Friday, August 30, 2013

Bacrin Nabadgal-yaadeey (hees.....Yamyam 'AUN')

C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa maanso-yahan heerka kowaad ah, haddana wuxuu ahaa dhaqan-yahan ku xeel dheer sooyaalka Soomaalida. Wuxuu ka soo jeeday qoys (Reer Xirsi Ugaas Diini) reer guuraa ahaa oo dagaamaysan jiray Gobollada Dhexe iyo dhulalka Ceelcad, Doollo iyo aagagga ku xeeran oo hadda qaar lagu tiriyo Kiilka 5aad ee Itoobiya. Sida la wada og yahay dhulalkaasi way hawkar badan yihiin, biyuhuna waa ku yar yihiin. Haddaba fiicnaanta ugu sarreysa iyo quruxda lala ashqaraaro waxay daaqsatadu aragtaa kaliya xilliga roobku da'o. Isagoo Yamyam xanbaarsan aragtidaas buu si farshannimo sare leh u soo bandhigay tilmaanta quruxdu leedahay markay joogto aragtida daaqsadaha iyo guud ahaan Soomaalida oo u badan raacato. Dhanka kale, quruxdu waa tan abuurriinka ah waana tan uu sida wacan u tilmaamayo:

Ballanoow xusuustaa
Garashooy bilawgaa
Talooy buunsha bixintaa
Biliceey ammaantaa
Baxnaanooy ogaalkaa
Aniguna baxaan-baxa
Budulkaygii qeexnaa
Aan bilaabo waa kane

Buur dhex taal bad iyo webi
Ballaarkiyo xaddiga le'eg
Kun tallaabo buuxood
Boqol mayl dherer ka ah
Joogga sarana dhaban ka ah
Waa berisamaadyada
Labo sano barwaaqaad
Baadkeedii ugub yahay
Saakana bariisiyo
Intuu roob barqadii helay
Biyo dhigay cammuuddoo
Meelaha bannaan iyo
Togaggeedii buuxaan
Oo kayn bislaatiyo
Tuur-faahis baahdiyo
Bocosha iyo Foocii
Barkadeen xareedoo
Ubax baxay bul iyo shucub
Shinni' malabka baartaa
Baashaalinaysoo
Ka xantaysay baallaha
Baraaraha shinbiruhuna
Biraawaaq-lahoodiyo
Baaqay xardhaayaan
Dhawaaqooda baxayaa
Sad-bursiino yahayoo
Dhegtii culay u baahnayd
Ku bogsooto maqalkaas

Bilicdaa layaabka le
Wali baallaha daymaha
Jalleecada dhankaa bidix
Isha ma ula baydhoo?
Cadceed dhigatay baalkoo
Shuucaac ay bixisiyo 
Birdhicyada xariirtiyo
Casuus baro leh nuur ugub
Daruuraha bur-ciidka
Baalka ugu xinnaysoo
Ganaanoo burqanaayiyo
Biyo gebi ka soo dhacay
Burcad iyo labeen iyo
Intay bilic wadaageen
Midabbada baroorka
Isku biirsadeenoo
Baraafiinku geedaha
Baarkiyo caleemaha
Dacallada ku kala baxay

Adoo taa u beer naqay
Gadaal ma isu babacdoo
Bishoo madaxa keentiyo
Hadda kaaha bari xiga
Ma u baydhay lahashoo
Sida baadi ruux tebay
Tallaabada ma boobtoo?
Fadad bururay galabtoo
Biriir iyo xayaabiyo
Jeegaan beddelashada
Barbarrada u kala kacay
Jeexada bannaanka
Dayax garab la soo baxay
Oo booddadii hore
Barki le'eg qof jooggii
Badda iyo iftiinkuna
Isu-baaqiddoodii
Intay labo bogleeyeen
Qurux bood haldhaa iyo
Biyo dahab sameeyeen
Dareen bogoshadaa iyo
Bed-samaanta aragga le
Naf bugtaa inay farax
Ku bogsooto waa gare
Goortaan la kala baxay
Garabka iyo baallaha
Oon buug is leeyahay
Sow boholyow-yadaadii
Halkaad beerka uga taal
Inaan kuu buseeliyo
Xusuus igu ma soo bixin

Berrin waliba magac lehe
Summad waliba beel lehe
Maansadaydu bayr lehe
Bu'da hadalku meel lehe
Bacrin nabad-galyaadeey
Boqortooya-daydiyo
Masafada ba' leyda
Waxaan buug xusuus liyo
Baal dahaba ugu qoray
Beesha hablaha badan
Waxaan kaaga door biday
Kalgacaly aan baabi'in
Aan basaasinoo lumin
Inaan wadajir beernee
Maskaxdaydu bururtiyo
Laab-boholyowda taal
Erayada ka soo baxay
Garashada ku baanoo
Laamo is bahaystiyo
Sida biixiyo is galay
Jirku ha isku keen baxo! 

Tuesday, August 27, 2013

Markaan Kaligay Tashaday (hees)

Caashaqa kidir baan laa
Kabbo oo ka karriin tiree
Soo anigaan ku tagayey
Allaa kabshee kad iyo
Kaftanka la is dhaafsado
Ku filan noloshaan is iri
Soo anigaan kumbadayey

Naftaydu waxayna karin

Koolleey lama doonayee
Cishqigaan igu sii kordhiyo
Keenaha luquntayda suran
Waa kadis aan daawo leyn

Caloolyowga iyo kurbadu
Faa'iido ma keenayaane
Markaan kaligay tashaday
Go'aankii waxaan ka dhigay
Dookhaygu midkuu kasbaday
Kalsooni inaan iraa;
Kal iyo laab baan rabaa
Kaligi uun baan jeclahay
Kas cad baan doonayaa
Kalyo-adayg baan u ahay
Kayd meel u yaal

Caashaqa inta aan kor tagay

Soo anigaan kiish weyn darsaday
Soo anigaan ku gurayey
Haasaawe kooban iyo
Sarbeeb kaliyaan laa ka badan
Kuuma dhaafi doonee
Soo kan ila tagayey

Naftaydu waxayna karin

Koolleey lama doonayee
Cishqigaan igu sii kordhiyo
Keenaha luquntayda suran
Waa kadis aan daawo leyn

Caloolyowga iyo kurbadu
Faa'iido ma keenayaane
Markaan kaligay tashaday
Go'aankii waxaan ka dhigay
Dookhaygu midkuu kasbaday
Kalsooni inaan iraa;
Kal iyo laab baan rabaa
Kaligi uun baan jeclahay
Kas cad baan doonayaa
Kalyo-adayg baan u ahay
Kayd meel u yaal
   

Sunday, August 25, 2013

16 Hal oo Wada Gartaya (Gabay: Galayax)

Cabdi-Galayax Maxammad Aw-Magan (AUN) wuxuu ka mid ahaa raggii gaanka ku noqday gabayga. Wuxuu ku jiray caaradkii horyaalladii maansada S/liyeed. Cabdi wuxuu ku dhashay kuna koray degaannada Doollo, Doh, Ceelgaab, Galgaduud, Ceelcad, Xagarleey iyo Ximan oo dhammaantood ka tirsan Kiilka Shanaad ee Itoobiyada maanta iyo dhulalka ku beegan ee Jumhuuriyadda S/liya. Cabdi wuxuu ka mid ahaa raacatadii S/liyeed ee degalladaas ku dhaqmay. Sida asaguba qiray wuxuu bilaabay gabayga asagoo gaban yar ah. Wuxuu tiriyay gabayo iyo geeraarro tayo wanaagsan leh oo caan noqday, inta maanso-maalka ahina ay marag ka noqdeen qiradooda.

Sannado badan, kahor intuusan geeriyoon sannadkaan 2013-ka buu Galayax ka gabangaabsaday gabayadii aadka loo xiiseyn jiray. Haddii la weydiiyeyna wuxuu uga jawaabay tixda hoos ku qoran oo uu ku leeyahay lix iyo toban hal oo wada gartaya baan isaga daayay. Gabaygaan Galayax waa cashar dhammeys tiran oo na baraaya sida goorihii hore geyiga S/liyeed looga dhaqmi jiray iyo gadaha cusub oo ay waayahan ku dambeysay. Wuxuu is barbar dhigayaa dhaqammadii suubbanaa oo goor iyo ayaan lagu maamulan jiray nolosha iyo guul-darrooyinkii ka dambeeyay. Hadday tahay gabay, garaad, gu’, gabar la guursado iyo gacal sokeeye ah iyo hadday tahay kala-dambeynta guudba wuxuu leeyahay waxaa jiri jiray xurmo iyo qaddarin kuu yahayba la siin jiray. Wuxuuna ku gunaanaday macne kale waa u waayey ee kani waa adduun- gaddoon, wuxuuna yiri:
   
Awel maanso waataan gurshoo, gooyey waayadane 
In dhawayd ka gabangaabsadoo, wayga garateene
Anigoo an gabin baan nacee, kama galgaaleene
Lix iyo toban haloo wada gartaya, wawga gaabsadaye

Gabaygu waa yaraa Muxummadoow, gaafihii hore
Garka iyo sidaydaas nimaan, guudka ka caddaanin
Ama aan shaarubada oo gotay, iyo gucummo aar yeelan
Goloyaasha lama keeni jirin, gaafka loo tago e

Maantana Gurbood iyo gabdhiyo, gaban yaroo wiila
Iyo Oday guxuushaayaa, guusha loo simaye
Gef inay amuurtaasi tahay, wawga gaabsadaye

Guubaabo iyo gooddiyo, gabay ma daayeene
Haddii aan garwaaqsaday intaan, gu’ iyo Waa Joogay
Nin gaboobay oo oday noqdiyo, guud caddaan ahaye
Gefkii iga dhacaa maanta waa, geeri oo kale e
Inuu godob islaameed i bado, wawga gaabsadaye

Cibaadada ninkii gaar ka mara , guul darraa heliye
Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor iyo ayaanba
Marna kama gidaadeen fahmada, guulle ii qoraye
Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka
Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede
Gelin dhexe habaynkii wardaan, gurayaa laylkiiye
Nin ilaah u go’ay baan ahoo, wawga gaabsadaye

Geddaan anigu soo maray haddaan, gun uga sheekeeyo
Inkastoo barkood go’ay naflaha, geeri bow imane
Raggii Geedka ila joogi jiray, gabalki baa noole
Galkaa Bari Garoowiyo Nugaal, Garacad meesheeda
Gooddiga Hargaysiyo intii, Guban ka hoosaysa
Garloogubay Galbeediyo Jig-Jiga, Goobba dhinaceeda
Garbahaaraleeyiyo dhulkaa, Gedo ka baalleeya
Intaasoon guriyo meelo iyo, gobollo soo sheegay
Anigaa geyiga eebbahay, gabay u teednaaye
Maantana rag badan baw gurmaday, gooha maansada e
Inay wiilal wada guuxayaan, wawga gaabsadaye

Nin gurbooda lama qayrsan karo, guun haddaad tahaye
Midaan hooyadii gurininoo, guriga meeraaya
Aan weli gosheediyo ka bixin, gurada Awrkooda
Hadduu goob walbaba taagan yahay, gabayna tookhaayo
Kolna inaanan garab joogsan karin, wawga gaabsadaye 

Gabay Hawle iyo Raage iyo, Gooni baa lumaye
Cali iyo Gahayr iyo Qamaan, geeri baw timide
Ismaaciilna mawd baa genbiyay, waana tuu go’aye
Afcad wuxuu Gallayreyn ogaa, geesigii dhimaye
Galaaskayga nimankii ahaa, gululi weeyaane
Anna goor dhow baan filahayaa, goof la ii qodo
Inay guurtidii eber yihiin, wawga gaabsadaye

Markaanse gaban ahaa iyo haddoon, gooman oday yeeshay
Intii aniga geed iyo shiriyo, garangar lay keenay
Amaan meelo lagu guulayiyo, gogol ka sheekeeyay
Haddii aanan gabbaro weyn ku helin, guuyo iyo xoolo
Inaan faa'iido laga gaarahayn, wawga gaabsadaye

Haddii aanan gobaadoo dhashiyo, geri ku taabaynin
Ama aanan gamaankii fardaha, gorey ka fuulaynin
Ama aanan garaaddiyo billado, garabka saaraynin
Waxba gooddiggiisiyo ma rabo, gole ka sheeggiise
Inaan galala’diisu i anfacayn, wawga gaabsadaye

Aduunyaduba gaasiran ninkii, gaan ahaan jiraye
Ninkaan gacanta lala laaci jirin, waa gabbanayaaye
Hayeeshee gadaal niman dhashiyo, gefiyaa kacaye
Amba rag baa gabay igu qabsaday, iina goodiyaye
In aduunku gaafaysi yahay, wawga gaabsadaye

Nin ragihi wuxuu galay amuu, gudeyba loo diidye
Haddaad geesi tahay meel walbaba, cadawga guulaaya
Giiryaalihii kula dhashaa gaalo, kaa necebe
Inaan xaasid gacal kuu ahayn, wawga gaabsadaye

Shir la gooday waayeel gabraday, talo la goyn waayey
Guddi ururtay niman gaan ahoo, gararka feeraaya
Xaajada guyaal iyo guyaal gees, u dhici wayday
Garaad iyo wax loo sooci jiray, guud-caddow odaye
Haddana geedka wiilkii yar baa, gic isasoosiine
Haddaanse guurshay kani, waa adduun gees u foorare
Inba aakhir sabankii la galay, wawga gaabsadaye

Gooraan Fardood iyo Darmaan, Galow ka dheeraysa
Sayid maxamed geel iyo lo’ iyo, godol wuxuu haystay
Arlaa’iga wuxuu daar gingimay, gulufna heenseeyey
Gubnigii Daraawiish wuxuu, gaasas bixinaayay
Gumaysiga wuxuu laayay oo, Gaal la diriraayay
Gebogebo intuu dhigay wuxuu, libin ku geeraaray
Wuxuu naago goba guursadoo, aqallo gawriirshay
Intaasoo gallada oo ilaah, ugu gargaaraayay
Gegi buu ka taagnaa cidla’ , maalintuu go’aye
Nimanakii godka u qoday ma cunin, gudurkii duugeede
Gadaal xumida dunidaan arkoo, wawga gaabsadaye

Gabdhaheenna waxaa loo yiqiin, haybad gooniyahe
Goshay xiran jireen maryaha, loo garraarsado e
Gobna waxay ahaayeen intay, guudka dabayeene
Gayaankooda lama laacdamayn, goor iyo ayaane
Maantana gad baa lagu arkiyo, guuldarriyo ceebe
Adigoo gidaar uga horyimid, kaama gudayaane
Garoob waalan iyo waxaa ka haray, goroyo food dheere
Hiddiihiina waa garab mareen, gaar ahaan jiraye
Timihiina gedef bay ka dhigeen, madax ganboor weyne
Iyagoon ninnaba guursan bay, wada ganbaysteene
Haweenkeenna dhaqankii geddiyay, wawga gaabsadaye

Garaad nimaan lahayn baan ogayn, gaadistii malage
Gugaan manta joogiyo haddaan, gadaha faalleeyo
Gantaalaha wadkii haystay iyo, gamaska mawdkayga
Markuu ruuxa iga goyn lahaa, waa la soo galaye
Inay taasna igu guullan tahay, wawga gaabsadaye

Inkastoon gu’yaal badan cimriga, gelimmo sii joogo
Maraan go’aba mawdkii rabbaa, ii gadaal imane
Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone
Gabnahaa agoontoobiyo, gaariyahaan qabo e
Intaan ciidda hoosteeda gelin, wawga gaabsadaye

Erayada
1-Galgaal: naag aan dhalin oo cayishay. Wuxuu ula jeedaa waa ka guray gabayga. 
2-Gidaad/Gedaad: qoonnsaday oo ka carooday
3-Galaaf: martay, sababay, hor u qaatay.
4-gurbood: dhallaan, carruur, ubad.
5-Galaas: Class  (af Ingriis); dabaqad
6-Gululi: dhammad, sii yaraanaya
7-gooman: waa wadarta goon, waana lafta isha ka korreysa
8—Gabbaro: ammaan, sedo, canshuur
9-Gobaad, Geri: magacayo hasha loo baxsho
10-Galala’; dhawaaq ama qeylo
11-Gooday: la aguugay, la abaabulay
12-Gabraday: wadajir u farfariistay
13-Gucummo: raan ama shaash. Waxaa yeesha libaaxa iyo wixii soo raaca.
14-Guxushaa: weynaaday, sida  guxushaa oday
15-Gooddi: cagajugleyn, dhaar
16-Teed: sarsar; oodda reerka dusha uga oodan
17-Gaafo: kolkol, kalkal, toogo, jilays
18-Gaaf: goob la qurxiyay oo lagu qabto cawayska iyo dheelaaska arooska
19-Giiryaale: fulay
20-Guurshay: hadal meel laga qaado oo meel kale loo raro. Wuxuu ula jeedaa qiimeeyay.
21-Godol: neefka irmaan markuu u diyaar yahay in la liso. Wuxuu ula jeedaa guuyooda irmaanaan karta oo idil.
22-gingimay; buuxshay, cammiray
23-Gedef: qaab wareegsan leh
24-Gamas: hooto dhego leh, waana jaad ka mid ah warmaha.
25-Guullan: xoolaha la aroorshay, habeynkay dhex fariistaan. Wuxuu ula jeedaa igu soo maqan.
26-gelimmo; wadarta gelin waana maalinta barkeed
27-Gudur: hilib jiir ah oo adag

Friday, August 23, 2013

Jaceylka Curtay iyo Midka Aan Curan (Qormo)

Jaceylka ama kalgacalku waa dareen dhab ah waana hibada u qaalisan ee qof bixiyo. Kalgacalka aan dhayilka ahayn ee runta ku dhaadan wuxuu u qeybsamaa labo; kalgacal curtay iyo mid ugub ah ama aan curan. Kan hore waxaa la arkaa marka labo is jamatay ay is helaan oo inta is guursadaan, noloshooda ku idlaystaan ladnaan iyo nolol suubban. Labaadaas ayaankoodu noqday wadaagga jaceylka godlan, si fudud bay uga dhex muuqdaan bulshada waayo oraah caalami ah baa tiraahda: "Qufac iyo kalgacal midna lama qarin kar0". 

 Kan labaad waa kan aan curan, waxaa la arkaa marka qof janto qof kale oo ay dhici waydo inay nolol wadaagaan. Jaceylkaan dambe, waa kan sida weyn la isugu weriyo, taariikhdana gala. Jaceylka ugubka waa mid xakaar badan oo qofka uu haleelaa dhex muquuro nolol kadeed ah oo kaar iyo kaylli badan, dhammaadkana wuu u iishaa ama u waashaa. Waxaa ka mid ah astaamaha jamashada runta; wuxuu qofku seega hurdada iyo xasilloonida, wuxuuna mar walba arkaa hummaagga hal qof waa kuu jantaye, wax kasta oo ku saabsan kuu jeclaaday uun baa maankiisa buuxsha, inta kalana way ka biddaa. 

Sheekooyinka jaceylka ugubka waa tiro badan yihiin, qaarad walbana waa laga sheegaa. Dhanka Soomaalida waa muush sheekooyinka jamashadu, suugaanteedana tilmaamihiisaa ka buuxa. Bal eega, allaha u naxariistee Maansoyahankii Weynaa C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) sida uu u tilmaamay:

Haweeyay hir dooglaay
Hoobaan bislaataay
Hawdkoo caleen loo
Lagu soo hayaamaay

Had maad naftayda
Haweeyay, 
Haqab tiraysaa 
Haweeyay?

Hadima-daadaan
La harsan waayoo
Jaceyl i heeraan
La hugmayayoo
Adaa i hor rooree
Hoog baad naftaan
U hoggaamisoo

Halyey hanqaarmay baan ahoo
Hurdo layga waayoo
Aduun baan hameynkii
Riyo kuugu heesaa

Adaw horreeyaa haweeenkoo
Hablaha ku dhaaftay
Hub-qaadkoo
Waan kuu han weynoo
Adaan ku haybshaa

Ma isu hagar baxaynnaa?
Ma is heli karaynnaa?
Ma is hanan karaynnaa?

Erayada:
1- Hir: muuqaal meel durugsan oo cirka iyo dhulku iska galaan, taag.
2- Hoobaan: miraha dhirta ee bislaaday sida kuwa mareerka ee guduudan.
3- Haqab tiraysaa: baahi tiraysaa, muraadkayga gudaysaa?
4- Hadimo: waxyeello, dhibaato.
5- Heeran: dhibaataysan, waxyeellaysan.
6- Hugmaaya: ka dhex hadlaaya, buuqayaa.
7- Han-qaarmay: heli waayay siduu rabay ama jeclaa.

Thursday, August 22, 2013

Dhalanteed (hees)

Wiilka:
Nimuu dhabarku jaban yahay
Dhaqdhaqaaqi maayee
Sidaan dhawr hameyn qaday
Dhafoorradu i jiidmee
Waa dhaawacagii 
Waxaan la dhuubtee
Markii aan ku dhawraba
Dhib baa ii kordheysee

Gabadha:
Markii hore dhitiyo iyo subag
Dhay baan filaayee
Dhiil maran adoo sida
Dhabta igaga tuurtee
Dharab-orodka xoolaha
Dhurwaagaa ku laayee
Ani dhedo iyo ceeryaamo
Hay oran ka dhaansee
Dhalanteedku waa midaan 
Iga dhaadhaceyne

Wiilka:
Ninkii dhiirranaan jiray
Waqtigaa dhantaaloo
Dhaxaan itaalkay
Anba dhaban adeygoo
Dhudhun iyo lixaadkii
Wax ku dheefi waayee
Hagar kuguma dhaafine
Dhadhaab bay hor yaallee

Gabadha:
Aqal dhinac bannaan yahay
Dhaxan kaama celiyee
Dharaartii aan baahnaa
Igu dhego adeygtee
Dhuubkaa kulay tahay
Kaama helin dhaqaalee
Waa adigii i dhigay meel
Dhamac iyo abaaroo
Dhalanteedku waa midaan
Iga dhaadhaceyne

Wiilka:
Sidii Dheeha geeloo
Dhaameel hawd ka daaqdoo
Dhanihii Bullaaliyo
Dhoobaale joogtaad
Ama tahay dhir canabaad
Dhaayaha u roontee
Wali waan dhur sugayaa
Inaan wada dhammaynnee

Gabadha:
Ninkii dhuubanaayee
Dhabarkiisu muuqdee
Dhoqso loo ogaadaad
Sidii sii ka dhigantee
Hadalkaas dhan-saarka
Kaa dhegaysan maayee
Haddii ay dhab kaa tahay
Dhaar ma ii maraysaa
Mise kala dhaqaaqnaye
Sidaa saan ku dhaafnaa?

Erayada:
1- Dhito: wax la dhigay ama la kaydshay sida caanaha.
2- Dharab-orodka: dharab waa sayaxa ama yaxniga. Haddii xooluhu iyagoo ku faraxsan hadba dhinac ugu yaacaan (dharab-orod) bahalladay halis u yihiin.
3- Dhedo: ceeryaamo culus oo ay adag tahay in wax la arko.
4- Dhantaal: wax isku dubbaridnaa ama isku toosnaa oo la kala tuuro ama la naaqisiyo.
5- Dhadhaab: dhagax culus oo ay adag tahay in la hinjiyo.
6-  Dhuub: xirmo ama wax xoogaa ah.
7- Dhamac: waa dab aad u qaxmay ama shidmay amaba qorrax aad iyo aad u kulul.
8- Dheeha: halkaan waa hal magaceed.
9- Dhaameel: magac geed.
10- Bullaale iyo Dhoobaale: waa ceel-biyoodyo ku yaal dhulka Soomaali Galbeed.
11- Dhaayaha: indhaha ama xubnaha aragga.
12- Dhur sugaaya: ku samraaya ilaa aan helo waxaan sugaayay.
13- Dhan-saar: wax sida dhaliil oo kale ah oo la iska duway oo dhinac kale la saaray.

Tuesday, August 20, 2013

Galleyr Yahow Adaa (hees)

Galawga iyo haaddii
Aar gooni meeraba
Gurxan lagama waayoo
Dhulku waa gariiraa
Adaa qurux gobeed iyo
Haybad gaar ahaaneed
Guulle uu ku siiyoo
Giddigood ku dhaafee

Adaa geesiyoo biqine
Galleyr yahow adaa
Geesiyoo biqine
Dhanbaal gaar ahaaneed 
Gaarsii warkaygoo
Gacantaada uga dhiib

Gudcur dama habeynnimo
Indhahoo aan geed arag
Markaan gaar is iri baan
Raadkeedii gees maray
Gawaan roob ku hooriyo
Geedahoo caleen laan
Gucle-orod ku dhaafoo
Harraad geesta ula dhacay

Adaa geesiyoo biqine
Galleyr yahow adaa
Geesiyoo biqine
Dhanbaal gaar ahaaneed 
Gaarsii warkaygoo
Gacantaada uga dhiib

Tilmaan gaara qaadoo
Yaanu kaa gadmanine
Guriga ay ku nooshahay
Waa kan geedka weyn lee
Ha gilgilin albaabkee
Gacal baa ilaalshee
Xiddigaha garkoodiyo
Guudka uga soo dego

Adaa geesiyoo biqine
Galleyr yahow adaa
Geesiyoo biqine
Dhanbaal gaar ahaaneed 
Gaarsii warkaygoo
Gacantaada uga dhiib

Monday, August 19, 2013

Sida Afka Soomaaligu Isu Kaydiyay

Muran kuma jiro inuu da' weyn yahay, in kastoo aannaan wali arag tilmaamo muujinaya in waayo hore la qoray, haddana waa la tuhunsan yahay inay jireen marar la qoray. si kastaba ha ahaatee, afkaani wuxuu leeyahay hodontinimo yaab leh, waxaana ka mid ah sida xeeladaysan ee uu isu kaydiyay. Waxaan hoos ku muujinaynnaa erayo isku lammaan oo hab-dhac suugaaneed leh:

Shaqallada 
A, E, I, O, U:
Af iyo addin (qof kuu hadlaya oo kula hawl gelaya) 
Abaar iyo aaran 
If iyo aakhiro 
Arrin iyo adduun
Ajar iyo abaal
 Il iyo oof
 Il iyo ishaaro, 
Abaar iyo ooda-lul 
Oon iyo omos
Aayo iyo ayaan
Ab iyo isir 
Ab iyo abti
Omos iyo abaar 
Axan iyo agas (xoolahaa lagu haaraamaa)

Shibbanayaal
B:
 Bad iyo berri
Buur iyo bannaan
Bur iyo bahal
Bog iyo beer
 Biyo iyo baad
 Bar iyo buuryo
 Bari iyo bogox
 Bash-bash iyo barwaaqo
 Belaayo iyo baas
 Baad iyo barwaaqo

T
Tiro iyo tayo
 Togane iyo tabane
 Tix iyo tiraab
 Talo iyo tacab
 Tuur iyo tarbiico
 Talo iyo tusmo
 Tol iyo taag
 Tamar iyo tanaad
Tiro iyo tammuux
 Tiiraanyo iyo taws

J:
 Juuq iyo jaaqla'
 jin iyo jaan
 Jiif iyo joog
Jiir iyo jibaad
 Jaan iyo jiib

X
Xidid iyo xigaal
 Xoog iyo xawo
 Xeer iyo xaagaan (xeer hoosaadkii)
 Xin iyo xaasid
 Xilo iyo xoolo
 Xan iyo xamxam
 Xas iyo xajiin
 xalaal iyo xaaraan
 Xuf iyo xaf
 Xayo iyo xishood
 xoog iyo xeelad
 xawli iyo xawaare

KH:
 Khayr iyo khaatumo
 khaakh iyo khuuro

S:
 Soon iyo salaad
 Silic iyo saxariir
 So' iyo saan
 Samo iyo sareedo

SH:
 Sheeko iyo shaahid
Shib iyo shaamareer
 Shar iyo shayddaan

DH:
 Dheg iyo dhaban
 Dhib iyo dheef
 Dhur iyo dhaqan
Dhab iyo dhayal
 Dhidid iyo dheecaan
 Dhagar iyo dhiig
 Dhul iyo dhallaan
 Dhalaal iyo dhalanteed

C:
Cidla’ iyo ciirsila'
 Calaf iyo cawo
 Ciil iyo caro
 Col iyo cadaawe
 Cood iyo caano
 Carruur iyo cirroole
 Ceeb iyo caari
Cir iyo caad
 Cilmi iyo caado
 Candho iyo caano

G:
 Garre iyo guntane
 Godol iyo gaadiid
 Garab iyo gaashaan
 Gun iyo gob
 Gar iyo garowshiinyo
 Guul iyo gabanimo

F:
Faan iyo foodho
Faq iyo fagaare
Ficil iyo falaad
Far iyo fool
Fud iyo faar
Furuq iyo fanto
Fuulmo iyo fara-ku-hayn

Q:
Qoob iyo qaylo
Qurun iyo qashaabiir
 Qulub iyo qasaawesel
 Qur iyo qoon
 Qadaf iyo qallooc
 Qab iyo quursi
 Qosol iyo qoonsi
 Qabno iyo qooroole (qabno: xoolo, mag degdeg ah oo xeryaha laga soo gurayo, si hadhow loogu qaybsado qoorole)

K:
kaaf iyo kala-dheeri
 Kor iyo kal
 Kun iyo kaakac
 Kur iyo kaafaan
 Kab iyo karin
 Kud iyo kabbax
 Kud iyo kaare
 Kar iyo kulayl
 Koore iyo karbaash
 Kac iyo kuf
 Kadab iyo kimis
 Kaar iyo kulayl

L:
Laf iyo lud
 Lag iyo laguug
 Lur iyo leeleel
 Lug iyo laan
 Laac iyo labeen
 Lis iyo laga-lulay
 Luuf iyo laacdan
 Laab iyo lubbi

M:
Magac iyo muunad
 Magan iyo mooro
 Mug iyo maax
 Muddac iyo muddaacaleyhi
 Muruq iyo maal
 Magac iyo manfac
 Milge iyo maamuus
 Marriin iyo masruuf
 Madax iyo minjo
 Muuq iyo maqnaan
 Marwo iyo mudane

N:
Naq iyo negaadi
 Naq iyo nabaad
 Nabsi iyo naqsi (nabsi iyo tar-sheegasho, nabsi iyo wisin aabbe galay)
 Nabad iyo nolol
 Naf iyo nacfi
 Neecaw iyo naruuro

W:
Wadaad iyo waranle
 Wadaad iyo wabiin
 War iyo wacaal
 War iyo waayaale
Werwer iyo walaac
 Wir iyo wiirsi
 Wed iyo wadeeco
 Wahan iyo wareer
 Wiil iyo walaal
 War iyo weer-san

H:
Hiif iyo haaraan
 Hayal iyo heemaal
 Habar iyo habeynkeed
 Haad iyo haanraawe
 Hoog iyo halaag
 Hiil iyo hoo
 Hadal iyo hawraar
 Hungo iyo habaas
 Hunnu’-hunnu’ iyo hadal

Y:
Yuug iyo yamaanyuug
 Yur iyo yal
 Yaab iyo yaabkiis
 Yoon iyo yeer
 Yulqan iyo yooyootan
 Yabooh iyo yaahdin

Waxa jirta bad kale oo iyana tan la halmaasha, hase yeeshee ka yar duwan marka la eego dhanka qaafiyadda, waxana tusaale loo soo qaadan karaa:

Sal iyo baar
 Kal iyo laab
 Gun iyo baar
 Sal iyo raad
 Sir iyo caad
 Yar iyo weyn
 Kas iyo maan
 Xumaan iyo samaan
 Dab iyo naar
 Baga iyo kama'
Mas iyo kala-maan
Gar iyo xoog
 Ul iyo diir
 Hoodo iyo ayaan
 Khayr iyo barako
 Dameer iyo labadiisa daan
 Cidliyo ciirsila'
 Tin iyo cirib
 Far iyo suul
 Il iyo baal
 Kab iyo xaarkeed
 Tab iyo xeel
Dan iyo xarrago
 Dhif iyo naadir
 Dan iyo hadal
 Weger iyo ka-waasacan
 Car iyo wir
 Run iyo been
 Qaraar iyo macaan
 Amakaag iyo yaab, iwm.

Xeerka Tolka S/liyeed ee Ciisaha si aan loo illoobin ama aanu u lumin qodob walba wuxuu ku fadhiyaa maahmaah lagu xasuusto. Tusaale ahaan, haddii ay lab iyo dheddig gogol-dhaaf sameeyaan, waxaa Xeerka Ciisaha lagu yiraahdaa "xayn gogoli, xeer ma leh", halka haddii uu nin qabsado gabar laga takooraayo inuu guursado gabar Ciise ah, ninkii gabadhiisa siiya kii wax qabasadayna la ganaaxaayo 15 halaad oo dhogor ah.