Friday, July 27, 2012

SINGUB IYO SINMUD MAXAA ISU GALAY?




SINMUD IYO SINGUB MAXAA ISU GALAY?

Hordhaca:
Marka hore, qoraalkaan ujeeddadiisu waa sidii aan wax uga iftiimin lahayn isirka Soomaaliga la yiraahdo. Waxaa ayaandarro ah in dad badan aqoon-la’aanta awgeed ku saleeyaan isirka Soomaalida ummado iyadu aad uga fac weyn tahay. Qaar baa waxay oran Carab baan ka soo jeednaa, qaarna waxay oran Orommaan ka soo jeednaa, iyagoo aan caddaymo cilmiyaysan u hayn.
Dadka Soomaalida ah wuxuu leeyahay hidde guun ah oo waayo badan soo jiray, af isna aad guun u ah oo la oran karo waa afka ugu da’ weyn afafka la asaagga ah, dhalan si sahlan loogu garan og yahay qofka Soomaaliga (in kastoo ilma adeeradood, ekaantaan isaga dhaw yihiin) iwm.. Tilamaamahaan lagu garan og yahay dadka Soomaaliyeed wuxuu xanbaarsanaa waayo tiro badan oo ka badan in si fudud la maamin karo. Warqaddaani waxay yare iftiiminaysaa dhabbayaashii uu soo qaaday isirkii ay ka soo jeedday ummaddaan waayo dhaw kahor jiritaankeeda dhidibbada u aastay oo la liilliijin waayay.

SINGUBwaa Max’uud Cabdullaahi Ciise oo naanays ahaan loo yaqaan Singub, waana suugaan-yahankii soo caanbaxay ragaalkii qarnigii 20aad oo aad ay u taqaan inta Af Soomaaliga ku hadashaa. Halkaan waxaan ugu soo qaadnay si aan ugu foodinno nin ay aad isugu dhaw yihiin, waayo aad u fogna noolaa. 

SINMUD: wuxuu ahaa kaaliyihii fircoonaddii (boqorad) Xatshibsuud oo ka talisay boqortooyadii 18aad ee Kemet (Masartii Hore ) sannadihii 1508-1458 M.H. Waxaa kaloo u diiwaangashay inuu lahaa halabuurkii dhismihii macbadkii Xatshibsuud ee Deyr al-Baxar oo wacdaraha lahaa. Waxaa kaloo la xusay inuu ahaa saaxiibkii boqoradda taas oo u dihatay gabar la oran jiray Nafroora (Neferure).

Labadaas nin oo mid noolaa qarnigii 15aad Masaxiiga Hortiis, midna noolaa qarnigii 20aad ilaa waayahaan, waxay wadaagaan magaca, sullan iyo halabuurnimada. Waxayna wadaagaan isir qura oo kan hore waa Soomaalidii hore kan dambana waa Soomaalida waayahaan. Markaan leenahay Soomaalidii Hore macnuhu maahan in magaca Soomaali ee hadda ay sidato ummaddu uu waayahaas hore oo aan ka hadlaynno uu jiray, laakiin waxaa hubaal ah in sullanka Soomaaliyeed uu waagaas jiray oo waliba aad u firfircoonaa, magaca guud ee isirkaasina uu isbeddalaayay.

KUWII XUUR RUMAYSNAA:
Erayga Xuur waa shinbirka xuurka ee wali degaannada Soomaalida ku nool looguna yeero isla magacaas. Waxay u qoreen dadkii afnaqay qoraalladii Masartii Hore; Horus, Hor, Har iwm.. Waxaa kaloo la siiyay magacyada sida;; Har-qaate (Harakhet), Har-ma-qaate (Harmkhet) iwm.. Marar waxaa shibnirkaas loo ekaysiiyay shinbirka Aboodiga ama Gallayrka, dhammaan kuwaas waa isku bah. Si kastaba ha ahaatee, Shinbirkaas wuxuu noqday astaanta ugu xoog badan xagga diintii dadkii waayahaas ku noolaa dhulka Masar hadda loo yaqaan.
Wuxuu astaan diimeed u ahaa shinbirkaasi koox loogu yeeri jiray Kuwii Raacsanaa Xuur (Hor/Horus followers) ama Shamsu Horus. Asal ahaan baa la yiri dadkaani waxay ka soo jeedeen Dhulkii Ta-Netru (Dhulkii Eebbayaasha) ama Dhulkii Dhawrsanaa (muqaddiska ahaa). Kooxdaasi waxay geeddi ku tagtay daamanka Wabiga Niil ee Masar waayo ka horreeya taariikhda qoran. Waxay taladii Masar si xooggan ula wareegeen xilligii boqortooyadii 18aad. Waxay talada dalka kala wareegeen koox la oran Ta-Seti (Kuwii Dhulkii Qaansada) oo la filaayo inay ahaayeen Qolada Beejaha loo yaqaan ama Nuubiyiinta oo hadda labaduba ka tirsan yihiin bulshoweynta Reer Suudaan. Reer Ta-Netru iyo Reer Ta-Seti iyo waliba Reer Ta-Antyu (sullankii Afarta) waxay ka soo wada jeedeen Tolweynaha Kuush.  Waxay Reer Ta-Netru talada dalka kala wareegeen reer Ta-Seti waxayna unkeen boqortooyadii 18aad (1550-1292) ee aadka u xoog badnayd. Waayahaani waxay noqdeen xilliyadii ugu hormarsanaa iyo xilliyadii boqorradii ugu caansanaa ka soo banbaxeen dalkaas. Waxaa boqorradii ka taliyay ka mid ahaa Fircoon Aah-Moose (Ahmose), Daad-Moose I (Thutmose I), Daad-Moose II (II), Xaddiyo-Shubsato (Hadshipsut), Ammin-Xatoob II (Amenhotep II), Ay (Ay) iyo qaar kale.   Waxay dalkii gaarsiiyeen heerar barwaaqo iyo ladnaan badan leh. Waxay kaloo suurtogeliyeen in laga cayriyo dalka qolo Hiskoos (Hyskos) la oran jiray oo asal ahaan raacato ka soo guurtay Aasiya ahaa. Hiskoosku waa dadkii uu ka dhashay Nabi Ibraahim (NNKH). Waxay muddo 300 sano ah ka talinaayeen bariga dalkii Masar, waxayna qaayibeen qeybo ka mid ah dhaqammadii dhulkii fircoonnada sida mansabka fircoonka waa boqorke.  Waxay dooxada hoose (lower dalta) ee Masar ka talinaayeen ilaa boqorrada aan kor ku soo xusnay olole xooggan ku qaadeen dalkiina ka eryeen. Xilligaan ay bariga Masar ka talinayaan waa waagii Nabi Yuusuf (NNKH) uu wasiirka noqday wuxuuna ka noqday qeybta bariga dalka ee Hiskooska. Markii laga eryay dadkii Hiiskooska ahaa waxaa dagaalladii lagu qabsaday kooxo reer binu Israa’iil ah. Waa dadkaas dadkii la addoonsaday oo uu markii dambe Nabi Muuse (NNKH) ka xoreeyay gacantii fircoonkii markaas talada hayay.

Qoysaskii ka tirsanaa Kuwii Xuur Rumaysnaa oo hilaaddii talinaayay 250 sano, markii taladii lagala wareegay waxay u soo qaxeen dhukii Boqortooyadii Kuush, waxayna tafiirtoodii markii dambe degeen dalcadaha sare ee dhulka maanta Itoobiya loo yaqaan, dhammaadkiina waxay ku soo fureen arlada Soomaalida. Qoysaskaas boqorrada ahaa waxay dhashoodii deggen tahay geeska Afrika kuwaas oo maanta ah qeybo ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed, waana taas Singub iyo Sinmud isu magac iyo meherad ekaadeen. Markii ay qoysaskaasi soo degayeen dhulalka Soomaalidu hadda deggan tahay dabcan waxay ugu yimaadeen absaxankoodii hore oo ay markii horaba kaga hayaameen dhulalkaan. 
Bulshoweynta S/liyeed ee maanta waxay ka kooban tahay unugyadii waligoodba degganaa geyigaan, qeybo inta guuray soo guryo noqday iyo qeybo meelo kale duwan ka yimid waqtiyo kale duwan oo ku milmay isirkii dhaladka ahaa.  

TA-NETRU (Tii Nidarka):
Sidaan soo xusnay magaca Ta-Netru waxay dadkii dhulkii fircoonnadu u yaqaanneen Soomaaliya, macanahana waxaa lagu sheegay Dhulkii Eebbayaasha ama Dhulkii Dhawrsanaa. Su’aashu waxau tahay, haddii magacaas Soomaaliya loo yiqiin Af Soomaaliga ma laga helayaa? Jawaabtu waa, haa, balse dhammaan magagacyadii hore ee loo yiqiin dalkeenna afka bay ku wada daahsoon yihiin. Erayga Netru waxaa sirgaxay dadkii wax turjumaye eraygu waa Nidar. Haddaan tusaalaynno sida eraygaas wali loo adeegsado; qof baa wuxuu ku soo dhex dhacay meel halis ah, oo ama col aan bixinayn joogo ama bahal dad-qaada lagu og yahay. qofkii wuxuu magansadaa weynihii abuurtay oo wuxuu ballanqaadaa haddii maanta Eebbe bixiyo inuu sadaqo ama qurbaan bixin doono. Waxay u eg tahay in waayaha aan ka hadlaynno erayga Nidar uu ahaa ahaadaha sarreeya ee awoodda badan waa Eebbahe. Nidar wuxuu ahaa magaca weynaha la durraansado wuxuuna magacaas Eebbe iyo magacyo badan oo kale oo weynaha loo yiqiinba ka soo wada jeedeen dhulka maanta Soomaalidu deeggan tahay. Waxaa kaloo caddaatay in erayo badan oo waayihii fircoonnada la adeegsan jiray wali ku nool yihiin afka Soomaaliga sida kuwa shaxda hoose.



Afkii Masartii Hore
Afka Soomaaliga
Afkii Masartii Hore
Afka Soomaaliga
Asu
Isaga
Anka
Aniga
Dab
Dab
Bereq
Biriq
Ayah
Ayax


Cab
Kab
Tuf
Tuf (candhuuf)
Netder
Nidar
Hes
Hees
Ar
Aar
Huunn
Huunno
Usha
Usha
Haa, hey
Haahey
Hngl
Hangool




Xitaa, baadigoobka isirsidaha oo lagu daabacay Wikipedia wuxuu caddaynayaa in DNA/da Soomaalidu asal ahaan ka soo jeedo dhulka haatan loo yaqaan Masar (Egypt) => kooxda-Haplo E1b1b1a (V68) : qarnigii 19aad kahor Masiixiga => Meesha asalku : Masar iyo waqooyiga Suudaan. Tixraaca Wikipedia :( Waa dhaw, Tillmar et al. (2009) 147 rag Soomaali oo lagu jaantusay 12 Y-STR loci, waxaa la arkay in 77% (113/147) xanbarsan yihiin lamidka jaadadka hablo ee E1b1b1a1b. Ilaa hadda noqnoqodkaan E1b1b1a1b waa kan ugu badan oo laga helay hal qolo oo ummadaha dunida ka mid ah. Macnuhu waa astaantaan isku noqnoqonaysa oo ah summadda isirsidaha dadkii ku noolaa Masar waagii fircoonnada, waxay aad iyo aad isugu dhaw yihiin isirsidaha Soomaalida maanta, sidaasna waxaa la ogaaday markii 147 qof oo lab ah oo Soomaalida maanta ka mid ah DNA laga qaaday.



Tixraacyo:
ORIGINS OF HUMAN CIVILISATIONS
by
Prof. Mathole Motshekga
B.Iuris, LLB (UNISA), LLM (Harvard), LLD (UNISA)
FOUNDER DIRECTOR: Kara Heritage Institute 
Paper presented at 
 9th
 Annual African Renaissance Conference
Venue: ICC, Durban
Date: 23-24 May 2007

IYO
1.        ^ Kuhrt 1995: 186
2.       ^ Christopher Bronk Ramsey et al., Radiocarbon-Based Chronology for Dynastic Egypt, Science 18 June 2010: Vol. 328. no. 5985, pp. 1554-1557.
3.       ^ Aidan Dodson, Dyan Hilton: The Complete Royal Families of Ancient Egypt. The American University in Cairo Press, London 2004
5.       ^ a b c d e f g Grajetzki, Ancient Egyptian Queens: A Hieroglyphic Dictionary, Golden House Publications, London, 2005, ISBN 978-0954721893




Friday, July 20, 2012

Axmad-Nuur Aden-Dinix Xasan (Qarnigii 19-20aad)

Axmad-Nuur Aden-Dinix Xasan

Waxaa lagu wadaa inuu Axmad-Nuur hilaaddii noolaa ragaalkii qarnigii 19aad ilaa caaraddii qarnigii 20aad. Wuxuu ahaa gabyaa heerka kowaad ah, wuxuu kaloo ahaa wiilkii gabyaagii weynaa Aden-Dinix Xasan Kooshin ee lahaa gabayo qiro weyn leh sida: "Cir tarraray rag waa toli karaa, taako labadeede" iyo "Gobonnimo haddii loo tartamo, tiigso ma iraahdo..Ha yeeshee haddii la isu tirsdo, kuma takoornaado". Qoraal la'aanta iyo la'aanta iska-xilqaanka aruurinta suugaantii quruxda badanayd ee labadaas nin oo is dhalay, waxaa ka dhashay inay lunto suugaan maanta ka mid noqon lahayd maansada aan ku dhaadanno. Waxaan halkaan ku soo qaadaynnaa tuducyo naga soo gaaray maansadii Axmad-Nuur;

Nin u dhashay tolka Gacan-Weyne (Ogaadeen) baa wuxuu la darsay nin la oran jiray Axmad-Godo oo ka mid ahaa xigtadii Axmad-Nuur. Hal madi ahayd oo uu lahaa Axmad-Godo lana oran jiray Lada baa waxaa la yaabay caanaheeda ninkii Gacan-Weyne, markaasuu maalintii dambe inta dhacay u la guuray bartamaha tolkuu ka dhashay. Axmad-Godo wuxuu u ergeeyay ninkii hashiisii dhacay. Aroortii markii geelii la maalayay buu Axmad-Godo soo horjoogsady xeradii geela oo codsaday in la siiyo hashiisii, wuxuuse ninkii hashu xeradiisa ku jirtay ku jawaabay meerisyadaan:

Mareexaan luggoo baan lahaa, laba jirkaygiiye
Nin qabiilki laan sare yahay baa, Loola soofsado e
Anigu luunkayga kuma seexan karo, lahanka jiilaale 
Axmad-Godo laxdiisa ha dhaqdee, Lado u yeeryeera

Axmad-Godo isagoo hungo ah buu degmadiisii ku soo noqday. Haddii waayo la joogay ayaa roob ka da'ay meel u ogog leh degmadii Axmad-Godo, kadibna waxaa meeshii u soo hayaamay qolooyin uu ku jiro ninkii Lada dhici jiray. Axmad-Godo iyo rag qoladiisa ka tirsanaa baa soo dhacay geelii ninkii Gacan-Weyne oo ay ku jirto hal madi ahayd oo la oran jiray Eyra. Ergo ka socota qoladii la dhacay baa u timid beeshii Axmad-Godo oo uu Axmad-Nuur ku jiro waxayna ka codsadeen geeloodii in la siiyo. Axmad-Nuur baa arrintaas uga jawaabay meerisyadaan: 

Gacan weyne ma aqaan inuu, yahay Ogaadeene
Isagaa uluugaysan kara, olol diraaceede
Ontaradiisa ha dubtee, Eyra u yeeryeera

Waxaa la yiri waxaa geelii Axmad-Nuur dhacay col uu hoggaaminaayay nin la oran jiray Faarax-Fooldheer oo ka soo jeeday qolada Ogadeen. Markii geela la dhacaayay waxaa lagu dhaawacay Axmad-Nuur sida gabaygiisa ka muuqata. Dhacaas kadib baa waxaa arrintii geela ka ergeeyay nin ay Axmad xidid ahaayeen oo la oran jiray Fagaase oo ay isku heyb ahaayeen colkii geela dhacay. Ninkaas ergayntiisii lama tixgelin gacmo maran buuna kala soo noqday tolkiis. Maalintii dambe ayaa wiil Axmad dhalay doonay inuu col dumo uu ku soo dhacsanaayo geeloodii. Axmad wuxuu wiilkiisii kula hadlay gabay tixdaan kooban naga soo gaartay:

Haddii Faarax-Fooldheer Faddooy, laga furfuri waayay
Anigiyo Fagaasaba haddii, la isku fududaystay
Asuu faashka dheer i gala helay, feerta dhinaceeda
Geelaygu waa faran cadhee, fiitada ha gaaro
Oo haatan meeshuu fadhiyo, feex ha ku ahaado
Reer Diinigaan kala fakaday, foodda ha is geliyo
Waa lay furmaatiyi hashaad, iga fogaynayso
Goonyaha haddii laga fagfago, dhagax fadhiidoobay
Isagaaba kuu soo fuqiye, fadacda aashaada...

Waa gabay aan maanta ku sheegi karno istraatiijiyad dagaal. Wuxuu wiilkiisii ku waaniyay inuusan degdegin ilaa inta dhibka loo geystay uu tolkiis wada gaarayo (faran cadho waa cadho bilaw ah, fiitaduna waa markay jirka wada saabato wuxuuna ka wadaa colaaddu tolkay ha wada gaarto hadda waa bilaw e, sidoo kale feex oo jirro xun ah wuxuu ula jeedaa godobta geelayga la dhacay ha cuslaato) wuxuuna markaas awoodi doonaa inuu abaabulo guluf xooggan. Wuxuu saadaaliyay, in gulufkaas xooggani geli doono qoladii dhacday kadibna inta geel badan laga soo dhaco loo furmaatiyi doono oo macnuhu yahay; waxaa marka geela la soo tubo la oran doonaa marka hore geelaagii kala bax inta kalana saami baad ka heli doontaaye. Wuxuu kaloo yiri samir baa la rabaa markaad rabto inaad dantaada ka gun gaarto oo waa sida dhagax weyn oo meel ku dhaggan oo aan la nuuxin karin in tartiib geesaha looga faago mooyee. Wuxuu ku gunaanaday wiilkayow, reeraha na dhacay ha ku didin fudaydkaagee, maandhow aayar orodka.

Nin lagu naanaysi jiray Waaleeye oo u dhashay qoladii Axmad-Nuur baa waxaa dilay nin qole kale ka soo jeeday oo malaha markaas utun tirsanaayay. Waxaa la yiri ninkaas la dilay markaas wuxuu ahaa nin aad u jirran oo degmadiisii oo guurtay gaari waayay. Waxaa soo dul-joogsaday baa la yiri ninkaas jirranaa col, waxayna ka yare maagteen inay dilaan ninkaas aadka u jirranaa, waxaase laga furfuri waayay barbaar colka kamid ahaa oo ay dhashay baa la yiri; gabar la oran jiray Ina Siyaad Allamagan Dalal oo xagga abtirsiga marka la eego, abti uu u noqonaayo Waaleeye. Markii sidaas wax u dhaceen baa waxaa aad ug caarooday sidii loo galay Waaleeye qoladiisii (Reer Kooshin Diini) waxayna go'aansadeen inay u aaraan oo waliba kaliya dilaan ninkii wax dilay oo reer abtiga loo ahaa. Ninkii wax dilay wuxuu ahaa baa la yiri; nin dhawrada oo feejignaan badan, aadna dagaal-yahan u ahaa, wuxuuna godobtuu galay awgeed gadaal ka maray tolkuu ka dhashay (Majeerteen, Reer Biciidyahan). Cali-JIir Khalaf Max'd oo ahaa hoggaamiyihii jifadii Axmad-Nuur ka tirsanaa baa wuxuu hor-istaagay qorshihii dhallintii ciddiisu maagganayd, asagoo ka baqaayay baa la yiri; in waxyeello weyn ka soo gaarto qolodiisa, maadaama ninkii wax dilay aad u fogaaday, maatay oo qolodiisii gadaal ka maray. Si uu arrinkaas u sii xoojiyana wuxuu ka qaaday Axmad-Nuur koorihii faraskiisii Malaw. Dhallinyaradii Reer Kooshin Ugaas baa markaas kadib waxaa si xirrib leh u abaabulay Axmad-Nuur, waxayna dirsadeen nin ilaalo ah si uu u soo ogaado halka uu ku sugnaa ninkay baadi-goobayeen. Markuu Axmad-Nuur xogtii helay si qarsoodi oo qorshaysan buu u la baxay ilaa soddon nin waana gulfeen, wixii dhacayna Axmad baa tix ku muujiyay:

Addin ka ma jabow Malaw miyaan, oogta hore fuulay
Afartiisa heensaha miyaan, kii afka u waayay
Soddon ubax hareeriya miyaan, Aw isaga yeelay
Naf intihiyaashii miyaan, ka arrin roonaaday
Waxba yaanan aarkiisa helin, Inankii Waaleeye 
Eedaaddayey Ina Siyaad, sow ma urugoonnin

Dhammaadkii qarnigii 19aad ama bilawgii qarnigii 20aad baa waxa dhacay dagaal weyn oo dhex maray labo qolo oo kala ahaa bah Habar-Celi (Ogadeen, Muuse Gumcadle) iyo Cumar Max'uud (Majeerteen, Max'uud Saleebaan). Wuxuu ka dhacay dagaalku meel la magac baxday Dhacdiid oo u ogog leh degmada Goldogob ee maanta. Sababtii keentay dagaalkaas waxay ahayd; waxaa la dilay nin la oran jiray Xasan-Weyne (reer Khalaf) oo lagu eedeeyay inuu gabar faro xumeeyay. Kadib, markii qolodiisii weyddiisteen tolkii dilay (bah Habar-Celi) mag, waxay ka oggolaadeen magtaas 40 halaad oo aan xul ahayn. Max'uud-Gaanni Faarax Samatar oo hoggaaminaayay ergadiii magdoonka ahayd wuu qaatay magtaas aan loo bogin, iyadoo raggiisii ku dhaliileen qaadashada, wuxuuse maagganaa inuu walaalkiis u aaro isago col weyn soo dumaya sahayna ka dhiganaya geelaas ka yaraa magtii nin la dilay. Max'uud-Gaanni intuu tolweynihiisii ku dhex dhacay buu soo kiciyay col mahiiggaan ah oo aad u hubaysan, wuxuuna dhigay goobtaas dagaallada tolalka S/liyeed caanka ku ah. Kadib dagaalkaas baa Axmad-Nuur (Marreexaan, reer Kooshin ugaas Diini) oo isagu aan ka tirsanayn labada qolo oo ay dirirtu dhex martay tiriyay gabaygaan caanka noqday waxaana la yiri markuu gabayga tirinaayay wuxuu u xiiraayay ama seemaayay gabadh yar oo uu dhalay waa Cawrala-Mushaax Axmad-Nuure. Gabaygu wuxuu u eg yahay mid istraatiijiyad dagaal ah iyo mid wacaalo-warran ah. Sida ka muuqata gabayga markii la jabiyay bah Habar-Celi waxaa laga dhacay xoolo badan, hase yeeshee jifadii reer Samatar Khalaf oo ku awood roonayd colku waxay isa siisay geelii, halka jifooyinkii kale oo ku weheliyay colka laga qadiyay ishkinkii. Ragga uu magac dhabay waxay ka soo kale jeedeen jifooyinkii colkii guulaystay:    

Cawrala-mushaaxey rag waad, wada maqalaysaaye
Malaha mawtigiis baa isku galay, mirana kala roone
Habar-Celi midgaa laga dhigay, duul madqlalla ahe
Waxa makaawigoodii ku jabay, miririgtii shalaye
Mar haddaysan soo noqon adduun, waa kan meerto ahe
Maandhay marta haw furfurin, milifna haw qaadin
Ibraahiinno manqadii aray, magac ku yeesheene
Cali-Yey muuquunaa ahaa, meetanay timide
Xiddig muusanowguu la tagay, maqalyay Daaroode
Ma maggowsan Goolnuug, wixii geel la soo tubaye
Ilma Jaamac-Alan looma qaban, qaalin moordiyahe
Geelii muggayskiyo ahaa, xero-u-meegaarka
Kuwii laga martiyaan ku siin, magan shaallaaye
Maqaawiirta reer Samatar Khalaf, anigu mooyaane
Nin kaloo is maxamuudiyaa, malihi waa beene
Mandhay martaada haw furfurin, milifna haw qaadin

Waxaa la sheegay markii magta la weyddiisanaayay qolodii dhiigga qabtay oo ay diideen inay mag fiican bixiyaan, in nin isla qoladaas ka tirsanaa oo la oran jiray Indho-Sarsar tolkiis ku la taliyay inay magta si fiican u bixiyaan ama ragga mag-doonka laayaan waana laga diiday. Indhosarsar wuu ka taloobay tolkiis oo waa ka guuray. Markii gabaygaas Axmad shaac baxay baa waxaa la yiri ninkii hoggaamiyaha u ahaa qolodii la jabiyay oo la oran jiray Caynab Hoori oo ka madax adaygay bixintii magtii Xasan-Weyne tiriyay tix ay intaan naga soo gaartay oo uu ku la hadlaayay afadiisii: 

Lixaad waxaan lahaa maalintii, labigii dheeraaye
Lurtaydu ha hartee waxaan ku lumay, leexadii shalaye
Xamar lalashka ii saar adduun, laacibki dhigaye...

Maalin kale ayaa Axmad-Niir waxaa la wariyay inuu arkay nin xigtadiisa ka mid ahaa oo qalqaalinaaya col duullaan qaada oo dhallinyaradii tolkiisa ku qancinaaya fiicnaanta uu duullaanku leeyahay. Axmad-Nuur baa markaas kadib wuxuu tiriyay tix ay naga soo gaartay labadaan tuduc:

Rag la dumay inuu duullaami, anoon kugu diidaynin
Ha ku daalin dooyada dambaa, dumarku ooyaaye.

Bilawgii dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ee Sayid Max'd hoggaaminaayay waxaa u bogay ujeeddadiisii qeybo badan oo tolalkii Soomaaliyeed ka mid ahaa. Jifadii Axmad-Nuur ee reer Kooshin Ugaas Diini waxay xoog ugu riyaaqday halgankii daraawiishta, hase yeeshee intaysan ku biirin daraawiishta waxay ergo xograadin ah u dirtay xaruntii Sayid Max'd fadhiyay oo markaas tiil dhulka Ceelcad la yiraahdo. Xogtii ergadu keentay waa la isku khilaafay oo rag uu ka mid ahaa nin la oran jiray Xaryan Nuurre oo markii dambe la waayay meeluu jaan dhigay waa diideen in lagu biiro, intii badnaydse waxay u guurtay xaruntii, dhammaadkiina badi waa ku tirantay dagaalladii daraawiishta. Kahor intii aysan guurin, Axmad wuxuu ku walaacay geeddiga reer tolkii iyo aayahooda, wuxuuna arrinkaas ka tiriyay gabay tixda hoose naga soo gaartay. Tuduca ugu dambeeya wuxuu u la jeedaa la-jeeraarinta nimanka Jaciireed degmo gooyo ahayd oo xigtadiisa ka mid ahayd oo tiil meel la yiraahdo Jaciir oo aan iyadu ku biirin geeddigii loo lallallabay. In kastoo Axmad ka maagtay markii hore geeddigii jifadiisa haddana waa uu ku biiray halgankii dheeraa, aakhirkiina isaga iyo rag badan oo xigtadiisa ka mid ahaa waa ku baxeen halgankaas, waxaana la sheegaa inuu Sayidku u bixiyay Gabay-Shinni:

Jilbo-geeljirayn baan ku jiray, xalay intaan jiifay
Arrin jiicamaa i helay, iina jabi waayay
Mid markaan jalleecaba mid baa, joog i oranaysa
Dhulka waxaan jifeeyaba waxay, igaga jaw beeshay
Waa inaan la jeeraariyaa, nimanka Jaciireede.....

Monday, July 16, 2012

Nin dharbaaxo quureed dugsaday, dhaqayadeed maalye


MUQDISHOW MA XARUNTII QARANKAA, MISE WAA XABAASHII QARANKA?

1960kii baa Muqdishow loo xooleeyay inay noqoto xaruntii qaranka Soomaaliyeed. Waxaa goob walba oo gudaheeda ah loo xaarxaaray sidii looga yagleeli lahaa dhismayaal bilicsan oo loogu talagalay horumarinta iyo adeegyada Qaranka Soomaaliyeed dhammaanti. Waxaa daafaheeda oo dhan laga qotomiyay guryo baaaxad iyo bidhaan fiican leh. Waxaa agagaaradeeda oo idil laga hirgeliyay mashariic tira badan oo loo qoondeeyay kobcinta dhaqaalaha dalka. Waxay Muqdishow kaligeed qaadatay hantidii ummadda, mid gaara iyo mid guudba. Waxaa dalkii oo dhan magaalo u noqotay Muqdishow, waxaana qof walba ku taamay inuu maalgashado iyada. Dhammaan qeybihii kale ee dalku waxay noqdeen meelo maran oo ka qaday dhinacyadii horukaca oo dhan.

1991dii baa la afgambiyay dawlad qareemeedkii u taagnayd danaha qeybaha Soomaaliyeed oo dhan, mid xora iyo midaan xor ahaynba. Qolooyinkii daldalay dawladnimadii, waxay si dhammaystiran u burburiyeen magaaladii ahayd mudanta magaalooyinka oo ahayd madashii kulminaysay Qaranka Soomaaliyeed. Meelihii ka badbaaday burburinta waxaa si farxad iyo raynrayn leh oo booliyay qolooyinkii ku baanay baabi’intii hababkii ismaamullka iyo horumarka. Waxay qolooyinkaasi yeesheen Muqdishow iyo agagaaarkeeda iyo waliba nool iyo mood wixii yiil. Waxay muddoo kooban qolooyinkaasi ka cayn wareejiyeen dadkii Soomaaliyeed xoolahoodii, waxayna ka dhigeen miday dilaan iyo miday qaxiyaan ilaa Muqdishow noqotay mid ka qaawan dadkii dhisay. 21kii sanoo la soo dhaafay ee Muqdishow ahayd rugta qolooyinkii burburinta iyo baaba’a, waxaa dhaqan ahayd in la dilo qofkii damca inuu sheegto hantidiisii laga mooraduugay, waxayne inta badan xubnihii sidaas falay la kulmeen dil foolxun si aan markaas qofna u  haweysan tacabkiisii laga xoogay. Badanaa, inta qof eeday sheegashada hantidii uu u dhididay. Waxaa tusaale wacan ah, maantadaan baa la soo tabiyay dilista Dr. C/xakiim Max’uud Khaliif Shire oo aabbihi hortiisa si kibir ku jiro loogu toogtay. Sidii caadadu ahayd waxaa loo toogtay guri u lahaa oo uu dayactiraayay.

Muqdishowdii wacanaanta badnayd oo faddarawday, maantana ah hanitida gaarka ah ee kooxihii marooqsaday lahaanshaheeda, haddana ku dacwiyaaya inay caasumadda muqaddiska iyo lama-dhaafaanka tahay. Sidii qasabka ahayd ee ay ku marooqsadeen yeelashadeeda bay haddana ku rabaan inay ku marooqsadaan xarunnimadeeda. Waxay rabaan in qarankay hoojiyeen dib ugu hoojiyaan meel ay ka dhigteen goof iyo gabbaad ay iyagu leeyihiin. Mar hadday waayeen cid ku maxkamaysa gefafkii badnaa iyo gumaadkii weynaa, malaha waxay la noqotay inay iyaga gefkoodu yahay lagama-hadlaan. Marna waa magac qabiil, mar waa magac wadaaddo, marna waa magac dawladeed waxa dadkii iyo dalkii lagu hagardaamaynayo.

Waxaad mooddaa, in qeybo badan oo xubnaha bahweynta Soomaaliyeed ah ay iska qaayibeen gunnimadii la baday oo sidii ay addoon yihiin sidii la rabo laga yeelo, loona sheego. Waxaa la dilaa kii la doono, waxaana cod dheer lagu sheegaa in caasimaddii dalku tahay meeshaas baladu degtay oo boholaha ka samaysatay. Sow kuma habboona kuwaas hunguriga ugu yaacay Muqdishowdii dullowday meeriskii: “Nin dharbaaxo quureed dugsaday, dhaqayadeed maalye……..Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide”. Sow kuma habboona kuwaas sidii lo’dii iyagoo dhooban hortooda hadba mid lagu gawracaayo ama lagu shabbaaxayo inay ka gadoodaan oo diidaan in lagu maquuniyo xarunnimada Xamartii la halleeyay oo sow kuma habboonaa inay horseed ka noqdaan sidii caasimad qarameed san loogu unki lahaa qarankaan guntu gabagabeysay? Sow maaha in laga hor istaaga waxgaradka aadista meeshaan inkaarta qabta si aan loogu warjaafin oo maskax wax tari lahayd maxaysatada gacanteeda ugu bixin?
Kooxaha sheegtay Muqdishow waxay samayn lahaayeen sameeye ee wixii lagu samayn lahaa baa haray!

Qabaannimo ninkii iga damciyo, ii qasaal marada
Qaddarkaas ilaah iguma qaban, qoodhay xeradaye
Ayax Max’d Dhawre Dagaal

Friday, July 13, 2012

DOCAALEY


DOCAALEY
Awoodda loogu deeqay aadanaha waxaa ka mid ah tan dareenka. Qofka waxaa loo hibeeyay awood baaxad leh oo uu jirkiisu wax ku dareemo ama ruuxiisu ku dareemo. Waxaa kaloo qofka la sii awoodsiiyay inuu marka uu wax dareemo sida kaarka oo kale astaamo muujiyo. Astaamahaan waa codsi ama dhawaaq gargaar doon ah. Dhawaaqu wuxuu qofka ka yareeyaa cadaadiska nafsaaniga ah oo dhibabka la soo gudboonaaday sameyska jirkiisa ay ku abuureen.  Dadka maanso-yahanka ah iyaga waxaa dheeri loo siiyay awoodda halabuurka oo ay wax ku tusaaleeyaan,  toydaan ama yu’daanba. 
Waxaa hubaal ah in 20kii sanoo la soo dhaafay qofka S/liyeed ee dareenkii abuurriinka ahaa oo fayow leh inuu la kaarayay kadeedka iyo rafaadka la baday naftiisa,  dadkiiisa iyo dalkiisa. Goortii aan erayadaan qoraayey waxaa igu soo dhacaayey warar sheegaya in meelo badan oo dalka ah ay ka socdaan dagaallo lagu hoobtay oo gumaad iyo burburin wata. Waxaa dadkii S/liyeed loo asteeyay inuu noqdo kooxo magacyo kale duwan wata oo si arxandarro ah isu laynaya oo koox walba ku faraxsan tahay shisheeyaha dhabarkeeda taagan. Waxaad mooddaa inay maanka ka maqan tahay in geerida dhinac kasta ay tahay geeri S/liyeed. Waa arrintaan midda nagu riixaysa curinta maansada, waxaana ahaa oraah soojireena; baahidu waa hooyada halabuurka.    
Maantana waa Docaaley; waa mar nabad iyo barwaaqo la joogo oo dad iyo duunyaba la ladan yahay, marna waa abaar hoolaysa dhirta oo daaq iyo wax kaloo xooluhu ku noolaadaan aysan jirin, markaasna dadkii dacdarro la soo gudboonaato. Mar kalana waa colaad ku fidda degelladoo idil oo dadkoo dhan iyo kaabayaasha nolosha dhammaantood baabi’isa. Haddii col iyo cadaawe kuu kulmaanna waa sidaan ka jirta geyiga S/liyeede waa dhib baaxad weyn oo ka mid ah dhibabkii laga ducaysan jiray kuwa uga waaweyn. Allow sahal. Maansadaani waxay soo baxday bishii Maaris 30/dii, 2011 waana:

Adduunyadaan delleganee,  xumuhu daadaayo
Adduunyadaan docdaad aaddo, silica doog mooddo
Adduunyadaan daalimka iyo tuuggu, wada dullaalaayo

Oo dorraad kii horee dhacay, madaxa loo dooran
Oo loo diyaafadinayoo, loo damaashaadi
Oo deeq horloo badan la siin, darajo dheeraada

Aadduunyadaan ninkii daacada, dabinka loo qooli
Oo doqonka shawrkiis la rabo, diricna laga maagi
Oo habaynkii loo soo dusoo, dhiigga laga daadin

Adduunyadaan miskiinkii la dili, loo darraanaayo
Oo danyartiyo carruurtiyo, dumarka loo tookhi
Oo madfacaa dananiyo la marin, daabbad iyo jiibka

Oo diyaaradihii gani laa, laga dul heehaabin
Doc kastoo la joogoo la jiro, degelku qiiqaayo
Oo laga dul maansoonayoo, laga dul geeraari

Oo deeqahoodii la dhigan, daasas-lacageedka
Oo dibirrootiyeyntoodana, loo durbaan tumani
Mar haddii dalkii oo idil, gubato lagu daaray

Mar haddii ay duggaal beeshayo, laga dagaagaayo
Mar haddii dulbaaxdii la nacay, dalawga laga xooray
Oo dalawadii aan jeclaa, dayro laga yeelay

Mar haddii diintiyo aqoontii, lagu dabin qoolaayo
Mar haddii wadaadkii digrigu, dooxataynaayo
Oo uu dhiig daadisiyo rabo, ciduu daqareeyo

Oo uu  macallinkii dugsigu, mallaalnimo doortay
Oo danaysi mooyee wax kale, laga dareeraayo
Dugeyay  dadkii maxaa nolosha, loo dacareeyay

Darxumo iyo ciil maxaa la baday, duunka Soomaali
Diihaalka gaajada maxaan, dibadaha meernay
Dullinnimo iyo ceeb maxaa, nala durduursiiyay

Dabajoog maxaa noo tashiyo, duufle maangaaba
Madax soo dandaanlow muxuu, doobbo kicinaayay
Dugayey maxaa nala ku salliday, belo madaxa duuban

Duullaammadii cadaw maxaa, nala ku soo daayay
Dallacaada dooniyo maxaa, dabato soo miiggan
Sawaabkii darrawgiyo maxaa,  doxore noo taagan

Dibitaati beeniyo maxaa, dalamle noo dhooban
Ha yeeshee waa docaaley waa, labo darleydaase
Waa abaar diiranaysiyo, dil iyo laayaane

Marna waa ladnaan dararaysiyo, duunyadoo dhanqane
Daa’imow adaan magan kuu nahoo, ka dalbanaynnaaye
Eebbow adaan kuu dan sheegnee, diifta naga meeri


Erayada
-        Dellegan: wax u dhimman yihiin, meel la’.
-        Silic: rafaad, saxariir, dhibaato.
-        Diyaafadin: martigelin, soo dhaweyn, xaflad u sameyn.
-        Dabin: farsamooyin kale jaad ah oo ugaarto lagu qabto; halkaan dhagaraha kale duwan ee lagu sameynaayo dadka Soomaaliyeed.
-        Dusid: meel kor ka xiran ama meel duleesha oo foorar lagu maro; halkaan soo dhuummasho, soo gaatamid.
-        Tookh: ammaan, faan, dhood.
-        Danan: ciga fardaha; halkaan ciga xabbadaha.
-        Daabbad: neef xoolo ah oo la rarto; halkaan taangiga dagaalka.
-        Qool: xarig il leh oo xoolaha qoorta loo suro, qoolis waa falka naflaha lagu xakameeyo ama lagu dabo.
-        Shawr: hadal si gooniya qof loogu sheego ama si qarsoon loola yeesho, faq.
-        Dulheehaab: korka heehaaba ama duula amaba sabbeeya.
-        Degel: halkii la dego ama dalkii lag deggan yahay raadka ku hara; halkaan dalkii Soomaaliya waxyaalihii noolasha kaabayay ee laga sameeyay.
-        Dulmaansood: maanso laga dultirinaayo meeyadadka iyo burburka; halkaan erayada sida joogtada ah looga tiraabo wartebinta ee dil dad S/liyeed looga faano.
-        Dulgeeraar: geeraarro laga dultiriyo falalka bi’inta iyo gawraca dadka S/liyeed.
-        Daasas-Lacageed:  Dukaan-lacageed waxaa loo jeedaa bangiyada lacagaha lagu dhaco magaca dadweynaha S/liyeed lagu soo shubto.
-        Dibirrooti: waa tab ka mid ah legdinta, tabcayn; waxaa halkaan loo jeedaa ku soo celcelinta dhibaataynta shacabka S/liyeed.
-        Duggaal: meesha dabaysha ama dhaxanta la iska xijiyo; halkaan dalkii hooyo oo lagu badbaadi lahaa.
-        Dagaag: aan waxba haysan oo iska socda, daadduun; halkaan qaxa joogtada ah ee dadka S/liyeed sannooyinka badan ku jiraan.
-        Gubato: waa dab ka kaca kaymaha ama meelaha dhirta leh oo baaha; halkaan colaadaha ku baahay geyiga S/liyeed.
-        Dulbaax: asalka eraygu waa baruurta ku dheggan haragga neefka xoolaha ah; halkaan fiicnaantii dawladnimada ama qarannimada.
-        Dalaw: meel durugsan oo aan la gaari karin ama hoos u qodan oo aan la gacantogaaleyn karin; halkaan meesha la geeyay qarannimada S/liya.
-        Dalawo: la jecel yahay, aan laga maarmi karin, qaali ah.
-        Dabinqool: falka wax lagu dabo si qool loo geliyo ama dhib loo geysto.
-        Daqareyn: waa falka qofka nabar loogu geysto ama lagu daqro; halkaan laynta ama khaarajinta xubnaha dadweynaha ee waxtarka.
-        Mallaal: kaaliye dullaal.
-        Dugayey: eray qofkii dhibaato ku dhacdo yiraahdo, haadayey, hoogayey, ba’ayey.
-        Dacareyn: dacar waa geed yar oo leh caleemo dheecaan kharaar; dacareeyay waxaa loola jeedaa xaraar ama kharaar sida dheecaanka dacarta.
-        Darxumo: nolol xun oo aan wanaagsaneyn, daranyo, dacdarro.
-        Duun: ahaanta qofka iwm., laftiga ama nafta.
-        Diihaal: baahi iyo rafaad isla socda.
-        Durdursiin: cabsiin ku noqnoqosho ah, ladaabsiin; halkaan dharjin ama ka badin.
-        Dandaan: dhagax weyn, dhadhaab; halkaan garaad yari la madax weyn.
-        Doobbo: kolay yar oo uu soo rido awrka qooqani; halkaan damaca xoogga badan ee qawlaystaha siyaasadeed hadba la soo kacayo.
-        Sallid: aan kaa tageyn ee kugu soo taagan, kugu naban.
-        Sawaab: sawir, doqon, caale, lagaroone, dabbaal.
-        Darraw: wax markii horaba dhib lahaa oo la sii kordhiyo, darnaansho.
-        Doxore: hadal iyo faan beena badan, leh war daroori ah.
-        Dalamle: wuxuu arkaba liqa; halkaan kuwa danta guud waxay cunaan ku raadsha.
-        Docaaley: leh labo dhinac ama ka badan, hadba xaalad ku sugan.
-        Darley: dar waa kaalinka xoolaha laga waraabiyo; halkaan labo xaaladood; samaan iyo xumaan.
-        Darar: xooluhu markay carshin fiican helaan baa kii irmaanaa caano badan yeeshaa; waxtar kordhaaya ama badanaaya.
-        Diif: raadka cudurku ama gaajadu ku reebaan noolaha sida dadka.
-