Wednesday, February 27, 2013

Hibasho (hees)

Hoohey dunidaaneey
Kala-haatiyay
Naftu waxay hibatoo
Ay haaban weydo
Ku hanqaaranto badanaa!

Labo aan is hurinoo
Haddana aan is haynoo
Intuu caashaq wada helay
Hayaan kala fogaadoo
Kala heeray waayuhu
Mid walba halkiisuu
La jiifaa halgaaddee

Hadimada kalgacalkii
Ii horreeyay mooyee
Dhib kale i ma haleeline
Horta waannu ladan nahay

Halkaad ku nagi dahay
Maxaad caawa haysaa?
Hawada caafimaad-kaaga
Iyo heerka noloshaada
Hayntaada jeebkiyo
Sidee hawshu kugu tahay?

Hibashada xasuusta
Hurdo kaa ma seexdee
Wadnahaa i hurayee
Kaaguna ma heermaa?
Haasaawaheennii
Ma u soo hilawdaa?

Hamaynkii kolkay tahay
Ma lay kaa hor keenaa?
Haarka gogoshaada
Ma ku haabataa gacan
Sida geel haleela
Hoos miyaad ka reentaa?

Hamuunta iyo xiisaha
Ma is haysan weydaa?
Sida hoobal caan baxay
Kaligaa ma heestaa?
Hambalyada salaantiyo
Ma heshaa waraaqaha?

Hud-hud ammuu ku lumiyoo
Heedhee la isku keen diray?
Ammaad halacsataayoo
Ku hawirantay meel kale?
Caashaqii horreeyiyo
Keennii halmaantaa?

Haatufkiyo dabaylaha
War la hubo u soo dhiib
Kaygana mar iga hubi
Hoheey laba shub weeyaaneey
Hoobeey, hoobeey
Heedhee may maqlaysaayey
Haaheey, haaheey
Hidisuhu siduu yahay
Had maad imaan bal ii sheeg
Hor alle waan ku sugayaa!

Thursday, February 21, 2013

Hawlaha Adduunyada iyo Hodanka Aakhiro (maqaal)



Hayaan dheer baan galay anoo ka soo huleelay heeladkii aan ku dhashay, ababay oo aan heerar kala duwa ku gaaray. Jiidaal dheer baan soo maray aniga oo la iga soo harbiyay heeshigii aan lahaa iyo kii aan wax ku lahaa labadaba. Waxaa la iga soo hataaqiyay geedo haraca oo toomo hareeri ah ku dhex yaal. Anoon dhereg la hingilnayn baa iyada la igu hafraayay. Waa la i hiifaayay oo haddana ma aqoon utunta la ii haystay. Waa hitaysnaa oo haddan ma helo sababtaan ku mutaystay. Halis baan ku jiray oo haddana ma hilaadin karin aniga iyo hawaalkay colaadda u habaysan muggeeda. Haayirka waa gartay oo haddana hummaagiisa ma aqoon. Waa hadaadumay oo waa habaqleyay oo hadba habheeb ku dhacay oo hadba hayjad foolka saaray anoo la hullaaban hiirtaanyo iyo hantila'aan.......

Higsigii u dambeeyay waxaan ku tagay degal barafku hooraayo oo hanfi gabadanaysan uu dhabannada kaa halgaadaayo oo halkaad cagta saartaba aysan ku hakanayn. Waa degaan kor iyo hoos, hareer iyo gadaal midna aan jirkayga loo humin oo naftu kohanayso isaguna i haaraamaayo. Dadku iga hayb fog oo dantiisu tayda maahan. Dhashaan huddanka ku keenay waxay ku hafanaysaa hirarka noloshooda. Waa dhul hulal badan oo ay hubaal tahay in hiddahaygu ku hallaabaayo. 

Hadda wax baan haystaa, haddana hungaan ahay. Hiirtaan kacaan oo tabcaa, haddana wahan baan la soo hoyaadaa. Hunguriga waa kumbadaa, haddana harjad iyo hah baa ku xiga, sababta eedaadkaasna waxaa lagu hilaadiyaa dufankaan dheefta u qabay baa heen noqday dhex haraaciya halbowleyaasha dhiiggayga kadibna hor joogsada qulqulkiisa.  

Haweenkii la heshiin waayay, haddana kalgacal baa i hargaameeyay. Wadeeyo waan leeyahay  haddan mid hiil loogu hirtaa kuma jiro. Ubadka hayin baan u ahay iyguna i ma haybsadaan. Xigtada ma hagrado, haddana iyagu dan iyo heelllo iga ma leh. Hankii aqoon-doonka ahaa wali waa hayaa, haddana ma hollin karo. Hugunka bulshada waa ka helaa, haddana hadalkaa i dhiba. Waxaan is la ahay hanad wax weyn taray, waase markaan halacsado maalmihii tagtada ahaa oo aan nafta ka hufo meelihii habowga iyo habacsanaanta lahaa, hagoogna uga dhigo horyaalnimo iyo hoobalnimo loo bogsanaa. Markaasi waa marka anoon hurdayn aan harkii riyoodo, waana hiraalkaa qura oo naftu isu hibeyso. Tani ma fududa waayo waad hal abuuraysaa, jaantuska habaynaysaa oo hirgelinaysaa. Haabku waa i buuxaa oo hadba hawaawigu wuxuu ii horseedaa jidad wada haloosi ah oo aan marba mid ku halwiyo, haddana waxay wada noqdaan hinni awdan oo aan laga heli karin meel laga huluusho. Dhegahu way hugmaayaan, oogada oo dhanna laxaw baa hareereeyay. Hilawgu iga ma haro oo had iyo jeer waxaan goconayaa haleelo la iga dhacay iyo ugbaadlow hawdadkii ay daaqi jirtay. 

Ha yeeshee, wax walboo kale ka haray aan ka ahayn ku-hanbaaska suugaanta oo ii ah sidii hoobaan bislaatay. Waxaan heshiis la ahay qalinkayga hoodaale oo aan kalsooni buuxda u hayo. Isagaa i haga oo igu toosiya hillinka toosan. Isagaa i hiyi kiciya oo hillaaca fog igu hayaameeya. Himamowga timaaddada ee aan isku hallayska lahayn iyo hoobadyada ku dhammaada haadaamaha waxaan uga hakaday garwaaqsashada nolosha dambe oo hammigaygii waayahaan ku aruuray waxaanna hal-abuuraha weyn waa Eebbihii i abuuraye ka durraantaa inuu igu hanuuniyo waddada aan ku haaban karo hodanka aakhiro. Aammiin.  
     


  

Sunday, February 17, 2013

Alla Walalac Beeneey (heees)

Waddo qura maraay
Is weydaarsaneey
Is ma weheshatooy
Waaxyo isku yaaleey
Kala weecsaneey
Dusha sare wanaageey
Waabaay la qooshaay

Iyadoo wadkaaya
Alla walalac beeneey

Waaberi arooryaay
Habeynkoo wargaaxaay
Waaciidsi badaneey
Walbahaar ma weydooy
Waayeel la moodyeey
Wigladana ciyaaraay
Tii loo walqalayee
Magaceed la waayaay

Iyadoo wadkaaya
Alla walalac beeneey

Thursday, February 14, 2013

Gocosho (gabay..Dhuurcas)

Gabaygaan wuxuu Axmad Maxammad-Camarre Shirwac (Dhuurcas) ka tiriyay sannadkii 1983dii magaalada Qooqaanni ee gobolkii Jubbada Hoose. Wuxuu sida muuqata ka taloobay kana cabanayaa maamulkii J/le Max'd Siyaad Barre oo ay dhalasho ahaan xigto ahaayeen: 

Waa lay guhaadshahaye inaan, Xamar ka googoostay
Godobtiyo colaaddii inay, meel shishe i geysay
Gocoshada tolowgii inaan, seeraha u gaaray

Toban boqol inaan sii gudboo, wabiyadii gooyay
Inaan gacanta soo riday markaan, Laamo garab dhaafay
Geeddiga inaan wali u wado, Gaarisa agteeda
Gadaal inaanan soo dhuganayn, boqol haddaan gaaro

Giirgiir inaan sheegtay, Gaallo iyo Booran
Gargar inaan la leeyahay Wardey, danina ii geysay
Geyaan inaan u ahay Cawramaleh, gabarna weyddiistay

Garre iyo Dagoodiyo inaan, Joorre garab aallo
Guddoon iyo xeer inaan ku ahay, gaanka Doqon-diide
Gashigayga Biyomaal inay, taallo godobtaydu

Garta inaan la tago maalintii, Dabarre geedkiisa
Gibil inuu Murale iga rabiyo, goojiyo abbaano
Gabbaro iyo suldaan inaan Tunniga, goor walba u geeyo

Guulguulka Dirirsame inaan, gorodda laalaadsho
Gaban inaan u ahay Jiiddiyo, Geledi laandheera
Gooddi iyo canaan inaan ku qabo, Gaadsan iyo Riibi

Masarre guutoguuto ah inaan, gelinba qaar raaco
Garka iyo gondaha inaan qabsado, goxoshka Liisaanta
Gashaantida Ujuuraan inay, guurka iga faanto

Gawlaha Hubeereed inaan, saarka ugu guuro
Duul geriga caabuda inaan, deris la googoostay
Go' aan shaar lahayn inaan watiyo, goome labo suun ah

Gommad inaan ka faro dhawr sacoo, wada gandaal dheer leh
Galtigii in lay dhaho markaan, galabtii soo muuqdo
In gabooy lay qarinayo xani, igu soo gaartay

Yaad gashaa in la igu la kaftamo, gogol-ku-haasowga
Magan gaabsato ah inaan ihiyiyo, gaban cido u joogo
Dibna gacalo iigu soo duxayn, gocosho mooyaane
Talana sidaas igaga gaw tiri, Cammarre gaarsiiya!

Thursday, February 7, 2013

Lib-gad (gabay)..Max'd Nuur Fadal


Lax la qalay leggeed iyohaddii lulato la ii keeno
Waa caawadaan laasan jirin, lug iyo jiidhkeede
Waa caawadaan sida lo’leyluunsanaan jiray e
Waa caawadii aanan ledinsida lammaan xiide

Lur adduunyo waa caawadaan, wax igu laabneyne
Ladnaanta iyo nimcadu uunka way, wada luggoysaaye
Lixdan aniga oo jiray tashiganlaydha iga raacay
Imminkaan ladhkiisii hurdadaledis ka waayaaye

Nimankaan dukaannada lukiyanlabo labo u siiyay
Nimankaan lo’daydii casaydlaanta ugu duugey
Wax la liqo iyo xoolaba kuwaanugu laxaad yeelay
Ee aan lacagta jeebka ugu guraylohonlohii caydha
Hadday aniga leebka iyo warmaha, ii lisanayaane

Markuu sida Luwaha qaawanaa eelaylka soconaayay
Ee aad luqufka qooraha dameerlulaya moodeysay
Haddii aan lingaxo oo qalbigalahashada u diido
Oo aan luunkaba ka roginlur ima gaadheene

Kal-laxiiba baan leeyahay iyo, laabta xuunshada e
Laxawasiga xigtada lay gashiyolibiqsigaan eeday
Waa waxa rag igu laacayaalaxam dhaqaaqaaye

Inkastay ladaadyada baruurlaqanyo daacayso
Leg ninkii siiyey dishaaliidda doqoneede
Wax laasima nin liitiyo haweenlaaxinkood badane
Lib-gad iyo abaal-xumana wawlow u gooniya e

Ma libaanihii Diiriyaaloox u daabacaye
Waa tay liciinkii maqleenlaababka lahaaye
Waxba nimaan lilleyneynayay luqaddi raacane
Mar un iga ma liibaansanine, way ladaabsadaye

Haddaan maalintii hore lurriyoigu ma laabmeene
Lafa-Yare iyo Caarraanwixii lumay i deynayne
Afar-laba-lix jeer buu sidaaiiga loogsadaye
Alla laba iyo toban jeer miyayliidnimo i raacday!

Erayada: 
1.Luunqolfo ama xayaabo layiig ah oo qofka oomman ama qabatooma 
bishimaha ka fuusha.
2-Lammaan xiidxiidxiitadu badi labo labay u socotaa.
3-ladhid/laridlagu daray
4-Luki: cammiran (af sawaaxili)
5-Lisloolin ama soofeyn
6-Luwo/luoqoomiyad ka mida Kenya
7.Lingax/ningax: labo weel oo la isku aabburayo dhexdooda la geliyo si aan wixii lagu shubay u daadan
8-Luquf: qeybta hore ee cisalka .
9-Laxamaf carabi waa hilibka
10-Low (Law): af Ingriis waa sharciga
11-Lib-gadabaallaawe
12-Loogsooryeyn weyn oo xoolo la qalo
13-Ladaabrakaadcunid ama cabis ku noqnoqosho ah
14-Kal-laxiibaqalbi wax jecel


Friday, February 1, 2013

Gabbaldaye (hees)

Adoo gole ka-maagle oo
Haweenkaba ka gaabsaday
Sow taan ku gado baray
Garta iyo tusaalaha
Adigoon gorfeyn karin
Sow taan geesi kaa dhigay

Go'e halaq miyaad tahay
Hadba marada ii gala
Gododleyntu waa maxay
Waad iga gardarantee
Waan kaa gaddoomee
Ha goohin
Waana kugu gelaynine
Ha guuxin
Waan guurayaaye 
I gees mar!

Gurgurkii la dhaanshee
Loo tiriyay guulkee
Intuu maatidii gabay
Gibisha iyo heeryada
hilkii kula gadoodiyo 
Abaalgabe ha noqonine

 Go'e halaq Miyaad tahay
Hadba marad ii gala
Gododleyntu waa maxay
Waad iga gardarantee
Waan kaa gaddoomee
Ha goohin
Waana kugu gelaynine
Ha guuxin
Waan guurayaaye 
I gees mar!

Eryada:
1- Maagle: diidaa, dhaafaa, ka-tage.
2- Gado: xeelado, xirribo, tabab.
3- Godadleyn: jirjirleyn, gadgaddoomid, la gurta ama la xintama dumarka. 
4- Gooh: Ci', jaad ka mid ah codadka nafleydu samayso. 
5- Gurgur: awrka hayinka ah ee reerku ku guuro.
6- Gibisha: marka awrka rarka la wada saaro, sarta kor looga dado.
7- Hil: agagaarka wabiga, dar, jiin.