Friday, December 28, 2012

Soo Sida Shamsada Kuma Noqon iyo Faarax-Afcad (gabay0

Faarax-Afcad Xasan-Dhiillo Cali oo ahaa gabyaa sare, tixdaan hoose wuu ku tookhayaa ama faanayaa. Waxaan ka fahmi karnaa gabaygiisa waxyaalihii waayihiisii la weynayn jiray ama lagu faani jiray. Waxaan kaloo ka dheehan karnaa siyaalihii dadkeennii hore tixgelin jireen.

Shayga qalaba gaashaan cad bay, igaga shiiddaaye
Shirka haddii la tago khaylidaa, ii la sharaf roone
Sharna haddii la galo waa midkii, shucubka dheeraaye

Shan hadday dhashay madida geel, soo shirrabantaaye
Haruub dheer waxaa laga soo shubaa, sheexadii ariye
Sengihii kol toban shaabahaa, sheegtay orad dheere

Sicii shalay xareed soo cabbaa, shuurrin caawana e
Shan haruub kolkii laga lisaa, shabaxsadaa wiile
Shax ma dagay nin gabay lagu shuboo, shaaciraan ahaye?

Ma shiraacday sida doonidoo, Cadan u shiidaysa
Shaadir ma huwiyay oo Khayli-Shixir, shulayga ma u joojay
Sida weerar-faras oo shax yiri, shucubka ma u laabay?

Bundada shiida waxaan awr shirraban, shan isu soo saaray
Waxaan xeero shaaximan bahday, shaarubka u galiyay
Waxaan maro shariifaha madow, shir isla soo taagay

Waxaan Bah Harasame shuruq ku iri, sharaf wanaaggayga
Oo haddana xamar shabeel u eg, soo shakamadeeyay
Baal shaashaleeyey waxaan, shan iyo toban saanyay

Sharqan-culus waxay labada guri, shaac ku soo noqotay
Oo ubadku Shaafiida waday, labada shucaac ba
Shiikhaal riyaha laga helay oo, shin u irmaanaaday
Shanta qalaba mooyee maxaa, Aadan soo shiriyay?

Shirkase reer ugaas maalintaan, sheegay gabaygayga
Goonyaha haddii laga sharqamin, sheekadiyo maadda
Shib ma la iga yiri haddaan gabay, shiinka ka hikaadshay?

Shiidliyo Shabeelliyo Abgaal, shubanka Dhiiqaale
Majeerteenka Mudug shaabiciyo, magac Shirshooroo dhan
Dad intii i shuuftiyo intii, igu shunuuf raacday
Shantii meel maraysaba anse, iguma sheekaysan
Soo sida shamasada kuma noqon, shacabka Daarooda?

Tixraac
Axmad Faarax Cali (Idaajaa)

Friday, December 21, 2012

Jaadadka Fardaha iyo Faarax-Afcad (gabay)


Nin ugaarsadaa xamarka jacel, orod dambeedkiise
Usha iyo dhawaaquu sugaa, yuusan ii imaanin

Ashkir orodki waa maalintuu, oofo weyn yahaye
Ololaha nin jacel baan ahee, yuusan ii imaanin

Bullaale afadayggaan ku nacay, aar ha soo rido e
Niman urursan buu kuu geshaa, yuusan ii imaanin

Ma irdhaysna oo caynab, waa faras Ogaadeene
Oday baa ubbada loo suraa, yuusan ii imaanin

Hadduu oomo boosayga naftay, kala aguugaane
Aroorkii maqnaa kuma simee, yuusan ii imaanin

Qaajayga indhaha diiran lihi, waa inkaar qabo e
Oodda iyo qodaxda kama gudee, yuusan ii imaanin

Addin-gaab arooryada horuu, igigif leeyaaye
Uur-yacay abaar kama baxee, yuusan ii imaanin

Afar midable uurkiyo fankiyo, araxdu weynaatay
Isha waxaan la raacaa fardaha, kan u itaal roone
Oog subax la moodyow baroor, ubaxa baan dooni

Friday, December 14, 2012

Xamar-Cillaan iyoFaarax-Afcad (maansooyin)


Nin walaalo toolmoon leh yaa, tuu yiraah helo e
Aan tilmaamo neefkaan Nugaal, uga tub qaadaayo
Tubta wabi tumuunnada Galduur, aradka Taameelle

Maroodigu halkuu tuban yahee, garigu tooreeyo
Tub dheer baan geela u marnaa, waannu tamadinaaye
Meeshii taxaabo leh fardaha, waw turannaaye

Ayuu jaraha igu taabanine, ha iska tabaqleeyo
Neefkii kadlaha kugu tumaataa, taharo kaa gooye
Tooraynta kooraha abtow, ha iska takhantookho

Toomaha hareeriga hadduu, Teeyo ka eryoodo
Abtow tagoogta ha ku wado, Talax walaasheeda
Waa aar-tarrari neef jeedal, kuugu tooxsamaye
Caynaanka oon taabo iri, talax ha eeraamo
Riddada tii fog warankaa ninkii, kaa la tagayaaye
Meeshaan tummaati u qabsado, tolow ha ii geeyo

Tol weyn iyo tol weyn labo qoloo, taarijiin wada ah
Daraan la isu turayn haddii, tuurta la iska arko
Waa aar tarrari jeedal neef, kuugu tooxsamaye
Caynaanka oon taabo iri, talax ha eeraamo
Tunka iyo tarada jeenigiyo, turuqu ha buuxo
Foodduna sidii toon abqo leh, ha iska taagnaato

Nin tilmaaman baan ahay haddaan, tago Marreexaane
Meeshii tusmo ah jeedal bay, igu tuhmaayaane
Tafogaabka nadi kuma dhacee, tiigar ha ahaado
Sidii taanigii aan fuuli jiray, ha u tilmaannaado
************************************************
Aar kama rug siiyow dorraad, Xamar sidee u rooray
Muxuu raafo-erigii ugaar,  kay is kala raacay
Saryankii Raraameed miyuu, labada ruug saaray
Raxantii hadday sii ridnayd, raydabka agtiisa
Dhulka lama rabbaasee muxuu, raanta kor u laacay
Rugta iyo duleedkii haddii, reefadna u raacay
Marka inaan naftana ka rabo, yaa ragga u sheega?

Labo haatan dhashiyo
Labo haatan dhalaysiyo
Mid kaloo dhexroora
Iyo gaashaan dhiig wiyileeda
Iyo dhaameel baa 
laga dhiibayoo
Kii lahaana dhul-xarriiqiyo
Dhacsiinuu ka ahaa...

Ama waa siddeed jir
Ama waa sagaal jir
Ama waa isla sidiiyoo
Tobankaa u sugmay
Ninkuu seedda ka gooyo
Ama suulka ka gaabsho
Ani la ima su’aalee
Sin ha looga wareego...

Friday, December 7, 2012

Xamar-Dawaaf iyo Faarax-Afcad (gabay)


Faarax-Afcad Xasan-Dhiillo Cali oo waayihiisu ku beegan yihiin qarnigii 19aad ilaa kii 20aad wuxuu ahaa gabyaa heerka kowaad ah. Waxaa la yiri waxaa ka dhintay faras uu lahaa oo la oran jiray Xamar-Dawaaf. kaas oo uu ka tiriyay gabay tuducyadaani ka mid ahaayeen:

Haddii aanan Dawaafow ku geyn, Doh iyo Laasoole
Durdurkii Shilaabow haddaan, faras ku dooyeynin
Dooxada Higlooleey hadday, duunyo kugu foofto
Dunji Habar Saleebaan haddaan, duudki kala reebo
Dad ninkaan qabannaa hadduu, duni ka sheekeeyo

Wuxuu u baahday inuu helo faras la mid ah Xamar-Dawaaf ama mid ka sita. Si uu faraska noocaas ah u helo ayuu u aaday Nugaal niman ay xagga hooyo walaalo ka ahaayeen, isagoo ka soo ambabaxay Ximan. Waxaa looga yeeray geedkii shirka degmaduu martiga u ahaa. Halkaas buu ka tiriyay gabaygaan quruxda badan: 

Garaadow bil labo kawsatay yaan, Bay ka soo kacaye
Boqonkaygu waa soo rognaa, taniyo Baarguune
Dhulku wuxuu ballaarnaa fariyo, baabacaan dhigaye

Waxba baatir geel lo’ iyo, baarqab hay siine
Baasaar-la-mood cawl-galool, waw baahnahaye
Barqomaalka xoolaha haddii, bawdka la ag keeno

Neefkii bagaasiya ishaa, laga basaasaaye
Barrimaha haldhaa uga ekow, buulal ha lahaado
Barta calawga bawdada tafaha, bey ha ku lahaado

Goortii gugiisii bartamo, hays baxaa doorsho
Bafto iyo sidii xaashiyeed boor, ha ka caddaado
Ha bidhaamo bayrow sidii, maro la boodeeyay

Sida baarqabbada Maalinguur, buur ha le’ekaado
Sida naagihii Bah Hararsame, haw bog laalaado
Birta laga rakaabsado hadday, bidixdu miisaanto

Baashaali maayee haddaan, balow iraah fuulmo
Aan labada baabaco ku dhago, luqunta baaceeda
Sida bahalka aaroo wax dili, booddo ha lahaado

Booraan hadduu igula dhaco, boholo saysaaban
Meeshii barkood jiifi jiray, bawne ha ahaado

Friday, November 30, 2012

Nafti-Hafarnimo iyo Faarax-Afcad (gabay)


Faarax-Afcad Xasan-Dhiillo Cali oo lagu wado inuu noolaa qarnigii 19aad ilaa horraantii qarnigii 20aad, wuxuu ahaa gabyaa culus iyo geesi dagaalyahana. Gabaygaan wuxuu ku male awaalayaa duullaan uu isagu abaabulay oo aan dhab-ahaan dhicin. Maansada noocaan ah waxaa loo bixiyay "Nafti-Hafar" isagaana loo tiriyaa inuu ugu horreeyay qof curiya.

Duullaan la wacay reer tolkay, guluf u doomaarshay
Dhallinyarada kii doora iyo, daalinka abbaaray
Colkoo dhawr habeyn soo dibjiray, guure dalandoolka

Goortii wiil hurdada duc yiri, odayna daafoobay
Dareemaha markuu cunaayay ee, jaraha loo daadshay
Sidii deer dhawaaqiya fardaha, darar ma soo weecshay

Goortii la wada diirsaday, diric ninba ahaaday
Darmaan ladan docdaa ula baxoo, nadi ku duugduugay
Darandoorigii hor iyo dib, labadaba u diiday

Bidhaanteeda daw dheer ka bixi, dab iyo buur moodnay
Kula durugnay Deerooy intaan, labo tuke is daawaan
Dildil dheer garbaha kala dhacnoo, duguli buubaashay

Maraquu dambeedyada ku xiray, Deleb ku laafyootay
Deerooy raggii maali jiray, danabki soo yeeryay
Sidii gaalo-dhoorrey wax dili, soo dabayl kiciye

Darbi yaa lahaa muusannow, diir is kaga yeele
Is dareeme labadaan dirniyo, labo na doonaysay
Aan u dagno iyo yaannaan u dagin, labadaba u doodnay

Niman diriri jiraan nahee, meel isaga duubnay
Dildiluhu is dhaafoo ciyoon, samadu deel qaadday
Gaashaan daruur u eg furtoo, dilay islaankooda

Xamar diillin weyn aan dhacsaday, daba raqlee kayga
Dalagdalag u socay caynabkii, dananka waallaaye
Duunyada hor qooq maydalkaan, da’ u weynaane

Darmaantii dir iyo orod lahayd, danab kacdoo boodday
Caarrihii shan iyo toban u dugay, daba dhurwaalleeyay
Senge qoob diraandiro lahaa, docodocee geela

Wuquufkii dalqada loogu simay, cayga kaga daadshay
Dabroceliska subag doora qabay, Qaawo dilikeysay
Nin guna oo darmaan looshaday iyo, daa’ifka uleeyay

Erayada:
1-Doomaarshay: Doomaar waa naq; wuxuuna ka wadaa u doojay ama barwaaqeeyay. 
2-Dalandoolka: socod aan la nasan.
3-Daafoobay: Daaf waa xanuun indhaha gala; wuxuu ka wadaa daalay.
4-Dareemaha: waa caws tayo wanaagsan leh.
5- Nadi: jeedalka fardaha loo adeegsado
6- Daw: dhinac, kob, meel.
7- Dildil: ul, samay, laan.
8- Danab: wiriq, biriq; wuxuu ula jeeda xooggoodii soo muuqay.
9- Raqle: orod yar, saqle.
10-Danan: ciga fardaha.
11- Maydal: jaad fardaha kamida.
12- Dugay: dhammaystay, ebyooday.
13- Docdocee: hadba dhinac ka meer, geesaha isaga soo duw.
14- Wuquufla: xarigga afka laga suro faraska si loo wado.
15- Looshaday: afaystay; wuxuu u jeedaa korsaday.


Tixraac
Axmad Faarax Cali (Idaajaa)


Friday, November 23, 2012

Lix iyo Toban Haloo Deela (Faarax Xuseen Sharmaake)

Faarax Xuseen Sharmaake wuxuu ahaa gabyaa noolaa qarnigii 20aad nuskiisii hore wuxuuna ahaa reer Gedo. Gabaygaan wuxuu tiriyay xilliyadaas asagoo xusaaya sababihii uu gabayga u joojiyay:

Niman yahow danbaw lama hadloo, daa’imaan ahaye
Ma da’ weyni waayeelna waa la, ii danniyayaaye
Casho noolba wax noo daalac bay,  ila dul joogaane

Haddaad maanso igu doociseen, inan idiin deexdo
Degdegsiin-yaheedii lix iyo,  toban haloo deela
Oo aan danbaw lagu ogeyn, yaan isaga daayay

Dalkayaga ninkii duunyo ley, door u bixiyaane
Wadaad diin leh iyo caaqil waa, laga dulleeyaaye
Inaan darajaday laga aqoon, baan isaga daayay

Bunka niman dubtaa waa sidii, duul karaamo lehe
Adduunkay diqeeyaan waxay, bilo ku daahaanba
In cayuuni sheygeeda dili, yaan isaga daayay

Nin diric ah waa loo doogtaa, maalin dirireede
Nin waliba ammuu kuu dagtaa, buu danniyayaaye
Inaan eebo laga daynahayn, yaan isaga daayay

Doorkii walaalki ah nin xumi, waw dan leeyahaye
Arrinkii ka duufaba markuu, daacad ugu sheego
Wuxuu damiinku moodaa inuu, daw ka ridayaaye
Ku kaloo ku diiraynin buu, dacalka saaraaye
Dabadeed waxay wada maraan, laaladuur dhabahe
Axmaq inuu dadkeennii ka haray, yaan isaga daayay

Daliil gabay xikmad, daacad iyo waano
Darraad iyo middaan shalay lahaa, duug hadday noqotay
Inaan dhegaba hadal deeqahayn, yaan isaga daayay

Shinbir duulis badan oo dhulkii, degi aqoon waayay
Mar uun buu libaax labadi daan, dalaq yiraahdaaye
Inay edebtu shay doora tahay, yaan isaga daayay

Diradiro iyo waan heli karaa, dulin islaameede
Duddo nabada waan gelin karaa, dab iyo qiiqiise
In nabiib cadaab dalaq la siin, yaan isaga daayay

Haddaan doono waa oran karaan, digashiyo faane
Anoo diririn baan ridaan karaa, daqarro waaweyne
Dadka Eebbe caabudkiis, yaan isaga daayay

Rag dusmaadki iyo xaajadii, diirka ka cuslaata
Ninkii ii dan liyo kii kalgacal, laabta iga deeqa
Docba waa ula maamulan aqaan, labada daaroode
Inaan eedda lagu sii degdegin, baan isaga daayay

Garku deeb nimuu yahay hadduu, doqon ku weynaado
Koluu waalidnimadii dugsado, waa la darajayne
Inaan wiil duqnimo loo cisayn, waa isaga daayay

Daarood dhexdiisa iyo Hawiye, Dir iyo Soomaali
Doqon iyo nimaan kala nahay, labo dad mooyaane
Inaan la iga daandaansa nahayn, yaan isaga daayay

Duullaan haddii aanan galahayn, dooyo laba qeyd leh
Oo aanan libin ku diigdiigsanayn, dig iyo geeraar leh
Adduun daa’im maahoo dib, u samaan waaye
Diintii Allaa lagu hayaa inuu, dumahayaaye
Duqeydaan ka soo firay adduun, kuma darbaysnayne
Gobonnimo hadday dabin wadeen, yaa ilaah dilaye
Nabsi inuu da’dayadaan u harayna, waa isaga daayay

Hadduu dooro weynow kufrigu, ina dulleynaayo
Meeshuu inoo diray haddaan, diidi kari weynay
Inay diinti nabi beylah tahay, yaan isaga daayay

Ninkii meyrax lagu duubay oo, caano lagu daadshay
Dirham beeso lacageed hadduu, ina ku doonaayo
In Kambani duqowdeennii tahay, waa isaga daayay

Reeraha Direed iyo Hawiye, boqorka Daarooda
Addoon daqayo weyn iyo xaddaad, Yibir dagaystaa ah
Intaan dawga tawxiid lahayn, wax isma doorshaane
Daaro iyo waxay uumayaan, daabbad iyo xoolo
Hadday gaalka ugu diiqayaan, diinta la culloobay
Daraawiish dilkiyo toogadkii, duudsigii Maxammad
Kuwaan malakamawdka u damqin, waa ka digayeene
In dariiqyadii naga xirmeen, waan isaga daayay

Dixda Ceelcad Doollo iyo Wardheer, deganka Buuhoodle
Docmo iyo Walwaal iyo intii, Doh iyo ciiddeed ah
Dariiqyada Nugaaleed Hobyiyo, daarihii Xarare 
Dukaammada Cadmeed iyo Berbera, degalladii Saaxil
Halkuu Nuur Cismaan degi jiray iyo, dahabkii Miikoole
Kufri diir madow Shawiyo, Adari daanteeda
Dululaatigaas Bay intii Gedo, iyo daaqeeda
Docda Nugulle Doolow xaggiyo, Daawadaas bidixe
Dalka Karanle dooxadii bunkiyo, dabatada Booran
Darafta Waamo dooyiyo galbeed, taniyo Reen-Diinle
Dalka edega maanyada dadban, dunida guudkeeda
Daarood haddii laga xukumo, waa isaga daayay 

Saturday, November 17, 2012

Xagalo Geel Wax Gunti La Geliyo Ka Weyn


Xagalo-Geel Wax Gunti la Geliyo Ka Weyn
Qore: Cabdi Jaamac Aw-Aden
Nov. 17,  2012
Qeexitaan:
Xagalo-Geel waa xubin weyn oo ku taal qaarka hore ee tuludda waana tan markay tuluddaasi fariisato dhulka taabata ama waa cadka weyn oo ku yaal xubintaas,  taas oo aan hilib iyo caddiin midna ahayn. Maahmaada ku soo aroortay xubintaas oo aan cinwaanka uga dhignay maqaalkaan waxay daaran tahay; in aan wax qiro weyn leh la daboolin karin ama la qarin karin, iwm.   

Duluc:
Dhawaan bay ahayd markii la soo doortay Wasiirka Kowaad ee Soomaaliya Cabdi Farax-Garaad Shirdoon (Saacid). Waxaa sidii dhaqanka u noqotay qalinleyda Soomaaliyeed ee maanta, ooddo laga soo qaaday dhaliilo iyo wax-ka-sheegga madaxa cusub. Waxaa ka mid ah dhaliilahaas; inuusan waayo-aragnimo lahayn, in loo soo doortay si uu ugu noqdo madaxweynaha cusub maqaarsaar wuxuu doono isaga u fuliya. Sida laga garan karo dhaliilaha iyo haaraanka kuwaas wax qoray, waxaa muuqata inaysan aqoon fiican u lahayn qofka ay faalladiisa ku fogaadeen oo aysan xog-baar qoto dheerna samaynin.

Marka hore, maxay tahay waayaragnimada laga rabo qofka xilka W. Kowaad ee Soomaalida maanta qabanaya?
Inuu nafsiyan fiyow yahay oo cudurro nafeedka maanta bulshada ku dhex baahsan ka fiyow yahay intaan isaga aqoontiisa iyo waxtarkiisa loo hanqal taagin.
Inuu yahay qof leh garaad abuurriin ah oo wanaagsan.
Inuu leeyahay kartida hoggaaminta ee abuurriinka ah iyo tan la bartaba.
Inuu yahay geesi aan dhabta ka gabban oo dalkiisa iyo dadkiisa naftiisa u huri kara.
Inuu yahay aftahan codkiisu deeqi karo ummadda uu hoggaaminaayo ee ku kale baahsan goonyaha dunida.
Inuu yahay qof aqoon fiican u leh hab-dhaqanka iyo sooyaallada bulshoweynta S/liyeed.
Inuu yahay qof aqoonta guud wax ka yaqaan
Inuu waxbarashada heer sare ka gaaray
Inuu ku baraarugsan yahay arrimaha siyaasadeed ee dunida iyo kuwa gudahaba.
Inuusan noqon mid hunguri iyo wax-boob xilka u qaaday.

Iyadoo tilmaamaha suubban ee laga rabo hoggaamiyaha wanaagsan, intaas laga badin karo ayaa haddana kan laga helo intaan soo sheegnay wuxuu geli karaa xulka raca kowaad ee hoggaaminta Soomaaliya. Sida ay qabaan qaar badan oo wax falanqeeyaa; shahaado aad u sarraysa ee jaamacadeed iyo khibrad maamul uun kaligood kuma filnaan karaan qofka hoggaaminta loo igmanaayo. Waxaan maalin noolba aragnaa kooxo sita shahaadooyin sarsare oo isu muujiya inay iyagu mudnaanta kowaad leeyihiin.  Waa dhab in, aqoontu tahay furaha horumarka iyo samaha guud, hase yeeshee, haddaad ku fogaatay qeyb ka mid ah aqoonta, kaligeed kaa dhigi mayso hoggaamiye qumman.

Yaa Noqda Maqaarsaar Siyaasadeed?
Siday waayuhu na bareen waxaa heeco-siyaasadeed oo qof kale tiisa uun daba socda noqda:
Qofkii leh ujeedda daahsoon sida; kuwa tacab adduun uun u heellan.
Qofkii leh han siyaasadeed oo aan lahayn saldhig-siyaasadeed isaga gaamurin karta (Soomaalida maantu, waxay saldhig-siyaasadeed ka yeelatay qabiilka ay itaalsato).    

Haddaba, haddaan ku foodinno W.K Cabdi Faarax Shirdoon arrimahaan soo dhex xulnay, waxaan ogaanaynnaa inuusan ku sifoobin siyaalaha kuwa wax xantaa ismoodsiiyeen. Wuxuu leeyahay aqoon, waayo-aragnimo iyo fiyoobaan dhan walba ah. Wuxuu ka soo jeedaa qoys muddo aad u dheer habka isinnimada wax ku soo hagi jiray, taas oo ah dugsi weyn oo dhaxalkiisa in yari heli karto. Waa shakhsi qab wanaagsan iyo gobonnimo dhalad ah leh. Waa nin hanti wangaasan leh oo aan qabin baahida wax-boobka la caadaystay. Waan nin ka soo jeeda ama cuskanaaya mid ka mid tiirarka siyaasadeed ee Soomaalida maanta. Khibradaha maamulka ama ha ku hanto hab-shirkadeed amase si kale e, waa nin wax laga siiyay.

Gunaanadka:
wuxuu yahay gunaanadku qofkii damca ama is moodsiiya inuu ka yeesho ninka aan ka hadlaynno oo in badani aqoon durugsan u leedahay, maqaarsaar amaba heeco uun isaga daba joogta, way ka hoostay taladu, waxaana la mid ah kaas kan qoray ama u qaatay isla sidaas. Waxay tahay hawraarta ku habboon kooxahaas maahmaahdii ahayd; “Xagalo-Geel wax gunti la geliyo ka weyn”.    

Friday, November 16, 2012

Cali-Geri Aboodiga Ku Lalay

Allaha ha u naxariistee Sayid Max'd Cabdulle Xasan wuxuu ahaa halyey gabyaa ah. Intaan dhex xulay gabayadii tayada iyo tiradaba lahaa ee Sayidka waxaa ilaa cuslaa gabaygaan hoos ku xusan waa markii laga eego xagga erayda. Wuxuu gabaygu muujinayaa siduu u ahaa Sayidku afmaal heerka kowaad ah. Gabaygaani wuxuu si gaar ahaaneed u falanqaynayaa siyaalo geela la xiriira:

  • Afka bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleede
  • Illiilaha bannaan iyo intii, edegga Ciideeda
  • Axad kagama sii hadhin wixii, uduba oo yiile
  • Cali-Geri aboodiga ku lalay, abax ka sooryooye
  • Iqliil weeye maran qayradii, oomanta ahayde
  • Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay, araxya weyntiiye
  • Ifku ka ma belbelo tuurihii, oollinka ahaaye
  • Meeshuu abuurnimo fadhiyay, laga alaab qaadye
  • Hawdkii ugbaadsaday, horweyn ku ma ilaashaane
  • U ma ooho geeyaan markii, aarankii lumo e
  • Shisheeyaha araarimaha yaal, ku ma ugaayaane
  • Eegida korjooguhu cishaha, soo ma oriyaane
  • Xerya-gaallo laysaga ag dhigay, u ma adkeeyaane
  • Irridaha markii aasku dumo, ku ma afuufaane
  • Ibdarka iyo dhawrtada ratiban, ugar ma siiyaane
  • Ardaayada golaa ka la rogrogan, u ma asteeyaane
  • Uleexida haleelada tircayn, il u ma gooyaane
  • Aar saydha oonyaha gudgude, ubuc dugaag jeexa
  • Ilkaha horor abeesada qallici, halaq uraa leeb ah
  • Ulbis-tuug anaaniga dayaca, alabas jeeraanta
  • Eynaafka baadida tagtow, adadac buubaalka
  • Abid maqan intaha raadiskay, axal ku duugowday
  • Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku-yaahaynta
  • Ambaqaadka taa u ma ekayn, aniga hay saarin
  • Summad-awdka sowraca ankira, eedda iyo dhaarta
  • Asaraarka eexada denbiga, shiru aguugyenta
  • Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga
  • Inqiis naas ah iin carar-jidow, Gudur ufaayowga
  • Ubad jala abaah baaqatiyo, dhicis amuurrayska
  • Amaankow gondood eel-ragaad, arami naafowga
  • Amaan-guud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga
  • Uhda dhugato roor ababa'leyn,  ol iyo geelgaalka
  • Alle-qabe kud eertaa qadhqadhi, shillin aseebaaga
  • Aafaa samaawiga Allow, naga ammaneynso
  • Aammiin ma buuraan intay, duco alliifaane
  • Ku ma adurdhabaan baarqabbadu, abasaxeediiye
  • Shinbiruhu markuu doob onkodo, ma awanaayaane
  • Abeerrada tifrimay goojadii, la ma amaaraane
  • Qorraxdoo abbaar le'eg markii, oodda laga jiido
  • Kolkii kuraydu eyrada hayeey, kala aqoolmeyso
  • Ulaha ku ma boobaan intay, tira abyoodaane
  • Kobtii shalay irmaanku ugu baxay, alaladii fooca
  • Arbaxaale goortay tagtoo, aayaddeed dheregto
  • Amminkii la barqa maali jiray, ma arrumaayaane
  • Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane
  • Goortay ummuliyaan murkaha, ka ma abeeyaane
  • Abur xoor leh ka ma soo lisaan, ibagaleenkiiye
  • Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane
  • Unuun u ma jaraan qaalmihii, eyddinka ahaaye
  • Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn, kama uneexaane
  • Waxay abaxa gosysaba markay, ohin carraabayso
  • Afdhuubyaalaheedii durduro, ma amba-qaadaane
  • Sidii ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane
  • Jiilaal aleel ka cad hadday,  acabtin dooneyso
  • Markay uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa
  • Iyadoo idiin ka cas markay,  oon la soo degato
  • Intay yeel aslaan ceelashii, u ma aroorshaane
  • Awaliinka ka ma soo shubaan, ilaha Caymeede
  • Alalaaska heestii darkii, ku ma olkeeyaane
  • Awr qaana iyo gool ahmiya, ma aldaxeeyaane
  • Abidkoodba ka ma sooryadaan, alaxa caanoode
  • Niman baa uquun kagala tegay, ilindidoodiiye
  • Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuurraaye
  • Anaa Eegiyey dhicin lahaa, idan Ilaahaye
  • Wax arsaa' ilkood galay markay, Ferenji aadaane


Erayda; 
1- Bogox: dhanka galbeed
2- Arar: gogoldhig; daaqa xoolaha la soo daajiyo intaan la waraabin. 
3- Aboodi: waa haad weyn oo baalasha geesahooda iyo luguhuba guduudan yihiin.
4- Qayro: duddo; beel; dagalka shinnida.
5- Afar iyo Afqaaqle: jabka gaara labo shaxaysa midkood.
6- Oollinka: meesha la daggan yahay.
7- Araarimaha: hareeraha; geesaha.
8- Ugaayaane: ku-kululayn; diirin.
9- Xeryo-Gaallo: xeryaha geela.
10- Ibdarka: caano la isku dardaray.
11- Ugar: miskiin; aan waxba haysan.
12- Uleexida: qunyar-u-socodka. Haleelada ama hasha dhawaan dhashay waxay u socotaa si gaabis ah oo ay ugu turayso ilmaheeda socod-baradka
13- Tircayn: socod tabar yar sida tan ilmaha dhawaanta dhashay. 
14- Ulbis tuug: tuug ulle ah oo hal ama ka badan xada.
15- Eynaafka: waayitaan; heliwaa.
16- Axal: xilli u dhexeeya ximirka iyo xayska.
17- Intaha: dhammaaday; la dhaafay waqtigiisii.
18- Yaahaynta; naadinta; yaboohinta; weyddiin joogto ah.
19- Sowrac: asal; ka soo jeeda.
20- Aguugeyn: abaabulid; qabanqaabin; diyaarin.
21- Inqiis; yaraansho; gurmid.
22- Carar-jidow: cudur ibaha naasaha gala.
23- Gudur: hilibka geela kiisa adag.
24- Ufaayow: xumaaday; qurmay.
25- Ubad jala: ilmo aq ah ama la ildaran baahi/oon.
26- Dhicis Ammuureyska: ilmo aan shin ku dhalan sida laga yeelaayo.
27- Ol:
28- Geelgaal: waabaayo halis ah.
29- Adurdhab: awrtu markay qooq dartiis afka abuur ka keento.
30- Awanaayaan: markay shinbiruhu hal mar wada dhawaaqaan.
31- Amaaraan: luudaan; aayar socdaan.
33- Alalad: ku-riyood; qaraw; kal-kuhayn.
34- Arbaxaale: balli u ogog leh Buuhoodle
35- Aayaddeed: itaalkeed; awooddeed.
36- Antawaarshaan: celceliyaan; waabwaabiyaan.
37- Murkaha: biraha; toobkaha; haruub-gaalka.
38- Unuun: kur; madax
39- Eyddin: geela jaadadkiisa mid ka mid ah.
40- uneexaan: kama gurtaan; wuxuu ula jeedaa kama qalaan.
41- Umbulleyn: qaababka geelu u ordo mid ka mid ah siiba qaalmaha.
42- Acabtin: cabitaan; waraabasho.
43- Uudka: doogga; naqa
44- Idiin: harag la magdiyay; maas.
45- Abaqa: abqada; miraha quraca iyo geedo kale; geydhe.
46- Olkeyn: orin; heesid.
47- Awr qaana: qaalmaha awrta.
48- Uquun: inkaar-galabsi; cuqubo.
49- Ilindi: wuxuu u jeedaa geela
50-Eebyaha; warmaha
51- Ibilka: geela
52- Eegiyey: hal magaceed.  

F.G: In kasta oo aan ku dadaalnay inaan helno erayada macnahooda haddana waa suurtogal inaan meelaha qaar  qalloocinnay ama gefnay, sidaas darteed toosin iyo turxaanbixinba waa furan yihiin.