Faarax-Afcad Xasan-Dhiillo Cali oo waayihiisu ku beegan yihiin qarnigii 19aad ilaa kii 20aad wuxuu ahaa gabyaa heerka kowaad ah. Waxaa la yiri waxaa ka dhintay faras uu lahaa oo la oran jiray Xamar-Dawaaf. kaas oo uu ka tiriyay gabay tuducyadaani ka mid ahaayeen:
Haddii
aanan Dawaafow ku geyn, Doh iyo Laasoole
Durdurkii
Shilaabow haddaan, faras ku dooyeynin
Dooxada
Higlooleey hadday, duunyo kugu foofto
Dunji
Habar Saleebaan haddaan, duudki kala reebo
Dad
ninkaan qabannaa hadduu, duni ka sheekeeyo
Wuxuu u baahday inuu helo faras la mid ah Xamar-Dawaaf ama mid ka sita. Si uu faraska noocaas ah u helo ayuu u aaday Nugaal niman ay xagga hooyo walaalo ka ahaayeen, isagoo ka soo ambabaxay Ximan. Waxaa looga yeeray geedkii shirka degmaduu martiga u ahaa. Halkaas buu ka tiriyay gabaygaan quruxda badan:
Garaadow
bil labo kawsatay yaan, Bay ka soo kacaye
Boqonkaygu
waa soo rognaa, taniyo Baarguune
Dhulku
wuxuu ballaarnaa fariyo, baabacaan dhigaye
Waxba
baatir geel lo’ iyo, baarqab hay siine
Baasaar-la-mood cawl-galool, waw baahnahaye
Barqomaalka
xoolaha haddii, bawdka la ag keeno
Neefkii
bagaasiya ishaa, laga basaasaaye
Barrimaha
haldhaa uga ekow, buulal ha lahaado
Barta
calawga bawdada tafaha, bey ha ku lahaado
Goortii
gugiisii bartamo, hays baxaa doorsho
Bafto
iyo sidii xaashiyeed boor, ha ka caddaado
Ha
bidhaamo bayrow sidii, maro la boodeeyay
Sida
baarqabbada Maalinguur, buur ha le’ekaado
Sida
naagihii Bah Hararsame, haw bog laalaado
Birta
laga rakaabsado hadday, bidixdu miisaanto
Baashaali
maayee haddaan, balow iraah fuulmo
Aan
labada baabaco ku dhago, luqunta baaceeda
Sida
bahalka aaroo wax dili, booddo ha lahaado
Booraan
hadduu igula dhaco, boholo saysaaban
Meeshii
barkood jiifi jiray, bawne ha ahaado
No comments:
Post a Comment