Tuesday, December 18, 2018

Al-Khawaarij (الخوارج)


Image result for mukhtar robowImage result for khawarij                                                                            




Kooxahaas loo yaqaan al-Khawaarij oo iyagu isu yiqiin al-Shuuraa ( الشراة‎,) waxay soo if baxeen waaga loo yaqaan; Waagii Fidnada. Waagaas wuxuu bilaabmay markii la dilay Cusmaan ibnu Cafaan ( عثمان بن عفان) oo ahaa Khaliifkii Seddexaad ee Islmaaka. 

Cusmaan hooyadiis waxaa la oran jiray Carwa bintu Kureys oo ay dhashay Ummu Xakiim binutu Cabdulmudalib, sidaas darteed, wuxuu xagga hooyo xigto dhaw ka la ahaa Nabi Max’d (CSWS). Wuxuu Cusmaan (CS) guursaday Ruqiya oo ahayd ina Nabi Max’d, markay ka dhimatayna wuxuu guursday Ummu Kaltuum oo iyana ahayd ina Nabi Max’d (CSWS). Sidaas darted, baa loogu yeeri jiray; Dul Nuureyn (ذو النورىن)  oo macnuhu ahaa; Labo Iftiinle.

Cusmaan wuxuu ahaa nin hantiile ah oo wax badan xoolihiisii wax ka taartay muslimiinta, wuxuuna qolo ahaan ka soo jeeday banu Ummeyaha oo jifo Qureesheed ahayd. Sannadkii 644-tii baa loo doortay Khaliifkii Muslimiinta. Is la markuu xilka qaaday-ba wuxuu qaaday tillaabooyin uu ku horumariyay dhaqaalaha, wuxuu ka loo horseeday in diintu si xooggan u fiddo oo gaarto ilaa Khorasaan ama Afqanistaan-ta maanta.


Si kastaba ha ahaatee, waxaa sannadihii ugu dambeeyay lagu eedeeyay maamulkii Cusmaan musuqmaasuq. Kadib, markii ay soo if baxeen eedaymuhu buu Cusmaan isugu yeeray guddoomiyaashii 12-kii gobol ee markaas ay dawladdii muslimiintu ka koobnayd. Waxay guddoomiyaashii ku la taliyeen Cusmaan inuu u diro dhammaan goboladii dalka ergooyin lagu kalsoon yahay si ay warbixin sugan uga keenaan cabashooyinkii jiray. Sidaas darteed, baa waxaa loo diray Kuufa, Max’d ibnu Musaylamah, Basrah waxaa loo diray Cusmaan ibnu Sayd, Suuriya waxaa loo diray Cabdullaahi ibnu Cumar, Masar-na waxaa loo diray Cammaar ibnu Yaasir. Dhammaan ergooyinkaasi warbixinno fiicfiican bay ka soo gudbiyeen meelihii loo diray marka laga reebo Cammaar ibnu Yaasir oo aan kuba soo noqon Madiina oo markaas xaruntu ahayd, wuxuuna ku biiray kacdoonkii Masar ee kadhanka ahaa Cusmaan.

Markay halkaas marayso, buu damcay Cabdullaahi ibnu Sacad oo ahaa Guddoomiyihii Gobolkii Masar inuu tillaabo ka qaado kacdoonkii Masar ee ka soo horjeeday Cusmaan, kan dambaana diiday tillaabadaas. Cusmaan (CS) wuxuu soo jeediyay inay dhammaan kooxaha mucaaridka ah iyo madaxda gobolladu isugu yimaadaan Maka xilliga xajka, wuxuuna ballanqaaday in sheega-shooyinka runta ku salaysan wax laga qaban doono. Sidoo kale, wuxuu Cusmaan faray Cabdullaahi ibnu Sacad inuu yimaado Madiina si markaas arrimaha kacdoonka Masar wax looga qabto. 


Intuu soo maqanaa Cabdullaahi, baa waxaa afgambi ka dhigay Masar, Max’d ibnu Xudayfa, waxaana afgambigaas taageeray asaxaabtii waaweynaa ee nabiga qaarkood sida, Subayr ibnu Cawaam, Dalxa iyo Caasha bintu Abuubarkar oo iyadu ku dhawaaqday in Cusmaan madaxa la soo jaro. Wuxuu maamulkii afgambigu Masar ka soo diray ciidan dhammaa 1000 nin, waxaana la soo faray inay Cusmaan dilaan xukunkana la wareegaan. Sidoo kale waxaa Kuufa iyo Basrah laga soo diray ciidammo kale. Ciidankii Masar ka yimid wuxuu u soo jeediyay Cali ibnu abu Daalib inuu noqdo Khaliifka oo Cusmaan baddalo, isna waa diiday. Ciidankii Kuufa wuxuu Subayr ibnu Cawaam u soo jeediyay inuu isu taago khaliifnimada, halka ciidankii Basrah uu garab istaagay Dalxa. 


Si kastaba ha ahaatee, 17-kii, bishii 6-aad, sannadkii 656-dii bay ciidammadii gadoodsanaa gurigii Cusmaan gadaal uga soo dhaceen, kadibna waxay gudaha aqalkiisa ku dileen Khaliifkii 3-aad, waxay-na ku dhaawaceen Nayla oo xaaskii Cusmaan ahayd.


 Markii Cusmaan la dilay waxaa loo soo jeediyay Cali ibnu abu Daalib inuu noqdo khaliifkii 4-aad wuuse ka maagtay arrinkaas, wuxuuna ku saleeyay diidmadaas in taageera-yaashiisu u badnaayeen kooxihii kacdoonka waday, kala-qeybsanaanna jirto. Xoogaggii kacdoonka waday waxay diginin siiyeen dadweynihii Madiina iyagoo ku gooddiyay haddii aan go’aan la gaarin, inay iyagu tillaabo adag qaadi doonaan.

 Markii dambe, waxaa lagu kulmay Masjidkii Nabiga (الـنَّـبـوي‎,الـمَـسـجـد). Kulankaas wuxuu dhacay 18-kii bishii 6-aad, 656-kii waxaana lagu doortay Cali (CS). Doorarshadii Cali waxaa is la markiiba ka gadooday Mucaawiya ibnu abu Sufyaan oo ahaa guddoomiyihii gobolka Suuriya, xigto dhaw-na la ahaa Cusmaan ibnu Cafaan, wuxuuna ku dooday in kuwii dilay Cusmaan oo ka tirsan xoogaggii taageersanaa Cali la soo qabqabto oo la maxkamadeeyo. Markii sidaas suurtoobi waydayna waxaa bilawday dagaallo ba’an oo galaaftay muslimiin badan, kuwaas oo saldhig u noqday khilaafka ilaa maanta ka dhex oogan dadyowga muslimka. 

Dagaalladii ba’naa ee dhex maray xoogaggii Mucaawiye iyo kuwi Cali waxaa kamid ahayd Dhacdadii Sifiin (وقعة صفين). Dagaalkaas xooggiisu wuxuu dhacay 26-kii bishii 7-aad ilaa 28-kii bishii 7-aad, sannadkii 567-dii Masiixiga Dabadi. 

Waxaa u caddaatay dhinicii Macaawiye in laga adkaanaayo, sidaas darteed, waxay warmahoodii sureen Kitaabka Qur’aanka, waxayna codsadeen dhexdhexaadin iyo in la tixraaco kitaabka Eebbe. Soojeedintaas Cali waa u dabcay, waxaase ka gadooday siduu yeelay kooxahaan markii dambe loogu yeeray al-Khawaarij. Waxay Khawaarijtu ku doodeen; in guusha Alle keenay, xukunna kaligiis leeyahay in la beddalaana ay gaalow tahay. Waxay yiraahdeen, haddii Cali raacsan yahay xeerarka Eebbe, waxay ahayd inuu dilo Mucaawiye iyo ciidammadii taageersanaa. Sidaas darteed, waxaa ka goostay baa la yiri ciidankii Cali ilaa 6000 oo nin. Waa halkaan meesha magaca al-khawaarij uga yimid; iyadoo macnuhu yahay ‘kuwii  baxay’...Is la khawaarijtaas, baa markii dambe Cali dishay.

In kastoo ujeeddooyin-kooda laga dareemaayay inay rabeen hufnaanta diinta, haddana waxayaalahay ku dhaqmaayeen waxay ahaayeen kuwo xad-dhaafa sida; waxay aammineen in qofkii aan iyaga xagga fikirka diininga ka raacin uu yahay gaal, waajibna tahay in la dilo, waxay qaayibeen in qofkii gala dambi sida, khamro-cabbista iyo xanta inuu yahay gaal, tahay-na in la dilo, waxay ka dayriyeen islaanimadii culumadii waaweynayd sida, ibnu Cabbaas, ibnu Sacuud, Caasha iyo xitaa Nabi Max’d (CSWS).

 Iyagoon aqoon badan lahayn bay go’aansadeen arrimo badan oo aysan natiijooyin-kooda ka fakarin. Waxay al-Khawaarijtu bannaysatay inay la diriraan xaakin kasta oo iyaga ugu muuqda inuusan caaddil ahayn, waxay-na muujiyeen inaysan wax tixgelina u hayn xikmadda islaamiga ee ku tiraabta naxariista iyo nabadda. Ogoobey, khawaarijtaas sidaas u dhaqmaysaa, waxay la macalluuleen soon badan, waxayna foolka iyo faruhuba jilif la noqdeen salaad badnaan.

laga soo bilaabo qarnigii 1aad ee islaamka hadba meel dhulalka islmaaka kamid ahayd, bay ka soo baxayeen iyagoo hadba magac wata, waxayse ka sinnaayeen walina ka siman yihiin siyaalahaan: 
1- waxay u badan yihiin dhallinyaro. 2- Inta badan maahan dad xagga garaadka ka gaamuray. 3- Waxay qur'aanka iyo axaaddiista u fasiraan siday iyagu u jecel yihiin. 4- Ma laha faham durugsan oo xagga diinta. 5- Waxay sameeyaan ku-talaxtag xagga cibaadada oo aan loo baahnayn. 6- Aalaa waxay dilaan dadka Eebbe iyo nabiga rumeeyay. 7- Waxay gaarsiiyaan kudhaqanka islaaminimada meel durugsan ilaa ay seeraaheeda-ba gooyaan. 8- Waxay caayaan oo bahdilaan madaxda muslimiinta. 9- Waxay soo banbaxaan marka bulshadu ka la daadato oo colaaduhu jiraan. 10- Ma xushmeeyaan culimada diinta iyo aqoon-yahannada, haddaysan fikradahooda raacsanayn. 11- Waxay aayadaha qur'aanka iyo axaaddiista ku fasiraan si ujeeddooyin-kooda u adeegaysa. 12- Dhinacii fikradahooda diida waxay ku sheegaan murtad. 13- Waxaa dhaqan u ah inay la dagaallamaan madaxda muslimiinta, iyagoo u arka kuwo jawrfala. 14- Waxay dhaqan u leeyihiin inay is qilaafaan, dariiqooyin u qeybsamaan isna laayaan. 15- Waxay ka been sheegaan oraahda diiniga; is-farka wanaagga iyo kahortagga xumaanta "الامر بالمعروف والنهى عن المنكر", waxayna u sheegaan si iyaga u adeegaysa. 

Ururrada magacyada diiniga wata ee dagaallada iyo qalalaasaha ka wada Soomaaliya u ma baahna sharraxaad dheeriya ee kaliya waxaa loo baahan yahay in la barbardhigo ururradii khawaarijta ahaa ee magacyada kala-duwan la bixi jiray, hase yeeshee, sifooyinkoodu isku-midka ahaayeen.

Wednesday, November 21, 2018

Maxammad ibnu Cabdalwahaab-kii Najad (Geeskii Sheyddaanka محمد بن عبد الوهاب‎

Related imageRelated image
Maxammad ibnu Cabdalwahaab-kii Najad (Geeskii Sheyddaanka

محمد بن عبد الوهاب
Maxamad ibnu Cabdalwahaab waa wadaadka loo tiriyay inuu yagleelay Dariiqada al-Wahaabiya ee uu ka dab qaato Ururka Dilaaga ee al-Shabaab. 
Wuxuu ninkaasi ku dhashay Cuyeynaالعيينةoo ku taal Najad oo manta kamida Dalka Sacuudi Carabiya sannadkii 1703-dii. Wuxuu ka dhashay qoys xubno ka tirsanaa ay ahaayeen garsoorro, waayihiisiina aabbihiis iyo walaalkiis ka weynaaba waxay ahaayeen garsoorro, kuwaas oo aad uga hor yimid fikradihiisii diiniga ahaa ee uu markii dambe la yimid. Waxaa loo tababaray fahamka Shareecada (فقه) Mad-habadda Xanbaliya. Wuxuu isku hawlay inuu wax ka barto wadaadkii la oran Jiray ibnu Taymiyaha, laakiin ma gaarin heerkii aqoomeed ee wadaadkaas Mad-habadda Xanbaliyada raacsanaa.
 Waayo hadduu baranaayay arrimaha Fiqiga, wuxuu ka la soo baxay dhawr qodob oo uu saldhig uga dhigay ololihiisii dhiigga badan ku daatay; in tixgelinta badan ee awliyada la siiyaa iyo suufiyadduba ay yihiin diin-ka-bax ama gaalow. Markii hore dad baa ka raacay Cuyeyna waxaana  kamid ahaa xaakim-kii; Cusmaan ibnu Mucammar. Wuxuu isku dayay inuu ibnu Mucammar ku qanciyo inuu ka caawin doono siduu xukunkiisa uga fidin lahaa Najad oo dhan, isagana loo oggolaado inuu fikraddiisa diiniga fidiyo. Wuxuu ku bilaabay in la baabi’iyo qabrigii asxaabigii Sayd ibnul Khaddaab ee meeshaas ku yiil laguna weynayn jiray, in la jaro geedo aad loo xurmayn jiray iyo in dhagax lagu dilo haweeneey qiratay inay sinaysatay.
 Arrimahaas waxaa dareensaday Suleymaan ibnu Max’d Qureyri oo ka dhashay Qoladii Banii Khaalid, kana talin jirin al-Axsaa iyo Qadiif, wuxuuna ugu gooddiyay ibnu Mucammar inuu cunaqabatayn dhanka dhaqaalaha ku soo rogi doono, hadduusan dilin ama cayrin Max’d ibnu Cabdalwahaab.
Ibnu Cabdalwahaab in kooban oo uu ka xaadsaday qoraalladii ibnu Taymiyah buu ku dhagay oo dhan walba u la cararay, meel walbana waa laga diiday, ilaa uu markii dambe yimid magaalo yar oo la oran jiray Darciyah (الدرعية), halkaas oo uu markaas ka talin jiray Maxammad bin Sacuud (Absaxankii Qoyska Reer Boqorka Sacuudiga). Waxaa la sheegay in xaaskii M bin Sacuud ay ka heshay wacdigii ibnu Cabdal-Wahaab, kadibna ay iyadu ka shaqeysay is-fahamkii wadaadka iyo xaakinka, waxayna labada nin galeen heshiis sannadkii 1744-tii. Sababta uu Max’d bin Sacuud u la heshiiyay ibnu Cabdalwahaab, iyadoo dhammaan culumadii iyo wax-yaqaannadii waagaas ay diideen ra’yi-diineedkiisii, waxaa lagu sheegaa, in M bin Sacuud uu asal ahaan Yuhuudda is qarisa ka soo jeeday, jeclaystayna qalloocinta diinta islaamka ee Max’d ibnu Cabdalwahaab waday iyo kan horoo lahaa han siyaasadeed. Waxaa heshiiskaas sii xoojiyay is-guursigii gabadh uu dhalay M ibnu Cabdalwahaab iyo inankii Max’d bin Sacuud ee la oran jiray Cabdi-Casiis bin Max’d. Hab-dhaqanka ah, in qoyska laga soo galo xagga dumarka wuxuu noqday mid lagu barto dhaq-dhaqaaqyadii ka shidaal qaatay Wahabiyada sida; al-Shabaab.
Sida lagu qoray Buugga History of Saudi Arabia ee uu qoray Madaawi al-Rashiid, wuxuu Maxammad ibnu Cabdalwahaab uu ku la wacatay bin Sacuud oo si toosa ugu yir; ii dhaaro inaad jihaad aad diinta ku faafinayso geli doonto oo la geli doonto gaalada (wuxuu u jeeday dadyowgii reer Najad ee muslimka ahaa ee uu isagu gaaleeyay), adiguna markaas waxaad u noqon doontaa bulshada muslimka imaam ama hoggaamiye, aniguna waxaan noqon doonaa hoggaanka arrimaha diinta. Heshiiskaas ama wacatankaasi wuxuu Max’d bin Sacuud u sharciyey inuu ku duulo oo xoog ku qabsado dadkii muslimka ahaa ee agaggaarka ku noolaa, sunni ha ahaado ama shiico ha ahaadee, Max’d ibnu Cabdalwahaab-na waxaa ugu suurtoobay, wixii ugu suurtoobi waayay wacdiga.
 Labadaas nin waxay gundhigeen heshiis sababay in, cunug kasta oo u dhasha reer bin Sacuud uu dhalanaayo asagoo reer boqora, cunug kasta oo ku abtirsada reer Max’d ibnu Cabdalwahaab-na uu dhalanaayo isagooo shiikha (Aala-shiikh). Wuxuu ka loo heshiiskaasi gundhigay in fal kasta oo reer Aala-Sacuud ku kacaan aysan waxba ka oran reer Aala-shiikh, waxaana la wada arkay falalka aadka u xunxun oo qaarkood diin-la’aanta huwan yihiin oo ay ku kacaan xubnaha reer boqor ee Sacuudigu oo reer Aala-shiikna daawanayaan.
Culimadii islaamka ee waayihii ibnu Cabdalwahaab noolayd aad bay uga hor yimaadeen fikradihiisii. Wadaad weyn oo la oran jiray ibnu Max’d wuxuu ku tilmaamay ina Cabdalwahaab, Musayllayma beenlow (الكذّاب مسلمة بن حبيب‎) kaas oo ka soo ifbaxay is la Najad waayihii Nebiga (CSWS).  Wadaad weyn oo Xanbali ahaa oo la oran ibnu Feyruus wuxuu ku tilmaamay Max’d ibnu Cabdalwahaab iyo xertiisii Khawaarijtii Najad. 

Kooxahaas dhibabka badan u keenay ummaddii islaamka ahayd oo mar isku magacaabi jiray Walaalihii Kuwii Eebbe Raacay (اخواان من اطاغ الله) iyo Qoyskii Reer Sacuud oo burcadda ahaa waxaa gacan siiyay Gumeystihii Ingiriiska oo horraantii qarnigii 20-aad dano badan ka yeeshay geygiga Bariga Dhexe iyo hantidii lixaad lahayd ee ay shidaalka ka heleen. Awoodahaas is bahaystay waxay keeneen xasuuq, dhac iyo jawrfal lixaad leh oo loo geystay ummadda islaamka. Dhibabkaas tirada badan oo lagu geystay magaca diinta islaamka iyo sheegada hoggaaminta ummadda, waxay keeneen in manta Dalka Sacuudi Carabiya 5% dadweynuhu diin-la’aan noqdaan (atheist ملحد).

Dhibkii Soomaaliya uu u geystay is-bahaysigaas ba'an aad buu weyn yahay. Ummaddii Soomaaliyeed ee 14-ka qarni muslimka sunniga ahayd ee aadka u jeclayd diinteeda, waxaa mar qura laga dhigay mid aan caqiida lahayn, waxaa laga dhigay hiddaheedii ay ku faani jirtay mid ka soo hor jeeda hab-dhaqanka hagaagsan ee islaamka. Wadaaddii muuqooda lagu farxi jiray ee laga filan jiray kheyrka, waxaa loo rogay kuwo laga baqo oo laga cararo. Gawrac, dhagax-ku-dilid iyo ku-xad-gudubka sharafta dumarka buu la yimid wadaad-u-yaalkii sida waalida u soo xanbaartay fikradihii Geeska Sheyddaanka (قرن الشىظان). Kuwaas oo qaayibay hab-dhaqankaas gurracan waxay maantadaan ka falgelayaan degaannada ummadda Soomaaliyeed iyagoo dilaaya, dhacaaya, baadaaya oo sharafta dumarka ku xad-gudbaaya. 
Waji kalana waa leeyihiin, oo waxay bulshadii ka dhex abuureen is-maandhaaf xooggan oo xagga diinta. Waxay samaysteen masaajiddo u gaara oo ay ugu talagaleen iyaga iyo intii la fikira, waxayna ka samaysteen meel walba oo bulsho Soomaaliyeed ku sugan tahay. Kuwaan dambe, waxay dooriyeen qeybo badan oo hiddihii soojireenka ahaa ah, sida hu'ga iyo magacyada. Adigoo Af-Carabiga si fiican u yaqaan, baa waxaa mararka qaar kugu adkaanaya inaad ku dhawaaqdo magacyada ay u soo amaahdeen carruurta Soomaaliyeed. Waxay meel walba ka oogeen olole Dadka Soomaaliyeed lagu carabaynaayo, sidii iyadoo islaanimada iyo carabnimadu is ku xiran yihiin.
 Waxay la yimaadeen hab ay qoysaska Soomaaliyeed ku maamulayaan oo ay maalin nololeed-kooda iyo hantidoodaba u la wareegayaan. Waxaa dhaqammadooda silloon kamida inay reerka ka soo galaan xagga dumarka iyagoo furanaaya, haddii seygu iyaga ka maagana ku diraaya xaaskiisa, dhaqankaas oo ah kii Max'd ibnu Cabdalwahaab uu ka bilaabay Darciya Qarningii 18-aad.
Aad bay u fududdahay in la fahmo ujeeddooyinka ay ka lahaayeen xoogaggii abuuray al-Shabaab iwm. Waxay uga gol lahaayeen in diinta islaamka ee xaniifka iyo dadweynaha muslimka la is nacsiiyo si markaas midnimadu u wiiqanto oo awoodda ummaddu u taagdarrayso, kadibna sidii la doono looga danaysto. Waxaa arrintaas dambe, tusaale u ah, sida maanta dhinicii doonaa u soo faragelinaayo dhulalka Soomaaliyeed iyadoo marmarsiinyuhu yahay, waxaa lala dagaallamayaa argagixiso. 

Thursday, October 11, 2018

Waa Ku Ma Siyaasiga Wanaagsan?

Related image

Related image
              Related imageRelated imageRelated image

Siyaasiga wanaagsan waa kan: 

    ·       Rumaysan (Faithful): wuxuu rumeysan yahay Weynaha wax walba         maareeya, wuxuuna og yahay in qorshe walba isaga ka soo fulo, sidaas darteedna wuxuu ahaada mid iimaan leh oo ku xasila qoondaha Eebbaha sarreeya. Wuxuu aamminaa naftiisa, hadduu go'aan gaarana wuxuu talo saartaa Awoodlaha weyn. Marna ma qawado qaddarta, ku mana mashquulo qeybintiisee wuxuu u hawlgalaa siduu wax san u tari lahaa, inta uu ifka joogo. 
     
·       Af-yahan ah (Polyglot): afku waa aalad xoog badan, marka siyaasiga wanaagsan dhankiisa laga hadlaayana, waxaa laga rabaa inu aftahan yahay ee uusan ahayn afgocor aan dadka warkiisa gaarsiin karin. Waa inuu si wanaagsan u yaqan afka bulshadiisa oo waliba wax ka yaqaan suugaanta. Marka uu siyaasigu xigto maah-maah ama oraah kale oo xikmadaysan wuxuu soo jiidanayaa dareenka dadweynaha. Hadduu yaqaanno afguriyada (lahjadaha) dadweynaha dalkiisana wuxuu ka dhex noqdaa hal-tusaaleed aad loo tixgeliyo. Hadduu afafka kaloo waaweyn ee dunida looga hadlo uu wax ka yaqaanna, tixgelintaa u kororta. 
·       Dareen abuuriina oo wanaagsan leh (Good instinct): waa kan markiiba garan og arrimaha bulshadiisa ka dhex oogma oo saamaynta leh. Wuxuu judhiiba garan karaa arrimaha wax-dhimaalka u leh dadkiisa iyo dalkiisa, kadibna wuxuu u hawlgalaa siduu wax uga taaran lahaa.

·       Go’aan adag leh (Datermined): maalintay taagan tahay in arrimaha qaranka uu siyaasiga u yahay go’aamo adadag loo go’aansho, wuxuu ahaadaa mid aan ka leexan go’aanka iyo mabda’iisa.  

·       Diboloomaasiyad leh (Diplomacy): waa inuu leeyahay  dhaqan dibolomaasiyeed oo uu dhawro anshigeeda.

·       Leh awoodda dhageysiga (Listening skills): wuxuu awood u leeyahay inuu dhageysto qof kasta oo bulshadiisa kamida, yar iyo weyn.

·       Anshax leh (Morality): wuxuu si muuqata iyo si daahsoon-ba uga sarriigtaa dhaqan-xumida iyo u-turid-la’aanta dalka iyo dadkiisa, wuxuuna ka dhawrsadaa tusaale ahaan, kutagrifalka hantida dadweynaha ama in uu u leexsho xigtada amaba xeelaysiga siyaasadeed.

·       Maskax furan leh (Open minded): isagoo markii horaba lahaa garaad abuurriina oo fiican buu kasbadaa waayo-aragnimo iyo aqoon, kadibna wuxuu yeeshaa aragti fog, feejignaan iyo dhimir uu markiiba ku ka kala garto qallooca iyo qummanaanta.  

·       Raacsanaan leh (Loyalty): wuxuu si dhammaystiran daacad ugu noqdaa qarankiisa iyo xeerarka qarankaas, mana dhici karto in siyaasi wanaagsan uu daacadnimada dalkiisa uu dal kale la wadaajiyo. Wax walba oo uu si muuqato ama si qarsoon u qabanaayo, waa inay kaliya ku qotantaa danta guud ee dalkiisa. Mar hadduu gees maro qodobbada daacidnimada oo tusaale ahaan dal kale oo wada qorshayaal wax  u dhimaaya uu la shaqeeyo ama isagu saldhig siyaasadeed ama ciidan ka yeesho dal kale, kadibna dalkiisa colaad iyo kala-dhantaal kale u soo abaabulo, kaasi siyaasi xun kaliya maaha ee wuxuu leeyahay magacyo badan sida; khaa’in, qaran-dumis, dabo-dhilif iwm.

·       Lahasho leh (Passion): wuxuu si dhaba ummaddiisa ugu deeqaa qalbi naxariis leh, si uu taas uga dhabeeyaana wuu u turaa kuwaa taagta yar. Si turaalkaas dhab u sii noqdana wuxuu aad u dhawraa ammaanada. Mar hadduu gacan toogaaleeyo qasnadaha qaranka, wuxuu ahaadaa dhurwaa xaaqaa ah (scavenging hyena). Waa yaabe, nin baa leh siyaasi waddani ah baan ahay oo waxaan u taagnahay hoggaanka qaranka, haddana wuxuu si cad u gurubsanayaa xoogaagii dadkoo dhan ka dhaxeeyay, wuxuu adeegyadii dadweynaha ka dhex aruursanayaa lacago uu naftiisa u rabo, bal daya muudalkaas oo isagii cabanaayo ama dhinacyo kale eedaynayo.   

·       Dulqaad leh (Patience): waxaa loo jeedaa, waa inuusan ahayn koranwaa aan wax sugi karin. Marba hadduu siyaasi u yahay ummad dhan, wuxuu og yahay in dadku ka la habab iyo hannaan duwan yahay; wuxuu leeyahay mid afxun, mid kohasho badan, mid hunguri xun, iwm. Sidaas darteed siyaasiga wanaagsan wuxuu dulqaad u leeyahay gefafka iyo gardarrooyinka, isaguse waa is ka dhawraa gefidda.

·       Geesinimo leh (Bravery): siyaasiga wanaagsan wuxuu geesi ku yahay caddaaladda, wuxuuna naftiisa u huraa ama go’aanno halisa u qaataa sidii caddaaladdu u hirgeli lahayd. Hadduu markaas xukun hayo wuxuu maamulkiisa saldhig uga dhigaa  caddaalad iyo sinnaan, haddii uu hadlaayana wuxuu warkiisu noqdaa mid dheellitiran oo aan gebidhaclayn lahayn.

·       Adadkaansho leh (Toughness): wuxuu ahaadaa madaale, hawlkara oo danta guud u qumay. Wuxuu ahaadaa mid ku ad-adag mabda’a uu rumeysan yahay, wuxuuna si adag uga hortagaa cadawga qarankiisa, xubnaha bulshadiisana aad buu ugu turaa.

·       Damqasho leh (Empathy): wuxuu ka damqada waxyeello kasta oo dalkiisa ama/iyo xubnha dadkiisa soo gaarta. Wuxuu u gurmadaa kuwa gargaarka u baahan. Wuxuu ka sarriigtaa inuu dadkiisa isla-weyni u muujiyo ama uu ka hor muujiyaa xoolo badan oo uu ka tabcaday adeeggii loo igmaday.

·       Madaalnimo leh (Tirelessness): wuxuu ku talax tagaa hawlaha dalkiisa, wuxuuna tusaale u noqdaa inta kale, isagoo muujinaya sida uusan marna uga daaleyn u-shaqeynta dalkiisa.

·       Kafiirsasho leh (Thoughtfulness): siyaasiga wanaagsan wuxuu aad uga fiirsadaa tillaabooyinka uu qaadaayo iyo erayada uu oranaayo, wuxuuna ka taxadaraa in go’aamadiisa iyo hadalladiisu dalkiisa guuldarrooyin u keenaan.

·       Xeelad leh (Tact): siyaasiga wanaagsan, waxaa lagu yaqaan in uu leeyahay higsi uusan marna ka hareyn. Si higsigaas uu u gaarana wuxuu sameeyaa xeelado ama tabo uu qorshahiisa ku meelmariyo. Siyaasiga wanaagsan ma adeegsado, isku-dir, dhagar iwm, ee wuxuu aamminaa Tabaha nadiifka ee wax lagu hanto.  

·       Maadlow ah (Humor): wuxuu leeyahay waji furan iyo hannaan soojiidasho leh. Waa kaftanlow, isagoo ujeeddadiisa u dan leh ayuu dadka ka qosliyaa. Si uu dadka uga dhaadhiciyo qorshahiisana, wuxuu hadalladiisa ku maldahaa maadeyso.

·       Madax-bannaani leh (Independency): siyaasiga wanaagsan waa qof xor u ah fikradihiisa iyo falalkiisaba. Siyaasiga ay dawlado ama dadyow kale wataan oo gadaal ka riixayaan ama ku shaqeeya ujeeddooyin dhinacyo kale leeyihiin, kaasi kaliya maaha inuu yahay siyaasi xun ee waa doqon aad u liita oo dhaafsaday qarankiisii dhamma sandareerto yar. 

·       Samohoodnimo leh (Optimism): siyaasiga wanaagsan wuxuu bulshadiisa u abuuraa ididiilo wanaagsan, wuxuuna ku geeddi geliyaa bash-bash iyo barwaaqo soo beegan oo uu saadaalinaayo kuna dadaalaayo gaaristooda, wuxuuna ku dadaalaa inuu culaysyada nafsaaniga bulshadiisa ka yareeyo.

·       Waayo-aragnimo leh (Experience): siyaasi wanaagsan lagu ma noqdo; jaakado qurux badan, hanti badan, qolo laana oo laga dhasho, qurux xagga jaaha iyo xitaa maaddo aqoonta kamida oo uu qofku ku takhasuso. Waxaa siyaasi wanaagsan lagu noqdaa qodobbo is biirsaday oo waayo-aragnimadu door weyn ku leedahay.

·       Miyirqab leh (Not insane): waalidu waa jirro waana jaadad badan tahay, waxaana jira dad xanuunkaas qaba oo la moodaayo inay fiyow yihiin. Qofkaas xanuunsan oo u soo labbistay siyaasinimo, maaha sda la moodaye waa bukaan naftiisu daryeel u baahan tahay.

·       Laga-heli-karo (Likeability): waxaa halkaan soo galaaya maah-maahdii ahayd; 'qofkii araggiisu ku deeqdaa oontiisu ku deeqdaa', laga ma wado in siyaasiga wanaagsan qurux jirka leeyahay ee waxaa laga wadaa in hummaaggiisa guud soo-jiidasho leeyahay, in hu'giisu nadiif yahay, hab-dhaqankiisu suubban yahay iyo in hadalkiisu milgo leeyahay.

·       Diirranaan leh (Warmth): waxaa laga wadaa inuusan ahayn qof dansan, laalaada ama kala daadsan. Waa inuu leeyahay dhiiranaan iyo firfircooni dadka xaggiisa u soo dabbaalaysa.

·       Diyaarsanaan leh (Willing): hadal kaliya la ma soo shir tagee, wuxuu heeggan u yahay waxqabad, wuxuuna hayaa tabihii uu wax lagu qaban lahaa. Wuxuu u diyaarsan yahay inuu qaato go'aamo adag, is la markaasna wuxuu u diyaarsan yahay dadaal badan, kadib hadduu fashal yimaado wuxuu leeyahay karti uu ku qaayibo, kana faa'iideysto fashalkaas. Wuxuu ka loo leeyahay karti uu ku hadoodalo tabo kale oo wax lagu meelmarin karo.

·       Garaad soofeysan leh (Mental acuity): la is ku ma qaldi karo qof garashadiisu liidato iyo kan leh garaad soofeysan oo wax kale daaye isha wax ku fahmi kara ama duluc ku aasan wararka si qumman u fahmi kara. Marka siyaasigu doqon yahay oo doqonimadiisu aad u muuqato waa sida aan ku aragno siyaasiinta Soomaaliyeed ee waayahan dambe qaarkoode, waa la nacaa muuqaalkiisa iyo hadalladiisa wada hutaanhutada, isna illeen waa doqonkiiye wuu soo malluugnaadaa oo isagoo is la fiican soo qoslaa. Midkaan dambe, waa siyaasi caalle ah oo kaliya leh af wax lagu cuno iyo calool aan buuxsamayn.