Monday, June 20, 2016

Magan Allee Magacaa Ha Jiro (hees dhaqmeed)

Wiilka:
Aabbahay muuq toosanoow
Mayranoow beesha u maleeye
Miigganoow maareynta ku roone
Gabar mareeraan soo arkee
May-cas maad iga bixisidaa
Oo makaan ii yeeshidaa?

Aabbaha:
War mareerkaad ii macnayn
Meelaheer lagama helo
Wankii moolada lahaa iyo
Malyuunnaa laga baxshaa
Rag baa mooska u fadhiya
Malookayn bay heli
Soo maleeg oo meesha keen
Anna macaaneynta igu daa

Wiilka:
Gacalkaan maamuus la tagin
Aabbe maroor buu ka noqdaaye
Makaan gabadhaan lahayn
Dumarku wuu meermeeriyaa
Aabbe miskiinnimada iga daa
Magac gobeed baa meesha yaale
Kaalahyga uun ii muddee

Aabbaha:
Haddaad mareeye i tiri
Murtaa meesha i ag taal
Maqaabe gabadhuu dhalay
Mayran waan kuu doonayaa
Xay-mareer iyo Dhiin-maleeg
Iyo Muraan kuu bixinayaa
Miyirso oo maankaaga geli

Wiilka: Magan Allee magacaa ha jiro
Aabbaha: Magan Alle maamule ahoow


Monday, June 13, 2016

DIINTA ISLAANKA IYO SOOMAALIYA


                      


Image result for somali wahhabism

Dadka Soomaaliyeed waxaa lagu tiriyaa muslimiin wada sunni ah. Wadaraaca hal mad-habad oo islaana, waxay ka soocday dadyowga Afrikaanka ah ee ku meersan oo rumaysan masiixiyadda iyo diimihii hore ee Afrika.

Dariiqooyinka Iyo Cuskashada Awliyada:
Ku-fidintii S/liya diinta islaanka waxaa door weyn ka qaatay hababka dariiqooyinka. Hababkaas waxay ku xiran yihiin habka Sufism ama suufiyadda. Suufiyaddu waa dh/dhaqaaq ruuxaani ah oo ka dhex bilawday diinta islaanka qarnigii 9aad iyo kii 10aad, meeshii u sarreysayna gaaray qarnigii 12aad iyo kii 13aad. Dhanka S/lida waxay suufiyaddu ka bilaabatay magaalooyinka qarnigii 15aad. Kuwa suufiyadda raacsani waxay goobaan u-dhawaanshaha Eebbe, iyaga oo markaas la kaashanaya wadaad sare oo ay rumaysan yihiin inuu xagga Rabbi karaamo dheeraad ah ku leeyahay. Xubnaha dariiqooyinka suufiyadda waxaa guud ahaan lagu magacaabaa Daraawiish (waaa eray Faarisi ah). Darwiishku waa kan ka go’ay hawlaha dunida oo u go’ay dawga Eebbe iyo u-adeegga bulshada. Dariiqada wadaadka madaxda u ah waxaa la siiyey magaca Shiikh (Carabi: aqoonyahan diimeed).
Daraawiishtu ama xubnaha dariiqooyinku waxay galaan socdaallo joogta ah oo ay dadka diinta ku barayaan, quud-maalmeedkana waxay la kaashadaan isla dadka. Waxaa lagu gartaa digriga/xadrada oo ay erayo diini ah ugu dhawaaqaan si laxan iyo qoob-ka-ciyaar leh iyo waliba hinraag ay si culus ugu neefsadaan. Ujeeddada dikriga iyo hinraaggu waa inuu qofku ka xoroobo jirkiisa, ka dibna ruuxiisa loo qaado xag Eebbe.

Dariiqooyinkii Suufiyadda ee ka hirgalay S/liya:

Qaadiriya: waxaa laga bilaabay Baqdaad 1166-dii MD, waxaana bilaabay Shiikh Cabdulqaadir Al-Jeylaani. Qarnigii 15aad bay Harar soo gaartay, waxaana lagu dhex faafiyay dadka S/lida iyo kuwa Oramada ah. Waxaana inta badan faafiyay wadaaddo S/li ah. Shiikh Cabdiraxmaan Al-Saylici oo dhintay 1883-dii baa noqday wadaadka ugu caansan xagga waqooyiga S/liya. Dhanka koonfurta S/liyana waxay dariiqadaasi ku baahday magaalooyinka sida, Muqdishow iyo Baraawe. 1819-kii baa Shiikh Ibraahim Xasan Jabro ka aasaasay daanta wabiga Jubba xarun dariiqadeed, beeraley ah, waxaana lagu tiriyaa jamaacaddii kowaad ee Soomaaliya. Jamaacadduna waa urur dan iyo dariiqo-wadaaga. Wadaaddada hormoodka ka noqday dariiqada Qaadiriya ee S/liya waxaa ka mid ahaa Sh. Aways Maxammad Baraawi oo la dilay 1909-kii. Wuxuu ku faafiyay dariiqada gudaha dhulalka koonfureed ee miyiga, wuxuuna qoray gabayo carabi ah, wuxuuna isku dayay inuu laxankooda u rogo afka S/liga. Waxaa kaloo sumcad weyn oo awliyadeed ka gaaray Muqdishow Sh. Cabdiraxmaan Cabdullah oo qabriigiisu noqday mid dooxooyinka wabi Shabeelle oo idil laga soo siyaarto.

Idiriisiya/Axmadiya: 

waxaa ka bilaabay Maka Sh. Axmad Ibnu Idiriis Al-Fasi (1760-1837 MD). Waxaa u soo gudbiyay dhanka S/liya Sh. Cali Maye Durogba oo reer Markood ahaa. Saadaashii iyo mucjisooyinkii lagu arkay baa gaarsiiyay martabadda awliyanimada, wuxuuna qabrigiisii noqday mid loo soo siyaaro tago. Dariiqadaan waxay leedahay xilliyada allabariyada ducooyin kooban, waxaase lagu yaqaan khilaawayn culus.

Saalixiya: 

dariiqadaan waxay ka dhalatay khilaaf ka dhex oogmay aasaasayaashii Idiriisiyadda, waxaana Maka ka bilaabay Sh. Maxammad Ibnu Saalix Al-Suudaani 1887dii. Waxay markii hore ku baahday dhulka S/li Galbeed ama Ogadeen, wadaadkii ugu firfircoonaana wuxuu ahaa Sh. Maxammad Guuleed Al-Rashiidi. Wuxuu la dagay dadka Shiidlaha ah ee dega daamanka wabi Shabeelle, wuxuuna yagleelay Jamaacad, wuxuu dhintay shiikhaasi 1918-kii.
Shiikha aad loo yaqaan oo dariiqadaan wadaad sare ka noqday waa Sayid Maxammad Cabdulle Xasan oo ahaa halyeygii gayiga S/liya ka difaacayay gumeystaha 21 sano oo xiriira.

Arlada S/liyeed dariiqooyinka Idiriisiyada iyo Saalixiyada wadaaddadii hoggaanshay waxay inta badan door-bideen inay daamanka wabi Shabeelle iyo Jubba ka yagleelaan jamaacooyin beeraley ah, waxayna wax ka taarteen hababkii waxbeerista. Waxaa dhaqan noqotay in walaalaha dariiqooyinku ka codsadaan duqeyda reeraha dega aagga ay doonayaan inay degaan, inay dhisaan masaajid iyo xarunta dariiqadooda. Marar badan waxaa dhacday in meesha ay dagto dariiqaddu ama jamaacaddu ay noqoto soohdin kala seeraysa labo qolo oo col ahayd. Dhulka la siiyo jameecadda waxay u aragtay ciddii bixisay inay ka helayso barako, maadaama dhulkaas la rumaysnaa in xagga Eebbe loo hibeeyay.


Waxaa kaloo jirtay in loo arkay madaxda laamaha dariiqooyinka inay karaamo leeyihiin, taas oo laga dhaxlo ama la socota qabrigiisa oo noqda qabri-awliyaaad. Dhaqan ahaan waxbarashada wadaaddada d/qooyinka waxaa ka mida barashada dh/qaaqa meerayaasha oo ay ka odorosaan isbeddelka xilliyada iyo socdaallada. Waxaa kaloo loo adeegsadaa xilliyada allabariyada, samatabixinta iyo nasiib-wanaagga. Wadaaddada d/qooyinku waxay hoodada wacan ku bixiyaan xirsiyada oo ay ku qoraan aayado qur’aana.

Inkastoo ay dhaqan noqotay in wadaadka laga fisho barako ama habaar, haddana guud ahaan dadka S/liyeed waxay qaayibeen aragtida asal-raaca ah ee islaanka, oo ku adkaynaysa in falalka qofka inta uu ifka joogo laga abaalmarin doono maalinta la yoobsan yahay ama qiyaamaha. Waxaa kaloo qofka S/liyeed si aada u rumaysan yahay in lur iyo ladnaan wixii Eebbe qofka u qoray uu la kulmi doono.

Cudurrada TB/da , cabburka, qufaca, matagga iyo miyir-beelka, waxaa la rumaysnaa inay keenaan rooxaanta wadaaddada, waxaana dawayn jiray wadaad, iyadoo loo doorbido mid hore uga buskooday xanuunyada uu dawaynayo. Wuxuu adeegsadaa aayado qur’aanka kamida iyo carafta oo S/lidu ku lammaanisay xafladaha diiniga. Waxaa kaloo jira cudur ay keento rooxaan, kaas oo la yaqaan Saar ama Mingis. Rooxaantaan oo la rumaysan yahay inay mid jinni ah tahay waxay ku dhacdaa afada, saygeedii xurguf dhex martay. xanuunkaan waxaa calaamadihiisa ka mida wareer (hysteria) iyo suuxniin.

Xafladda Saarka ee lagu saarayo duulasha jinniga waxaa hoggaansha qof loo yaqaan calaqad. Haweenaydii bukaanka ahayd inta ay dhex majiirayso Saarka, waxay awooddaa inay gasho xaalad khilaawayn ah oo ay uga warranto dhibaha iyada iyo saygeeda dhexyaal. Dhammaadka xafladda Saarkana inta badan waxaa ka soo baxa talooyin lagu sheego in uu qofkii bukaanka ahaa ku dawoobi doono, kuwaasna waxay inta badan noqdaan dhaqaale laga doono dhinicii bukaanka ahaa.

Waxaa kaloo jira dhaqan rooxaanta la xiriira oo loo yaqaan Gelid. Tusaale ahaan, hadday dhacdo in gabar loo ballamay in la guursado looga baxo wacadkii guurka, waxay rooxaantii gabadhu gashaa wiilkii ballantii guurka baalmaray, wuxuuna noqdaa mid la jirrada arrintaas, waxaana la yiraahdaa waa la galay wiilkii. Waxaa kaloo la rumaysnaa in haddii qof ama koox laga itaal roon yahay lagu gabboodfalo ama la dhaawaco ay duulashii qofafkaas (spirits) galayaan kuwii jawrfalka sameeyay. Sidaan la rumaysnaa waxaa bulshada S/liyeed dhexdeeda ku helay dhawris jifooyin laga itaal roonaa.

Qofkii duulashu galaan waxaa lagu daweeyaa aayada qur’aana iyo awaamir uu bixiyo wadaad la rumaysnaa inuu awoodda duulasha mid ka xoog roon leeyahay.

Waxaa kaloo jira dhaqan sooyaala oo lagu xuso dadkii xijaabtay. Waxaa tixgalin dheeri ah la siiyay odaygii, qoys ka soo farcamay ama abtirsiinyo ku aroortay. In kastoo xusaska noocaan ah lagu maldahay diinta islaanka, haddana waxaa la qabaa inuu ka mid yahay dhaqammadii hore ee Kuushta Bari.


Isbaddaladii ijtimaaciga ahaa, hababka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasiga ahaa ee qarnigii 19aad iyo 20aad ku yimid geyiga S/liya, markii dalalkii reer Yurub ee gumeystaha ahaa isku soo fidiyeen arlada S/liyeed, waxay ka dhex abuureen bulshada labo waab oo fikriya; kan hore wuxuu ku doodayaa in isbeddallada cusub gaalayn yihiin, tahayna in loollan adag laga horgeeyo, waxaana waabkaan hormood ka ahaa Sayid Max’d Cabdulle Xasan oo bilawgi qarnigii 20aad hoggaanshay kacdoon lixaad leh oo distuur ka dhigtay dariiqada suufiyadda ah ee Saalixiya. Waabka labaad wuxuu ku dooday in diinta islaanku ahayn fadhiid meel qotoma ee ay la socon karto waa kastoo loo joogo, arrintuna ay ku xiran tahay fahamka dadka ee diinta. Waabkaan dambe waxaa horseed ka ahaa dhallintii S/liyeed oo dalka Masar wax ku baratay, kana dabqaadatay aaraadii mustashraqiintii Masar iyo kacaankii Okt. 1969kii oo isagu la yimid Hantiwadaagga Cilmiga Ku Dhisan. Isla markaasna ku lifaaqay nuxurka diinta islaanka kii Hantiwadaagga.


Markay u bilaabatay barwaqadii batroolku dalalka Khaliijka

Carbeed, siiba dalka Sacuudiga waxay S/liya ugu deeqeen dhismo masaajidyo, deeqo-waxbarasho oo diiniya iyo kutub culuunta islaanka ah, waxaana bilaabmay hiddo-isu-meerin lixaad leh. Laga soo bilaabo waayahaas waxaa ku soo kordhay S/liya dhaqdhaqaaq mayil adag oo si daran u qaba in lagu noqdo asalka diinta, wax walbana lagu beego naska aayadaha Qur’aanka iyo sheekooyinkii dhabta ahaa ee nabi Maxammad (NNKH). Kacdoonkaani ma noqon mid isku kooba baahinta diinta ee wuxuu u istaagay inuu loollan hubaysan ku meel mariyo yagleelka dawlad islaami ah oo aan seere ka lahayn xayndaabka guud ee caalamka islaanka. In kastoo kacdoonkaan Wahabism uu u muuqday mid xoojinaya ku-dhaqanka diinta, haddana wuxuu ku barriiqday istraatijiyadda iyo siyaasadaha waayaha cusub. Kacdoonkaasina si dhoqso ah buu u qayooday, colaadna uga kasbaday bulshada S/liyeed ee hababka dariiqooyinku dhaqan-diimeed u ahaan jireen iyo dhaqan-raacii reer Kuushba.

Si kastaba ha ahaatee, kacdoonkaan dambe ee halka adagi wuxuu raad muuqda ku yeeshay bulshada S/liyeed iyo ku-dhaqankeeda diinta islaanka iyo waliba hannaankeeda siyaasadeed. Si kastoo uu wanaag u xanbaarsan yahay wuxuu u muuqdaa mid ka dhex-abuuray bulshadii raacsanayd halka mad-habad kala-qaybsanaan aan hore u jirin. Wuxuu kaloo u muuqdaa mid ay ka faa'iidaysteen xoogagga caalamiga ee ku foogan colaadinta iyo waxyeellaynta Diinta Islaanka, waxaana la tibaaxaa in dh/dhaqaaq-yadooda lagu dhex-jiro oo hawlo gurracan laga dhex-wado. Sidoo kale, falalkoodu waxay cududdaar u noqdeen xoogaggaas colaadiya islaanka. Siyaalahaasi waxay geyeysiiyeen ummaddii Soomaaliyeed burbur iyo baaba' baaxad weyn. 


Dad badan waxay ugu muuqataa in waxtarka kacdoonkaan dambe uu dhumuc fog ku yeelan lahaa bulshada, haddii kooxaha hoggaanshaa ku xasili lahaayeen waxbarista xubnaha bulshada, wacyi-gelinta guud iyo kobcinta dhaqaalaha oo garwadeennada siyaasadda ururkuna ku fogaan lahaayeen barashada culuunta guud iyo wacaalaha dunidaan gedgaddoonka badan.