Isusocodyadii Soomaalidii Hore (Punt) iyo Fircoonnadii Kimiid (Kemet)
Qoraalladdii ugu horreeyay ee laga sameeyay isdhexgalkii dadkii reer Kimiid (Masartii hore) iyo reer Buuntu waxaa ka mid ahaa:
waagii boqortooyadii
4aad (2613-2494 MH/BC) waxaa la muujiyay nin addoon u ahaa wiil ka mid ahaa
wiilashii Fircoon (boqor) Qufow (Khufu) oo ka soo jeeday dhulkii Buuntu. Waagii
Boqortooyadii 5aad, markuu talada hayay Fircoon Saxuure, wuxuu safar u diray
Buuntu, waagii Fircoon Ay-Siis (Isesi)-na waxaa la diray safar kale, kaas oo ka keenay Dalkii Buuntu cilin/coon ciyaartoy ah. Waagii Boqortooyadii 6aad
(2345-2181 MH/BC), sarkaal la oran jiray Iniin-Qaad (Enenkhet), oo ka mid ahaa
saraakiishii Fircoonkii Biibbi II (Pepi II) ayaa waxaa dilay qolooyin dixda badda degganaa. Marka la dilaayo sarkaalkaas wuxuu dhisaayay doon lagu aadi
lahaa Buuntu. Isla xilligii Fircoon Biibbi II ayaa waxaa hoggaanshay socdaal
kale oo lagu aaday Buuntu kaaliyihii hantidhawrka oo la oran jiray Dhiidhi
(Thethy). Xilligii Boqortooyadii 11aad (2134-1991 MH/BC) oo uu talada hayay Fircoon
Siniq-Kare (Senekhkere), ayaa madaxii hantidhawrka oo la oran jiray Xin (Henu),
safar u diray Buuntu halkaas oo uu safarka sii raacay ilaa Badyarada Cas.
Xilligii Boqortooyadii 12aad (1991-1802 MH/BC) ayaa sarkaal ka mid ahaa
saraakiishii Fircoon Ammin-Ma-Xad (Amenemhet) oo la oran jiray Qandi-Qataawir
(Khentkhetwer) wuxuu diiwaangeliyay ka-soo-noqoshadii Buuntu ee nabdoonayd. Waxaa
kaloo jiray safar uu diray Fircoon Siis-Istaris II “Sesostris II."
Intuu uusan u dallicin
fircoonnimada ayaa Daad-Moose III (Thutmose III) ka dhexmuuqday sheekooyinkii safarradii
Buuntu, waxayna ku beegnayd markaasi xilligii ay Fircoonad Xadshibsuud
qalqaalisay safar-badeedkii caanka ahaa.
No comments:
Post a Comment