Thursday, October 11, 2018

Waa Ku Ma Siyaasiga Wanaagsan?

Related image

Related image
              Related imageRelated imageRelated image

Siyaasiga wanaagsan waa kan: 

    ·       Rumaysan (Faithful): wuxuu rumeysan yahay Weynaha wax walba         maareeya, wuxuuna og yahay in qorshe walba isaga ka soo fulo, sidaas darteedna wuxuu ahaada mid iimaan leh oo ku xasila qoondaha Eebbaha sarreeya. Wuxuu aamminaa naftiisa, hadduu go'aan gaarana wuxuu talo saartaa Awoodlaha weyn. Marna ma qawado qaddarta, ku mana mashquulo qeybintiisee wuxuu u hawlgalaa siduu wax san u tari lahaa, inta uu ifka joogo. 
     
·       Af-yahan ah (Polyglot): afku waa aalad xoog badan, marka siyaasiga wanaagsan dhankiisa laga hadlaayana, waxaa laga rabaa inu aftahan yahay ee uusan ahayn afgocor aan dadka warkiisa gaarsiin karin. Waa inuu si wanaagsan u yaqan afka bulshadiisa oo waliba wax ka yaqaan suugaanta. Marka uu siyaasigu xigto maah-maah ama oraah kale oo xikmadaysan wuxuu soo jiidanayaa dareenka dadweynaha. Hadduu yaqaanno afguriyada (lahjadaha) dadweynaha dalkiisana wuxuu ka dhex noqdaa hal-tusaaleed aad loo tixgeliyo. Hadduu afafka kaloo waaweyn ee dunida looga hadlo uu wax ka yaqaanna, tixgelintaa u kororta. 
·       Dareen abuuriina oo wanaagsan leh (Good instinct): waa kan markiiba garan og arrimaha bulshadiisa ka dhex oogma oo saamaynta leh. Wuxuu judhiiba garan karaa arrimaha wax-dhimaalka u leh dadkiisa iyo dalkiisa, kadibna wuxuu u hawlgalaa siduu wax uga taaran lahaa.

·       Go’aan adag leh (Datermined): maalintay taagan tahay in arrimaha qaranka uu siyaasiga u yahay go’aamo adadag loo go’aansho, wuxuu ahaadaa mid aan ka leexan go’aanka iyo mabda’iisa.  

·       Diboloomaasiyad leh (Diplomacy): waa inuu leeyahay  dhaqan dibolomaasiyeed oo uu dhawro anshigeeda.

·       Leh awoodda dhageysiga (Listening skills): wuxuu awood u leeyahay inuu dhageysto qof kasta oo bulshadiisa kamida, yar iyo weyn.

·       Anshax leh (Morality): wuxuu si muuqata iyo si daahsoon-ba uga sarriigtaa dhaqan-xumida iyo u-turid-la’aanta dalka iyo dadkiisa, wuxuuna ka dhawrsadaa tusaale ahaan, kutagrifalka hantida dadweynaha ama in uu u leexsho xigtada amaba xeelaysiga siyaasadeed.

·       Maskax furan leh (Open minded): isagoo markii horaba lahaa garaad abuurriina oo fiican buu kasbadaa waayo-aragnimo iyo aqoon, kadibna wuxuu yeeshaa aragti fog, feejignaan iyo dhimir uu markiiba ku ka kala garto qallooca iyo qummanaanta.  

·       Raacsanaan leh (Loyalty): wuxuu si dhammaystiran daacad ugu noqdaa qarankiisa iyo xeerarka qarankaas, mana dhici karto in siyaasi wanaagsan uu daacadnimada dalkiisa uu dal kale la wadaajiyo. Wax walba oo uu si muuqato ama si qarsoon u qabanaayo, waa inay kaliya ku qotantaa danta guud ee dalkiisa. Mar hadduu gees maro qodobbada daacidnimada oo tusaale ahaan dal kale oo wada qorshayaal wax  u dhimaaya uu la shaqeeyo ama isagu saldhig siyaasadeed ama ciidan ka yeesho dal kale, kadibna dalkiisa colaad iyo kala-dhantaal kale u soo abaabulo, kaasi siyaasi xun kaliya maaha ee wuxuu leeyahay magacyo badan sida; khaa’in, qaran-dumis, dabo-dhilif iwm.

·       Lahasho leh (Passion): wuxuu si dhaba ummaddiisa ugu deeqaa qalbi naxariis leh, si uu taas uga dhabeeyaana wuu u turaa kuwaa taagta yar. Si turaalkaas dhab u sii noqdana wuxuu aad u dhawraa ammaanada. Mar hadduu gacan toogaaleeyo qasnadaha qaranka, wuxuu ahaadaa dhurwaa xaaqaa ah (scavenging hyena). Waa yaabe, nin baa leh siyaasi waddani ah baan ahay oo waxaan u taagnahay hoggaanka qaranka, haddana wuxuu si cad u gurubsanayaa xoogaagii dadkoo dhan ka dhaxeeyay, wuxuu adeegyadii dadweynaha ka dhex aruursanayaa lacago uu naftiisa u rabo, bal daya muudalkaas oo isagii cabanaayo ama dhinacyo kale eedaynayo.   

·       Dulqaad leh (Patience): waxaa loo jeedaa, waa inuusan ahayn koranwaa aan wax sugi karin. Marba hadduu siyaasi u yahay ummad dhan, wuxuu og yahay in dadku ka la habab iyo hannaan duwan yahay; wuxuu leeyahay mid afxun, mid kohasho badan, mid hunguri xun, iwm. Sidaas darteed siyaasiga wanaagsan wuxuu dulqaad u leeyahay gefafka iyo gardarrooyinka, isaguse waa is ka dhawraa gefidda.

·       Geesinimo leh (Bravery): siyaasiga wanaagsan wuxuu geesi ku yahay caddaaladda, wuxuuna naftiisa u huraa ama go’aanno halisa u qaataa sidii caddaaladdu u hirgeli lahayd. Hadduu markaas xukun hayo wuxuu maamulkiisa saldhig uga dhigaa  caddaalad iyo sinnaan, haddii uu hadlaayana wuxuu warkiisu noqdaa mid dheellitiran oo aan gebidhaclayn lahayn.

·       Adadkaansho leh (Toughness): wuxuu ahaadaa madaale, hawlkara oo danta guud u qumay. Wuxuu ahaadaa mid ku ad-adag mabda’a uu rumeysan yahay, wuxuuna si adag uga hortagaa cadawga qarankiisa, xubnaha bulshadiisana aad buu ugu turaa.

·       Damqasho leh (Empathy): wuxuu ka damqada waxyeello kasta oo dalkiisa ama/iyo xubnha dadkiisa soo gaarta. Wuxuu u gurmadaa kuwa gargaarka u baahan. Wuxuu ka sarriigtaa inuu dadkiisa isla-weyni u muujiyo ama uu ka hor muujiyaa xoolo badan oo uu ka tabcaday adeeggii loo igmaday.

·       Madaalnimo leh (Tirelessness): wuxuu ku talax tagaa hawlaha dalkiisa, wuxuuna tusaale u noqdaa inta kale, isagoo muujinaya sida uusan marna uga daaleyn u-shaqeynta dalkiisa.

·       Kafiirsasho leh (Thoughtfulness): siyaasiga wanaagsan wuxuu aad uga fiirsadaa tillaabooyinka uu qaadaayo iyo erayada uu oranaayo, wuxuuna ka taxadaraa in go’aamadiisa iyo hadalladiisu dalkiisa guuldarrooyin u keenaan.

·       Xeelad leh (Tact): siyaasiga wanaagsan, waxaa lagu yaqaan in uu leeyahay higsi uusan marna ka hareyn. Si higsigaas uu u gaarana wuxuu sameeyaa xeelado ama tabo uu qorshahiisa ku meelmariyo. Siyaasiga wanaagsan ma adeegsado, isku-dir, dhagar iwm, ee wuxuu aamminaa Tabaha nadiifka ee wax lagu hanto.  

·       Maadlow ah (Humor): wuxuu leeyahay waji furan iyo hannaan soojiidasho leh. Waa kaftanlow, isagoo ujeeddadiisa u dan leh ayuu dadka ka qosliyaa. Si uu dadka uga dhaadhiciyo qorshahiisana, wuxuu hadalladiisa ku maldahaa maadeyso.

·       Madax-bannaani leh (Independency): siyaasiga wanaagsan waa qof xor u ah fikradihiisa iyo falalkiisaba. Siyaasiga ay dawlado ama dadyow kale wataan oo gadaal ka riixayaan ama ku shaqeeya ujeeddooyin dhinacyo kale leeyihiin, kaasi kaliya maaha inuu yahay siyaasi xun ee waa doqon aad u liita oo dhaafsaday qarankiisii dhamma sandareerto yar. 

·       Samohoodnimo leh (Optimism): siyaasiga wanaagsan wuxuu bulshadiisa u abuuraa ididiilo wanaagsan, wuxuuna ku geeddi geliyaa bash-bash iyo barwaaqo soo beegan oo uu saadaalinaayo kuna dadaalaayo gaaristooda, wuxuuna ku dadaalaa inuu culaysyada nafsaaniga bulshadiisa ka yareeyo.

·       Waayo-aragnimo leh (Experience): siyaasi wanaagsan lagu ma noqdo; jaakado qurux badan, hanti badan, qolo laana oo laga dhasho, qurux xagga jaaha iyo xitaa maaddo aqoonta kamida oo uu qofku ku takhasuso. Waxaa siyaasi wanaagsan lagu noqdaa qodobbo is biirsaday oo waayo-aragnimadu door weyn ku leedahay.

·       Miyirqab leh (Not insane): waalidu waa jirro waana jaadad badan tahay, waxaana jira dad xanuunkaas qaba oo la moodaayo inay fiyow yihiin. Qofkaas xanuunsan oo u soo labbistay siyaasinimo, maaha sda la moodaye waa bukaan naftiisu daryeel u baahan tahay.

·       Laga-heli-karo (Likeability): waxaa halkaan soo galaaya maah-maahdii ahayd; 'qofkii araggiisu ku deeqdaa oontiisu ku deeqdaa', laga ma wado in siyaasiga wanaagsan qurux jirka leeyahay ee waxaa laga wadaa in hummaaggiisa guud soo-jiidasho leeyahay, in hu'giisu nadiif yahay, hab-dhaqankiisu suubban yahay iyo in hadalkiisu milgo leeyahay.

·       Diirranaan leh (Warmth): waxaa laga wadaa inuusan ahayn qof dansan, laalaada ama kala daadsan. Waa inuu leeyahay dhiiranaan iyo firfircooni dadka xaggiisa u soo dabbaalaysa.

·       Diyaarsanaan leh (Willing): hadal kaliya la ma soo shir tagee, wuxuu heeggan u yahay waxqabad, wuxuuna hayaa tabihii uu wax lagu qaban lahaa. Wuxuu u diyaarsan yahay inuu qaato go'aamo adag, is la markaasna wuxuu u diyaarsan yahay dadaal badan, kadib hadduu fashal yimaado wuxuu leeyahay karti uu ku qaayibo, kana faa'iideysto fashalkaas. Wuxuu ka loo leeyahay karti uu ku hadoodalo tabo kale oo wax lagu meelmarin karo.

·       Garaad soofeysan leh (Mental acuity): la is ku ma qaldi karo qof garashadiisu liidato iyo kan leh garaad soofeysan oo wax kale daaye isha wax ku fahmi kara ama duluc ku aasan wararka si qumman u fahmi kara. Marka siyaasigu doqon yahay oo doqonimadiisu aad u muuqato waa sida aan ku aragno siyaasiinta Soomaaliyeed ee waayahan dambe qaarkoode, waa la nacaa muuqaalkiisa iyo hadalladiisa wada hutaanhutada, isna illeen waa doqonkiiye wuu soo malluugnaadaa oo isagoo is la fiican soo qoslaa. Midkaan dambe, waa siyaasi caalle ah oo kaliya leh af wax lagu cuno iyo calool aan buuxsamayn.