Thursday, February 14, 2013

Gocosho (gabay..Dhuurcas)

Gabaygaan wuxuu Axmad Maxammad-Camarre Shirwac (Dhuurcas) ka tiriyay sannadkii 1983dii magaalada Qooqaanni ee gobolkii Jubbada Hoose. Wuxuu sida muuqata ka taloobay kana cabanayaa maamulkii J/le Max'd Siyaad Barre oo ay dhalasho ahaan xigto ahaayeen: 

Waa lay guhaadshahaye inaan, Xamar ka googoostay
Godobtiyo colaaddii inay, meel shishe i geysay
Gocoshada tolowgii inaan, seeraha u gaaray

Toban boqol inaan sii gudboo, wabiyadii gooyay
Inaan gacanta soo riday markaan, Laamo garab dhaafay
Geeddiga inaan wali u wado, Gaarisa agteeda
Gadaal inaanan soo dhuganayn, boqol haddaan gaaro

Giirgiir inaan sheegtay, Gaallo iyo Booran
Gargar inaan la leeyahay Wardey, danina ii geysay
Geyaan inaan u ahay Cawramaleh, gabarna weyddiistay

Garre iyo Dagoodiyo inaan, Joorre garab aallo
Guddoon iyo xeer inaan ku ahay, gaanka Doqon-diide
Gashigayga Biyomaal inay, taallo godobtaydu

Garta inaan la tago maalintii, Dabarre geedkiisa
Gibil inuu Murale iga rabiyo, goojiyo abbaano
Gabbaro iyo suldaan inaan Tunniga, goor walba u geeyo

Guulguulka Dirirsame inaan, gorodda laalaadsho
Gaban inaan u ahay Jiiddiyo, Geledi laandheera
Gooddi iyo canaan inaan ku qabo, Gaadsan iyo Riibi

Masarre guutoguuto ah inaan, gelinba qaar raaco
Garka iyo gondaha inaan qabsado, goxoshka Liisaanta
Gashaantida Ujuuraan inay, guurka iga faanto

Gawlaha Hubeereed inaan, saarka ugu guuro
Duul geriga caabuda inaan, deris la googoostay
Go' aan shaar lahayn inaan watiyo, goome labo suun ah

Gommad inaan ka faro dhawr sacoo, wada gandaal dheer leh
Galtigii in lay dhaho markaan, galabtii soo muuqdo
In gabooy lay qarinayo xani, igu soo gaartay

Yaad gashaa in la igu la kaftamo, gogol-ku-haasowga
Magan gaabsato ah inaan ihiyiyo, gaban cido u joogo
Dibna gacalo iigu soo duxayn, gocosho mooyaane
Talana sidaas igaga gaw tiri, Cammarre gaarsiiya!

No comments:

Post a Comment