Thursday, April 26, 2012

Ma Run Baa In Oromo/Gaalla Degi Jirtay Soomaaliya?

Image result for ancient oromo pictures


Waxaa jiray warar la faafinaayay sannadihii 1850-1960kii oo sheegaayay in dhulalka maanta Soomaalidu degto ay waagii hore degi jirtay qoloda la yiraahdo Oromo ama Gaalla. Waxaa wararkaas isku soo duway dalmareenno iyo waxyaqaanno kala duwan. Hase yeeshee, laga soo bilaabo sannadkii 1958dii waxaa si cilmiyaysan oo caddaymo wadata loo burinaayay wararkaas. Iyadoo sidaas ah, waxaa ayaandarro ah in qoritaanka taariikhda cusub ee Soomaaliya lagu bilaabo sheekooyin dhalanteed ah oo sal iyo baar beenabuur ah. Waxaa beenowday in dadka Soomaaliyeed ka yimaadeen dhanka waqooyi oo dhanka koonfureed u soo hayaamay intii lagu gudo jiray kunkii sanoo hore ee M.D/ga (Masiixiga Dabadi) iyagoo riixaaya Oromada. Waxaa dhabowday in Soomaalidu ku sugnayd Geeska Afrika in ka badan 4500 oo sano.
Waxaa caddaatay in dadka Soomaalida ah laga soo caadaadiyay taagagga sare ee dalka maanta loo yaqaan Itoobiya. Waxaa kamid ah caddaymaha arrinkaan loo hayo ogaanshihii dalmareenka ee 1902dii ee uu ku ogaaday qoloda la yiraahdo Bayso oo ah qolo guun ah oo Soomaali ah oo degta koonfurta Itoobiyada maanta. Waxay Baysadu waligeed ku noolayd agagaarka Harada Abbaay.

Laga soo bilaabo sannadkii 1958dii waxaa diidmo xooggan ka keenaayay sheekadii dhalanteedka ahayd ee Oromada iyo Dhulalka Soomaalida aqoon-yahanno kala duwan sida; Herbert Lewis iyo Harold Fleming. Iyagoo si kala gooni ah u shaqeeyay ayay waxay wada diideen fikraddii beenta ahayd, waxayna ku saleeyeen go’aankooda;  hab-tusmeedka dadka (sida dadk u yaal) Soomaalida iyo hannaanada afka. Mar haddii inta badan afafka Kuushta Bari looga hadlo koonfurta gobolka, sidoo kalana badi lahjadaha Afka Soomaalidu u badan yihiin koonfurta, waxaa hubaal ah in Soomaalidu isir ahaan ka soo jeeddo gobolka Omo-Tana.  Halkaas oo uu wabiga Omo u qulqulo koonfurta ilaa galbeedka Itoobiya, Taanana u qulqulo waqooyiga ilaa bartamaha Kenya. 

Waxaa fikradda dhalanteedka ah ee aan kor ku xusnay, markii ugu horreysay qoray sannadkii 1854tii dalmareenkii Ingiriiska ahaa ee la oran jiray Richard Burton, waxaase qarnigii 20aad  isku dubbariday ninkii Talyaaniga ahaa ee la oran jiray Enrico Cerulli iyo kan Ingiriiska ah oo la yiraahdo I.M. Lewis.  Waxay ku dacwiyeen raggaasi inay hawlahooda cuskiyeen taariikh-afeedka Soomaalida taas oo aan laga heli karin sheekooyinkii la isu tabinaayay ee dadka Soomaaliyeed. Waxaa ku xoog badan sooyaal-afeedka Soomaalida in waqooyi, bari, galbeed  ilaa bartamaha Soomaaliya ay degi jirtay qolo la oran jiray Tiirri iyo gobolladda koonfureed  oo ay degi jirtay qolo la oran jiray Madalle. Labadaan tol waxay uga tageen dhulalkii ay degganaayeen raadad ilaa maanta si weyn loo arko iyo sheekooyin kale duwan. Waxay u badan tahay inay ka mid ahaayeen tolalkii waaweynaa ee waayahaas arlada degganaa, isla ayagana qeybo badan oo Soomaalida maanta ah ka soo jeedaan. Waxaa kaloo jirta in qoraalladii Giriiggii hore iyo Roomaankiiba ay muujinayaan in intii u dhexeysay 200 M. H iyo 600 M. D ay dhulalka Soomaalida degganaayeen dadyow is-maamul iyo ganacsi xooggan lahaa. Hiddihii iyo dhaqammadii dadyowgaas ee la tilmaamay waxay u eg yihiin isla kuwa maanta Soomaalidu haysato.

 Waxaa kaloo caddaymo wanaagsan laga helaayaa taariikhdii loollammadii Abasiiniyiinta iyo Saldanadihii Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, markii uu Amiir Nuur Yuusuf gacanta ku dhigay inta badan Abasiiniya oo ku beegan qarnigii 16aaad, asagoo ku sugan dhulalkuu furtay baa loo soo sheegay in Orammada oo aan markaas diinta islaamka qaayibin oo aan hore aaggaba u joogin culays soo saartay xaruntii Saldanada ee Harar.  Sidaas darteedna, Amiir Nuur wuxuu ka soo noqday dagaalladii Abasiiniya wuxuuna olole xooggan ku qaaday Oromada oo dhaqaalihii saldanada cabburinaysay. Waxaa kaloo marag weyn ah xilligii Ololihii Weynaa ee Furashada Xabashida ee Imaam Axmad-Gurey, waxaa jirtay goobtii caanka ahayd ee lagu jabiyay Xabashida in la oran jiray "Shinbira-Kore". Sidoo kale waxaa jirtay goobtii iyaduna caanka ahayd ee lagu dilay Garaad Maxfuud oo la oran jiray "Ay-Faras". Labadaas gooboodba waa agaggaarka Addis-Ababada maanta, inay degaan Soomaaliyeed ahaayeenna waxaa muujinaaya magacyada. 
Waxaa dhab ah inaan geyigaan ka hadlaynno laga aqoon Oromo ama Gaalla wixii ka horreeyay nuskii dambe ee qarnigii 16aad. Markaas oo Oromadu hayaan xooggan ka soo samaysay dhanka Kiinyada maanta, is-fidin baaxad lehna wadday. Laguma hayo sheekooyinka Oramada inay degi jirtay arlada Soomaalida. Sidoo kale Soomaalidu waayo dhaw kahor uma aqoon magacaan Oromo ama Gaalla, waxayse xusi jirtay qolooyinkii ay is-ood xigeen sida; Qoti, Caruusa, Booran iyo Warday. Marmar waxay ugu wada yeeri jirtay Gaala Madow. Waxay u eg tahay in shisheeyihii wax ka qoray Geeska Afrika isaga gadmadeen erayada Gaal oo geela meelaha qaarkood loogu yeero, Gaalla oo Oromada loogu yeero iyo Gaal oo Soomaalidu u taqaan qofkaan diinta islaanka rumaysnayn.
Iyadoo la gartay halka ay Soomaalidu ka soo jeeddo markii loo fiirsaday astaamaha afka iyo tusmo qoleedyada ayaa waxaa intaas dheer in dhawaan culummada saynisku markii ay baareen isir-sidaha loo yaqaan “Y Choromosome” ee Soomaalida ay summaddiisu la mid noqotay summadaha dadyowga kale ee Kuushta Bari. Dadkaan isir-sidahoodu isku summadda yahay waxay ku noolaayeen meelaha ay hadda joogaan ilaa 4500 sano.

Iyadoo xogahaas la tixraacayo wuxuu dhulkii hooyo ee taariikhiga ahaa ee Soomaaliyeed seerahiisu ku sinnaa diillin maraysay dalcadaha Shawa oo sii maraysay dalcadaha Baali ilaa daamanka Wabiga Galana ee ku dhammaada meel Malindi u dhaw. Aagaggii Soomaalidu degi jirtay waxaa wali ku sugan qolooyin asal ahaan Soomaali ahaa. Waxaa kaloo si weyn u muuqda dhaqammadii Soomaalidii hore gaarsiisay dadyowgii dariska la ahaa.  Oromada lafteeda baa waxaa laga helayaa caddaymo muujinaya arrinkaan ka hadlaynno. Tusaale ahaan,  waayihii ay Oromadu ku jirtay is-fidintii weynayd waxay xuseen qolooyinkii dariska la ahaa oo ka soo horjeeday sida Gabra iyo Jiiddo oo qolooyin Soomaaliyeed ah iyo Sidaamo oo Reer Kuush ah. Jiiddada oo hore Sidaamadu u kale jartay iyaga iyo tolkood Bayso ayaa xilli ku beegan 1450-1550 Oromadu ka soo riixday Baali ilaa ay yimaadeen degaankooda maanta ee galbeedka Muqdishow. Halka Gabre oo ah xigtadii Garre uu doortay aaggiisii hore wuxuuna ku milmay oo la dhaqmay qolada Booran. Macnaha erayga Gabra waa kii la qabsaday ama la afduubay taasoo oo muujinaysa in Oromadu Gabraha ka itaal roonaatay. 

Markaan soo hoobinno sheekooyinka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaan hadda garan karnaa inaysan run wada ahayn waxyaalo badan oo la isugu sheekeeyo . Waxaa run ah, in sida ummadaha kalaba ka dhex dhacda, inay jireen qoysas u soo tallaabay degallada Soomaalida oo ku milmay reer gurigii dhulka, kadibna xubno ka noqday Bulshoweynta Soomaalida. Si kastaba ha ahaatee, marna dhab maahan in absaxankii Soomaaliyeed dhoof ku yimid dhulalka maanta Soomaalidu degto. 
                                              

Tixraac:
Galla und Somal’, Berlin.
-Sasse, Hans-Jurgen, 1979, ‘The Consonant Phonemes of Proto-East-Cushitic: A First   
Approximation’, in Monographic Journals of the Near East, Afroasiatic Linguistics, v. 7, ed. 1.
-Shihaabuddiin Ahmed Abdul-Qaadir, Arab-faqiih, “Futuhal-Habashah”, ed., 1974.
-Turton, E. R., 1975, “Bantu, Galla and Somali Migrations in the Horn of Africa: A Reassesment
   of the Juba/Tana Area”, in Journal of African History, XVI, 4, pp. 519-537.
                                              

Friday, April 20, 2012

WALAALIHII HESHIIN WAAYAY



WALAALIHII HESHIIN WAAYAY
Sheeko gaaban


Beri baa waxaa jiray degmo ballaaran oo ka koobneyd rag walaalo ah.
Ragga nin wuxuu ahaa nin aqoonta diinta ku xeel dheer, midi wuxuu  ahaa geesi, midi wuxuu ahaa nin wiilal badan leh, midi wuxuu ahaa deeqsi, midi wuxuu ahaa maalqabeen, midina  wuxuu ahaa nin caqli badan. Waxay walaalihii isku qabteen taladii reerka iyo kii noqon lahaa hoggaamiyaha beesha, sidaan bayna u doodeen:

- Wadaadkii: waxaan ahay nin aqoon diimeed leh, garanaayana xaqa iyo xaqdarradee ha la ii daayo talada.
- Geesigii: waxaan ahay ninka loogu soo dhici waayay beesha, halyeynimadayda baana ku nagidihiine ha la ii daayo talada reerka.
- Deeqsigii:  dadka aan nahay xidid, xasabo iyo xigaalba deeqdayda bay beeshu kula dhaqan tahaye talada ha la ii daayo.
- M/qabeenkii: anigu waad ogtihiin oo hantiilaan ahay, kurtiinna waan idin ka xoolo badnahay, xoolo la’aanna cid lama hoggaamin karee talada ha la ii daayo.
- Caaqilkii: anigu waad ogtihiin oo nin garaad fiican leh baan ahay, dunidaanna sideedaba garaad weyn bay ku fadhidaa, nimaan garaad badneynna looma uumin in hoggaamiye noqdo ee talada ha la ii daayo.
- Laandheerihii: waad ogtihiin oo rag xoog leh baa ii jooga, dunidaanna ninkaan tiro sheegan taladiisu ma meelmarto ee talada ha la ii daayo.

Waxay doodaanba waa is mari waayeen. Caaqilkii baa wuxuu soo jeediyay mar haddaan taladii ku heshiin weynay aan u tagno dad waxgarad ah oo noo garsoora. Sidii baana la isku afgartay.

Walaalihii waa isa soo raaceen waxayna u yimaadeen degmo lagu maleenayay rag waxgarada. Markay soo hoyaadeen oo la sooray baa loo sheegay in waaberigii waxgaradkii u imaanayaan. Aroortii hore baa rag u yimid. Waxay ku yiraahdeen nimanyahow; waxaa dhawaan noo imaanaya raxan libaaxyo ah, waxaana degmada dhaqan u noqotay in subax walba qof geedkaas loogu xiro. Haddaan saas la yeelinna degmadoo dhan bay baabi’inayaan. Waxaan idin ka rabnaa inaad nin libaaxyada loo xiro u soo saartaan. Walaalihii waxaa ku dhacay amakaag iyo waxaan la filayn. Wax lagu hadlo ayaa la garan waayey. Caaqilkii baa yiri raggii degmadow iska taga annagaa qof u soo saareynnee. Markay ka tageen, baa libaaxyadiina soo muuqdeen. Walaalihii geedkii qofka loogu xiri jiray bay yimaadeen. Markaasaa caaqilkii yiri: geesi walaalaheen mid ma xiri karnee na difaac. Geesigii wuxuu yiri; sidee u difaacaa intaas oo libaax, xaggeese ka keenaa hubka aan ku difaacayo? Caaqilkii baa haddana yiri; deeqsi kaasho waxtarkaagiiyo na difaac. Wuxuu ku jawaabay; maxay deeqi ka taraysaa bahalladaan dad-qaadka ah? Caaqilkii baa yiri; war haye maalqabeen hantidaada badan nagu difaac. Suu yeh; walaaow hanti maxay saacaddaan ka tari kartaa bahalladaan? Oo bariirtii cabsida wajiga la kaduuday. Caaqilkii baa haddana yiri; laandheere adiga iyo wiilashaada badan na difaaca maanta, suu yeh wiilashayda iyo aniguba waa ku jariiracoonnaa libaaxa, haddana walaalow meesha maba taagnaan karo oo ismajiiray. Caaqilkii wuxuu ku jeestay shiikhii oo yiri; war adaa diin badan yaqaane, quraan nooga akhri bahallada, suu yeh: alamtara iyo watiinba ku akhriyay soona dhaaf oo ismajiiray.

Caaqilkii baa yiri; haddaba ka durka geedkoo bal waxaan sameeyo arka.
Raxantii oo markaas soo istaagtay buu u yimid oo ku yiri: nimankaas meesha taagan baan mid idiin xireynnaa, waxaase ninka aan idiin xireynno jirkiisa ka md ah cad, kiinnii cunaa uu ku waarahayo oo uusan waligii dhimaneyn ee giddigiin idin kuma filnee midkee u daysaneysaan?
Gooshii baa soo boodday oo tiri anaa dir libaax u qaraabee waa aniga, saa aarkiibaa il iyo goonkeed fujiyay, markaasaa intii kalana labo labo isu qabsadeen. Intay bahalladii is heysteen baa caaqilkii walaalihii u yeeray oo yiri intay isku jeedaan warmeeya. Sidii baa la yeelay bahalladiina dhammaan halkii baa lagu laayay.

Markaas kadib baa dadkii dagmadu meeshii bahallada lagu laayay soo dhoobtay, mise bahalladii dadka ka dhammeystay meeshay wada kogsan yihiin. Waxay la yaabeen sida dhibka yar ee bahallada loo laayay. Markaasaa la waydiiyay walaalihii awoodda ay adeegsadeen iyo kooda fikirkii lagu laayay lahaa. Waxaa loo sheegay xirribtii caaqilka ee bahallada isku dirtay. Dadkii aad bay u farxeen waxayna soo dhaweyn iyo sooryeyn ugu cesheen walaalihii. Subaxii dambe ayay walaalihii yiraahdeen waxaan rabnaa waxgaradka degmada. Si farxad leh ayaa loogu keenay dhawr nin oo waxyaqaan wada ah. Walaalihii waxay jeediyeen arrinkoodii. Markii la dhageystay baa waxgaradkii soo showray. Go’aankii waxay ku yiraahdeen; nin walba oo idinka idin ka mid ahi wuxuu ku fiican yahay qeyb ka mid ah arrimihiinna, waxaase isku kiin hagi kara Caqilkee talada u deysta. Sidii bayna walaalihii ku heshiiyeen nabad iyo baraarana ugu sii nagaadeen.



Thursday, April 19, 2012

Geelyahow Qulciyo La Isu Diid iyo Cabdi-Galayax (Gabay)


CAANAHA QABOW IYO 

CABDI-GALAYAX MAXAMMAD AW-MAGAN

Gabayga iyo geelu waxay muddo dheer ka mid ahaayeen astaamaha lagu sooco dadka Soomaliyeed. Waxay noqdeen summad aan ka go'in intay jirtay. Gabaygu wuxuu ka caawiyey ummadda inuu ka difaaco afafkii qalaadaa ee doolka ahaa oo haddii kale dhaqan iyo dhawaaq rogi lahaa. Wuxuu kaloo gabaygu ahaaday xashinta kaydiisa hiddihii soo jireenka ahaa. Sidoo kale wuxuu ahaaday qalab isgaarsiin tayo wanaagsan leh. Geelu wuxuu ka caawiyey dadka S/liyeed ku noolaanta dhulkooda oomosoorka ah ee hawkarka badan. Mar gaadiid adkeysin badan buu ahaa, marna godol deeqsi ah buu ahaa, marna so'diisa iyo saantiisaba waa la intifaacsaday. Sidaas darteed waxaa caado noqotay in Soomaalidu weyneyso labadaas. Waxaana daliil u ah ruugcaddaaga gabayga Cabdi-Galayax oo badi maalmihii uu noolaa u go'ay geela iyo gabayga.

Markuu dhacay dagaalkii weynaa ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee 1977dii waxaa ka dhex-bilawday S/liya dagaallo sokeeye oo aad u kharaaraa oo dhammaadkii sababay burbur baaxad weyn. Daaqsatadii S/liyeed ee ku nooleyd dhulalka seeraha oo Cabdi-Galayax ka mid ahaa waxaa la soo darsay dhibaatooyin culus.

Waxaa la soo darsay dagalkac ballaaran oo keenay inay ka qaxaan dhulkii carrosanka ahaa, kuna furaan dhulal carroxun ah. Degmadii teedsaneyd dhulkii daaqa wacnaa ee Ceelgaab, berrinadii balliyadii G/gaduud ee Ceeldhiinle iyo Ceelhabreed lahaa, nawaaxiga Hiiraan, aagga balliyadii Doheed ee Shilaabo iyo Dhambacaad lahaa, aagga Doollood ee Wardheer iyo Walwaal lahaa, dhulkii hawdka ahaa ee buuro ee Xaaxi iyo Xindhowreed lahaa ilaa Caleen iyo Culaajeen ilaa aagga Ceelcad ee Gallaaddi iyo Dhudub lahaa, Ciid iyo inta ka soo rogan dooxada Mudug baa hal mar ruqday colaadihii dartood, ka dib markii ay dad iyo duunyo badan ku lumisay. Dagmadii aheyd damasha weyn waxay is biliqday dhulkii daalay ee ahaa daafaha ceelashii Ximan iyo dulihii Xagarley. Dhulkaas oo xaaluf ahaa, aad iyo aadna ugu yaraa qaxootigii soo dul habsaday, ahaana dhul qodax iyo qaniin badan.

Guuyadu, siiba geelu way kale taqaan dhulka oo waxay mar walbaba tebaysay daaqii Garasle, Toonyarey, burgeedle ilaa Qaaxa-wadeed iyo dhulalkii laaggooda ahaa. Sidaas darteed waxaa in badan dhacday in geelu u fakado dhulkii cosobka lahaa, markaasna raacdadii dabajoogtay uu u la galo cadawgii. Raacdadaas oo u badneyd midaan laga soo noqon. Ka dib, Waxaa la bilaabay in la dabro geelii sidii awrta oo kale. Markuu arkay dhibka heysta noolihii, duunyo iyo dadba, wuxuu Cabdi-Galayax Max'd Aw-Magan tiriyey gabay aad qaayo u leh oo uu ku la hadlaayay geelisii. Dhab ahaantii waa sarbeebe, wuxuu la hadlayay dadka oo uu tusaaleynayay dhibabka colaaddu leedahay iyo quruxda nabaddu leedahay. Gabaygaan waxaan ka heli doonnaa suugaan mug leh iyo erayo uu adeegsigoodu ku yar yahay oraahaha S/lida tix iyo tiraab kay tahayba, Wuxuuna yiri:


Geelyohow Qulciyo la isu diid, qolalkii xaarnaaye
Kobtii qadowga laga daaqi jiray, qoob la dhigi waaye
Qax baan kaaga soo waday dhulkay, qadadu kuu tiile


Waa kaas qiyaamuhu ka dhacay, qarankii toomoode
Qodqod iyo qallaalkii Higliyo, Quracshir oo doogtay
Qawdhaha Ardaayaale iyo, Qalax ka dheeraaday


Qurqurada caleentiyo dharjada, qubatayee hawle
Qajigii hareeriga ku yiil, qaranradii hawdka
Qulunquulka suubaankiyo, Qaaxa wadeheeda


Qurraar faraq leh qodaxtooshiyo, qaalalyada saarka
Intaas oo qashkii hoos ka baxay, qariyay baarkaaga
Adigoo qummaati u cunoo, qiro ku soo yeeshay


Oo qadi madow wada noqdoo, qaarka wada deyshay
Ama qaayo uga soo darmaday, qararka hoostooda
Inuu kurusku qaab kuu baxiyo, qurux ma weydeene


Eeggana Qoraaleey waxaa, qululka kuu yeelay
Waxa qaalmahaagiyo rimayda, qoday baruurtooda
Waxa aarankaagaan qallalay, wada qaluuseeyay


Waxa qoor-qabkaagu uu cashiyay oo, qooqi kari waayay
Jiiraha qaniinkoodiyo, qori-jabkii yiile
Kobtay shilintu qoodayn jirtaa, qiil laguu bidaye
Qarrar iyo dhukaan iyo siday, qaaxo kugu raagtay


Waxa qulufaddaadii geddiyay, quudka kaa maqane
Anigubase waan kula qabaa, qiimaha aad tahaye
Waa waxa jirkaygii qayiray, qulubka maanta ahe


Markuu laylka qaarkiis tagaan, qaraw la toosaaye
Sidii ruux qof uu dilay dhintoo, qaantii lagu yeeshay
Ama loo qisaasanahayoo, qool la gelinaayo


Anigoo qarqarayaan arkaa, Qoran daraaddaaye
Qoodhuu ka jabay geel ninkii, qolo ka xoogtaaye
Hadduu cadow ku qaybsado anoo, la iga kaa qaaday


Caanaha qabow iyo haddaan, qalaxsigii waayo
Sidaydaba qarracan baan u dhiman, qaybna waan gabine
Arlaa'iga qoyaan meel leh iyo, qolof ma weydeene


Qaxarkaad maraysiyo waxaan, qalawga kuu geeyay
Qawlaha ku raadinahayaan, kaa qarsanayaye
Qarfadaada meer waa danbuu, qiil inoo bixiye!

Erayada:
1-Qulco, Qodqod, Higlo, Quracshir, Ardaayaale iyo Qaaxa-Wadeed: waa meelo ku yaal degaanka Ceelgaab iyo aagagga u dhaw.

2-Qalax : waa buur caana oo ku taal Ceelgaab.

3-Qadow: waa geed ka dulbaxa geedaha waaweyn siiba quraca

4-Qaran: wixii wada jira ama midooba. Wuxuu uga jeedaa Qarankii toomood; toomo is heysta.

5-Qallaal: waa meel biyo ku jiraan oo qarsoon. Inta badan waxay ku taal dhulka hawdka dhexdiisa.

6-Qawdhaha: dhir baxday xilligii roobka oo aan la daaqin.

7-Dharjo: waa geed ka baxa meelaha ciidda jilicsan, siiba togogga.

8-Qaji: waa geed sida qadawga oo kale ka dulbaxa hareeriga.

9-Qaranro:
waa geed hawdka ka baxa oo mayrax leh.

10-Quraar: waa geedkii aan laamo toosan laheyn.

11-Qodaxtool: waa geed nagaara oo qodxo leh. Wuxuu ka baxaa dhulka seliga ah, geela kaliyaana daaqa.

12-Qaalalyo: waa laqanyada geela, wuxuuna ku qaalalyooda dhirta qaarkeed, sida geedka saarka ah.

13-Qadi madow: geela hoorka ah baa madow.

14-Qaarka wada deyshay: geelu markuu sannad barwaaqa joogo wuu habeed badan yahay, qaarka dambeyna madoobeysaa ama deyshaa.

15-Daran: waa geed-hoosaad leh caleemo biyo dhanaan. Hadduu waayo geelu waa u jeelaa. Wuxuu ka caawiyaa cunista cawska, quruxna wuu ku yeeshaa.

16-Qulul: kuris janjeersaday. Mar buu yahay baxaali, marna waxaa keena janjeersiga rafaad.

17-Qaluus: waa qaabka wixii caatooba ay yeeshaan.

18-Qarrar: waa dillaaca labada suul dhexdooda.

19-Dhukaan: waa cudur xun oo geela ku dhaca.

20-Cashi: waa rafaad ay la kulmaan xooluhu, siiba marka shilinto cunto.

21-Qoodeyn:
socod nafley badan is daba galaan.

22-Qiil: sharci la cuskado (af carabi)

23-Qulufad: muuqaalka guud ee jirka naflaha.

24-Qaaxo: wuxuu u la jeedaa dhugatada oo ah cudur sida qaaxada oo kale ah, geelana ku dhaca.

25-Qulub: hammi, walbahaar, murugo

26-Qoran: hal magaceed

27-Qool:
suun ama xarig il leh

28-Qoodh/qoor:
labnimada ama raganimada

29-Qalaxsi: dhamid lagu dhammeysto caanaha iwm, qurquro.

30-Qaxar: dhibaato

31-Qalaw: waa cudur kalagoysyada u dhexeeya cududda iyo garabka ku dhaca ama waa meelaha qarsoodiga ah ee aan muqaal iyo raad toona la arki karin neefka.

32-Qawle: dad wada socda oo si xatooyo ah dadka xoolihiisa u qasha. Waxaa inta badan la arki jiray xilliga abaaraha iyo xoolo-yaridu jiraan.

33-Qarfo: dhul oomosoore ah oo kulul.

34-Qash:
dhir aad u doogsatay oo kale jaada, iskuna baxday

35-Qulunquul: jaadad dhirta kamida.





Tuesday, April 17, 2012



Isusocodyadii Soomaalidii Hore (Punt) iyo Fircoonnadii Kimiid (Kemet)


Qoraalladdii ugu horreeyay ee laga sameeyay isdhexgalkii dadkii reer Kimiid (Masartii hore) iyo reer Buuntu waxaa ka mid ahaa:
waagii boqortooyadii 4aad (2613-2494 MH/BC) waxaa la muujiyay nin addoon u ahaa wiil ka mid ahaa wiilashii Fircoon (boqor) Qufow (Khufu) oo ka soo jeeday dhulkii Buuntu. Waagii Boqortooyadii 5aad, markuu talada hayay Fircoon Saxuure, wuxuu safar u diray Buuntu, waagii Fircoon Ay-Siis (Isesi)-na waxaa la diray safar kale, kaas oo ka keenay Dalkii Buuntu cilin/coon ciyaartoy ah. Waagii Boqortooyadii 6aad (2345-2181 MH/BC), sarkaal la oran jiray Iniin-Qaad (Enenkhet), oo ka mid ahaa saraakiishii Fircoonkii Biibbi II (Pepi II) ayaa waxaa dilay qolooyin dixda badda degganaa. Marka la dilaayo sarkaalkaas wuxuu dhisaayay doon lagu aadi lahaa Buuntu. Isla xilligii Fircoon Biibbi II ayaa waxaa hoggaanshay socdaal kale oo lagu aaday Buuntu kaaliyihii hantidhawrka oo la oran jiray Dhiidhi (Thethy). Xilligii Boqortooyadii 11aad (2134-1991 MH/BC) oo uu talada hayay Fircoon Siniq-Kare (Senekhkere), ayaa madaxii hantidhawrka oo la oran jiray Xin (Henu), safar u diray Buuntu halkaas oo uu safarka sii raacay ilaa Badyarada Cas. Xilligii Boqortooyadii 12aad (1991-1802 MH/BC) ayaa sarkaal ka mid ahaa saraakiishii Fircoon Ammin-Ma-Xad (Amenemhet) oo la oran jiray Qandi-Qataawir (Khentkhetwer) wuxuu diiwaangeliyay ka-soo-noqoshadii Buuntu ee nabdoonayd. Waxaa kaloo jiray safar uu diray Fircoon Siis-Istaris II “Sesostris II."
Intuu uusan u dallicin fircoonnimada ayaa Daad-Moose III (Thutmose III) ka dhexmuuqday sheekooyinkii safarradii Buuntu, waxayna ku beegnayd markaasi xilligii ay Fircoonad Xadshibsuud qalqaalisay safar-badeedkii caanka ahaa.  


Gabadha Soomaaliyeed iyo Waayihii Gobta La Ahaa!

Image result for ancient Somali girls


Dhaqankii duugga ahaa ee dadka Soomaaliyeed isu meerinaayay waayihii is daba joogga ahaa, kuwa ugu door weyn waxaa ka mid ahaa qirada gabadhu ku dhex leedahay bulshada. Meel kastoo la joogo iyo waa walboo baryaaba waxay geyiga Soomaaliyeed gabadhu aheyd mid la bilo.

Ammaanta milgadu weheliso ee tix iyo tiraab lala beegsaday gabadha, waxaa martabaddda labaad gali jiray fardaha oo iyagana si weyn loo tixgalin jiray. Koolkoolinta maansayahanka S/liyeed ee gabadha marmar waxaa lala wadaajiyay geenyada ama faraska, bal eega gabyaagii halka cuslaa ee Faarax-Afcad Xasan-Dhiillo Cali:

Baasaar la mood Cawl-galool, waa u baahnahaye
Barta farawga bawdada tafaha, bay ha ku lahaado
Sidii baarqabyadii Maalinguur, buur ha le’ekaado
Sidii naagihi Bah Ararsame, ha u bog laalaado
Booraan hadduu igula dhaco, boholo seysaaman
Meeshii barkood jiifi jiray, Boone ha ahaado
Goortii gugiisu bartamo, ha is baxaal doorsho
Bafto iyo sidii xaashiyeed, bayl ha ka caddaado

Maansada S/liyeed oo sideedaba ah sidaha dhaqan-taariikheedka, waxay hodan ka tahay ammaanta gabadha:

Ma dhallaan la jecel yahaa?
Ma waagoo dhalaalay baa?
Ma dhibic seermaweydaa?
Ma ubax xalay dhashoo dhegaha fidiyoo?
Ka dharqaday xareedoo dharabkii ku yaal baa?

Meel laac (doog) leh oo dhirtu ubxisay, dharabkii waqalkii da’ayna ku yaal, hadday milicdu yare dhalaaliso waxaa muuqda qurux naftu la muusooto. Marka waagu beryo, inta aan cadceeddu soo bixin waxaa dhanka bari isku habeeya midabbo dhawr ah oo cilloon iyo casaanba leh oo haddana kuwa kale camaajiireen, markaasna jahadaas ka yeela mid aad u ilwaad quruxsan. Waxaa ka loo aad u bilicsan muuqaalka galbeedka ka muuqda marka libidhadu galbato, muuqaalkaasna S/lidu waxay ugu yeertay Sagal, waxaana magaca la wadaagay gabadha.

Dhallaanku markuu yare kobco oo dalandal noqdo, wuu dhalansan yahay oo qosol iyo wirix badan yahay, haddana waxaa ka soo kankama caraf naftu la lahaneyso, wacnaantaasna waxaa lala simay tan gabadha.

Qorrax dhigatay baal
Dayax garab la soo baxay iyo
Biyo gebi ka soo dhacay
Intay laba bogleeyeen
Qurux bood haldhaa leh
Biyo dahab sameyeen
Bacrin nabad galyaadeey
Sidii biixiyo is galay
Jiirku ha isku keen baxo……….

Heesaagu wuxuu ku maseeyay quruxda gabadha nuurka qorraxda ama dayaxa oo ku beegmay biyo dalcado ka soo hoobanaya oo markaas sameeyay midab dahaba oo la moodo midabka boodka ah ee haldhaaga gorayadu yeesho.

Si kasta oo ay dhanka quruxda uga ammaani karto gabadha, S/lidu way muujisay. Si ay u sii qeexdo quruxdaasna waxay yiraahdeen; seddex ha u caddaato waana indhaha, ciddiyaha iyo ilkaha. Seddex ha u madoobaato waana cirridka, sunniyiha iyo timaha. Seddex ha u buurnaato waana barida, dhudhummada iyo kubka. Seddex ha u dhuubnaato waana dhexda, surka iyo sanka.

Waxay kaloo S/lidu ka hadashay qaayaha gabadha S/liyeed leedahay
Gabadhu waa inay gaari tahay; mid nafteeda iyo agabkeeda xasha, hu'-qaad wanaagsanna leh. Waa inay lexlajeclo leedahay oo dayaca ka dhawrto maalka iyo moodka reerka. Waa inay anshax leedahay oo ah inay dhaqankeeda iyo oraahdeedaba ka dhawrto inay noqdaan kuwa ceebeed oo gayaanimadeeda gaasiri kara ama guur tiri kara gabadheeda. Waa inay xishootaa oo ah inay hayin u ahaato saygeeda, ubadkeeda iyo xigtada labada geesoodba, dhawrsanaanna u muujiso kuwa kale, waa isla sidiiye waa inaysan noqon erayley laga aashoodo.

Waxay S/lidu ku maahmaahday: naag halley baa u liidata, ragna ha yeeshaale. Waana murti waano ah.

Gabadha si dheeraada baa loogu xurmeeyay dhaqanka, waxaana gambadeeda iyo garraarkeeda laga dhigay astaantii sharafta reerka.

Gabadh si kama’ ah garraarkeeda loo gooyay baa waxaa ka dhacay ganbi iyo gambalaali qolooyin S/liyeedna isku riiqmeen….waana tuu gabyaagu lahaa; Xaggayaga gabdhaha ooya baa amar ka duulaaye.

Axadkii hadal ama murti ku wax yeelleeya gabadh wuxuu mutaysan jiray gawrac, hadduu ka badbaadana ganaax culus. Waxaa sidoo kale ka dhignaa hadduu gacan togaaleeyo. Degallo ka mida dhulka S/liyeed haddii gabadh lagu gafo oo la qabsado waxaa laga xeeray ganaaxyadaan:

1-Baar-cad: oo ah gabadh 15 jir ka yar, 5 halaad bay qaantu noqotay.
2-Bilo-cad: oo ah gabadh doonnan oo aan la meherin, 15 halaad bay qaantu noqotay.
3-Ganbo-cad: oo ah haweeney asay sidda, 15 halaad bay qaantu noqotay.
4-Afar-ku-kaca: oo ah islaan waayeel ah, 15 halaad bay qaantu noqotay.
5-Isa-sida: oo ah haweeney uur leh, 50 halaad bay qaantu noqotay.
6-Madax-banaaney: oo ah gabadh guur-doon ah, 50 halaad bay qaantu noqotay.
Hashu waayahaas waxay ahayd xubin qaali ah oo ka dhignaan kartay dahabka maanta lacagaha lagu qiimeeyo.

Xilliyadaan dambe oo dhaqan suulka la galay waxaa caado noqotay in gabadha bulshada dhexdeeda looga oohiyo, loona garaabi waayo. Waxaa kaloo caado noqotay in loo gafo oo aan gogolna lagaga xaajoon.

Abaqaal gurracan duul leh, oo abab xun mooyaane
Dad ajiyuhu aayaha nin garan, ma asaraaraane
               Dhoodaan

Monday, April 16, 2012



Waxaa Hoogtay Ummad....

Adduunyadu waa hurgumaaley, waa heerar badan, had iyo laayaan leh. Waa hadimmaaley, halakaaley, hoog iyo ba’ leh. Haddana waa hoodaaley, habsanley, hodannimo iyo ladnaan leh.

Had-ddii la joogo iyo halkii lagu nagaadaba aadanahu wuxuu lahaa hoggaan iyo heeco daba joogta. Waxay daba-joogtu ka haamisaa dhanka hoggaanka inuu ku wado, hillin wanaagsan oo horseed sami soo hubiyay. Waxay ka haamisaa in maskaxdiisu ku hilan tahay garaad horreeya oo ku filan hor-u-kacooda. Waxay ka haamisaa inuu ku hubaysan yahay qalabkii lama huraanka u ahaa hayaanka dheer ee nolosha. Waxay ka haamisaa inuu hoggaanku nafti-hure u yahay intooda badan. Waxay ka haamisaa inuu xigtii la helaba uu ku habi doono dhallaankooda, isaguna ka habeyn qadi doono.

Hase yeeshee, ummad walba hoodadeed. Kuwuu u dhaboobay hammigoodii, kuwaase ku hanqaarmay waxay hiyiga gashaanba. Ummadda S/liyeed halkay joogtaba way ku hawirantay badi hogg/sheedii. Ma habaar ku dhacaa? Ma waxay hore u galabsatay oo haatan laga jarayaa? Ma samirkoodaa lagu hubinayaa? Siday ahaataba, waxaa hubaal ah inay ku hawirantay midkay madaxnimo ku hollisaba.

Hebelkii walba ee madax ahba waxaa dhaqan u noqotay inuu harkii boobo hantidii ummadda dhextaalka u ahayd. Waxaa hab u noqotay inuu hantidaas u rogo lahaansha gaara oo uu daaro dhaadheer iyo dayrar wacan ka sameysto. Waxaaba in badan dhacday inuu ku doono hantidaas haashaar gobeed, halkay ahayd inuu la hullaabto gunnimada iyo gaado-xumaanta. Hadduu ka guro naaskaas u irmaanaana waxaa caado noqotay inuu hulkamiyo colaad, asagoo beelo nabad u yaal habarwacasho kula dhex rooraya.

Dhallin kasta waxaa hal-tusaaleed u ah, hadba kii ka muuqda bulshada oo horumar gaara haabtay, waxayna heerarka sare ku higsataa hawlkarnimo iyo dadaal. Halkay ka ahayd in wanaagga iyo waxsan-doonku noqdaan hal-tusaaleedyo waxaa noqday heerka lagu hirto madaxnimo dhoqso loogu tabcado oo loogu taxaasho. Sidaasna waxaa ku halligmay hammigii toosnaa ee ummadeed. Balse wuxuu u rogay ummaddii S/liyeed idilkeed tu’ ka maran halabuur iyo hawl adag oo horumar lagu higsan kari lahaa. Halkaas kuma hakan arrimuhu ee wax-xun doonkii ummaddaa kor u soo haraaciyay. Wax-san doonkiina hoos buu u quusay, illeyn horay u ahayd rag iyo ku rugtiise.

Waa sidaase, hareer walba maanta waxaa Soomaali hormoodnimo u tafo xaydan hawl-mubaddarkii haraaga ahaa ee aan halna lagu aamini lahayn, hadday arrimuhu qumman yihiin.. 

Waxaa hoogtay ummad fidno hulaaqaheedu yahay humiyaheeda. Waxaa hoogtay ummad hulqaheedu yahay horjoogaheeda. Waxaa hoogtay ummad hiddiwaalaheedu yahay hanuunyaheeda. Waxaa hoogtay ummad hiyiwaalaheedu yahay horseedaheeda. Waxaa hoogtay ummad hudeeceheedu yahay halqooqeeda. Waxaa hoogtay ummad huddankeedu yahay heemaalkeeda. Waxaa hoogtay ummad heensarraarkeedu yahay hiteeyaheeda. waxaa hoogtay ummad haayirkeedu yahay hiilkeeda. Waxaa hoogtay ummad hirsigeedu yahay higil iyo himamow.

Waxaa hoogtay ummad goor iyo ayaan u hilqanaysa habas garashada ka guran oo u hanqal taagaysa hawraarihiisa wada hutaanhutada ah. Waxaa hoogtay ummad hiraab walba u taagan inay haniyaha jarto keeda hoodaarka ah oo haddana hibaneysa inay hanka goyso hanadkii xiga. Waxaa hoogtay ummad aan iska horeyn karin hiirtaanyo abuuraheeda oo halkay shalay ku honogtay maantana lagu hanboorrinaayo. Waxaa hoogtay ummad harimodeedu tahay habkii ubadkeeda. Waxaa hoogtay ummad ka hadaaduntay inay danteed ku heshiiso. Waxaa hoogtay ummad halkable u yahay hindisaaga u hogoggoliya danaheeda.

Waxaa hoogtay ummad holgana oo halaqjaflaheedu yahay haamaansi iyo hasid. Waxaa hoogtay ummad hiijo-qabe hoomo ah u yahay haldhaageeda. Waxaa hoogtay ummad haramaha aan ka limeyn heeladkeeda. Waxaa hoogtay ummad habi’laawe hankaagid ah uu dharaar walba ku halwinayo haadaamo wada halase (hoosta ka kulul ama dab ku leh) ah.

Waxaa hoogtay ummad iska hoganeysa marka uu habhable, hayeeshaale (cudurdaar badan)  ahi uu halabsanaayo haaneedkeeda. Waxaa hoogtay ummad hadaaqeedu yahay haydaartooyin iyo haasaawe been ah. Waxaa hoogtay ummad goor walba haweenkeeda u xireysa hangal iyo hagoog xun. Waxaa hoogtay ummad horatibyeynaysa ku hojinaaya goox (meel bannaan) cidla ah iyo gebiyo xargaga.
Waxaa hoogtay ummad hal qof oo habrane ahi uu isku jimeynayo hawlaheeda oo dhan…….way hoogtay, way hoogtay, way hoogtay!

Eryada: 
1- Hurgun: fasas (infection), caallir. 
2- Had: geeri, dhimasho ama waqti, goor.
3- Hadimo: wed, dhimasho, geeri.
4- Heeco: ilmo rajo ah oo hooyo walba u raaca si uu nuugo. Naflihii cid walba iska dabagala.
5- Haamin: maamin, hindisid, kasha ama laabta ku-hayn.
6- Hillin: waddo haloosi ah (highway) oo weyn.  
7- Hanqaaran: wax la filaayay oo la waayo ama lagu hungoobo, luggu'id.
8- Hawiran: la laayacay, aan la xannaanayn ama aan la dhawrin.
9- Haashaar: muuqaal xarrago iyo qurux leh, mardaaddi.
10- Hullaabasho: si dharka loo huwado.
11- Hulkamin: shididda ama bixinta dabka
12- Hal-tusaaleed: mid wax lagu tusaaleeyo si loo fahmo.
13- Haraa: neefka xoolaha mar walba gadaal ka socda, dabaadi.
14- Hulaaqid: marka dabka la shido qiiqa ugu horreeya ee baxa.
15- Humiye: kan calallada ama maryaha isku tola, toltole.
16- Hulqe: mid aan waxtar ahayn, liite.
17- Hiddiwaale:  kasha ama laabta xasilloon la'aan u keena.
18- Hiyiwaale: hiddiwaale, kasha waala ama saldhigid u diida.
19- Hudeec: socod gaabisa, dheerayn-la'aan, hadaaf 
20- Halqooq: qanaanta (dabada) fardaha, Wax walba waxa ugu fiican
21- Huddan: socod tabar yar, luudid.
22- Heemaal: qaab-wanaag, habsami.
23- Heensaraar: tiirar farraarro leh oo aqalka gudihiisa inta la teedsho, duubishida korka laga saaro.
24- Hiteeye: wax-ka-sheege, ceebeeye.
25- Haayir: col weyn sida dal cola oo awooddiisa ciidan kugu soo jaheeya.
26- Hirsi: meel ama qof tammadin leh oo in la gaaro lagu dadaalo.
27- Higil: muuqaal weyn oo aan si fiican u muuqan.
28- Himamow: waqtiga cadceeddo dhacdo oo uusan iftiinkeedii wada tagin, maqrib, fiid hor.
29- Hilqayn: marka dadku garangar u sameeyaan qofay danaynayaan, sida hoggaamiyaha, loo soo shiro loona gabrado.
30- Habas: shinbir yar oo aalaa dhulka dhabbacda.
31- Hanqal: qeybta jirka qofka ee madaxa iyo caloosha u dhaxeysa.
32- Hiraab: habeynka gelinka dambe intaan waagu baryin.
33- Hoodaar: diric, rag, dadnimadiisu sarreyso.
34- Hibasho: wax hore u dhacay oo laga samri waayo, gocasho.
35- Hiirtaayo: dhib. 
36- Honog: dhiig joogsan waaya, dhiigbax. Goror.
37- Hanboorrin: horey-u-tuurid, riixid, harbis.
38- Harimo: cunnada harkii la cuno, qado.
39- Hadaadun: quus, calool-duubid
40: Holgan: aan helin qeybtuu xaqa u lahaa, dulman.
41- Halaqjafle: cunno fudud oo cashada kahor la cuno (snack).
42- Hasid: cabsiin, bajin.
43- Hiijoqabe: godob-qabe, aano ku maqan tahay.
44- Harame: cawska ama nagaarka beerta ka dhex baxa oo laga limeeyo/jar.
45- Hankaagid: hungoobid, wax-ka-waayid. 
46- Haydaarto: eed korka la iska saaro, haaraan. Dhibaato ama rafaad.
47- Hangal: asay, waa dharka cad ama madow ee dumarku xirto marka laga dhinto.
48- Horatibyayn: wax waqtiguu dhici laha ama loogu talagalay laga horumariyo, dedajis. 
49- Hojin: joojin, meel-tubid.
50- Habrane: qof meel ka dilan, wax ka baqaya, alaalabbiqid.

 


 





BAL DAYOYDII 
SAYID MAXAMMAD CABDILLLE XASAN 

Dh/dhaqaaqii Daraawiish ee Sayid Max’d garwadeenka ka ahaa ee muddada 21ka sano ah loollanka adag kula jiray gumeystayaashii u haliilayey gumeynta dadka Soomaaliyeed iyo ku-gabood-falka dalkooda`wuxuu uga tagay ummadda S/liyeed dhaxal taariikheed  mug leh iyo suugaan xaanbaarsan xikmado ka soo burqaday maskax aad u maaxsanayd.

1919kii markii dawladda Ingriisku diyaarado ku duqeysay fariisinadii daraawiishta ee Nugaal, ciidamo lixaad lehna gow walba kaga keentay, lana dilay boqollaal qusuusidii daraawiishta ah iyo toddobo wiil oo ilma sayid Max’da, dad badan oo kalana rogmaday, duunyo diigaanyo ahna laga meersaday, rag badan oo daraawiishana ay ballan fureen oo dariiqadii ka leexdeen digasho iyo ku-diigdiigsina u dheeraatay ayaa sayid max’d tiriyay gabay hogo tusaalayn ah oo baraya dadka in dunidu guuraa tahay oo ay la gad tahay harka geedka ee labada gelin kolba gees jooga. Waxaa ka mida gabaygaas meerisyadaan aan halkaan ku faaqidaynno: 

Nin dalleensan inuu dookhayey, doqontu mooddaaye
In kastuu dunqaarahakan dhacay, dulugle cayroobo
Haw dayrin deeqii Alluu, dooc ka sugayaaye
qof hantidii u lahaa dhaaftay oo dani hayso, waxay doqontu mooddaa inuu wareersan yahay. Si kastuu u cayroobana, ha illaawina in deeqda eebbe badan tahay qofkaasina sadkii loo qoray uu helaayo.

Rabbi baw dawarin kaan lahayn, duunyo iyo maale
Asagoo dirriga jiifsaduu, dayrdhal soo heliye
Bal dayoy mar uun buu darfiyi, deeqa caanaha e
Ruux aan lahayn xoolo noola ama mooda, asagoo cayra oo bannaan jiifa baa eebbahay siiyaa geel dayrdhala oo caanihiisu weel walba uu buuxshaan.

Nin dayoobay deyr deyr hadduu, dawyada u jiiro
Mar uun baa daryaankii ka bi’i, doorshay madixiiye
Bal dayoy dalkuu fiiriyuu, dib ugu laabmaaye
Qof habaabay oo dawgii habboonaa ka bayray, hadbana jiho isku qaaday wuxuu habow ahaadaaba marka daryaanku ka ba’o ayuu dib u saxaa marin habaabkiisii .

Sengihii dirrow laga dhigee, dibintu boogowday 
Mar uun buu dakaamaha jaraa, soo durduriyaaye
Bal dayoy dabrada weerar baan, daaqad loo heline 
Faraskii bishinta xakamuhu gooyey sidii uu falgalka ugu jiray oo markaa kii lahaa ka daayey gaalibkii iyo gashlihii, marka dambe waxaa ka hara dakaankii/daalkii wuxuuna noqdaa midaan la waabin Karin markii uu weerar galo.

Dakankiis nin dawlad ahaa haddii, duudsi laga yeelo
Mar uun baa dawaarkii is rogi, diiqalyuu socone
Bal dayoy dawaaraha mar bay, daa’iruu kiciye
Nin door ahaa oo la dilay, haddii dhiiggiisii la duudsiyo waqtigu waa isrogi oo habisadu waa hari oo waxaa imaan xilli loo aaro halyeygii.

Nin la dagay sidii doqon hadduu, dacayda laalaadsho
Mar uun buu dareemaa inaan, darajo loo hayne 
Bal dayoy markuu dido inuu, deryka jabinaayo
Nin dagnaan laga helay oo dhibaato loo geystay, hadduu ciil dartiis luqunta laalaadsho ka dib markii uu dareemay in wanaagguu waday mid le’eg u ool meesha ninkaasi wuu didaa oo dib dambe looma soo loodsho oo lama dago.

Ninkii diricyadiisii kufrigu, daabaca u qaaday
Mar uun buu dirramayaa intuu, duubiyaal dhalo e
Bal dayoy da’ uun bow kacdoo, dooyo geliyaaye
Ninkii wiilashiisi cadawgu laayey, eebbaa siiya durriyad waliba noqota madax/duubab, ka dibna asagoo weerar ah oo u aaraya raggiisii buu dooyo/ilaalo bixiyaa.

Nin ku dilay adoo dagan hadduu, digasho ku raacsho
Mar uun baa deddadu ka ba’daa, diifihii cudure
Bal dayoy dawaa’iga mar buu, diirsimaad heliye
Nin ku dilay adoon ka filayn, hadduu digashana kuugu daro cudurkii ku hayey ee taagdarrada kuugu wacnaa ama dammanaantii kaa dabooshay dhiillada lagula maagay mar bay ka bi’I oo adoo fayow la faltantaa cadawga.

Doonyaha shimmaalka ah haddii, dakhalka loo laalo
Mar uun baa dabaylaha sidaa, kor u dandaanshaane
Bal dayoy dunjiga fuushan baa, daraxu caynshaaye
Dooni badda gooshaysay xilli ay jirto dabaysha waqooyiga ka timaadda ee badda kicisa oo shimmaaliga loo yaqaan, hadday jabiso dakhligii doonida maamul-socodkii baa ka luma mawjaddaana aakhirkii burburisa doontii, waxaase cibaaro ah dadkii saarnaa dunjigii/giddigiis waxaa caynsha burburkii doonta .

Dakhal waa tiir dheer oo looxa ama bira oo doonyaha ama maraakiibta dhexdooda laga taago oo celiya faarmanka(qori dheer oo lagu duubo shiraaca) iyo shiraaca. Waayahan dambe maraakiibta casriga ah dakhalku wuxuu celiyaa wiishashka dajinta iyo saarista loo adeegsado iyo qalab kale.

Dad qaraabo nin kuu xigay hadduu, kugu dugaagoobo
Mar uun baa dafaarkii fakaday, dabin ku rooraaye
Bal dayoy nabsigu waa wixii, daaha yuururaye
Qof ku xigay hadduu naxariis iyo qaddarin la’aan kugula dhaqmo uuna ka waantoobi waayo ama laga waabin waayo, daalimkaas marbuu abaalkiisa heli, ogaadana nabsigu kadinkuu/albaabkuu yuururaaye,  oo loola jeedo abaalmarinta daalimku waa dhawdahay.

Hadduu daawadii furay nimaad, deris xigaal moodday
Mar uun baa mid duunkaaga jecel, dow ka soo bixiye
Bal dayoy dar uun baad heshaa, daacad kuu noqone
Nimaad xigaal ood-wadaaga ahaydeen, wacadna kala qaadateen oo aad aammintay hadduu ballan furo, waxaad heli doontaa kuwo ahaantaada jecel oo aan wacadka ka bayrayn daacadna way kuu noqon.

Tol dulloobay oday doora laa, loogu dowgalaye
Mar uun baa duqeydii xumayd, danabba dhaafaane
Bal dayoy rag caro duuban baa, dib u guhaadoone
Tol dulloobay waa tol talada suuban seegaye, waxaa dulliga ugu wacan madaxdii tolkaas oo aan garaad hagid lahayn ama daacad u ahayn dadkooda, waxaase dhici doonta in tolkaas diricyo u kacaan, kuwaas oo xumaha ka dhiidhiyi doona/ ka guhaadoon doona.


Bal dayoyda sayid max’d waa xikmado baaxad leh oo cibaarooyin wax ku-qaadasho leh huwan. Doqonse dug ma leh oo ka diimmoon dawaarka noloshu ku daban tahay iyo tusaalooyinka daawada leh.


















Sunday, April 15, 2012




Milicsiga Siyaasadihii Dagaalkii Qaboobaa ee Kadhanka Ahaa Soomaaliya



Tilmaamidda Arrinka:
Qoraalkii laga sameeyay kulankii ku dhexmaray Hoggaamiye Honecker iyo Castro Barliintii Bari. Kadib markii Castro uu booqday Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wuxuu si gaara wax uga sheegay M S Barre wuxuuna isla markaas ku doodayaa baahida loo qabo in kacaanka Itoobiya loo gargaaro.
Kulankii labada hoggaamiye wuxuu dhacay 3dii April, 1977dii
Daqiiqadihii wadahalku waxay ku beegnaayeen bishii April, 1977dii intii u dhexaysay  saacadaha 11:00 iyo 13:30 iyo 15:45 iyo 18:00, wuxuuna kulanku ka dhacay Guriga Guddiga Dhexe, Berlin.
Goobjoogayaal: Jaallayaasha Hermann Axen, Werner Lamberz, Paul Verner, Paul Markowski (ay weheliyaan Edgar Fries and Karlheinz Mobus turjumaanno ahaan), Carlos Rafael Rodriguez, Osmany Cienfuegos, Raul Valdez Vivo, Jose Abrantes
Jaalle Erich Honecker wuxuu si diirran u soo dhaweeyay Jaalle Fidel Castro iyo jaallayaasha kale ee reer Kuubba ee ku weheliyay wadahadal hooseedkaan magaca Guddiga Dhexe lagu qabtay.
Waxaan aad ugu faraxsan nahay soo booqashadaada GDR iyo fursadda aan u helnay in aan ra'yi-isweydaarsi ka samaynno booqashadaad ku tagtay dhawr dal oo Afrikaan iyo Caraba. Anoo ku hadlaya magaca Politburo/ga waxaan ku celinayaa inaan booqashadaada dalalkaas u haysanno mid muhim ah. Waxaan ka codsanayaa Jaalle Fidel Castro inuu hadalka qaato.
(16 bog oo hore waa la tiray.]
Erayadii Jaalle Fidel Castro: [...] Kahor intii aanan ka dhoofin Cadan waxaan hoggaanka PDRY/ka  (xisbigii hayay talada dalkii Yamanta Koonfureed) kala hadlay baahida loo qabo in wax kastoo suurtogal ah la sameeyo si la isu fahamsiiyo Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaan ka codsaday inaan la samayn bannaanbaxyo dadweyne mid kasta oo uu yahay. Kahor imaanshahayga, waxaan ku helay jawaabta su'aalaha ku saabsan Soomaaliya iyo Itoobiya warqad la ii soo diray. Waxaan kaloo ergo u diray Soomaaliya si ay wadahadal ula yeelato Madaxweyne-xigeenka Samatar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Sulaymaan. Samatar wuxuu qabay fikradaha bidixda, halka Sulaymaan uu u taagnaa garabka midigta. Dooddii uu la yeeshay wakiilkayaga aad bay u darnayd.  Waxaan xog doora oo ku saabsan xaalka Soomaaliya hore uga helay PDRY/da. Awoodda iyo saamaynta kooxda midigtu way sii kordhaysay. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sulaymaan wuxuu samaynaaya wax kastoo suurtagal ah si uu Soomaaliya ugu dhaweeyo Sacuudi Caraabiya iyo dalalka imbaryaaliga. Samatar saamayntiisu gabaabsi bay noqotay. Wax walba waxay muujinayaan inay gees u riixday kooxda midigtu.
Habaynkii iigu horeeyay waxaan damcay inaan caddeeyo siyaalaha ay ila ahayd ee ku saabsanaa Siyaad Barre iyo kacaankii Soomaalida. Ma jirin wadahal siyaasadeed oo doora oo aan yeelannay cashadaas; [Siyaad] Barre wuxuu ii sharraxay koritaanka kacaanka Soomaaliya. Maalintii labaad, waxaan samaynnay indho-indhayn ballaaran. Waxaan tagnay xarunta tababarka guulwadayaasha oo Kuubbo ay dhistay, dugsiga beeraha, dugsiga carruurta reer guuraaga, iwm. Saacado ayaa nala wareejiyay, annagoo aan yeelan wax wadalhadal siyaasadeeda, harkiina waxaa lagu  qabtay bannaanbax weyn garoonka ciyaaraha. Waxaan u fahmay inaysan doonayn wadahadal kahor bannaanbaxa. Markaas uu bannaanbaxu bilawday aniga iyo Siyaad Barre wax sheeko ah oo gaara ma annaan yeelan, sidaas darteed aad baan u taxaddaray. Siyaad Barre wuu isla weynaa aad buuna u darnaa; waxaana suurtogal ah inuu rabay inuu na waabsado.
Warkii aan ka jeediyay kulankii bannaanbaxa waxaan ku sheegay siyaasadda imbaryaaliyadda ee Bariga Dhexe, doorka dib-u-socodnimo ee Sacuudi Carabiya, iyo tillaabooyinka dib-u-socodnimo ee xoogagga kale. Waxaan sidaan sameeyay anoo ogaa in dalku u janjeero dhinaca xiriirro lasamaysiga dalalkaan hadalka ula jeeday. Waxaan ka hadlay halganka PLO, kacaanka Itoobiya, iyo kacaanka Liibiya, iyo horusocodka Aljeeriya ee ay doonayaan inay go'doonshaan. Waxaan ka hadlay Mosabiik, dhammaadkii kaliyaan ku sheegay sida imbaryaaliyaddu ay u samaynayso wax walba oo jeedin kara hannaanka horumarsan ee Soomaaliya. Siyaad Barre wuxuu igu soo dhaweeyay kaqeybgalayaashii bannaanbaxa isagoon hal eray oo siyaasadeed oran.
Kahor bannaanbaxa waxay ciyaareen hal ciyaar barkeed oo tan lugta ah. Lama oga in ciyaarta lugtu ay bannaanbaxa ka mid ahayd iyo inay kadhan ahayd. Khudbaddaydii waxay ka hor jeedday rabitaannadii garabka midig waxayna kaalinaysay kuwii garabka bidixda. Waxaan u jeednay in intii badnayd ee xubnaha Golahii Dhexe ay sacabbiyeen markii laga reebo Sulaymaan iyo dadkiisii. Samatar aad buu u qanacsanaa, xitaa Siyaad Barre wuxuu u ekaa mid raalli ah. Si kastaba ha ahaatee, bannaanbixii weynaa si toos ah looga ma soo deyn raadiyaha ama TV/ga.
Fiidkaas uun baan bilawnay inaan uga wada hadalno dhibabkii gaar ahaaneed, meeshii aan degganaa. Waxaa ii caddaatay inay ahayd inaan feejignaanno waayo wasiirkii gudahaa tallaalay kutaanno. Islaa fiidkaan baa Siyaad Barre aakhirkii ka hadlay Itoobiya. Wuxuu barbar dhigay Boqortooyadii Saarka wuxuuna yiri Itoobiya waa xoogga kaliya ee gumeystaha ah oo wali nool. Waxaa mahad mudan garaadkii Lenin, Boqortooyadii Saarku way qarsoontay, laakiin Itoobiya ayay ku nooshahay. Wuxuu u soo jeediyay Itoobiya muddo kahor, in fedaraal ay noqdaan amaba labada dal midoobaan. Itoobiya kama hor imaan, laakiin iyada lafteedaa soo jeedinaysa sidaan. Wuxuu si qiiro leh uga hadaly dadaalladiisii ku saabsanaa afgaradka Itoobiya. Waxaan fursadda u adeegsaday inaan u sheego Siyaad Barre inaan doonayo inaan aado Itoobiya maalinta soo aaddan waxaanna weyddiiyay inuu doonaayo inuu la kulmo Mengistu. Wuu yeelay.
Maalintii labaad waxaan u duulay Itoobiya. Waxaan hore ugu heshiinnay inaan soodhaweyn weyn jiri doonin, sababtoo ah xilligaas waxay wali ku jireen dagaal sokeeye. xabbadaa si joogta ah u yeerta. Mengistu wuxuu i geeyay Qasrigii Imbaraadooriyadda ee hore waxaana isla meeshii ka bilawday wadahadalkii. Waxaan ogaaday xogtii ay ahayd inaan hubiyo. Maalintii labaadna waxaan sii wadnay wadahadalladii. Waxaa ahaa dabiici inaan ka taxadarno xagga amniga. Itoobiyaanku waxay la yimaadeen qeyb ciidana, anna waxaan la imid ciidan Kuubbaan ah. Maalintaan imid waxaa jiray warar xuuraan ah oo afgambi ku saabsan. Ma uusan dhicin.
Waxaa igu dhashay dareen ah in Itoobiya uu kacaan dhabi ah ka bilaabmay. Boqortooyadaan dhulgoosadka ah ee hore, dhulalkii waxaa loo qeybiyay beerallayda. Beerte kasta wuxuu helay 10 hektar. Waxaa kaloo magaalooyinka ka jiray dib-u-habayn. Waxaa la qorsheeyay in qof kasta oo dalka u dhashay uu yeelan karo hal aqal. Meelo ayaa loo diyaariyay hirgelinta guryaynta.
Waxaa kaloo jiray dhaqdhaqaa dadweyne oo xoog badnaa. Waxaa si degdeg ah caasimadda looga abaabuli karay, 500,000 oo qof . Bishii February, waftigayagii indha-indhayntu, kadib markii uu fatashay qeybaha ciidanka, wuxuu go'aamiyay in dhammaan boqollaalkii jeenaraal, labo maahee inta kale la eryo. Saraakiishii iyo NCO/du waxay la wareegeen hoggaamintii dalka. Hadda, wuxuu hoggaanku ka fakarayaa xisbi abuuritaan. Waxaa dalka ka jiray halgan adag oo kadhan ahaa dhulgoosatada. Burjuwaasiinta yaryar ayaa abaabulaayay kahortagga kacaanka. Dhaqdhaqaaq goosasho oo xooggan baa ka jiray Erratariya. Halisyadu waxay ka imaanayeen Suudaan, halka Soomaaliya ay sheeganayso 50% dhulka Itoobiya. Waxaa muddo 500 oo sano ah ka jiray seeraha shaqaaqooyin.
Waxaan Mengistu ku arkay inuu yahay hoggaamiye daacada, runlow ah oo deggan oo haddana og awoodda dadweynaha. Wuxuu leeyahay shakhsiyad garaad leh wuxuuna muujyay waxgaradnimadiisa Febuary 3/deedii. Kooxaha midig-raaca ah ayaa waxay rabeen inay la dillaamaan kacaanka Febuary 3/deedii. Horudhacii arrintaan ayaa madaxweynaha Itoobiya jeediyay khudbad qiiro leh oo ku door biday waddaniyadda. Mengistu ayaa afgambigaan ka hor tagay. Wuxuu kulan isugu yeeray Golaha Kacaanka hal saac kahor wuxuuna qabqabtay hoggaamiyaashii midig-raaca wuuna toogtay. Bishii Febuary 3/deedii waxaa Itoobiya lagu gaaray go'aan aaya fiican leh. Qaab-dhismeedkii siyaasadeed ee dalkaa isbeddelay, waxaana u suurtowday inay qaadaan tillaabooyin aan hortood suurtagal ahayn. Hadda kahor, waxay ahayd sida kaliya ee loo caawin karo bidix-raaca si dadban oo qura, haddase waxaan u caawin karnaa si aan xannibaadyo  lahayn.
Waxaan weyddiiyay Mengistu inuu doonayo inuu Siyaad Barre la kulmo iyo in kale. Waan ku heshiinnay. Kadib markaan gabagabeeyay wadahadalkaygii waxaan u duulay Cadan.
Aroortaas baa Siyaad Baree yimid Cadan Mengistu ma imaan ilaa galabtii . Waxaan la sheekaystay Siyaad Barre wuxuuna rogay calaacalaha. Wuxuu igu yiri haddii Mengistu kacaanyahan dhab ah yahay waa inuu siduu Lenin yeelay oo kale yeelaa, uuna ka guuraa dhulkayga. Siyaad Barre wuxuu istaagay meel aad u adag. Waxaan weyddiiyay inay la tahay inaan kacaan dhab ah ka jirin Itoobiya iyo inuusan Mengistu ahayn hoggaamiye bidix-raaca iyo in kale. Wuxuu igu yiri Itoobiya kacaan kama jiro. Wuxuu Muqdishow hore iigu tusay khariiddadda Soomaali Weyn oo Itoobiya barkeed lagula wareegay.
Kadib wadahadalkii Siyaad Barre, waxaan  Mengistu u sheegay hab-dhaqanka Barre, waxaana ka codsaday inuu degganaado. Waxaanba ka xumaaday inaan Mengistu  ugu yeero Cadan iyadoo dalkiisii ay ka jirto xaalad rasaastu qoriga dhuuntiisa joogto iyo isagoo colaad ku jira inuu dhageysto dhul-sheegashada Soomaaliya.
Su'aalahaygii ku saabsanaa xaaladda ciidanka Itoobiya, Mengistu wuxuu yiri wali dhibab baa jira laakiin ma uusan filayn inay jirto halis afgambi oo daran.
Markii uu kulankii bilaabmay, Siyaad Barre isla markiiba hadalkii buu bilaabay, Siyaad Barre waa sarreeye gaas gumeysiga hoostiisa wax ku bartay. Kacaanka Soomaaliya waxaa hoggaanshay jeenaraallo dhammaantood awoodda yeeshay xilliyadii gumeysiga. Maskaxdaydu waxay  go'aan ka gaartay Siyaad Barre, wax kaloo dhan markii laga tago waa Shawfaniiste (dal-jacle aada). Shawfaniistinnimada ayaa ah waxa ugu muhimsan naftiisa. Hantiwadaaggu waa xayndaab uu isku wareejinaayo si uu soojiidasho dheeri ah u samaysto. Wuxuu hub ka helay dalalka hantiwadaagga ah, mabda'iisa hantiwadaaggana [kaliya] wuxuu ula ujeedaa dadweynaha. Xisbiguna kaliya wuxuu u taagan yahay awood qofeedkiisa.
Arrinkaan markii la eego waxaa jira wadanoolaansho la yaab leh oo ka dhexaysa xukunka raggii ciidanka ahaa oo dugsiyada gumeystaha wax ku bartay iyo dhinacyada bulshada. Wax ku saabsan hantiwadaagnimada baa dhankiisa ka yeeraya, haddana wali waxaa dalka ka jira in badan oo sinnaan-la'aana oo aan macquul ahayn. Fikradihiisa ugu waaweyn waa waddaniyadda iyo shawfaniisnimada, mana ahan hantiwadaag.
Yoolkiisu waa kii dhaqankii hore ee siyaasadaha: erayo wadeynimo oo macaan. Siyaad Barre wuxuu u hadlaa sidii nin waxgarad ah; wuu u hadlaa kaliya. Wuxuu ka geddisan yahay hoggaamiyaal siyaasadeed oo badan oo aan aqaan. [Madaxweynaha Masar Anwar] Saadaad, (Madaxweynaha Aljeeriya hawaari) Boumedienne, [Madaxweynaha Mosambiik Samoora] Machel, [Madaxweynaha Angoola Agostinho] Neto iyo qaar kaloo badan waa shakhsiyado xoog badan. Way dhageysan karaan iyagoon yeelan hab-dhaqan mad-habeed. Qof waa la hadli karaa iyaga. run ahaantii Siyaad Barre waxay la tahay in uu garaadka meeshii ugu sarreysay joogo. Ilaa hadda wax walba sidii ugu fiicnayd bay ugu socdeen. Talyaaniga iyo Ingiriisku waxay ka dhigeen jeneraal. Kacaanku daqiiqad buu ku suurtoobay, iyadoo ay yarayd xabbad dhacday. Wuxuu wajiga marsaday hantiwadaag wuxuuna kaalmooyin dhaqaale iyo mid ciidanba ka helay Midowga Soofiyeedka. Dalkiisu waa muhim istaraatiijiyad ahaan, asna wuxuu jecel yahay meekhaanka. Barre naftiisaa iscajabisay. Afmaalnimadiisa xagga hantiwadaagga looma adkaysan karo; ma oran karo toban eray isagoon ku darin hantiwadaagga.
Codkaan baa ku bilaabay markuu socday lakulankii Mengistu. Wuxuu bilaabay in cashar ka bixiyo Itoobiya wuxuuna Mengistu ka dalbaday inuu sidii uu Lenin falay uu isna falo: iska illow imbaraadooriyaddii Itoobiya. Mengistu degganaanshuu muujiyay; wuxuu yiri Itoobiya waxay u diyaar u tahay oo doonaysaa in la helo si wax loo qabto waxaana markaas looga baahan yahay labada dhinac tillaabooyin xooggan si loo gaaro xiriir wanaagsan.
Siyaad Barre aragti ahaan wuxuu ku jawaabay inuu Mengistu ka han dhigay hab-dhaqankiisuna uu yahay isla kii ula kulmay imbaraadoorkii Itoobiya. Hoggaanka kacaanka Itoobiya maskax ahaan waa isla kii Haile Selassie. Kulanku wuxuu bilawday 11 PM wax waxqabasho ahna ma muuqan.
[Madaxweyne-xigeenka Kuubba] Carlos Rafael Rodriguez ayaa markaas kadib soo jeediyay abuuritaanka guddi joogto ah oo ka kooban wakiillo ka socda Itoobiya, Soomaaliya iyo PDRY si loo helo qaabab waxqabad leh. Dhammaan kaqeybgalayaashii kale way ka soo horjeesteen rabitaankayagii guddigaan.
Siyaad Barre wuxuu sii watay jilitaankiisii ninkii waxgaradka ahaa ee weynaa, ninkii hantiwadaagga ahaa ee weynaa, Maarkiistihii weynaaa. Isla markaas wuxuu u hadlay si dareen-kicis leh oo aad mooddo xubin kaliya oo “hoggaamin wadareeda” igmasho ka wadata Politburo/ga oo u baahan inay iyadu kala tashato dhammaan arrimaha. Kadib biririf gaaban oo uu kula tashaday waftigiisii wuxuu soo jeediyay wadahadal toos ah oo dhexmara isaga iyo  Mengistu.
Mengistu, oo ku noqday ceebaysane aan la ammini karin hadalladii Siyaad Barre ee hore, wuxuu sheegay inuu sidaas yeelayo, laakiin ma noqonayso xilligaan. Marka hore waa in arrinka guddiga la meeldhigaa.
Waxaan sii wadnay kulankii ilaa 3.15 aroornimo. Siyaad Barre wuxuu diyaariyay qoraalkii heshiiska fikraddii guddiga oo la yeelay laakiin ujeeddadiisa ugu weyn laga dhigay wax ka qabashada su'aalo dhuleedka taagaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Guddigu wuxuu hawshiisa ka bilaabi doonaa halkaan. Sidee Itoobiyaanku uga falcelin doonaan soojeedintaan maagista leh?
Intii lagu jiray fasaxii yaraa baan Mengistu la hadlay, mana uusan qarin diidmadiisii Siyaad Barre. Waxaan kaloo la hadlay Siyaad Barre waxaana weyddiiyay inuu dhab ahaan rabo heshiis la gaaro. Wuxuu igu yiri taas waa in Mengistu ka jawaabaa. Wuxuu u kacay dhankii aftahannimo ee kacaannimada, sida hantiwadaagnimadu tahay, iyo sida uusan Maarkiistaha dhabta ahi runta u diidin karin. Wuxuu yiri Mengistu run ahaantii waa nin hawlkara, waana nin qaaday tillaabooyin waxqabad leh: muxuu halkaan uga gaari waayay go'aan sidaas oo kale ah oo waxqabad leh si hadda arrinka taagan daw loogu helo?
Waxay arrinta sidaan ahi igu dhalisay su'aasha ah inaan Siyaad Barre maskaxdayda kala hadlo iyo in aan qarsado dareenkayga. Waxaan ku gunaanaday inaan hadlo sababaha soo socda awgood:
1. Iska aammusnaanta waxaa loo qaadan karaa inaan ansaxinaayo siyaasadda shawaafaniistaha ah ee Soomaaliya iyo raadadka ay reebayso. Waxaa kaloo loo macanayn karaa taageeridda midig-raacyada Soomaaliya.
2. U-jawaabis-la'aanta Siyaad Barre waxaa loo qaadan karaa gargaar kasta oo ay dalalka hantiwadaagga ahi siiyaan Itoobiya inuu ka noqonaayo dhanka Siyaad Barre dhagar.
3. Xaalad sidee ah bay ku abuuri kartaa arrintaan PDRY/da, maadaama ay Itoobiya ku caawinayso taangiyaal, baabuur waaweyn iyo madaafiic oo uu gacan ka geysanaayo markab Soofiyeedku leeyahay?
Waxaa dheer, Siyaad Barre maahan kaliya inuu caytamaayay, ee wuxuuba sameeyay cagajuglayn. Hal mar buu yiri qof ogaan kara ma jiro halka waxaan oo dhan ku biyo shuban doonaan.
Sababtaan darteed, waan hadlay. Waxaan sharraxay in Siyaad Barre ay la tahay inaan Itoobiya kacaan dhab ahi ka jirin, dhacdooyinkii Febuary 3/deedii baa su'aashaas ka jawaabay wuxuuna Mengistu noqday hoggaamiye kacaanyahan ah. Waan sii waday oo waxaan iri dhacdooyinka Itoobiya waxaan u aragnaa kuwo kacaana, oo dhacdooyinkii Febuary 3/deedu ay yihiin kuwii kala-wareegga, isla markaasna uu Mengistu yahay hoggaamiyihii isbeddelka wanaagsan. Waxaan caddeeyay inay noo suurtoobi weyday inaan Siyaad Barre mawqifkiisa kula heshiinno. Waxaan iri mawqifka Siyaad Barre wuxuu halis ku yahay kacaanka Soomaaliya, halisna gelinayaa kacaanka Itoobiya, sidaas awgeedna ay jirto halis go'doominaysa PDRY/da. Waxaan si gaara carrabka ugu adkeeyay in siyaasadaha Siyaad Barre ay kaalinayaan garabka midigta ah ee Soomaaliya oo dadaalladoodu ay kadhan yihiin hantiwadaagga, iyo inay Soomaaliya gacanta u gelinayaan Sacuudi carabiya iyo Imbiryaaliyadda.
Waxaan iri siyaasadahaani waxay wiiqayaan xiriirrada ay Soomaaliya la leedahay dalalka hantiwadaagga waxayna horseedayaan burburka kacaanka Soomaaliya. Waxaan ka codsaday Siyaad Barre iyo hoggaanka Soomaaliya oo idil in la dareemo mas'uuliyad taariikheedka. Markaan sidaas lahaa ma filayn in tani keenayso dagaal dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya waanse walwalsanaa, maadaama dagaalku yahay arrin khatar ah. Ma rumaysni inay jiraan dad kicinaya dagaal dhexmara dadyawga.
Isla markaan u hadlay si daacadnimo ah, waxaa hadalkii la wareegay Siyaad Barre. wuxuu sheegay inuusan marna dagaal rabin iyo marba hadduu yahay nin hantiwadaaga oo kacaana uusan dhabbahaan qaadeyn. Haddii waabka hantiwadaaggu uu rabo inuu iska jaro Soomaaliya waxay taasi tahay arrin u gaara waabkaas. Waxaan culays saaray isaga, Siyaad Barre, laakiin kama codsan Mengistu, inuu kulankaan yimaado. 

Hadda, waxaan tilmaamay shirkii Siyaad Barre iyo Mengistu laakiin kama hadlin ceebaynnadii Siyaad Barre iyo/ama Mengistu. Waxaan iri Kuubba kuma talajirto inay iska jarto Kacaanka Soomaaliya, balse, waan taageeraynnaa. Kulankii oo dhan wuxuu dhammaaday natiijooyin la'aan.

Haddii hadda aan gargaar siinno Itoobiya, Siyaad Barre wuxuu gar-anshaxeed u heli doonaa inuu nagu eedeeyo dhagar, iwm. Waxaan si cad ugu sheegay in Itoobiya kacaan ka jiro ayna tahay inaan caawinno.

si kastaba ha ahaatee waxaan ka gartay Siyaad Barre intii aan kulanka la lahaa xoogaa didmo ah oo uu ka qabo dhanka Midowga Soofiyeedka. Wuxuu dhibsanaayay inaan Midowga Soofiyeedku soo gaarsiin qalabkii dayactirka ama cagafcagafyadii iyo shidaalkii  oo soo gaaray goor dambe, in kastoo ballanqaadyo lagu celceliyay. Safiirkii Soofiyeedka ayaa arrimaha dalka nooga warramay. Soomaalidu iyagaa codsiyadooda joogto u rogrogaayay, sidaas baana daahisay arrinka. Waxaa dheer, in nasiib darro haamo-qaadkii shidaalka ee Soofiyeedku uu dagay intuu u soo jeeday Soomaaliya.

Markii aan arrinkaan Siyaad Barre u sheegay, wuxuu yiri Soofiyeedku waa beenayaal. Wuxuu yiri mawqifkaan maahan kan politburo/ga Soofiyeedka, laakiin waa curyaamin ka socota xafiisleyda (bureaucrats). Didmadiisa iyo wax-ka-sheegga Midowga Soofiyeedka wuxuu ku muujyay arrimo kale. Wuu sii waday oo wuxuu sheegay inaysan biyo la cabbi karo oo haqabtiri kara dalkiisa ka jirin lo'diina dhimanayso, mooskiina gurashadiisu aad u daahayso, dhammaan sababahaas waxaa keenay iyadoo burqisooyinkii (pumps) uu Soofiyeedku bixiyay aysan shaqaanayn.

Hab-dhaqanka Siyaad Barre dartiis waxaan arkaa halis weyn. Taas awgeed waxaan u arkaa inay habboon tahay inaan idiin sheego dareenkayga oo dhab ah, oo aan sarbeebnayn.

Waxaan doonayaa inaan idin kala hadlo aragtidayda oo qayaxan. Dalalka hantiwadaagga ah waxaa hortaal dhibaato. Haddii ay caawiyaan Itoobiya, waxay lumin doonaan saaxiibnamadii Siyaad Barre. Haddii aysan caawinna, Kacaanka Itoobiya wuu fashilayaa. Taas baa ah midda ugu muhimsan arrimahaas.



Waxaa jiray dhawr codsi xagga ciidanka oo ka kala yimid dhinacyo badan: [Hoggaamiyaha Liibiya Mucammar] Qadaffi, Mengistu, hoggaamiyaasha Koongo. Intaan joognay Afrika waxaan u dirnay [Madaxweyne- Xigeenka Kuubba] Carlos Rafael Rodriguez Mooskow si uu ula kulmo Jaallayaasheenna Soofiyeedka iyo Haafaana si uu latashi ula sameeyo madaxdayada. Si aan ugu helno jidka ugu fiican waa inaan si deggan oo qumman uga fakarnaa su'aashaan waana inaan u tixgelinnaa arrinka si waafaqsan xaalka guud ee waabka hantiwadaagga. Si kasta oo ay tahay waa inaan wax uun u sameynnaa Mengistu. Waxaanba bilawnay u aruurinta Itoobiya hubabkii hore ee Kuubba yiil, gaar ahaan kuwii Faransiiska, Baljin iyo hubkii gacanta ee Czech/a. Ilaa 45,000 nin waa in la hubeeyaa. Waxaan diraynnaa khuburo ciidan iyo lataliyaal si ay uga tababaraan malleeshiyaadka Itoobiya dhanka adeegsiga hubka. Waxaa Itoobiya jooga dad badan oo u qalma inay ciidan noqdaan. Annagu waxaan ka kaalmaynaynnaa tababarka malleeshiyada. Waxaa kaloo jira in arrinka Errateriya uu dhib badan yahay. Waxaa iyaduna jirta in dad horusocod ah ay ku jiraan dhaqdhaqaaqa xoreynta, Laakiin si ulakac ah, bay u ciyaarayaan door dibusocod ah. Dhaqdhaqaaqa goonigoosadka ah ee Errateriya waxaa caawinaayay Suudaan, Sacuudi caraabiya, iyo Masar. Itoobiya waxay haysataa askar wanaagsan iyo dhaqan ciidan oo fiican, laakiin waxay u baahan yihiin waqti ay ku abaabuulaan xooggooda. Mengistu wuxuu noo warsaday malleeshiyadiisa 100 tababare, haddana wuxuu na weyddiisanayaa lataaliyaal xagga ciidanka ah si loo dhiso kooxo ciidan oo ridli ah. Kaalinta kooxdayada xagga lataliska ciidanku waxay gaarsiisan tahay ilaa heer hoggaan sare. Itoobiya waxay leedahay kaabiyaal dhaqaale iyo dadkii lagama maarmaanka u ahaa dhisitaanka xooggooda dalka. Warar kutiriteena ayaa dhawaan la faafiyay oo sheegaya in xoogagga dibusocodku qabsan doonaan Asmara labo bilood dhexdood. Kacaanka Itoobiya wuxuu leeyahay ahmiyad weyn. Midda ku saabsan gargaaridda PR/da Koongo iyo Liibiya wali wax go'aan ah kama aannaan gaarin.

Waxaan wadatashi leenahay Boumedienne/ka Aljeeriya waxaanna weyddiiyay ra'yigiisa. Wuxuu ii xaqiijiyay inaan Aljeeriya marna ka tagayn Liibiya. Aljeeriya waxay si aad ah u danaynaysaa arrinka Badyarada Dhexe sababo la xiriira danaheeda amni. Waxay door bidaysaa kaalmaynta Liibiya, Marba hadduu ku kooban yahay gargaarka xagga ciidanku waabka hantiwadaagga. Taasi maahan mid kaliya ka dhexaysa Kuubba iyo Aljeeriya. haddii aan ku guulaysanno xoojinta kacaanka Liibiya, Itoobiya, Mosambiig, PDRY, iyo Angoola, waxaan ka yeelannay istaraatiijiyad dhammaystiran dhanka qaaradda Afrika oo idil.

Aljeeriya waxay aad ugu soo dhawaan kartaa waabka hantiwaagga. Waxay ka soo iibsatay 1.5 billion rubles oo hub ah Midowga Soofiyeedka. Boumedienne waxay la tahay in Saadaad si dhammaystiran nooga anbabaxay. Dhanka Suuriyaa kuma harin dhaqdhaqaaq dhinaca bidix ah, kadib markii Suuriyaanku jabiyay awoodihii horusocodka ahaa iyo PLO/dii Libnaan.

Si kastaba ha ahaatee, Afrika gudaheeda, waxaan si xun ugu jabin karnaa dhammaan siyaasadaha imbaryaaliyadda ee dibusocodka ah. Waa in Afrika laga xoreeyo faragelinta USA iyo Shiinaha. Isbeddellada horumarinta ee Zaire aad bay muhim u yihiin. Liibiya iyo Aljeeriya waxay leeyihiin ilo qarameed baaxad leh, Itoobiya waxay leedahay hanaqaadnimo kacaan oo weyn. Sidaas darteed waxaa jira miisaan weyn oo dheellitiri kara khiyaanadii Masar. Waxaaba suurtogal ah in Saadaad uu isa soo rogo oo sidaas awgeed saameynta imbaryaaliyadda ee Bariga Dhexe afka ciidda loo daro.

Dhammaan kuwaan waa in lagala hadlo Midowga Soofiyeedka. Waxaan daba soconnaa siyaasadaheeda iyo tusaalooyinkeeda.

Waxaan qiyaasaynnaa in codsiga Liibiya yahay astaanta kalsoonida. Maahan in la diido codsigooda. Kuubba kaligeed ma caawin karto.


[Xigasho: Stiftung "Archiv der Parteien und Massenorganisationen der ehemaligen DDR im Bundesarchiv" (Berlin), DY30 JIV 2/201/1292; document obtained by Christian F. Ostermann and translated by David Welch with revisions by Ostermann.]



CollectionThe Cold War in Africa, The Horn of Africa Crisis
CreatorFidel Castro
Contributor
TypeMeeting Minutes
SubjectErich Honecker
CoverageEthiopia, Germany, Democratic Republic of, (GDR), Somalia