama harooyin, waxaa loo heli karaa xoolahaa biyo jaban.
- In loo
abuuro xoolaha calaf sida; cawska naaxinta iyo kan caanaha kordhiya, xooluhuna
ka koraana isku halleyntan tigaadda dhibicda roobka oo marar badan la waayi
karo.
- In qoyska
raacatada ahi ku miisaamo tirada iyo tayada xoolaha uu dhaqdo awooddiisa
dhaqasho, iskuna jaangooyo dakhliga duunyadiisa iyo kharashka ku baxa. Waxaa ka
faa’iido roon xoolo badan oo kharash badan, kuwa kooban oo dakhli fiican leh.
- Dugsiyada
dalka waa in aan ku jihaynnaa waxbarashada daaweynta iyo tayo kordhinta
xoolaha. Waa inaan yaraynno waxbarashada bay’addeenna aan wax ka soo saarayn
ama hormarinnayn, sida barashada afafka qalaad.
- Digada
xoolaheenna waa in aan u rogno tamarta aan wax ku karsanno. Waxaa maanta
hawlgala, ka-soo-saarka digada, neefta la shito ama wax lagu karsho. Waxaa kale
oo dhabawday in isla digada laga nuugi karo shidaalka gaadiidka oo haddeerba
meelo dunida ka mida laga taagay warshado hawshaas fuliya.
Neef-ka-nuugidda digada oo ah mid sahlan waa yool si dhoqso ah loo gaari karo,
waana hawl ku toolmoon ganacasatada S/liyeed ee bagaashka iyo bambiirada dalka
soo dhoobta.
Hadday
digada xoolaheennu noqoto tamarta aan shiddanno sow dhirteennu ka badbaadi mayso
goynta xaalufisay geyigeenna oo sow duunyada aan dhaqanno noqon mayso mid
waxtar sare leh oo sow raacatadu gaari mayso iskufillaan, illeyn xoolahoodaa
door dhalaya waa noolba e……
Marka la
hanto qodobbada aan soo marnay, waxaa sahlanaan doonta nagaynta reerkii
geeddiga joogtada ah u yeelnaa. Markaas waxaa suurtoobi karta in dadku
wax barto, kor-u-qaadista hab-nololeedkana loo ambaqaado. Waxaa kaloo dhici
doonta (idin eebbe) in beelaha S/liyeed oo nagaaday ka koraan colaadaha iyo
dhiillooyinka hari waayay.
Aqoonyahanka
S/liyeed ee goor walba ku hawlan hammiga madaxnimo iyo laactanka siyaasadda sow
kuma habboona inuu shahaadoonyinkiisa tuujiyo oo bulshadiisa uga miiro waxtar
nolosheeda kor u qaadi kara?
Daab gudimmo weli sooma jarin, wiilashaan diray e
Halka dunida lagu geeddi yahay, dayiba maysaane
Ummaddii daryeel weli ma helin, daacadda ahayd e
Sidii bay u dooyaysan tahay, damashii weynayde
Sidii bay duleeddada dhar la’i, ugu dab jeexaane
Sidii baa dugaag uga gurtaa, daaqa xoolaha e
Sidii baa duddada aar dhiciyo, dacaw u joogaane
Sidii baa dagaalow biyaha, loo dawariyaaye
Sidii bay degmadu ceelashii, ugu dar leeftaaye
Sidii bay u dabagoosi tahay, haradii Doolloode
Oo waliba dibindaabyo iyo, diriri joogtaaye
Axmad Ismaaciil Diiriye (Qaasin)
No comments:
Post a Comment