Thursday, August 16, 2018

Gobonnimo iyo Gunnimo Goob u Ma Dhaxeyso

           Gobonnimo iyo Gunnimo Goob u Ma Dhaxeyso


Image result for ancient hadiya people of ethiopia
Reer Hadiya iyo Baroordiiq

Image result for abdi omar iley







Tusaale ahaan, baan uga jeedaaye intii u dhaxeysay qarnigii 13-aad ilaa qarnigii 15-aad waxa jiri jiray saldanad la oran Hadiya oo kamid ahayd saldanadihii muslinka ahaa ee ka jiray aagga Geeska Afrika. Sida u sheegay Shihaab al-Cumari oo ahaa taariikh-yahan Carbeed oo waqtigiisu ku beegan yahay qarnigii 14aad, waxay baaxadda saldanadii Hadiya ahayd 8 maalin-socod oo dherer ah iyo 9 maalin-socod oo ballac ah, kuwaasoo cabbirada cusub ku ah 160 x 180 kiilomitir. Waxay ahayd saldanad aad hodan u ahayd oo dalag beereed ka la jaada, dahab iyo gamaan tayo leh lagu mannaystay. Dadku waxay ahaayeen Reer Kuush, mid kamida afafka Reer Kuushna way ku hadli jireen, waxayna ahaayeen dad dhalan wanaagsan oo dumarkoodu qurux meel dhigteen. Suldaankooda wuxuu ahaa Garaad oo ah magaca isin oo ay wali Soomaalidu adeegsato. Markii uu u talinayay Garaad Ammaano ayaa waxaa ku soo duulay Boqorkii Xabashida ee la oran jiray Amda Seyon ee hororka ahaa, oo markii Garaad Ammaano u diiday inuu hoos tago taladii boqorkaas daalinka ahaa, ay ka hiilliyeen kuwo isaga dadkiisa kamid ahaa ilaa uu garaadkii u cararay Saldanadii Cadal ee awoodda lahayd. Amda Seyon waa siduu u dhaqmi jiraye wuxuu xasuuqay raggii halkaas ku noolaa, qaar addoonsi buu u kaxaystay wixii hantiyana wuu dhacay, dabadhilifyadii uu meesha u dhiibtayna wuxuu ku xukumay inay sannad walba gabadha ugu sidata Hablaha Reer Hadiya gaar ahaan Reer Garaad, iyadoo dhibaaddeeda wadata loo soo hooyo hadba boqorkii Xabashiyeed ee markaas talinaaya. Ogoobey hablahaasi waxay ahaayen hablo muslina oo anshax iyo iimaan lahaa. Raggii isu hoogaamiyay boqorkii masiixiga ahaa ee weerarka ahaa sidaas ayay ku dambeeyeen. Hadiya durufkii ka haray wuxuu haatan ka tirsan yahay qoomiyadaha la is ku yiraahdo Qoomiyadaha Koonfureed ee Itoobiya.
Sheekada Hadiya waa horay ahayde, waxaa raqdiisii qoyan tahay Cabdi M. Cumar oo m/weyne looga dhigay Gobalka Soomaali Galbeed. Wuxuu ninkaasi baro dheeraysiiyay qof kasta oo hore dabajooge ugu noqotay talisyadii Xabashida ee loollamada ba’an iyaga iyo Soomaali ka dhaxeyn jireen. Ninkaasi wuxuu jaray dad tiro badan oo halgamaa iyo shacab-ba isugu jiray. Wuxuu si bannaan yaal ah, galoobax uga dhigay kufsiga gabdhihii sharafta badnaa ee Soomaaliyeed. Wuxuu waxyaqaankii iyo mudankii ummadda ku guray xabsiyo sheekooyin reebay oo ugu caansan yahay Jeel-Ogaadeen. Ninkaasi wuxuu dadweynihii S. Galbeed geyeysiiyay gunnimada ka-sii-gunnimo. Wuxuu olole ba’an ku qaaday magaca Soomaali iyo sheeg-sheegga Somali Weyn, wuxuuna cay ka dhigay qofkii Soomaalidii xorta ahayd la soo dhaqmay. Wuxuu u ololeeyay in la xabashiyoobo lagana faano Soomaalinimada. Wuxuu hawlgeliyay dhallinyaro si ba’an u la dhaqmay ummadday ka soo jeedeen. Wuxuu meel walba la istaagay ku-faanka Itoobiyanimada, isagoo waliba ducooyinna raaciyay.
Ha yeeshee, waa siday ahaan jirtaye markay ka bogteen danahoodii bay sidii inan yar oo tuug ah dhagta soo qabteen, sidii awrkiina waa u hoggaansadeen oo la aadeen hogaggoodii. 
Eegeey, waa runoo; ‘wanka weyn ilaa la gawraco, indhihiisu cirka ma arkaan’. Waxaa Cabdi si xanuun badan loo baray inuu yahay Soomaali, si kastaba ha ugu adeego Xabashiye ama ha isaga yeel-yeelee. Waxaa si qaraar badan loo baray in Soomaalida aan-ba loo haysan inay qawmiyadaha Itoobiya kamid tahay, waayo, gulufkii ciidan ee laga daayay Ismaamulka Oromiya oo la yiri, waa sharci-darro, isaga waa laga la ajoon waayay. Eegeey, markaad Cabdi arrinkiisa daydo, waxaa kugu soo dhacaaya meeriskii uu ku calaacalay ninkii wax-dhimaalkii sokeeyihiisa ku talaxtagay oo yiri: 
Gacmahayga eedayey raggaan, ganayey maan daysto.
Oo maan gadaal uga hakado, Goray Dagaalkeeda….
Waxaa cashar fiican noqday Cabdi iyo is-xabasheyntiisii siday ku dambeeyeen, waxaana caddaatay in gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato aan loo arag sida gobollada kale ee Itoobiya. Waxaa caddaatay, in xukuumad kasta oo dhanka Itoobiya ka talisaa ay tahay Xabashidii boqollaalka sano dhaqankeeda la bartay, taas oo aan aadanaha wax-dhimaal mooyee aan waxba ku kordhin ama waxay xukuumaddaasi noqotaa mid
Xabashiyeysan oo macnuhu yahay, mid huwan hab-dhaqankii Xabashida ee Soomaalida u arki jiray cadow.


Bal eega, kuwii Cabdi dambiyaduu galaayay madaxda ugu ahaa, dambi loo ma haystee!!
Haddaba, innaga Soomaaliya, waxaa na la gudboon inaan xornimadeenna iyo midnima-deenna u istaagno, wax ka hooseeyana aysan wax na tareyn, waayo; 
Gobonnimo iyo Gunnimo Goobi u ma Dhaxeyso.

Friday, August 3, 2018

Isbeddellada Cusub ee Geeska Afrika


Isbeddellada Cusub ee Geeska Afrika
Image result for siad barre

Aabbihii Ruuxiga ee Soomaali Weyn

M S Barre

Image result for Lij Iyasu
Lij Iyasu
Ibaraadoorkii Laqmaday


                                                                      

Image result for farmaajo
M C M Farmaajo
M/Weynaha Cusub ee Soomaaliya
Image result for abiy ahmed
Xiddiga Isbeddelka Cusub 
R/W 1aad ee Itoobiya 

   









Inankii Iyasu (Lij Iyasu) wuxuu ahaa inankii loogu talagalay 1913-1916-kii in uu imbaraadoor ka noqdo Itoobiya, geeridii Menelik II kadib. Aabbihiis waxaa la oran jiray Ras Mikale wuxuuna ahaa Guddoomiyihii Wollo, wuxuu ka loo muddo dheer ahaa saaxiibkii Menelik, sidaas darteed, buu u siiyay curaddiisii oo la oran jiray Wizero Shoaregga waa hooyadii inankii Iyasu e. Mikale wuxuu bilawgii magaciisu ahaa Maxammad Cali wuxuuna ahaa muslim qawmiyad ahaan ka soo jeeday Oromada ilaa lagu qasbay inuu isu rogo Masiixi si uu door fiican ugu yeesho siyaasadda Itoobiya. 
Sannadkii 1915-kii wuxuu Iyasu aaday Harar, wuxuuna bilaabay inuu soo dhaweyn weyn u sameeyo dadyowgii muslinka ahaa ee Itoobiya iyo kuwii Soomaaliya ilaa uu hadiyad ka koobnayd 40 rati oo taakuleyn ah uu u diray Sayid Maxamad Cabdulle Xasan oo halgankii dheeraa ku jiray. Isbeddelkaas cusub oo uu la yimid inankii Iyasu wuxuu caro geliyay awoodihii Xabashida (Abassynia) iyo kuwii Reer Galbeedka oo mar walba garab siinaayay talisyadii habka xoogga iyo cabburinta ku dhisnaa ee Xabashida hoggaanka u ahayd. Haddaba, 1916-kii baa ciidan xooggan oo kaniisadda iyo awoodihii ku lammaanaa ay soo abaabuleen lagu afgambiyay Taliskii Iyasu isagiina lagu dilay.
Dhanka kale, Abiy Axmad Cali oo dhawaanta noqday Wasiirkii 1aad wuxuu ka dhashay qoys aabbuhu ahaa muslim Oromo ah iyo hooyo Axmaarad ah oo masiixiyada, sida la leeyahayna wuxuu caqiido ahaan qaatay tii hooyo oo ay u badan tahay inuu sidaas u yeelay si uu meekhaan iyo mansab ugu yeesho Itoobiyada loo habeeyay inay Xabashida masiixiyiinta ahi kaligood hoggaanka hayaan. 
Si kastaba ha ahaatee, inankii Abiy oo dhalashadiisu ku beegan tahay waayihii uu Mingiste Xayle Maryam calan wallaynayay, magaciisuna ahaa Abiyot oo macnuhu yahay Kacaan, wuxuu sameeyay dadaal badan oo xagga waxbarashada, wuxuuna qaatay shahaadooyinka; BSc, 3 shahaado oo Ms ah iyo PHD. Wuxuu ka soo qeyb-qaatay dagaalkii hubeysnaa oo lagu afgambiyay Taliskii Dergiga asagoo ka tirsanaa ciidankii sirta ee jabhadda. 
Sidii Iyasu oo kale buu Abiy Axmad la yimid siyaasad dabacsan oo soo dhaweynaysa qowmiyadaha iyo maamullada Bariga Afrika. Haddaba, maadaama, labada nin ay meelo badan isaga eg yihiin, taariikhdana sideedaba lagu foodiyo dhacdooyinka waayahaas la joogo laguna saadaaliyo kuwa soo aaddan, in siyaasadaha ididiilada leh ee uu la yimid Abiy Axmad ka hirgalayaan Itoobiya waa 50/50 siday ila tahay. Is la caqabadihii ka hor yimid Iyasu horraantii qarnigii 20-aad iyo kuwa kalaba baa maantana hor taagan Abiy Axmad. Iyadoo wali aysan aad u wiiqmin awooddii Xabashidu, in dadyowga Itoobiya u sinnaadaan talada dalka, xornima fiicanna helaan, waa arrin ku adag in dhimirku qaato, waayo Itoobiya lagu ma dhisin rabitaanka qawmiyadaha ee xoog, naxariis-darro iyo kugabood-fal badan weheliyaan baa lagu dhisay.

Waa Maxay Isbeddelka Abiy Axmad Wadaa Yaase Gadaal ka Riixaya? 
In kastoo qawmiyadaha Oromo iyo Axmaara ay in-dhawalaha wadeen ololayaal culculus oo kadhan ahaa taliskii Tigreegu hoggaanka u hayey haddana waxaa jira awoodo kale oo isbeddellada muuqday gadaal ka riixayay. Xoogaggaasi waa Maraykanka, Xoogagga Yurub iyo dawladaha gobolka ee aalaa la jaanqaada siyaasadaha Reer Galbeedku wado. Imaaraadka oo magac ahaan dawlad ka ah, laakiin, ficil ahaan shirkado lacag leh ah, waxay quuddaraynayaan inay la wareegaan dekadaha iyo marsooyinka ku teedsan Badda Cas iyo kuwa ku teedsan Gacanka Cadmeed, si ay u ilaaliyaan danaha dakadahooda. Dalka Maraykanka oo ah dalka maanta ugu itaal roon adduunka, wuxuu tartan ba’an oo xagga dhaqaalaha ku la jiraa Shiinaha, waxayna is ku haystaan ilaha dhaqaale ee Afrika ee wali dihin, waxayna hadda ku loollamayaan Geeska Afrika. Ujeeddooyinkaas dambe, baa Taliskii Tigreega lagu fuqaaqay, midkaan Abiy-na soodhaweyn loogu sameeyay, waxaana wali socda abaabullada siyaasadeed oo is la ujeed-kaan tilmaanay u adeegaya, waana tii Imaaraadku Itoobiya siisay dhaqaale buuran, heshiisiinna uga dhex abuuray Itoobiya iyo Erratariya oo colaad ba’an ka dhaxayn jirtay. Siyaasaddda Cusub ee Abiy Axmad uu rabo inuu ku la dhaqmo dalalka gobolka waa siyaasad horseedaysa inay dhammaadaan dhammaan xurgufyadii siyaasadeed ay darisyada ka la dhaxeyn jiray, si markaas ay xisilooni iyo horumar u haleesho Itoobiya, is la markaasna iyada iyo awoodaha taageeraa u la soo baxaan kheyraadka dhulka hoose ceegaaga, sida kuwa Soomaali Galbeed.  

Waa Maxay Saamayska ay Siyaasadaha Cusub ee Geeska ka Socdaa Soomaali ku leeyihiin? 
Mark hore, aan soo hormariyo dhawr arrimood oo ku saabsan meelaha siyaasaddu salsalawdo iyo fahmka loo baahan yahay: 
- Siyaasaddu waa hawlo, barnaamijyo iyo fikrado loogu talagalay in lagu hanto awoodda xukunka dal iyo siihaysashada xukunkaas. Iyadoo siyaasaddu sidaas tahay, baa haddana waxaa ka baxa laamo saameeya gobollada/dalalka ku xeeran dalkaas iyo qeybaha kale ee dunida.              
 - Siyaasaddu marna u ma shaqeyso sida ururada samafalka, awooddeeda cidna deeq u ma siiso. Tusaale ahaan, dad ama kooxo meel is ka jooga loo ma hadiyeyo awoodda talada ama xukunka, tixgelin sii ridanna la ma siiyo, ama saamayn ku ma yeeshaan teelaynta iyo talada dawladda, gobolka ama degmada markaas laga hadlaayo.
- Siyaasaddu waxay u baahan tahay faltan oo macnuhu yahay in dhaqadhaqaaq ama tillaabooyin lala yimaado, dhinacaas waxd-doonka ahi mudnaan iyo tixgelin ku heli karo. Faltanku wuxuu yeelan karaa noocyo iyo mugag kala geddisan. Tusaale ahaan, qarnigii 20-aad bartamihiisiii, waxaa Hindiya u kacay Mahadma Gaandi nin la oran jiray, faltankiisu kaliya wuxuu ahaa in iyadoon xabbad la ridin ama xitaa aan dhagax la tuurin loogu caasiyoobo Ingiriiska oo muddo dheer dalkaas gumeysanaayay, markii dadweynihii fikraddiisii qaateen oo ay diideen tusaale ahaan, inay gataan badeecooyinkii Ingriiska lagu soo sameeyay, waxaa Ingiriiskii qasab ku noqotay inay dalkaas xornimadiisa siiyaan. 
- Siyaasadda kooxaha hoggaaminayaa waa inay matalayaan ummad dhan danaheeda. Haddii qofku ama kooxdu awood siyaasadeed is ka raaco/raacdo iyadoon lagu dhererin danta guud ee dhinacyada la matalaayo, nuxur ahaan lagu ma sheegi karo siyaasad ee waa shaqo-tag ama danaysi gaar ahaaneed. Tusaale fiican waxaa ah, Dadweynaha Soomaali Galbeed intii xoogaggii Tigreegu talada hayeen mataalad fiican ku ma yeelan taliskii dhexe ee dalkaas, waxaana gobolkaas loo sameeyay horjoogayaal lagu cabburiyo dadka gobolka si aysan u yeelan dh/dhaqaaqyo siyaasadeed.
- Siyaasadda qumman ma laha caadifo iyo xigtaysi ee ay waxay leedahay danaysi loo danaynaayo ummadda la matalaayo, ha ahaadaan danahaasi kuwa fog ama kuwo dhaw e. Waxay ka loo yeelan kartaa tixgelinta hal-doorrada (values) sida siyaasadaha islaanimada lagu rumeysan yahay oo mudnaan siiya waxyaalah Ebbe banneeyay, kana taxaddara waxyaalah uu reebay. 
Haddaba, dadka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan isbeddellada socdaa inay saameyn xooggan noloshooda ku leeyihiin, waana inay ogaadaan in shanta qeybood ee ay xiddigta cad u taagan tahay ay isa saameynayaan, taasoo ah; tusaale ahaan, wixii saameeya Soomaali Galbeed qeybaha kalana waa saameynayaan. 
Xubnaha hoggaanshaa siyaasadda J. Soomaaliya sida M/weynuhu waa inuu fahmaa inuu aabbe ruuxiya u yahay qeybaha Soomaaliyeed dhammaantood waa siduu taagnaan jiray J/le M S Barre e. In kastoo uusan ahayn maamulaha qeybaha oo dhan, haddana mas’uuliyad qoomi ah baa saaran, sidaasina waa sida Ummadda Soomaaliyeed u asteysan tahay. 
Maadaama, Isbeddellada socdaa saamays toosa ku leeyihiin qeybaha Soomaaliyeed dhammaantood, waa in siyaasi iyo shacaba loo guntadaa hawlaha isbeddelka in laga qeyb-qaato. Haddaan laga qeyb qaadan hawlaha isbeddelka, waxaa dhici karta in saamaysku noqdo tabane ama midaan la mahadin. Waxaan si gooniya farta ugu fiiqayaa Gobolka Soomaali Galbeed (Ogaden) oo run ahaantii ahaa, walina ah furaha siyaasadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika, oo aan ka rajaynaynno waxgaradka iyo siyaasiinta gobolku inay horseedaan wax Soomaali Weyn waxtar fiican u leh. 
Waxaa habboon in hoggaanka cusub ee siyaasadda Itoobiya lagu la baarrantamo in loo oggolaado Soomaalida Itoobiya ku hoos gumowday inay mar uun yeeshaan cod ay aayahooda wax uga dhihi karaan oo mar uun la weyddiiyo dadweynaha: War Maxaad Rabtaan?