Thursday, April 20, 2017

Waxtarka Dhirta


Evapotranspiration is the sum of evaporation from the land surface plus transpiration from plants.<br>Credit: Salinity Management Guide
Precipitation = Hooritaan
Transpiration = Dhididid
Evaporation = Uumiyow





Sababaha laga maarmaanka ka dhigaya in dhirta la dhawro, waxaa kamida:
Dhirtu waxay la dirirtaa isbeddelka cimilada
Nooluhu wuxuu mar walba u baahan yahay neefta Oksijiinka (Oxygen) oo uu hawada ka soo jiido, wuxuuna sii daayaa neefta CO2 (Carbon Dioxide) oo ah dhuxul (carbon) iyo labo qurub oo Oksijiina oo is ku dhafan. Haddii neeftaan CO2 ku badato hawada, jawigu waa kululaanayaa noloshuna way adkaanaysaa, haddaba waa awood Eebbee, waxaa soo gurmata dhirta oo inta nuugta CO2-gii, ka la saarta labada curiye, markaas kadib dhuxushii kayd ka dhigta una haysa tamar ahaan, Oksijiinkiina hawada ku sii daysa. Waxaa la yiri, waxay dhirta waaweyn ee ka baxda hal hektar ku filan tahay inay nuugto CO2-ga uu sii daayo gaarigaaga oo socday 26,000 mayl.

Dhirtu waxay kordhisaa hooritaanka roobka

In kastoo aan isha lagu arki karin biyaha ay caleemaha dhirtu siiddaayaan iyagoo uumi ah, haddana waxaa dhab ah, in dhirtu door ku leedahay biyayowga isu roga uumiga oo marka dambe noqda roob ku da'a dhulka. Sida la og yahay roobka waxaa sababa biyaha ka uumiyooba biyaha badaha, wabiyada, balliyada iwm oo marka ay cirka sare aadaan ciiryaamo noqda, kadibna noqda daruur ka cukan biyo, sidaasna marka dambe ku noqda roob ku hoora dhulka. Sidaas darteed, dhirtu waxay kamid tahay dhinacyada sababa roobka, waayo biyihii ka uumiyoobay caleenta geedkaa kamid noqota roobka. Waxaa la yiri, tusaale ahaan, hal hektar oo galley ah wuxuu sababaa 3,000 ilaa 4,000 gaalloon oo biyo uumi isu rogay ah. 

Dhirtu waxay nadiifisaa hawada

Dhirtu waxay hawada ka nuugtaa waxyaalaha uraaya iyo neefaha wax qurmiya (nitrogen oxides, ammonia, sulfur dioxide iyo ozone) waxayna sii shaandhaysa hawada iyadoo qashinka bidaaya ku xannibta caleenteeda iyo jirridkeeda.
Dhirtu waxay soo saartaa oksijiin
Hal sano gudihiis waxay dhirta waaweyn ee ka baxda hal hektar ku filan tahay inay 18 qof oksijiin siiso.
Dhirtu waxay ka hortagtaa wasakhowga biyaha
Dhirtu waxay yareysaa gawaan-raaca biyaha iyadoo firdhinaysa, kadibna biyuhu waxay u qulqulaan dhanka hoose ee jirridka geedaha. Salka geedku wuxuu shaandheeyaa biyihii roobka, waxayna biyihii oo nadiifa ku darmaan biyaha fadhiya dhulka hoostiisa. Sidaas darteed, dhirtu waxay biyaha roobka ka nadiifisaa wasakhda si aysan waxyeello ugu geysan noolaha bad iyo birriba ku nool.
Dhirtu waxay ka hortagtaa nabaadguurka ciidda
Meelaha buuraha geesahooda ama hoobadyada dalcadaha, waxay dhirtu yareysaa butaaca biyaha qulqulaaya si aan ciidda carrosanka ahi u raacin biyihii butaacaayay, waxayna dhirtu ku nageysaa ciiddii nafaqada lahayd meelaheedii.
Dhirtu waxaa looga gaashaantaa fallaaraha qorraxada ee waxdhimaalka leh
Fallaaraha qorraxda ee UV-B waxay 50% keeni karaan kaankaraha maqaarka.  Hooska dhirtaa dadka gaashaan u noqda ka difaaca fallaarahaas waxyeellada leh.
Dhirta waxaa laga helaa cunno
Waa la wada og yahay in dhirtu dheefiso noolaha oo idil dad iyo duunyaba. Tusaale, shinbiruhu waxay ku dul nool yihiin miraha dhirta, dhirtaas dusheedana gabbaad buu u yahay.
Dhirtu way fayoobaysaa
Cilmibaari baa lagu ogaaday in bukaanka u jeedaa dhirtu uu si dhokhso ah u fayoobaado, dhibabka jirradiisa la xiriirana yaraadaan. Carruurta qabta ADHD waxay muujiyaan in yar oo astaamihii xanuunka marka ay arki karaan dhirta doogga leh. Daawashada dhirta iyo dabeecaddu waxay yareysaa daalka maskaxda.

Dhirtu waxay yareysaa dagaalka

Waxaa la ogaaday xaafadaha ama tuulooyinka leh dhirtu inuu ku yar yahay dagaalku marka loo eego kuwa ka qaawan dhirta. Sidaas darteed, dhirtu waxay yareysaa cabsida iyo dirirta.
Dhirtu waxay dallaalimaysaa noolah duurjoogta
Dhirtu waxay harisaa noolaha duurka ku nool sida xasharaadka, xammaaratada iyo shinbiraha.
Dhirta waxaa laga helaa qoryo iyo alwaax
Dhirta waxaa laga helaa qoryaha la shito ama wax lagu karsado iyo alwaaxda wax lagu dhisto ama wax kale laga sameeyo.

Dhirtu waxay kordhisaa qiimaha dagalka

Marka guriga ama xaafadda amaba jidadka agagaarka dhir lagu abuuro, dagalkaasi waa ka qiimo badan yahay 15% meelaha la midka ee ka maran dhirta.

Dhirtu waxay kordhisaa ganacsiga

Waxaa cilmibaaris lagu ogaaday in dukaammada iyo goobaha kale ganacsiga loogu talagalay ee dhiraysan ay ka macaamiil badan yihiin kuwa la midka ee dhirta ka qaawan.