Tuesday, November 17, 2020

 


Tuesday, November 10, 2020

 




Minilikhii 1-aad (Qar.10-aad BC) baa loo tiriyaa inuu gundhig u ahaa boqortooyo jirtay 27 da'ood (jiil), waxaana ugu dambeeyay Boqor Xayle Salaasihii 1970-aadkii la afgambiyay. Hase yeeshee, waxaa boqortooyadii taxanaha ahayd ee burburtay taladii ka la wareegay Mingiste Xayle Maryam iyo Mallees Sinaw oo iyaguba ka soo jeeday is la isirkii boqorradii taxanaha ahaa. Isirku waa Xabashi ama Abasiiniya oo ah Amxaaro iyo Tigrey. Labadaan qolo iyagu ha is inqilaabaan ama ha is laayaane, waxay wada rumaysan yihii inay sida Yuhuudda yihiin Dad Iyaga Eebbe Doortay (شعب الله االمختار/God's Chosen People).

Maadaama la yiri Minilikhii-1aad waxaa dhalay Nebi Sulaymaan (CS), Diinta Masiixiguna markii hore ka soo faaftay Madashii Boqor Ezana, waxay labadaan qolo ee wada Xabashida u arkeen boqorradooda awliyo xagga Eebbe ka amran. Sidaas darteed, waxay daw isu siiyeen inay dadyowga aagagga ku nool xukumaan sidaas-na tahay rabitaanka Eebbe.

Waxay Xabashidu rumaysan tahay; in maadaama ay xag Eebbe ka idman yihiin ay xaq tahay inay dilaan qofkii ama qoladii ka hortimaadda. Waxay ka loo rumaysan yihiin inay jid u leeyihii qaadashada hantida ama xoolaha dadka aan iyaga ahayn.

Sidaas darteed, waxaa mar walba ka marnaa hababkoodii siyaasadeed, in qofka la mariyo garsoor loo siman yahay, waxayna dhaqan joogta ka dhigteen inaan lagu mashquulin caddaaladee dadka la laayo, waana kuwii waligood xasuuq daran ku hayay, dadyowgii nasiibka darnaa ee iyaga hoos joogay. 

Qawmiyadda Orommada oo ah tan ugu badan Itoobiya, waxay u yiqiinneen dad ka hooseeya duurjoogta, waana tii Minilikh IIaad mar yiri; 'ha dilina ugaarta, xitaa Orommada ha dilina.

Soomaalida oo waligeed ahayd awoodda iska-caabbinta u taagnayd, waxay mar oran jireen; waa xoolo-dhaqato jaahila oo dhulka ay sheegtaan Itoobiya leedahay, iyaguna daaqsi u yimid. Mar waxay oran jireen; "Soomaalidu waxay kamid yihiin dadyowga goonyaha Itoobiya dega" oo ay u la jeedeen; waa dad aan talada dalka wax ku lahayn, maadaama ay yihiin dad aagga daaqsi ku yimid.

 Markii Soomaaliya xornimada qaadanaysay, wuxuu Xayle Salaase u ololeeyay inaan Soomaaliya xornimo la siin ee ay hoos tagto boqortooyadiisa, markay xornimada Soomaaliya qaadatayna waa kii mar yiri; 'ka ma duwana calankoodu, kii Shiikh Jeylaani ee goobaha siyaarada la suri jiray.'   

Iyadoo waxyaalaha aan kor ku sheegnay ay yihiin sooyaallo dhab ah, ayaa kooxo Soomaali ah taageeraan isirkaas baas-abuurka. Dagaalka maanta socda oo sababtiisa asalka ah ay tahay; sidee Abiy Axmad oo ka soo jeeda Orommadii duurjoogta ka hoosaysay noogu talin karaa, bay kooxaha Soomaalida ee kor ku xusan, laxaw u hayaan Tigreegii bi'iyay ummaddooda. 

Qaar baa uu nacay Abiy Axmad afgaradka dhex maray isaga iyo M C Farmaajo. Waxay diiddan yihiin Farmaajo oo qolo ahaan u diiddan yihiin, waxayna ka doorbideen iskirkii waligiis Reer Kuush oo dhan gumaynaayay. 

Quluubtaas waa bugtaa, sidaas darteedna qof bukaan ah latacaalid mooyee, eedayn ma mudna.


Friday, November 6, 2020

 

Soomaali Ma Sidii Doqon Aan Danteed Garan Baa?


                                                             

Aabbaraha waxay ahayd horraantii 1988. Waxaa maalin kamida sannadkaas Dekedda Muqdishow ku soo xirtay markabkii M/V Puntlan-II oo ahaa haamo-qaad (container), nooca loo yaqaan 'Ro/Ro and Lo/Lo'; oo macnuhu yahay isagaa haamaha isa saara oo iska roga. Markabkaas oo casri ahaa waxaa lahaa Dawladdii Soomaaliyeed, waxaana maamuli jirtay Wakaaladdii Hawlaha Maraakiibta ee Soomaaliya oo anigu markaas aan ka ahaa Maareeyaha Waaxdii Farsamada, isla markaasna si gaara u qaabbilsanaa hawlgelintii Maraakiibtii Xammuulka Soomaaliyeed.

Markabkaas aan kor ku sheegay wuxuu maalintaas siday hub tiro badan oo loo waday EPLF-tii Erratariya iyo TPLF-tii Tigreega. Maalmo kadib M/V Puntland-II wuxuu ku xirtay Dekedda Ummu Durmaan, Suudaan. 

Hubkaas wuxuu kamid ahaa, taageeridii xoogganayd ee ay Dawladdii Soomaaliyeed la garab taagnayd xoogaggii la dagaallamaayay Taliskii Dergiga ee Abasiiniya, waxaana la oran karaa xorowgii Erratariya iyo hanashadii TPLF awooddii Itoobiya waxaa saldhig u ahaa taageeradii badnayd ee Soomaaliya. 

Haddaba, waa tii hore loo yiri; "abaal nin galaa waa la arkaa ee nin guda la ma arkee" TPLF waxay Soomaali abaal uga dhigtay inay dadweynaha Soomaaliyeed meel walba ku xasuuqdo. Waxay abaal uga dhigtay in dad nool-nool ay xabaal wadareed ku samayso. Waxay abaal uga dhigtay in taangiyadeedu hadba dhinac u xamaartaan Muqdishow oo ay meel walba waraan dadkii Soomaaliyeed, ilaa ay ku dhex damaashaadeen Madaxtooyadii Qaranka Soomaaliyeed. Waxay gaartay inay nagu salliddo hunufkii Gebre oo siduu doono ugu falaaday maammulladii dulleysnaa ee Soomaaliya.

Nabsigu waa ma-baaqdee, maanta waxay xabbaddu ku hooraysaa goonayaha Maqalle iyo Aqsum. Haddaba, waxaa Soomaali dhammaanteed la gudboon inay fursadda hor timid ka faa'iideysato oo ay ka qeyb gasho burburinta nacabkii sida ba'an u la dhaqmay Ummadda Soomaaliyeed. Waa in Xabbadda Soomaaliyeed ku dhex bifleysaa xarumaha Cadawga Tigreega. Waa abaalkoodee, waa in cudud iyo calafba la isugu geeyaa sidii hanaddadii Soomaaliyeed ee ay meel walba ku xasuuqeen loogu aari lahaa, is la markaasna awoodda Siyaasadeed ee Itoobiya, Soomaali door weyn ku yeelato oo ay noqoto 1-aad ama 2-aad.

Haddii Soomaali baylihiso fursaddaan dahabka, ha ogaato inaysan fursaddu soo noq-noqon, lagana yaabo in cadawgii Abasiiniya ee hoogga iyo ba'a baday soo rogaal celiyo. 

Ileen doqoni calaf ma leh, dulbaax maxaa
ka baylahay....
  Sayid Max'd

Tuesday, September 8, 2020

SIYAASI LA-MOODKA SOOMALIDA MAANTA

Opinion | My Life as a Diplomat - The New York Times

Siyaasaddu waa xeelado iyo fikrado lagu hanto quluubta dadweynaha. Waa wax-qabad dadka loo muujiyo si ay adiga kuu raacaan. Waa abuuritaanka higsi fog oo dadka loo abaabulo iyo agaasinka arrimahooda iyadoo mar walba saldhiggu yahay danta guug. 

Siyaasiga qumman waa kan leh garaad sarreeya oo dadku ka dhigto halbeegga siyaasiga wanaagsan kaas oo waayo la isu wariyo. Dhanka kale, siyaasi lagu ma noqdo reer hebel baan ka socdaa, jaakado iyo qoor-xir la isku giijiyo. Siyaasi lagu ma tilmaami karo kan bulshada ku la dhex orda fikrado kala qaybinaaya ama soo dhaweynaya qeybo bulshada qeybo kalana fogeynaaya.

Haddaba, waxaa muuqata in qaar badan oo siyaasiinta Soomaaliyeed ee maanta ay u baahan yihiin dhaqancelin xagga xirfadda (occupational rehabilitatin), oo macnuhu yahay in laga caawiyo sidii loogu duwi lahaa xirfadda ay ku fiican yihiin), loona muujiyo inaysan siyaasaddu ahayn xirfadday ku fiican yihiin. Qaar kale, waxay u baahan yihin dhaqancelin xagga siyaasadda (political rehabilitation), oo macnuhu yahay in loo carbiyo siyaasadda loogana soo bilaabo meel hoose. 

Qaar waxaa jira Qaranka ka galay dambiyo waaweyn oo wali ku dhex jira arrimaha siyaasadda dalka. Kuwaan dambe, waxay u baahan yihiin in garsoorka la horgeeyo waxay mutaystaanna la mariyo, haddaan sidaas la yeelin soo noqon mayso ummad bahal dilaa ah oo arxan daran lagu dhex sii daayay?  

Friday, July 17, 2020

SAAMILEY

Geel kadina (100 halaad) baa waxaa soo dhacay col wuuna la soo cid galay. Geelii baa la soo dhoobay goob si loo qeybsado, dadka meesha jooga wuxuu ka koobmaa raggii geela soo dhacay ‘Saamiley’ iyo rag kale oo aan waxba ka soo dhacin geela, hase yeeshee quud darraynayaa in saamiga geela laga qeyb gasho ‘Saamidoon’.

Haddaan u adeegsanno erayga ‘saamiley’ siyaasadda, waxaa saamiley siyaasadeed noqon kara qof kasta oo dalka u dhashay oo daw u leh inuu codeeyo ama wax doorto. Haddii la yiraahdo dadka taladiisa ha la aruuriyo ama matalaad ha yeesho, waxaa noqonaya saamileyda siyaasadda xubnaha ay qeybaha dadweynuhu ama gobolladu soo doortaan oo aan maanta u naqaan; golaha shacabka. Haddii uusan jirin gole shacab oo dadweynaha matala, waxaa saamileyda siyaasadda matalaaya golaha guurtida ama isimmada qolooyinka ama qeybaha dadka, kuwaas oo kalsoonida shacabka haysta.

Horjoogayaasha gobolladu marna ma noqon karaan, saamileyda siyaasadda dalka, waayo iyaga waxaa loo idmaday inay agaasimaan hawlaha adeegga bulshada ee aaggaas ay horjoogayaasha ka yihiin, waxaana iyaga loogu yeeri karaa ‘agaasinley’ ama ‘aqoolley’.

Xisbiyada dalka ee aan wali helin kalsoonida dadweynaha ama aan gaarin heer inta la doortay ay xubno xooggan ku yeeshaan golaha shacabka, iyaguna marna ma noqon karaan, saamileyda siyaasadda dalka, laakiin waxaan ugu yeeri karnaa ‘saamidoonno’.

Golaha xukuumadda sida, wasiirka 1aad iyo wasiirrada kale, iyaguna kamid maaha saamileyda siyaasadda ee waxay noqonayaan, agaasinley ama aqoolley oo kaliya waxaa loo idmaday inay go’aammada saamileyda siyaasadeed ee dalka meel mariyaan.

Madaxweynuhu, wuxuu u taagan yahay ammaanduulihii saamileyda ee aan kor ku soo tilmaannay, dhanka siyaasadda markay noqotana wuxuu u taagan yahay hoggaamiyaha saamileyda siyaasadda. Sidii ammaanduuluhu colka uu u hagi jiray ayaa maantana M/weynuhu u yahay hagihii golaha saamileyda.

Aqalka Sare muxuu u taagan Yahay? Hadduu u taagan yahay guurtida Qabiillada Soomaaliyeed ama xubno iyaga matala, waa arrin la fahmi karo loo qaateenna ah, haddii kale buro dheeri ku ah hannaanka.  

Haddii la qalaabo geddiyo oo minjaheeda madaxeeda laga dhigo, haddii arrinkeeda meel aan habboonayn lagu magmakeeyo, haddii taladeeda laga duwo toobiyaheeda, soo noqon mayso ha is la salaq dhabato oo silic ku nooshu sideedii haw saxariirto?

                                                                                                                                 

Friday, July 3, 2020

Ha La Qalay Raqdeecdii

Hal la qalay raqdeedii 
Lagu soo qamaamyoo
Dadku qeybtinteedii
Quullay u doorteen
Asagoon qorshaba gelin
Qaar baa wareeroo
Buuraha qotoda dheer
Iska sii qubaayoo
Qacdaad maqlaysaa 
Waa qammadahoodoo
Qarka sii jafaayee
Qosol wuxuu ka joogaa
Af qashuushle dhurwaagii
Quusna garan waa 
Wali waa qayliyaa
Oo qurubna loo waa
***
Quulle waa qabkiisee
Intaan ani qaadan laa
Xuurtaa qalka dheer iyo 
Qarandidu ha liqduu yiri

Thursday, June 18, 2020

Midnimada Qaranka Soomaaliyeed


Marka erayga qaran (nation: القومية) macnihiisa laga eego qaamuuska waa: dadweyne isaga mida isir, dhaqan, ama af, oo deggan dhul ama dal gaara. Sidaas darteed, qaran waa dadkee dalka maaha, qaranimaduna (nationalism) waa jaceylka dadkaas loo muujiyo ama halganka loo galo dantiisa.
Dal (state: دولة) waa aag ay deggan tahay bulsho siyaasaddeedu habaysan tahay oo uu maamulo hal talis (xukuumad: government: حكومة). Taliska/xukuumadda waa xubno loo xulo maamulka dalkee iyagu maaha dalka (dawladda: the state). Qeybaha dadweynaha kamida ee ka hor yimaada xukumaddu ama loogu yeero mucaarad, hadday waxyeello u geystaan dadweynaha/qaranka ama dalka, waxaa lagu sifeeyaa; qaran-dumisyo, waana siday u dhaqmeen ururradii Soomaaliyeed ee hubeysnaa oo soo bilawday 1970-aadkii. Kuwaas waxay ka siinnaayeen: baabi’intii kaabiyaashii dalka/dawladda, xasuuqa xubno badan oo qarankii in la dhawro ahaa, kala-qeybinta dadweynaha, kaashigii cadawgii Soomaaliyeed ee soojireenka ahaa, iyo la’aanta barnaamij siyaasadeed oo midaysan.

 Sidaas darteed, kuwaas horseedka u noqday burburintii dawladnimadii Soomaaliyeed in yar oo wanaag ah ka ma dheefin qaranka Soomaaliyeed, balse waxay reeban eel ilaa maanta laga bogsoon la’ yahay. Tusaale ahaan aan u soo qaadanno Ururkii SNM iyo eel kuu reebay ururkaasi. Wuxuu sidii ururradii kalaba ku salaysnaa hal qabiil, wuxuuse uga duwanaa kuwii kale, wuxuu rabay in qeybihii qolodiisu degganayd ka gooyo dalka intiisa kale. Dadweynihii kale ee la degganaa Gobolladii Waqooyiga Soomaaliya Ururkii SNM wuu ku maxaabsaday oo wuxuu ka dhigay kuwo qabiilkooda hoos jooga, go’aannadoodana ku qasban.

 In kastoo xubno ka tirsanaa SNM iyo dadweynihii taageersanaa ay ku jireen walina ku jiraan dad aamminsan Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, haddana waxaa hoggaankii gobolladaas qabasay intii kala-faquuqa aamminsanayd. Waxay fidiyeen ololayaal diyaacada oo ay u la jeedeen in toodu ku meel marto. Waxay sameeyeen barnaamijyo ay ku soo dabayaan quluubta dadkooda. Iyadoo inta badan wararkii dicaayadaha ee ay baahinayeen been la dhoodhoobay ahaayeen, haddana, ilaa maanta ka may harin.

Waxyaalaha yaabka leh oo runta ka fog oo ay meel walba ku baahiyeen waxaa kamida: in iyagoo dal xor ah oo dalal badan aqoonsadeen ay ku biireen Dalka Soomaaliya 1960-kii. Waxay yiraahdeen tan iyo markii aan la midownay Gobolladii Koonfiurta Soomaaliya; waxaa nala ku hayey colaad, baabi’in taas oo si gooniya naloo ku talagalay. Waxay yiraahdeen isir ahaan baa naloo faquuqay oo horumakii baa naloo diiday, waxaa nala ku sameeyay xasuuq ba’an iyagoo hadalka u dhigaya in markii diyaaradaha iyo madaafiicda lagu xasuuqayay ay ahaayeen dad shacaba oo si nabada dhulkoodii u deggan, iwm.

Kuwaan afkoodu wax walba karo, marna ma sheegaan inay hubka qaateen oo nacabkii weynaa ee Itoobiya garab iyo gaashaan u noqdeen oo haddana ku soo dhex dhaceen ummad nabad u taal oo dhufays ka dhigteena dabkana saareen XDS iyo xubin kasta oo aan u dhalan qolodooda, ilaa markii dambe ay si ula-kaca u xasuuqeen dad masaakiina oo shacaba, qolodooda awgeed.

Ururkii dhibaatooyinkii waaweynaa ee Soomaaliya ka dhacay qeybta weyn ku lahaa wuxuu ku dhawaaqay dawlad madax bannaan oo ay u la baxeen ‘Somaliland’ oo macnuhu yahay, Dhulkii Soomaalida. Xitaa waxaa qaldan magac-bixintooda, waayo meel kasta oo Soomaali deggan tahay waa Dhulkii Soomaalida, mana aha magac gaar ahaaneed. 

Yeelkoode, waxay geed la fuuleen madax-adayg iyo islaweyni, iyagoo ku cargaag tamaya kala-dhantaalka Midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Kooxaha ku doodaya in Gobolladii Waqooyi go’aan oo dal gooniya noqdaan waxaa inta badan laga taageeraa qeybo kamida 2-da gobol ee; Togdheer (41000km2) iyo Waqooyi Galbeed (45000km2). Marka lagu jimeeyo wadar bedeedka labadaas gobol wadar bedeedka guud ee JDS (637, 657km2) waxay noqonayaan 13% oo waliba haddii loo jaro 3-da bedadka dhulalka ay deggan yihiin dadka kala-go’a diiddan, waxay ugu badnaan inta diiddan noqonayaan dadka deggan 10% Dhulkii JDS.

Toddobaadkaan 6/8-19/2020 wuxuu shir uga socdaa magaalada Jibuuti wafdi ka socda JS iyo wafdi ka socda kooxaha xagjirka oo ka socda ‘Somaliland’. Kooxahaas mintidka wuxuu hammigoodi yahay in loo aqoonsado dal madax bannaan, ama ugu yaraan haddayba noqoto inay la midoobaan Gobolladii Koonfurta Soomaaliya ay helaan saami dhan walba oo dhan 50%. 

Su’aashu waxay tahay kooxahaan isla-weynidu hankaas gaarsiisay, ee kaliya arka waxay naftoodu jamatay, oo innaba aan lahayn waxa maanka fiyow oggolaan karo, maxaa lagu la xaalayaa? Ma waxaa lagu la xaalayaa in kooxdaas afduubka ku haysata dadweyne tiro badan oo aan raalli ka ahayn waxay kooxdu wadato, la qanciyo siday rabaanna loo yeelo, iyadoo la duud siinayo dadweynaha intiisa badan?

Haddiiba, kooxdaas waxaysan daw iyo abbaar toona u lahayn loo oggolaado, waxay xadgudub iyo duudsiin ku tahay Shacab-weynaha Soomaaliyeed guud ahaan, waxayna horseedi kartaa colaado iyo dagaallo hor leh.

Sidaas darteed, waa in kooxdaas la oggolaysiiya inay lamid noqdaan dhinacyada kale ee Bulshada Soomaaliyeed ama waa in ay oggolaadaan in cod la qaadoo oo dadweynaha la weyddiiyo siday rabaan, waana inay ku qancaan in dadka Soomaaliyeed leeyahay xuquuq siman. Waa inay joojiyaan beenta joogtada ah ee ay ka sheegayaan sooyaalladii la soo maray. 

Calool maran baa la milaalaaye,
Iimaan maran la ma milaalo.

   

 

Thursday, June 11, 2020

Xasan Sh. Max'uud iyo Hadal-Xumadiisa


                            


Xasanow, waxaad dhaqan ka dhigatay inaad isu soo min guuriso Taliskii J/le M S Barre iyo kan M C M (Farmaajo), iyadoo la og yahay inay waayo kala fog ka taliyeen dalka.
Waxaa tiraabtaada laga garan karaa; inaad u dan leedahay ama tooganayso qabiilkooda. Hadday abtirsiinyo ahaan, yihiin wiil iyo adeerkiis…...So What?

Qof hoggaamiye ah marka la qiimaynaayo waxaa loo cuskadaa toganihiisa iyo tabanihiisa ee loo ma cuskoodo qolodiisa. Haddaba, intaan u dhaafo qiimaynta hoggaamintii Barre iyo Farmaajo wadaniga dhugmada fiican leh ee Soomaaliyeed, aan ku xusuusiyo dhibcaha adiga taariikhda kuu galay oo waligaa lagugu xusuusan doono; 
1. Waxaad tahay ninkii isagoo M/weyne u ah Qaranka Soomaaliyeed ka degay Jigjiga oo fagaare ka yiri; Gobolka Soomaali Galbeed Itoobiyaa leh, xoogaggii halganka hubaysan ku jirayna ku sheegay injirrey uraysa. Markaad sidaas tiri waxaad duud siisay; halgaankii Soomaaliyeed ee kadhanka ahaa weerarradii cadawgii Abasiiniya ee bilawday qarnigii 13-aad ilaa maantana hakasho mooyee aan wali gabagaboobin. Waxaad duud siisay dhiiggii Soomaaliyeed ee ku qulqulay goobihii dagaal ee waaweynaa, sida;
Goobtii Ay-Faras (1434-1468) oo ahayd goobtii lagu dilay halyeygii weynaa, Garaad Maxfuud, Goobtii Shimbira Kore (1529 AD) oo ahayd goobtii lagu dilay Boqorkii kibirka badnaa ee Lebna Dengel, 5 kun oo Soomaaliyana ku shihiidday, Goobtii Weyna Daga (1543) oo ahayd goobtii lagu dilay Imaam Axmad-Gurey, Goobtii Antukyah (1531), Goobtii Ambo Sel (1531), Goobtii Wofla (1542) oo ahayd goobtii lagu dilay Christopher De Gama oo Boqrtiiqiiskii hiillinay madax u ahaa, Goobtii Godey (1977), Goobtii Jigjiga (1977), iyo qaar kaloo bdan. Sidaas aad yeeshay waxay taariikhda ku galeysaa, inaad tahay khaa'in weyn oo ummaddiisa godob culus ka galay.

2- Kiinya oo ah gumeyste madow oo ku soo duushay Dalka Soomaaliya, markii askarteedii lagu Jaray Ceel Cadde, waxaad ka dagtay Nayroobi waxaad-na ku dhex sujuudday tacsidoodii, waxaana lagaa hayaa inaad tiri; qarax Muqdishow waxaan uga naxdin badnahay qaraxa Nayroobi!
Maalmahaas aad sidaas u dhaqmaysay, waxay diyaaridhii Kiinya duqanayeen Gobolka Gedo oo ay ku jarayeen dad iyo duunyo naflihii halkaas ku dhaqnaa, adigoo M/weyne u ahaana waxba ka maad oran!

3- Waxaad ku tiraabtay oo u hawl gashay sidii gabdho Soomaaliyeed loogu dhoofin lahaa Sacuudiga, waxaad-na tiri; gabadhaha la rabaa waa in da'doodu u dhaxeyso 17-21 sano. Soo u ma eka in qaxbeysiga Sacuudiga loo xulay labeentii hablaha Soomaaliyeed? Habka noocaas ah qofka ku dhaqma waxaa loo yaqaan dayuus (ديوث).

4- Iyadoo Dadweynihii Soomaaliyeed la dirgan la' yahay gaajo iyo silic kalaba, ayaa adigoo M/weyne ah lagugu bartay xaabsashada hantidii ummadda iyo u-xoolaynta xigtaada. Mar haddaad, mas'uuliyaddiii iyo xilkasnimadii lagaa filaayay aad ka dooratay beesaysi, waxaad ku sifowday gunnimo, horayna waxay u ahayd; nin soori kaa qaadday, waa nin seefi kaa qaadday!

Adigoo sidaas iyo sidaas ku sifoobay, baad la soo maqiiqan tahay madaxnimo-doon ku salaysan qolaysi. Maanta, oo Ummadda Soomaaliyeed hiyigeedu kacsan yahay, oo ay higsanayso qaranimadeedii oo dib loo yagleelo iyo hoggaan suubban oo maareeya danaheeda, ayaad ku la dhex meeraysanaysaa qabyaalad iyo in qolonimo wax lagu raadsho. Alle magane, Xasanow, way kaa hoostaye, maandhow aashaa meel fariiso oo Eebbahaa cafis weyddiiso, Shacabka Soomaaliyeedna hannaan-xumada ka la dhex bax.

 Aan ku soo af jaro qoraalkaan labo meeris oo kamid ahaa gabay uu tiriyay Aden-Dinix Xasan Kooshin (aun) labo qarni kahor: 

Gobonnimo haddii loo tartamo, tiigso ma iraahdo
Ha yeeshee haddii laysu tirsado, ku ma takoornaado...

Aden-Dinix wuxuu yiri; haddii dadku ku tartamo laandhiirnimo ama qolonnimo, anigu maahi nooca is muujiya, laakiin haddii si dhaba loo xisaabtamo qolo laga itaal roon yahay oo loo caga jugleyn karo maahi.

Tuesday, June 9, 2020

Kalitalisnimo (Dictatorship)





Marka hore aan yare qeexno erayga: waa hab kamida hababka dal loogu taliyo ama xukuumaddiisu ku salaysan tahay. Waxaa taladu ka soo fushaa ama go’aannada qaata hal qof ama koox, waxaana loo qeybshaa:

-   1- Jiitaa Buuxa (autocratic): waa hab uu hoggaansho taliye aan laga daba hadlin.

 2- Koox-Kalitalisa (authoritarian oligarchy): waa hab maamuleed ay talada dalka ku uruursan tahay koox. Aalaa waxay kooxdaasi ku salaysan tahay reer boqornimo, hantiley, aqoon-yahanno, shirkado, urur diimeed, urur siyaasadeed ama xoog ciidan kuwaas oo koox walba si gooniya isu bahaystay. 

 3-Dimuqraadiyad Kaligoosata (absolute democracy): waa hab maamuleed la is doorto, laakiin ay aalaa qeybta/qoloda u badan dadweynaha dalkaas ay taliso inta laga badan yahaynna la iska indho tiro xuquuqahooda.

Waxtarka iyo Dhibka Kalitalisnimada:

1-   Wartarka: marba haddii talada dalku aruursan tahay, waxaa yaraada musuqa, waxaa kordha waxqabadka, waxaana si degdeg ah loo gaaraa hormarkii la tiigsanaayay. Waxaa la sheegaa in hormarka habkaan lagu gaaro uu ka degdeg badan yahay 10 sano kan lagu gaaro dimuqraadiyadda dhabta.

2-  Waxtar-La’aanta: wuxuu habkaani horseedaa in dadweynaha la cadaadiyo laguna qasbo inuu qaato go’aannada taliska. Wuxuu talisku dadweynaha ka soocdaa kuwa uu u arko inay si fiican u okobban yihiin taliska/taliyaha, iwm.

Waxaa xusid mudan in kalitalisnimadu ay soo jireen ahayd oo waxaa la xusay waayihii Aristotle (384-322 CH/BC) ilaa maantana si weyn bay uga jiraan hababka kor sheeggan dunidoo dhan.

Soomaaliya iyo Kalitalisnimada:

Sannadkii 1960-kii markii Soomaaliya xorowday waxaa talada dalka qabtay xisbigii SYL oo hayey ilaa la af gambiyay sannadkii 1960-kii. Marka lag run sheego maamulkii xisbigaas, wuxuu hoos tagayaa qeybta kalitasnimada ee Koox-Kalitalisa (authoritarian oligarchy). Waxaa aad looga war qabaa in xukuumadihii SYL ay si daran ugu tagrifaleen awooddii iyagoo ka go’doomiyay xisbiyadii kale taladii dalka, hantidii guudna si gurracan bay u adeegsatay. Waxaa SYL xeer aan qornayn u ahaa in tusaale ahaan, mudanaha imaanaya golaha shacbiga uu ahaado xubin SYL ah waxaana soo-bixitankiisa loo adeegsan jiray miisaaniyaddii dawladda. 

1969-kii waxaa taladii dalka ku qabsaday xoog, Xooggii Dalka Soomaaliyeed (XDS). Marka miisaan la saaro wuxuu taliskaasi hoos tagayaa qeybta xukunka ee Jiitaa Buuxa (autocratic). Xukunkaas ciidammadu wuxuu noqday kii xukunkiisu ugu mudda dheeraa, wuxuuna ahaa maamulkii ugu waxqabad badnaa.

1991-dii waxaa dhacay qalalaase ba’an, burbur baaxad weyn iyo dhiig badan oo daatay. 

Markii qalalaasihii iyo dagaalladii yaraadeen, waxaa la abaabulay dawlado kumeel-gaarro loogu yeeray. Dhammaan dawladahaasi hab xukun ahaan, waxay hoos tagayaan qeybta Koox-Kalitalisa (authoritarian oligarchy). Tusaale ahaan, Xukuumaddii Sh. Shariif waxay ka dhalatay qeyb ka go’day Urur Diimeedkii loogu yeeri jiray; Maxkamadaha. Xukuumaddii Xasan Sh. Maxamuud waxay ku salaysnayd Urur Diimeedkii Dammul Jadiid. Hadda, Xukuumadda M C M (Farmaajo) iyo kuwii ka horreeyay-ba waxay ku salaysan yihiin hab kooxeed loo yaqaan 4.5.

Marka la soo koobo, dhammaan maamulladii iyo doorashooyinkii dalku soo maray waxay ahaayeen kuwo hoos tagaya qeybaha kala duwan ee kalitalisnimada, mana jirin dimuqraadiyad dhaba oo dalkaani soo maray.

Iyadoo sidaas ah, baa waxaa caado noqotay in siyaasigii ama siyaasi-lamoodkii meel ka istaagaba uu yiraahdo; Kalitaliyihii M S Barre. Kaasi wuxuu moog yahay ama is illowsiinayaa in isagu ahaa kalitaliye aan ka xishoon kutumashada xuquuqda waddaniga iyo ku-jawrfalka hanitda shacabka. Waxaa intaas dheer, in qaarkood ku gooddiyo inay samayn doonaan wixii ay sameeyeen 1991-dii. Ridistii Dawlad Qarameedkii Soomaaliya iyo hooggii iyo habro-kufsigii xigay miyey u arkaan libin lagu geeraari karo? Haddiise siday ku hadaaqayaan ay noqoto oo la diriro oo la kala dido, qoloda maxasta oo lagu tuman doonaa xaggee bay deggan tahay?

Wax walba waa lagu soo holliyay dadweynaha Soomaaliyeed, maantana waxaan maraynnaa in habar waalan oo tafaha haysataa noo  humbaalleyso!

Xaqiiqdu waxay tahay, dadweynaha Soomaaliyeed waa isku wada dan, mana kala maarmi doono. Qolo ama gobol walba waxaa laga helayaa tiro badan oo waxgarada. Sidaas darted, waxaa waxyaqaananda Soomaaliyeed la gudboon inay ka dhiidhiyaan qofafka ku xad gudbaaya magacooda, sharaftooda iyo danahooda.

Wednesday, April 15, 2020

Heense iyo Hubqaad



       
                                                                          

Hubqaad: Da'da ciidanka lagu geli karo ama hubka lagu qaadi karo; gaashaan-qaad. Waxaa eraygaas marmar loo adeegsadaa tilmaamidda gabadha dhar-xirashada wanaagsan, ama dhildhilaan oo ku labbisata dhar ku habboon hummaaggeeda. 

Heense: Waxyaalaha faraska la saaro ama lagu xiro si loo fuulo sida, koore, xakame, iwm. Waxaa marmar loo adeegsadaa muuqaalka qurxoon ee gabadha sida, gabadha ku qurxoon labbiska.

Erayadaasi marna ma tilmaamayaan wax ceeb ku ah gabadha ama dhaqanka, qofka adeegsadaan ma sheegin wax xun.
 
Waayahaan waxaa warbaahintii loogu daw galay dad Af Soomaaliga ka arradan oo aad mooddo in laga habaaray, oo haddana aan afka isku darayn, oo iyagoo afkoodii jajabinaya intaas xumo sheegaya oo dad aan mudnayn haaraamaya.

Friday, March 6, 2020

Muxuu Yahay Waddani/Dalyahan (Daljir)?






Erayga Waddani (patriotوطني) wuxuu ka soo jeedaa Af Carabi waxaana loo la jeeda qofka jecel ama daacad u ah dalkii uu u dhashay iyo dadkiisa. Af ahaan erayga waddani wuxuu la-hummaag yahay; waddani-xagjira (jingoist), Qaran-yahan (nationalist), daacad (loyalist), daljecle-aada (chauvinist), go’doonlle (isolationist), dal-kale-nace (xenophobe). Erayadaas dhammaantood waxay tilmaamayaan kalgacalka ama daacadnimada qofku uu u la taagan yahay dalkuu u dhashay iyo heerka uu ka joogo qofkaasi dal-jacaylka.

Dhanka kale, waxaa jira erayo kuwaas kore kadhan ah, waxaana kamida; khaa’in (betrayer), dhabar-doox (back-stabber), labo-marinlle (double-crosser), labo-adeegle (double dealer), caasi (renegade).

Sida dalalku adduunku u dhaqmaan oo ay xeerarkooda ku xusaan, waxaa jira waxyaalo qofka, dalku xaq ugu leeyahay, waxaana ugu horreeya waddaninimo, dalyahannimo ama daacadnimo. Marka qofka laga helo xuquuqdii dalkiisu ku lahaa, baa qofku dalkiisa xaq ugu yeeshaa xuquuq sida, inuu wax dooran karo, isaga la dooran karo, isagoo xil loo magacaabi karo, iwm.

Sidoo kale, haddii qofka laga waayo daacadnimadii dalku xaqa ugu lahaa oo uu tusaale ahaan, dal kale adeege ama daacad u noqdo, waxaa loo aqoonsadaa inuu yahay khaa’in, waxaana baaba’a dhammaan xuquuqihii uu dalkiisa ku lahaa, balse wuxuu lumin karaa aqoonsigii (ID) dalkaas uu godobta ka galay, waxaana marar badan dhacda inuu la kulmo ciqaab culus oo uu ku mutaystay dhagartii uu dalkiisa ka galay.

Markaan ku foodinno waddaninimada Soomaalida siyaalaha kor ku xusan ee ku saabsan waddaniga, waxaan arkaynnaa sidaan:

Sooyaalka dadka Soomaaliyeed, guud ahaan marka la eego waxaa lagu bartay inuu yahay dad is la weyn oo qab sare leh oo ay dhaqan u ahayd iska-fogeynta shisheeyaha oo aan dhihi karno wuxuu ahaa go’doonlle (isolationist).

·      Markii la soo gaaray qarnigii 20-aad oo ay maamullada shisheeye isku fidiyeen dagalladii Soomaaliyeed, waxaa soo baxay qeybo kamida dadweynaha oo gacan-saar la yeeshay gumeystayaashii kalana saftay dh/dhaqaaqyadii gunnimo-diidka ahaa, waxaana waayahaas soo if baxay kooxo lagu tilmaami karo labo-adeeglayaal ama labo-marinllayaal.

·      Gumeystayaashii dalka Soomaaliyeed ku habsaday, waxay adeegsadeen tabo kala duwan, waxaana ugu xoogganaa isku-dirka qabiilladii Soomaaliyeed, iyadoo qaar lagu suntay inay raaciyad fiican yihiin, lalana dhaqmi karo, halka kuwo kale la fogeeyay lagana dhigay kuwo aan laylmi karin. Qeybaha hore ayaa noqday kuwa loo badiyay wixii waxtara iyo iyagoo mar walba dhexdooda ay ka jireen unugyo u diyaarsan inay la falgalaan danihii shisheeyaha dalkooda dhagraayay.

·      Markii uu dh/dhaqaaaqa bilaabay Ururkii SYL waxaa garab socday kooxo gumeysiga la socday oo xitaa dilal u geystay xubnihii SYL ee guunnimo-diidka ahaa. 

·      Markii uu curtay Kacaankii Oktoobar, wuxuu u dhaqaaqay sidii qeybihii maqnaa ee Soomaaliyeed loo xorayn lahaa, qodobkaan oo shacabka Soomaaliyeed waligiis ku hammiyaayay, sidaas darteedna, waa tii dawlad iyo dadweynaaba la galay Dagaalkii 1977.  Is la markii dagaalkii qaraaraa bilawday, waxay Itoobiya oo waligeed ahayd cadawga 1aad ee Soomaaliyeed kaakicisay oo oo hawl gelisay unugyadii hurday ee ay kaashan jirtay, waxaana markaas bilawday ururro qolo-qolo u habaysan oo inta Itoobiya soo hubaysay ku soo jahaysay Dawlad Qarameedkii Soomaaliyeed. 

·      Ururradii qabiilka ku dhisnaa ee ay Itoobiya ku soo hawl gelisay burburintii Soomaaliya, waxay qolooyinkay ka soo jeedeen ku guubaabiyeen inay u istaagaan ka-xorowga Dawladdii Soomaaliyeed, si dadku ugu dhego nuglaadana, waxay dawladdii ka dhigeen mid qabiil gooniya ah (Marreexaan) leeyahay, waxayna tix iyo tiraabba ku sheegeen in qoladaan dawladda Soomaaliyeed haysataa ka cadawsan tahay Itoobiyadii nacaybka Soomaalida qabtay qarniyaal badan. Bal eega garaadka noocaasa, ee leh ha laga xoroobo dawlad Soomaaliyeed oo madax bannaan ha fiicnaato ama ha xumaatee, una halgamaaya in dalku burburo ama cadawgii soojireenka ahaa gacanta u galo.

·      Markii tiro badan oo Soomaaliya loo hiyi kiciyay inay dadkooda iyo dalkooda colaad u qaadaanna lagu beeray, waxaa si hawtul-hamagnimo ah loo xasuuqay dadweyne fara badan oo lagu eedeeyay inay ahaayeen taageerayaashii Dawladdi Soomaaliyeed ama ahaayeen abtiirsiinyo kuwo la wadaaga M/Weynihii Dalka.

·      Haddaba, wadaninimadii Soomaaliyeed waxaa hafiyay khaa’imiintii qaran-dumiska ahaa ee u adeegaayay nacabkii Soomaaliyeed ee soojiraanka ahaa, kaaga darane, dicaayadihii qaran-dumisyada waxaa lagu faafiyay, in xoogaggii u taagnaa difaaca dalku sida, Xooggii Dalka Soomaaliyeed yihiin kuwo mudan in lagu jihaado oo ay tahay in cid kasta lala kaashado. Eegeey, khaa’immadii Soomaaliyeed ee cadawga kalkaalaayay waxay la soo ban baxeen xumahoodii, waxayna waddaniyiintii Soomaaliyeed ka dhigeen kuwo iyagu xun.

·      Maantadaan la joogo waxaa geygia Soomaaliyeed, meelo badan ka muuqda qaran-dumisyadii haddii ay ka tirsanaan lahaayeen dalal sharciyo ku dhaqma xirnaan lahaa, la dili lahaa ama la masaafurin lahaa. Waa yaabe, kuwaas iyaga ah waxay si xor ah uga dhex adeegtaan bulshada Soomaaliyeed, waxayna u muluqleeyaan cadawyada qaranka Soomaaliyeed, iyagoon dhuumanayn ee si muuqata u galaa-baxaya!. 

·      Halkii ay ka ahayd in waddaniga Soomaaliyeed la muuneeyo oo sharaf la huwiyo, waxaa marar badan dhacda in, ina hebel oo tol hebel ka dhashay gefefkiisa lagu muuneeyo, oo la yiraahdo; yaa nin reer hebel ah la hadli kara?
   Halkaan, qabyaaladdii baa ka xoog badatay waddaniyaddii. Sidaas darteed, dantii guud ee Qaranka Soomaaliyeed waxay ka hoos martay dan hal qof oo dhuuni-raaca ama dhaandhaan caraysan oo habow ah oo dan sii ridanba aan lahayne kaliya xintan ama naceyb ku jiro.

Ha yeeshee, si kasta oo ay tahay, waa in geesiga waddaniga aysan warma-warmaynta iyo hadba dhinac ka wareenku wax u dhimin, oo waa inuusan ka weecan waddada badbaadinta qaranka. Qaran-yahanka dhabta, waa inuusan ku jaah wareerin hadallada wada hutaanhutada ee maangaabyada, wada muhanniga la meeraysanayaan.

Tuesday, February 25, 2020

Dhib-Wadayaasha Soomaaliya/الاوغاد الصوماليه /The Villains of Somalia




Car yaa ka soo xula taariikhihii hore, dhexe iyo dambe ee qaramada uunka, oo ka soo hela qaran qeybo kamida dadkiisa ay dalkoodii ku caasiyeen oo la soo safteen cadawgii qarankooda, oo falalkooda gurracan ku helay maamuus iyo tixgelin oo aan Soomaali ka ahayn? 

Car yaa dabin walba oo taariikhda uunka, ka soo hela gacan-kudhiigle soo gumaaday dadweyne aan dambi lahayn, oo wuxuu soo falay goob walba la taagan, oo mashxarad iyo alalaas lagu soo dhaweynaayo oo aan Soomaali ka ahayn?

Car yaa soo baara goonyaha dunida oo soo hela ummad tuug xaabsada oo boobay hantidii guud iyo tii gaar ahaaneed ee dadka oo fagaarayaasha la taagan waano iyo wacdi oo aan Soomaali ka ahayn? 

Friday, February 14, 2020

Yaa Raalligelin Mudan?


Yaa Raalligelin Mudan?



Marka hore waxay ila tahay inaan yare qeexno erayadaan:
        Cududaar (excuseعذر): waa sharraxaadda ama sababaynta arrin dhacday taas oo lagu difaacayo dhibkii ka dhashay arrintaas dhacday. Tusaale ahaan, nabar ku dhacay qof/dad aan loo la jeedin.
·       Raalligelin/garawshiiyo (apology اعتذار): waa qirasho qoomamo weheliso oo loo sameeyo dhinac waxyeello loo geystay.

Sannadkii 1977-dii kadib markii dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhacay, waxaa dadweynaha Soomaaliyeed ka dhex bilawday dagaallo sokeeye oo ba’anaa. Dagaalladaas waxaa bilaabay kooxo markoodii hore ka tirsanaa Xooggii Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo isu abaabulay hab qabiil. Kooxahaas qoloda ku dhisnaa waxay habar-wacasho ku la dhex rooreen qolooyinkii ay ka soo jeedeen, waxaana caan ahaa guubaabooyinkii badnaa iyo abaabulladii ay ka dhex sameeyeen tolalkii ay ka dhasheen. Waxaa ka loo caan ah, in xooggaas hubaysnaa ay maciinsadeen, saldhigna ka dhigteen Dalka Itoobiya oo colaad xun oo soojireen ahayd ka la dhaxeysay Soomaaliya. Waayahaas waxaa Itoobiya u samaysnaa naqshaddii ay Soomaaliya ku burburin lahayd, waxaana aaladaha ay markaas adeegsanysay kamid ahaa, xoogaggii hubaysnaa ee Soomaaliyeed oo isku magacaabay jabhado xaq-u-dirir ahaa. Si ay u sahlanaato burburintii Soomaaliya, waxay jabhadihii ku macneeyeen dawladdii mid qabiil haysto, ciidankii qarankan waxy ku sheegeen mid M/W-hii dalku leeyahay (Askartii Afweyne!). Waxaa markaas dhankooda xalaal ka noqday dilka iyo dhaca qof kasta oo ay isku abtiirsiinyo yihiin M/weynihii Dalka iyo qof kasta oo loo maleeyo taageere. Ciidammadii Dalka oo sitay Astaantii Qaranka, waxay u la dhaqmeen sidii burcad oo kale iyo in la-dagaallankooda lagu janno tagaayo.

Sidaas waxaa ku abuurmay xasuuq aan loo aabbe yeelin oo ay horseed ka aheeyeen jabhadihii baabi’inta Ummadda Soomaaliyeed iyo garabkoodii waa Xabashiye.

Dawladdii dalka markaas ka jirtay, waxay intii itaalkeeda isku dayday inay dalka ku difaacdo xoog iyo hab siyaasadeed labadaba. Is-hardigaas xoogganaa ee labadaas dhinc, waxay waxyeello badan ka soo gaartay xubno badan oo shacabkii Soomaaliyeeda oo aan waxba galabsan, arrintaasi goob iyo gobol ku ma koobnaan ee waxay saabatay dalka oo idil, in kastoo dhibabka lagu ka la horreeyay, laguna ka la badnaa.

Yaa Raalligelin Mudan?

Waxaa raalligelin ama garawshiiyo mudan: 1-Ciidammadii Qarnka ee u dhintay difaaca dalkooda iyo xubnihii waddaniga ahaa ee u dhintay is la ujeeddadaas. 2-Waxaa raaligelin mudan dadweynaha Soomaaliyeed idilkiis, kaas oo noloshiisii loo burburiyay dano gaar ahaaneed oo raqiisa, waxaana raalligelinta lagu leeyahay jabhadihii ba'a iyo baabi'inta ee Mingiste maqooradaayay.

Haddii kuwaas dambe aysan garawshiiyo mudnayn oo ay ka mudan yihiin kuwii hoogga horseeday, haddee, shabaab iyo waalkoodna garawsho leeyihinn, wadannimo loo dhintaana ma jirto.

Yaa Cududdaar Leh?

Waxaa cududdaar leh, dadkii shacabka ahaa ee xoogaggii jabhadaha ahaa iyo ciidammadii Soomaaliyeed dhexdooda dhibabku ka soo gaareen.

Maxaa Maanta Soomaali la Gudboon?

Mar haddaan maanta garsoor fiican loo helayn balaayadii la soo maray, waxaa habboon in la is wada cafiyo oo si daacada oo aan baarasho lahayn la isu wada cafiyo, in dib loo ciftana laga wada fakaro. Haddii hal dhinac isu arko inuu kaligi dhibbane yahay, qaladna uusan lahayn, arrintaas waxay horseedaysaa in boogo badan danqadaan, aadna loo sii ka la fogaado.                                                                                                     `


Friday, January 17, 2020

Mahadhoo-yinkii Falsafadeed ee Sokraad (Socrates)


Image result for socrates


Erayga Falsafad (philosophy) waa kasmada saldhigga u ah aqoonta abuurka, dhabta, iyo jiritaanka. Waxay ka bilaabataa is weyddiinta su’aalo ku saabsan sida aadanuhu u arko abuurka (nature) iyo sidoo kale guud ahaan uunka (universe). 

Af ahaan eraygu wuxuu ka koobmaa labo eray oo Giriiga; philo-macnuhu yahay “jacayl” iyo-sophos-oo macnuhu yahay “garaad”.

Waxaa ku caan baxay kasmada falsafadda ama Garaad-jacaylka waxyaqaannadii Giriigga ee hore, waxaana halkaan ku soo ban dhigayaa tuducyo-muceed falsafadeed oo aan ka soo gol dooxay falsafad-yahankii Sokraad:


·   Noloshaan laga baaraa dagin u ma qalanto in la noolaado.

·Marka dooddu dhammaato caydu, waa aaladda guul-darraystaha.

·       Waa inaan si guud u ducaysannaa, waayo Eebbe isagaa naga og waxa noo wanaagsan.

·       Aalaa nacaybka ugu halista badan waxaa keena damaca aadka.

·       Dawga loo maro sumcadda wanaagsan; waa in lagaa arkaa waxa aad jeceshahay inay kaa muuqdaan.

·       Waxaa laga yaabaa, in geeridu tahay nimcada ugu weyn ee aadanoo dhan.



·       Is ka daa kaas adduunka ha dhaqaajiyee marka isagu is dhaqaajiyo

·       Hab anshiyeedka ku salaysan roonayaasha (values) laab-lakaca, waa uun dhalanteed, waa aragti nacas oo ka maran run iyo maangalnimo.

·       Kan ugu hodansan waa kan ku raalli noqda waxa yar, waayo qanaacadu waa hanti abuurriina.

·       Naftaada ku hor mari qoraalladda rag kale sameeyeen, si ay kuugu fududaato wax-ka-korarsiga hawlihii kuwo kale xoog uga soo shaqeeyeen.

·        Hagaag, waxaa hubaal ah inaan ninkaan ka garasho roonahay. Waxay u badan tahay labadayada midna, inuusan lahayn aqoon uu ku tookhi karo; hase yeeshee, isagu wuxuu u qabaa inuu yaqaan wax uusan aqoon, halka anigu aan ka warqabo jahligayga. Si kastaba ha ahaatee, waxaad mooddaa inaan uga garaad sarreeyo sida uu ku sugan yahay ee kooban, mana filaayo inaan aqaan wax aanan aqoon.

·       Garaadku (xikmad) wuxuu ka bilawdaa qeexitaanka erayga.

·       Badanaa waxyaalah uu qofku la’aantood wax qaban karo.


·       Kuwa caytamaa wax ii ma dhimaan, waayo wax-ba igu ma dhuftaan.

·       Waxaan ka baqayay markaan indhahayga oo ay weheliyaan dareema-yaashayda kale ku eego walxaha anoo isku dayaya inaan fahmo iyaga ay taasi ii hor seeddo inaan ruuxana ka indho beelo.

·       Qofkaan raalli ku ahayn waxa uu haysto, raalli ku ma noqon doono waxa uu raadinaayo.

·       Haddii qof is ku la weyn yahay hantida uu haysto, waa inaan lagu ammaanin ilaa laga hubsanaayo sida uu hantidaas ugu dhaqmaayo.

·       Haddii tixraac (reference) jiro waxaa jira cabsi, laakiin meelna ka ma jiro tixraac haddii aysan cabsi jirin, sababtoo ah cabsidu waxay leedahay fidsanaan ka roon tan tixraaca.

·       Kuwa shaqo-la’aanta kaliya maaha inay shaqada ka fadhiyaan, ee waxay ka loo yihiin kuwo gabay hawshii la qaban lahaa.

·       Baryadeenna Eebbe waa inay noqotaa mid guud, waayo Eebbe isagaa naga og waxa noo roon.

·       Waxa kaliya ee aan rajaynayaa waa in dadka caadiga leeyahay awood aan koobnayn oo uu wax ku dhimi karo, waayo markaas bay dhici kartaa inuu yeesho awood aan koobnayn oo uu wax wanaagsan ku sameeyo.

·       Alla badanaa wax badan oo aan la’aantood wax qaban karo.

·       Dhab ahaan waxaan ahaa runlow taas oo heerkeedu gaari waayo inaan noqon waayo siyaasi iska nool.

·       Waxaad mooddaa inuusan dadka caadiga garwaaqsan in kuwa sida qumman oo tooska oo iyaga goonida u ah naftooda ugu dhaqa falfasadda ay yihiin kuwo isu diyaarinaaya xaraarugga iyo geerida.

·       Arag hal qar-biyood oo ku foorara, hal buur, hal wabi, hal bad oo arag dhammaan.

·       Marka damacu caqliga diido, oo uu xoogo garsoorkii keeni lahaa qummanaanta, waxay arrintu u janjeersatay dhanka dhadhansiga macaanka taas oo laga yaabo inay quruxdu ku hanboorisay, mar labaddna iyadoo uu rabitaanka gaarka saamayn xooggan ku leeyahay waxaa si xooggan loogu dhaqaajiyaa dhanka quruxda qaabab jireedka, dhaqaaqaan xooggan bay magac ku la baxday, waxaana loogu yeeraa jaceyl.

·       Eebbow adaan kuu tukanayaa si uu gudahaygu qurux u yeesho.

·       Waxaa na loo yeelay labo dhagood, labo indhood, laakiin waxaa na loo yeelay hal carrab, si markaas dhageysigeenna iyo fiirinteennu uga bataan hadalkeenna.

·       Dhab ahaan waxaan ku qanacnay haddii aan doonaynno inaan haleelno aqoon saafiya oo walax kasta ku saabsan, waa inaan ka xorownnaa jirka oo ruuxda kaligeed ka fakartaa walxaha. Waxaad mooddaa, si ay dooduhu garsoor fiican u helaan in garaadka aan wax ku go’aaminaynno ee sida runta quluubteenna uga soo go’aa uu kaliya suurtogal yahay inaan haleelno marka aan dhimanno ee aysan suurtogal ahayn intaan nool nahay.

·       Ma jiro wax caddaaladda mudnaan ka leh.

·       Ma ahi nin u dhashay Athenis ama Greek, waxaanse ahay nin u dhashay adduunka.

·       Ninna ha ku sheegin mid murugeysan kahor intuu ka guursanaayo.

·       Faraxsanaantu waa ladnaan aan laga qoomamayn.

·       Dagaallada, kacaammada iyo goobaha dagaal, kaliya waxaa sababa damac. Dagaal oo dhan waxaa loo qaadaa si xoolo loo helo; sababta aan xoolaha u rabanna waa baahida jirkeenna; illeen jirkeennaan addoomo u nahaye.


·       Waxa kaliya ee wanaagsan waa aqoonta, waxa kaliya ee xunna waa aqoon-la’aanta (jahliga).

·       Waddada ugu dhow ee aad ku gaari karto meel sare, waa adiga ku dadaala halka aad ku hamminaysay inaad gaarto.

·       Ha ku degdegin saaxiibnimada, hase yeeshee, haddaad dhex gasho sii adkee oo ku sugnow.

·       Dadka aan tayada lahayn waxay jecel yihiin kaliya inay cunaan oo cabbaan; halka dadka tayada leh ay kaliya u cunaan oo cabbaan si ay noolaadaan.

·       Haddiiba lala simo ninka, haweenaydu iyadaa isaga ka sare marta.

·       Caannimadu waa carafta hawlaha halyeyga.

·       Masayrrowgu wuxuu ku caatoobaa, buurnaanta dariskiisa.

·       Sideedaba lacagta lagu helaa aqoontu, waxay ka xun tahay aqoon-la’aanta.