Thursday, February 21, 2013

Hawlaha Adduunyada iyo Hodanka Aakhiro (maqaal)



Hayaan dheer baan galay anoo ka soo huleelay heeladkii aan ku dhashay, ababay oo aan heerar kala duwa ku gaaray. Jiidaal dheer baan soo maray aniga oo la iga soo harbiyay heeshigii aan lahaa iyo kii aan wax ku lahaa labadaba. Waxaa la iga soo hataaqiyay geedo haraca oo toomo hareeri ah ku dhex yaal. Anoon dhereg la hingilnayn baa iyada la igu hafraayay. Waa la i hiifaayay oo haddana ma aqoon utunta la ii haystay. Waa hitaysnaa oo haddan ma helo sababtaan ku mutaystay. Halis baan ku jiray oo haddana ma hilaadin karin aniga iyo hawaalkay colaadda u habaysan muggeeda. Haayirka waa gartay oo haddana hummaagiisa ma aqoon. Waa hadaadumay oo waa habaqleyay oo hadba habheeb ku dhacay oo hadba hayjad foolka saaray anoo la hullaaban hiirtaanyo iyo hantila'aan.......

Higsigii u dambeeyay waxaan ku tagay degal barafku hooraayo oo hanfi gabadanaysan uu dhabannada kaa halgaadaayo oo halkaad cagta saartaba aysan ku hakanayn. Waa degaan kor iyo hoos, hareer iyo gadaal midna aan jirkayga loo humin oo naftu kohanayso isaguna i haaraamaayo. Dadku iga hayb fog oo dantiisu tayda maahan. Dhashaan huddanka ku keenay waxay ku hafanaysaa hirarka noloshooda. Waa dhul hulal badan oo ay hubaal tahay in hiddahaygu ku hallaabaayo. 

Hadda wax baan haystaa, haddana hungaan ahay. Hiirtaan kacaan oo tabcaa, haddana wahan baan la soo hoyaadaa. Hunguriga waa kumbadaa, haddana harjad iyo hah baa ku xiga, sababta eedaadkaasna waxaa lagu hilaadiyaa dufankaan dheefta u qabay baa heen noqday dhex haraaciya halbowleyaasha dhiiggayga kadibna hor joogsada qulqulkiisa.  

Haweenkii la heshiin waayay, haddana kalgacal baa i hargaameeyay. Wadeeyo waan leeyahay  haddan mid hiil loogu hirtaa kuma jiro. Ubadka hayin baan u ahay iyguna i ma haybsadaan. Xigtada ma hagrado, haddana iyagu dan iyo heelllo iga ma leh. Hankii aqoon-doonka ahaa wali waa hayaa, haddana ma hollin karo. Hugunka bulshada waa ka helaa, haddana hadalkaa i dhiba. Waxaan is la ahay hanad wax weyn taray, waase markaan halacsado maalmihii tagtada ahaa oo aan nafta ka hufo meelihii habowga iyo habacsanaanta lahaa, hagoogna uga dhigo horyaalnimo iyo hoobalnimo loo bogsanaa. Markaasi waa marka anoon hurdayn aan harkii riyoodo, waana hiraalkaa qura oo naftu isu hibeyso. Tani ma fududa waayo waad hal abuuraysaa, jaantuska habaynaysaa oo hirgelinaysaa. Haabku waa i buuxaa oo hadba hawaawigu wuxuu ii horseedaa jidad wada haloosi ah oo aan marba mid ku halwiyo, haddana waxay wada noqdaan hinni awdan oo aan laga heli karin meel laga huluusho. Dhegahu way hugmaayaan, oogada oo dhanna laxaw baa hareereeyay. Hilawgu iga ma haro oo had iyo jeer waxaan goconayaa haleelo la iga dhacay iyo ugbaadlow hawdadkii ay daaqi jirtay. 

Ha yeeshee, wax walboo kale ka haray aan ka ahayn ku-hanbaaska suugaanta oo ii ah sidii hoobaan bislaatay. Waxaan heshiis la ahay qalinkayga hoodaale oo aan kalsooni buuxda u hayo. Isagaa i haga oo igu toosiya hillinka toosan. Isagaa i hiyi kiciya oo hillaaca fog igu hayaameeya. Himamowga timaaddada ee aan isku hallayska lahayn iyo hoobadyada ku dhammaada haadaamaha waxaan uga hakaday garwaaqsashada nolosha dambe oo hammigaygii waayahaan ku aruuray waxaanna hal-abuuraha weyn waa Eebbihii i abuuraye ka durraantaa inuu igu hanuuniyo waddada aan ku haaban karo hodanka aakhiro. Aammiin.  
     


  

No comments:

Post a Comment