Monday, October 26, 2015

Guur Aan Ka La'aado (Gabay: Xaawo Bulxan Cali)

Indhoweyd murtidii geyfanayd, waa anigaan geline
Waatii aan gees maray naxwihii, Guulle ii qoraye
Maantana wax baa igu gujeeyee, ma aanan goobeene

Ruuxna gaar u may lahayn murtidu, waa qofkii garane
Gabdhihii la caayee xumaha, gurada loo saaray
Haddii aan gar eexaad la naqin, waa gef hadalkaase
Idinkuba wax baad geleleftaan, ka la guraysaane
Maxaa libin ku-geeraarka iyo, guusha idin siiyay?

Guyaal iyo guyaal badan haddii, nala ku soo guuray
Goor iyo ayaanba haddaan, ciil la galawlaynnay
Caro gaamurtaan wada qabnaa, gebi ahaanteene

Gacan bidix ayaad nagu waddeen, tan iyo goortaase
Haddii ay gadoodaan habluhu, la ma guhaadsheene
Gabyayaal inay noo kaceen, geliya laabtiinna
Aqoonyahanno gaamuray oo murtida, wada gorfaynaaya
Inay maanta wada geyfan yiin, geliya laabtiina

Markiise aan garaadsaday iyo haddooy, garashaday buuxdo
Raggu waxay abid guranayeen, godob xumaanteene
Garaadli’i ma haysee gabdhaha, jaaniskaa gabaye

Guriga iyo intaan ubadka iyo, fool la gubanaynnay
Nagu gaadde gabayada xunoo, gubaya jiirkeenna
 Gefkaad naga gasheen inuu ciqaab, idin geyaysiiyo

Rabbina idin gargaarin oo nabsigu, idin ku soo guuro
Guyaal baan sugaynnoo waqtigii, waa la soo galaye
Guryihiyo haddaad naga jafteen, ubad gardaadsiinta
Aan googaalaysannee ina ragow, goobta noo fidiya
Guushuna kuway raacdo aan, wada guddoonsiinno

Afartaa gorfeeyaye mid kale, aan giraangiriyo
Geyriyo ufada soo dhacdiyo, yaare aan geliyo
Gucummaale aar iyo sidii, goosha aan reemo

Aan guul-guulo afarreey-guntaha, guushu waa aniye
Gosha aan la baxo kaan naxwaha, garan ujeedkeede
Xaajadana aan soo gambiyo, way gun weyn tahaye

Aw-yuusuf gabayguu tirshiyo, gedihi uu sheegay
Yamyam wuxuu ka gaaftee u yiri, guur aan ka la’aado
Aniguba gaddaas oo kalaan, qayb ka gaabsadaye
Na ma wada geyaan nimanku oo, qaar ayaa gurane
Kuwa gogosha aan loo dhigayn goyn, aan ka higaadsho

Dabaguraha gooraha xun jecel, gabar ardaa jiifta
Gaatamaha tuugada u guda, goor dhexiyo leylka
Gaajoonahaas aan dhergeyn, guur aan ka la’aado

Midka giniga haystee ku xira, jeebka gudihiisa
Een garanin reerkaaga geli, Guulle wuxuu keenay
Intii aan galluubnaan lahaa rafaad, guur aan ka la’aado

Marti geyre dhaxanliyo ku timid, guure iyo dheelmad
Gogolkaan u soo qaadinoon, sooryo gelinaynnin
Intii gacalki uu hiifi laa, guur aan ka la’aado


Midkaan geedka laga naadin oo, goobta laga sheegin
Oon tirada soo gelin kolleey, saami wuu gabaye
Intuu aniga ii guuxi laa, guur aan ka la’aado

Midkaan ehelka garan oon wanaag, gacan uqaadaynnin
Ilmadowda gaajoon midkaan, gelin qadaa siinnin
 Intay guriga ii ooyi layd, guur aan ka la’aado

Midka gada dharkiisoo rahmada, waa gu’ baaqsadaye
Intuu qaad ku soo gadan laa, go’a sariirtayda
 I ma geyo nin qaawane midkaa, guur aan ka la’aado

Kaan garan salaaddiyo waqtiga, Guulle faral yeelay
Googoyska cibaadada gefee, geesta uga leexday
Oon masaajid soo gelin waqiis, guur aan ka la’aado

Midka guurka diidoo macsida, abidki goobaaya
Een garan samaantee xumaha, daba guclaynaaya
Saanigaa Ilaahay ka go’ay, guur aan ka la’aado

Midka diinta garanaaya ee, gooyay dhaqankeeda
Shareecada midkaa garab maree, gaalo dabaraacay
Garaad-xumaa u geysee dulliga, guur aan ka la’aado

Caasi ganaya hooyadi intuu, gumuc u soo qaato
Ama cay ku gaacinahayoo, nabar ku guulaaya
Gayaan ku ma habboonee midkaa, guur aan ka la’aado

Garruun xaasidnimo loo tabcoon, garasho hoos oollin
Gafuur-jabin midkaa i la rabeen, gacalo ii haynnin
Intuu ii la gaatami laa ul weyn, guur aan ka la’aado

Xilagube gasiin iyo aan bixin, maro is gaarsiisan
Guudkana islaam uga egoo, gogosha ii jiifa
Intii goor xun aan ooyi laa, guur aan ka la’aado

Guullihii abuurtiyo midkaa, nabiga cayda ku la geyfan
Gabood-falaha diintii gudbaye, dhaar aan ka la goynnin
Gaalkaas Ilaahay ka go’ay, guur aan ka la’aado

Gaarida wanaagga le midkaan, garan abaalkeeda
Gafuur-buure aan ruuxna garan, wuxuu gollaynaayo
Gujeeyaha gunuusee guryama, guur aan ka la’aado

Kaan jikada galayn oo ilmaha, gelinna haynaynnin
Oo aan garawshiyo lahayn, saacidee gabadha
gacan kaan siinayn bugtada, guur aan ka la’aado

Waalidkay midkaan gobonnimiyo, sharaf ka goobaynnin
Guuleed walaalkay ninkaan, gaar u magacaabin
 Ee xididka gooyee aan rabin, guur aan ka la’aado

Gabagabo dagaal iyo markii cadaw la guulaayo
Gantaalaha markii lays ku riday ee, geesi diriraayay
Giiryaalaha gadaashayda maray, guur aan ka la’aado

Midka Gaawadii oo dhashay iyo, Goodir dabajooga
Galaxeeda caanaha midkaan, goommanaha siinnin
Bakhayl gurigi loo ma soo hoydee, guur aan ka la’aado

Mooryaanka gaajoon ee waddada, tuugadaw gelaya
Googaradda dumarkiyo midkaan, garanna dhaafeynnin
Jidgooyaha islaamkii gambiyay, guur aan ka la’aado

Qabqablaha gumaadee shacbiga, dhiiggi gadanaaya
Dawlad gaamurtiyo kaan jeclayn, calan shan-geesoodka
Ee gaar kaligi nolol u raba, guur aan ka la’aado

Balwad kay gagabisee fadhiya, cooshka laga guuray
Qaadka iyo garaabada midkaa, guranayee jiifa
Ee qiimihii nolosha gabay, guur aan ka la’aado

Hinaasaha guryama ee shakigu, gebigi buux dhaafshay
Gurigayga kii soo agmara, guullan ka-horgeyska
Guufanayska waardiyaha gala, guur aan ka la’aado

Guurbadane gabadhuu arkaba, meher la gaadaaya
Xannaanada gurboodkana dayaca, gurina aan joogin
Gododlaha cidlada iiga guday, guur aan ka la’aado

Midka deriska guul-guula oo, gawnaxyada buura
Intuu gaarka joogana Cambaro, gaabsatee cararto
Xaawaleyda kaa gabawarana, guur aan ka la’aado

Allow deeqsi geesiya halyey, diinta garanaaya
Garaad badane gobannimiyo sharaf, looga gogol yeelay
Adaan gacanta kuu hoorsadee, calafku ii geeyo

Gabay ku ma idlayn karo raggaan, gacalo loo hayne
Damiirkiisa-gade baa jiriyo, ceebta gurigeede
Dumaroow garwaaqsada raggii, laga gol roonaaye