MUQDISHOW
MA XARUNTII QARANKAA, MISE WAA XABAASHII QARANKA?
1960kii baa Muqdishow loo xooleeyay inay noqoto xaruntii
qaranka Soomaaliyeed. Waxaa goob walba oo gudaheeda ah loo xaarxaaray sidii
looga yagleeli lahaa dhismayaal bilicsan oo loogu talagalay horumarinta iyo
adeegyada Qaranka Soomaaliyeed dhammaanti. Waxaa daafaheeda oo dhan laga
qotomiyay guryo baaaxad iyo bidhaan fiican leh. Waxaa agagaaradeeda oo idil
laga hirgeliyay mashariic tira badan oo loo qoondeeyay kobcinta dhaqaalaha
dalka. Waxay Muqdishow kaligeed qaadatay hantidii ummadda, mid gaara iyo mid
guudba. Waxaa dalkii oo dhan magaalo u noqotay Muqdishow, waxaana qof walba ku
taamay inuu maalgashado iyada. Dhammaan qeybihii kale ee dalku waxay noqdeen meelo
maran oo ka qaday dhinacyadii horukaca oo dhan.
1991dii baa la afgambiyay dawlad qareemeedkii u taagnayd
danaha qeybaha Soomaaliyeed oo dhan, mid xora iyo midaan xor ahaynba.
Qolooyinkii daldalay dawladnimadii, waxay si dhammaystiran u burburiyeen
magaaladii ahayd mudanta magaalooyinka oo ahayd madashii kulminaysay Qaranka
Soomaaliyeed. Meelihii ka badbaaday burburinta waxaa si farxad iyo raynrayn leh
oo booliyay qolooyinkii ku baanay baabi’intii hababkii ismaamullka iyo
horumarka. Waxay qolooyinkaasi yeesheen Muqdishow iyo agagaaarkeeda iyo waliba
nool iyo mood wixii yiil. Waxay muddoo kooban qolooyinkaasi ka cayn wareejiyeen
dadkii Soomaaliyeed xoolahoodii, waxayna ka dhigeen miday dilaan iyo miday
qaxiyaan ilaa Muqdishow noqotay mid ka qaawan dadkii dhisay. 21kii sanoo la soo
dhaafay ee Muqdishow ahayd rugta qolooyinkii burburinta iyo baaba’a, waxaa
dhaqan ahayd in la dilo qofkii damca inuu sheegto hantidiisii laga
mooraduugay, waxayne inta badan xubnihii sidaas falay la kulmeen dil foolxun si
aan markaas qofna u haweysan tacabkiisii
laga xoogay. Badanaa, inta qof eeday sheegashada hantidii uu u dhididay. Waxaa
tusaale wacan ah, maantadaan baa la soo tabiyay dilista Dr. C/xakiim Max’uud
Khaliif Shire oo aabbihi hortiisa si kibir ku jiro loogu toogtay. Sidii caadadu
ahayd waxaa loo toogtay guri u lahaa oo uu dayactiraayay.
Muqdishowdii wacanaanta badnayd oo faddarawday, maantana ah
hanitida gaarka ah ee kooxihii marooqsaday lahaanshaheeda, haddana ku dacwiyaaya
inay caasumadda muqaddiska iyo lama-dhaafaanka tahay. Sidii qasabka ahayd ee ay
ku marooqsadeen yeelashadeeda bay haddana ku rabaan inay ku marooqsadaan
xarunnimadeeda. Waxay rabaan in qarankay hoojiyeen dib ugu hoojiyaan meel ay ka
dhigteen goof iyo gabbaad ay iyagu leeyihiin. Mar hadday waayeen cid ku
maxkamaysa gefafkii badnaa iyo gumaadkii weynaa, malaha waxay la noqotay inay
iyaga gefkoodu yahay lagama-hadlaan. Marna waa magac qabiil, mar waa magac
wadaaddo, marna waa magac dawladeed waxa dadkii iyo dalkii lagu hagardaamaynayo.
Waxaad mooddaa, in qeybo badan oo xubnaha bahweynta
Soomaaliyeed ah ay iska qaayibeen gunnimadii la baday oo sidii ay addoon yihiin
sidii la rabo laga yeelo, loona sheego. Waxaa la dilaa kii la doono, waxaana cod dheer lagu sheegaa in caasimaddii dalku tahay meeshaas baladu degtay oo boholaha ka
samaysatay. Sow kuma habboona kuwaas hunguriga ugu yaacay Muqdishowdii
dullowday meeriskii: “Nin dharbaaxo quureed
dugsaday, dhaqayadeed maalye……..Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide”.
Sow kuma habboona kuwaas sidii lo’dii iyagoo dhooban hortooda hadba mid lagu
gawracaayo ama lagu shabbaaxayo inay ka gadoodaan oo diidaan in lagu maquuniyo
xarunnimada Xamartii la halleeyay oo sow kuma habboonaa inay horseed ka noqdaan
sidii caasimad qarameed san loogu unki lahaa qarankaan guntu gabagabeysay? Sow
maaha in laga hor istaaga waxgaradka aadista meeshaan inkaarta qabta si aan
loogu warjaafin oo maskax wax tari lahayd maxaysatada gacanteeda ugu bixin?
Kooxaha sheegtay Muqdishow waxay samayn lahaayeen sameeye ee
wixii lagu samayn lahaa baa haray!
Qabaannimo ninkii iga damciyo, ii
qasaal marada
Qaddarkaas ilaah iguma qaban, qoodhay
xeradaye
Ayax Max’d Dhawre Dagaal
No comments:
Post a Comment