Tuesday, February 25, 2020

Dhib-Wadayaasha Soomaaliya/الاوغاد الصوماليه /The Villains of Somalia




Car yaa ka soo xula taariikhihii hore, dhexe iyo dambe ee qaramada uunka, oo ka soo hela qaran qeybo kamida dadkiisa ay dalkoodii ku caasiyeen oo la soo safteen cadawgii qarankooda, oo falalkooda gurracan ku helay maamuus iyo tixgelin oo aan Soomaali ka ahayn? 

Car yaa dabin walba oo taariikhda uunka, ka soo hela gacan-kudhiigle soo gumaaday dadweyne aan dambi lahayn, oo wuxuu soo falay goob walba la taagan, oo mashxarad iyo alalaas lagu soo dhaweynaayo oo aan Soomaali ka ahayn?

Car yaa soo baara goonyaha dunida oo soo hela ummad tuug xaabsada oo boobay hantidii guud iyo tii gaar ahaaneed ee dadka oo fagaarayaasha la taagan waano iyo wacdi oo aan Soomaali ka ahayn? 

Friday, February 14, 2020

Yaa Raalligelin Mudan?


Yaa Raalligelin Mudan?



Marka hore waxay ila tahay inaan yare qeexno erayadaan:
        Cududaar (excuseعذر): waa sharraxaadda ama sababaynta arrin dhacday taas oo lagu difaacayo dhibkii ka dhashay arrintaas dhacday. Tusaale ahaan, nabar ku dhacay qof/dad aan loo la jeedin.
·       Raalligelin/garawshiiyo (apology اعتذار): waa qirasho qoomamo weheliso oo loo sameeyo dhinac waxyeello loo geystay.

Sannadkii 1977-dii kadib markii dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhacay, waxaa dadweynaha Soomaaliyeed ka dhex bilawday dagaallo sokeeye oo ba’anaa. Dagaalladaas waxaa bilaabay kooxo markoodii hore ka tirsanaa Xooggii Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo isu abaabulay hab qabiil. Kooxahaas qoloda ku dhisnaa waxay habar-wacasho ku la dhex rooreen qolooyinkii ay ka soo jeedeen, waxaana caan ahaa guubaabooyinkii badnaa iyo abaabulladii ay ka dhex sameeyeen tolalkii ay ka dhasheen. Waxaa ka loo caan ah, in xooggaas hubaysnaa ay maciinsadeen, saldhigna ka dhigteen Dalka Itoobiya oo colaad xun oo soojireen ahayd ka la dhaxeysay Soomaaliya. Waayahaas waxaa Itoobiya u samaysnaa naqshaddii ay Soomaaliya ku burburin lahayd, waxaana aaladaha ay markaas adeegsanysay kamid ahaa, xoogaggii hubaysnaa ee Soomaaliyeed oo isku magacaabay jabhado xaq-u-dirir ahaa. Si ay u sahlanaato burburintii Soomaaliya, waxay jabhadihii ku macneeyeen dawladdii mid qabiil haysto, ciidankii qarankan waxy ku sheegeen mid M/W-hii dalku leeyahay (Askartii Afweyne!). Waxaa markaas dhankooda xalaal ka noqday dilka iyo dhaca qof kasta oo ay isku abtiirsiinyo yihiin M/weynihii Dalka iyo qof kasta oo loo maleeyo taageere. Ciidammadii Dalka oo sitay Astaantii Qaranka, waxay u la dhaqmeen sidii burcad oo kale iyo in la-dagaallankooda lagu janno tagaayo.

Sidaas waxaa ku abuurmay xasuuq aan loo aabbe yeelin oo ay horseed ka aheeyeen jabhadihii baabi’inta Ummadda Soomaaliyeed iyo garabkoodii waa Xabashiye.

Dawladdii dalka markaas ka jirtay, waxay intii itaalkeeda isku dayday inay dalka ku difaacdo xoog iyo hab siyaasadeed labadaba. Is-hardigaas xoogganaa ee labadaas dhinc, waxay waxyeello badan ka soo gaartay xubno badan oo shacabkii Soomaaliyeeda oo aan waxba galabsan, arrintaasi goob iyo gobol ku ma koobnaan ee waxay saabatay dalka oo idil, in kastoo dhibabka lagu ka la horreeyay, laguna ka la badnaa.

Yaa Raalligelin Mudan?

Waxaa raalligelin ama garawshiiyo mudan: 1-Ciidammadii Qarnka ee u dhintay difaaca dalkooda iyo xubnihii waddaniga ahaa ee u dhintay is la ujeeddadaas. 2-Waxaa raaligelin mudan dadweynaha Soomaaliyeed idilkiis, kaas oo noloshiisii loo burburiyay dano gaar ahaaneed oo raqiisa, waxaana raalligelinta lagu leeyahay jabhadihii ba'a iyo baabi'inta ee Mingiste maqooradaayay.

Haddii kuwaas dambe aysan garawshiiyo mudnayn oo ay ka mudan yihiin kuwii hoogga horseeday, haddee, shabaab iyo waalkoodna garawsho leeyihinn, wadannimo loo dhintaana ma jirto.

Yaa Cududdaar Leh?

Waxaa cududdaar leh, dadkii shacabka ahaa ee xoogaggii jabhadaha ahaa iyo ciidammadii Soomaaliyeed dhexdooda dhibabku ka soo gaareen.

Maxaa Maanta Soomaali la Gudboon?

Mar haddaan maanta garsoor fiican loo helayn balaayadii la soo maray, waxaa habboon in la is wada cafiyo oo si daacada oo aan baarasho lahayn la isu wada cafiyo, in dib loo ciftana laga wada fakaro. Haddii hal dhinac isu arko inuu kaligi dhibbane yahay, qaladna uusan lahayn, arrintaas waxay horseedaysaa in boogo badan danqadaan, aadna loo sii ka la fogaado.                                                                                                     `