Jabhadda Qabiiliga
Xagjirka ee Soomaaliyeed
(Somali Extreme
Tribal Front)
Marka hore aan qeexno xisbi siyaasadeed
iyo jabhad hubaysan:
1-Xisbi siyaasadeed (political party): waa qeybo dadweynaha kamida oo ku
midaysan fikrado xagga siyaasadda kadibna hab isu abaabula, magac u gaarana
yeesha. Xisbigu wuxuu leeyahay mabaadi’ iyo higsi qeexan oo uu ku hanto
quluubta dadweynaha uu rabo in uu u taliyo, wuxuuna adeegsadaa hab nabdoon oo aan
lahayn hadallo colaadeed ama siyaalo gacan-ka-hadal keeni kara.
2- Jabhad (resistance): waa dhaqdhaqaaq isu abaabula inuu xoog
ku muquuniyo xukuumad jirta ama xoogag qabsaday dalka markaas laga hadlaayo.
Aalaa jabhaddu waxay adeegsataa xoogga si ay u la wareegto talada dalka.
Waxaan
waayahan maqlaynnay xisbiyo Soomaaliyeed oo lixa oo is bahaystay oo la baxay;
Midowga Xisbiyada Soomaaliyeed(MXS). Madaxda xisbiyadaas waxay waayahaan si is
dabajooga ugu hadlaayeen erayo dhiillo xambaarsan iyo hurin colaadeed.
Hadalladii ugu darnaa waxay soo yeereen dhawaan, iyadoo M/W hore Sh. Shariif,
hadallo dhaar iyo cagajuglayn xambaarsan uu ku tiraabay, waxaana hadalladiisa
ku jirtay inay garab taagan yihiin saaxiibbo cusub oo ka kaalin doona
riditaanka Xukuumadda Sharciga ee Soomaaliyeed.
Haddaba, waxaa habboon in midowga xisbiyadaan aan lagu qaldin
xisbiyada siyaasadeed, waayo marba hadday doonayaan inay xoog wax ku beddelaan,
xibiyo maahee waa jabhado hubaysan. Waxaa arrinta jabhaddaas is bahaysatay sii
calwinaaya, dhammaantood ama intooda badan xubnahoodu waa isku hayb. Sidaas
darteed, ururkaasi waa jabhad qabiili ah oo xag-jira (extreme tribal front).
Haddaba, wuxuu ururkaan noocaan ahi ku masoobayaa ururada xag-jirka ee dunida
ka jira sida; KKK-da Maraykanka oo rumaysan in isirka cad kaliya uu mudan
yahay.
Waxaan ururkaan u
bixinaynnaa: Jabhadda Qabiiliga ee Xagjirka ee Soomaaliya (Somali Extreme
Tribal Front).
Maadaama, jabhaddaani u
muuqato mid ka la qeybinaysa Ummadda Soomaaliyeed, oo ka la door bidaysa,
iyadoo qaarna mudnaanta kowaad siinaysa, qaarna u aragta inaysan mudnaan sii
ridan lahayn, waxaa qumman in fikradahooda gurracan si wadajira looga hor tago,
talada dalkana aan marna loo oggolaan, maadaama, fikradahoodu halis ku yihiin
midnamada Ummadda Soomaaliyeed.
No comments:
Post a Comment