Tuesday, April 17, 2012

Gabadha Soomaaliyeed iyo Waayihii Gobta La Ahaa!

Image result for ancient Somali girls


Dhaqankii duugga ahaa ee dadka Soomaaliyeed isu meerinaayay waayihii is daba joogga ahaa, kuwa ugu door weyn waxaa ka mid ahaa qirada gabadhu ku dhex leedahay bulshada. Meel kastoo la joogo iyo waa walboo baryaaba waxay geyiga Soomaaliyeed gabadhu aheyd mid la bilo.

Ammaanta milgadu weheliso ee tix iyo tiraab lala beegsaday gabadha, waxaa martabaddda labaad gali jiray fardaha oo iyagana si weyn loo tixgalin jiray. Koolkoolinta maansayahanka S/liyeed ee gabadha marmar waxaa lala wadaajiyay geenyada ama faraska, bal eega gabyaagii halka cuslaa ee Faarax-Afcad Xasan-Dhiillo Cali:

Baasaar la mood Cawl-galool, waa u baahnahaye
Barta farawga bawdada tafaha, bay ha ku lahaado
Sidii baarqabyadii Maalinguur, buur ha le’ekaado
Sidii naagihi Bah Ararsame, ha u bog laalaado
Booraan hadduu igula dhaco, boholo seysaaman
Meeshii barkood jiifi jiray, Boone ha ahaado
Goortii gugiisu bartamo, ha is baxaal doorsho
Bafto iyo sidii xaashiyeed, bayl ha ka caddaado

Maansada S/liyeed oo sideedaba ah sidaha dhaqan-taariikheedka, waxay hodan ka tahay ammaanta gabadha:

Ma dhallaan la jecel yahaa?
Ma waagoo dhalaalay baa?
Ma dhibic seermaweydaa?
Ma ubax xalay dhashoo dhegaha fidiyoo?
Ka dharqaday xareedoo dharabkii ku yaal baa?

Meel laac (doog) leh oo dhirtu ubxisay, dharabkii waqalkii da’ayna ku yaal, hadday milicdu yare dhalaaliso waxaa muuqda qurux naftu la muusooto. Marka waagu beryo, inta aan cadceeddu soo bixin waxaa dhanka bari isku habeeya midabbo dhawr ah oo cilloon iyo casaanba leh oo haddana kuwa kale camaajiireen, markaasna jahadaas ka yeela mid aad u ilwaad quruxsan. Waxaa ka loo aad u bilicsan muuqaalka galbeedka ka muuqda marka libidhadu galbato, muuqaalkaasna S/lidu waxay ugu yeertay Sagal, waxaana magaca la wadaagay gabadha.

Dhallaanku markuu yare kobco oo dalandal noqdo, wuu dhalansan yahay oo qosol iyo wirix badan yahay, haddana waxaa ka soo kankama caraf naftu la lahaneyso, wacnaantaasna waxaa lala simay tan gabadha.

Qorrax dhigatay baal
Dayax garab la soo baxay iyo
Biyo gebi ka soo dhacay
Intay laba bogleeyeen
Qurux bood haldhaa leh
Biyo dahab sameyeen
Bacrin nabad galyaadeey
Sidii biixiyo is galay
Jiirku ha isku keen baxo……….

Heesaagu wuxuu ku maseeyay quruxda gabadha nuurka qorraxda ama dayaxa oo ku beegmay biyo dalcado ka soo hoobanaya oo markaas sameeyay midab dahaba oo la moodo midabka boodka ah ee haldhaaga gorayadu yeesho.

Si kasta oo ay dhanka quruxda uga ammaani karto gabadha, S/lidu way muujisay. Si ay u sii qeexdo quruxdaasna waxay yiraahdeen; seddex ha u caddaato waana indhaha, ciddiyaha iyo ilkaha. Seddex ha u madoobaato waana cirridka, sunniyiha iyo timaha. Seddex ha u buurnaato waana barida, dhudhummada iyo kubka. Seddex ha u dhuubnaato waana dhexda, surka iyo sanka.

Waxay kaloo S/lidu ka hadashay qaayaha gabadha S/liyeed leedahay
Gabadhu waa inay gaari tahay; mid nafteeda iyo agabkeeda xasha, hu'-qaad wanaagsanna leh. Waa inay lexlajeclo leedahay oo dayaca ka dhawrto maalka iyo moodka reerka. Waa inay anshax leedahay oo ah inay dhaqankeeda iyo oraahdeedaba ka dhawrto inay noqdaan kuwa ceebeed oo gayaanimadeeda gaasiri kara ama guur tiri kara gabadheeda. Waa inay xishootaa oo ah inay hayin u ahaato saygeeda, ubadkeeda iyo xigtada labada geesoodba, dhawrsanaanna u muujiso kuwa kale, waa isla sidiiye waa inaysan noqon erayley laga aashoodo.

Waxay S/lidu ku maahmaahday: naag halley baa u liidata, ragna ha yeeshaale. Waana murti waano ah.

Gabadha si dheeraada baa loogu xurmeeyay dhaqanka, waxaana gambadeeda iyo garraarkeeda laga dhigay astaantii sharafta reerka.

Gabadh si kama’ ah garraarkeeda loo gooyay baa waxaa ka dhacay ganbi iyo gambalaali qolooyin S/liyeedna isku riiqmeen….waana tuu gabyaagu lahaa; Xaggayaga gabdhaha ooya baa amar ka duulaaye.

Axadkii hadal ama murti ku wax yeelleeya gabadh wuxuu mutaysan jiray gawrac, hadduu ka badbaadana ganaax culus. Waxaa sidoo kale ka dhignaa hadduu gacan togaaleeyo. Degallo ka mida dhulka S/liyeed haddii gabadh lagu gafo oo la qabsado waxaa laga xeeray ganaaxyadaan:

1-Baar-cad: oo ah gabadh 15 jir ka yar, 5 halaad bay qaantu noqotay.
2-Bilo-cad: oo ah gabadh doonnan oo aan la meherin, 15 halaad bay qaantu noqotay.
3-Ganbo-cad: oo ah haweeney asay sidda, 15 halaad bay qaantu noqotay.
4-Afar-ku-kaca: oo ah islaan waayeel ah, 15 halaad bay qaantu noqotay.
5-Isa-sida: oo ah haweeney uur leh, 50 halaad bay qaantu noqotay.
6-Madax-banaaney: oo ah gabadh guur-doon ah, 50 halaad bay qaantu noqotay.
Hashu waayahaas waxay ahayd xubin qaali ah oo ka dhignaan kartay dahabka maanta lacagaha lagu qiimeeyo.

Xilliyadaan dambe oo dhaqan suulka la galay waxaa caado noqotay in gabadha bulshada dhexdeeda looga oohiyo, loona garaabi waayo. Waxaa kaloo caado noqotay in loo gafo oo aan gogolna lagaga xaajoon.

Abaqaal gurracan duul leh, oo abab xun mooyaane
Dad ajiyuhu aayaha nin garan, ma asaraaraane
               Dhoodaan

No comments:

Post a Comment