Tuesday, December 24, 2019

Dhulkii Kaydka Ahaa iyo Dadkii La Waleeceeyay (Reserve Area and Traumatised People)




Dhulkaan aan ka hadlaynno wuxuu kamid ahaa dhulalkii Ingiriisku hoos geeyay Gumeysigii Itoobiya (Abyssinian Colonization) sannadihii 1948 (Dhulkii Hawd) iyo 1954 (Dhulkii Kaydka). Heshiisyadii iyo abaabulladii dhulalkaas lagu wereejiyay oo laga qariyay Dadkii Soomaaliyeed ee aagaggaas degganaa waxay soo bilawdeen 1897.

Maalintii ay Ciidammadii Xabashidu cagaha soo dhigeen dhulalkaas, waxaa Dadka Soomaaliyeed u bilawday dhibaatooyin aan ka la joogsi lahayn, wuxuuna dadku la kulmay dhibab baaxad leh oo ay si arxan darro u geysanaayeen Ciidammadii Xabashidu iyo horgalayaashii Soomaaliyeed oo marar badan indho u ahaa cadawgii burcadka ahaa.

Dhulka aan hadal haynno waa meeshii aan ku dhashay, waa meesha ay awowyaashay ku aasan yihiin, qeyb ahaanna waa meesha qolodaydu wali deggan tahay. Sidaas darteed, baan waligay ku xirnaa arrimaha iyo sooyaallada dagalladaas.

Markaan yaraa oo aan qoysaskayagii reer miyiga ahaa la joogay, waxaan xusuustaa, iyadoo dad iyo duunyaba laga cararo marka la maqlo guuxa baabuurta ama xitaa raadkooda, waxaanna ku kornay iyadoo la wada aamminsan yahay, in ciidan, madax ama maamule kastoo ka yimaada dhanka Addis Ababa yahay dhib-side maaggan jawrfallo. Waxaan qaayibnay in Itoobiya tahay; jihadii sharka (evil’s direction) iyo dhanka dhibaatoo dhan nooga timaaddo.

Waxyaalaha aan maskaxdayada meel uga weynnay walina aan fahmi la’anahay waxaa kamida, sida ay suurtogal u tahay in qoysaskayaga deggan C/waaq, Balanbballe, Dhabbad iwm ay seere kala gooya u la yeelan karaan isla qoysaskayaga deggan Ceelgaab, Doh, Doollo iyo Ceelcad oo wada ah dagalladaydii soo-jireenka ahaa. Waxaa ka loo maankayaga geli weyday, walina gali la’ dawlad aannaan maamulkeeda matalaad ku lahayn oo aan magaceeda iyo muuqeedaba ka baqno oo hadalkay joogto noogu oran jirtay ahaa: "hitaa baati, qushaashaa, leebaa iwm" oo haddana dhib mooyee, waligeed aan dheef dhankeeda nooga imaan, sida loogu sheegi karo inay tahay dawlad aan ka tirsannahay, taas oo ay tahay inaan sharciyadeeda ku dhaqanno!.

Liyu Police iyo Isbeddellada Itoobiya:
Sida la wada og yahay ciidankaas waxaa la asaasay wixii ka dambeeyay 2007 kadib, markii dh/dhaqaaqii ONLF weerar ku qaaday shaqaalihii ku hawllanaa qodista shidaalka Dhulkaan Soomaali Galbeed. Markuu ciidankaasi shaqada bilaabay ilaa maantadaan wuxuu waday xasuuq ba'an, kufsi baahsan, dhac iyo ciqaab-wadareed aan hore looga sheekayn, wuxuuna reebay sheekooyin lama-illaawaana oo la xiriiray dhibabkii waaweynaa ee ay ummadda dhulka deggan u geysanaayeen. 

Sidaas darteed, magaca Liyu Police waxaa ku lammaan cabsi iyo argagax, laga ma-na filan karo ciidanka magacaas leh wanaag iyo waxtaarasho. Waxaa dheer intaas, maadaama Ururkii ONLF uu u badnaa qabiilka Ogadeen waxaa loo badiyay xubnaha Liyu Police-ka is la qabiilkaas oo loola dan lahaa in lagu warjeefo jabhaddii iyo intii raacsanayd. Waxaa arrintaas dambe ka dhashay in xubnaha ciidankaas oo lagu sii kordhiyay xubno badan oo jabhaddii ka tirsanaa loo arko inuu qolo gooniya yahay, taasoo abuurtay in dareenka hab qoleedka ee Soomaaliyeed loo arko qolo huwan magac maamuul. 

Dawlad Goboleedka Soomaali Galbeed: 
In kastoo dadka degaannadu soo wada mareen dhibab baahsan oo aan cidna loo aabba yeelin, haddana waxaan halkaan si gooniya farta ugu fiiqaya daggalladaan aan anigu qolo ahaan ka soo jeedo oo maalmo kahor uu ka dhacay dagaal dad badan ku dhintay:

1- Horta waa in la wada fahmaa in dadka dhulkaan deggan uu qabo nabarro durugsan oo xagga maanka iyo jirkaba ah (mental and physical trauma). Dadkaas xanuunnada nafsaaniga lagu abuuraayay muddada dheer, oo haddana loo arko in ciidanka Liyu Police-ku qeyb ka ahaa waxyeelladii badanayd ee gaartay dadka, fikrad qumman noqon mayso in is la asagii lagu fasaxo. Ciidan ammaanka suga wa la ma huraan, laakiin waa inuu noqdaa mid isaga anshaxiisu toosan yahay, waana inay weheliyaan saraakiil iyaga ilaaliya dhaqan-xumada ay caadeysteen iyo xubno dadka u dhimriya oo ku baraarujiya siyaalaha markaas jira. Waxaa ka horreeya, intaan xoog iyo cagajuglayn la is ku dayin in wax lagu toosiyo, baraarujinta dadweynaha iyo iyagoo laga qeyb geliyo hawlaha oo dhan. 

2- Dadkaan laga waxyeelleeyay dhan kasta in ciidan looga dhigo kii wax u toosinaayay, waa kasmo liidata, waayo dadka dhibabkaan oo kale ku dhacaan waxaa loo sameeyaa barnaamijyo xaaladahooda dib u hagaajinaaya ee cudub iyo amarro mutuxan wax wanaajin maayaan.

3- Dagallada aan si gaarka u soo qaaday, baaxad ahaan wuxuu noqon karaa gobol, laakiin hal dagmana loo ma samayn, halka aagag badan oo ka dhul yar loo sameeyay degmooyin, taas oo loo turjuman karo in colaadintii xoogganayd ee dadkaan lagu hayn jiray wali nooshahay, amaba aan loo aqoonsanayn inay dalkaba wax ku leeyihiin. Si kasta oo ay ku dhacday-ba arrintaasi, sidee looga fili karaa inay maamuusaan ciidammada laga soo diray maamul aysan matalaad ku lahayn oo walbia ka yimid Jihadii Sharka?

4- Waxaan maalin kahor dhageystay go'aanka Maamulka DGSG ee Jigjiga oo leh waa in dadka xuduudaha deggan hubka laga dhigaa oo waliba xoog lagu meel mariyaa amarrada. Taas macnaheedu waa dabkii shidnaa batrool ha lagu damiyo, sababtoo ah, dadkii Jiho kasta waligood colaaddu uga furnayd hubka ha laga dhigo maangal maaha. Haddiise dan la moodo sidaas, waa in dhammaan qabiillada isku mar hubka laga dhigaa, kadib markii kalsooni la abuuray.

5- Wax-ka-qabadashada dhibabka baahsan ee aagga ka jira waxay u baahan yihiin barnaamijyo cilmiyaysan oo laga hor mariyo qoriga lala ordaayo iyo kaqeybgalka dadka degaanka oo loo qoondeeyo waxyaalaha ay xaqa u leeyihiin.
Image result for socrates
Ugu dambayn dadweynaha deggan dhulka aan goonida uga hadalnay oo aad mooddo inay dhacdo-lanool yihiin, waxaan oran lahaa, bulsho walba oo meel dunida ku nool waxay leedahay higsi, qorshe guud, qorshe-hawleed iyo maamul agaasima arrimaheeda ee ogaada meel kasta oo aad joogtaan waxaad u baahan tihiin is-maamul iyo is-qaddarin, haddii sidaas la waayana, waxay noqonaysaa in qeyrkiin idiin taliyo, idinkuna qasbanaataan.





  

1 comment:

  1. Wax saaxib congrulatation armaha itobia iyo qadiya soomaliyeed aad iyo aad baan kugu racsanahay oo anigu waxan ku dhashay meel juuq la dhaho oo duleedka ToogWajale marka xanunka axmarka wan wadgnaa hanblyo
    Saaxib inchAllah iyoguul soomali

    ReplyDelete