Tuesday, December 24, 2019

Dhulkii Kaydka Ahaa iyo Dadkii La Waleeceeyay (Reserve Area and Traumatised People)




Dhulkaan aan ka hadlaynno wuxuu kamid ahaa dhulalkii Ingiriisku hoos geeyay Gumeysigii Itoobiya (Abyssinian Colonization) sannadihii 1948 (Dhulkii Hawd) iyo 1954 (Dhulkii Kaydka). Heshiisyadii iyo abaabulladii dhulalkaas lagu wereejiyay oo laga qariyay Dadkii Soomaaliyeed ee aagaggaas degganaa waxay soo bilawdeen 1897.

Maalintii ay Ciidammadii Xabashidu cagaha soo dhigeen dhulalkaas, waxaa Dadka Soomaaliyeed u bilawday dhibaatooyin aan ka la joogsi lahayn, wuxuuna dadku la kulmay dhibab baaxad leh oo ay si arxan darro u geysanaayeen Ciidammadii Xabashidu iyo horgalayaashii Soomaaliyeed oo marar badan indho u ahaa cadawgii burcadka ahaa.

Dhulka aan hadal haynno waa meeshii aan ku dhashay, waa meesha ay awowyaashay ku aasan yihiin, qeyb ahaanna waa meesha qolodaydu wali deggan tahay. Sidaas darteed, baan waligay ku xirnaa arrimaha iyo sooyaallada dagalladaas.

Markaan yaraa oo aan qoysaskayagii reer miyiga ahaa la joogay, waxaan xusuustaa, iyadoo dad iyo duunyaba laga cararo marka la maqlo guuxa baabuurta ama xitaa raadkooda, waxaanna ku kornay iyadoo la wada aamminsan yahay, in ciidan, madax ama maamule kastoo ka yimaada dhanka Addis Ababa yahay dhib-side maaggan jawrfallo. Waxaan qaayibnay in Itoobiya tahay; jihadii sharka (evil’s direction) iyo dhanka dhibaatoo dhan nooga timaaddo.

Waxyaalaha aan maskaxdayada meel uga weynnay walina aan fahmi la’anahay waxaa kamida, sida ay suurtogal u tahay in qoysaskayaga deggan C/waaq, Balanbballe, Dhabbad iwm ay seere kala gooya u la yeelan karaan isla qoysaskayaga deggan Ceelgaab, Doh, Doollo iyo Ceelcad oo wada ah dagalladaydii soo-jireenka ahaa. Waxaa ka loo maankayaga geli weyday, walina gali la’ dawlad aannaan maamulkeeda matalaad ku lahayn oo aan magaceeda iyo muuqeedaba ka baqno oo hadalkay joogto noogu oran jirtay ahaa: "hitaa baati, qushaashaa, leebaa iwm" oo haddana dhib mooyee, waligeed aan dheef dhankeeda nooga imaan, sida loogu sheegi karo inay tahay dawlad aan ka tirsannahay, taas oo ay tahay inaan sharciyadeeda ku dhaqanno!.

Liyu Police iyo Isbeddellada Itoobiya:
Sida la wada og yahay ciidankaas waxaa la asaasay wixii ka dambeeyay 2007 kadib, markii dh/dhaqaaqii ONLF weerar ku qaaday shaqaalihii ku hawllanaa qodista shidaalka Dhulkaan Soomaali Galbeed. Markuu ciidankaasi shaqada bilaabay ilaa maantadaan wuxuu waday xasuuq ba'an, kufsi baahsan, dhac iyo ciqaab-wadareed aan hore looga sheekayn, wuxuuna reebay sheekooyin lama-illaawaana oo la xiriiray dhibabkii waaweynaa ee ay ummadda dhulka deggan u geysanaayeen. 

Sidaas darteed, magaca Liyu Police waxaa ku lammaan cabsi iyo argagax, laga ma-na filan karo ciidanka magacaas leh wanaag iyo waxtaarasho. Waxaa dheer intaas, maadaama Ururkii ONLF uu u badnaa qabiilka Ogadeen waxaa loo badiyay xubnaha Liyu Police-ka is la qabiilkaas oo loola dan lahaa in lagu warjeefo jabhaddii iyo intii raacsanayd. Waxaa arrintaas dambe ka dhashay in xubnaha ciidankaas oo lagu sii kordhiyay xubno badan oo jabhaddii ka tirsanaa loo arko inuu qolo gooniya yahay, taasoo abuurtay in dareenka hab qoleedka ee Soomaaliyeed loo arko qolo huwan magac maamuul. 

Dawlad Goboleedka Soomaali Galbeed: 
In kastoo dadka degaannadu soo wada mareen dhibab baahsan oo aan cidna loo aabba yeelin, haddana waxaan halkaan si gooniya farta ugu fiiqaya daggalladaan aan anigu qolo ahaan ka soo jeedo oo maalmo kahor uu ka dhacay dagaal dad badan ku dhintay:

1- Horta waa in la wada fahmaa in dadka dhulkaan deggan uu qabo nabarro durugsan oo xagga maanka iyo jirkaba ah (mental and physical trauma). Dadkaas xanuunnada nafsaaniga lagu abuuraayay muddada dheer, oo haddana loo arko in ciidanka Liyu Police-ku qeyb ka ahaa waxyeelladii badanayd ee gaartay dadka, fikrad qumman noqon mayso in is la asagii lagu fasaxo. Ciidan ammaanka suga wa la ma huraan, laakiin waa inuu noqdaa mid isaga anshaxiisu toosan yahay, waana inay weheliyaan saraakiil iyaga ilaaliya dhaqan-xumada ay caadeysteen iyo xubno dadka u dhimriya oo ku baraarujiya siyaalaha markaas jira. Waxaa ka horreeya, intaan xoog iyo cagajuglayn la is ku dayin in wax lagu toosiyo, baraarujinta dadweynaha iyo iyagoo laga qeyb geliyo hawlaha oo dhan. 

2- Dadkaan laga waxyeelleeyay dhan kasta in ciidan looga dhigo kii wax u toosinaayay, waa kasmo liidata, waayo dadka dhibabkaan oo kale ku dhacaan waxaa loo sameeyaa barnaamijyo xaaladahooda dib u hagaajinaaya ee cudub iyo amarro mutuxan wax wanaajin maayaan.

3- Dagallada aan si gaarka u soo qaaday, baaxad ahaan wuxuu noqon karaa gobol, laakiin hal dagmana loo ma samayn, halka aagag badan oo ka dhul yar loo sameeyay degmooyin, taas oo loo turjuman karo in colaadintii xoogganayd ee dadkaan lagu hayn jiray wali nooshahay, amaba aan loo aqoonsanayn inay dalkaba wax ku leeyihiin. Si kasta oo ay ku dhacday-ba arrintaasi, sidee looga fili karaa inay maamuusaan ciidammada laga soo diray maamul aysan matalaad ku lahayn oo walbia ka yimid Jihadii Sharka?

4- Waxaan maalin kahor dhageystay go'aanka Maamulka DGSG ee Jigjiga oo leh waa in dadka xuduudaha deggan hubka laga dhigaa oo waliba xoog lagu meel mariyaa amarrada. Taas macnaheedu waa dabkii shidnaa batrool ha lagu damiyo, sababtoo ah, dadkii Jiho kasta waligood colaaddu uga furnayd hubka ha laga dhigo maangal maaha. Haddiise dan la moodo sidaas, waa in dhammaan qabiillada isku mar hubka laga dhigaa, kadib markii kalsooni la abuuray.

5- Wax-ka-qabadashada dhibabka baahsan ee aagga ka jira waxay u baahan yihiin barnaamijyo cilmiyaysan oo laga hor mariyo qoriga lala ordaayo iyo kaqeybgalka dadka degaanka oo loo qoondeeyo waxyaalaha ay xaqa u leeyihiin.
Image result for socrates
Ugu dambayn dadweynaha deggan dhulka aan goonida uga hadalnay oo aad mooddo inay dhacdo-lanool yihiin, waxaan oran lahaa, bulsho walba oo meel dunida ku nool waxay leedahay higsi, qorshe guud, qorshe-hawleed iyo maamul agaasima arrimaheeda ee ogaada meel kasta oo aad joogtaan waxaad u baahan tihiin is-maamul iyo is-qaddarin, haddii sidaas la waayana, waxay noqonaysaa in qeyrkiin idiin taliyo, idinkuna qasbanaataan.





  

Tuesday, November 12, 2019

Jabhadda Qabiiliga Xagjirka ee Soomaaliyeed (Somali Extreme Tribal Front)


Jabhadda Qabiiliga Xagjirka ee Soomaaliyeed

(Somali Extreme Tribal Front)

Image result for sheikh sharif, xasan sheikh iyo cosoble



 Marka hore aan qeexno xisbi siyaasadeed iyo jabhad hubaysan:

1-Xisbi siyaasadeed (political party): waa qeybo dadweynaha kamida oo ku midaysan fikrado xagga siyaasadda kadibna hab isu abaabula, magac u gaarana yeesha. Xisbigu wuxuu leeyahay mabaadi’ iyo higsi qeexan oo uu ku hanto quluubta dadweynaha uu rabo in uu u taliyo, wuxuuna adeegsadaa hab nabdoon oo aan lahayn hadallo colaadeed ama siyaalo gacan-ka-hadal keeni kara. 

 2- Jabhad (resistance): waa dhaqdhaqaaq isu abaabula inuu xoog ku muquuniyo xukuumad jirta ama xoogag qabsaday dalka markaas laga hadlaayo. Aalaa jabhaddu waxay adeegsataa xoogga si ay u la wareegto talada dalka.

Waxaan waayahan maqlaynnay xisbiyo Soomaaliyeed oo lixa oo is bahaystay oo la baxay; Midowga Xisbiyada Soomaaliyeed(MXS). Madaxda xisbiyadaas waxay waayahaan si is dabajooga ugu hadlaayeen erayo dhiillo xambaarsan iyo hurin colaadeed. Hadalladii ugu darnaa waxay soo yeereen dhawaan, iyadoo M/W hore Sh. Shariif, hadallo dhaar iyo cagajuglayn xambaarsan uu ku tiraabay, waxaana hadalladiisa ku jirtay inay garab taagan yihiin saaxiibbo cusub oo ka kaalin doona riditaanka Xukuumadda Sharciga ee Soomaaliyeed. 

     Haddaba, waxaa habboon in midowga xisbiyadaan aan lagu qaldin xisbiyada siyaasadeed, waayo marba hadday doonayaan inay xoog wax ku beddelaan, xibiyo maahee waa jabhado hubaysan. Waxaa arrinta jabhaddaas is bahaysatay sii calwinaaya, dhammaantood ama intooda badan xubnahoodu waa isku hayb. Sidaas darteed, ururkaasi waa jabhad qabiili ah oo xag-jira (extreme tribal front). Haddaba, wuxuu ururkaan noocaan ahi ku masoobayaa ururada xag-jirka ee dunida ka jira sida; KKK-da Maraykanka oo rumaysan in isirka cad kaliya uu mudan yahay.

Waxaan ururkaan u bixinaynnaa: Jabhadda Qabiiliga ee Xagjirka ee Soomaaliya (Somali Extreme Tribal Front). 

Maadaama, jabhaddaani u muuqato mid ka la qeybinaysa Ummadda Soomaaliyeed, oo ka la door bidaysa, iyadoo qaarna mudnaanta kowaad siinaysa, qaarna u aragta inaysan mudnaan sii ridan lahayn, waxaa qumman in fikradahooda gurracan si wadajira looga hor tago, talada dalkana aan marna loo oggolaan, maadaama, fikradahoodu halis ku yihiin midnamada Ummadda Soomaaliyeed.  

Monday, August 26, 2019

DARAJANA ILAAH BAAN, DALLACAAD KA SUGAYAA



Maansadaan oo soo baxday 11/07/2009 waxay u taagan tahay tusaale uu bixiyey qof inta lagu gardarrooday aan haddana dawgiis la marin. Waxay muujineysaa sida qofka qumman u dhaqmo iyo dareenka uu ka qabo gaboodfalayaasha. Magacyadu waa kuwa dhab ah.

Abti doora yeeshoo
Daahigii Dhoorriyo
Diricii Dhagallaabee
Deebaaniga ahaa
Nuur-xaad dirkiisiyo
Waliyada dawaafiyo
Culumida digriyeysee
Diiwaankii nabigii
Deegtooda saaroo
U duceeya uunkaba
Durrayddoodii baan ahay
Waxaan ahay mid daahira
Kibirkana ku dookhoo
Waxaan doono mooyee
Lay ma duufsan karayoo
Dacay lay ma suri karo
Waxaan ahay mid deeqtoon

Danta guud yaqaannoo
Diintana u garaboo
Daacidnimada jeceloo
Iimaanku deeqoo
Dullinnimo ka maagoo
Diifeynin shacabkoo
Xumahana ka doodoo
Danyartana u hiiloo
Ka dagaala maaggoo
Deeleeya samahoo
U darnaanin uunkoo
Aan dullaalin meydkoo
Xaqana u duubmoo
Fahmaduna u duxatoo
Aqoontana ku daabmoo
Beentana ka diidoo
Dibnihiisa furayoo
La dardaarmi ubadkoo
Duluc fiican sheegoo
Taariikhda duuggaa
Iyo daalaadhicii
Xilligii daboolnaa
Xilligii dambeetaba
Ku dabiiba xaalkoo
Waxaan ahay mid diirshoo
Dabajoog ma yeeloo
Daadihis ma raacoo
Daalali sareetaan
Waligay ka daartaa

Daar-dhuuq luggooya
Daandaan wareeriyo
Sawaabkii dabaadiya
Doqon goomoweyn iyo
Dabandeeb aan joogeyn
Dabatada la kaashado
Docdocoo-lihii iyo
Isha dabaha kaa jira
Uurkii daboolnaa
Xumahana ku daa’ima
Odaygii darooriya
Habartii dareen galo
Dubaaqooda waan garan

Dadka waa ciseeyaa
Midkuu doono yeelki
Ninna u ma darraadoo
Ma khiyaamo duuloo
Ma khasaaro doontoo
Ma dacaamo qurunoo
Dadka xoolihiisana
Abidkay ma daamicin
Dar-Allaan ku noolaa

Waxay ciinka daaqdaa
Haadaan ka duushaa
Dabeyluhu is dhaafaan
Cirku roobka diidaa
Dhulku daah madowiyo
Mugdi soo daboolaa
Baddu doonyaheediyo
Agabkeeda duugtaa
Duurjoogtu carartaa
Dugaagguna caroodaa
Dihatana dhanqalantaa
Daacuun halaagiyo
Daaf iyo xuunuuniyo
Dacluustii timaaddaa

Daandaansigii iyo
Weerarkii dabreyntaba
Marka la ila doontee
Kibir la iigu sii daro
Dafiraad la raacshee
Digashana timaaddee
Diinnaheyntu badatee
Xaajadu dellegantee
Dalbajuuco dhigatee
Naxariistu dawrtee
Dannigii xumaadee
Liibaani durugtee
Darandoorri noqotee
Dabarkeed hallaabee
Daqarkeed ballaadhee
Ruux daweeya weydee

Waxaan samir dugaaloo
Dallaalimada dhawroo
Daldaloolka awdoo
Ceebaheeda daahshoo
Ku dahaaro xuuboo
Iska daa iraahdaba
Marka la is dalqamiyoo
Garawshiyo la diidaan
Faraskayga Doollaal
Ma dakaamaheygii
Duhurweerar galinoo
Duufaan sideedii
Daallimiinta marinoo
Daarahooda jabinoo
Dugsigooda duminoo
Darajana ilaah baan
Dallacaad ka sugayaa

ERAYADA:
Daahi: qof caqli badan, garaad dheeriya leh.
Deebaani: xarig xoog badan oo inta badan isku xira doonta iyo farmaanka docdiisa midig.
Deeg: mar waa duudka ama dheegga, marna waa eray fardaha lagu joojiyo.
Durriyad: ka tirsan ama ku abtirsada, nasab ahaan raaco.
Dookh: madaxa xanuujiya, wareer.
Duufsi: qof falkuu rabo ku jeediya qof kale.
Dacay: xarig lagu xiro bishinta neefka oo lagu wado.
Deeqtoon: isku filan, hodan, tanaad.
Diif: raadka diihaalka ama cudurka ku reebo qofka.
Deeleyn: af u yeelid, soofeyn. Qurxin.
Duubmoo: dhanka walax la duubayo loo wado.
Daalaadhac: waqti la soo maray oo hadba si ahaa.
Diirin: qandac ka dhigid, in yar kululeyn.
Daalalli: kob ka mid ah cirka. Xilliga dayrta, waaxda 3aad ee degmooyinka xiddigaha.
Daaradhuuq: dheef ama wax kale oo aan dadka wada deeqeyn oo markaas qof u qarsoon.
Daandaan: tabaryari in lala dhaco lagu sigto, sirinsirqo.
Dabandeeb: noqnoqod badan, sii socda, soo socda.
Dabaadi: marka la soconaayo had iyo jeer gadaal socda, haraa.
Sawaab: aan caqli laheyn, doqon, dabbaal.
Docdocoole: qofka hadba dhaqan muujiya, labowajiile, munaafaq.
Daroori: hadal faro badan oo la isku daba xiro, daldalan.
Dubaaq: dareenka maskaxda ee qofka, maan.
Duul: dad, dooyo, dar, cid, col.
Dacaam: dheef, cunto, quud.
Daamic: dheef ama wax kale raba. Hunguri badni, xad gudba si uu dantiisa u gaaro.
Ciin: geed aan caleemo laheyn oo caano leh, hadduu geelu cunana ku sumooda.
Dihato: naflaha dheddig markay wax dhasho.
Dacluus: xanuun oogada dhan saabta, juucjuuc, tacluus.
Diinnaheyn: falalka ka horreeya marka labo dibi’ ishardinaayaan, dhoollotus.
Liibaan: ladnaan, barwaaqo, sareedo.
Dallaalimo: meel dusha sare maryo looga waray si milicda looga harsado.
dalqamin: sameynta fal si loo hadlo.
Dalbajuuco: waa qofka oo qaab xun u muuqda.





















































































Friday, February 1, 2019




Image result for sabian religion
               Al-Saabi’a (الصابئة‎)          
Image result for sabian religion










Waxaa hubaala, kuwaas rumeeyay iyo kuwaas Yuhuudda iyo Masiixiyiinta, iyo Saabi’iinta [wa’l-saabi’een ], mid kastoo rumeeyay Allaah iyo Maalinta U-Dambaysa  oo sameeya falal wanwanaagsan inay abaalmarintooda ka helayaan Eebbahood, xaggoodana ma jiri doonto cabsi, mana noqon doonaan kuwa murugooda”                  [al-Baqarah 2:62]
Saabi’adu waa diin aad u fac weyn oo ka horreysay dhammaan diimaha samaawiga, waxaana magaca Saabi’a (Xalato)  uu ka soo jeedaa Afka Aramayga oo afkeedii hooyo ah. Waxay markii hore diintaas laga rumeysnaa; Xaaraan (Turkiya), Urshaliim (اورشلىم), Hindiya, Yeman, Cummaan, Itoobiya, Iiraan, iyo Ciraaq.
Meelaha kale, dadkii diintaas raacsanaa waa ka tirmeen ama  way qarsoomeen, Ciraaq bayse ku dambeeyeen Saabi’iintu. Waxaa kaloo loo yaqaan Saabi’iinta Reer Ciraaq; Al-Mindaa’iya (مندائية) oo macnuhu yahay, Ogooleed.  
Waxaa Saabi’yada lagu rumeysan yahay, in Eebbe mid qura yahay  oo an la labayn, magacyada ay Ilaahay ugu yeeraanna waxaa kamida; Noolaha Weyn (الحى العطىم) waxaana Saabi’iintu haystaan kitaab lagu magacaabo Kinsu Rabbaa (كنزربا) oo ay rumaysan yihiin inuu yahay Kitaabkii Nabi Aadan (cs). Waxay ka loo si weyn u rumeysan yihiin, Nabi Shiid (شيث‎)-cs oo ahaa yaraankii Nabi Aadan (cs) iyo Xaawo, waxayna is la isaga u rumeysan yihiin awowga ay ka soo firmeen. Nabiga ugu dambeeya ee ay aad u rumeysan yihiin waa Nabi Yaxya (cs). Waxay ka loo xurmeeyaan dhammaan nabiyadii Eebbe sida; Nabi Ibraahim (cs) iyo Nabi Akhnuukh (cs).  
Tiirarka Diinta Saabi’ada ama Mandaa’iyada waa shan:
1-   Xayul Qayuum: waa Eebbaha weyne, inuu yahay mid kali ah oo jiri jiray waligiis, jirina doona waligiis.

2-   Salaad: markii hore salaadihii lagu waajibiyay shan bay ahaayeen, waxaase seddex ka dhigay Nabi Yaxya (cs)’, oogta hore intaan qorraxdu soo bixin mida, harkii marka qorraxdu dhanka kale u rogmato mida iyo markay qorraxdu dhacdo mida. Hameynkii la ma tukado, salaadahoodoo dhanna sababo jira awgood waa la jamcin karaa. Weysadooda waxay ugu yeeraan ‘Rashaama’ waxayna u eg tahay tan muslimiinta. Qibladoodu waa dhanka Waqooyiga, sidaas darteed, baa loogu maleyn jiray inay xiddigaha caabudaan, sidaas-na maahee, waxay rumeysan yihiin in jannadu xagga Waqooyiga jirto. Salaadda waxay gutaan iyagoo taagan, laakiin hore u yar janjeera waxayna aqriyaan tuducyo ama aayado ku qoran kitaabkooda/ Kinsi Rabbaa (كنزربا) oo macnuhu yahay; (Khasnaddii Weyneyd "great treasure"). Waxay leeyihiin guri lagu cabaadeysto oo loogu yeero Al-Manda’i ama Gurigii Ogaalka (المندئ). Guriga Ogaalka waxaa waajib ah in laga dhiso dhanka waqooyi ee wabi leh biyo qulqulaya, waana in albaabkiisu u jeedo dhanka Koonfureed.

3-   Soon:  b) soonka weyn: waa ka-fogaanshaha dunuubta Eebbe ka caroodo sida; dilka, sinada iyo tuugada 
               t) soon-yare: waa in sannadkii laga soomaa hilbaha muddo 30 cisho ah, shardina maahan inay isku xigxigaan ee waxaa loo qeybinayaa bilaha sannadka, waxaana dhici karta in hal maalin bil ku soo aaddo. 
    4-   Is-Dhaqid/Is-Xalitaan (الصباعة): waa tiirka ugu weyn Diinta Saabi’ada, waxaana shardi ah in qofku lumbado ama maquuro biyo socda (biyo fadhiya maya). Siyaalo ka la duwan baa is-dhaqiddu waajib u tahay sida; in ilmaha dhasha la dhaqo/lumbiyo 30 jeer, hadduu lab yahay iyo gabadha oo 31 jeer la dhaqo/lumbiyo. Is-dhaqitaanku waa badan yahay oo waxaa jira kan guurka, waayeelka iyo kan maydka. Aalaa is-xalidda waxaa la sameeyaa maalinta Axadda waana in qofku soo xirtaa maro ka kooban shan qeybood (waa dharka lagu waajib yeelay Manda’iyiinta.
5-   Sako: qofka Saabi’iga waxaa waajib ku ah inuu hantidiisa wax ugu sadaqeysto dadka saboolka, in loo xaddiday iyo waqti loo qabtayna ma jiraan.
Wadaadk: qofka wadaadka noqonayaa waa inuu lab yahay, ilaa toddobo awowana uusan lahayn cillad xagga jirka ama dhimirka waxaana loogu yeeraa ‘Xalaali’. Waxaa jira wadaad-caawiya oo loogu yeero: Shakandah, wuxuuna qabtaa hawlaha sida; aasidda maydka iyo gawraca xoolaha, waxaana shardi ah inuu guursado gabar bikro ah. Waxaa ka loo jira in wadaadka ugu weyn oo loogu yeero ‘Ginsirabbi’ oo ah kan haya Kitaabka Kinsi Rabbaa. Waxaa ka loo jira qof loogu yeero ‘Riish’ oo ah ninka mas’uulka ka ah arrimaha guud ee Ummadda Mandaa’iga. Jagada qof aadane ah uu gaaro waxaa loogu yeeraa ‘Raabbi’ waxanaana kaligiis gaaray Nabi Yaxya (cs). 
Ciidaha: b) Ciidda Banja (Bisha Aadaar): waa shan maalmood oo ay rumeysan yihiin in lagu abuuray iftiinka/nuurka iyo malaa’igta. t) Ciidda Tacmiidka ama Is-Xalista (Bisha Aayaar): maalintaas waxaa is daahiriyay Nabi Yaxye (cs). j) Ciidda Weyn waana Ciidda Is-Xalista Weyn: waxaa lagu sugnaadaa guryaha muddo 36 maalmooda. x) Ciidda Yar: waa maalintii Jibriil ku noqday xagga cirka/samada.
Gawraca: waxaa gawraca wadaad (Shikandah) waxaana neefka loo jeediyaa dhanka Waqooyi, waxaana la akhriyaa aayado laga soo xigtay Kitaabka Kinsi Rabbaa, hameynkiina in wax la gawraco ma bannaana. 
Guurka: in la is furaa ku ma bannaana Diinta Saabi’ada, waxaase marar dambe la oggoladay is-furitaanka dadka isu dhali waayay iyo haddii midkood dhaqan-xumo la yimaado. Xafladaha guurka waa labo; lumbinta labada is guursaday biyo qulqulaya, kadib markay soo xirteen dhar arrinkaas loo gooni yeelay iyo inay fariistaan labadii is guursatay waab laga sameeyay geedka qasabka, waliyadoodii iyo wadaadkii meherintu waabkaas bay la fariistaan. Waxaa seddex jeer la weyddiiyaa ninkii guursanaayay inuu oggol yahay meherinta, gabadhana 2 jeer. Ninka Mandaa’iga waxaa loo oggol yahay inuu guursado ilaa afar dumara. 
Nolosha Dambe/Geerida Kadib: qofku markuu dhinto waxaa lagu dhaqaa biyo laga keenay wabiga, waxaana loo xiraa maro shan qeybood ka kooban. Waxaa ku akhriya aayado laga soo xigtay Kinsi Rabbaa wadaad, intuu wado akhriskana waxaa loo keenaa cunno gaara oo uu is la meesha ku cuno. Waxaa hawlahaas loo sameeyaa si ruuxda qofku uga ambabaxdo qofka jirkiisa waxaana la rumaysan yahay in ruuxdu guurigii qofkii dhintay joogto ilaa seddex maalmod, kadib ruuxdii waxay aaddaa dhanka Waqooyiga, waxayna tagtaa meel lagu miisaamo oo lagu jimeeyo ruuxdii Nabi Shiid (شيث‎)-cs,  waayo waxaa lagu rumeysan yahay Saabi’ada inuu Nabi Shiid ruuxdiisu ahayd midda ugu dhammaystiran uguna daahirsan dadkii Noolaha Weyn abuuray. Markaas kadib, ruuxdii waxay aaddaa meel la yiraahdo; ‘Madaharaati’ oo ah meel ay joogto maal’ig u gaar ah nadiifinta arwaaxda ilaa ay lamid noqoto tii Nabi Shiid ( شيث‎). Waxay meeshaas ruuxdu joogtaa kumanaan sano ama malaayiin sano, kadibna waxay u socdaashaa xagga samada/cirka.
Waxyaala Kaloo Ay Saabi’iintu Rumeysan Yihiin: 
1-   Dumarka waa inay xirtaan dhar asturaya, waxayna u labbistaan sida dumarka muslimiinta ee is astura.

2-   Korsashada ilmaha oo ah inuu noqdo ilmo aad dhashay waa xaaraan xitaa hadduu ilmuhu yahay Manda’i.

3-   Gudistu waa xaaraan, haddaad is guddana diintaas waad ka baxday.

4-   Haddaad Manda’i tahay, kaliya waxaad guursan kartaa qof Manda’i, haddaad sidaas dhinac martana diintii waad ka baxday.

5-   Hilbaha xoolaha leh afarta addin, kaliya waxaa laguu banneeyay ariga lab. Waxaa laguu banneeyay hilbaha shinbiraha iyo kalluunka qolofta leh.

6-   Khamrigu waa xaaraan.

7-   Ninka diinta waxaa ka reebban inuu timaha madaxa ama kuwa garka xiiro. Diintaan la ma oggola in naagi wadaad noqoto. 

Si kastaba ha ahaatee, Diinta Saabi’idu waa loo dhashaaye la ma galo.