WALAALIHII HESHIIN WAAYAY
Sheeko
gaaban
Beri
baa waxaa jiray degmo ballaaran oo ka koobneyd rag walaalo ah.
Ragga
nin wuxuu ahaa nin aqoonta diinta ku xeel dheer, midi wuxuu ahaa geesi, midi wuxuu ahaa nin wiilal badan
leh, midi wuxuu ahaa deeqsi, midi wuxuu ahaa maalqabeen, midina wuxuu ahaa nin caqli badan. Waxay walaalihii
isku qabteen taladii reerka iyo kii noqon lahaa hoggaamiyaha beesha, sidaan
bayna u doodeen:
- Wadaadkii:
waxaan ahay nin aqoon diimeed leh, garanaayana xaqa iyo xaqdarradee ha la ii
daayo talada.
- Geesigii:
waxaan ahay ninka loogu soo dhici waayay beesha, halyeynimadayda baana ku
nagidihiine ha la ii daayo talada reerka.
- Deeqsigii: dadka aan nahay xidid, xasabo iyo xigaalba
deeqdayda bay beeshu kula dhaqan tahaye talada ha la ii daayo.
- M/qabeenkii:
anigu waad ogtihiin oo hantiilaan ahay, kurtiinna waan idin ka xoolo badnahay,
xoolo la’aanna cid lama hoggaamin karee talada ha la ii daayo.
- Caaqilkii:
anigu waad ogtihiin oo nin garaad fiican leh baan ahay, dunidaanna sideedaba
garaad weyn bay ku fadhidaa, nimaan garaad badneynna looma uumin in hoggaamiye
noqdo ee talada ha la ii daayo.
- Laandheerihii:
waad ogtihiin oo rag xoog leh baa ii jooga, dunidaanna ninkaan tiro sheegan
taladiisu ma meelmarto ee talada ha la ii daayo.
Waxay
doodaanba waa is mari waayeen. Caaqilkii baa wuxuu soo jeediyay mar haddaan
taladii ku heshiin weynay aan u tagno dad waxgarad ah oo noo garsoora. Sidii
baana la isku afgartay.
Walaalihii
waa isa soo raaceen waxayna u yimaadeen degmo lagu maleenayay rag waxgarada.
Markay soo hoyaadeen oo la sooray baa loo sheegay in waaberigii waxgaradkii u
imaanayaan. Aroortii hore baa rag u yimid. Waxay ku yiraahdeen nimanyahow;
waxaa dhawaan noo imaanaya raxan libaaxyo ah, waxaana degmada dhaqan u noqotay
in subax walba qof geedkaas loogu xiro. Haddaan saas la yeelinna degmadoo dhan
bay baabi’inayaan. Waxaan idin ka rabnaa inaad nin libaaxyada loo xiro u soo
saartaan. Walaalihii waxaa ku dhacay amakaag iyo waxaan la filayn. Wax lagu
hadlo ayaa la garan waayey. Caaqilkii baa yiri raggii degmadow iska taga
annagaa qof u soo saareynnee. Markay ka tageen, baa libaaxyadiina soo muuqdeen.
Walaalihii geedkii qofka loogu xiri jiray bay yimaadeen. Markaasaa caaqilkii
yiri: geesi walaalaheen mid ma xiri karnee na difaac. Geesigii wuxuu yiri; sidee
u difaacaa intaas oo libaax, xaggeese ka keenaa hubka aan ku difaacayo?
Caaqilkii baa haddana yiri; deeqsi kaasho waxtarkaagiiyo na difaac. Wuxuu ku
jawaabay; maxay deeqi ka taraysaa bahalladaan dad-qaadka ah? Caaqilkii baa
yiri; war haye maalqabeen hantidaada badan nagu difaac. Suu yeh; walaaow hanti
maxay saacaddaan ka tari kartaa bahalladaan? Oo bariirtii cabsida wajiga la
kaduuday. Caaqilkii baa haddana yiri; laandheere adiga iyo wiilashaada badan na
difaaca maanta, suu yeh wiilashayda iyo aniguba waa ku jariiracoonnaa libaaxa, haddana
walaalow meesha maba taagnaan karo oo ismajiiray. Caaqilkii wuxuu ku jeestay
shiikhii oo yiri; war adaa diin badan yaqaane, quraan nooga akhri bahallada, suu
yeh: alamtara iyo watiinba ku akhriyay soona dhaaf oo ismajiiray.
Caaqilkii
baa yiri; haddaba ka durka geedkoo bal waxaan sameeyo arka.
Raxantii
oo markaas soo istaagtay buu u yimid oo ku yiri: nimankaas meesha taagan baan
mid idiin xireynnaa, waxaase ninka aan idiin xireynno jirkiisa ka md ah cad,
kiinnii cunaa uu ku waarahayo oo uusan waligii dhimaneyn ee giddigiin idin kuma
filnee midkee u daysaneysaan?
Gooshii
baa soo boodday oo tiri anaa dir libaax u qaraabee waa aniga, saa aarkiibaa
il iyo goonkeed fujiyay, markaasaa intii kalana labo labo isu qabsadeen.
Intay bahalladii is heysteen baa caaqilkii walaalihii u yeeray oo yiri intay
isku jeedaan warmeeya. Sidii baa la yeelay bahalladiina dhammaan halkii baa
lagu laayay.
Markaas
kadib baa dadkii dagmadu meeshii bahallada lagu laayay soo dhoobtay, mise
bahalladii dadka ka dhammeystay meeshay wada kogsan yihiin. Waxay la yaabeen sida
dhibka yar ee bahallada loo laayay. Markaasaa la waydiiyay walaalihii awoodda
ay adeegsadeen iyo kooda fikirkii lagu laayay lahaa. Waxaa loo sheegay
xirribtii caaqilka ee bahallada isku dirtay. Dadkii aad bay u farxeen waxayna
soo dhaweyn iyo sooryeyn ugu cesheen walaalihii. Subaxii dambe ayay walaalihii yiraahdeen
waxaan rabnaa waxgaradka degmada. Si farxad leh ayaa loogu keenay dhawr nin oo
waxyaqaan wada ah. Walaalihii waxay jeediyeen arrinkoodii. Markii la dhageystay
baa waxgaradkii soo showray. Go’aankii waxay ku yiraahdeen; nin walba oo idinka
idin ka mid ahi wuxuu ku fiican yahay qeyb ka mid ah arrimihiinna, waxaase isku
kiin hagi kara Caqilkee talada u deysta. Sidii bayna walaalihii ku heshiiyeen
nabad iyo baraarana ugu sii nagaadeen.
webkan aadbaan usoo dhawaynayaa
ReplyDelete